Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,218
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AU, African Development Bank sign $4.8 million grant earmarked for continental free trade secretariat Abidjan, Cote d’Ivoire, 06 July 19 – The African Development Bank Group on Monday signed a $4.8 million institutional support grant to the African Union (AU) for implementation of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA). The grant, approved by the Group’s Board of Directors on 01 April 2019, forms part of a series of interventions by the Bank in its lead role to accelerate implementation of the Free Trade Agreement, seen as a major force for integrating the 55-nation continent and transforming its economy. Albert Muchanga, AU’s Commissioner for Trade and Industry, initialed for the continental body, and Obed Andoh Mensah, representing the Bank’s Director of the Industrial and Trade Development Department (PITD), signed on behalf of the Bank, signaling the startup of implementation. African leaders meeting in Niamey, Niger in early July launched the implementation phase of the free trade area agreement established in March 2018 after it became operational at the end of May this year. Currently, 54 states have signed the deal and are set to begin formal trading next July. “The AfCFTA is going to work and we are confident that by the 1st of July next year, all the 55 countries would have been state parties – meaning, they would have signed and ratified the agreement and intra-African will start,” Muchanga said and urged countries to use this period to complete the parliamentary processes. Muchanga commended the Bank’s strong and consistent support to ensure smooth implementation of the Agreement, saying the grant would be used judiciously for the rollout of various protocols relating to the structure and mandate of the AfCFTA secretariat. The AU currently has an interim secretariat, tasked to provide the organizational structure for the permanent administrative body, its work program and related issues including its budget. The Niamey summit announced the siting of the AfCFTA secretariat in Accra, Ghana. The Continental Free Trade deal has the potential to create the largest free-trade area in the world. – uniting 55 African countries with a combined gross domestic product of more than $2.5 trillion. It is a major force for continental integration and expansion of intra African trade, currently estimated at around 16%. The trade agreement is expected to expand intra-African trade by up to $35 billion per year, ease movement of goods, services and people across the continent’s borders and cut imports by $10 billion, while boosting agriculture and industrial exports by 7% and 5% respectively. In his remarks, Andoh Mensah stressed that the deal will help stabilize African countries, allow small and medium sized enterprises to flourish, promote industrialization and lift millions out of poverty. “If the AfCFTA is complemented by trade facilitation reforms, reduction in non-tariff barriers, improved infrastructure and policy measures to encourage employment and private sector investments, it will stimulate poverty reduction and socio-economic development across Africa,” he said, noting that the goals of AfCFTA are aligned to the Bank’s flagship High 5s. Qaran News
  2. Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay kulan ku saabsanaa kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin yoolalka horumarineed ee Waara (SDGs). Waxaa kulanka qeyb galay xubno ka socday Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSA oo uu u horreeyo guddoomiyaha Dalladda Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre oo ah qabiir ku xeel dheer arrimaha bulshada iyo marti sharaf kale oo badan. Mac-hadka SIDRA ayaa kulanka ku soo bandhigay nuqul kamid ah cilmi baaris uu wado oo ku saabsan doorka bulshada rayidka ay ku Leedahay hirgalinta iyo joogtaynta Hadafyadda horumarineed ee Waara. Halkaan hoose ka akhriso nuqulada Cilmi-baarista PUNTLAND POST The post Mac-hadka SIDRA oo Garoowe ku qabtay kulan ku saabsan kaalinta Bulshada rayidka ah ee yoolalka horumarineed appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhaqanka ee fuliyey amarkii dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab. Taliye Gadaar oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin. Sidoo kale wuxuu intaasi in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. “Odayaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaabo ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday dhaqameed oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Telecom Foundation aya maanta imtixaan ka qaaday illaa saddex boqol (300) oo arday oo ka mid ah ardaydii sanadkan iyo kii hore ka qalin jabiyey iskuullada ku yaalla gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxda Hormuud ayaa sheegay in ardayda gala kaalmaha hore ay siin doonaan Deeq Waxbarasho, islamarkaana ay shirkaddu ka bixin doonto lacagta Jaamacadda. Sidoo kale Hormuud ayaa ballan qaaday in sanad kasta la qaadi doono imtixaankan, si ay uga faa’ideystaan ardayda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/war-mutawakil-hormuud-sax.mp3 View the full article
