Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,219
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaacisay in askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Uganda ay ku dishay qarax ka dhacay agagaarka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho ay la beegsadeen qarax nooca miinada ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay ku dishay qaraxaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan. Dhanka kale ma jiro wele wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo xoogan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadeen gobolkaasi. Ciidamada huwanta ayaa todobaadkan Al-Shabaab ka saaray degmada Awdheegle, kadib dagaal ay kula galeen halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  2. Somali clubs return to African competition for the first time in 29 years this weekend as they play in first round, first leg matches. Source: Hiiraan Online
  3. Hodan Ali had just left the mayor's office in Mogadishu to get some coffee and a bite to eat when a suicide bomber detonated an explosive device. Source: Hiiraan Online
  4. Xaflad lagu soo dhaweynayey wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka koofur afrika. Xaflada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town waxaana xafalada ka hadlay qaar ka mida jaalidda Soomaaliyeed ee Cape Town iyagoo u jeediyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa talooyin iyo dhiirri-gelin. Safiirka Soomaaliya ee koofur Afrika Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay xafladda ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warmaya xaladda guud ee Soomaalida kunool dalkaasi,isalamarkaan halkaasi ku soo dhaweeyey wafdiga. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ayaa uga mahadceliyay sida wanaasgan oo ay u soo dhaweeyeen wafdigaasi. Wuxuu kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda,islamarkaana uga warbixiyay xaaladda dalka uu ku sugan yahay in guulaha la gaaray. Wafdiga guddoomiyaah Golaha Shacabka ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeybgalay shirkii Baarlamaanada Afrika,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan qoxootigaiyo Barakacayaasha iyo duruufaha kajira dalka,maadaama shirka uu guud ahaan quseeyay. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town ee dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  5. Garowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa shaacisay in dhowaan ay qabanayso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay jadwalka illaa todobo degmo oo ka tirsan deegaanada ay ka arrimiso dowlad goboleedka Puntland. Deegaanada ay ka dhacayaan doorashooyinkaasi ayaa kala ah: Galdogob, Baargaal, Gumbax, Ufayn, Isku-Shuban iyo Buurtinle oo hoostaga maamulkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa arku wargelisay odayaashadegmooyinkaasi in ay 15 cisho ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha ka mid noqon doona golayaasha deegaanadaasi. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  6. Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa xalay shaacisay jadwalka dhismaha golayaasha degaanka 7 degmo oo ka kala tirsan gobollada Bari, Guardafui, Mudug iyo Nugaal. Sida wasaaraddu sheegtay golaha degaanka degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa la dhisi doonaa 31-Agoosto 2019, halka golaha degaanka degmada Galdogob ee isla gobolkaasi Mudug la dhisi doono 8-September ee sannadkan. Sidoo kale golaha degaanka degmada Baargaal ee gobolka Guardafui ayaa la dhisi doonaa 11-September-2019, halka golaha degaanka degmada Gumbax oo ka tirsan isla gobolkaasi la dhisi doono 15-September. Golaha degaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa sida wasaaraddu sheegtay la dhisi doonaa 5-September-2019, iyadoo golaha degaanka degmada Isku-Shuban ee isla gobolka Bari la dhisi doono 20-September­, halka golaha degaanka degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal la dhisi doono 3-October-2019. Ugu dambeyntii, wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxay ku wargelisay odayaasha iyo nabaddoonada degmooyinkaasi in ay 15 cisha ka hor wakhtiyada la cayimay, ay sii diyaariyaan xubnaha kamid noqon doona golayaasha degaanka. Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay 7 degmo ka qabanayso doorashada golayaasha degaanka appeared first on Puntland Post.
  7. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday, natiijada Hordhac ah ee ka soo baxday, baaritaankii hay’adaha Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wadeen, xogta qaraxii ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Xamar. Qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow, guddoomiye ku xigeeno ,agaasimayaal iyo shaqaale kale. Sida ay sheegtay wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, baaritaan hordhaca oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in qaraxa ay fulisay qof dumar ah oo ka shaqeynaysay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii ay caawinaad ka heshay haweenay kale oo ka shaqeynaysay isla Dowladda Hoose ee Xamar. Baaritaanka waxaa kale oo lagu ogaaday, in labada gabdhood ay fasaxyo isku dhow mudda bil gudaheed ah ka qaateen Dowladda Hoose, iyadoo xogta qaar tilmaantay in ay tageen dhulka ay Al-shabaab ka teliso. Sidoo kale, natiijada baaritaanka waxaa lagu sheegay in haweenayda is-qarxisay ay kamid ahayd dadka baahiyaha gaarka ah qaba islamarkaana iyada iyo gabadha kaleba aan si dhammaystiran loo hubin markii hore ee la shaqaalaysiinayey. Hoos ka akhriso Qoraalka oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay natiijada hordhaca ah ee Qaraxii Dowladda Hoose Xamar appeared first on Puntland Post.
  8. Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV, uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac ayaa todobaadkan looga hadlay khilaafka dowlad gobaleedyada iyo dowladda federaalka, oo dad badani ay qabaan inuu ragaadiyay dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed iyo howlihii arrimahaas oo dhan la xariiray. Waxaana Barnaamijka ka qeyb galaya, Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah Senator Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna xoghaya guddiga dib u eegista dastuurka, Qareen Ciise Axmed Warsame, oo ah madaxa shirkad Qareenada oo loo yaqaana Warsame Low, Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh oo bare sare ka ah Jaamacadda Simad, Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa su’aasha koowaad la weydiiyay oo aheyd muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeyo madaxda dowladda iyo dowlad gobaledyada wuxuuna yiri” khilaafaadka soo noqnoqonaayo waxaa ay ka mid tahay culeyska ay leedahay, dad aan horay ugu oolin wax ay kuwada shaqeeyaan, dhibaatada waxaa ay ka taagan tahay Decoment lagu heshiiyay oo qeexaya awoodaha labad dhinac iyo jidadka ay kala marayaan majiro, xalkuna waa in dastuurka dib u-eegis lagu sameeyaa oo lagu sheego qof waliba in ay hesho doorkeeda hadhowna lagula xisaabtamo meesha ay ka baxeysana la ogaado, hadda si guud dastuurku qodabka 54-aad waxaa uu u sheegay dhowr awoodood oo muhiim u ah aassaasiyaadka dowladnimada oo Xukuumadda federaalka ay leedahay, oo ay ka mid tahay arrimaha dibadda, Socdaaka, Siyaasadda dhaqaalaha iyo Ciidanka, lakiin waxaa jira arrimo uu dastuurku leeyahay ha laga wada xaajoodo waana kuwaas kuwa ugu badan ee la is ku qabsado, hadda ayaan wadnaa inaan awoodaha u kala saarno midda dowladda dhexe kuwa federaalka lagu yahay iyo kuwa dowladda hoose” Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay senatorkii ka horeeyay waxaana uu yiri “ Arrintaan khilaafka ku saabsan waan aragnaa,hase yeeshee arrinta aan rabo inaan aniga inaan hoosta ka xariiqo waxaa ay tahay, dastuurka hadda jiro waa mid ku meel gaar ah, Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa cawaba waa cumri, hadda waqtigaan xaadirka ah assaga ayaa la rabaa in lagu dhaqmo, khilaafka marka jira ee aad carabaawday waxaa loo baahan yahay in dastuurka ku meel gaarka ah in assaga loo celiyo,oo la yiraahdo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah intaba in ay is warsadaan khilaafka si aan u maareyno ugu yaraan dastuurka federaalka ku meel gaarka ah bal aan ku sii camal falno ilaa inta laga gaarayo is badalka lagu sameynayo, oo hadda socda inta wax waliba la kala qeexayo” Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa asna dhankiisa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay martidii ka horeysay waxaa uuna yiri” Annagu waxaan nahay dal muddo colaad ku soo jiray system kii dowliga ahaana uu burburay is aaminaad darrana ay ka dhacday, sidaas daraadeed, arrimahaas waxa ay sababayaan is jiid jiidka,ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xuubnaha ka ah, dowlad Soomaaliyeed oo dalka dhan mas’uul ka ah iyo dowlado xubnaha ka ah kuwaas oo doonaya in shacabkii ay wakiilka ka ahaayeen gaarsiiya adeega dowladnimo, in kastoo dastuurka hadda aan heysanno uu cadeynaayo awoodaha qeybaha dowladda federaalka ay leedahay iyo dowladaha xubnaha ka ah si adeegaas loo gaarsiiyo khilaafyo ayaa imaanaayo, oo ah qaab dhismeedka dowladnimo ee socda waxaa uu keenayaa in cid waliba ay awood sheegato markaad fiiro dowladaha federaalka qaatay sidaas ayaa dhacda”. Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aashii hore ee dhamaan martida ka jawaabeen oo aheyd muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeyo madaxda dowladda iyo dowlad gobaledyada wuxuuna yiri” Dalka oo aan aad u qeyb samin taas waxaa ay keeneysaa inuu is qabqasiga uu bato dhanka siyaasadda oo dhan waliba uu rabo inuu dhaqaalaha xooga saaro, daraaso dhawaan aan sameynay dadku waxaa ay sheegayaan hab dhismeedka dowlad gobaleedyada loo sameeyay in ay dhibaato tahay oo Juquraafi ahaan dalka loo eegin, ee loo fiiriyay Qabiil ahaan iyo siyaasadda guud, sida dadka ay ku imaanayaan sida lagu soo dooranaayo, matalaad sax ah aan shacabka aan ka heysanin meelahaas ayey xooga saarayaan iyo dalka oo aan nabad badan ayna ka jirin oo intiisa badan dagaal ka jiro, khilaafku waa uu jiray lakiin waxaa wax sii xoojinaayo ayaa ah inuu wada tashigii uu yaraaday”. Qareen Ciise Axmed Warsame ayaa ka jawaabay su’aasha aheyd dowladdu xaq ma u leedahay in faragaliso dowladaha xubnaha ka ah xiliga doorashooyionka wxaa uunaa yiri” Dowladda federaalka ayada ayaa ah kolba dowlaha xubnaha ka ah mid ay hoos yimaadaan, oo meesha madaxaa waa dowladda federaalka, dowladdu kuma siideysna oo sida ay rabto inay ka yeesho, awood siideysan malahan oo sharciga ayaa xadidayo, sharciga xadidayo waxaa ka mid ah ama ugu sareeyaba inta dastuurka ku qoran ayaa loo baahan yahay in ay ilaaliso, Qodabka 54-aad waxaa uu u xusayaa awoodo ay leedahay dowladda dhexe, intaas wixii ka soo hara dowladda dhexe waxaa laga rabaa cidda ay tilaab ka qaadeyso ugu yaraan in ay kala tashato dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, haddii marka dowladdii federaalka sidii ay doonto ay iska yeeleyso taasi sax maahan”. Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa asna dhankiisa ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo aheyd madaama dowladdu ay ku doodeysaa in dowladdii dhexe ay tahay oo kaalin ay ku leedahay wax ka dhacaayo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka, dowladd wado sharci ah ma u martaa marka ay faragalineyso mise la wada hadlaa wuuna ku jawaabay” Marka laga hadlaayo dowladda dhexe ayada ayaa dalka mas’uul ka ah si guud, dowlad gobaleedyaduna waa dowlado ka tirsan dowladda dhexe, waxaa ay leeyihii dastuuro, dastuuradoodu waxaa ay sheegayaan in ayagu ay mas’uul ka yihiin doorashooyinka oo wasaarado u gooni ah ay ayagu leeyihiin sida amniga, lakiin sida la ogsoon yahay dhibaato badan ayaa dalka ka jirto waxaan jirin is ku turid dowlad gobaleedku hey’ado ayuu leeyahay sida sharci dajintii iyo fulintii, dowlad gobaleedyada wasaaradooda arrimaha gudaha ayaa sharci ka soo saareyso arrimaha doorashada waxaa ay horkeeneysaa Baarlamaanka gobalka si loogu ansixiyo”. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabey su’aal aheyd maku talo jirtaan inaad is waafajisaan dastuurka federaalka iyo midka dowlad gobaleedyada, waxaa uuna yiri” Meesha waxaa socda dagaal awoodeed oo labada dhinac uu rabo inuu kan kale awoodo dheeraad ah ku kasbado, ayna noqoto dhaqan, ayadoo awoodii ayna kala qeexneen labada dhinac, marka qola walbaa inta aan la qeexin ayeey rabaan inay ka dhigaan dhaqan oo awoodo dheeraad ah ay ku qaataan, marka dagaal nuucaas ah wuu jiraa, dostuurada dowlad gobaleedyada oo aan is ku jid aheyn iyo kan dowladda oo hadda gacanta lagu haayo iyo is waafajintooda qodaba ayaa sheegay in labada dhinac in la is waafajiyo lakiin waa goorma waa marka kan guud lagu wada heshiiyo oo baarlamaanku ansixiyo hadhow kooda wixii kan ka soo horjeeda midka federaalka ee umadda ka dhexeeyo maamulkii la yamaada waa uu buraayaa”. Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa ka jawaabay su’aalshii la weydiiyay Senoterkii ka horeeyay ee iswaafajinta labada dastuur ee Qaranka iyo midka federaalka dowladaha ku jira ay leeyihiin, waxaana uu yiri” Haddii aan ka hadlo iswaafajina, dastuurkaan ku meel gaarka ah meelo badan uu gaabis ka yahay wax badan ayaa ka dhiman qabyo badan ayaa ku jirta oo hadda la dhameys tirayo, haddana dastuurku naftiisa waxna waa waxyaabaha qoran ee dastuurka ku qoran, waxna waa waxa loogu yeero mabaadiida dastuuriga ah, dowlad gobaleedka dastuurkeeda inuu waafaqsanaado midka ku meel gaarka ah oo hadda aan heysanno waa lagama maarmaan, haddii xataa uusan jirin wax daliil cad oo hadda ka hor imaanayo aysan ku jirin waa in dastuurka loo celiyo, dowladda federaalka dowladdii madaxa aheyd dowladahaan ayada ayeey xubno ka yihiin, dastuurkaan waa dastuurkii federaalka dalka oo dhan lagu dhaqayey, marka sidaas darteed, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa in dastuuradooda marka ay sameysanayaan ay u sameystaan si aan meel uga dhaceynin dostuurka guud ee federaalka dalka”. Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh ayaa dhankiisa ka jawaabey su’aal aheyd federalism dalka hadda lgu maamulayo kaalon intee la’eg ayuu ku leeyahay khilaafka hadda taagan, waxaa uuna yiri” waxaa uu sii fogeeyey weygii la is kula hadli lahaa ama la is ku fahmi lahaa, markii gobal kasta uu awood gooniya yeeshay waxaa uu u ekaaday dowlad gooni ah, waxaa sii adkaaday is ku soo dhawaan shiyihii is qabsigii hore ee jiray ayuu sii badiyay, is qabsi dhanka xuduudaha oo la is ku qabsado, dhaqaalaha oo la is ku qabsado iyo ciidanka oo lagu kala duwanaado gobalada, dowladda iyo dowladd gobaleedyada oo aan kawada hadlin adeega mawaadinka loo qabanaayo, dhibaato badan ay shacabkii ku qabaan oo lacago kala duwan ay bixinaayaan oo dowladdii lacag ay ka rabto dowlad gobaleedkiina uu lacag uu ka rabo culeysyo dhanka maamulka oo soo kordhay”. Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa ka jawaabey su’aal aheyd kaalin intee la’eg ayuu federaalka ku soo kordhin karaa khilaafka jira, waxaa uuna yiri” waa ay jirtaa in dadka qaar ay aaminsan yihiin inuu kaalin ku leeyahay, lakiin aniga ahaan inta aan ka shaqeynaayay Galmudug iyo dadkaan is aragnay faham darro gooni ah oo ka heysato majirto federaalka, waxaa jira in cid kastaa ay raadineyso awood ka dheeri ah waxa ayadu ay leedahay ay raadinayso, taas waan hanweynin iyo dadka madaxda ah oo aan mujineynin wadajiritaanka Soomaaliyeed ayaan u arkaa, marka in dadka loo shaqeeyo oo adeega la gaarsiiyo aysan keeni Karin in ayadoo maamulka loogu darnaanayo laga joojiyo dowladda dhexe in aysan imaan Karin la yiraahdo “ Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa ka jawaabay su’aal weydiiyay su’aal aheyd haddii aysan jirin maxkamaddii dastuuri ah ee dalka iyo Garsoorkii loo noqon lahaa markii la is qabto halkaa la aadayaa, ayaa yiri” waxaa ay aheyd maxkamaddii dastuurka in ay dhisan tahay ay aheyd, taas waxaa ay keeneysaa waxyaabaha imaanaya oo khilaaf dastuuri ah, khilaaf dastuuriya maadaama uu yahay maxkamadaha caadiga ah magali karaan waa in ay gasho maxkamadda dastuuriga ah, maxkamadda sare ee hadda dalka ka dhisan ayada nafteeda waxaa weeye marka dastuurka la fiiriyo sida uu u hadlayo meel boos ay ku leedahay oo arrimaha dastuuriga ay gali karto majiro, waxyaabo meel maran waaye oo Gaab jiro waaye oo sharci oo in la daboolo u baahan, hasa yeeshee arrinta, arrintaas lagu xalin karaa waxay tahay wada tashi , waliba wada tashiga waxaa sahlaya, hadda markii la yiraahdo Baarlamaanka federaalka ah, xubnaha Aqalka sare waxaa ay matalaan dowlad gobaleedyada, marka waxaa la rabaa meelahaas oo kale arrimahaan wada tashi la galiyo, Aqalkii sare oo matalaya dowlad gobaleedyadii iyo Qarankii iyo Golahii shacabka oo dadkii maalaya labada Aqal meel wax lagu xalin karo inta laga helayo maxkamadda dastuuriga” Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal ahey labada aqal ee Baarlamaanka talooyikooda ma qaataan labada dhinac si looga fogaado khilaafka, waxaa uuna yiri” Hadda qaab nabadoonimo ah ayeey inta badan is ku dayaan arrimihii dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe wax badan ayeey is ku dayeen awood ay wax ku meel mariyaan malahan taladoodana inta badan dhinacyada aad uma dhageystaan, waxaa muhiim ah xukuumadda hadda jirtaa ay ka gaabisayna aan dhihi karaa Golihii Adeegga Garsoorka ayaan labo sano iyo badh aan sugeynaa in la dhiso sedex hey’addood oo iskaabaya ayaa la rabaa in ay ka shaqeeyaan,Baarlamaankii oo nidaamkii iyo shuruucdii soo dajinaya, Xukuumaddii oo fulineysa sharciya iyo haddii muran uu yimaado halkii loo noqon lahaa ee Garsoorka “. Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal aheyd mar haddii sharciyadii dalka lagu maamuli lahaa ay qabyo yihiin nidaamkii dowligana ay qeybi maqan tahay sidaad u aragtaa, wuuxa yiri” waxaa iiga muuqda inuu khilaafku sii badanaayo , dowladdaan dowladdii ka horeysay ayada iyo dowlad gobaleedyadu waxaa ay lahaayeen dalad ay kuwada kulmaan, waxaa uuna ahaa talaabo aad fiican, ayna uga wada hadlaan amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka, lakiin dowladdaan hadda jirta waxaad moodaa in aysan dooneynin in ay sidaas oo kale ay sameyso, marka is ku imaatin koodii wuu yaraaday, kalsoonida dowlad gobaleedyadu ay ku qabaan Senoterada majirto, waxaa loo baahnaa in ayagu ay meesha joogaan, daladdii maamulada in la soo celiyo aad ayeey u fiican tahay waxaan ognahay in looga soo gudbay caqabado badan” Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal ahey labada aqal ee Baarlamaanka haddii wada shaqeyn dhacdo dowladda iyo dowlad gobaleedyada muxuu soo kordhin lahaa waxaana uu yiri” waa su’aal aan mar waliba aan ka fakarno haddii wax waliba aay hagaagsanaan lahaayeen oo is ku jid la mari lahaa mana ahan suna dadka qalbigooda inuu is ku mid ahaado ,faaiidada ay lahaan layeen, madaxweynaha hadda talada hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mid ka mid ah talooyinkii aan siinay markii xafiiska uu yimid oo ahaa inuu xasilooni siyaasadeed uu abuuro oo xukuumadda dhexdeeda iyo dowladda iyo dowlad gobaleedyada inuu abuuro, hal dhinac waa uu ku guuileystay oo waa dhanka xukuumadda”. Qareen Ciise Axmed Warsame, ayaa ka jawaabay su’aal aheyd haddii labada dhinac ay heshiis ku ahaan lahaayeen danta guud oo dalka in dhibaatada laga saaro, waxaa uuna ku jawaabay” Khilaafku waa wax illahey jideeyay sidiisaba inaan waa la is khilaafay aan la qeylino maahan, haddana waxaa la rabay in khilaafka nuuc loo xalin karo in la helo oo looga bixi karo oo aan aheyn in awood la is isticmaaalo oo la is dilo ama la is aflagaadeeyo, haddii nidaamkaas aan helno waa kheyr iyo wanaag, haddiise aan ka dhigno qori qori ku taag waxba soo xalismi maayaan, waxyaabaha naga qaldan waxaa ka mid ah qaabka madaxda ay u jiheysan yihiin diyaar ahaan shahooda iyo qaabka ay wax ku qabanaayaan oo ay ku jirto inuu ismahdiyo ruuxa madaxdaa oo maankiisa ka shaqeeyo”. Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud, ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa markale ka jawaabey su’aal aheyd guud ahaan khilaafku waxaa uu ka dhashaa sharciga oo laga tilaafsado kawaran waxaana uu yiri” aad iyo aad waa aragti jirta aad ayaana u aaminsan nahay taas in ay jirto, maxaa yeelay meesha waxaa ku jira han siyaasadeed , markaan u fiirsano dowlad gobaleedyada iyo dowladda dhexe ninka kursigaas ku fadhiyaa maahan inuu deeqo kursiga uu ku fadhiyo waxaa uu raadinaayaa wax ka badan inta uu haayo”. Dr, Sheekh Cali Yaasiin Sheekh, ayaa ugu danbeyn la weydiiyay madashii dowlad gobaleedyada dadka qaar ayaa aaminsan in ayada uu khilaafka ka yimid ee kwrn waxaana uu ku jawaabay” Haddii uusan jirin makaam loonoqonaayo ama maxkaddii dastuuriga aheyd dastuurkii dalkana uusan dhameys tirneen option ka kale muxuu yahay? aan heysanno aan aheyn inaan u wada hadalnaa sidii Soomaali uwada hadli jirtay aan aheyn oo aan isweydiino waxaa aan sameyneyno, haddii aad diido dowlad gobaleed ka aad is ku daydo inaan awood ku maquuniso labada dhinac waqti iyo dhaqaale badan waxaa uu uga dhumayaa dagaalkaas”. Halkan Ka Daawo, Barnaamijka oo Dhameystiran: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Tan iyo intii maamulka Puntland ee Soomaaliyeed la abuuray waxa socday damac ah in magaalada Garoowe loo fidiyo dhanka gobolka Sool. Isku dayo badan ayaa dhacay hase yeeshee marwalba damacaasi waa lagu hungoobayey. Waxase damacaasi uu xadhkaha goostay xilligii Cabdiraxmaan Faroole. Xilligaasi kacdoon ballaadhan ayaa ka horyimid markuu arkay khatarta ka imaan kartana hungurigiisii dib ayuu u liqay. Damicii Faroole wuxuu dib usoo noqday mar kale Feb 2016, markaas oo Faroole soo adeegsaday wiilka u adeerka u yahay ee Cumar Faraweyne oo Garoowe badhasaab ka ahaa, iyo Qarjab oo isna ay Faroole isku raas yihiin xiligaasna ahaa wasiirka amniga. Waxay labadan nin geeyeen degaanka Bixin bar kaantarool iyo ciidan, sida aad sawirka labaad ka aragtaan waxa laga dhisay Dooxada Bixin dhismeyaal, waxana la qaytay/jeexday boosas farabadan. Arrintani waxaa ka kacay beelihii meesha degganaa ee reer Sool waxayna sababi gaadhay iskudhac ciidan. Aakhirkii dhismiyashii waa la dumiyey ciidankii meesha la geeyeyna dib baa looga soo raray. Bishii June ee sannadkan 2019 geelal barqomaal ah oo reer Garoowe leeyihiin ayaa aagga degaannada Bixin degaan looga dhigay, dadkii meesha degganaa ayaa arrinkaas geela la “dejinayo” diidmo kala horyimid waxayna sababtay isku dhacyo aan dhiig ku daadan, aakhirkiina geelashii waxa dib loogu soo celiyey degaannadoodii dhanka Garoowe. Mar kale ayay sannadkan gudihiisa Bixin noqotay meel xasaradi ka aloosan tahay. Dhammadkii bishii July 2019 ayaa maamulka Puntland xarun kaantarool usoo raray degaanka Bixin ee gobolka Sool iyagoo ku sababaynaya in caasimaddii weynaatay loona baahan yahay in la fidiyo. Sawirka saddexaad waa dhismaha kaantaroolka cusub ee Garoowe oo laga dhisay Bixin oo gobolka Sool ka tirsan. Kantaroolka mar walba waxa dhinac socda degaamayn cusub. Bal marka hore aan eegno Bixineey maxaad ahayd? Xaggeese ku taallaa? Dabadeedna aan u gonda degno caasimaddii Garoowe oo dhul ay ku fiddo loo raadinayo. Dooxada Bixin waxay magaalada Garoowe ka xigtaa dhanka magaalada Laascaanod. Waxa meel aa Bixin kanfogeyn oo “dhanka Garoowe ka soo xigta” mara xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu kala degganaayeen, dabadeedna noqday xadkii Laascaanood iyo Garoowe waa halka loo yaqaan geedka Yoocada. Sida aad ku aragtaan khariidada halkan ku sawiran Bixin waxay dhacdaa xagasha kor oo midig u janjeedha 49*/9*, xariiqda halkaa ka baxdaa waxay kor usii aaddaa Xamudh, Baarmadoobeeye, dabadeedna Carro East Sanaag Clan bay halkaa ka gashaa sida aad aragtaan Higlo gaab iyo Ceel-Doofaar oo ah xuduudka Bari iyo Sanaag. Bal aan iyana eegno “caasimadii Garoowe” oo fidaysa. Garoowe inay fiddo oo weynaato waa Ilaahay mahaddii aad baanna ugu faraxsanahay. Garoowe hadday waynaatay xaq ma u leedahay inay fiddo? Haa way u leedahay. Ma haysataa dhul ay ku fiddo oo u bannaan oo gobolka Nugaal ka tirsan? Haa waxay ku fidi kartaa dhanka Sin-u-jiif cidi kama horjoogto waana dhul bannaan oo fidsan. Dhanka bari way u fidi kartaa inta u dhexeysa Garoowe ilaa Eyl. Dhanka Koonfureed ilaa Buurtinle way u fidi kartaa. Maxaa keenay markaa in la yidhaahdo gobol kale xuduudiisa ayaa lagu fidinayaa? Arrintan waxa keliya ee lagu sifayn karaa waa damac qaawan oo aan cidna dani ugu jirin. Maxaa xal ah haddaba? Xalku waxa weeye in dadka iyo dalkaba loo tudho, oo la joojiyo waxyaalaha horseedi kara colaado iyo iskudhac aan loo baahnyan. Saddex qodob oo dhinaca xuduudaha ah oo saddexduba sharci ku qotomaan ayaa muhiim ah in la fahmo lana aqoonsado. 1) Xuduuddii Isticmaarku kala dhigtay, markii dawladda Soomaaliyeed dhalatayna la xalaaleeyey oo labada degmo ee Laascaanood iyo Garoowe kala noqday. 2) Xuduuddii siddeedii gobol ee xukuumadihii rayadka ahaa oo iyana sharciga ahaa. 3) Xuduuddii xukuumaddii Kacaanka ee markii horena Laascaanood iyo Garoowe u dhexeysey, markii danbena Gobollada Sool iyo Nugaal u dhexeysey. 4) Iyo ugu danbayn xadkii degaan-qabiileedka ee u dhexeeyey Xasan Ugaas iyo Nuur Axmed oo dhinac ah (Sool clan) iyo Ciise Maxamuud oo Majeerteen ah. Haddii afartaa qodob oo afartuba xadka khariidaddan ku qoran waafaqsan yihiin laga tallaabsado oo damac aan sal sharci iyo mid dhaqan toonna wadan lala yimaaddo wixii ka dhasha waxa masuuliyaddeeda qaadaya Madaxweynaha Puntland ee maanta talada haya mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Waxaan maqlay in isimo Sool clan ahi arrinta Bixin ula tageen Madaxweyne Deni, jawaabtiisuna ay noqotay ha la iga warsugo intaan ka soo hubinayo “Inay Bixin ka tirsan tahay gobolka Sool iyo inay Gobolka Nugaal tahay”! Jawaabta madaxweynuhu waa mid aan habboonayn, waayo arrinta Bixin maaha arrin cusub oo maanta bilaabantay waa arrin soo jiitamaysay maantana waxay ahayd in Madaxweynaha mar horeba wax u kala cad yihiin, sabatoo ah:- 1) Damaca Bixin waa mid muddo soo taagnaa, dhowaan bay ahyd Bishii June 2019 markii xasaradi ka dhalatay geelal “caanoteel/barqomaal ah” oo laga lahaa Garoowe oo lagu furay isla Jeexaas. 2) Kantaroolkan cusubi wuxuu ku sinnaa ilaa badhtamihii July 2019 3) Sannadkii 2016 ayay ahayd markii sidan oo kale Kantarool iyo ciidan la geeyey aakhirkiina la dumiyey 4) Iyo tan ugu muhiimsan oo ah Madaxeynuhu waa inuu yaqaannaa Juqraafiga dhulka uu xukumo waana inuu hayaa khariidad sharciya oo ka turjumaysa xuduudaha maamulka guud ahaan iyo tan gobollada iyo degmooyinka. Maadaama afartan qodob jiraan madaxweynuhuna xogogaal u ahaa, jawaabta madaxweynaha Puntland isimadda siiyey waxa loo qaadan karaa nin u waqti badsanaya siduu dulmigan iyo damacan qayaxan qiil ugu raadsan lahaa. Gebagebadii:- Waxa muhiim ah inaan la isku deyin in la farageliyo ama wax laga beddelo xuduudaha degmooyinka iyo gobollada. Haddiise ujeedadii maamulka Puntland ka lahaa in bar kaantarool oo Garoowe leedahay la geeyo degaan ka mid ah gobolka Sool ay keenayso dhib ka weyn dantii markii hore la is tusay waxa muhiim ah in madaxweynaha Puntland uu dib u fekero masuuliyadna muujiyo, horseedna aanu u noqon colaado sokeeye oo dhiig ku daato iyo beelo walaaltinnimo iyo derisnimo ka dhexeysey oo foodda isla gala. Saddexda qoys ee arrintani hoos ahaan u taabanayso ee Xasan Ugaas, Nuur Axmed iyo Ciise Maxamuud waa dad weligood wada degganaa, dhulkana siday ukala degaan isla yaqaanna, caws iyo ceel iyo cashiiroba wadaaga waxaan ka digayaa inaan siyaasad xumo u horseedin isku dhac iyo colaad beeleed oo aanay kala mudnayn, dhiig Islaamna laga digtoonaado daadashadiisa. Inta laga helayo dawlad dalka iyo dadka wada hanata oo cid walba xaqeeda marisa iyaduna masuul ka noqota oo yeelata masuuliyadda dhulka, muwaadin kastaana degi karo waxna ka noqon karo meeshii uu doono Soomaaliya iyadoo aan loo eegayn degaankii aabayaashii iyo awoowayaashii kasoo jeedeen waxa muhiim ah in la ilaaliyo xasiloonida, lagana digtoonaado wax kasta oo xasarad hor leh abuuri kara. Waxaan odhan lahaa saaxiibkay Mudane Gebiley Ilyas Osman (Wasiirka Duulista Puntland), saaxiibkay Yassin Essa (Wasiirxigeenka Maaliyadda Puntland) Siyaasi Cabdi Qawdhan Abdi Warsame inay arrinkaas ka hawl galaan madaxweynahana kala taliyaan inaanu sabab u noqon inaanu horseedin dhib ka dhalata degaamayn cusub oo aan sharciyad haysan F:G: Khariidaddan waxa soo bandhigay ninkii Ingiriiska uga wakiilka ahaa jeexidda xadka, waa ninkii gacantiisa ku soo suntay xadkii labada gobol ee Soomaaliyeed lagu kala deyrey, xadkaasoo markii dawladu dhalatay noqday xuduud goboleed sharciya. Halkan hoose ayaad ka daalacan kartaa. Ref: The Anglo-Italian Somaliland Boundary Author(s): J. H. Stafford and C. L. Collenette Source: The Geographical Journal, Vol. 78, No. 2 (Aug., 1931), pp. 102-121 By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  10. Children in Somalia suffer from one of the highest rates of abduction, recruitment, and conflict-related sexual violence in the world, analysis from Save the Children reveals. Source: Hiiraan Online
  11. ABUJA, Aug. 8 (Xinhua) -- The World Bank's portfolio in Nigeria was among the largest in the entire African region with a cost of about 11 billion U.S. dollars, a senior bank official disclosed here on Thursday. Source: Hiiraan Online
  12. Saudi Arabia will soon start issuing visas on Somaliland passports. Source: Hiiraan Online
  13. ANKARA, Aug. 8 (Xinhua) -- An agreement between Turkey and the United States on establishing a safe zone in northeastern Syria is a "very good start," Turkish Foreign Minister Mevlut Cavusoglu said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  14. Ugandan born left back Remmy Makumbi signed a two year agreement with Somalia top flight side Mogadishu City Club (MCC). Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dib u soo celiyeen mid kamid ah istiraatiijiyadii ay adeegsan jireen dhowr sano ka hor, taas oo ay ku geysan jireen qaraxyada magaalada Muqdisho. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay magaalada Muqdisho soo gelin waayeen gaadiidka qaraxyada iyo ciidamada hubeysan ay bilaabeen in ay dib usoo celiyeen qorshihii ahaa in xafiisayda dowladda iyo xarunaha ciidamada galaan qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa. Golaha wasiirada, baarlamaanka, hey’adah garsoorka, iyo xafiisyada hey’adaha amaanka ayaa lagu wargeliyay in ay iska ilaaliyaan dadka aan la aqoon iyo xitaa shaqaalaha qaar, oo dhici karto in loo adeegsado weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay dhamaan masuuliyiinta dowladda iyo kuwa ciidamada in ay dib u eegis ku sameeyaan dadka ay ku kalsoonaadeen ee la shaqeeya iyo kuwa ka soo agdhawaan kara xafiisyada muhiimka ah. Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe joojiyay weerarada loo adeegsado qaraxyada qof lagu soo xiray ee gala xafiisyada dowladda sidii dhacday dhowr jeer, waxaana la sheegay in ay hadda dib usoo celiyeen qorshahaasi. Hore ayey qaraxyada sidaan oo kale ah waxay ka fuliyeen guriga wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya Cabdishakuur Macalim Xasan ee xukuumaddii ra’iisul Farmaajo oo hadda madaxweyne ah, weerarkii Tiyaatartka Qaranka oo uu ku sugnaa Cabdiwali Gaas oo ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, weerarkii xarunta gobalka Banaadir ee 24kii bishii hore dhacay, waxaana ugu dambeeyay haweeneydii khamiistii lagu toogtay Baardheere ee damacsaneed in ay isku qarxiso saldhig ciidan oo ku yaala degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xafiisyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu dilay guddoomiyihii gobalka Banaadir ahna duqi Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow”. Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddoonada golaha baarlamaanka dalka ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu amray ciidamada in ay baaraan qof kasta oo shaqaalaha katirsan oo shaqada soo gala. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay amaanka xafiisyada wasiirada xukuumadda Soomaaliya, maxkamadaha dalka iyo goobaha kale ee muhiimka ah, waxaana furayaasha laga qaaday qaar kamid ah dadkii hayay furayaasha xafiisyada wasiirada. Sidoo kale booliiska ayaa soo rogay in la baaro dhamaan shaqaalaha iyadoo laga digay in aan qofna baaritaan la’aan gelin xarumaha dowladda. Caasimada Online ayaa dad kale duwan oo ay la hadashay waxay u xaqiijiyeen in maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay amaanka, waxaana sidoo kale la billaabay in la baaro gaadiidka gudaha wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee dowladda lagu baakimo, kuwaas oo ay wataan dadka mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda katirsan. Arrimahaan oo dhan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay in weerarkii ka dhacay aqalka dowladda hoose la xaqiijiyay inuu ahaa ismiidaamin, islamarkaana ay fulisay haweeney ka tirsan agaasimiyaasha gobalka Banaadir ayna ka qayb qaateen dad katirsan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Arintaan ayaa ciidamada amaanka lagu amray in aysan ka baaqsan sidoo kalane aysan aaminin qofna oo ay adkeeyaan amaanka qofkii diidana uusan soo galin xarumaha dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxyaabaha lagu arkaayo kamid ah in aad loo baaro gaadiidka galaya oo aysan markii hore dhici jirin gaar ahaan waxaa lagu baarayaa baraha kontaroolka ee Sayidka, Xaawo Taako iyo Ceel-Gaabta oo ah saddexda wado ee laga gali karo Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Awdheegle (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Awdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose ku geeriyootay Maxruum Kayf Axmed oo aheyd Gabar 18 sano jir ah islamarkaana aheyd Xoolo dhaqato halkaasi ku nool. Kayf ayaa ku geeriyootay Qarax haleelay Gaari Dameer ay waday, waxaana sidoo kale dhintay Dameerkii iyadoo uu bur buray Gaarigii ay waday. Maxruum Kayf ayaa ku soo socotay Gudaha degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellada Hoos,e waxayna soo aroortay Biyo sida ay noo sheegeen dadka degaanka. Shalay duleedka ayaa magaalada Awdheegle ayaa sidaan oo kale loogu qarxiyay Gaari nuuca Xamuulka qaada oo raashin u soo waday gudaha degmada oo ay dhawaan qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya. Ugu yaraan 3 qof ayaa qaraxii shalay ku dhaawacmay waxaana sidoo kale ku baaba’ay raashinkii ay wadeen oo rarnaa Ganacsatada Awdheegle. Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in Al-Shabaab ay qaraxyo ku aaseen wadooyinka soo gala Awdheegle oo tan iyo 2015-kii ka maqneed gacanta Ciidamada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan waaxda dakhli uruurinta wasaaradda Maaliyadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka magaalada Wajaale ay ku qabteen gaari lagu soo qariyey hub, kaas oo ka yimid dhinaca deegaanada maamulka Somaliland. Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in ciidamadu ay gacana ku dhigeen gaari uu noociisu ahaa Isuzu, kaas oo siday 22 bistoolad oo ah kuwa lagu sameeyo dalka Turkiga. Sidoo kale saraakiishan ayaa shaaciyey in la xiray wadihii gaariga, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. “Waxaan qabanay 22 bistoolad oo ah nooca uu Turkigu sameeyo, kuwaas oo ay la socoto rasaastooda ujeedada, cida laheyd iyo halka loo waday waan baareynaa.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha waaxda dakhli uruurinta ee wasaaradda Maaliyadda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo bishii June ee sanadkan uu fgambi fashilmay ka dhacay gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada baaritaan horudhac ah oo lagu sameeyey qaraxii 24-kii July 2019 ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir. Warsaxaafadeed ay wasaaradda soo saartay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo ay fulisay gabar ka shaqeyneysa xarunta islamarkaana aragga la’eed. Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in gabadhaas aragga la’eed, ay caawisay gabar kale, oo baxsatay, taasi oo Iyana ahayd kaaliyaha gabadha aragga la’, sidoo kale shaqaale ka ahayd xarunta. Wasaaradda ma shaacin magaca gabadha aragga la’ ee is-qarxisay, hase yeeshee Caasimada Online ayaa rumeysan in lagu magacaabo oo ay xarunta uga shaqeeneysay Basiira Cabdi Maxamed, hase yeeshee waalidkeed u yaqaanaan Maryama Cabdi Maxamed. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in labada gabdhood ee qaraxa fuliyey ay waqti isku dhow oo bil gudaheed ah shaqada ka qaateen fasax, islamarkaana tageen xarumaha kooxaha argagixisada. Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada gabdhood aan loo baarin sidii uu ahaa nidaamka baarista xarunta gobolka. Wasaaradda amniga ayaa shaacisay in dhowr qof loo xiray qaraxan.
  20. State Department Loses Business with Somaliland in Deference to Failed Somalia TThe State Department puts China first on rare earth metals To most Americans, anarchy, intervention, and the Black Hawk Downfiasco define Somalia. By any reasonable metric, the country has not improved much since. Somalia has had the dubious honor to be crowned the world’s most corrupt country by Transparency International for 14 years running. Terrorism is a weekly occurrence , and perhaps even a tool for some Somali politicians. Somalia largely deserves its reputation. A generation of Somali politicians and clan leaders have siphoned off the billions of dollars which the U.S. government and other outside powers have invested in the country. The national Somali military, built to supplant the country’s patchwork of militias, exists largely on paper. In recent weeks, Somali elders, soldiers, and politicians have lined up to apologize to and swear allegiance to al Shabaab, an extremist group responsible for terrorism both inside and outside Somalia. Somaliland, the northern third of the country and a former British protectorate, however, is a happy exception. It gained its independence (and U.S. recognition) in 1960, only to forfeit it days later when it entered into a union with the rest of Somalia. It was an unhappy marriage marked by dictatorship in Mogadishu and later genocide against the Somaliland population. Finally, in 1991, Somaliland left the union and reasserted its independence. Today, it is peaceful, stable, and even without international recognition, one of the most democratic countries in Africa. It is the first country in the world, for example, to use biometric iris scans for voter registration. Alas, the State Department ignores Somaliland and instead operates under the fiction that Somalia works. Like a gambler who believes he can redeem his losses with just one more hand at the blackjack table, it continues to pour money into the country, never mind the historical reverse correlation in Somalia between aid and stability. This fiction and gambler’s addiction increasingly undermine vital U.S. national interests. Historically, Somaliland’s greatest resource was livestock and, for better or worse, charcoal. Energy companies now explore for gas and oil both in Somaliland and Somalia. The real strategic asset of Somaliland, however, might be rare earth metals. Mining is a new industry, but already Somaliland is becoming a resource for the rare elements necessary for modern electronics and cutting-edge technology. China has tried to monopolize rare earth elements both to bolster its own economy and, for strategic reasons, to deny them to the United States. Here is where the State Department strategy is so narrow minded. Somaliland officials say that Chinese companies are aggressive in seeking mining concessions in Somaliland. Somaliland, which has traditionally been both moderate in its outlook and pro-Western, prefers to work with the United States and Europe. But, in order to maintain the fiction that Mogadishu is a success (even though a half billion dollars each year buys the Somali government control over just a few square blocks in the center of Mogadishu) the U.S. government dissuades American companies from signing separate contracts with authorities in Hargeisa, the Somaliland seat of government. After all, if the U.S. government does not recognize Somaliland’s legal right to issue contracts, then any American businesses operating in Somaliland are illegally infringing on Somali sovereignty. Any American support for Somaliland, the State Department also insists, would also undermine efforts to stabilize Somalia. Perhaps that makes sense in a sterile State Department boardroom or in the U.S. Embassy in Mogadishu, but China has no such qualms, and may tighten its rare earth monopoly while American diplomats wring their hands. Adding insult to injury, of course, is that despite the billions of dollars it has received in American assistance over the last decade, the Somali government also awards contracts to the Chinese. It’s one thing for U.S. diplomats to fight for principle, but to do so absent a sense of vital U.S. national interests or a sense of Horn of Africa realities is counterproductive. Despite all the Trump administration’s rhetoric of America first, both the U.S. embassy in Somalia and the broader U.S. State Department appear effectively to be putting China first. By Michael Rubin Michael Rubin ( @Mrubin1971 ) is a contributor to the Washington Examiner’s Beltway Confidential blog. He is a resident scholar at the American Enterprise Institute and a former Pentagon official Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay soo bandhigaan oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo aduunyada kalaba la wadaagaan xogta qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobalka Banaadir. Mas’uuliyiin ka socda taliska ciidamada AFRICOM ee ee Mareykanka oo yimid Muqdisho ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlay arrintaan waxayna la wadaageen baaritaan ay ka sameeyeen weerarkii xarunta gobalka Banaadir oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 oo mas’uuliyiin ah, oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolka, Injineer Yariisow. Sidoo kale, dowladda Britain ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadashay xogta qaraxii ka dhacay xarunta gobalka Banaadir, waxaana madaxda qaranka ay u sheegtay in ay aad uga niyad jabtay goobta uu qaraxa ka dhacay, xiliga uu dhacay iyo dadka ku dhintay, islamarkaana ay walaac badan abuureyso. Saraakiil ka tirsan Waaxda Difaaca UK iyo safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo la wadaagay xog dhameystiran oo weerarkaas ku saabsan. Waxay sidoo kale dalbadeen in si deg deg ah loo baahiyo wararka qaraxa ku saabsan hadii ay dhici waysana ay Britain baahin doonto weerarkaas oo baaritaankii ay sameeyeen. Arrimahaan ayaa waxaa laga yaabaa in sabab u noqdaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qasabto baahinta xogta qaraxa oo la aaminsan yahay in ay ku lugyeeshaan masuuliyiin amni iyo kuwa gobalka banaadir. Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka socda UK iyo USA u balanqaaday in ay soo bandhigi doonaan xogaha iyo dadkii ku saabsanaa weerarkaasi islamarkaana aysan baahin ka hor booliiska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Somaliland: National Elections Commission Calls For Elections Postponement The thoroughly discredited and moribund National Elections Commission (NEC) has called for the postponement of parliamentary and local elections scheduled for December 12th, 2019. Speaking to the gathered media at a press conference, today, Thursday, August 8th, the chair of commission, Abdilkadir Iman Warsame, stated “that there will not be enough time to conduct a fair and free elections this year”. This stunning declaration by the NEC, just as the Somaliland political parties had reached an historic agreement with regard to the composition of the NEC, comes as a blow to Somaliland’s democratic process. The main Somaliland opposition party, Waddani, which had steadfastly refused to work with the current NEC, appears to have been vindicated by this announcement. Even though, the NEC, recently held a mock registration drive and had declared that all the equipment for the elections was currently in place, it is quite staggering that the calls for another delay should come from current commission. Recently, the European Union envoy, Nicolas Berlanga Martinez, paid a lengthy visit to Somaliland in order to facilitate the holding of the parliamentary and local elections. However, this unacceptable announcement by the NEC makes all his sterling efforts seem worthless. The Somaliland House of Representative is currently debating a motion to increase the number of members in the current national elections commission from seven to nine, and with the President currently out of the country on pilgrimage to the Hajj, the making of this announcement on the last day of the working week is sinister, to say the least. There is no doubt that there is something rotten in the current NEC, and this needs to be investigated and those who may have committed some malfeasance brought to justice. The people of Somaliland will not accept another postponement, let alone, a delay of the parliamentary and local elections. Qarannews.com Qaran News
  23. The Kenya-Somalia maritime border row is yet to be resolved after both nations failed to reach an amicable solution over the same. The government is likely to deploy military forces to Somalia in a bid to resolve the row. On Wednesday, Majority Leader Aden Duale and his Minority counterpart John Mbadi tabled a motion in the National Assembly seeking for the use of the force to resolve the stalemate between the two nations. The motion is now awaiting approval by Members of Parliament before the move can be implemented. Efforts by the Kenyan side to settle the matter have proven futile after Somalia remained adamant over the matter. Mbadi and Duale have been advocating for the dispute to be resolved through diplomatic means but it is evident that nothing is forthcoming from the same. The two governments have entered into a series of treaties but nothing has been reached at the end of the day. View the full article