-
Content Count
209,267 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sawirka ganacsadaha la dilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xaqiijiyay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay dileen ganacsade caana oo lagu magacaabi jiray Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) oo maanta lagu dilay degaan hoostaga magaalada Baydhabo. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id madaxweynaha PUNTLAND POST The post Lafta Gareen oo xaqiijiyay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay dileen ganacsade caana oo maanta Baydhabo lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - The UN and other international partners in Somalia have warned against lack of transparency in the upcoming elections in Jubbaland calling on the Ahmed Madobe administration and the state electoral body to provide clear directions on the heavily contested poll. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay natiijo hrudhac kasoo bandhigay baaritaanka qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, hase yeeshee su’aalo badan oo jawaab u baahnaa ayaa looga tagay. Waxyaabaha aan la shacain balse la xaqiijiyey ayaa waxaa ka mid ah magaca gabadha qaraxa fulisay, oo ah Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee magacaas uu ahaa midka ay u sheegtay dowladda balse magaceeda dhabta ah uu yahay Maryama. Magaca Maryama waxay Caasimada Online shaacisay dhowr maalmood ka hor. Halkan ka aqri. Baaritaan uu sameeyey Galka Baarista VOA, ayaa lagu ogaaday in magaca xarunta gobolka Banaadir looga yaqiin gabadha labaad ee qaraxa fulisay uu ahaa “Deggan”, balse magaceeda dhabta ah uu ahaa Hodan, sida aan xogta ku helnay. Labada gabdhood ayaa magacyo been ah isaga diiwaan geliyey dowladda, si ula kac ah, taasi oo qeyb ka ahayd qorshaha shiqoolkooda oo ay soo dejiyeen Shabaab. Deggan ama Hodan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey codsiga Basiira ama Maryama, oo aragga la’eed, taasi oo sheegtay inay u tahay kaaliye, ama qofka caawinaya maadaama aanay waxba arag. Si kastaba, dowladda ayaa ku fashilantay inay baaris buuxda ku sameyso labada gabdhood, waxaana la rumeysan yahay in loo calool dabcay Maryama, maadaama ay aragga la’eed, taasi oo iyana ay ka faa’iideysatay. Dowladda waxay sheegtay in labada gabdhood ay fasaxyo waqti isku dhow ah qataeen bil ka hor munaasabadihii xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo 1-da July, kadibna aadeen xarumaha Al-Shabaab, ayaga oo soo laabtay kadib, si ay uga qeyb-galaan xuska. Waxaa jira tuhun ay qabaan saraakiisha amniga dowladda oo ah, in Maryama ay dooneysay inay beegsato mid ka mid ah munaasabadaha xuska maalmaha xoriyadda, oo uu ka qeyb-galay madaxweynaha, si ay u disho madaxweynaha. Labada munaasabad ayaa ka kala dhacay Villa Somalia iyo xarunta gobolka. Maryama waxay ka qeyb-gashay tii xarunta gobolka, balse weli lama hubo inay tagtay tii Villa Somalia, hase yeeshee uma badna, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in markii ay fasaxa qaadatay horraantii June ay Maryama u sheegtay Injineer Yariisow inay dhaqtar u aadeyso India, wuxuuna siiyey 10,000 oo dollar oo caawimaad ah, hase yeeshee ma aadin India oo waxay tagtay xarumaha Al-Shabaab, si qaraxa loogu soo diyaariyo. Maalinkii qaraxa uu dhacayey, waxay aad u codsatay inay la kulanto Yariisow, si gaar ah, balse waxaa loo sheegay inuu mashquul yahay, waxayna kadib ka qeyb-gashay kulankii ay qarxisay, ayada oo fariisatay meel shan kursi u jirta Yariisow. Maalinkii qaraxa uu dhacayey, Maryama iyo Hodan labada lama baarin, waxaana la sheegay in gabar baarta haweenka ay xilligaas qado ku maqneyd. Ma cadda sababta uusan u jirin qof kale oo baara haweenka, oo buuxiyay booska qofkii maqnaada, haddii uu jirana halka uu ku maqnaa. Maryama ayaa la sheegay inay qaraxa kusoo xirtay jirkeeda, halka Hodan ay wax yar un qaraxa ka hor ka baxday xarunta islamarkiina u safartay xarumaha Al-Shabaab, oo ilaa iyo hadda ay ku sugan tahay. Baaritaanka dowladda weli ma go’aamin in Maryama ay markii hore ee ay dowladda shaqaale ka noqoneysayba ay sidaas u sameysay inay qarax fuliso iyo in kadib ayada oo shaqaale ah ay Al-Shabaab maskax beddeleen, hase yeeshee waxay u badan tahay midda hore. Xogta aan helnay ee ay nala wadaageen saraakiisha amniga, ayaa ah in ujeedka ugu weyn ee Maryama uu ahaa inay disho madaxweyne, balse ay ku adkaatay ugu dambeynna Shabaabka go’aamiyeen guddoomiyaha gobolka. Waxaa jira marar badan oo la sawiray ayada oo la joogta madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee baaritaanada madaxweynayaasha oo adag darteed aysan ku dhiirin. Xigasho: VOA
-
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale. Dawladda ayaa sheegtay in gabadha Isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey. Dawladda waxay Sidoo kale sheegtay In labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah. Haddaba dawladda Soomaali ma shaacin magacyada labada dumarka ah, laakiin baadhitaan ay samaysay VOA gaar ahaan barnaamijka Galka Baarista ayaan ku ogaanay In labada gabdhood ay magacyo qalad ah siiyeen dawladda markii la shaqaalaynayey. Gabadha is aarxisay siday ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waa “Maryan” sida uu ogaaday Galka Baarista. Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, hase yeeshee magaceeda dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey. Hodan Waxa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan. Galka Baarista waxa kaloo ogaaday In markii ay fasaxa qaateen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan, ayna soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii xorriyadda. Maryan ayaa ku dadaashay inay ka qaybgasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato. Warar dhinaca amniga ah waxay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay. Saraakiishu waxay Sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10 kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen. Galka Baarista ayaa ogaaday in maalinta qaraxa aan labada gabdhood midkoodna lagu samaynin baaritaan, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay inuu mashquulsan yahay. Saraakiisha amnigu waxay aaminsan yihiin in qaraxu ku xirnaa Maryan. Labada gabdhood ayaa soo galay dhismaha Ilaa saddex saac ka hor xilliga qaraxu dhacay. Xigasho: VOASOMALI PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo, ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqay, in garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho AUN, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda. Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay guddoomiye Yariisow, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecan doonin dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan. “Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka. “Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda. Hoos ka daawo khudbadda iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Ciyaaraha Banaadir ugu magac daray Inj. Yariisow appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubaland. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheeagy in dowladda federaalka aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha doorashooyinka dowladda goboleedyada, sidaas darteedna ugu baaqay inay ka dayso faro-gelinta. “Xukuumada Soomaaliya ha u hoggaansanto faritaanada dastuurka, faragelintana haka dhaafto doorashada Jubaland.” Ayuu yiri Mahad Salaad. “Dhisamaha hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.” Waxa uu intaas raaciyey “Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubaland. Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee ganacsade Cali Aadan Marguus oo ahaa siyaasi hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Marxuumka aya lagu dilay Beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, wxaana lagu dhex dilay beertiisa. Marguus oo ahaan jiray siyaasi aad looga yaqaan deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sanadihii dambe isaga ka fariistay siyaasadda, wuxuuna noqday ganacsade ka shaqeysta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya dilkiisa ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran ka dhashay arrimo la xariira dhul la isku haysto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta ka baxsadeen. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi. Cali Aadan Marguus waxaa uu ahaa dhowaanahan ahaa ganacsade iyo oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta Waxsoorka beeraha Sanadyadii ugu dambeysay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Xaflad duco ah ayaa waxaa ay hadda ka socotaa garoonka kubadda cagta ee Banaadir. , xafladda ducada ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda ugu sareyso dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah dadka halkaasi jooga ayaa sheegay in maanta laga bilaabo garoonkaasi loogu magacdaray duqii geeriyoodey ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in guddoomiyihii gobolka uu ahaa astaanta midnimada la raadinayo. Xafladda marka laga soo tago madaxda qaranka waxaa jooga maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:- Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar. Dowladda Soomaliya ayaa cadaynaysa falkaasi in uu ahaa dhibato loogeestay Shacabka Soomaliyeed. Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo Dumar ah; kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose. Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaay markii la shaqaaleysiinaayay. Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan Argagixisada. Nafteed haligtaha ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh . DHAMAAD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in garoonka kubadda cagta Koonis ee magaalada Muqdisho loogu magac daray Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Madaxweyne Farmaajo oo garoonkaasi uga qeyb galay kulan loogu duceynayey duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu xasuusan doonto geesinimadiisii iyo adeegga uu u ahayey Ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan ugu magac darnay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) garoonkan kubadda cagta, naftiisa ayuu u huray dalka, qofka kasta oo halyey ah oo dalkan wax ku kordhiya sidaas ayaa u xasuusaneynaa.” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdu ay ka war heyneyso nolosha dhammaan qoysaskii ay ka tageen mas’uuliyiintii ku geeriyooday weerarkii xarunta gobolka Banaadir. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xildhibaano, wasiiro, waxgarad iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaare Khayre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Marxuumka uu waqtigiisa ugu badan galiyay sidii uu ugu shaqeyn lahaa Qarank, islamarkaana uu dhintay isagoo u adeegaya dalkiisa iyo dadkiisaba. Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho ayaa dhowaan ku geeriyooday dalka Qatar, kadib markii markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkii ay Al-Shabaab bishii hore ee July ku qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaraadda arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku faah-faahisay go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashada Jubbaland iyo habka ay ku socoto. Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin natiijo kasta oo baalmarsan Dastuurka &Shuruucda Dalka oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) -Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa go’aan xasaasi ah ka soo saartay doorashada Jubbaland ee la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weli ay jirto cabasho ka imaaneyso beelaha Jubbaland iyo musharraxiintooda, loona baahan yahay in xal rasmi ah laga gaaro tabashooyinkaasi, ka hor inta aan doorashada la qaban. Sidoo kale wasaaradda ayaa saddex qodob hor dhigtay madaxda dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo kala ah: 1 In liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diiwaanka dhaqanka ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. 2 In marka hore la dhameystiro soo xulida xubnaha golaha wakiilada baarlamaanka Jubbaland, kadibna baarlamaanka cusbi iska dhex doorto guddiga doorashooyinka guddoonka golaha wakiilada iyo madaxweynaha Jubbaland. 3 In doorashadu ay ku dhacdo hanaan daah-furan oo xor iyo xalaal ah. Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay in aysan aqoonsan doonin doorasho baalmarsan qodobadaasi. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday reer Jubbaland midnimo, horumar iyo in laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada. Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan, iyadoo weli ay caqabado ka taagan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo baalmarsan Dastuurka &Shuruucda Dalka oo ka soo baxda Doorashada madaxtinimada Jubbaland Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shardi ku xirtay in ay aqbasho natiijada ka soo baxda doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Aweys iyo Maxamuud Maxamuud Cali Samow oo kamid ah dhalinyarada Jubbaland ayaa sheegay in ay ku been abuurteen musharaxiinta aan is diiwaan galinin kuwaas oo uu sheegay in uu internetka ku arkay magaciisa oo kamid ah gudi ay sheegeen in ay doorasho u qabanayaan musharaxiinta diiday in ay is diiwaan geliyaan Halkan ka daawo hadalkiisa Waa qof labaad oo kamid ahaa magacyada ku jira gudi ay shalay samaysteen musharaxiinta aan is diiwaan galin oo sheega in laga been abuurtay. Aweys Cumar Salaad oo kamid ah ah dhalinyarada Jubaland ayaa isna xalay sheegay in ay ka been abuurteen musharaxiinta aan is diiwaan galin oo sida uu sheegay ay ku dareen guddi ay u magacaabeen guddiga doorashada Jubaland. Hoos ka daawo muuqaalka Aweys PUNTLAND POST The post Laba nin oo sheegay in ay ka been abuurteen musharrixiinta aan is diiwan-gelin ee Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaacisay in askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Uganda ay ku dishay qarax ka dhacay agagaarka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ay la beegsadeen qarax nooca miinada ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay ku dishay qaraxaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan. Dhanka kale ma jiro wele wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo xoogan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadeen gobolkaasi. Ciidamada huwanta ayaa todobaadkan Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle, kadib dagaal ay kula galeen halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Xaflad lagu soo dhaweynayey wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka koofur afrika. Xaflada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town waxaana xafalada ka hadlay qaar ka mida jaalidda Soomaaliyeed ee Cape Town iyagoo u jeediyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa talooyin iyo dhiirri-gelin. Safiirka Soomaaliya ee koofur Afrika Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay xafladda ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warmaya xaladda guud ee Soomaalida kunool dalkaasi,isalamarkaan halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ayaa uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen wafdigaasi. Wuxuu kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay in guulaha la gaaray. Wafdiga guddoomiyaah Golaha Shacabka ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeybgalay shirkii Baarlamaanada Afrika,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan qoxootigaiyo Barakacayaasha iyo duruufaha kajira dalka,maadaama shirka uu guud ahaan quseeyay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ee dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa shaacisay in dhowaan ay qabanayso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay jadwalka illaa todobo degmo oo ka tirsan deegaanada ay ka arrimiso dowlad goboleedka Puntland. Deegaanada ay ka dhacayaan doorashooyinkaasi ayaa kala ah: Galdogob, Baargaal, Gumbax, Ufayn, Isku-Shuban iyo Buurtinle oo hoostaga maamulkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa arku wargelisay odayaashadegmooyinkaasi in ay 15 cisho ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha ka mid noqon doona golayaasha deegaanadaasi. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa xalay shaacisay jadwalka dhismaha golayaasha degaanka 7 degmo oo ka kala tirsan gobollada Bari, Guardafui, Mudug iyo Nugaal. Sida wasaaraddu sheegtay golaha degaanka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa la dhisi doonaa 31-Agoosto 2019, halka golaha degaanka degmada Galdogob ee isla gobolkaasi Mudug la dhisi doono 8-September ee sannadkan. Sidoo kale golaha degaanka degmada Baargaal ee gobolka Guardafui ayaa la dhisi doonaa 11-September-2019, halka golaha degaanka degmada Gumbax oo ka tirsan isla gobolkaasi la dhisi doono 15-September. Golaha degaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sida wasaaraddu sheegtay la dhisi doonaa 5-September-2019, iyadoo golaha degaanka degmada Isku-Shuban ee isla gobolka Bari la dhisi doono 20-September, halka golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal la dhisi doono 3-October-2019. Ugu dambeyntii, wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxay ku wargelisay odayaasha iyo nabaddoonada degmooyinkaasi in ay 15 cisha ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha kamid noqon doona golayaasha degaanka. Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay 7 degmo ka qabanayso doorashada golayaasha degaanka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday, natiijada Hordhac ah ee ka soo baxday, baaritaankii hay’adaha Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wadeen, xogta qaraxii ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Xamar. Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow, guddoomiye ku xigeeno ,agaasimayaal iyo shaqaale kale. Sida ay sheegtay wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, baaritaan hordhaca oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in qaraxa ay fulisay qof dumar ah oo ka shaqeynaysay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii ay caawinaad ka heshay haweenay kale oo ka shaqeynaysay isla Dowladda Hoose ee Xamar. Baaritaanka waxaa kale oo lagu ogaaday, in labada gabdhood ay fasaxyo isku dhow mudda bil gudaheed ah ka qaateen Dowladda Hoose, iyadoo xogta qaar tilmaantay in ay tageen dhulka ay Al-shabaab ka teliso. Sidoo kale, natiijada baaritaanka waxaa lagu sheegay in haweenayda is-qarxisay ay kamid ahayd dadka baahiyaha gaarka ah qaba islamarkaana iyada iyo gabadha kaleba aan si dhammaystiran loo hubin markii hore ee la shaqaalaysiinayey. Hoos ka akhriso Qoraalka oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay natiijada hordhaca ah ee Qaraxii Dowladda Hoose Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors