Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. askari ka tirsan DANAB oo difaac ugu jira Al-shabaab Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska DANAB ee ku sugan Shabeellaha hoose fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ay ku qaadday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii maalmo ka hor Al-shabaab laga qabsaday degmadaasi. Hoos ka eeg sawiro muujinaya sida ay ciidanka DANAB u fashiliyeen weerarka Al-shabaab PUNTLAND POST The post Sida Kumandooska DANAB ay u fashiliyeen weerarkii Al-shabaab ku qaadday Awdheegle appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT – Hargeysa) – Michael Rubin oo ah Xeel-dheere Millatari iyo khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo jeediyey in aanay ku shaqeynaynin qorshe maangaabnimo ah oo aanay isu dhiibin Siyaasadda Khiyaaliga ah ee Soomaaliya, waxaanu Maraykanka ku boorriyey inay wax la qabsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan ka mid ah dalalka ugu nabdoon, uguna dimuqraadisan Afrika. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qormo uu Michael Rubin maanta ku daabacay Shabakadda Washington Examiner oo uu kaga warbixiyey farqiga u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka taliso dhul masaafadiisu aad u yar tahay oo ku yaalla badhtamaha Muqdisho. Khabiir Michael Rubin wuxuu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday Somaliland sannadkii 1960kii, ka hor intii JSL aanay la midoobin Soomaaliya oo ay kala kulmeen xasuuq kaligii taliyihii Siyaad Barre ee ka talin jiray Soomaaliya. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay ka baxday midowgii Soomaaliya sannadkii 1991kii, dibna ay ula soo noqotay madax-bannaanideedii, waxaanu ku sifeeyey Somaliland waddan ka mid ah dalalka ugu dimuqraadisan Afrika, isagoo tusaale u soo qaatay inay noqotay dalkii u horreeyey ee doorashada ku galay sawirka laga qaado isha bu’deeda” (biometric iris scans). Michael Rubin wuxuu xusay in masuuliyiinta Somaliland ay xaqiijiyeen in Shirkadaha Shiinuhu ay doonayaan inay la galaan heshiisyo macdanneed, hase ahaatee Somaliland ay doorbidayso inay la shaqeeyaan Maraykanka iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo taageeraya dawladda khiyaaliga ah ee Muqdisho. Waxaanu ku dooday in shirkadaha Maraykanka ay ka baaqsadeen inay heshiisyo gaar ah la galaan Dawladda Somaliland, waxaanu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay iska indho-tirayso xaqiiqada ka jirta Geeska Afrika Michael Rubin wuxuu sheegay inay Somaliland noqotay meel laga helayo macdanaha naadirka ah ee laga sameeyo qalabka Elektarooniga casriga ah, waxaanu tilmaamay inay leedahay khayraad kala duwan oo xooluhu ka mid yihiin. Khabiirkaasi wuxuu ka biyo diiday in dawladda Maraykanku lacago badan gelisay Soomaaliya oo aanay ka jirin nabadgelyo, isla markaana 14kii sannadood ee la soo dhaafay ku guulaystay horyaalka Musuqmaasuqa Adduunka, oo si toddobaadle ay uga dhacaan falal argagixiso. Waxa kaloo uu iftiimiyey in Maraykanku maalgeliyo Soomaaliya oo qandaraasyo badan siisa Shiinaha, waxaanu ku adkaystay in siyaasadda Dawladda Maraykanku aanay ku salaysnayn masaalixda dalkaas. Source
  3. (SLT – Hargeysa) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci ayaa isku dayey in uu tacsi u diro madaxwynaha dalka Maraykanka Trump isaga oo u sii marinaaya Twitterka, kana tacsiyaynaayey toogashadii ka dhacday labbo magaalo oo ku yaala dalka Maraykanka. Balse Saylici ayaa isku khalday cinwaanada ay leeyhiin Trump iyo wiilkiisa J Trump, isaga oo tacsiyeeyey J Trump, waxaa taa ka sii daran waxa uu si caadi ah ugu qoray bogiisa isaga oo aan dirin fariinta, waxana uu u qoray sidii hadal oo kale ama warbixinaha loogu qoro baraha bulshada si ay dadku u akhristaan, balse nasiib wanaag dad badani ma akhrisan oo waxaa eegay dad ka yar konton qof iyada oo uu qoraalkani ku jiray Twitterka afar casho. Madaxda maamul goboleedyadda Soomaliya ayaa intooda badani waxa ay tacsi u dirin shacabka soomaaliyeey marka ay masiib dhacdo, iyaga oo dalalka caalamkana u kala badiya. Source
