-
Content Count
209,218 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali delegation led by Somali Lower House Speaker, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman has traveled to South Africa to attend the conference of Speakers from African Parliaments. The speakers and other delegates were received at Jonesburg Airport by South African authorities. According to the South African government which is hosting the conference, the meeting is expected to kick off later today in Johannesburg with matters concerning enhancing co-operation between respective Parliaments in the continent, top on the agenda. The annual conference brings together Speakers from the Regional Economic Communities and the National Parliaments and is hosted by the Johannesburg based Pan-African Parliament (PAP). The conference seeks to provide progress on the implementation of the African Union decisions focusing on the development of the continent and will also address the refugee affairs. The conference will be concluded tomorrow with communiqué illustrating the points discussed during the meeting. View the full article
-
Presidential candidates for Jubbaland regional state of Somalia have set new conditions for polls to be free and fair ahead of the exercise later this month. The candidates who described themselves as the “Union for change in Jubbaland state” issued press statement following their meeting with IGAD envoy, Mohamed Guyo in Kismayo on Tuesday. The candidates set conditions that must be met for free, fair and transparent presidential elections. They demanded a parliamentary committee to manage the presidential election whereas neutral venue such as the UN compound to host the process to ensure transparency. The union of candidates also called upon the AMISOM troops to take over the security from local forces while demanding the presence of a representative from the federal government. They further stressed the presence of international observers as well as the local and international media for coverage. The incumbent President, Ahmed Mohamed Islam who was in power since the establishment of the state in 2013 is gearing up for re-election. Other Presidential candidates have blamed President Islam for using security as a pretext to lock them out in the campaign. View the full article
-
Xalka Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya Hordhac Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 July 2019 wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland:- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). Dr.Cali Siciid Fiqi. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Isla 18 July 2019, Somaliland oo ka jawaabeysa go’aankaa magacaabista Guddiga Qaran ayaa “gef siyaasadeed”. Isla markaana ay ka so saareen warsaxafedeed ay ku tilmaameyaan in xukuumada hada xilka Somaliya talada heysa aaney noqon karin mid wada hadal toos ah dhex mari karo somaliland. Madaama ay kula jiraan Somaliland dagaalo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad ah. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska”. Waxa kale oo isla warsafadeeedkaas ku cad in Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya FAGAARE CAALAMIYA oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo” Qormadan waxaan si kooban uga hadli doonaa, caqabadaha hortaagan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo sida ugu haboon ee ay aheyd in ay ku galaan wada hadaladaasi si guul looga gaadho, loona helo xal waara Kulamada Wada-hadalada ee Qabsoomey iyo Natiijada Guud ee ka soo baxey Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxey Bilaabmeen June 20-21, 2012, shir ka dhacey London, oo layskula qaatey In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda. Intaa wixii ka dambeeyey waxa u qabsoomey labada dhinac kulamo dhowr ah:- June 28, 2012 -Dubai April 13, 2013 – Istanbul July 7- 9, 2013 – Ankara January 16 -19, 2014 – Istanbul December 21, 2014 Djibouti iyo March 1-3, 2015 oo fashilmay Istanbul. Mudadaas ay wada hadaladu socdeen arimaha aad odhan karto way ugu muhiimsanayaan ee layskula qaatey waxa ka mid ahaa: Si wada jir ah loo cambaareeyo dhibaatooyin uu geystay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Siyaas Barre, gaar ahaana u geystay ummada reer Somaliland; In loo wada hadlo si nabad ah. In hawada si wada jir ah loo maamulo, oo ay soo wareejiso UN oo hada gacanta ku heysa, isla