-
Content Count
209,267 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maalin ka hor qabsaday degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey in ay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa afar ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen shan kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in gaari Cabdi Bile ah ay gubeen, kadib weerar ay ku qaadeen degmada Awdheegle. Qoraalka ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab laguma sheegin waxa khasaare nafeed ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoos ee Koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Safiirka Soomaaliya Koonfur Africa ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan siweyn u soo dhaweynayaan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay Mudane Gudoomiye in aad magaaladaan Cape town timaado oo Soomaali badan ku ganacsato sidoo kalena dagan tahay” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu kullan laqaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan, isagoo kala hadli doona arrimo badan oo harmarka dalka kamid yahay. Wuxuu dalkaasi Koonfur Afrika uga qeybgalay shirka baarlamaanada Afrika ee dalkaasi ak dhacay,kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada dalka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xilliga uu weerarku dhacayey guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa in ay ku sugnaayeen guriga la weeraray. Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha gaaray dhankooda iyo kuwa ay geysteen, waxaaan ay tilmaameen in dagaalyahannadii fuliyey weeraradaasi ay dib uga laabteen halkaasi. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaq dhaqaaqyadeeda, waxaana ugu dambeeyey weerar ay shalay ay ku qaaday sadlhigga Booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu yimid magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ciidan. Bayaanka ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamota. Warka qoraalka ah ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka. Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan. Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya. View the full article
-
Taliyaha cusub ee Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub uu Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ku tegay socdaalkiisi u horreeyay ee Qaaradda Afrika uu ku yimaado tan iyo markii uu xilkan qabtay 26-June 2019. Gen. Townsend ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka Argagixisada sida qoraalka ku xusan. Kulanka uu taliyaha cusub ee AFRICOM la qaatay Ra’iisul Khayre iyo saraakiisha sare ee Militariga Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. PUNTLAND POST The post Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO, Hey’ada Maalgalinta Horumarinta Beeraha Aduunka (IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Afrika, Madaxda Hey’adaha Maaliyadda iyo Beeraha Ee Kor kuxusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Cunto yarida ee kusii baahaysa Afrika iyo sida Qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Afrika oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha. Shirka Waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda aduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka *****nta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah u sameeyay oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP). Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shirkaas uu uga qaybgalay Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo khubaro ka socota Wasaaradda, Waxuu intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay, Wasiir Ciid ayaana uga Warbixiyay Xaalada Beeraha Soomaaliya. Wuxuu u xaqiiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso ka codsaday in la taageero qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigida gaajada iyo gaarista badbaado cunto. Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax kala duwan oo magac ku leh Qaaradda Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeyn Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn kuwaas oo shirka kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay u diyaar-garowday xorreynta gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe. Taliyaha milatariga ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo ka qeyb qaata howlgalada lagula wareegayo labadaasi gobol ay sidoo kale diyaar yihiin. Gaashaanle Sare, Maxamed Cali Cadow Sanka, ayaa ku booriyay xoogaga difaaca qaranka in ay heegan u galaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa labadaasi gobol. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadda oo gobolo kale oo dalka kamid ah ay ka socdaan howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Horaantii isbuucan ayay ahayd markii ciidamada xooga ay qabsadeen degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa shaaciyey in ay xoojinayaa tayadda arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda. Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar, wasiirka Cadaaladda dowlad goboleedkaasi ayaa xusay in sarre u qaadidada arrimahaasi ay keeneyso horumar. Maxamed Sheekh Cusmaan, xeer-ilaaliyaha maamulkaasi, ayaa ku booriyey garsooreyaasha in ay dhex u noqdan shacabka. Hadalkan ayaa wuxuu kasoo baxay shir ku saabsan Arimaha Garsoorka iyo Dambi Baarista oo lagu qabtay magaaladda Kismaayo. View the full article
-
SAMIQAYBSIGA GOBOLADA WAXA SALDHIG U AH DASTUURKA QARANKA IYO XEERARKA QARANKA EE HOOS YIMAADA. Somaliland waxay soo martay marxalado badan. Mid kastana waxaa lagaga soo gudbay wada tashi. Somaliland beelaha degaa waxay mar hor isku raaceen in laga gudbo xiligii axdiqarameedka oo saldhigiisu ahaa in beelo wax lagu qaybsado. Waxaa afti loo qaaday umada somaliland waxaana lagu heshiiyey in la isku xukumo dastuurka qaranka somaliland. Golaha guurtida golaha baarlamaanka xisbiyada qaranka maxkamadaha iyo xukuumadaba waxa saldhig u ah DASTUURKA QARANKA SOMALILAND. Saami qaybsiga goboladu maaha mid qabiil ah. Waa mid gobol. Hadii sadexda xisbi qaran iyo baarlamaanku adkayn waayaan ku dhaqanka dastuurka waxa dhici doonta in shakhsiyada danaystayaasha ahi bulshada si xun wax ugu sheegi doonaan sida maantaba xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsani u hadlayeen goboladana reero ka dhigayeen. Aniga aragtidayda waxaan aaminsahay in saami qaysigu noqdo mid gobol ku salaysan oo laga saaro reeraha. Sadexda xisbi waa inay ku fara adaygaan ku dhaqanka iyo ku xisaabtanka tastuurka si doorashadu xiligii loogu talagalay u dhacdo. Waa in xildhibaanku ku soo baxaa tirada u codaysay. waa inay kala qaataan darajooyin oo xildhibaanka 15000 ku soo baxay la darajo noqon xildhibaanka ku soo baxay 200 ama wax ka yar. hadii kale cadaalad darada maanta ka dhex taagan golaha ayaa jiri doontaa oo xildhibaan laba boqol oo cod haysta ayaa aamusiin doona xildhibaan ku soo baxay toban kun oo cod Waa in laga foojignaadaa xildhibaanada is og in aan mar labaad la dooranayn ee mushaaradii waayaya sawaxanka qaylada iyo kicinta bulshada ee ay samayndoonaan. MIDKA AF KU QALIICIYA, MIDKA AWOID KU QALOOCIYA IYO MIDKA QALIN KY QALOOCIYA ILAAHAY HA INAGA QABTO AAMIIN AAMIIN WA BILAAHI TAWFIIQ MAHDI JAMA Qaran News
-
PRESS RELEASE Terror attacks in central Cairo, Egypt Terrorism cannot be justified for any reason TOKYO, Japan, August 7, 2019/ — Statement by Press Secretary Takeshi Osuga In relation to the car bomb terror attacks in central Cairo, Egypt on August 4 (local time) which caused a large number of casualties, Japan expresses its sincere condolences to the bereaved families and extends its heartfelt sympathy to the injured. Terrorism cannot be justified for any reason. Japan firmly condemns such an act of terrorism and expresses its strong solidarity with the Government and the people of the Arab Republic of Egypt. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo dhac iyo boob u geysanaya shacabka ayaa lagu waramayaa in ay kusoo badanayaa qaybo kamid ah xaafada Kaawa Godey, degmada Dharkenlay ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Burcadda oo la sheegayo in ay hakad geliyeen isu socodka habeenkii ee xaafadda ayaa rayidka ka qaadanaya agabka ay sitaan. Cabdi Salaan Maxamed, oo kamid ah saraakiisha ciidamdda ayaa maamulka gobolka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintan. Sarkaalkan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si degdeg ah wax loola tacaalin qaddiyadan ay sababi karto in ay sii bataan burcadda. Tani ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo mudooyinkii dambe ay joogsadeen howlgalada ka dhank ah kooxaha dhaca geysta oo ay sameyn jireen ciidamada dowladda, kuwaasi oo dabley badan lagu soo qabqabtay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in adeegyadda dowliga ah la gaarsiin doono degaanadii dhowaan laga qabsaday Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka xoogaga dowladda ayaa tibaaxay in adeegyaddaasi ay qayb ka yihiin kuwa muhiim u ah nolosha bini’aadamka. Cabdi Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgaladda lagu xorreynayo tuulooyinka ay haysato Al-Shabaab ay sii socon doonan. Dhinaca kale, sarkaalka oo ka warbixiyey howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka socda Awdheegle ayaa guulo ka sheegtay. Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay in howlgalo Miino baaris ah oo ay ciidamadu sameeyeen ku guuleysteen in ay kusoo saaran walxo qarxa. Ugu dambeyntii, xaaladda degaanka ayuu tibaaxay in ay tahay mid wanaagsan, isaga oo shacabka ku booriyey in ay la shaqeeyan ciidamada difaaca qaranka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka AFRICOM ee Mareykanka Jeneraal Stephen Townsend oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii la’isaga kaashan lahaa dagaalka adag ee lagula jiro Xooggaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Townsend ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka. Taliyaha cusub kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid uu yahay sidii cadaadis wadajir ah loo saari lahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka. Ugu dambeyn Jeneraal Townsend ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya in ay ku heyso Al-Shabaab meesha ay hadda joogto, islamarkaana ay sii wado howlgallada ka dhanka ah. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-08082019.mp3 View the full article
-
Shir socday teer iyo Isniintii oo ay ku sugan yihiin Isimada iyo culimada ilaa 50 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa ka socda magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, xilligan carafadda. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka mid ah ilaa toban Soomaali ah oo isugu jira Isimada dhaqanka iyo culimo ka tegay Soomaaliya. Shirka ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha dacwadda diinta iyo doorka Isimada dhaqanka ee Afka ay ka qaadan karaan. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay mu’asaso arrimaha Diinta ka shaqaysa waxaa gudoominaya Bender Bin Salmaan Aala-sucuud oo ka mid ah boqortooyada dalkaas. Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Farance iyo Hawsa ayaa lagu guddoominayaa shirka, Soomaaliya ayaana hoggaaminaysa wadamada ku hadla af-carabiga ee shir dhaqameedkaas ku sugan. Isimada Soomaaliya ayaa intii shirku socday waxaa si weyn loogu ammaanay doorka ay ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada gudaha, sida uu sheegay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo warbaahinta uga waramay shirkan. Culimada waa weyn ee Sucuudiga ee kala ah Sheikh Cabduraxmaan Sudaysi oo ah imaamka xaramaynka, Dr. Sheikh Salax Al-fowsaan iyo culimo kale ayaa Isimada dhaqanka ee shirkaas la kulmay hoos ka ee sawirada shirka PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa si uu ula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Cape town. Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo xubno kamid ah Jaaliyadda ku nool Cape town. Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan gaar ahaanna magaalada Cape town oo uu horumarka iyo dib u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalkaasi lagu qabtay todobaadkan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyey mooshin ku aadan muranka badda Somalia iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
At least 20 people have been admitted at Mandera County Hospital with multiple injuries after the Nairobi-bound bus they were travelling in overturned. Source: Hiiraan Online
-
Pakistan announced Wednesday that it is expelling the Indian High Commissioner and suspending bilateral trade with India, days after New Delhi stripped Indian occupied Kashmir of its special autonomy. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay iney soo gaba gabeeyeen soo xulida xubnaha ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka soo socda Jubaland. Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo waxa uu ku sheegay in odayaasha dhaqanka ay ka soo dhamaatay soo xulida Saddexda qof ee kursigiiba ku tartamaya, dadkan mid kamid ah waa Xildhibaanka kursiga difaacanaya iyo laba qof oo lagu soo daray. Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in wixii haatan ka danbeeyay ay iyaga u soo wareegtay dhameystirka howshan, wuxuuna tilmaamay in Gudigooda ay marsiinayaan habraacan, si ay u soo saaraan Xildhibaanka kamid noqonaya Baarlamaanka 2-aad ee yeelanayo maamulka Jubaland. Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ugu danbeyn Shacabka Jubaland ugu laab qaboojiyay iney Guddigooda ku kalsoonaadaan, wuxuuna raja ka muujiyay in doorashada soo socota ay si cadaalad ah ku dhacdo.
-
Popular Contributors