  4. (SLT – Nairobi) Zuleika Hassan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa fadhigii baarlamaanka la soo gashay ilmo ay dhashay oo shan bilood jiray. Hase yeeshee Markii haweenaydaasi ay Baarlamaanka la soo gashay ilmahaasi oo ay tilmaantay inay sababtay xaaladd degdeg ah oo la soo gudboonaatay Haweenayda ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Christopher Omulele uu amar ku bixiyey in dibada loo saaray oo ay ku soo noqoto fadhiga Baarlamaanka iyadoo aan sidan. Talaabadan uu ku kacay gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxa ka dhalatay cambaaraybn xoog leh oo loo soo jeediyey, taas oo xubno xildhibaano oo ragg ahi ay ku eedeeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku dhaqaaqay talaabo naxariis daro ah oo ay ku tilmaameen sida uu haweenaydaasi uga saaray Baarlamaanka. Haweenayda Xildhibaanka ah ee Ms Hassan ayaa ugu baaqday baarlamaanku inuu abuuro jawi saaxiibtinimo oo ay qoysaska u muujiyaan si loo helo xubno Hawen ah oo tiro badan oo Baarlamaanka ka mid ah. Sanadkii 2017 ayaya ahayd markii Xildhibaanada dalka Kenya ay meel mariyeen sharci u ogolaanaya shaqaalaha Haweenka ah loo sameeyo meelo ay caruurtooda ku naasnuujiyaan. Source
  5. (SLT – Garoowe) Dawladda Thailand ayaa Toddobaadkan ku dhawaaqday in 50 Muhaajiriin u dhashay Dalka Thailand lagu xidhay meel u dhow Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Thailand oo Magaciisa la yidhaa Busadee Santipitaks ayaa Arbacadii Maanta sheegay in Madaxda Maamulka Puntland iyo kuwa dawladda Federaalka ay aqbaleen codsi ay u dirtay Safaaradda Thailand ee Nairobi, taasi oo ahayd in 50-ka qof ee Puntland xidhay dib loogu soo celiyo dalkooda Thailand. “Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Puntland waxay aqbaleen inay xoogsatadan reer Thailand dib u soo celiyaan, fududeeyaana soo celintooda..” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibedda Thailand. Sida laga soo xigtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda, 50-ka Qof oo dhammaan u dhashay Thailand ayaa ahaa Kalluumaysato, waxayna ka shaqaynayeen laba Doonyood oo Magacyadoodu kala yihiin Wadani 1 iyo Wadani 2. Sida ay baahisay Bankok Post Kalluumaysatadan oo ay u dhan yihiin Dhukumantiyadoodii ayaa Maalmaha soo socda Safarkooda dib u noqoshada ahi bilaabmi doonaa. Source
  6. (SLT – Hargeysa) Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha teknolojiga ay labaduba arrintaas ka aamusan yihiin. Maamulka Trump ayaa cunaqabateeyey Zarif 31-ka bishii July, iyada oo Maraykanku uu sabab u dhigay in uu u adeego Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamanei, kaas oo isagana ay dawladda Maraykanku cunaqabateyn saartay, iyada oo Iran cadaadis daran saaraysa. Akoonka twitterka ee Jawad Zarif ayaa waxaa ku xiran 1.2 milyan oo qof, halka 729 kunna ay ku xiran yihiin akoonkiisa Instagaramka, kaas oo ay leedahay shirkadda Facebook. Zarif ayaa wali labada baroodba adeegsada ilaa markii cunaqabateynta la saaray dhamaadkii July. Idaacadda VOA, laanteeda afka Faarisiga ee Iran la hadasha ayaa xiriir la sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyada oo wax ka weydiisay xisaabaadka Zarif ee baraha bulshada. Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in Twitter iyo Instagaram ay yihiin shirkado gaar loo leeyahay. Source
  7. Taliska Kumaandooska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa fashiliyay weerar ay malayshiyaadka Al-shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo maalmo ka hor laga qabsaday Al-shabaab. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Kumaandooska DANAB ee ku sugan Awdheegle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dib u celiyeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay mar kale qabsadaan degmadaasi Awdheegle oo bilowgii todobaadkan laga saaaray. Saraakiishu waxay sheegeen in dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 5 kalena ay ku dhaawaceen inkastoo aysan faahfaahin khasaaraha dhankooda gaaray. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Kumandooska Soomaaliya oo fashiliyay weerar rogaal-celis ah oo Al-shabaab ku qaadday Awdheegle appeared first on Puntland Post.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maalin ka hor qabsaday degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey in ay iska difaaceen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa afar ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen shan kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in gaari Cabdi Bile ah ay gubeen, kadib weerar ay ku qaadeen degmada Awdheegle. Qoraalka ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab laguma sheegin waxa khasaare nafeed ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoos ee Koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Safiirka Soomaaliya Koonfur Africa ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan siweyn u soo dhaweynayaan. “Waxaan aad ugu faraxsanahay Mudane Gudoomiye in aad magaaladaan Cape town timaado oo Soomaali badan ku ganacsato sidoo kalena dagan tahay” Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu kullan laqaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan, isagoo kala hadli doona arrimo badan oo harmarka dalka kamid yahay. Wuxuu dalkaasi Koonfur Afrika uga qeybgalay shirka baarlamaanada Afrika ee dalkaasi ak dhacay,kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Source: goobjoog.com
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen guriga guddoomiyaha Jalalaqsi iyo saldhig ciidamada dalka Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu si dirqi ah uga badbaaday, kadib weerar ay ku qaadeen hoygiisa. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xilliga uu weerarku dhacayey guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa in ay ku sugnaayeen guriga la weeraray. Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha gaaray dhankooda iyo kuwa ay geysteen, waxaaan ay tilmaameen in dagaalyahannadii fuliyey weeraradaasi ay dib uga laabteen halkaasi. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaq dhaqaaqyadeeda, waxaana ugu dambeeyey weerar ay shalay ay ku qaaday sadlhigga Booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee qaaraadda Afrika, Stephen Townsend, ayaa shalay oo Arbaco ahayd wuxuu yimid magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalkan Ameerikaan ah uu Muqdisho kula kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo saraakiil ciidan. Bayaanka ayaa lagu xusay in kulanka uu qayb ka ahaa danjiraha Mareykanka uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamota. Warka qoraalka ah ayaa lagu qeexay in dhinacyadda ay kawada hadleen amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. AFRICOM ayaa shaacisay in Townsend uu u balanqaaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in uu kala shaqeyn doono sidii loo xasilin ahaa waddanka. Waa socdaalkii ugu horeeyay oo uu Soomaaliya ku yimaado Townsend, kaasi oo dhowaan loosoo magacaabay jagadan. Taliska AFRICOM ayaa wuxuu dusha kala socdaa howlgaladda dhanka cirka iyo dhulka oo ciidamada Ameerikaanka ah ay ka fuliyaan wadamada qaaradda Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya. View the full article
  12. Taliyaha cusub ee Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend ayaa Arbacadii shalay socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub uu Arbacadii shalay magaalada Muqdisho ku tegay socdaalkiisi u horreeyay ee Qaaradda Afrika uu ku yimaado tan iyo markii uu xilkan qabtay 26-June 2019. Gen. Townsend ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo saraakiil sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya waxaana labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha Amniga iyo La’dagaallanka Argagixisada sida qoraalka ku xusan. Kulanka uu taliyaha cusub ee AFRICOM la qaatay Ra’iisul Khayre iyo saraakiisha sare ee Militariga Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Donald Yamamoto. PUNTLAND POST The post Taliyaha cusub ee AFRICOM oo socdaal qarsoodiya ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO, Hey’ada Maalgalinta Horumarinta Beeraha Aduunka (IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Afrika, Madaxda Hey’adaha Maaliyadda iyo Beeraha Ee Kor kuxusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize. Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Cunto yarida ee kusii baahaysa Afrika iyo sida Qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Afrika oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha. Shirka Waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda aduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka *****nta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah u sameeyay oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP). Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shirkaas uu uga qaybgalay Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo khubaro ka socota Wasaaradda, Waxuu intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay, Wasiir Ciid ayaana uga Warbixiyay Xaalada Beeraha Soomaaliya. Wuxuu u xaqiiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso ka codsaday in la taageero qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigida gaajada iyo gaarista badbaado cunto. Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax kala duwan oo magac ku leh Qaaradda Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeyn Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn kuwaas oo shirka kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Baardheere (SMN) – Saraakiisha ciidamada xooga ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay u diyaar-garowday xorreynta gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe. Taliyaha milatariga ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo ka qeyb qaata howlgalada lagula wareegayo labadaasi gobol ay sidoo kale diyaar yihiin. Gaashaanle Sare, Maxamed Cali Cadow Sanka, ayaa ku booriyay xoogaga difaaca qaranka in ay heegan u galaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa labadaasi gobol. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya iyadda oo gobolo kale oo dalka kamid ah ay ka socdaan howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Horaantii isbuucan ayay ahayd markii ciidamada xooga ay qabsadeen degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article
  15. Kismaayo (SMN) – Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa shaaciyey in ay xoojinayaa tayadda arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda. Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar, wasiirka Cadaaladda dowlad goboleedkaasi ayaa xusay in sarre u qaadidada arrimahaasi ay keeneyso horumar. Maxamed Sheekh Cusmaan, xeer-ilaaliyaha maamulkaasi, ayaa ku booriyey garsooreyaasha in ay dhex u noqdan shacabka. Hadalkan ayaa wuxuu kasoo baxay shir ku saabsan Arimaha Garsoorka iyo Dambi Baarista oo lagu qabtay magaaladda Kismaayo. View the full article
  16. SAMIQAYBSIGA GOBOLADA WAXA SALDHIG U AH DASTUURKA QARANKA IYO XEERARKA QARANKA EE HOOS YIMAADA. Somaliland waxay soo martay marxalado badan. Mid kastana waxaa lagaga soo gudbay wada tashi. Somaliland beelaha degaa waxay mar hor isku raaceen in laga gudbo xiligii axdiqarameedka oo saldhigiisu ahaa in beelo wax lagu qaybsado. Waxaa afti loo qaaday umada somaliland waxaana lagu heshiiyey in la isku xukumo dastuurka qaranka somaliland. Golaha guurtida golaha baarlamaanka xisbiyada qaranka maxkamadaha iyo xukuumadaba waxa saldhig u ah DASTUURKA QARANKA SOMALILAND. Saami qaybsiga goboladu maaha mid qabiil ah. Waa mid gobol. Hadii sadexda xisbi qaran iyo baarlamaanku adkayn waayaan ku dhaqanka dastuurka waxa dhici doonta in shakhsiyada danaystayaasha ahi bulshada si xun wax ugu sheegi doonaan sida maantaba xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsani u hadlayeen goboladana reero ka dhigayeen. Aniga aragtidayda waxaan aaminsahay in saami qaysigu noqdo mid gobol ku salaysan oo laga saaro reeraha. Sadexda xisbi waa inay ku fara adaygaan ku dhaqanka iyo ku xisaabtanka tastuurka si doorashadu xiligii loogu talagalay u dhacdo. Waa in xildhibaanku ku soo baxaa tirada u