  5. (SLT Hargeysa) Ugu yaraan 42 Qof ayaa ku dhintay Duqayn diyaarad Drone ahi ka geysatay Koonfur-galbeed dalka Liibiya. Weerarkan waxa fuliyey Ciidammada Dawladda Liibiya ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Gen Khalifa Haftar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ahi. Wararku waxay sheegayaan in Diyaaraddu ay duqaysay Kulan ka qabsoomayey Hool ku yaalla Magaalada Magaceedu yahay Murzuq, laakiin Ciidammada Gen Haftar waxay sheegeen inay Masuul ka yihiin Weerarka, balse waxay iska diideen ama beeniyeen inay beegsadeen Dad rayid ah. Dalka Liibiya ayaa Dagaallo la deris noqday illaa sannadkii 2011-kii oo uu dhacay Hoggaamiyihii Muddada dheer dalkaa soo maamulayey ee Muammar Gaddafi “42 Qof baa ku dhintay Duqaynta diyaaradda, in ka badan 60-na way ku dhaawacmeen, 60-ka dhaawaca ah 30 ka mid ah Xaaladdoodu way culus tahay, ka dib duqaynta Diyaaraddu ka geysatay Hool ay ku kulansanaayeen Dad ka badan 200 Qof..” ayuu AFP u sheegay Ibrahim Omar. Laakiin, Warbaahinta Maxaliga ah ayaa soo Werisay in Diyaaradda Drone-ka ahi duqaysay Goob ay ka socotay xaflad Aroos. Dawladda Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaaraysay Weerarka, waxayna ku eedaysay oo ay sheegtay inay Weerarkaa ka dambeeyaan Ciidammada General Haftar Dawladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Caasimadda Tripoli ayaa Qaramada Midoobay u soo jeedisay inay baadho dambiyada Ciidammada General Haftar ka geysteen Magaalada Murzuq. Source
  6. Owdheegle (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay goor dhow si buuxda ula wareegeen degmadaasi. Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in Ciidamada DANAB ay howlgalkaas hoggaaminayeen. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgalkaas ku wehliyeen Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil Mareykan ah oo dhinaca tababarada ka taageera Ciidamada dowladda. Awdheegle waxaa ay 70 km Koofur Galbeed uga beegan tahay Magaalada Muqdisho waxaana muddo dheer ka arriminayay Al-shabaab. Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen inta badan Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degaannada Sabiib iyo Caanoole oo ay qabsadeen 1dii April sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa degaanka Bariirre ka qabsaday Al-shabaab degaanka Bariirre 1dii May isla sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT – Hargeysa) Xildhibaan Xasan Nuur Waaye oo ka tirsan xidhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo warbaahinta ku hadlay maanta magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrinta Korneyl Caarre haatan dhaw-dhawaday oo ay deg deg u soo dhammaanayso. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Source
  8. Kismaayo (SMN) – Wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo oo malamahan ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa ka hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida madaxtinimada maamulka Jubbaland. Guyo ayaa sheegay in IGAD ay ku baaqayso in doorashadda Jubbaland ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo dhamaan reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin. Ergayga IGAD ayaa maanta kulan kula qaatey magaaladda Kismaayo xildhibaano kuwaas oo kala hadlay sidii doorashada Jubbaland ugu qabsoomi laheyd si nabadgelyo ah, oo loo dhan yahay ka qeyb galkeeda. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida doorashadda Jubbaland, waa muhiim inay codbixinta noqoto mid hufan oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” ayuu yiri Maxamed Cali Guyo. Ergega IGAD ayaa tagey Kismaayo Isniintii lasoo dhaafay, waxaana uu kulama la qaatey mas’uuliyiin kala duwan, oo uu ku jiro Axmed Madoobe, Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaadey ee maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka bishan August, waxaana ka soconaya magaaladda Kismaayo olole xooggan oo ay musharaxiinta ugu jiraan inay ku guuleystaan tartanka xilka ugu sareeya ee maamulkan. Axmed Madoobe oo tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 2013-kii Madaxweyne ka ahaa maamulkan ayaa hadda u tartamaya xilka mar 3aad, waxaana Musharrixiinta kale ku eedeeyeen inuu afduubtay hanaanka doorashada Jubbaland. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Guddoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar. Waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Awdheegle (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Milatariga Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo weerar ku qaaday degmadaasi ayaa si buuxda ula wareegay, kadib markii ay ka saareen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay gudaha degmadaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in haatan ciidamadu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan halkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. Gaariga oo deyno ahaa, islamarkaana Qudaar siday ayaa la sheegay in Miino ay la kacday, xilli uu ka soo ambabaxay deegaanka Mubaarak, kuna soo jeediyey degmada Awdhiigle oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhawaacmeen 2 kale oo ka mid dadkii la socday gaarigaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  11. (SLT – Hargeysa) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanku uu si wada-jir ah uu Hal Cod ugu cambaareeyo nacaybka iyo waxa loogu yeedho ‘Sarraynta Caddaanka ama sarraynta dadka Caddaanka ah ee Maraykanka’. Madaxweynaha ayaa sidan soo jeediyey, ka dib markii toogashooyin Xidhiidh ahi ay Toddobaadkan ka dhaceen Gobollada Maraykanka qaarkood, Toogashooyinkaasi oo sababay dhimashada 30 Ruux. “Xanuunnada Maskaxda iyo Nacaybka ayaa keenaya (Weerarradan)..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump, “Laakiin maaha Hubka” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo u duur-xulaya Dadka u ololeeya in Dadka rayidka ah laga mabnuuco haysashada Hubka, maaddaama oo Weerarrada ay Dadka Rayidka ahi geystaan ku soo badanayaan. “Waxa waajib ah in Qarankeenu uu Hal Cod ku cambaareeyo Nacaybka, Sinaan la’aanta iyo Sarraynta Caddaanka..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo Isniintii oo uu Qaranka Maraykanka u jeediyey hadal ku saabsan Weerarro Daraad ka dhacay Gobollada Texas iyo Ohio. Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in la dilo Dadka sameeya Falalka Cunsuriyadda ah, sida uu baahiyey Wargeyska The Independent. Source
  12. Madaxweyne Biixi Oo Warqad U Diray Boqorka Sucuudiga Boqorka Sucuudiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku daray martida boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga taas oo uu ugaga mahadcelinayo martiqaadka kuna xusayo xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga. Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Biixi warqadda ku sheegay in Somaliland tahay dal madax bannaan isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta iyo qarannimada Somaliland sidaas awgeedna loo soo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, in loo sameeyo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho boqorka Sucuudiga. Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay in aanu martiqaadka Boqorka ku tagi doonin xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday. Boqortooyada Sucuudiga ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka soo bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland. Xigasho: Geeska Afrika Source
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-06082019.mp3 View the full article
  14. Hobyo (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada 21-aad ee xoogga dalka ayaa isaga baxay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu ka socdo Shirka Beelaha Habargidir. Ciidamada 21-aad oo markii hore sugayey Ammaanka Magaalada ayaa isaga baxay kadib markii la sheegay inuu amar kaga yimid Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ciidamada isaga baxay Magaalada Hobyo ayaa la sheegay inay wateen illaa 3 gaari oo kuwa dagaalka ah waxayna maalmihii dambe sugayeen Amniga Magaalada oo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala socdo Beelaha Habargidir iyo Xildhibaano labada aqal ah. Markii ay Ciidamadaas ka baxeen Magaalada Hobyo ayaa waxaa durba la wareegay ciidamo u abaabulan hab Beeleed. Ciidamada la wareegay Amniga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan Beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana Magaalada soo gashay illaa 13 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan. Dowladda Soomaaliya ayaa shirka Hobyo u aragto inuu yahay mid cabaqad ku ah danaha ay ka leedahay maamulkaas, waxaana ciidamada 2-aad cadaadis lagu saaray inay isaga baxaan Magaalada. Shirka Beelaha Habargidir uga socdo Magaalada Hobyo ayaa shalay galay wajigiisa labaad, waxaana shirka ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada aqal. Qaar ka tirsan xildhibaanada shirkaas ka qeybgalayo ayaa horey u sheegay inuusan shirka diidadeen midka Dhuusamareeb ka dhici doono balse ay sii diyaarsanayaan qodobadii ay shirkaas la tagi lahaayeen. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa muddo 45 ah ku bixiyey deegaanada Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug lagu mideysan yahay inkastoo beelaha qaar ee halkaas dago ay diidan yihiin kuna eedeeyeen dowladda inay faragelin qaawan ku heyso maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Hobyo caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu daah furayay xarunta uu magaalada Muqdisho ka furtay Bangiga Daryeel oo kamid ah bangiyada Soomaaliya kuyaala. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case oo munaasabada daah furka ah ka hadlay ayaa sheegay in Bangida Daryeel loo furay sidii uu bulshada Soomaaliyeed ugu adeegi lahaa una dabooli lahaa adeega bangi ay u baahan yihiin. Waxa uu xusay in Shirkada Iftin horey u sameesay adeeg Xawaaladeed iyo sidoo kale qeybta dhismaha uu xusay in dhisamayaal badan oo si casri ah loo hirgaliyay shirakada ka dhistay gudaha iyo dibadda , waxa uuna xusay in hada soo kordhiyeen adeeg Bangi. Caamir Aadan Ibaraahim oo ah maamulaha Daryeel Bangi ayaa sheegay in bangiga uu wax badan u qaban doono bulshada kunool Muqdisho, waxa uuna xusay in Bangiga wax badan kaga duwanaan doono kuwii horey dalka ugu jiray. ”Bangiga Daryeel waxa uu bulshada Soomaaliyeed u hayaa adeegyo badan oo casri ah oo la jaanqaadaya bangiyada caalamiga ah, qofka doonaya in akoon ka furto bangiga waxa uu ka heli karaa Appka Daryeel bangi halkaas uu ka furan karo bangiga isaga oo buuxinaya shuruudaha laga rabo, ” ayuu yiri maamulaha Bangiga Waxa uu sidoo kale balan qaaday maamulaha in xarumo kale Bangiga yeesho qorsheenayaan in ay ka furaan guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalooyinka waa weyn sida Baydhabo , Dhuuso Mareeb , Kismaayo iyo magaalooyin kale. Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa sheegay in Bangiga Daryeel loo furay sidii uu u haqab tiri lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay bangiga uu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo. Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo isna ka hadlay Munaasabada daahfurka Bangiga Daryeel ayaa aad ugu mahad celiyay ganacsatada Bangigan hirgalisay, waxa uuna ugu baaqay maamulka Bangiga in ay ka duwanaadana bangiyadii hore ayna gabdhaha siiyaan fursado shaqo. Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya,oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in bangiyada dalka kusoo badanaya loo baahan yahay ayna faa’iido u tahay bulshada , waxa uuna u mahad celiyay Shirkada Iftin Group oo bangiga Daryeel hir galisay. Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyay maamulka Shirkada Iftin ee hirgaliyay bangiga sida casriga ah u shaqeenaya. Munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaana si heer sare ah kusoo idlaaday, waxaana Bangigan horey xarumo waa weyn ugu lahaa magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso .
  16. Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab ka saaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi. Haddaba Taliye ku xigeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay degaannada la qabtay iyo halka uu ku jihaysanyahay hawlgalkaasi. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degaanno hor leh appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT – Hargeysa) Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in laga doodi karo heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Halkan Hoose Ka Daawo Source
  18. The Intergovernmental Authority Development has called on presidential candidates in Jubbaland state to promote a free, fair and transparent vote in the state’s regional assembly and presidency. IGAD’s Special Envoy to Somalia, Mohamed Ali Guyo on Monday arrived in Kismayu has held a meeting with the state’s electoral commission on poll affairs. During the official has stressed the regional bloc’s stance of impartiality in the elections which are very crucial for the stability of the state as well as whole Somalia. “We urged the sides to promote and stability of the state, it is very important to hold inclusive transparent and more credible so that the result is not contentious and is accepted widely,” said the envoy. Kismayo town is which interim capital of Jubbaland administration is expected to host the upcoming elections scheduled to take place this month. After the conclusion of the selection process of the lawmakers, the state assembly will cast votes for the state President who will become the second one since the Jubbaland Administration was formed in 2013. Ahead of the August 24 elections, the candidates vying for the top passion of the state have geared up their campaign to convince the elders and the regional elders elect them. The incumbent leader Ahmed Mohamed Madobe who has been ruling the region since 2013 is facing off with several potential candidates. Among those challenging the leader Ahmed are Abdi Abdi, Mohamed Omar Gedi, Anab Mohamed Abdirahman Ahmed Rabi, Dahir, Abdi Hiis Udan, Mohamoud Mohamed Omar and Mohamed Abdulle Magan. View the full article