markaana xafiiska laga furo Hargeysa; In leyska kaashado dhanka amniga iyo la dagalaalanka dambiyada abaabulan (argagaxisada iyo budhcad badeeda); iyo Qaybsiga deeqaha caalamiga ah. Waxa xusid mudan inaan laga wada hadal arinta ugu muhiimsan ee wada hadalada oo ah “Gooni isku taaga Somaliland”. Waxa kale oo wali lagu kala aragti duwan yahey asalka wada hadalada; dhanka Somaliya waxey ugu yeedhaan wada hadaladan iney tahey dadaal ay ugu jiraan midnimada umada Somaliya isla markaana ay rabaan inay dib u heshiisiiyaan Somaliya iyo Somaliland. Halka dhanka Somaliland looga yaqaan wada hadaladan iney yihiin kuwo keeni kara inay Somaliya ogolaato gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay aqoonsi ku kasban karaan. Fashilka wada hadalada March 1-3, 2015. Somaliland waxey ka baaqsatey kulan ka dhici lahaa Istanbul, Turkey. Iyadoo sababtu aheyd inaysan horfahdiisaneyn xubno ka socdo dowladda feredaalka oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Afar xubin oo ka tirsan wafdiga dowladda federaalka oo kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, ayey Somaliland dalbadeen in laga saaro kullanka. Ka dib markii ay Somaliya arinkaas tix galin waydayna waxa istaagey wada hadaladii. Inkastoo dib la isku dayey inay furmaan wada hadaladu sida ku cad kulankii qabsoomey April 18-19, 2016 Ankara, Turkey. Hadana ma jirto wax wada hadal oo danbe oo suurto galey. Iyada oo muddo laga jooga wada hadalada hore ayaa sida bilowga qoraalkan ku xusan waxa uu Madaxweyne Farmaajo guddiga ka qayb gali doona wada hadaladan. Guddidaas inkasta oo ay wali ku jiraan xubno ka soo jeeda degaanada Somaliland oo aheyd arintii keentay inay wada hadaladi 2012 – 2015 socday istaajiyaan, hadana waxa ugu daran oo ku jiran xubno loo aaneenayo inay qayb ka ahaan xasuuqi gaar ka ee loo geystay Ummada reer Somaliland. Waxana ka mid ah Gen. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaaan Guulwade). Hadii aan dul istaago taariikhda Cabdiraxman Guulwade; wuxuu ahaa nin quraanka u dhigo Caruurta uu dhaley Siyaad Barre, hase yeeshee waxaa jeclaatey Gabar uu dhaley Siyaad barre, waanu guursadey, sidaana waxa sodog ugu noqdey Siyaad barre. Isla markiiba waxaa loo aasaasey ciidamo cusub oo lagu magacaabo Guulwada-yaasha oo dhar cagaaran qaata. Ciidankaas waqtigaas waxa loo isticmaaley dadka reer Waqooyiga ahaa (Somaliland), oo bilaawaabey kacdoon, waxa laga xusi karaa ardaydi Gubtay sawiradii Siyaad Barre, sababtuna waxey aheyd waxaa albaabada loo laabey Dekedii Berbera amar dowladeed, la soo rogey oo aheyd Dekedaha Muqdîsho iyo Boosaaso oo kaliya ayaa shaqeynaaya. Xiligaasi waxaa dhismo ka socdey dalka Sacuudi-carabiya, sidaas ay taheyna soomaalidii u dhoofi jirtey waxey ahaayeen reer waqooyi, waxeyna noqdeen dad yeeshey hantida raasumaalka ee wadanka oo dhan. Dowladdi Siyaas Bare waxey si hoose u qaadatey in la dagaalanto awooda dhaqaale ee dadka reer Waqooyi ah yeelanayan, waxeyna xidhay Dekada Berbera, sidoo kalena waxaa la mamnuucey qaadkii oo ahaa hantida ugu badan ay ka ganacsadaan. Hadaba ciidamada Guulwadayaasha ee uu haystay C/raxmaan –Guulwade waxey ahaayeen kuwa la dagaalama qaadkaas waxana uu xaraashey in ka badan 200 Gadiidkii qaadka keeni Jirey. Isaga oo isla markiiba ku qaatey darajada Major General. Dhibaato joogto ahna ku hayey dadka reer waqooyiga ah oo uu guryaha kala soo bixi jirey. C/rahmaan- Guulwade waxaa lagu sheegaa inuu ka qeybqaatey xasuuqii 17 – July 1989… ahaana saraakiishii hogaaminaysay ciidamo Jaziira ku geystay xasuuq ay ku laayeen 47 nin oo ka soo jeeday Somaliland. Hadaan halkaa kaga gudbo Cabdiraxman Guulwade oo Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa xeel dheere ah oo reer Somaliland ah uu ku qeexay in Cadbiraxman Guul-wade la hadla ay dadka reer Somaliland ula mid tahey Cali Samatar la hadla, oo saraakiishii xaquuqa idin geystay la hadla. Taasina xalka wada hadaladu maaha. Hadaba Guddida ay xubnahaasi ku jiraan wada hadalo midho dhal ah ma keeni karaan? Jawaabtu waa Maya! Hababka xalinta khilaafaadka Marka aynu eegno nidaamka xalinta khilafaadka ee heer caalami (international dispute settlement), waxa uu Dastuurka Qaramada Midoobey qodobka 2aad farqadiisa 3aad; bogaadinaya in muranada iyo khilaafaadka dhinacyadu ay ku xaliyaan hab amni ah. Hababka loo xaliya waa ay badan yihiin sida ku cad qodobka 33 farqadiisa 1aad ee isla Dastuurka Qaramada Midoobey, waxana ka mid ah; Wada Halado dhinacyada u dhaxeeya (Negotiation). In arinta laysku hayo gudi baadha loo saaro si ay xaqiiqada usoo helaan (Inquiry), Dhex dhexaadin dhinac saddexaad oo si toos ah uga qayb qaadanayo wada hadalada, door isku soo dhaweyn dhinacyadana ciyaaraya (Mediation), Guddi xaqiiqa Raadin ah ayaa loo saaraya, marka ay xaqiiqada sugaan, waxa sameynayan soo jeedin hababka arinakaas lagu muransan yahey lagu xalin karo (Conciliation), Guddi Garnaqiseed ayey dhinacyadu dooranayan ama Guddi garnaqiseed caalimi oo jira ayey dhinacyadu arinkooda u dhiibanayan si ay go’aan ugu soo saaran (Arbitration), Maxkamadd Caalimi ayey dhinacyadu u gudbinayaan khilaafkooda (Judicial Settlement), Xalka ka raadinayan gobalada ay ka tirsan yihiin dhinacyada is haya (Resort to Regional Agencies) Ama xalkii kale ee ay dhinacyadu isla gartaan ee ku dhisan hab nabadeed (Or Other Peaceful Means Of Their Choice) Shuruudaha looga bahanyahey dhinacyada wada hadlaya Si ay wada hadaladu u noqdaan qaar lagu guuleysto, waxa shardi u ah dhinacyada wada hadlaya inay la yimaadaan arimahan soo socda: In dhinacyada ay ka go’antahey inay diyaar u yihiin inay ka midho dhaliyaan wada hadalada ay galayaan (commitment); Inay la yimaadan dhinacyado niyad wanaag (Good Faith), amaba daacadnimo; Inay diyaar u yihiin inay khilaafkooda hab amni ku xalistaan (peaceful means); Inay diyaar u wada yihiin ka wada shaqeynta sidii xalka loo heli lahaa (cooperation) Wada Tashi dhamaan talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha xaga waqtiga, goobta, qodobada wada hadalada, xubnaha, IWM. Is taxgalin wixii wax ka badal ah ee dhinacyadu soo jeediyan in laga badalo wada hadalada, lagana wada shaqeeyo wixii isbadala ah ee ku yimaado nidaamka wada hadalada. Iyo Loo ogalaado cilmi baadhayaal iyo xeel dheerayaal xaga wada hadalada ah inay talo ku darsadaan nidaamka wada hadaladu u socdaan. Gunaanad Marka horeba waxa la yidhaah wada hadalada dhinacyada sida fool ka fool ka ah u dhex mara waa ay yartahey fursada guul lagaga gaadho. Caqadaha uu leeyahey awgeed, sida dhinacyadu ku guul dareystan inay isla sii dajiyaan qorshaha wada hadal iyo nidaamka ay raacayan; oo ay ka mid tahey in ajendaha leysla garan waayo, xubnaha uga qayb galaya kulamada oo khilaaf ka taagnaado sida hada jirta. Dhinacyada oo midkasta qorshihiisa gaarka ah wato waana tusaalaha nool ee had aka muuqata in ay kala fogyihin halka ay dhinacyada Somalialand iyo Somalia kala taaganyihiin ee kala ah “midnimadu umada Somaaliyeed waa muqadas” iyo “gooni isku taago waa muqadas”. Waxa kale oo caqabadaha ka mid ah inaaney jirin cid isku soo dhaweysa dhinacyada. Qodobka ugu daran ee guul darada ay leeyihiin wada hadalada fool ka fool ka ah ee dhinacyadu wuxuu yahey go’aanada ka soo baxa ma leh wax fulin ah, sida iminkaba dhacday ee arinta hawada in si wada jir ah looga maamulo hargeysa ee layskula qaatey kulankii 4aad ee ka dhacey Istanbul July 2013, ay somaliya si iskeed ah ugu baxday xafiiski maamulka hawada ay ka furtey Muqdisho. Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa in laga guuro habkan wada hadaladu hada u socdaan ee fool ka fool ka ah ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo la eego hababka kale ee ay ugu horeyso in ay doortaan cid dhexdhexaadisa oo isku soo jiida dhinacyada. Diyaariyey: ALI ODEY Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa goordhow gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday. Dad ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadada ee qeybta Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, islamarkaana rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen ninka xili uu halkaas ku sugnaa. Meydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka agdhawaa, waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas. Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata sameynta mobeellada. Weli macada sababta loo dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa, waxaana goobta uu dilka ka dhaca gaaray ciidamo k atirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho oo toddobaadyadii ugu dambeeyey u muuqday inay sidii hore ka yaraadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Thailand’s foreign ministry spokesman Busadee Santipitaks said Wednesday that Puntland authorities and the federal government have responded positively to a request by their embassy in Nairobi. “The officials of the Somali regional administration in Puntland have accepted the repatriation of these Thai workers and facilitated their repatriation,” said Santipitaks. According to the spokesman, the 50 were fishermen working with two boats, Marwan 1 and Marwan 2. Travel documents and travel tickets for Thai citizens are said to have been compiled and their travels will begin in the coming days, Bankok Post reports. View the full article
-
South Africa is hosting the annual retreat of speakers of parliament( of African nations), The Speaker of the federal government of Somalia his Hon Mohamed Mursal Shiekh Abdirahman headed a team of parliamentarians representing Somalia, they were well received by their South African colleagues in Johannesburg. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga sameeyey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u filiyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ee maamulkaasi. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Afmadow Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan u ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu soo qab qabtay rag lala xariirinayo Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Taliye Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay gaari doonaan deegaanada hoostaga degmada Afmadow, si ay uga saaraan dagaalyahannada Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Jubbada Hoose, maadaama dhowaan doorasho ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dakhliga ka soo xarooday horyaalka dalka Ingiriiska ama Premier League ee sanadkii tagay waxaa uu ahaa ilaa £5.8 billion ($7.3 billion). Dakhliga ayaa ka yimid tikit-ka, waxyaabaha ay kooxaha soo saaraan sida funaanadaha iyo xuquuqda laga helo teleshinnada baahiya cayaaraha, waana dakhli ka badan GDP-ga 4 dal oo Afrikaan ah, waxaa kale uu ka badanyahay dakhliga GDP-ga Soomaaliya ee 2018-kii oo ahaa $6.2 billion. Faa’idada uu horyaalka soo-geliyo khasnadda dhaqaalaha dalkaasi waa $4 billion halka GDP-ga dalka Ingiriiska uu qeyb ahaan ka yahay $9.7 billion, waxaa ka shaqeysa 100 kun oo shaqaale oo joogt ah, intaas waxaa dheer awoodda dalkaasi ee cayaaraha, oo waxaa daawada in ka badan 1.3 billion oo qof oo dunida ku nool. Halkan waxaa ka cad in kubadda ay aaney aheyn cayaar uun, ee ay isku badashay ganacsi, weliba faa’ido kale. Dalkeena Soomaaliya, cayaaraha waxaa loo heystaa uun isdhexgal iyo madadaalo, welina ma gaarin in loo badalo ganacsi. Dowladda federaalka ah, oo ay matasho wasiirka cayaaraha iyo dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye 2 sano iyo bar oo ay xafiiska joogtay waxbo kuma soo kordhin cayaaraha dalka, lamana socoto heerarka kala duwan, gobollada waxa ka socda, mana taageerto sportiga guud ahaan, iyada oo aaney jirin wax istaatiijiyad ah oo wasaaradeeda uga aadan horumarinta cayaaraha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh, kadib wareysi uu siiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Francisco Madeira ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya Islaamka oo ah Diin wanaagsan ay qorsheynayaan tallaabo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah.” ayuu yiri Ambassador Madeira. Wuxuu intaasi ku daray in aysan si foolka fool ah Al-Shabaab ula dagaalami karin AMISOM, balse ay adeegsadaan kaliya taatikada dagaalka ee Jabhadeynta. Dhinaca kale ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay doorka ciidamada dowladd Kenya ay ku leeyihiin dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Madeira ayaa xusay in ciidanka Kenya ay fureen waddooyin in muddo ah u go’doonsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka gobollada Jubbooyinka Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamadaasi, sida ay uga hortagaan weerarada ay geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Ugu dambeyn waxa uu uga mahadceliyey dowladda Kenya sida ay uga qeyb qaadaneyso dadaallada la doonayo lagu nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
