-
Content Count
209,210 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (SMN) – Wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo oo malamahan ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa ka hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida madaxtinimada maamulka Jubbaland. Guyo ayaa sheegay in IGAD ay ku baaqayso in doorashadda Jubbaland ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo dhamaan reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin. Ergayga IGAD ayaa maanta kulan kula qaatey magaaladda Kismaayo xildhibaano kuwaas oo kala hadlay sidii doorashada Jubbaland ugu qabsoomi laheyd si nabadgelyo ah, oo loo dhan yahay ka qeyb galkeeda. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida doorashadda Jubbaland, waa muhiim inay codbixinta noqoto mid hufan oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” ayuu yiri Maxamed Cali Guyo. Ergega IGAD ayaa tagey Kismaayo Isniintii lasoo dhaafay, waxaana uu kulama la qaatey mas’uuliyiin kala duwan, oo uu ku jiro Axmed Madoobe, Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaadey ee maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka bishan August, waxaana ka soconaya magaaladda Kismaayo olole xooggan oo ay musharaxiinta ugu jiraan inay ku guuleystaan tartanka xilka ugu sareeya ee maamulkan. Axmed Madoobe oo tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 2013-kii Madaxweyne ka ahaa maamulkan ayaa hadda u tartamaya xilka mar 3aad, waxaana Musharrixiinta kale ku eedeeyeen inuu afduubtay hanaanka doorashada Jubbaland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar. Waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Awdheegle (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Milatariga Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo weerar ku qaaday degmadaasi ayaa si buuxda ula wareegay, kadib markii ay ka saareen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in haatan ciidamadu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan halkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. Gaariga oo deyno ahaa, islamarkaana Qudaar siday ayaa la sheegay in Miino ay la kacday, xilli uu ka soo ambabaxay deegaanka Mubaarak, kuna soo jeediyey degmada Awdhiigle oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhawaacmeen 2 kale oo ka mid dadkii la socday gaarigaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(SLT – Hargeysa) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanku uu si wada-jir ah uu Hal Cod ugu cambaareeyo nacaybka iyo waxa loogu yeedho ‘Sarraynta Caddaanka ama sarraynta dadka Caddaanka ah ee Maraykanka’. Madaxweynaha ayaa sidan soo jeediyey, ka dib markii toogashooyin Xidhiidh ahi ay Toddobaadkan ka dhaceen Gobollada Maraykanka qaarkood, Toogashooyinkaasi oo sababay dhimashada 30 Ruux. “Xanuunnada Maskaxda iyo Nacaybka ayaa keenaya (Weerarradan)..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump, “Laakiin maaha Hubka” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo u duur-xulaya Dadka u ololeeya in Dadka rayidka ah laga mabnuuco haysashada Hubka, maaddaama oo Weerarrada ay Dadka Rayidka ahi geystaan ku soo badanayaan. “Waxa waajib ah in Qarankeenu uu Hal Cod ku cambaareeyo Nacaybka, Sinaan la’aanta iyo Sarraynta Caddaanka..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo Isniintii oo uu Qaranka Maraykanka u jeediyey hadal ku saabsan Weerarro Daraad ka dhacay Gobollada Texas iyo Ohio. Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in la dilo Dadka sameeya Falalka Cunsuriyadda ah, sida uu baahiyey Wargeyska The Independent. Source
-
Madaxweyne Biixi Oo Warqad U Diray Boqorka Sucuudiga Boqorka Sucuudiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku daray martida boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga taas oo uu ugaga mahadcelinayo martiqaadka kuna xusayo xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga. Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Biixi warqadda ku sheegay in Somaliland tahay dal madax bannaan isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta iyo qarannimada Somaliland sidaas awgeedna loo soo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, in loo sameeyo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho boqorka Sucuudiga. Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay in aanu martiqaadka Boqorka ku tagi doonin xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday. Boqortooyada Sucuudiga ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka soo bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland. Xigasho: Geeska Afrika Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-06082019.mp3 View the full article
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada 21-aad ee xoogga dalka ayaa isaga baxay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu ka socdo Shirka Beelaha Habargidir. Ciidamada 21-aad oo markii hore sugayey Ammaanka Magaalada ayaa isaga baxay kadib markii la sheegay inuu amar kaga yimid Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ciidamada isaga baxay Magaalada Hobyo ayaa la sheegay inay wateen illaa 3 gaari oo kuwa dagaalka ah waxayna maalmihii dambe sugayeen Amniga Magaalada oo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala socdo Beelaha Habargidir iyo Xildhibaano labada aqal ah. Markii ay Ciidamadaas ka baxeen Magaalada Hobyo ayaa waxaa durba la wareegay ciidamo u abaabulan hab Beeleed. Ciidamada la wareegay Amniga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan Beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana Magaalada soo gashay illaa 13 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan. Dowladda Soomaaliya ayaa shirka Hobyo u aragto inuu yahay mid cabaqad ku ah danaha ay ka leedahay maamulkaas, waxaana ciidamada 2-aad cadaadis lagu saaray inay isaga baxaan Magaalada. Shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa shalay galay wajigiisa labaad, waxaana shirka ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada aqal. Qaar ka tirsan xildhibaanada shirkaas ka qeybgalayo ayaa horey u sheegay inuusan shirka diidadeen midka Dhuusamareeb ka dhici doono balse ay sii diyaarsanayaan qodobadii ay shirkaas la tagi lahaayeen. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa muddo 45 ah ku bixiyey deegaanada Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug lagu mideysan yahay inkastoo beelaha qaar ee halkaas dago ay diidan yihiin kuna eedeeyeen dowladda inay faragelin qaawan ku heyso maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Hobyo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu daah furayay xarunta uu magaalada Muqdisho ka furtay Bangiga Daryeel oo kamid ah bangiyada Soomaaliya kuyaala. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case oo munaasabada daah furka ah ka hadlay ayaa sheegay in Bangida Daryeel loo furay sidii uu bulshada Soomaaliyeed ugu adeegi lahaa una dabooli lahaa adeega bangi ay u baahan yihiin. Waxa uu xusay in Shirkada Iftin horey u sameesay adeeg Xawaaladeed iyo sidoo kale qeybta dhismaha uu xusay in dhisamayaal badan oo si casri ah loo hirgaliyay shirakada ka dhistay gudaha iyo dibadda , waxa uuna xusay in hada soo kordhiyeen adeeg Bangi. Caamir Aadan Ibaraahim oo ah maamulaha Daryeel Bangi ayaa sheegay in bangiga uu wax badan u qaban doono bulshada kunool Muqdisho, waxa uuna xusay in Bangiga wax badan kaga duwanaan doono kuwii horey dalka ugu jiray. ”Bangiga Daryeel waxa uu bulshada Soomaaliyeed u hayaa adeegyo badan oo casri ah oo la jaanqaadaya bangiyada caalamiga ah, qofka doonaya in akoon ka furto bangiga waxa uu ka heli karaa Appka Daryeel bangi halkaas uu ka furan karo bangiga isaga oo buuxinaya shuruudaha laga rabo, ” ayuu yiri maamulaha Bangiga Waxa uu sidoo kale balan qaaday maamulaha in xarumo kale Bangiga yeesho qorsheenayaan in ay ka furaan guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalooyinka waa weyn sida Baydhabo , Dhuuso Mareeb , Kismaayo iyo magaalooyin kale. Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa sheegay in Bangiga Daryeel loo furay sidii uu u haqab tiri lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay bangiga uu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo. Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo isna ka hadlay Munaasabada daahfurka Bangiga Daryeel ayaa aad ugu mahad celiyay ganacsatada Bangigan hirgalisay, waxa uuna ugu baaqay maamulka Bangiga in ay ka duwanaadana bangiyadii hore ayna gabdhaha siiyaan fursado shaqo. Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya,oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in bangiyada dalka kusoo badanaya loo baahan yahay ayna faa’iido u tahay bulshada , waxa uuna u mahad celiyay Shirkada Iftin Group oo bangiga Daryeel hir galisay. Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyay maamulka Shirkada Iftin ee hirgaliyay bangiga sida casriga ah u shaqeenaya. Munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaana si heer sare ah kusoo idlaaday, waxaana Bangigan horey xarumo waa weyn ugu lahaa magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso .
-
Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab ka saaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi. Haddaba Taliye ku xigeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay degaannada la qabtay iyo halka uu ku jihaysanyahay hawlgalkaasi. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degaanno hor leh appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in laga doodi karo heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Halkan Hoose Ka Daawo Source
-
The Intergovernmental Authority Development has called on presidential candidates in Jubbaland state to promote a free, fair and transparent vote in the state’s regional assembly and presidency. IGAD’s Special Envoy to Somalia, Mohamed Ali Guyo on Monday arrived in Kismayu has held a meeting with the state’s electoral commission on poll affairs. During the official has stressed the regional bloc’s stance of impartiality in the elections which are very crucial for the stability of the state as well as whole Somalia. “We urged the sides to promote and stability of the state, it is very important to hold inclusive transparent and more credible so that the result is not contentious and is accepted widely,” said the envoy. Kismayo town is which interim capital of Jubbaland administration is expected to host the upcoming elections scheduled to take place this month. After the conclusion of the selection process of the lawmakers, the state assembly will cast votes for the state President who will become the second one since the Jubbaland Administration was formed in 2013. Ahead of the August 24 elections, the candidates vying for the top passion of the state have geared up their campaign to convince the elders and the regional elders elect them. The incumbent leader Ahmed Mohamed Madobe who has been ruling the region since 2013 is facing off with several potential candidates. Among those challenging the leader Ahmed are Abdi Abdi, Mohamed Omar Gedi, Anab Mohamed Abdirahman Ahmed Rabi, Dahir, Abdi Hiis Udan, Mohamoud Mohamed Omar and Mohamed Abdulle Magan. View the full article
-
Somalia and the United States have agreed to intensify security operations to flush out al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. U.S. Under Secretary for Political Affairs David Hale, who met with Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire in Mogadishu on Monday, also resolved to prepare Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia. “They agreed on the value of security operations to liberate areas from al-Shabab and preparing Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia,” the U.S. said in a statement issued after the meeting on Monday night. On his part, Khaire briefed the U.S. official on recent political and security developments and Somalia’s progress towards meeting the conditions for debt relief that would allow Somalia to resume borrowing from international financial institutions. Washington and other international partner forces have intensified incursions into territory formerly controlled by al-Shabab after driving the insurgents out of Mogadishu in 2011. Since 2017, the U.S. military has stepped up air raids against al-Shabab which is trying to overthrow the internationally-backed Somali government. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile attacks in Mogadishu and elsewhere. View the full article
-
(SLT – Hargeysa):- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Xildhibaannada Fadhiga dibedda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay diiddanayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoon heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kana mid ah Xubnaha dibedda uga baxay Fadhiga Maanta ee Golaha Wakiilladu ku ansixiyey heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee Komiishanka lagu kordhinayo 2-da xubnood ayaa isagoo sababta ay uga baxeen fadhiga Sharraxaya wuxuu yidhi “Anagoo ah Xildhibaannadii Gobollada Awdal, Selel, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, waa Sool clan, Warsen-geli, Ciise, Awdal Clan, waxaanu nahay Xildhibaannadii ka soo jeeday deegaannadaa, waxaanu uga soo baxnay heshiis ku sheeg la yidhi saddexda Xisbi Qaran ayaa ku heshiiyey doorashada Golaha Wakiillada.” Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan Doorashada Golaha Wakiillada waxa ku gedaanaa Mushkilado badan oo Siyaasi ah, waxa la isku hayey Saami-qaybsiga iyo in Somaliland Caddaalad ku qaybsato Xildhibaannada Golaha Wakiillada, waxa la isku hayey Kootadii Haweenka oo qolooyinka dibeddu innagu soo abaabuleen, waxa la isku hayey Dhaqaalihii (Doorashada), waxa la isku hayey Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha oo aan weli la qabanin, markii Xilkaa Ciddii lahayd ay gudan wayday iyo Tiro-koobka Dadka Somaliland, Saamigii wax lagu qaybsadana lama ogola, markaa Maaddaama oo la yidhi la isku joojin maayo, waxaanu leenahay la isku joojin maayo Somaliland ka socon mayso.