codaysay. waa inay kala qaataan darajooyin oo xildhibaanka 15000 ku soo baxay la darajo noqon xildhibaanka ku soo baxay 200 ama wax ka yar. hadii kale cadaalad darada maanta ka dhex taagan golaha ayaa jiri doontaa oo xildhibaan laba boqol oo cod haysta ayaa aamusiin doona xildhibaan ku soo baxay toban kun oo cod Waa in laga foojignaadaa xildhibaanada is og in aan mar labaad la dooranayn ee mushaaradii waayaya sawaxanka qaylada iyo kicinta bulshada ee ay samayndoonaan. MIDKA AF KU QALIICIYA, MIDKA AWOID KU QALOOCIYA IYO MIDKA QALIN KY QALOOCIYA ILAAHAY HA INAGA QABTO AAMIIN AAMIIN WA BILAAHI TAWFIIQ MAHDI JAMA Qaran News
  17. PRESS RELEASE Terror attacks in central Cairo, Egypt Terrorism cannot be justified for any reason TOKYO, Japan, August 7, 2019/ — Statement by Press Secretary Takeshi Osuga In relation to the car bomb terror attacks in central Cairo, Egypt on August 4 (local time) which caused a large number of casualties, Japan expresses its sincere condolences to the bereaved families and extends its heartfelt sympathy to the injured. Terrorism cannot be justified for any reason. Japan firmly condemns such an act of terrorism and expresses its strong solidarity with the Government and the people of the Arab Republic of Egypt. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
  18. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo dhac iyo boob u geysanaya shacabka ayaa lagu waramayaa in ay kusoo badanayaa qaybo kamid ah xaafada Kaawa Godey, degmada Dharkenlay ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Burcadda oo la sheegayo in ay hakad geliyeen isu socodka habeenkii ee xaafadda ayaa rayidka ka qaadanaya agabka ay sitaan. Cabdi Salaan Maxamed, oo kamid ah saraakiisha ciidamdda ayaa maamulka gobolka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintan. Sarkaalkan ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si degdeg ah wax loola tacaalin qaddiyadan ay sababi karto in ay sii bataan burcadda. Tani ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo mudooyinkii dambe ay joogsadeen howlgalada ka dhank ah kooxaha dhaca geysta oo ay sameyn jireen ciidamada dowladda, kuwaasi oo dabley badan lagu soo qabqabtay. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in adeegyadda dowliga ah la gaarsiin doono degaanadii dhowaan laga qabsaday Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka xoogaga dowladda ayaa tibaaxay in adeegyaddaasi ay qayb ka yihiin kuwa muhiim u ah nolosha bini’aadamka. Cabdi Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgaladda lagu xorreynayo tuulooyinka ay haysato Al-Shabaab ay sii socon doonan. Dhinaca kale, sarkaalka oo ka warbixiyey howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka socda Awdheegle ayaa guulo ka sheegtay. Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay in howlgalo Miino baaris ah oo ay ciidamadu sameeyeen ku guuleysteen in ay kusoo saaran walxo qarxa. Ugu dambeyntii, xaaladda degaanka ayuu tibaaxay in ay tahay mid wanaagsan, isaga oo shacabka ku booriyey in ay la shaqeeyan ciidamada difaaca qaranka. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka AFRICOM ee Mareykanka Jeneraal Stephen Townsend oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sidii la’isaga kaashan lahaa dagaalka adag ee lagula jiro Xooggaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in booqashada taliye Townsend ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka. Taliyaha cusub kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu Muqdisho u yimid uu yahay sidii cadaadis wadajir ah loo saari lahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay ka geystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dalka. Ugu dambeyn Jeneraal Townsend ayaa kula taliyay dowladda Soomaaliya in ay ku heyso Al-Shabaab meesha ay hadda joogto, islamarkaana ay sii wado howlgallada ka dhanka ah. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka, sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-08082019.mp3 View the full article
  22. Shir socday teer iyo Isniintii oo ay ku sugan yihiin Isimada iyo culimada ilaa 50 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa ka socda magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, xilligan carafadda. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka mid ah ilaa toban Soomaali ah oo isugu jira Isimada dhaqanka iyo culimo ka tegay Soomaaliya. Shirka ayaa lagu lafa-gurayaa arrimaha dacwadda diinta iyo doorka Isimada dhaqanka ee Afka ay ka qaadan karaan. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay mu’asaso arrimaha Diinta ka shaqaysa waxaa gudoominaya Bender Bin Salmaan Aala-sucuud oo ka mid ah boqortooyada dalkaas. Luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Farance iyo Hawsa ayaa lagu guddoominayaa shirka, Soomaaliya ayaana hoggaaminaysa wadamada ku hadla af-carabiga ee shir dhaqameedkaas ku sugan. Isimada Soomaaliya ayaa intii shirku socday waxaa si weyn loogu ammaanay doorka ay ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo horumarinta bulshada gudaha, sida uu sheegay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo warbaahinta uga waramay shirkan. Culimada waa weyn ee Sucuudiga ee kala ah Sheikh Cabduraxmaan Sudaysi oo ah imaamka xaramaynka, Dr. Sheikh Salax Al-fowsaan iyo culimo kale ayaa Isimada dhaqanka ee shirkaas la kulmay hoos ka ee sawirada shirka PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ka qayb-galay shir ay kulmeen Isimada 50 wadan oo Afrika ah appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa si uu ula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi Cape town. Guddoomiyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo xubno kamid ah Jaaliyadda ku nool Cape town. Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan gaar ahaanna magaalada Cape town oo uu horumarka iyo dib u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada Afrika ee dalkaasi lagu qabtay todobaadkan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  24. Baarlamanka dalka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin ku wajahan xukuumadda, kaasi oo ku saabsan habka ay tahay inay u xaliso muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si baarlamanka u ansixiyo. Mooshinkan oo uu diyaariyey hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa ka codsanaya dowladda inay xaliso muranka badda islamarkaana ay ilaaliso madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafqsan qodobada 5, 241(3), 255 ee dastuurka Kenya, sida lagu yiro qaraarka. Mooshinka ayaa soo jeediyey dhowr tallaabo oo ay tahay in dowladda ay qaado kuna wajahdo murankan, waxaana ugu weyn: 1 – In marka ugu horreysa, islamarkaana ah sida la doorbidayo, ay dowladda Kenya kala hadasho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in murannka lagu xaliyo hab diblomaasiyadeed ayada oo loo marayo marinnada la heli karo ee Afrika, sida Midowga Afrika, IGAD iyo ururka EAC. 2 – In dowladda Kenya ay u ku wargeliso QM, in ay kasoo horjeedo in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay sharciyad u leeedahay inay gasho kiiska muran badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo la tixraacayo diidmadii ay Kenya ka sameysay sharciyadda ICJ, sanaddii 1965. 3 – Haddii arrimahaas ay guuldarreystaan, in kadib Kenya ay eegto hababka kale ee sharciga iyo dastuuriga ah, ee ay ku difaaceyso dhulka jamhuuriyadda, taasi oo ay ku jirto in ciidamada Kenya ee KDF la geeyo xuduud badeedka lagu muransan yahay, si ay u gutaan waajibka ka saaran madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya, si waafaqsan qodobka 241(3) ee dastuurka. Mooshinka Kenya ayaa imanaya ayada oo maxkamadda ICJ ay mar kale dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, bisha September ee 2019. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Baarlamanka Kenya oo loo gudbiyey mooshin ku aadan muranka badda Somalia iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  25. Mozambique's government and the ex-rebel group Renamo completed a long-awaited peace pact on Tuesday, inking a final deal aimed at ending years of conflict. Source: Hiiraan Online