If a single drought is classified as an environmental bullet, what is facing Somaliland in the Horn of Africa is rapid machine-gun fire. The increasingly aggressive antagonist is global heating. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa shaacisay in hub lagu dagaalamayo Al-Shabaab iyo tallaabo adag ay ka qaadeyso odayaashii fuliyey amarkii ka soo baxay ee dhowaan tagay deegaanada ay ka arrimiso. Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan odayaashaasi, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga muddo lix bilood ah. Wuxuu tilmaamay in lagu ganaaxi doono mid kasta in uu keeno labo qoray, sidoo kalena lagala noqon doono kalsoonida odaynimo, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa xusay in aan loo dul qaadan doonin dadka la xariira ama la macaamila Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay illaa 80 oday dhaqameedn oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan, islamarkaana tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii fuliyey amarka Al-Shabaab ee tegay deegaanadooda. Cabdi Mahdi oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa tilmaamay in odayaashaasi ay la kulmi doonaan ciqaab isugu jirta ganaax, xabsi iyo kalsooni kala noqosho odaynimo . Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay gobolka Baay illaa 80 oday oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo K/ Galbeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3 View the full article
-
Johannesburg (SMN) – Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika. Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo. Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Jubbaland, islamarkaana la baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxay shuruud ku xireen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha. Wafdigii IGAD ee ay la kulmeen ayeey hordhigeen 8 qodob oo ay sheegeen haddii la sameeyo in ay doorashada ka qeybgali doonaan. Qodobada ayaa kala ah: 1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland. 2: In hal qof loo soo xulo kursi Xildhibaan 3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan. 4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM. 5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM. 6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka 7: In in Goob joogayaal Caalami ah la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka. 8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada. Musharraxiintan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Axmed Madoobe sheegashada awood, iyo inuu doonayo mar kale inuu soo noqdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo celisay 12 dhallinyaro oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasi oo muddo ku dhibanaa dalka Liibiya. Dhallinyaradan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in dhib aad u adag ku haysta Liibiya, sidoo kalena markii ay dalkaasi u socdeen ay dhib badan qabeen. C/raxmaan Xuseen oo ka mid a dhallinyarada lasoo celiyey ayaa shegay in ay la kulmeen dhac, jirdil iyo xabsi, muddo badanna ay Liibiya ku dhibanaayeen. “Dhibta ugu daran ayaa ahayd in aan haysan nolol, xabsi aan ku jirnay, wixii aan haysannay nalaga qaatay, dad badan oo Soomaaliyeedna ay horteeda ku dhinteen” ayuu yiri C/raxmaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu uga mahadceliyey dib ugu soo celintooda magaalada Muqdisho, isaga oo dhallinyarada Soomaaliyeed uga dar-daarmay inaanay tahriib gelin. Dalka Liibiya oo ay ku dhibban yihiin muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa hadane dhanka kale waxaa ka jira dagaallo sokeeye oo xaaladda sii cakiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maqaal la yaab leh ka qoray waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan tayada Jaamacadaha ku yaalla dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey waxbarashada Soomaaliya Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya. Cabdi Daahir Cismaan ayaa xilkiisa ku waayey arrinta Jaamacadaha, kadib markii uu sheegay in dhammaan Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho aysan aqoonsaneyn wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, taas oo dhalisay dibadbxayo sababay in Ra’iisul wasaare Khayre uu shaqada ka eryo. Halkan hoose ka aqriso: Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ma u baahan yihiin dib u eegis dhab ah? Hordhac Maalgelinta waxbarashada muhiim uma ahan oo keliya kobaca dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada, laakiin waxay muhiim u tahay oo go’aamisaa guusha iyo horumarka gaar ahaaneed ee qofka shakhsiga ah iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba, sidaa daraaddeed, haddii la doonayo in waxbarashada la siiyo mudnaanta ay leedahay, waxaa loo baahan yahay in loo arko inay tahay mas’uuliyad wadareed. Soomaaliya 30kii sano ee la soo dhaafay, maalgelinta xagga waxbarashada aad ayay u yarayd