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma ogolin heshiiskaa haddaan saami-qaybsiga si Caddaalad ah loo helin, ama Maxkamad geeya ama meel kale geeya annagu ma galayno haddaan Dadka la diwaangelin.” Xildhibaan kale oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu maqlaynaa doorashada sidii hore ayaa lagu galayaa, sidaasi Caddaalad maaha mana yeelayno, Annaga oo aan diiddanayn in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, laakiin horta waa in Saami-qaybsi la helaa..” Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag-bari ayaa Golaha Wakiillada ku leh 23 Xildhibaan, halka 59-ka kale ay leeyihiin Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex. Source
-
(SLT – Hargeysa):- Dr. Dr Reuben Savai oo da’diisu ahayd 70 jir ayaa Geeriyooday. Dr. Dr Reuben Savai ayaa sanadihii 1997 iyo 2002-dii isku sharraxay Xilka Madaxweynenimo ee dalka Kenya, balse waxa ka reebay Guddiga doorashooyinka. Geerida Ninkan dhowrka jeer isa soo sharraxay ayaa waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Mr Daniel Lihanda. Siyaasigan Geeriyooday oo haystay 7 Shahaado, Lix Degree (shahaadada koowaad ee Jaamacadda) iyo Shahaado Diploma ah, ayaan weligii qabanin Shaqo rasmi ah oo uu ku mutaysto Aqoonta uu bartay ee lagu siiyey Shahaadooyinka tirada badan. Dr Savai ayaa Lixda shahaado ee heerka Degree-ga ah ka qaatay Dalka Giriigga, halka uu Shahaadada Diploma-na ka qaaday Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda. Dr Savai ayaa sanadihii 1997-kii iyo 2002-dii isku sharraxay kursiga dalka Kenya ugu sarreeya, ayaa waxa ka hor istaagay Guddiga doorashooyinka Qaranka. Inkasta oo uu haystay Shahaadooyin badan oo Jaamacadeed, haddana Siyaasigaasi wuxuu Geeriyooday isagoon shaqo Caadi ah weli ka shaqaynin, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Monitor. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ku taageereyso doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeeka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada dalkaasi oo u warramay wargeyska The Standard ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa xusay in Kenya ay difaaceyso Axmed Madoobe, islamarkaana ay ku howlan tahay, sidii uu markale ku soo laaban lahaa. “Doorashada waa mid muhiim inoo ah, maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu ka shaqeynaa sidii uu ku soo noqon lahaa Axmed Madoobe.” ayuu yiri sarkaalkan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Jubbaland uu yahay siyaasiga kaliya ee ay aaminsan tahay Kenya, islamarkaana ay u xulafo la tahay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu mas’uulkan hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan Al-Shabaab. Warka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya, xilli haatan loolan adag iyo culeys uu la kulmayo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun ku diray muwaadin Ingiriis ah oo horay loogu xiray arrimo la xiriira qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ninkaasi waa Andrew Brain Irlam. Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka,waxaana in muddo ah kujiray gacanta hay’adaha ammanka dalka oo baaritaano ku hayay kiiskiisa. Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka,islamarkaana waxaa soo gaba geboobay kiiska loo haystay Andrew Brain Irlam. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wuxuu Andrew Brain Irlam oo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula shaqeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay garoonka Aaadan cade. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya degmada Owdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan DANAB ay goordhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi. Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee la socda Ciidanka Xoogga ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay isku fidiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee degmadaan xaaladuna ay tahay mid degan. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odoyaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT – Muqdisho);- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasiga kaliya ee ay ka aaminsantahay Siyaasiyiinta Soomaalida ay difaaci doonto xilliga adag ee uu hadda ku jiro. Wargeyska Hivisasa ee ka soo baxa Dalka Kenya oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Kenya Paul Njuguna, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Kismaayo ama meel ka mid ah Jubaland. Waxaa uu Paul Njuguna sheegay in Axmed Madoobe yahay siyaasiga runta ah ee xulufada la ah Dowladda Kenya. Waxaa uu sheegay in dadaalka uu Axmed Madoobe ugu jiro soo laabashada doorashada dhaceysa 24ka August ay dowladda Kenya ku garab taagantahay. Waxaa kale oo uu Paul Njuguna sheegay in Ciidamada Kenya aysan ka bixin kana bixi doonin Kismaayo iyo Dhoobleey, kana difaaci doonaan AL-shabaab. Dowladda Kenya ayaa si guud u beenisay warar sheegayay in Ciidamadeeda ay ka baxayaan magaalada Kismaayo islamarkaana magaalada la wareegayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM. Source
-
A court in Mogadishu has on Tuesday fined British citizen, Andrew Brian Irlam USD 7,000 for compromising security at Aden Abdulle International Airport. Brian was arrested by Somali airport security agencies while trying to board airline to the United Arab Emirates with a bullet-proof vest and seven rounds of ammunition. The Banadir court dismissed two other charges leveled against the UK national. The incident comes just months after another A British security contractor, Antony Cox who was working in Somalia for the American security company Bancroft Global Development was arrested at Somalia’s main airport in the capital, Mogadishu after security agencies discovered tear gas canisters in his bag ahead of departure from the country to Addis Ababa Ethiopia. Cox was charged with endangering public safety. Airport security at Aden Abdulle International Airport in Mogadishu has been heightened since an explosion blew a hole in the side of Dallo airlines in 2016 after a laptop bomb was smuggled onto the aircraft through security at the terminal. View the full article
-
Kooxda la’adagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaanno CGPCS, ayaa si adag xukuumadda Somaliland ugu cambaaraysay, siidaynta 19 Burcad-badeed ah oo aan weli dhammaysan xukunnii lagu riday. Qoraal ka soo baxay kooxda CGPCS, ayaa lagu sheegay in go’aan Somaliland ku sii daysay maxaabiista Burcad-badeedda ah, uu si cad u curyaaminayo dagaalka midaysan ee Beesha Caalamku mudada 10 sano ah kula jirtay Qawlaysatada Xeebaha, dagaalkaasi oo keenay hoos u dhaca ballaaran ee ku yimid Burcad-badeeddii Xeebaha Soomaaliya. CGPCS Waxay caddaysay in bishii September ee sannadkii 2018-kii, ay soo saartay qoraal ay Somaliland kaga dalbanayso in aan la sii dayn, maxaabiista xukuman ee Burcad-badeednimada ugu xiran Hargeysa, si aysan u dhiirri-gelin falalka Burcad-badeednimada. Sidoo kale, Kooxdu waxay sheegtay in sii daynta maxaabiista, ay gebi ahaanba burinayso heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee dowladda Seychelles ay Somaliland ugu wareejisay maxaabiista. Waxaa kale oo ay kooxdu sheegtay, in xukunka lagu riday Burcad-badeedda aan waxba laga beddeli karin, ilaa ay ka heshiiyaan dhammaan dhinacyada ku midaysan la’dagaallanka Burcad-badeedda. Ugu dambeyntii Kooxda CGPCS, waxay Somaliland ku dacwaysay Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ay ka dalbatay in uu tallaabada ugu habboon ka qaado maamulka Somaliland. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post CGPCS oo Somaliland ku dacwaysay Golaha Amniga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilowday imtixaanka qabuulka ah ee looga gudbayo Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship) taasoo ay dhawaan ku dhawaaqday Shirkadda. Imtixaanka ayaa waxaa Maanta u fariistay ku dhawaad 300 oo arday kuwaas oo diyaar u ah inay aqoontooda ugu soo gudbaan Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship). Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30 -ka arday ee ugu sarreysa kuwaas oo nasiib u yeelan doono inay helaan deeqaha Waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Hormud Foundation ayaa sheegtay inay imtixaanka sixi doonaan guddi ka madax banaan Maamulka Hey’adda Hormuud Foundation. 30-ka arday ee imtixaanka kasoo gudbo ayaa kala dooran doono Jaamacadaha ugu sareeyo dalka midda ay rabaan, sidoo kalana waxay xulan doonaan kuliyadaha ay rabaan. Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa furay imtixaanka Maanta ay ardayda u fadhiisteen, wuxuuna socon doonaa muddo 2 maalmood ah. Ardayda ka qeyb galeysa imtixaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey fursadda ay siisay Shirkadda Isgaarssiinta Hormuud oo ay ku tilmaameen inay mar kasta ka qeyb qaadato horumarka qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Maamulka Hormuud Telecom ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay 120 Ardayda ka bixin doonaan Lacagta jaamacadda, iyadoo ardaydaasina loo qaadan doona qeyb qeyb . waxaana ay tani noqoneysaa dafcadii ugu horreysa ee ka faa’iideysan doonta deeqda wax barasho ee Hormuud Telecom.
-
Popular Contributors