-
Content Count
209,267 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa galabta oo ah Khamiis 08/08/2019 soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Story Telling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 20 suxufi ayaa intuu socday, waxaa si qoto dheer oo shaqo iyo fasal ah loogu baranayey hannaanka soo-saaridda filimka oo ka bilaabata sameynta fikirka illaa duubista iyo naqshadeynta filim dhameystiran oo hab casri ah loo sameeyo. Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan Zubeyr oo tababarkan macallin ka ahaa ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in wariyaashii ka faa’ideystay tababarkan ay wax badan ku kordhin doonaan xirfadooda xagga filimka iyo guud ahaan mihnadda saxaafadda Soomaaliya hadda ka jirta. “Waan hubaa in wax weyn ay ku kordhin doonaan goobahooda shaqada marka ay ku laabtaan suxufiyiinta tababarkan ka faa’ideystay. Muddaddii duruustu socotay waxay ahayd muddo mashquul badan oo waxbarasho iyo shaqo ficil ah la iskuu waday,” ayuu yiri Ustaad Zubeyr. Guuleed Salaad Qaareey, oo ah hormuudka ururka hawlwadeennada Kaamiradda iyo Asma Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa wariyaasha ka qeybgalay tababarkan, ayaa u mahadceliyay Somali Journalists Syndicate – SJS iyo Akaadiimiyadda SODMA oo si wadajir ah u fuliyay hawsha tababarkan. Agaasimaha Machadka SODMA, Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan (Bukhaari) oo xiritaanka tababarka ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay u leedahay saxafiyiinta inay had iyo jeer aqoontooda kordhiyaan si ay ula tartamaan suxufiyiinta kale ee dunida. “Waxbarasho kaliya ma ahayn, ee halkaan waxaad kaloo ka qaadaneysaan sixitaan lagu saxayo wixii khaladaad ah ee horey u dhici jiray, waxay ahayd is dhexgal iyo is-barasho,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mr. Bukhaari ayaa sidoo kale sheegay in Akaadiimiyadda SODMA ay sii wadi doonta kor- u qaadista aqoonta saxafiiyiinta Soomssliyeed. Xoghayaha Guud Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Ahmed Mumin oo tababarka soo xiray ayaa bogaadiyay Akaadiimayadda SODMA iyo macallimiinta dedaalkii dheeraa ee ay bixiyeen muddadii uu socday tababarkan. Wuxuuna sheegay in Ururka SJS uu u taagan yahay kor u qaadista aqoonta suxufiyiinta, u doodista xuquuqdooda iyo ka caawinta waxkasta oo ku saabsan horumarinta mihnadda saxaafadda. “Ururka SJS wuxuu qorsheynayaa dhowaan tababaro kale oo ka tarjumaya baahida suxufiyiinta- haddey yihiin suxufiyiinta xubnaha naga ah iyo kuwa kalaba. Way naga go’an tahay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Mumin. Xoghaye Mumin iyo Agaasimaha SODMA Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhammaan ka qeybgalayaasha tababarkan. Sidoo kale waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay macallinka tababarka Ustaad Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Zubeyr) iyo Akaadiimiyadda SODMA.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada online ayaa ogaatay in madaxda dowladda Soomaaliya ay amreen in mid kamid ah garoomada kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kuyaala magaalada Muqdisho loogu magac daro guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Garoonka caanka ah ee Koonis, islamarkaana katirsan garoomada ugu caansan dalka ee kubadda cagta, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu soo gaba-gabeeyo tacsida iyo baroor diiqda geerida guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah garoonka Koonis kaga dhawaaqo in laga badalay loona bixiyay garoonka kubadda cagta ee Yariisow. Alleahha u naxariistii guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii 15 cesho ka hor lagu qaaday xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo aan ilaa hadda la shaacin waxa uu ahaa. Dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay dalbanayay in taalo loo sameeyo duqii magaalada Muqdisho ama loogu magac daro mid kamid ah wadooyinka gobalka Banaadir sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka. Haddii ay arintaan dhacdo ayaa waxaa loo arkaa go’aan wanaagsan oo ay qaadeen madaxda dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu xasuuusan doono duqii Muqdisho oo ay dishay gacan ka xaqdaran isaga iyo masuuliyiin kale oo muhiim ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar ah in dhammaan dugsiyadda waxbarashadda ee ku yaalla dalka ay si deg deg ah isaga diwaangaliyaan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliyeed xarumiheeda kala duwan ee dalka ku yaalla. Warqad kasoo baxday Wasaaradda waxbarashadda oo uu ku saxiixnaa Wasiir dowlaha Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay isdiwaangalinta, islamarkaana laga doonaayo in ay isdiwaangaliyaan ilaa 30 Bishaan si loo Ogaado tiradooda iyo Tayado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah ku yeeshay qeybaha kala duwan ee ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kulanka ayaana looga arinsanayay caqabadaha ka taagan Suuqa sida nadaafada, amaanka iyo xirnaashaha wadooyinka Suuqa soo gala. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in Ganacsatada Suuqa kor looga keenayo hoggaan aysan iyagu dooran sidoo kale aan ka mid aheyn ganacsatada qeybaha kala duwan ee Suuqa Bakaaraha. Cismaan Khaliif Abtidoon oo kamid ah gudoomiyeyaasha qeybaha Suuqa Bakaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka jiro hoggaan ay isku raacsan yihiin dhamaan ganacsatada Suuqa . Ganacsadahan ayaa sheegay in aan la magacaabi Karin hoggaanka Suuqa Bakaaraha balse uu ku imaan karo doorashada qeybaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay, waxa uuna tilmaamay in ganacsato iyagu xushaan ruuxa hoggaaminaya ayna ku aaminayaan masiirkooda . Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Maxamed Sheekh oo ka tirsan qeybta dhismaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha yihiin kuwa isku xiran oo maamul leh, waxa uuna ka digay in qof la magaacbo aysan ganacsato raali ka aheyn lagu qasbo Ganacsade Xuseen Warsheekh oo isna ka hadlay kulanka g ayaa ugu baaqay in Ganacsatada Suuqa ay mid ahaadaan si aan faragalin loogu sameyn, waxa uuna ugu baaqay in dadka doonaya in ay faragalin ku sameeyaan hogaanka ganacsatada Suuqa in ay ka laabtaan qorshahooda guracan Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka kooban yahay 7-qeyb ayna qeyb walbo soo doorato hogaankeeda, waxa uuna xusay in qof walbo oo hogaanka kamid noqonaya laga doonayo shuruudo dhowr ah in uu soo buuxiyo. Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in hoggaanka ganacsatada Suuqa Bakaaraha uusan aheyn mid dowlad soo magacawdo balse ku yimaadaan rabitaanka ganacsatada qeybaheeda kala duwan ee Suuqa Bakaaraha ku ganacsada. Dhamaan ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa si wadajir uga digay in Suuqa Bakaaraha loo soo magacaabo dad aysan raali ka aheyn ganacsatada, waxa ayna sheegeen in ganacsatu yihiin kuwa iyagu xaq u leh in ay ka tashadaan aayahooda ayna hogaanka u dhiibtaan cidii ay iyagu doortaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Army Gen. Stephen Townsend, the new commander of U.S. Africa Command, visited Somalia on Wednesday and pledged to continue pressuring violent extremists such as al-Shabab. Townsend is now on his first trip to the African continent since he took charge of AFRICOM July 26. He met with Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre in the capital city of Mogadishu, as well as U.S. Ambassador Donald Yamamoto and senior Somali military leadership, AFRICOM said in a release. AFRICOM said Townsend’s trip allowed him to assess the situation in Somalia, and reinforce AFRICOM’s commitments to the region’s security. “I am committed to working together and advancing our partnership with Somalia,” Townsend said in the release. “Along with Somalia and other international partners, we will apply continued pressure on violent extremist organizations. This pressure creates conditions and opportunity for further political and economic development.” Townsend said that Somali forces must keep pushing al-Shabab out of the remaining areas they hold to free Somali people living there, and that degrading the terrorist group’s threat supports the interests of both Somalia and the United States. “We’re in the business