oo kuma filnayn baahida waxbarasho ee uu dalka ka jirtay, taasina waxay gorgortan weyn gelisay tayada waxbarashada oo kol horeba liidatay. Maalgelinta ugu weyn ee waxbarashada Soomaaliya waxay ka timaadaa waalidka iyo bulshada, iyo kaalmo/sadaqo laga helo dunida. Waxaa mahad weyn iska leh oo aan la illoobi karin dadka Soomaaliyeed oo sida gaarka ah mas’uuliyad isaga saaray oo u guntaday soo celinta waxbarashada dalka xilli aad u adag oo ay dalka la soo gudboonaadeen caqabado waaweyn oo xag walba ah. Laakiin waxaa muhiim ah inaan marnaba laga leexan ujeeddooyinkii asalka ahaa ee ay aaminsanaayeen dadka Soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusnay ee u kacay waxbarashada dalka. Taasoo ay ugu horreyso in malaayiin carruur Soomaaliyeed ah la siiyo fursad waxbarasho si aysan uga harin tartanka ay kula jiraan carrurta facooda ah ee ku nool dunida. Arrintani waxay taageereysaa, taariikhda waxbarashada bani’aadamka iyo sida ay ku billaabatay waxbaridda carruurta iyo dhallinyarada. Taariikh ahaan, ujeeddooyinka ugu waaweyn ee loo aasaasi jiray xarumaha waxbarashada, waxaa gundhig u ahaa bani’aadminimo, niyad wanaag iyo horumarinta bulshada, haddiise meesha laga saaro ujeeddooyinkaas asalka ah, waxaa soo muuqanaya oo keliya ujeeddooyin gaa-gaaban oo aan dhiirigelineyn ruuxda kuwa ka shaqeynaya, waxbarashaduna waxay u idlaaneysaa inay noqoto, mid lumisa hadafkeedii, oo aan lahayn tayo aqooneed islamarkaana tixgelineysa danaha gaarka ah ee ay leeyihiin kuwa ku adeegta, danahaasoo ay ka mid yihiin inay ku helaan magac iyo ribix muuqda oo keliya. Xaaladda noocan ah waxaa ku qancaya milkiilayaasha dheef doonka ah, kuwaasoo ka fekereya oo keliya sidii ay magacooda u muujin lahaayeen ama jeebkooda u buuxin lahaayeen, waxaa gorgortan galaya tayada waxbarashada, waxaana ku hungoobaya maskaxda iyo caqliga jiilal badan. Ganacsiga waxbarashada iyo saameynta uu ku leeyahay tayadeedaNasiib daro, labaatankii sano ee la soo dhaafay, guud ahaan waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaana tacliinta sare waxay ku caan baxday in uu hadafkeedu noqday sidii looga heli lahaa faa’iido dhaqaale oo muuqda oo keliya, waxaana arrintaa caddayn u ah, jaamacadaha tobannaanka darsin gaaraya ee dalka laga furay, kuwaasoo tusaale u ah goobaha looga ganacsado tacliinta sare ee dalka. Tani waa arrin murugo leh iyadoo ku soo beegantay waqti ay dalalka dunidu ku tartamayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada hay’adahooda tacliinta sare. Waxaa sidoo kale naxdin leh inuusan muuqan dadaal ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa tayada hay’adaha tacliinta sare ee dalka, iyadoo dadaalka iyo tartanka ugu weyn ee ka dhex socda Jaamacadaha dalka uu yahay sidii ay u soo xareysan lahaayeen arday tiro badan, ujeeddada uga weyn ay ka leeyihiina ay tahay keliya sidii ay dhaqaale uga heli lahaayeen. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay kor u dhaafayaan 120 jaamacadood, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay 10ka dal ee ugu hooseeya dunida marka laga hadlayo aqris-qorista, arrintani waxay su’aal weyn ka keeneysaa kalsoonida siyaasadda hageysa nidaamka waxbarashada dalka iyo inay siyaasaddaasi ku qotonto qorshe iyo sahan dhab ah oo cilmiyeysan (Eeg, shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya). Haddii aan tusaale u soo qaadanno dalka Kenya oo tirada dadkiisu saddex jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay kor u dhaafeyso 79%, waxaa uu leeyahay qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Waxaa kaloo iyadana tusaale wanaagsan loo soo qaadan karaa dalka Woqooyiga Korea oo tirada dadkiisu ay laba jeer ka badan tahay tirada dadka Soomaaliya, isla markaana darajada akhris-qorista dadkiisu ay tahay 100%, isaguna wuxuu leeyahay sidoo kale qiyaastii in ka yar nus jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya. Shaxda1. Isbarbardhigidda tirada jaamacadaha Soomaaliya, Kenya iyo Woqooyiga Kuuriya Magaca dalka Tirada dadka Heerka aqsis-qorista Tirada Jaamacadaha Dowladda Gaarka loo leeyahay Wadar Soomaaliya 12,000,000 37% 1 120 121 Kenya 48,000,000 79% 20 36 56 Woqooyiga Kuuriya 25,000,000 100% 66 0 66 Waxaa dhab ah in la isku raacsan yahay in ay jaamacaduhu calaamad u yihiin ilbaxnimada iyo cilmi ururinta, waxaana laga filayaa inay noqdaan muraayadda sharfta oo ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka caalamiga ah ee cilmiga loo