-
Content Count
209,230 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Shir gudoomiyey Shirka Khamiis laha ay yeeshan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka KG Todobaadka Shirka Waxaa looga Hadlay Arimaha Amaanka Dhaqaalaha Iyo Siyaasada, Warbixin ku aadan Amniga Waxaa laga Dhegeystay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Isaaq Baarow Isaaq,waxaana uu ka Warbixiyey Howlgaladii ugu dambeeyey ee ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo la dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale Waxaa Hindise Sharciyeed Soo Gudbisey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska KG iyadoona Hindisaha Golaha Wasariirada u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska Koonfur Galbeed. Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Habsame usocodka Shaqada iyo Shaqaaleysiinta Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Somaliya Waxayna Muujiyeen Shaqaalaysiinta Bulshada in Haatan ay Tahay Mid ku Salaysan Cadaalad, Dhanka kale Golaha Wasiiradd ayaa amaaney Habsami socodka Shaqaaleysiinta kuna dhiira giliyey Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Raydka sida quruxda badan uu ugu shaqeynayo shacabka. Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa dhamaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ugu baaqay in dhinac loogu soo jeesto Xureynta Deegaanadda Koonfur Galbeed ee Dagaalka loogu jiro Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay saacado kooban la wareegeen, degaan lagu magacaabo Haluuqa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari kenya. Degaanka Haluuqa oo kaabiga ku haya xuduudka labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sida la sheegayo dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab si nabad gelyo ah kula wareegtay, kadib markii ay isaga carareen ciidamo kenyan ah oo halkaasi joogay. Dableyda hubaysan oo saacado kooban degaanka haystay, ayaa dab qabadsiiyay xarun ay halkaasi ku lahayd Shirkadda Isgaarsiinta kenya ee Safaricom, balse lama soo sheegin khasaare kale oo ay gaysteen. Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay degaankaasi ka fulisay lagu gubay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Kenya. Sidoo kale dowladda kenya ayaa xaqiijisay weerarku laakiin wax faahfaahin ah kama bixin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la wareegtay degaan ku yaalla gudaha kenya appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii is-rasaaseyn ay ka dhacday degaanka Ceel Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Tacshiiradda ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka yimid Balcad iyo dad shacab ah ay isku dhaceen, wallow aanan la ogayn sababta. Dadka ay waxyeeladdu soo gaartay ayaa la sheegayaa in loosoo qaaday Isbitaalka Kaysaney ee magaaladda Muqdisho. Xiisad ka dhalatay iska hor-imaadka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay degaankaasi, wallow ay socdaan dedaalo. Maalmihii dambe degaano iyo degmooyin dhaca gobolada dalka waxaa kusoo badanayey isku dhacyadda ciidamada dowladda iyo shacabka. View the full article
-
Gudoomiyaha kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyeentii garoonka aadan cadde ka sagootisay kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu aad ugu faraxsanyahay in naadiyada wadankeena ay kusoo laabtaan ciyaaraha qaarada Africa arinta ay kor u qaadayso heerka maanta ay joogto kubbadda cagta Soomaaliya. “Waxaa arinta ku mahadsan madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo da’daal dheer ku bixiyay in kooxaheena ay ka qeybgalaan tartamada qaarada Africa waxayna nagu dhiiri-gelinaysaa hadaan nahay madaxda naadiyada kubbadda cagta dalka in aan horay usii wadno da’daalkeena horomarka” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha kooxda Horseed Dr.Maxamed Axmed Maxamed. Ka Horseed waan garab taaganahay kooxaha aan saaxiibada dhawnahay,hadii ay hal naadi ay safar aadaysa 25-koox ee u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta waa waajib in ay is garab istaagan. Halkan Ka Daawo Waraysi Oo Goobjoog Siiyay Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Geeradii Duqii magaalada Muqdisho, ka sokoow waxaa waajib qaran ah in la magacaabo Guddoomiye cusub oo gobolka Banaadir, iyo Duq magaalo oo ay yeelto Muqdisho. Waxayna dad ka war sugayaan madaxweynaha oo awood u leh inuu magacaabo haddeysan jirinba doorasho shacab. Waxaa xilka uu ka geeriyooday Inj. Yariisoow u taagan murashaxiin badan oo xilal ka haaya DF iyo kuwo aan xil hayn. Waxaa qormadaan ku eegeynaa dareenka shacab iyo odoroos murashaxa ugu cad in xilkaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha isku raacaan in loo magacaabo. Axmed Maxamed Maxamuud (Washington), hadda waa Maareeyaha dekadda Muqdisho, tan iyo markii xilkaan uu qabtay wuxuu isbadal muuqda kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho isagoo ku guuleystay in seddaxdii bil ugu horeysay daqliga dekadda kasoo xarooda gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay. Waa Kuma Murashaxa ugu cad ee Axmed Washington? Axmed Washington, siyaasadda kuma cubs, wuxuu soo noqday wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, burburkii dalka kadib, wixii ka danbeeyay bixitaankii ciidamadii howlgalka UNISOM ilaa 2006-kii. Waa muwaadin Soomaali-German ah, sababtaas ayey aheyd inuu ahaa wakiilka EU ee Somalia. Intii uu xilkaasi hayay wuxuu guud ahaan gobolada dalka ka hirgeliyay mashaariic kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed waxtar u leh. Sanadkii 2006-kii ayuu baneeyay xafiiska EU, markii maamulka Somaliland ay cabasho iyo dood ka keeneen siyaasadda xafiiska EU ee Somalia, iyagoo ku eedeeyay inuu farageliyay siyaasadda gaarka u ah Somaliland iyo madaxbannaanideeda sida ay ku doodeen. Rajada in mas’uulkaan loo magacaabo xilka gobolka Banaadir ayaa ah mid aad u sareyso oo la hadal haayo, sababaha loogu badinaayana ay tahay aqoontiisa, aqoonta uu maamulka iyo maareynta u leeyahay, waxqabadkiisa hore iyo mid cusub ee uu kusoo kordhiyay dekadda Muqdisho. Sababta kale ee xoojineysa in xilkaan loo magacaabo ayaa ah in madaxweynaha mudo labo sano ah beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan Galmaax saarayeen cadaadis xoog leh oo aysan helin xilkaan sanadihii u danbeeyay, maadaama nidaam ahaan lagu tixgeliyo. Marka intaas laga soo tago, Janaayo 2018 markii la magacaabayay guddoomiyihii geeriyooday, waxaa miiska madaxweynaha saarnaa Axmed Washington, hase ahaatee siyaasad qalafsan lala dheelay madaxweynaha, iyadoo markii la magacaabay Yariisoow allaha u raxmadee madaxweynaha uu ku maqnaa safar gobolada dhexe ah, waxaana si filan waa ah madaxweynaha uu ku maqlay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, go’aankaasina uu ahaa ama wareegtada magacaabistiisa uu soo saaray ra’iisul wasaare Kheyre. Madaxweyne Farmaajo oo iska ilaalinayay khilaaf iyo muran siyaasadeed, uu madaxweynaha u daayay aqbalayna magacaabistaasi isagoo maqan lasoo saaray, sidaasina uu ku taageeray. Caqabad kaliya ee murashaxaan taageerada ka heysta beelaha gobolka Banaadir iyo madaxweynaha, ka hor imaan karta ayaa ah in diidmo dhinaca ra’iisul wasaaraha oo dabada ay ka riixeyso marwada madaxweynaha ay timaado, maadaama madaxweyne Farmaajo aad u tixgeliyo marwadiisa oo uu u nugul yahay, awoodna ku leh go’aamada masiiriga qaarkood. Docda kale, waxaa jira murashaxiin kale oo ku heyb ah guddoomiyihii geeriyooday kuwaasi oo doonaya xilkan, waxaana ka mid ah murashaxa soo labeeyo Axmed Washington, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga. Cumar C/laahi Xasan, Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday iyo Yusuf Jaalle, Maareeyihii saadaasha hawada iyo duulista hawada, balse rajadooda ma ah mid biuran. Ugu danbeynta Muqdisho, waa magaalo madax kulmisa qowmiyado kala duwan, waxay u baahan tahay nidaam iyo mas’uul maamula, xaquuqdeedana ilaaliya, sumcadii iyo sharaftii ay laheyd dib usoo celiya. W/Q: Maxamed Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garissa (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Haluuqa ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya. War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay qabsadeen tuuladaasi oo ku dhow magaaladda Garissa iyo xadka Soomaaliya, markii ay weerareen. Saraakiisha ammaanka Kenya oo xaqiijiyey weerarka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan in ay degaanka qabsatay Al-Shabaab. Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka labadda dhinac oo la tilmaamay in uu muddo socday. Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulisa weeraro tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii. View the full article
-
Kooxda kubadda cagta Dekedda oo saddexdii sano lasoo dhaafay ku guulaysanay hanashada horyaalka Somalia Premier League ayaa 30 sano ka dib ka qeybgashay tartanka horyaalka kooxaha qaarada Africa ee CAF Champions League aysan kooxaha dalkeena ka qeybgalin soddonkii sano lasoo dhaafay. “Wadankeena dagaalo ayaa ku jiray mudo dheer,balse Alx maanta aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay naadiga Dekeddaha in aan soddon sano ka dib ka qeyb galno ciyaaraha horyaalada Africa ee Caf Champians League waa talaabo aan horay u qaadnay” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya marwo Maryan Aweys Jimcaale. Kooxda Dekedda ayaa labo kulan wadan Masar kula dheelaysa naadiga Zamalek Sporting Club oo ka mid ahaa naadiyada ugu adag ee ka qeybgalka tartanka horyaalada qaarada Africa ee Caf Champions League wasiir Maryan waxa ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay ku kalasoonyihiin awooda kooxdooda ayna ka sugayaan in ay dalka kusoo laabtaan,iyagoo guulo lagu faraxo kasoo hooyo ciyaaraha qaarada Africa. Maryan Aweys Jimcaale oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xuukamada Soomaaliya waxa ay dhinaca kale sheegtya G in madaxda Dowladda ay ku faraxsantahay kusoo laabashada tartamada qaarada Afrika ka wasaarad ahaan ay taageeridoonaan horomarka iyo xaquuqada Naadiga Dekeddaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Ay Wasiirada Siisay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamo horleh ayaa ku biiray howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgaladaasi ayaa ujeedkeeda lagu sheegay in dib gacanta dowladda loogu soo celinayo degaano ka tirsan gobolkaasi oo ay haysato AlShabaab. Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa sheegtay in ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab isku dayday in ay ka geysato degmada Awdheegle. Awdheegle oo dhowaan uu qabsaday milatariga Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada cusub tageen kana socdaan dhaqdhaqaaqyadda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha soomaaliya xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa soo saartay amar guud ahaan garoomada kubadda cagta iyo xarumaha wasaaradda ka mamnuucday idaacado ku yaalo magaalada Muqdisho iyo TV ka tirsan warbaahinta dalka. Wasiir Khadiija, ayaa amarkaan xalay soo saartay waxayna waxaana lala wadaagay waaxda warbaahinta wasaaradda iyo madaxda garoomada kubadda cagta iyo kuwa cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda. Idaacadaha Goobjoog, GoolFm iyo Goobjoog TV oo dhamaantood la isku dhaho, Goobjoog Group Media ayaa laga joojiyay dhamaan in ay tagaan garoomada kubadda cagta soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho. Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay xarumaha wasaaradda iyo shirarka ay soo abaabusho wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha sida ay noo xaqiijiyeen dadkii aan la hadalnay. Amarkaan ayaa sidoo kale waxa uu qabanayaa wariyihii ka tirsan xarumahaas oo si iskiis ah damca inuu soo daawado cayaaraha dalka ama uu ka qaybgalo shirarka wasaaradda sida lagu sheegay amarka wasiir Khadiija. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta arintaan ka dambeysa, balse waxaa la aaminsan yahay in wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ay dhibsatay warbixino ay Radio Goobjoog ka diyaarisay arrimaha cayaaraha Soomaaliya iyo meelo gaabis ka jira. Arintaan ayaa waxay qayb ka tahay cadaadiska warbaahinta magaalada Muqdisho ay wajahayaan islamarkaana ay kala kulmayaan masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya. Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyrre ayaa lagu eedeeyaa caburin iyo hanjabaad joogto ah oo ka dhan wariyaasha iyo warbaahinta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhue-08082019.mp3 View the full article
-
Kooxaha kubadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa u kala safray dalalka Masar iyo Zanzibar,iyagoo halkaas u aaday ka qeybgalka tartamada Caf Champions League iyo Caf Confedration 2019 oo aysan Soomaaliya ka qeybgalin 30-kii sano lasoo dhaafay. Kooxda kubadda cagta Dekekdda oo sanadkii 3aad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier League ayaa tartanka Caf Champians League dalka Masar kula ciyaaraysa naadiga reer Masar ee Zamalek guddoomiyaha kooxda Dekedaha Cabdullahi Faarax Cusmaan ayaa Goobjoog u sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen guulo waaweyn ay kasoo hooydoonaan tartanka horyaalada Qaarada Africa. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay n arinta ay ku timid da’aalka iyo wada shaqeynta wanaagsan ay muuijyeen madaxda kooxaha dalka. Kooxda Muqdisho City Club ayaa markii ugu horeesay magacan tartamada dibada ugu qeybgalays wuxuuna guddooomiyaha kooxdan Abuukar Maxamed Sheekh sheegayaa in ay shacabka Gobolka Banaadir ay u soo hooydoonaan guul lagu farxo maadama ay si wanaagsan isu diyaareen bilihii lasoo dhaafay. Wasiirka Dekeddaha Xukuumada Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo la hadashay Goobjoog waxa ay sheegtay in arinta tahay guul weyn ka wasaarad ahaan ay ku da’daal doonaan horomaka naadiga Dekedaha. Ciyaartooyda labada dhinac oo inoo waramay ayaa iyagana inoo sheegay in ay tartamadan ay ka faliyaan in ay kasoo qaataan qibrada kala duwan,arintan ay kaga mahad celinayaan madaxda xiriirka kubbadda cagta dalka. Guddoomiye ku xigeenka maaliyada ahna ku simaha duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Mahad Alle Ibraahim dheere yaa guul u rajeeyay dhallinyarada matalaysa caasimada,isagoo intaa ku daray in aad ugu faraxsanyihiin kusoo laabashada tartmada qaarada Africa. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarka Kooxaha Dekedda Iyo Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay si nabdon kula wareegeen deegaanka Haluuqa oo hoostaga magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay gudaha u gashay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga dalka Kenya. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku gubeen shirkad isgaarsiineyd oo ay laheyd Kenya, sida ay hadalka u dhigeen. “Mujaahidiinta ayaa howlgal ku qaaday deegaanka Haluuqa ee dhulka muslimiinta NFD, ciidamadii gaalada Kenya cagaha ayay wax ka dayeen markii ay arkeen mujaahidiinta waxaana halkaas dab lagu qabad siiyey xarun ay laheyd shirkadda isgaasiinta Kenya.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geysta ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada booliska gobolkaasi ay ka hortageen weerar is-miidaamin ah. Taliyaha saldhiga booliska magaaladda Baardheere, oo u waramay idaacadda Shabelle, ayaa shaaciyey in qof haweenay ay fulin rabtay qaraxaasi. Maxamed Cismaan Yarow ayaa xusay in ay timid saldhiga booliska kadibna askari meesha ay bombo ku tuurtay kadibna uu rasaas uga jawaabay. Yarow ayaa intaasi ku daraya in bombada uu hal askari ku dhaawacmay, kaasi oo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaalka magaaladda. Isaga oo beeniyay in ay ka timid Baydhabo, taliye Yarow ayaa tibaaxay in ay baarayaan shaqsiyadeeda iyo halka ay ka yimid. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkan oo imaanaya xili ammaanka magaaladda uu mudooyinkii dambe ahaa mid hagaagsan. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Hotelka Makka ee magaalada Kismaayo wxaaa shalay ka dhacay buuq, waxaana la arkayey sawirro la bahaiyey oo muujinaya odayaal badan oo dhooban banaanka hotelka. Odayaashaas ayaa la sheegay in Jubbaland ay is hor-taagtey kulankii ay la yeelan lahaayeen wakiilka IGAD oo maalmahan Kismaayo ku sugan, hase yeeshee waxaa soo baxay maanta xog ku saabsan sida ay wax u dhaceen. Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo kulamana la qaadanayey Gudiga doorashada, Musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa aqbaley codsi ka yimid labo kamid ah saxiixayaasha xildhibaanada Jubbaland oo ahaa inay la kulmaan wakiilka IGAD. Labada Ugaas oo kala ah Ugaas Maxamed Xaashi iyo Ugaas Qorane ayaa codsigoodii waxaa aqbaley Wakiilka IGAD sidaasna kulanka loogu qaban qaabiyey, ayadoo hal shuruud lagaga dhigay inuusan hal qof oo kale soo raacin. Hase yeeshee labadaUgaas ayaa la sheegay inay soo raacene odayaal dhaqameedyo kale, oo aad u badan, taas oo aan shuruudii lagu xiray kulankooda aan kujirin, maadaama uusan jirin oday dhaqameed kale oo kamid ah saxiixayaasha Jubbaland oo aan labadooda ahayn oo ka maqnaa kulankii hore ay IGAD la qaadatey saxiixayaasha Jubbaland. Sidaas darteed wakiilka IGAD u fadhiya Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday kulankaas maadaama ay odayaashu balantii ka baxeen, sida aan xogta ku helnay, mana jirin wax lug ah oo maamulka Jubaland oo arrintan ku lahaa. Maanta oo Khamiis ah 8/8/2019 ayuu wakiilka IGAD la kulmayaa labadii saxiixayaal maadaama ay kulankii hore ka maqnaayeen kii shaleyna uu baaqdey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa Khamiista maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland. Qoraal Shaxan ah oo ka soo baxay Wasaaradda, ayaa lagu faahfaahiyay Natiijada Imtixaanka, waxaana sida shaxanka ka muuqata Imtixaanka u fariistay 10,011 arday oo ka kooban 5966 wiil iyo 4045 gabdhood. Imtixaanka waxaa ku gudbay, 9516 arday oo isugu jira 5691 wiil iyo 3825 gabdhood, waxaana ku dhacay 417 arday oo isugu jira 239 wiil iyo 178 gabdhood, halka aysan Imtixaanka gelin oo maqnaayeen 78 arday oo kala ah 36 wiil iyo 42 gabdhood sida ku cad shaxanka wasaaradda. Sidoo kale, wasaaraddu waxay soo bandhigtay 10-ka arday ee kaalmaha sare ka galay Imtixaanka, waxaana kaalinta kowaad galay arday lagu magacaabo Shucayb Xassan Cali oo ka socday dugsiga Girible ee gobolka Bari, isagoo ku gudbay cel-celis dhan %97 boqolkiiba. Kaalinta labaad waxaa gashay Ikraan Maxamed Xassan oo ka socotay dugsiga Daarul-Birri Boosaaso ee isla gobolka Bari oo ku gudubtay cel-celis dhan %96.5 boqolkiiba. Hoos ka akhriso Natiijada oo faahfaahsan iyo kaalmaha sare PUNTLAND POST Cabdiraxmaan ciise Cumar The post Warbixin: Natiijada Imtixaanka 8-aadka Puntland oo faahfaahsan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay doorashada wakiilada iyo deeganadu aanay qabsoomayn wakhtigii loogu talo galay. Doorashada Baarlamaanka iyo Degaanka ee Somaliland ayaa markii lixaad dib u dhacday, sida ay ku dhawaaqeen maanta guddida doorashooyinka Somaliland oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in aanay farsamo ahaan iyo sharci ahaanba qabsoomi karayn doorashooyinku. Muuqaalka warkan goor dhow la soco Source
-
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland ayaa markii lixaad dib u dhacday sida uu goor dhoweyd shaaciyay guddida doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ku dhawaaqay in farsamo ahaan iyo sharci ahaanba midna aysan u qabsoomi karayn doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland oo markii lixaad dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT – Hargeysa) – Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.0 magnitude ka dhacay Waqooyi-bari Dalka Thaiwan. Dhul-gariirkan ayaa sababay khasaare sahlan , sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi oo soo xiganaya Hay’adaha Arrimahaa u qaabilsan. Hay’adda la socodka Dhul-gariirka ee Thaiwan ayaa sheegtay in dhul-gariirku ka soo bilaabmay Bad-weynta Pacific-ga, gaar ahaan meel 36KM Koonfur-bari ka xigta Magaalada Yilan. Dhul-gariirkan ayaa kor u qaadday biyaha Badda ee ku dhow Yilan, taasina waxay sababtay in biyo sida Duufaanka u socdaa Magaalada soo galaan, isla-markaana waxyeeleeyaan Dhismayaasha oo ay dumiyaan dhismayaasha iyo Alaabooyinkii yaallay. illaa hadda lama sheegin wax dhimasho ah, balse Qoysas gaadhaya 1000 ayaa Laydhku ka maqan yahay muddo dheer. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haweeney is qarxin rabtay ku toogteen gudaha magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Haweeneydan ayaa bartilmaameedkeedu waxa uu ahaa saldhigga booliska degmadaasi, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah. Saraakiil ka tirsan kuwa xooga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydani ay ka soo degtay gaari Caasi ah oo ka yimid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in ay bam gacmeed ku tuurtay askar ilaalo ka heysay afaafka hore ee saldhigga, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 askari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaan lagu sameeyey Meydka haweeneydaasi laga helay walxaha qarxa iyo lambar sireed u gaar ah. Weerarkan la fashiliyey ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay abaabullo ka dhan ah Xoogaga Al-Shabaab ay ka socdeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ay wado qorshe ay saldhig uga furaneyso magaaladaasi, kaas oo laga hagi doono dagaalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Popular Contributors