-
Content Count
209,210 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – War ka soo baxay wasaaradda arriimaha dibadda Mareykanka ayaa ugu horreyn waxaa looga hadlay socdaal uu shalay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda dalkaasi u qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale ku yimid gudaha magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso warbixinta ka soo baxday xafiiska afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka: Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre kula kulmay magaaladda Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan Isbedelka siyaasadda, horumarinta shaqaalaha iyo dadaalladda xasilinta ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee dhinacyadda siyaasadda iyo nabadda Soomaaliya iyo dadaalka shirarka ee xaaladaha deyn cafinta Soomaaliya, si loo bilaabo in Soomaaliya loo ogolaado inay amaah ka qaadan karaan hay’adaha maaliyadda ee caalamka. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay rajada dowladda Mareykanka ee ku aadan inay doorasho lagu kalsoonaan karo oo nabad leh ka dhici doonto dowlad gobaleedka Jubbaland dabayaaqada bishan August. Waxa kale oo dhiirogeliyey horumarka geeddi socodka ee horseedi karta inay doorasho hal qof iyo hal Cod (one-personand one-vote ) ee doorashadda Qaranka ee Soomaaliya ka dhici doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, Moroan Oragus waxaa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Khayre isku raaceen qiimaha howlgalladda ammaanka ee lagula wareegayo deegaanadda ay Al-Shabaab maamulaan iyo u diyaar-garowga ciidanka Soomaaliya, si ay AMISOM ugala wareegaan howlaha nabadda iyo deganaanshaha guud ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Burco) Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ku Guul Daraystay Inuu Sharciga Mariyo Dablaydii Weerarka Ku Qaaday Badhasaabka G Togdheer Todobadkan Gudihiisa Waxaa Gobolka Togdheer Ka Dhacay Dhacdo Ugub Ku Ah,Taas Oo Ahayd Dablay Weerar Ku Qaaday Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Taliyaha Ciidanka POLICE. Arintan Oo Ahayd Isku Day Dil Ayaa Dhalisay Hadal Hayn Badan Waxaana Laga Dhur Sugaayey Talaabada Ay Masuuliyiinta Gobolka Togdheer Kaga Falceliyaan Dhacdadani Foosha Xun, Balse Nasiib Daro Maamulka Gobolka Togdheer Ayaa Ku Fashilmay Inuu Talaabo Ka Qaado DABLAYDII Weerarka Ku Qaaday Masuuliyiinta Gobolka,Mana Jirto Ilaayo Hada Cid Loo Soo Qab-Qabtay Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Diiday Inay Warbaahintu Xafiiskiisa Soo Gasho Isaga Oo Xushay Qaybo Kamida Warbaahinta Halka Kuwo Kalana Uu Diiday Inay Xafiiska Soo Galaan ,Isagoona Baqdin Ka Qaba Inay Warbaahintu Su,aalo Ka Weydiiso Weerarkii Lagu Qaaday Xildhibaan Janaale Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Isla Markaana Deegaan Ahaan Kasoo Jeeda Deegaanka Lagu Weeraray Badhasaabka Ayaa Sheegay In Badhasaabku Deg Degay Isla Markaana Aanu Waxba Kala Socodsiin Daminta Xaalada Ka Jirta Deegaamaysiga Cusub,Taas Oo Muujinaysa Inay Gobolka Togdheer Ku Habsatay Maamul Xumo Baahsani,, Weerarkii Lagu Qaaday Badhasaabka Ayaa Sababay Waxyeelo Lasoo Gaadhsiiyey Gaadiidkii Dawlada Ee Ay Wateen Qaar Kamida Maamulka Gobolka,Waxaana Muuqata Inay Wiiqantay Awoodii Maamul Ee Gobolka tan Iyo Intii Xilka Badhasaabnimo Loo Magacaabay Badhasaab Xamse Source
-
Muqdisho (SMN) – Kiiska loo heystay Andrew Brain Irlam oo ahaa muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. View the full article
-
(SLT – Hargeysa) – Xildhibaanada golaha wakiilada ugu jira gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ayaa ka baxay fadhigii golaha wakiilada ee saaka. Xildhibaanada oo qaarkood warbaahinta la hadleen waxay sheegeen inaan doorasho la qabanayn deegaanadooda ilaa xal laga gaadho heshiiska saami qaybsiga kuraasta wakiilada. Gobalada Awdal, Sool iyo Sanaag bari waxay ku leeyihiin golaha wakiilada saddex iyo labaatan xildhibaan oo kaliya. halka gobolada, Sanaag, Saaxil, Togdheer, Maroodijeex oo beel kaliya degantahay ay leeyihiin Sagaal iyo konton xildhibaan. Fadhiga saaka waxaa lagu ansixinayay heshiiskii saddexda xisbi ka gaadheen arrimaha doorashooyin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska loo heysto Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaas oo lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka. Sidoo kale waxa ay maxkamadda gobolka Banaadir sheegtay in Andrew Brain lagu waayey labo ka mid ah qodobadii lagu soo eedeeyey. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka ah. Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Andrew Brain Irlam ayaa sidoo kale dhalasho ka heysta dalka Faransiiska, waxaana uu la shaqeyn jiray shirkadda SKA oo mar gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa la istaajiyey wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kaas uu ra’isul wasaaraha DF ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daahfuray 24-kii bishii June 2019-kii. Hawsha oo bil socotay, lagana bilaabay taliska ururka 60-naad ee ilaalada madaxtooyada ayaa si lama filaan ah loo istaajiyey iyada oo aan la sheegin sababta iyo weliba haddii dib loo bilaabayo iyo in kale. Ujeedka wejigan waxaa uu ahaa in la gaaro in ka badan 30 kun oo ciidan ah, oo inta aan la istaajin waxaa shaqo loo qabtay uun 130 askari. Sida ay Goobjoog News u sheegeen ilo xog-ogaal ah, wejiga 2-aad ayaa uu ahaa mid xaqiijin ah isla markaana wax badan looga ogaanayo askariga, caafimaadka, qoriga iyo guud ahaan xaaladiisa, waxaa uuna daba socdaa wejiga 1-aad ee ahaa , tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda Bankiyada. Haddaba, Wejigan Maxaa La Qaban Lahaa: Wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, waxaa loogu talo-galay inuu socdo 6 bil, waxaana lagu tagi lahaa dhammaan xarumaha iyo talisyada kala duwan ee ciidamada si loo hubiyo 1. Inuu askariga ku jiro habka casriga ah ee biometric. 2. In wasaaradda Maaliyadda diiwaankeeda uu ku jiro. 3. Diiwaangelinta hubka iyo cidda leh, shakhsi, beel mise NISA. 4. Caafimaadka askariga oo la baarayo si loo ogaado xaaladda caafimaad. 5. Shaqada iyo Shaqaalaha: Waxaa lagu daray in marka la marsiiyo dhammaan imtixaannada loo baahnaa, lana xaqiijiyo qeybaha maaliyadda iyo caafimaadka, go’aan laga gaaro shaqadiisa, waxaa la ogaaday iney jiraan qaar da’a ah oo is yareeya, qaar hawl-gab ah oo shaqada ku jira iyo qaar kale oo sheegta garaado iyo arrimo kale oo been ah. Mashruucan ama wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka oo ay maalgeliyeen hey’ado caalami ah, kuna xiran qaabeynta ciidamada xoogga dalka ayaan la isweydiinayaa sababta loo istaajiyey, ilaa hadda taliska xoogga dalka, madaxtooyada ama xafiiska ra’isul wasaaraha ma jirto cid ka hadashay, oo sida daahfurkiisa loo shaaciyey, looma shaacin sababta loo istaajiyey? Ma fashilmay mise dib ayaa loo bilaabaa? Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT – Hargeysa);- Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Simbabwe Ropert Mogabe ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid liidatay,waxuuna kujiraa cisbital kuyaala Dalka Singapore, halkaasi oo ay dhigtay Dowladda Dalkaasi Zimbabwe. Hoggaamiyaha talada dalkaasi haye ee Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Mogabe muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalkaasi Singpore,wuxuuna intaasi ku daray in uu wanaagsan yahay uuna jawaabi karo. Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in xanuunka haaya aan weli shaaca aysan ka qaadin dhaqaatiirta,wuxuu ku ammaanay 95 jirkan Mogabe in uu yahay aabihii dhisay qaranka dalkaasi Simbabwe. Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in uu u baahan yahay nasiinyo dheeraad ah iyo in la ilaaliyo,Emmerson Mnangagwa madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Zimbabwe ayaa bishii April wuxuu sheegay in uusan dhaqaaqi karin Mogabe sababo laxiriira jiro iyo Da’da oo isku bahaystay. Hay’adaha caafimaadka dalka Zimbabawe ayaa la sheegayaa in uu gaabis iyo bur bur ku yimid adeegooda caafimaad, inta badana dadka xanuunka ku soo booda ayaa loo qaada dibadda,sida south Afrika oo ay deris yihiin,balse Ropert Mogabe noloshiisa inta badan waxa uu caafimaadkiisa ku soo baari jiray dalka Singpore. Source
-
(SLT – Muqdisho):- Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa maata markale u fariisatay dhagaysiga Dacwad Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Andrew Braian Irlam oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde). Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka. Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa soo bandhigay dhawaan 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan u fariisatay Kiiska Andrew Braian Irlam,kaasi oo la qabtay isaga waday Agab Ciidan kana dhoofin rabay Gegida Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Source
-
(SLT – Hargeysa):- Magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa xalay markii labaad soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan. Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland. Kornaylka kooxdan hoggaaamiya ayaa weerarka hore sheegay in jabhaddiisu fulisay. Source
-
Goobjoog Sports waxa ay aqristayaasheeda sharafta badan usoo gudbinaysaa dhacdooyinkii ee dhacay bisha July 2019,iyadoo aan horay idinla wadaagnay bilihii lasoo dhaafay waana tariikh ku cusub bahda ciyaaraha. 01-July 2019-Maamulka koxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xilkii macallinimo ka qaaday tababarahoodii reer Uganda Mbalangu Xuseen,isagoo kooxda hogaaminayay tan iyo 2015 wuxuuna la qaaday hal horyaal oo aan laga badin 2016 iyo koobabka kala ah Jeneraal Daa,uud 2018 iyo Somalia Super Cup. 02-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan futsal oo u socday waaxyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir u soo xeray waxaana koobkan fiinaalihiisa wada dheelay waaxyalaaha Towfiiq iyo Horseed waxaana koobka hantay dhallinyarada ka socotay waxaada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid. 03-July 2019-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sanadkii 3-aad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier,ka dib markii kulankii ugu danbeeyay horyaalka ay 3-2 kaga badisay xidigaha dowaladda hoose ee Muqdisho City Club wuxuuna labada dhinac kulamadoodii u danbeeyay horyaalka. 04-July 2019-Kooxda ciidanka booliska Soomaliyeed Heegan ayaa u safartay dalka Ruwanda wuxuuna yoolka socdaalkaas ahaa ka qeyb galka tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa Kigame Cup 2019. 05-July 2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo bahda ciyaaraha kubbadda cagta ayaa si wanaagsan u macsalameeyay macallinkii hore naadiga Muqdisho City Club Hussein Blangu Hassan kaas oo u dhashay dalka Uganda,ka dib markii uu ka tagay laylinta kooxda dowladda hoose ee Xamar,wuxuuna dalka ka shaqaynayay mudo shan sano ah,isagoo aad ugu mahad celiyay bahda ciyaaraha Soomaaliya. 06-July 2019-kooxda Heegan ayaa kulankii 1-aad ciyaartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee (Cecafa Kigame Club) waxayna kulankii 1-aad guuldaro 2-0 kasoo gaartay Green Eagles oo ka dhisan Zambia. 07-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan kbadda cagta ah u furay dhallinyarada Brakacayaasha ee degmada Kaxda,si loo dhiri geliyo xirfadlayaasha barkacayaasha ee ku nool Gobolka Banaadir. 08-July 2019-War saxaafadeed kasoo baxay maamulka kooxda Heegan ayaa lagu shaaciyay in Amina Amase oo u dhashay dalka Ghana loo magacaabay tababaraha 1-aad waxaana naadiga hogaaminayay Cusman Yusuf. 09-July 2019-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu gacan ka gaysaneyso dhismaha garoonka kubbadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo guddiga dhismaha garoonka ayaa Khayre kaga mahad celiyay dhaqaalaha uu ugu deeqay waxaa cadadka lacagta lagu sheegay 150.000$. 09-July 2019-Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda cagta Soomaaliya. 10-July 2019-Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallin Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay wadanka Tuniisiya,wuxuuna jagadan ka badalay Mbalangu Husein . 11-July 2019-Kooxda Heegan ayaa ka hartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ee ka dhacay dalka Rwanda waxaana saddex ciyaarood ay dheeleen laga dhaliyay 8-gool,iyadoo laga wada badiyay dhamaan kulamadii ay ciyaareen waxaana ka adkaaday kooxaha kala ah Green Eagles,Proline FC iyo Apr. 12-July 2019-Maamulka kooxda Elman ayaa kulan mahad celin iyo baraarjin la qaatay ciyaartooyda,ka dib markii ay xidigahoooda ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee kala sareynta horyaalka 2018-2019. 13-July 2019-Maamulka kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda oo markii saddexaad oo xariir ah ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League waxaana shaqaalaha,taageerayaasha iyo maamulka ay dabaal dag sare ku qaateen garoonka Banaadir ee degmada Cabdicasiis. 14-July 2019-Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose waxaana macallinka reer Tuniisiya loogu warbixiyay horomarka naadiga iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo aadan. 15-July 2019-Shan sano ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa qaatay tababarkoodii ugu horeeyay ee macallinkooda Maxamed Mestiri Lamjed,iyagoo inoo sheegay in ay la qabansandeen falsafada tababarahooda reer Tuniisiya. 16-July 2019-Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay horomarka kooxaha dalka maadaam Dekdda,Heegan,Muqdisho Cit Club iyo Horseed ay sanadkan ka qeybgaleen tartamada kale duwan ee qaarada waana markii ugu horeesay burbrukii dalka ka dib talaabadan,iyadoo ay ka shaqeeyeen X.K.Cagta. 17-July 2019-Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalay 500 ciyaartooy oo da’d kala duwan,iyagoo kala matalay 32-koox oo kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir. 18-July 2019-Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa.19-July 2019-Naadiga Muqdisho City Club ayaa soo dhawaysay ka qeybgalka tartanka kooxaha CAF Confedration waxayna laba kulan la ciyaaraysaa kooxda Milindi Sports Club oo ka dhisan Zanzibar. 20-July 2019-Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar oo ka qeybgalay ciyaa ka tirsaneed tartanka kubbadda gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa sheegay dowladda in ay ku da’daalayso xoojinta horomarka iyo kobaca isboortiga Soomaaliya,si loo tiigsado horomaradii guulaha ee la gaaray 2018. 21-July 2019-Bahda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Xubnimada xiriirka kubbadda cagta Qaraada Africa ee Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab,iyagoo u rajeeyay in uu sii sameeyo horomar kale. 22-July 2019-Xiriirka kubbadda cagta ayaa xerada farsamada garoonka Jaamacadaha ku xareeyay dhallinyarada 15-jirada ee matalaysa xulka qaranka kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka bariga iyo baratamaha. 23-July 2019-Agaasimaha farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cawil Ismaaciil Maxamed iyo kaaliyihiisa Maxamed Cabdulle Farayare ayaa shaahada tababarnimo gudoonsiiyay macallin Daadir Amiin. 24-July 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle ayaa degmada Buula Bude ka daah furay tartan u dhaxeeyay 10-koox oo ka dhisan degmada wuxuuna wasiirka sheegay in dhamaan maamulka loo qabandoono tartamo kala duwan,si dhallinyarada ay usoo bandhigaan xirfadooda. 25-July 2019-Wafdi uu hogaaminayay macallinka kooxda jaalayada Soomaaliyeed ee dalka Australia Cali Xuseen ayaa magaalada Toronto ee wadanka Canada u tagay ka qeybgalka tartan ciyaareed lagu xusayay Legend Cabdullahi Xasan Salaax (Macallin Tuke) oo lixdankii sano lasoo dhaafay ku jiray isboortiga Somalia. 26-July 2019-Kooxda Heegan oo ka mid aha naadiyada u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa u laabatay horyaalka heerka 2-aad waxaana horay u xaqiijiyay naadiga Himilo FC. 27-July 2019-Xulalka Soomaaliya Iyo Uganda oo wada ciyaaray kulanka kowaad ee tartanka African Nations Championship ayaa waxaa ciyaartaas 3-1 ku badiyay wiilasha xulka Uganda,iyagoo lagu dheelay dalka Jabuuti. 28-July 2019-Maamulka Kooxda kubbada Dekedda ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka CAF Champion League,iyagoo labo kulan la dheelidoono naadiga reer Masar ee Zamalek. 29-July 2019-Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bahda kubbadda cagta Soomaaliya kaga mahad celiyay garab istaaga iyo dhiiri-gelinta ay u muujiyeen,ka dib markii uu isla bisha July mudo dheer ka dib uu xaqiijiyay guddiga fulinta Xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF. 30-July 2019-Xulka da’yarta 15-jirada ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo la ciyaaray iskuuulka Daaru-Tarbiya oo kaalinta 2aad ee kala horeynta kaga jira tartanka iskuuulada ee Youth League 2019 wuuxuna kulanka ka dhacay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan,iyadoo kulankaa ay daawashadiisa soo xaadireen madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,si ay dhiiri-geliyaan dhallinyarada Xulka Soomaaliya. 31-July 2019-Madaxwaynaha Puntland DR.Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhaggax dhigay Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe,Mr.Saciid Deni wuxuuna balan qaaday in guddiga dhismaha garoonka ay ku taageeridoonaan 100, 000 dollar,si dhallinyarada Puntland ay helaan goobo casri ah ay ku ciyaaraan,xiriirka kubbadda cagta Puntland ayaa talaabadan kaga mahad celiyay madaxweyne Saciid Deni. Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinkii Bisha July 2019 Oo Muuqaal Ah W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhowaan fuliyey amarka Xooggaga Al-Shabaab ee tegay deegaanada ay maamulaan. Taliye Gadaar ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. “Odoyaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaanada maamulkaasi inay qaataan awaamiirta Al-Shabaab, isaga oo xusay in cidii qaadata aysan ku soo laaban doonin deegaanada Galmudug. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii Al-Shabaab bartamihii bishii hore ee Jula ay soo saartay digniin ka dhan ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo u qabatay inay isku soo diiwaan geliyaan muddo 45 cisho ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Waxaan daah ku daboolnayn in Qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir laba todobaad k hor uu ahaa mid qorsheysnaa oo Dad badan wax ka ogaayeen [...] Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug xalay ay ku qaaday ciidamada maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay Jabhaddani oo la magac baxday Xoreynta gobolka Sool la beegsatay xarunta qeybta Booliska ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee maamulka Somaliland. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah oo socday muddo hal saac ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in dableydii weerarka qaaday ay isaga laabtay halkaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii ay isla jabhaddani weerar ku qaaday xerada Buurta Sayidka oo ay dagan yihiin ciidamada maamulka Soomaaliland, taas oo ku taalla duleedka magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Johannesburg (SMN) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah. View the full article
-
Dab Ka Kacay Xarumo Ganacsi Oo Ku Yaalla Magaalada Kismaayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dab sababay khasaare hantiyeed ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidey inoo sheegeen goob-joogayaal, xarumaha dabkan uu ka kacay ayaa ku yaalla nawaaxiga aargada magaalada Kismaayo, wuxuuna ka dhashay koronto ka kacday mid ka mid ah xarumahaasi. Ganacsatadii kale ee halkaasi ka dhowaa ayaa bilaabay iney alaabtooda kala baxaan goobahooda ku dhowaa halkaasi. Kooxaha dab-damiska oo gaaray halkaasi ayaa ugu dambeyn ku guuleystay iney damiyaan dabkan oo kusii faafi lahaa meello kale oo hor leh. Weli ma jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi, waxaana socda tirakoob ay ganacsatadu waddo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo xalay ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Siinka-Dheere ee duleedka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyar, kuwaas oo qaar kood la sii daayey, kuwana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ujeedka howlgalladani ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu xaqiijinayey amniga deegaankaasi. Ibraahim Colow Cali oo agh guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka deegaanka Siinka-Dheere ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Howlgal.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika. Shirkaasi waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika,kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba. Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan. “Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalkaasi Koonfur Afrika ayaa dalkaas gaaray maalin ka hor iyadoona soo dhaweeyeen Madaxada Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa,waxaana ay la yeeheen kulamo is xog wareysi ah. Source: goobjoog.com
-
Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan waxgaradkii dhowaan u tagay Al-shabaab, si loo diiwaangeliyo. G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybtan, ayaa sheegay in waxgaradkii iska soo diiwaangeliyey Al-shabaab ay fuleynimo u geysay, balse iyaguna u aqoonsan doonaan iney Al-shabaab ka mid yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa uga digay waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug, iney aadaan deegaannada Al-shabaabka maamulaan. “Odoyaashii u tagay Al-shabaab waxaan u aragnaa iney ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doonno” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab ayaa dhowaan waxay soo bandhigeen waxgarad badan oo ay sheegeen iney ahaayeen kuwii wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana ay cafis u fidiyeen, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen amniga doorashada Jubbaland. Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo taliyaha ciidanka AMISOM oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa isku raacay in Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland lagu wareejiyo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aqbalay in doorashada lagu qabto xarumta QM ee ku taalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhooweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn aqbalay in doorashada lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Saacadaha soo socdo ee maanta ayey ciidamadani la wareegi doonaan goobaha doorashada, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo laga dareeyamayo gudaha magaalada Kismaayo. Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta. Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga doorashada Jubbaland. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan August, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dowladda Qatar, ayaa sida la sheegayo dabada ka riixaysa musharrax lagu magacaabo, Cabdinaasir seerar oo u taagan doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, si ay meesha uga saarto, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale u tartamaya doorashada Jubaland. Warbaahinta Qatari Leaks oo xiganaysa ilo’ xog-ogaal ah oo aysan magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Qatar ay musharrax Seeraar taageero dhaqaale u soo maraysay, Kusimaha hay’adda hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran (NISA) Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir, si ay xasarad uga dhaliso doorashada Jubaland. Sidoo kale, Qatari Leaks waxay sheegtay in dowladda Qatar ay qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya lacago badan ku siisay, si ay borobagaandho uga faafiyaan doorashada Jubaland. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in uu xiriir hoose ka dhexeeyo musharrax Seeraar, Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, dowladda Qatar iyo Al-shabaab, ayna ka midaysan yihiin, in ay qalalaase ka abuuran doorashada Jubaland. Qatar ayaa sida warbixintu sheegayso, waxay doonaysaa in Kismaayo dagaal ka qarxo, dabadeedna musharrax Seeraar ay u suurta-gasho in uu qabsado qeybaha kamid ah magaalada, si AMISOM loo kala dhex-dhigo dhinacyada dagaallamaya oo meesha looga saaro awoodda ciidan ee Axmed Madoobe. Hoos ka akhriso warbixinta oo English ah PUNTLAND POST The post Afar qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco appeared first on Puntland Post.
-
Andrew Brain Irlam oo ah muwaadin u dhashey Dalka Britain ayaa maanta Maxakamadda gobolka Banaadir go’aan kama dambeys ah ka gaartay,kadib markii lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. PUNTLAND POST The post Maxakamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Britain appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee waddanka Simbabwe Ropert Mogabe oo mudda 4 bilood ah isbitaal ku yaalla dalka Singpore ugu jira xanuun la soo darsay ayaa haatan xaaladdiisa laga dayrinaya. Madaxweynaha hadda haya talada Simbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in Mogabe uu muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalka Singpore, islamarkaana ay xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso oo uu hadli karo. Mr Emmerson ayaa sheegay in xanuunka haya madaxweynihii hore Ropert Mogabe aysan weli dhaqaatiirtu shaacin balse ay caddeeyeen in xaaladdiisu soo ka soo raynayso. Dhaqaatiirta gacanta ku haya ayaa laga soo xigtay in Mogabe u baahan yahay xannaano fiican iyo nasniin dheeraad ah si loo baxnaaniyo xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Simbabwe oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan illaa Al-Shabaab laga saarayo gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in labo jibaarayan dagaalkooda, si looga adkaado gabi ahaan Al-Shabaab. DF ayaa wada qorshe ay saldhig weyn uga furaneyso Baardheere, kaas oo la doonayo in laga fuliyo howlgalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Popular Contributors