  19. Somalia and the United States have agreed to intensify security operations to flush out al-Shabab militants in the Horn of Africa nation. U.S. Under Secretary for Political Affairs David Hale, who met with Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire in Mogadishu on Monday, also resolved to prepare Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia. “They agreed on the value of security operations to liberate areas from al-Shabab and preparing Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia,” the U.S. said in a statement issued after the meeting on Monday night. On his part, Khaire briefed the U.S. official on recent political and security developments and Somalia’s progress towards meeting the conditions for debt relief that would allow Somalia to resume borrowing from international financial institutions. Washington and other international partner forces have intensified incursions into territory formerly controlled by al-Shabab after driving the insurgents out of Mogadishu in 2011. Since 2017, the U.S. military has stepped up air raids against al-Shabab which is trying to overthrow the internationally-backed Somali government. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile attacks in Mogadishu and elsewhere. View the full article
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa shubay lacag dhan 100,000 (boqol kun) oo dollarka Maraykanka ah isla markaana loogu talagay dhismaha garoonka kubadda cagta ee Mira-awaare Garoowe. [...] Source
  21. (SLT – Hargeysa):- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood. Xildhibaannada Fadhiga dibedda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay diiddanayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoon heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kana mid ah Xubnaha dibedda uga baxay Fadhiga Maanta ee Golaha Wakiilladu ku ansixiyey heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee Komiishanka lagu kordhinayo 2-da xubnood ayaa isagoo sababta ay uga baxeen fadhiga Sharraxaya wuxuu yidhi “Anagoo ah Xildhibaannadii Gobollada Awdal, Selel, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, waa Sool clan, Warsen-geli, Ciise, Awdal Clan, waxaanu nahay Xildhibaannadii ka soo jeeday deegaannadaa, waxaanu uga soo baxnay heshiis ku sheeg la yidhi saddexda Xisbi Qaran ayaa ku heshiiyey doorashada Golaha Wakiillada.” Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan Doorashada Golaha Wakiillada waxa ku gedaanaa Mushkilado badan oo Siyaasi ah, waxa la isku hayey Saami-qaybsiga iyo in Somaliland Caddaalad ku qaybsato Xildhibaannada Golaha Wakiillada, waxa la isku hayey Kootadii Haweenka oo qolooyinka dibeddu innagu soo abaabuleen, waxa la isku hayey Dhaqaalihii (Doorashada), waxa la isku hayey Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha oo aan weli la qabanin, markii Xilkaa Ciddii lahayd ay gudan wayday iyo Tiro-koobka Dadka Somaliland, Saamigii wax lagu qaybsadana lama ogola, markaa Maaddaama oo la yidhi la isku joojin maayo, waxaanu leenahay la isku joojin maayo Somaliland ka socon mayso.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma ogolin heshiiskaa haddaan saami-qaybsiga si Caddaalad ah loo helin, ama Maxkamad geeya ama meel kale geeya annagu ma galayno haddaan Dadka la diwaangelin.” Xildhibaan kale oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu maqlaynaa doorashada sidii hore ayaa lagu galayaa, sidaasi Caddaalad maaha mana yeelayno, Annaga oo aan diiddanayn in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, laakiin horta waa in Saami-qaybsi la helaa..” Gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag-bari ayaa Golaha Wakiillada ku leh 23 Xildhibaan, halka 59-ka kale ay leeyihiin Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex. Source
  22. (SLT – Hargeysa):- Dr. Dr Reuben Savai oo da’diisu ahayd 70 jir ayaa Geeriyooday. Dr. Dr Reuben Savai ayaa sanadihii 1997 iyo 2002-dii isku sharraxay Xilka Madaxweynenimo ee dalka Kenya, balse waxa ka reebay Guddiga doorashooyinka. Geerida Ninkan dhowrka jeer isa soo sharraxay ayaa waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Mr Daniel Lihanda. Siyaasigan Geeriyooday oo haystay 7 Shahaado, Lix Degree (shahaadada koowaad ee Jaamacadda) iyo Shahaado Diploma ah, ayaan weligii qabanin Shaqo rasmi ah oo uu ku mutaysto Aqoonta uu bartay ee lagu siiyey Shahaadooyinka tirada badan. Dr Savai ayaa Lixda shahaado ee heerka Degree-ga ah ka qaatay Dalka Giriigga, halka uu Shahaadada Diploma-na ka qaaday Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda. Dr Savai ayaa sanadihii 1997-kii iyo 2002-dii isku sharraxay kursiga dalka Kenya ugu sarreeya, ayaa waxa ka hor istaagay Guddiga doorashooyinka Qaranka. Inkasta oo uu haystay Shahaadooyin badan oo Jaamacadeed, haddana Siyaasigaasi wuxuu Geeriyooday isagoon shaqo Caadi ah weli ka shaqaynin, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Monitor. Source