dejiyay. Jaamacadda wanaagsan waxaa lagu kala miiraa fikradaha aqooneed ee kala duwan, waxaana saldhig u ah cilmi baaris dhab ah iyadoo la raacayo hannaan cilmiyeysan oo leysku waafaqsan yahay. Waxaa kaloo la isku raacsan yahay in isbeddelka iyo horumarka waxbarashadu uusan ahayn mid degdeg ah, ee uu qaadanayo muddo dheer, si tartiib-tartiib ahna ku yimaado. Si looga keeno natiijooyin wax ku ool ah, waxbarashada casriga ah waxay u baahan tahay in la raaco nidaam gaar ah, kaasoo ku saleysan marxalado iyo taxane waxbarasho oo da’ ku qotoma, kuna yimid waaya’aragnimo iyo xikmad, marxaladahaas iyo taxanayaashaas oo is dhisaya, la’aantoodna ay adag tahay in la gaaro natiijooyinka laga sugayo waxbarashada. 3. Waxbarashada iyo tacliinta dalku waxay ku dhisan tahay xaalad degdeg ah oo keliya Soddonkii sano ee ugu dambeysay, xaaladda waxbarsho ee dalka Soomaaliya waxay ahayd mid degdeg ah oo ku dhisan nidaam waxbarasho oo aan tixgelin siineynin marxaladaha iyo taxanayaasha waxbarasho ee caalamiga ah ee la isku raacsan yahay. Sabababaha ugu waaweyn ee arrintan keenayna waxaa ka mid ah; waxaa meesha ka baxay mas’uuliyaddii sharciga ahayd ee xagga nidaamka dowladda iyo tii dhaqanka iyo damiirka la xiriirtay ee bulshada, taasoo keentay in ay waxbarshadii ganacsi noqotay, lana waayay cid ilaalisa tayadeeda; iyo baahida waxbarashada oo aan la soo koobi karin, isla markaana la adeegsanayay hannaan walba oo looga jawaabi karo, fursadna loo siin karo carruur badan. Arrintani saameyn xooog leh ayay ku keentay waxbarashada dalka gaar ahaan xagga tayada iyo maamulkeedaba, waxaana durbadiiba soo muuqatay in pyramidka waxbarashada Soomaaliya dhanka kale loo rogay, taasoo keeneysa in ardayda galaysa jaamadaha dalka ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare. Tani waa arrin aan caqliga gali karin oo fasiraad weyn u baahan, haddii tirada ardayda galaysa jaamacadaha ay ka badan yihiin kuwa ka soo baxaya dugsiyada sare, sua’aasha is weydiinta leh waxay noqoneysaa, xaggee ayay ardayda dheereedka ahi ka yimaadeen. Dhanka kale, haddii xaaladdu sidaa tahay, waxay u muuqataa in marka ay ardayda oo idil wada galaan Jaamacadaha, weli waxaa jira Jaamacado dheeraad ah oo arday badan sii qaadan kara. Arrintaasina suuragal kama ahan dunida kale, waxayna u muuqata mid aan la jaan qaadi karin oo aan loo barbar dhigi karin xaaladaha waxbarashada dalalka kale ee dunida. Jaamacadaha dalku waxay u baahan yihiin inay hagaajiyaan nidaamkooda waxbarsho, gaar ahaan xagga tayada si ay u soo saaraan dhakhaatiir, ingineerro iyo xirfadlayaal kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo horumarka dalka. Tacliinta sare waxay macno yeelan kartaa oo keliya haddii nidaamka iyo manjahka waxbarashada jaamacaduhu ay la jaanqaadayaan oo ay tixgelin siinayaan hiigsiga fog iyo horumarka dhaqaale ee la doonayo in la xaqiijiyo, isla markaana lagu saleeyo kheyraadka uu dalku leeyahay. Hey’adaha tacliinta sare ee Soomaaliya intooda badan wuxuu manjahkoodu ku qotomaa maaddooyin gaar ah oo ku dhisan koorsooyin aasaasi ah oo sahlan oo aan lahayn kakanaan cilmi oo gun dheer, waayo waxaa ka maqan awoodda aqooneed iyo tan dhaqaale ee lagu dhigayo maaddooyinka cilmiga ah ee muhiimka u ah horumarka dhaqaalaha dalka. Waa dhab in jaamacadaha qaarkood ay dadaalayaan ayna bixiyaan koorsooyin muhiim ah, laakiin waxay su’aal ka taagan tahay xagga tayada, arrintani waxay saameyn ku yeelaneysaa mustaqbalka ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha dalka, sidaa daraadded, awoodda xirfadeed iyo tan tacliimeed ee ardaydani waxay noqoneysaa mid uu shaki ku jiro oo aan suuragal ka dhigi karin horumarka la doonayo in la gaaro, isla markaana aan tartan la gali karin ardayda ay soo saaraan jaamacadaha caalamka. Arrintani waxay ku soo aadeysaa iyadoo labaatankii sano ee la soo dhaafay, ay dunidu xoogga saareysay natiijada ardayda soo dhameysata tacliinta sare, gaar ahaan xirfadda iyo aqoonta la dabaqi karo. Maanta waxaa muhiim loo arkaa in ardayda ka soo bexeysa jaamacadaha ay helaan awood cilmi iyo mid xirfadeed oo caalami ah, si ay ugu tartamaan suuqyada shaqada. Tani waxay meesha ka sareysaa aragtidii waagii hore hore laga qabi jiray hey’adaha tacliinta sare, oo ahayd inay xoogga saari jireen oo keliya sidii ay u noqon lahaayeen kuwa bixiya waxbarasho taya sare leh oo salka ku haysa cilmi baaris dhab ah. Gabagabo Su’aalaha adag ee la doonayo in la is weydiiyo waxay la xiriiraan, dhanka tayada, dhanka sharciyadda iyo aqoonsiga, dhanka siyaasadda iyo maamulka waxbarashada, waxaana ka mid ah: Haddii natiijada hay’daha tacliinta sare ee dalkeennu aysan jawaab u noqon karin dib u dhiska iyo horumarka xag walba ah ee uu dalku baahan yahay, isla markaana aysan caawineynin tartanka caalamiga ah ee suuqyada dunida, maxay noqoneysaa saameynta waxbarashada dalka? Haddii aanay jirin ama aysan dhamays tirnayn habraacyada maamulka waxbarashada oo ay ugu horreeyaan siyaasadaha iyo shuruucda waxbarashada iyo tacliinta sare, isla markaana ay meesha ka maqan tahay istiraatejiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa, maxay laga filayaa natiijada waxbarashada dalka? Maxaa hor taagan in la toosiyo nidaamka waxbarashada dalka? Mase loo baahan yahay dib u eegis dhab ah oo dhameys tiran, iyo in dib loo qeexo hadafka iyo ujeeddooyinka waxbarashada dalka iyo natiijooyinka laga filanaayo? sidee ayaa arrintan lagu suuragelin karaa? Miyaa la soo gaaray xilligii la qabanqaabin lahaa dood qaran oo lagu falanqeynayo xaaladda waxbarashada dalka maanta iyo jihada la doonayo inay u dhaqaaqdo mustaqbalka? Mustaqbalka dhow, in ay Soomaaliya ka soo dhex muuqato liiska dalalka dunida ee lagu kalsoonaan karo hey’adohooda tacliinta sare, waxay ku xiran tahay natiijada ka soo baxda iyo sida looga jawaabo dib u eegista lagu sameynayo waxbarashada dalka iyo dhaqan gelinteeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay shalay la wareegeen. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degmadaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen. Sidoo kale, waxay sheegeen in ciidanku ay ku faafeen deegaanna ku dhow degmadaasi, amnigana uu yahay mid wanaagsan. Degmada Awdheegle oo ay ciidanka dowladda federaalka la wareegeen ayaa muhiim u ah isku socodka deegaanno badan oo gobolka Shabellaha Hoose ah. Ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shaaab, iyaga oo doonaya iney ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya saraakiisha ciidamada Somaliland, gaar ahaan taliyaha guud ee Milatariga iyo kan qeybta gobolka Sool ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in la soo xiro taliyaha guutada 31-aad ee maamulkaasi Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal). Kulan ay yeesheen labada taliye ayaa la sheegay in fashil uu ku soo dhamaaday , waxaana kadib taliye Taanni uu amray in gudaha magaalada Hargeysa lagu xiro Doolaal oo ah taliyaha ciidanka maamulka Somaliland ee ka howgala gobolka Sool. Wararka qaar ayaa sheegaya in go’aankani taliyaha Milatariga Somaliland uu la ogyahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Arrintan ayaa salka ku heysa rabshado ka soo cusboonaaday gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland kula dagaalameyso jabhad uu hoggaamiyo Feysal Falaalug. Xaaladda deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa maalmihii dambe kacsanayed, iyadoona dagaallo kala duwan ay ka dhaceen gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha debadda waddanka Israel, Yisrael Katz ayaa shaaciyay in dalkiisu ku biirayo, Qorshaha Maraykanka iyo Xulafadiisa Gacanka Carabtu ay ku doonayan, in lagaga hortago khatarta dowladda Iran ee ku wajan biyaha Khaliijka Carbeed. Warbaahinta Israel ayaa baahisay, in wasiirku uu hadalkan ka sheegay, kulan albaabadu u xirnaayeen oo guddiga Arrimaha debadda ee Baarlamanka Israel ay ka yeesheen, Qorshaha Maraykanka ee ku aaddan, ka hortagga khatarta Iran ee biyaha Khaliijka Carbeed. Mr Yisrael Katz ayaa tilmaamay, in Israel ay hadda qeyb ka tahay, wada-hadallada u socdo Maraykanka iyo dalalka Khaliijka ee la xiriirta sida looga hortagi karo, khatarta ku wajahan gobolka ee ka imaanaysa dowladda Iran. Wuxuu intaasi raaciyay, in Qorshaha Maraykanka uu ka wado wadamada khaliijka ay ka arkeen danaha Israel, maadaama lagu waabinayo awoodda dowladda Iran, haddana lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo dalalka Khaliijka. PUNTLAND POST The post Israel oo sheegtay in ay ka qeyb-qaadanayso ilaalinta dalalka Khaliijka appeared first on Puntland Post.
-
Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika. Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo. Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo. Halkan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo dhaliil adag u jeediyay hay’adaha Qaxootiga ka shaqeeya appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors