Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Guddiga Ganacsatada Diyaaradaha Soomaaliya, cabashadaasi oo ay ka keeneen Shirkadda Ethiopian Airlines oo Gobolo ka mid ah Soomaaliya Safar ku tagta. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988. Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Ethiopian Airlines ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto. Wasiir Oomaar ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Ethioopian Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya. “Maya Diyaarada Ethiopan Airlines waxa ay fasax u qabtaa labada dal dhexdooda inay ka shaqeyso, Marka ma jirto Diyaarada Itoobiya Airline oo wadanka gudihiisa rakaab ka qaada oo Muqdisho inta ka qaado Boosaaso ay ku tageyso, laakiin waxa ay sameysaa duulimaad ay uga soo baxeyso Itoobiya gudihiisa oo ay ku tageyso Hargeysa iyo Garowe.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar oo la hadlay VOA. Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen. Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/b1630ba9-0a1c-498f-8558-10b794fb4c3a_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Awdheegle (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay qabsadeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle. Xoogaga Shabaab oo doonaya inay dib u qabsadaan Degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq Ciidan oo xooggan ay ka wadaan Tooratoorow iyo deegaanka Mubaarak oo ku dhaw Degmada Awdheegle. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Mubaarak ayaa sheegay in saacidihii la soo dhaafay ay arkayeen gaadiidka fara badan iyo Ciidan dagaal oo Shabaab ka tirsan kuwaasi oo soo gaarayay deegaanka Mubaarak. Qorshaha Shabaab wuxuu yahay dib u qabsashada Degmada Awdheegle, maadaama ay u tahay meel istaraatiiji ah oo ku dhaw Magaalada Toora toorow. Ciidamada dowladda iyo Amisom oo shalay uni qabsaday Awdheegle ayaa isla xalay la kulmay weerar abaabulan oo Shabaab ay ku soo qaadeen, inkastoo Shabaab guulo ka sheegteen weerarkaasi, haddana Saraakiisha Militariga kama hadlin. Dowladda Somaliya ayaa bilowday qorshe dagaal oo Shabaab looga saarayo deegaanada Shabellaha hoose, inkastoo dhaq dhaqaaqa noocaan oo kale ah dhawr mar Ciidamada ay sameeyeen oo ay dib uga soo laabteen deeganadii ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Afeef: Waxaan ka cudur daaranayaa in macluumaadka iyo aqoonta aan idin la wadaagayaa ay ku kooban tahay oo keliya dadaalkeyga ka aqoon yahan ahaan oo aysn ku salaysneyn aqoon iyo takhasus aan u Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-07082019.mp3 View the full article
  5. NAIROBI - Kenya could send the military to the disputed maritime border with Somalia if a motion tabled in the National Assembly is approved by members. Source: Hiiraan Online
  6. Army Gen. Stephen Townsend, the new commander of U.S. Africa Command, visited Somalia on Wednesday and pledged to continue pressuring violent extremists such as al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  7. Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee caanka ah ayaa qoray in Ilhaan Cumar ay xiriir hoose la leedahay nin kaaliye u ah oo lagu magacaabo Tim Mynett. Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in la arkay Ilhaan iyo Tim oo ayaga oo gacmaha is-haysta ka casheenaya maqaayad Talyaani ah oo ku taalla magaalada Los Angeles, bishii March. Ilo-wareedyo ayaa Daily Mail u sheegay in Ilhaan oo 37 jir ah iyo Tim oo 38 jir ay xiriir hoose lahaayeen muddo dhowr bil ah. Tim ayaa waxa uu qabaa haweeney lagu magacaabo Dr. Beth Mynett, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu dhowaan ka tagay gurigii xaaskiisa islamarkaana hadda ku nool yahay guri ku yaalla magaalada Washington DC oo sidoo kale Ilhaan ay ku nooshahay, ayada oo xubin ka ah Aqalka Wakiilada Mareykanka . Sawirro ayaa muujinaya in Tim iyo Ilhaan ay si joogto ah isu dhinac joogaan, ayaga oo ka qeyb-galaya dhacdooyin dhowr ah, islamarkaana u wada safray magaalooyinka Los Angeles, New York City, Austin iyo Seattle. Tim ayaa sidoo kale la sheegay inuu waqti la qaato gabadha Ilhaan ay dhashay ee Isra oo 16 jir ah, ayada oo sawirro ay muujinayaan saddexdooda oo wada jooga, waxaana markii ugu dambeysya la arkay bishii July ee dhammaatay. Tim waa nin ka shaqeeya istaraatiijiyadda dhanka doorashooyinka ee dimoqraadiga, waxaana la sheegay in ololaha Ilhaan Cumar ay 250,000 oo dollar siiyeen shirkad lagu magacaabo E Street Group oo uu leeyahay, taasi oo shaqooyin u qabatay Ilhaan. “ICashada caashaq” ee Ilhaan iyo Tim ayaa timid maalmo kadib markii Daily Mail ay shaaca ka qaaday in Ilhaan ay ka guurtay ninkeeda Axmed Xirsi, oo ah aabaha saddexdeeda carruur, islamarkaana uu u socdo qorshe furriin. Afhayeenka Ilhaan, Jeremy Slevin ayaa diiday inuu ka jawaabo arrintan mar ay wax ka qeydiisay Daily Mail. Sidoo kale, xaaska Tim ee Beth oo ah dhaqtar ka howl-gasha qeybta xabsiyada ee dowladda hoose Washington DC ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiso arrintan. Tim ayaa bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey dhammaan dhacdooyinka ay ka qeyb-gasho Ilhaan Cumar. Waxa ay ka wada qeyb galeen munaasabad bishii March ka dhacday xaafadda Woodland Hills ee magaalada Los Angeles oo uu qabtay Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR. Maalinkii xigtay munaasabaddaas ayaa la arkay Ilhaan iyo Tim oo ka wada baxaya maqaayadda caanka ah ee Caffé Pinguini ee xaafadda Playa Del Rey eee Los Angeles. Qof goobjooge ahaa ayaa u sheegay Daily Mail inuu arkay Ilhaan iyo Tim oo gacmaha isku haysta dibedda maqaayaddan, oo caan ku ah dadka is-qarinaya. “Su’aasha ayaa ah, maxay u doorteen maqaayaddan. Playa Del Rey ma ahan meel si kam ah la isaga yimaado. Waxaa halkan yimaada kaliya qofka doonaya inaan la arkin” ayuu yiri goobjoogaha oo qadaay Video laga duubay Ilhaan iyo Tim. Hoos ka daawo muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday Ilhaan iyo Tim. Sawirrada qaar waxaa ka muquda xaaska Tim ee Beth.
  8. Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Karar Shukri Doomey ayaa maanta dib loogu soo celiyey shaqadiisa kadib ku dhowaad bil bar markii laga joojiyey. Wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha, 25-kii June, isaga oo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda. Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.” Si kastaba, Hilaal ayaa warqad uu maanta soo saaray ku sheegay inuu dib shaqadiisa ugu soo celiyey Karar Shukri Doomey, kadib markii “la saxay arrimihii shaqada looga joojiyey.” “Kadib markii aan saxnay umuurihii shaqada looga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mr. Karar Shukri Dhomey oo muddo shaqo hakis ku jiray ayaan maanta si rasmi ah ugu fasaxay shaqadisii, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Shaqo wacan agaasime.” Ayuu yiri Hilaal. Hoos ka aqriso warqadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, Farqadiisa 2aad na ay fasax yihiin Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta. Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. BAYAANKA View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-07082019.mp3 View the full article
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu fashilmay isku day la doonayey in uu xabsiga uga baxsado madaxweynihii hore ismaamulka Soomaalida dalkaasi Cabdi Maxamuud Cumar. Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku deyday inay xabsiga ka sii deyso Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka, kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac. Sida ay qortay Addis Standard, kooxdan ayaa xabsiga uu ku xiran yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya shantii bishan hordhigay gaari nuuca VAN ah, si uu ugu baxsado, balse isku daygaasi uu fashilmay. Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay raggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xiray. Sidoo kale saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi uu Cabdi Maxamuud Cumar ku maqnaa maxkamadeyntiisa, islamarkaana ay doonayeen raggaasi in marka la soo celiyo ay xoog kula cararaan. Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018-kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  13. Police in Ethiopia have made arrests over a plot for an ex-regional president to escape prison detention, the local Reporter Ethiopia have disclosed. Source: Hiiraan Online
  14. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa 24/07/2019 si rasmi ah ula wareegay Sharciga Shirkadaha oo ka soo gudbay Golaha Shacabka, kaas oo soo gaaray Golaha Aqalka Sare 13/07/ 2019 lana marsiiyay akhrinta kowaad 23/07/2019. Guddigu waxaa uu kulan la qaatay Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Xubno ka socday wasaarad oo ay qeeyb kayihiin sharci yaqaanada wasaarada ayagoo ku weeydiinayay Su’alo dhoowr ah oo khusiiyo Hindise-sharciyeedka Shirkadaha. Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi Guddoomiyaha Gudiga Senaot Cabdi Axmded Dhuxlow (Dhegdheer) iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa kulankan muhiimka aha la yeeshey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Eng Cabullaahi Cali Xasan,iyagoo iska xogwareystay hindise sharciyeedka Shirkadaha. Eng Cabullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga waxaa kulankaasi ku wehliyay qubaro ku xeel dheer arrimaha ganacsiga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda,iyagoona isla gorfeyey meelmarinta sharcigasi oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. The European Commission publicized on 7 August 2019 a further €50 million in emergency humanitarian aid to help the people affected by drought in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin qaraarka baarlamanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. Garowe (Puntlandi) Munaasabad lagu maamuusayo todobaadka Naas-nuujinta Adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Munaasabaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe, ayaa [...] Source
  18. Leader of Majority in the National Assembly, Aden Duale, on Wednesday, unveiled a notice on behalf of the house concerning the Kenya-Somalia Maritime dispute. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta mar uu Garoowe ka daah-furayay bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland waxaa jeediyay khudbad qayba kamid ah uu ku dhaliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo khudbadda uu dhammaystiran PUNTLAND POST The post DENI: Dowladda Soomaaliya qof aan weligiis public office soo marin ayaa madaxa u sarreeya noqon kara appeared first on Puntland Post.
  20. War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xisbiyada kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Xisbiga Nabadda, ayaa waxay uga digeen dowladaha deriska qaarkood faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyagoo xusay inay wadaan dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub oo shaki abuuri kara, waxaa ay ugu baaqeen inay ka fogaadaan oo aanay dhicin mid la mid ah wixii ka dhacay Baydhabo sanadkii hore. Sidoo kale Xisbiyada ayaa walaac ka muujiyay faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka soomaaliya ay ku heyso geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay ay soo qaban qaabisay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Shirka waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda Puntland, Bahda Garsoorka, saraakiisha hay’adda UNDP iyo Odayaal Dhaqameed ku shaqeeya habka Garsoor Dhaqameedka. Shirkan oo socon doona laba beri, waxaa looga hadli doonaa, sidii sare loogu qaadi lahaa,dhammaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii looga soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasado lagu hago Garsoor Dhaqameedka. Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona, wada-shaqeynta laamaha Garsoorka Dowlada iyo Garsoor dhaqameedka iyo sidii xogaha ama kiisasaska ay u noqon lahaayeen kuwa keydsan oo markale laheli karo, hadii loo baahdo. Shirka Garsoor Dhaqameedka waxaa kale oo diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa, loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha. Hoos ka eeg sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.