of protecting our country from these threats,” Townsend said. “Degrading the capability of terrorists who operate here makes the entire region safer and prevents its export to other places. This is important work for our country, the Somalis and our allies.” In a sign of how American involvement in Somalia is increasing, AFRICOM carried out as many airstrikes in the nation in the first seven months of 2019 as it did for the entirety of 2018. According to statistics from AFRICOM last month, the U.S. military carried out its 47th airstrike in Somalia on July 27 to target suspected Islamic State militants in the Golis Mountain region, which is a reputed terrorist hotbed. AFRICOM said Wednesday that the U.S. is coordinating its diplomacy and development efforts with military activity. Undersecretary of State for Political Affairs David Hale also met with Khayre in Mogadishu earlier this week, and pledged to continue U.S. support for Somalia’s political reforms, economic development and stabilization. “They agreed on the value of security operations to liberate areas from al-Shabab and preparing Somali forces to take over from the African Union Mission to Somalia,” State Department spokesperson Morgan Ortagus said in the release. The Prime Minister added the partnership with the U.S. is key to reform and sustaining progress, according to the AFRICOM website. “Through our strategic partnership and support with the U.S. government, Somalia has made tangible progress in security, reconciliation, and debt relief,” said Khaire, adding the two nations will continue to partner meaningfully in pursuit of their bilateral interests. As part of its support, AFRICOM is training a Somali military force called the Danab, a specially-trained unit of the Somali Security Forces that focuses on fighting al-Shabab and ISIS-Somalia. Al Shabab is believed to have been responsible for an October 2017 truck bombing in Mogadishu that killed 500 people and a January attack on a hotel in Nairobi, Kenya, that killed more than 20 people. AFRICOM said that the al Qaida-connected al-Shabab “remains the largest and deadliest terror organization in East Africa” and the region’s “principle security challenge.” Townsend met with U.S. units training the Danab, and praised the job they are doing. “The United States of America offers the best security partnership and training in the world,” Townsend said. “We invest in our partners, dedicating the time, energy and commitment to make sure they are ready for any challenge.” Source: Airforcetimes.com
-
The U.S. Africa Command will continue working closely with Somali authorities in the fight against terrorism, the agency’s new commander says. General Stephen Townsend made the pledge in his visit to Somalia, the first since he took command on 26 July. “I am committed to working together and advancing our partnership with Somalia,” said Townsend. “Along with Somalia and other international partners, we will apply continued pressure on violent extremist organizations. This pressure creates conditions and opportunity for further political and economic development.” Townsend’s visit is also his first to the African continent since he took charge of AFRICOM’s command duties. He met with Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre in the capital city of Mogadishu, as well as U.S. Ambassador Donald Yamamoto and senior Somali military leadership. AFRICOM said in a statement that Townsend’s trip allowed him to assess the situation in Somalia, and reinforce the force’s commitment to the region’s security. AFRICOM has carried out increased airstrikes against terrorists in Somalia in the first seven months of 2019. According to statistics from AFRICOM last month, the U.S. military carried out its 47th airstrike in Somalia on July 27 to target suspected Islamic State militants in the Golis Mountain region, which is a reputed terrorist hotbed. Somalia has been dogged by war for more than a decade, perpetrated by the al-Shabaab militant group. The war has killed tens of thousands and forced millions of others to flee their homes. The Horn of African country remains one of the continent’s biggest refugee crises as millions continue to live as refugees. With support from regional and international forces however, Somalia has made gains against the terror group, forcing its members to retreat into hiding. Even so, however, the group still manages to stage terror attacks, mostly by the use of suicide bombers. In his visit, Townsend urged Somali security forces need to keep the pressure on al-Shabaab to liberate the Somali people in remaining al-Shabaab held areas. View the full article
-
Saudi Arabia has deposited $250 million into the central bank of Sudan to support its financial position, the Saudi Finance Ministry said in a statement on Tuesday. The deposit is part of a package with the United Arab Emirates worth $500 million announced in April. Both countries pledged an overall $3 billion in aid, with the rest going toward fuel, wheat, and medicine. The deposit is not a grant to Sudan but rather a loan, a Saudi finance ministry official told Reuters later. It is aimed at alleviating pressure on the Sudanese pound and achieving stability in its exchange rate, the ministry said. In April, mass protests led the Sudanese army to topple longtime President Omar al Bashir. But Sudan’s economy is still haunted by Bashir’s legacy – the penalties imposed for his support of militant groups and for the offensive he launched to crush rebels in the western region of Darfur. Source Alarabiya Qaran News
-
Shucayb Xassan Cali Hay’adda Waddaniga ah ee Taddamun Social Society-TASS ayaa waxbarasho lacag la’aan ah ugu deeqday ardaygii kaalinta kowaad ka galay fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland. Hay’adda ayaa galabta shaacisay in ay Waxbarashada afarta fasal ee dugsiga Sare ah ugu deeqday Shucayb Xasan Cali oo kaalinta kowaad ka galay Imtixaanka 8-aadka Puntland kana socday dugsiga Girible-Boosaaso oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddomiyaha hay’adda Taddamun Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo shaaciyay deeqda waxbarasho ee uu helay Shucayb ayaa sheegay in ay sharaf u tahay hay’addiisa ayna ku faraxsanyihiin in ay dhiirr-gelin u sameeyaan ardaygan dadaalka sameeyey si qiimaha waxbarshada kor loogu qaado ardayda kalena uga ga daydaan. Shucayb oo dhigta iskuul carruurta qoysaska danyarta ah iyo Barakacaayasha ee lagu magacaabo Girible-Boosaaso ayaa ku gudbay celcelis dhan 97% boqolkiiba dhammaan maaddooyinkiisa. PUNTLAND POST The post Ardaygii Kaalinta kowaad u galay Imtixaanka 8-aadka Puntland oo deeq waxbarasho helay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada Jubaland ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada Jubaland, oo ah mid ka madax banaan guddiga uu horey u magacaabay maamulka Jubaland. Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay inay qaadeen tallaabadan kadib markii sida ay sheegeen maamulka Jubaland “uu ku guul-darreystay wax kasta oo laga rabay si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.” Golaha badbaadada ayaa sidoo kale sheegay inay talo-bixin arrintan ku aadan ka heleen odayaasha dhaqanka Jubaland, si loo dedejiyo hanaanka soo xuliska xildhibaannada. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada Caasimada Online ay ogaatay in qaar qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ay qorsheynayaan inay qabtaan doorasho ka baxsan midda uu mas’uulka ka yahay maamulka Jubbaland. Hoos ka aqriso waddada lagu magacaabay guddiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
IGAD oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan doorashada Jubbaland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga urur goboleedka IGAD oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo ayaa soo gabagabeeyey booqashadii uu ku joogay magaaladaasi. Dr Maxamed Guyow oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ay halkaasi u joogeen, si ay gacan uga geystaan doorashada maamulka Jubbaland. Wakiilka ayaa sheegay in habka ay wax ku socdaan ay la wadaagi doonaan beesha caalamka oo il gaar ah ku heysa doorashadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in IGAD ay caddeyneyso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee Jubbaland. Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in uu adkeynayo baahida loo qabo in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Mr Guyow ayaa intii uu joogay Kismaayo la kulmay guddiga doorashada, qaar ka mid ah musharaxiinta is bedel doonka ah, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha bulshada. Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan August, taas oo haatan qaban qaabadeeda laga dareemayo deegaanada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com -
Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay dib ugu soo noqoshada ciyaaraha qaarada Afrika ay qaadatay mudo dheer,balse howshan ay door wanaagsan ka ciyaareen madaxda naadiyada kubbadda cagta dalka. “Kooxaheena waxaa tartanka ugu dabeesay 1988 oo iminka laga joogo mudo 31 sano waxayna arintan ku timid ogalaasha iyo wada xaajood aan le yeelanay madaxda xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa” ayuu Goojoog u sheegay gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Bishii July 2019- Kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa ka qeybgashay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Ruwanda,inkastoo xidigaha Heegan ay tartarankaas kasoo hooyinin guulo waaweyn,iyagoo guul darooyin ay kala kulmay naadiyada kala ah Green Eagles,Proline FC iyo Apr FC. “Guul iyo guul daro shacabkeena waa in ay taageeraan kooxaha dalka ee ka qeybgalaya ciyaaraha qaarada iyo bariga iyo bartamaha Afrika,iminka waxaa si buuxda ugu soo laabanay tartamadii nagula yaqiinay waan in xoojinaa horomarka naadiyadeena” ayuu Goobjoog ugu waramay guddoomiyahe Cabdiqani Saciid Carab. 07-August 2019-waxaa garoonka aan cadde ka dhoofay kooxda Dekedda oo saddexdii sano lasoo dhaafay ku guulaysanay horyaalka Somalia Premier League iyo naadiga Muqdisho City Club,iyagoo sanadkan ka qeybgalay Caf Champions League iyo Caf Confedration,iyagoo ku dheelayadalalka Masar iyo Zanzibar. “Sanadkan markii ugu horeesay ilaa afar koox ayaa tartamada dibadda ugu qeybgalnay taasina waxa ay cadaynaysaa da’daalka iyo yadadeedalada kubbadda cagta Soomaaliya ka mid noqoshada ciyaaryahan waxa aan ka qaadanaynaa qibarado kala gedisan maada aan ka maqneen soddonkii sano lasoo dhafay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Mudane Cabdiqani Saciid Carab. 18-July 2019-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa 15-sano ka dib ka mid noqday guddiga fulinta xiriirka kubbada cagta qaarada Africa ee CAF waxaana booskaas Soomaaliya ugu danbeesay sanadii 2004,Cabdiqani waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanahy kusoo laabashada guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF. “Ganastada iyo wasaaradaha dowladda waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qeyb qaataan xoojinta kooxaha dalka,si sanadaha soo aadan aan u gaarno kaalamaha sare ee tartamadda dibbadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Halkan Ka Daawo Waraysiga Uu Goobjoog Siiyay Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wadaadka la sii daayay Sheikh Siciid Dowladda Puntland ayaa xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ka sii daysay wadaad kamid ahaa saddex nin oo ciidamada Amniga Puntland ay horraantii bishii June ee sannadkan ka qabteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wadaadka oo lagu magacaabo Sheikh Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo labada nin oo kale ayaa la qabtay kadib markii sida la sheegay ay abaabuleen shir ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo magac beeleed lagu qabtay loogana dhaawaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Labada nin ee wadaadka lala xiray oo magacyadoodu kala yihiin Ganacsade Maxamed Yaasiin Caabbi iyo Nabaddoon Deeq Cabdi Cabdulle ayaa weli lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Wadaadka la sii daayay iyo labada nin ee weli xabsiga lagu hayo oo xarigooda ay ka soo wareegtay mudda laba bilood ah ayaan mudadaasi wax maxkamad ah la geynin. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga ka siidaysay wadaad mudda laba bilood ah u xirnaa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Shir gudoomiyey Shirka Khamiis laha ay yeeshan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka KG Todobaadka Shirka Waxaa looga Hadlay Arimaha Amaanka Dhaqaalaha Iyo Siyaasada, Warbixin ku aadan Amniga Waxaa laga Dhegeystay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Isaaq Baarow Isaaq,waxaana uu ka Warbixiyey Howlgaladii ugu dambeeyey ee ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo la dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale Waxaa Hindise Sharciyeed Soo Gudbisey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska KG iyadoona Hindisaha Golaha Wasariirada u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska Koonfur Galbeed. Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Habsame usocodka Shaqada iyo Shaqaaleysiinta Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Somaliya Waxayna Muujiyeen Shaqaalaysiinta Bulshada in Haatan ay Tahay Mid ku Salaysan Cadaalad, Dhanka kale Golaha Wasiiradd ayaa amaaney Habsami socodka Shaqaaleysiinta kuna dhiira giliyey Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Raydka sida quruxda badan uu ugu shaqeynayo shacabka. Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa dhamaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ugu baaqay in dhinac loogu soo jeesto Xureynta Deegaanadda Koonfur Galbeed ee Dagaalka loogu jiro Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay saacado kooban la wareegeen, degaan lagu magacaabo Haluuqa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari kenya. Degaanka Haluuqa oo kaabiga ku haya xuduudka labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sida la sheegayo dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab si nabad gelyo ah kula wareegtay, kadib markii ay isaga carareen ciidamo kenyan ah oo halkaasi joogay. Dableyda hubaysan oo saacado kooban degaanka haystay, ayaa dab qabadsiiyay xarun ay halkaasi ku lahayd Shirkadda Isgaarsiinta kenya ee Safaricom, balse lama soo sheegin khasaare kale oo ay gaysteen. Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay degaankaasi ka fulisay lagu gubay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Kenya. Sidoo kale dowladda kenya ayaa xaqiijisay weerarku laakiin wax faahfaahin ah kama bixin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la wareegtay degaan ku yaalla gudaha kenya appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii is-rasaaseyn ay ka dhacday degaanka Ceel Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Tacshiiradda ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka yimid Balcad iyo dad shacab ah ay isku dhaceen, wallow aanan la ogayn sababta. Dadka ay waxyeeladdu soo gaartay ayaa la sheegayaa in loosoo qaaday Isbitaalka Kaysaney ee magaaladda Muqdisho. Xiisad ka dhalatay iska hor-imaadka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay degaankaasi, wallow ay socdaan dedaalo. Maalmihii dambe degaano iyo degmooyin dhaca gobolada dalka waxaa kusoo badanayey isku dhacyadda ciidamada dowladda iyo shacabka. View the full article
-
Gudoomiyaha kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyeentii garoonka aadan cadde ka sagootisay kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu aad ugu faraxsanyahay in naadiyada wadankeena ay kusoo laabtaan ciyaaraha qaarada Africa arinta ay kor u qaadayso heerka maanta ay joogto kubbadda cagta Soomaaliya. “Waxaa arinta ku mahadsan madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo da’daal dheer ku bixiyay in kooxaheena ay ka qeybgalaan tartamada qaarada Africa waxayna nagu dhiiri-gelinaysaa hadaan nahay madaxda naadiyada kubbadda cagta dalka in aan horay usii wadno da’daalkeena horomarka” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed. Ka Horseed waan garab taaganahay kooxaha aan saaxiibada dhawnahay,hadii ay hal naadi ay safar aadaysa 25-koox ee u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta waa waajib in ay is garab istaagan. Halkan Ka Daawo Waraysi Oo Goobjoog Siiyay Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Geeradii Duqii magaalada Muqdisho, ka sokoow waxaa waajib qaran ah in la magacaabo Guddoomiye cusub oo gobolka Banaadir, iyo Duq magaalo oo ay yeelto Muqdisho. Waxayna dad ka war sugayaan madaxweynaha oo awood u leh inuu magacaabo haddeysan jirinba doorasho shacab. Waxaa xilka uu ka geeriyooday Inj. Yariisoow u taagan murashaxiin badan oo xilal ka haaya DF iyo kuwo aan xil hayn. Waxaa qormadaan ku eegeynaa dareenka shacab iyo odoroos murashaxa ugu cad in xilkaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha isku raacaan in loo magacaabo. Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), hadda waa Maareeyaha dekadda Muqdisho, tan iyo markii xilkaan uu qabtay wuxuu isbadal muuqda kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho isagoo ku guuleystay in seddaxdii bil ugu horeysay daqliga dekadda kasoo xarooda gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay. Waa Kuma Murashaxa ugu cad ee Axmed Washington? Axmed Washington, siyaasadda kuma cubs, wuxuu soo noqday wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, burburkii dalka kadib, wixii ka danbeeyay bixitaankii ciidamadii howlgalka UNISOM ilaa 2006-kii. Waa muwaadin Soomaali-German ah, sababtaas ayey aheyd inuu ahaa wakiilka EU ee Somalia. Intii uu xilkaasi hayay wuxuu guud ahaan gobolada dalka ka hirgeliyay mashaariic kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed waxtar u leh. Sanadkii 2006-kii ayuu baneeyay xafiiska EU, markii maamulka Somaliland ay cabasho iyo dood ka keeneen siyaasadda xafiiska EU ee Somalia, iyagoo ku eedeeyay inuu farageliyay siyaasadda gaarka u ah Somaliland iyo madaxbannaanideeda sida ay ku doodeen. Rajada in mas’uulkaan loo magacaabo xilka gobolka Banaadir ayaa ah mid aad u sareyso oo la hadal haayo, sababaha loogu badinaayana ay tahay aqoontiisa, aqoonta uu maamulka iyo maareynta u leeyahay, waxqabadkiisa hore iyo mid cusub ee uu kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho. Sababta kale ee xoojineysa in xilkaan loo magacaabo ayaa ah in madaxweynaha mudo labo sano ah beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan Galmaax saarayeen cadaadis xoog leh oo aysan helin xilkaan sanadihii u danbeeyay, maadaama nidaam ahaan lagu tixgeliyo. Marka intaas laga soo tago, Janaayo 2018 markii la magacaabayay guddoomiyihii geeriyooday, waxaa miiska madaxweynaha saarnaa Axmed Washington, hase ahaatee siyaasad qalafsan lala dheelay madaxweynaha, iyadoo markii la magacaabay Yariisoow allaha u raxmadee madaxweynaha uu ku maqnaa safar gobolada dhexe ah, waxaana si filan waa ah madaxweynaha uu ku maqlay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, go’aankaasina uu ahaa ama wareegtada magacaabistiisa uu soo saaray ra’iisul wasaare Kheyre. Madaxweyne Farmaajo oo iska ilaalinayay khilaaf iyo muran siyaasadeed, uu madaxweynaha u daayay aqbalayna magacaabistaasi isagoo maqan lasoo saaray, sidaasina uu ku taageeray. Caqabad kaliya ee murashaxaan taageerada ka heysta beelaha gobolka Banaadir iyo madaxweynaha, ka hor imaan karta ayaa ah in diidmo dhinaca ra’iisul wasaaraha oo dabada ay ka riixeyso marwada madaxweynaha ay timaado, maadaama madaxweyne Farmaajo aad u tixgeliyo marwadiisa oo uu u nugul yahay, awoodna ku leh go’aamada masiiriga qaarkood. Docda kale, waxaa jira murashaxiin kale oo ku heyb ah guddoomiyihii geeriyooday kuwaasi oo doonaya xilkan, waxaana ka mid ah murashaxa soo labeeyo Axmed Washington, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga. Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday iyo Yusuf Jaalle, Maareeyihii saadaasha hawada iyo duulista hawada, balse rajadooda ma ah mid biuran. Ugu danbeynta Muqdisho, waa magaalo madax kulmisa qowmiyado kala duwan, waxay u baahan tahay nidaam iyo mas’uul maamula, xaquuqdeedana ilaaliya, sumcadii iyo sharaftii ay laheyd dib usoo celiya. W/Q: Maxamed Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garissa (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Haluuqa ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya. War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qabsadeen tuuladaasi oo ku dhow magaaladda Garissa iyo xadka Soomaaliya, markii ay weerareen. Saraakiisha ammaanka Kenya oo xaqiijiyey weerarka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan in ay degaanka qabsatay Al-Shabaab. Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka labadda dhinac oo la tilmaamay in uu muddo socday. Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulisa weeraro tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii. View the full article
-
Kooxda kubadda cagta Dekedda oo saddexdii sano lasoo dhaafay ku guulaysanay hanashada horyaalka Somalia Premier League ayaa 30 sano ka dib ka qeybgashay tartanka horyaalka kooxaha qaarada Africa ee CAF Champions League aysan kooxaha dalkeena ka qeybgalin soddonkii sano lasoo dhaafay. “Wadankeena dagaalo ayaa ku jiray mudo dheer,balse Alx maanta aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay naadiga Dekeddaha in aan soddon sano ka dib ka qeyb galno ciyaaraha horyaalada Africa ee Caf Champians League waa talaabo aan horay u qaadnay” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya marwo Maryan Aweys Jimcaale. Kooxda Dekedda ayaa labo kulan wadan Masar kula dheelaysa naadiga Zamalek Sporting Club oo ka mid ahaa naadiyada ugu adag ee ka qeybgalka tartanka horyaalada qaarada Africa ee Caf Champions League wasiir Maryan waxa ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ku kalasoonyihiin awooda kooxdooda ayna ka sugayaan in ay dalka kusoo laabtaan,iyagoo guulo lagu faraxo kasoo hooyo ciyaaraha qaarada Africa. Maryan Aweys Jimcaale oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya waxa ay dhinaca kale sheegtya G in madaxda Dowladda ay ku faraxsantahay kusoo laabashada tartamada qaarada Afrika ka wasaarad ahaan ay taageeridoonaan horomarka iyo xaquuqada Naadiga Dekeddaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Ay Wasiirada Siisay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamo horleh ayaa ku biiray howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaasi ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in dib gacanta dowladda loogu soo celinayo degaano ka tirsan gobolkaasi oo ay haysato AlShabaab. Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa sheegtay in ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab isku dayday in ay ka geysato degmada Awdheegle. Awdheegle oo dhowaan uu qabsaday milatariga Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada cusub tageen kana socdaan dhaqdhaqaaqyadda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliya xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa soo saartay amar guud ahaan garoomada kubadda cagta iyo xarumaha wasaaradda ka mamnuucday idaacado ku yaalo magaalada Muqdisho iyo TV ka tirsan warbaahinta dalka. Wasiir Khadiija, ayaa amarkaan xalay soo saartay waxayna waxaana lala wadaagay waaxda warbaahinta wasaaradda iyo madaxda garoomada kubadda cagta iyo kuwa cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda. Idaacadaha Goobjoog, GoolFm iyo Goobjoog TV oo dhamaantood la isku dhaho, Goobjoog Group Media ayaa laga joojiyay dhamaan in ay tagaan garoomada kubadda cagta soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho. Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay xarumaha wasaaradda iyo shirarka ay soo abaabusho wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen dadkii aan la hadalnay. Amarkaan ayaa sidoo kale waxa uu qabanayaa wariyihii ka tirsan xarumahaas oo si iskiis ah damca inuu soo daawado cayaaraha dalka ama uu ka qaybgalo shirarka wasaaradda sida lagu sheegay amarka wasiir Khadiija. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta arintaan ka dambeysa, balse waxaa la aaminsan yahay in wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay dhibsatay warbixino ay Radio Goobjoog ka diyaarisay arrimaha cayaaraha Soomaaliya iyo meelo gaabis ka jira. Arintaan ayaa waxay qayb ka tahay cadaadiska warbaahinta magaalada Muqdisho ay wajahayaan islamarkaana ay kala kulmayaan masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya. Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyrre ayaa lagu eedeeyaa caburin iyo hanjabaad joogto ah oo ka dhan wariyaasha iyo warbaahinta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors