Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Qasa)-Ciidammada maamulka Israa’iil ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 4 Falastiniyiin ah xuduuda u dhaxaysa marina Qasa iyo dhulka ay yuhuudu haysato. Toogashada oo dhacday maanta oo sabti ah, ayaa ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in afarta nin ee ay toogteen ay ku hubaysanaayeen hub culus oo ay ka mid ahaayeen hubka lagu burburiyo Taankiyada iyo bambooyin. israa’iil waxay sheegtay in ragaasi ay toogteen markii ay isku dayeen inay u soo talaabaan dhinaca Xuduuda ee ay joogaan ciidamada Milateriga Israa’iil. Ururka Xamaas ee maamulka marinka Qasa weli kama hadlin toogashada lagu dilay 4ta Falastinyiinta ah. Source
  2. A damaged tanker truck exploded in eastern Tanzania Saturday as people were trying to siphon fuel out of it, killing at least 57, police said. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay codsi dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey kaas oo codsanayay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay liiska argagixisada ku daraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab. Diblumaasiyiin iyo danjireyaal hore ayaa dowladda Mareykanka u gudbiyey baaq ka dhan ah warqad ay dowladda Kenya uga codsaneyso golaha ammaanka ee QM in Al-Shabaab lagu daro kooxaha argagixisada. Xubnahan oo gaarayey illaa 16 diblumaasi ayaa warqad u qoray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay ka dalbadeen in xukuumadda Washington ay gabi ahaan diiddo codsiga Kenya. Diblumaasiyiintaan ayaa sheegay dhibaato xoogan ay ka dhalan karta, haddii ay QM qaadato soo jeedinta Kenya ee ah in Al-Shabaab loo aqoosado koox argagixiso ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in hay’adaha samaflka qaarkood ay hadda ka howlgalaan deegaanada Al-Shabaab, balse haddii la fuliyo dalabkaasi uu meesha ka saari karo howlaha gargaarka, islamarkaana ay qatar gali karto nolosho Soomaali badan. Dhowaan ayey aheyd markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau uu shaaciyey in dowladdiisu golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada ee ka jira caalamka. Al-Shabaab oo ah koox hubeysan, kana dagaalanta Soomaaliya ayaa weeraro khasaaro geysta ku qaada dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Inkasta oo baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ansixiyay September 7, 2018 in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State” halkii ay ka aheyd dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya hadana dastuurka Itoobiya ee federaalka ah waxaa ku qoran magac ka duwan ‘Midkii ahaa DDSI ama xataa midka cusub ee Somali Regional State”. Sida ku qoran dastuurka federaalka ah ee Itoobiya, qodobkiisa 47-aad, dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay federaalka ah Itoobiya waxaa ku jira “State of Somalia”, hade ma aha “State of Somali” ama “Somali Regional State”, arrintan oo aan lagu baraarugsaneyn waxaa ay meel ka dhac ku tahay qarannimada Soomaaliya. Sida aan ognahay Soomaaliya waxaa dal xor ah, Google ama meel walbo oo qoraal la dhigo dalkeenna ayaa looga yaqaan “State of Somalia” halka dadkaasi Itoobiya deggan ay yihiin dad Soomaali ah, marka in si ula kac ah uga dhigaan Soomaaliya waxaa ay ku tusineysaa damaca Itoobiya. Dastuurkan uu ku qoran yahay “State of Somalia”, waxaa la ansixiyey 1995-tii kolkaas oo Soomaaliya aaney ka jirin dowlad, qowmiyadaha Itoobiya dego wey ka mid tahay Somali, laakin waxaa la fahmi la’yahay sababta ay u adeegsadeen eragyga “Somalia” oo ah dal dhan oo caalamka laga aqoonsan yahay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in si shakhsiyaad ah ay marar badan kala hadleen Adis Ababa in dastuurka Itoobiya wax laga badalo, gaar ahaan eragyga “Somalia”, arrintaas oo aan dheg jalaq loo siin. Dowladda federaalka ah Soomaaliya weli arrinkan si rasmi ah ugalama hadlin Itoobiya, mana muujin caro, taasi oo dib u dhigi karta in wax laga badalo qodobka 47-aad ee dastuurka oo Itoobiya ee dhigaya in “State of Somalia” ay qeyb ka tahay dalkeeda. Damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa uu jiraa in ka badan 500 oo sano, laakin waxaa muuqa iney qaab dastuuri ah u soo siqeyso. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Xilku ka dhaamdey Ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu hele kalsoonida Beesha Caalamka kuwaooda daneeya Arimaha Soomaaliya. Qorsha uu [...] Source
  6. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo uu kala hadlay la shaqeynta Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Al-shabaab ka saaray degaanka Awdheegle. Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Sheegay in ay safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Kumandooska Danab ee Xoogga dalka oo todobaadkii hore Al-shabaab ka saaray Awdheegle. Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha Hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka Al-shabaab looga xoraynayo degaannada ay ka haystaan gobolka Shabeellada dhexe. Guddoomiyaha aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsaday in ay soo dhoweeyaan islamarkaana la shaqeeyan xoogga dalka ee ku sugan degaanka. Hoos ka eeg sawirada mas’uuliyiinta PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo safar dhulka ah ku tegay degmada Awdheegle appeared first on Puntland Post.
  7. Maamulka Jubbaland ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose wuxuu kusoo bandhigay Laba nin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab. Laamaha ammaanka ayaa raggan magacyadooda ku kala sheegay, Cabdi Ciise Maxamed iyo Geedi Maxamed Cali, waxayna sheegeen in iyagu ay is soo dhiibeen, kadib xiriir ay lasoo sameeyeen saraakiishan. Mid ka mid ah raggan ayaa watay qori nooca AK-47 ah, oo la sheegay inuu kala soo baxsaday dhanka Xarakada Al-shabaab. Dhanka Al-shabaab, wax war ah kama aanay soo saarin in xubno iyaga ka mid ahaa ay dhanka Jubbaland usoo baxsadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carrafo, si ay u gutaan xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka. Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan 2,096,023, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia. Xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan Ammaanka ayaa si aad ah loo xoojiyey, iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka. Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka. Dhammaan dalalka Islaamka ayaa sidoo kale beri isku diyaarinaya dabaal dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Malaayiin xujey ah ayaa maanta waxa ay taagan yihiin Banka Carafo, waxaana ay gudanayaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee xajka. Xujeyda ayaa saakay laga soo qaaday deegaannadii ay deganaayeen, waxaana ay isugu yimaadeen Banka Carafo, iyaga oo halkaasi joogi doona maanta oo dhan. Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarisay kumanaan ciidan, kuwaasi o lasoo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Makka Al-mukarrama, iyadoo sidoo kale gaadiidka laga mamnuucay iney isticmaalaan waddooyinka Xaramka Barakeysan u jira illaa 2-KM. In ka badan 11-kun oo xujey Soomaali ah ayaa sanadkan nasiib u yeeshay iney soo xajiyaan, iyaga oo ka mid ah muslimiinta maanta taagan Banka Carafo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa amray in dhammaan ciidanka xoogga dalka ay isaga baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay iney tagaan saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi iyo sidoo kale dhanka furumaha dagaalka. Lafta Gareen ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu dhex arki karin askari hubeysan, sababtuna wuxuu ku sheegay in amni darrida magaaladaasi ay badatay. Wuxuu sheegay madaxweynaha K/galbeed in ciidanka milatariga ay ka qeybqaateen dil shalay ka dhacay beer ku taalla magaalada Baydhabo. Dhanka kale, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ciidanka xoogga dalka iney soo qabtaan askartii dilka ka dambeysay, lana horkeeno cadaaladda. Ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib markii la sheegay in xiisad ay ka dhalatay dadkii shalay lagu dilay magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda. Mr Dhuubow ayaa sheegay in Guddi ay u xilsaartay dowladda Soomaaliya kormeerka xaalada Xujeyda Soomaaliyeed inay soo arkeen afar shirkadood oo sameeyay dayacaad weyn. “Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkadahan afarta ah ee ku kacay qaladka ay la xisaabtami doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiishga ciidamada maamulka Jubbaland ayaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa magacyada xubnahaasi ku kala sheegtay Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed (Iidle). Labadaani nin ayaa in muddo ah ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab, wuxaana ay ka mid ahaayeen guutada weerarada qaada, sida ay shaaciyeen saraakiisha maamulkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay soo dhaweynayaan xubnaha kale ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, haddii ay isa soo dhiibaan. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in uu ka soo goostay dhankooda. Ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Amisom ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  13. Baydhabo (PP) ─ Xaaladda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa maanta kacsan kaddib markii shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan oo ay geysteen malleeshiyaad hubaysan, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade lagu dhex-toogtay beertiisa oo ku taalla duleedka Baydhabo. Dilka Cali Marguus kaddib ayaa waxaa Baydhabo lagu dilay afar qof oo kale; waxaana falalkan foosha xun si adag uga hadlay madaxweynaha Koonfur-galbeed, C/casii Xasan Maxamed [Lafa-gareen] oo amray in lasoo qabto kuwii ka dambeeyay dilalkaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil ee kasoo cusboonaaday deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed. Dhanka kale, Xaaladda Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, isla markaana la dareemayo xaalad cabsi ah oo ka dhalatay falalkii kala duwanaa ee shalay ka dhacay dulleedka iyo gudaha Baydhabo. Madaxweyaha Koonfur-galbeed ayaa dilka ganacsade Cali Marguus dusha uga tuurtay ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo maantana amarro culus ku soo rogay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo ku sugan. “Ciidamada millateriga dowladda federaalka ee Baydhabo ku sugna waa inay ka baxaan magaalada, ayna tagaan saldhigyadooda ku yaalla duleedka, lamana arki karo askari hubeysna oo millateri ah oo magaalada dhex-socda,” ayuu yiri Lafta-gareen. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in saraakiisha ciidamada XDS ee ku sugan Baydhabo ay gacanta kusoo dhigaan askartii ka dambeeyay dilkii loo geystay marxuum Cali Aadan Marguus oo lagu dhex-dilay beertiisa oo aan ka fogeyn Baydhabo. Ugu dambeyn, Cabsida ka taagan Baydhabo ayaa sababtay maanta inaysan maanta furnayn inta badan xarumaha ganacsiga ee magaaladaas, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in cabsidu ay tahay mid aad u sarreysa, lana filan karo falal-dambiyeedyo kale oo dhaca. PUNTLAND POST The post Xaaladda Baydhabo oo kacsan iyo ciidamada DFS oo lagu amray inay si dhaqso ah uga… appeared first on Puntland Post.
  14. Maka (PP) ─ Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa ku sugan maanta buurta CARAFO dusheeda, kuwaasoo gudana waajibaadka xajka ee sannadkan, waxaana sooman maanta inta baan muslimiinta kale ee aan ku sugnayn CARAFO. Xujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay MINA iyagoo u jiheystay buurta CARAFO, iyadoo in la dul-istaago buurta Carafo uu uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka. Sidoo kale, muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 2-milyan, waxaana ay ka mid noqonaysaa markii ay ugu tirada yaraayeen muslimiinta xajisay sannadihii lasoo dhaafay. Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in sannadkan ay xaj u yimaadeen dalka Sucuudiga in ka badan 2,096,023 oo xaaji, kuwaasoo maanta dhamaantood ku sugan buurta Carafo oo ah halka ugu barakada badan XAJKA. Guddoomiyaha gobolka ay ku taallo Maka, Khalid al-Faisal oo la hadlayay warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegay in sannakan ay balaayiin doollar ku bixiyeen sidii si nabad-galyo ah loogu gudan lahaa acmaasha waajibka ah ee Xajka. Dhanka kale, mas’uulkan ayaa daboolka ka rogay in Maka ay geeyeen in ka badan 350,000 oo askari iyo 4,000 oo shaqaale rayid ah, si ay ugu adeegaan xujeyda sannadkan gudanaya xajka, kuwaasoo ka kala yimid caalamka oo dhan. Gaadiidka ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan waddooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka inta u jira qiyaastii 2-km, si loo badbaadiyo nolosha inta badan xujeyda sannadkan oo waddooyinkaas lugta ku maraya. Ugu dmabeyn, shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan. PUNTLAND POST The post Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidamada Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna waljamaaca ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa saaka la soo sheegaya in ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wareejiyay ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan ciidamada Culimaa’udiinka Ahu-sunna ayaa bilowday kadib markii uu soo baxay shaki iyo walaac ay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ka qabaan fulinta heshiiskii ay la gashay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay Sabtida saaka arkayan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu-sunna kuwaasi oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Dhuusamareeb waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dhaq dhaqaaqan cusub uu dhaliyo isku dhac hubeysan oo u dhexeeya ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna. Sugidda Amniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaanna garoonka diyaaradaha ayaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo dowladdu ay todobaadkii hore shaacisay in ay la wareegtay mas’uuliyadda amniga garoonka. PUNTLAND POST The post Magaalada Dhuusamareeb oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusarameeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ahlu-Sunna Waljamaaca dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilowday gudaha magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan ciidamada Ahlu-Sunna, iyadoona la sheegay inay qorsheneyso in haatan ay ka baxdo heshiiskii ay dhowaan la gashay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka lagu arkayaa xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ahlu-Sunna ayaa dooneysa in ay dib ula wareegto garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Amniga garoonkaasi ayaa dhowaan lagu wareejiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan kasan, waxaana dadka deegaanku ay walaac ka muujinayaan dhaq dhaqaaqa cusub ee ka bilowday halkaasi. Shantii bishan August ayey aheyd markii Ahlu-Sunna ay shaki gelisay heshiiskii ay xukuumada kula gashay Dhuusamareeb, kadib warqad uu saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaas oo walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyo ka baxsan heshiiska oo uu sheegay in dowladdu ay ka wado magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Sawirka: magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Mid kamid ah beelaha Puntland oo shir uga socday tuulada GERI-HEL oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa shirkaasi kaga dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka. War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ay ku saxiixan yihiin 18 oday oo samadoonno cuqaal iyo nabaddoono ka kooban ayaa lagu sheegay in beeshu ay qaadatay hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda iyo wixii kala gala dadka ay ood-wadaagta yihiin labadaba. Sidoo kale beeshu waxay war-murtiyeedka ku sheegtay in ay dhistay laba guddi oo kala ah guddiga dhowrista iyo ilaalinta degaanka oo ka shaqeyn doona ka hortagga xaalufinta iyo adkaynta nabadgelyada degaanka beesha iyo sidoo kale guddiga dhaqaalaha gudaha iyo debadda ee beesha. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka PUNTLAND POST The post Mid kamid ah beelaha Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa si kulul uga hadlay dilkii shalay loo geystay allaha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Marguus oo ahaa nin ganacsade ah. Lafta Gareen ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadka hal doorka ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in la garanayo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa, islamarkaana ay ku raad joogaan ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay. Dilka Cali Marguus iyo dad kale oo la socday ayaa sababay in dagaal beeleed uu ka bilowdo duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo isla shalay lagu dilay illaa 2 qof. Marguus oo si weyn looga yaqaanay Koonfur Galbeed ayaa hore u ahaa siyaasi, wuxuuna soo noqday wasiir iyo xildhibaan, inkastoo markii dambe uu isaga baxay siyaasadda. Dilkiisa oo salka ku hayo arrimo la xariira dhul ayaa ka dhacay beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  19. Mogadishu Mayor Abdirahman Omar Osman, at an event in Mogadishu, Somalia, was killed a week after the suicide bombing on July 24 Source: Hiiraan Online
  20. The family of 12-year-old refugee Shukri Abdi who drowned in June have branded an internal investigation into claims of bullying before her death “a whitewash" Source: Hiiraan Online
  21. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ee ay siin jirtay odayaasha loo aqoonsanyahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo la ogaysiiyay xafsiiska madaxweynaha ayaa dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in ay hakiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ilaa iyo amar dambe. Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada Hoos ka eeg qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonada appeared first on Puntland Post.
  22. Around 80 Amazon warehouse workers in the Twin Cities suburb of Eagan, Minnesota staged a two-hour walkout on Thursday morning. It's the latest in a series of strikes and protests spearheaded by Amazon workers in the state. Source: Hiiraan Online
  23. For almost 1400 years, Muslim pilgrims have boarded boats, saddled up camels, or set off on foot for Mecca. Today, they’re making the same journey, but an embrace of technology is making their visit faster, safer, and more efficient than ever. Source: Hiiraan Online
  24. NAIROBI (Reuters) - Ethiopia’s ruling coalition said on Friday it will hold a national election next year, defying worries over security and displacement in the Horn of Africa country that had led some to speculate the election might be postponed. Source: Hiiraan Online
  25. Fishermen in the town of Kismayo, in the lower Juba region of southern Somalia, are suffering from insufficient resources and still use traditional fishing gear and old fishing boats. Source: Hiiraan Online