Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Copenhagen)-Qarax ayaa waxyeeleeyay Saldhig boolis oo ku yaalla Caasimadda Dalka Denmark ee Copenhagen, xilli hore oo Sabtida Maanta ah. Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee Caasimadda Danishka ka dhaca muddo Afar Maalmood gudaheed ah. Qofna kuma dhaawacmin Qaraxa oo ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Norrebro, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska, Jorgen Bergen Skov. Salaasadii la soo dhaafay, Hal Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dibedda Xafiis ay leeyihiin Shirkad Tagaasida kiraysa. Qaraxa hore waxa Boolisku ku sheegeen Qarax si ku talo-gal ah loo sameeyay, laakiin Qaraxa hore iyo ka Maanta dhacay ayaan la ogayn inay xidhiidh leeyihiin, inkasta oo ay weli xilli hore tahay oo baadhitaan socdo. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadda oo ay isa soo tarayaan dadka aadka uga fal-celinaya geerida naxdinta leh ee gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho, haddana qof walba dhinac ayuu ka eegayaa. Inaha ay dadku ka eegaya ayaa waxaa kamid ah; shaqadiisa, shaqsiyadiisa iyo howlihii uu dalka u soo qabtay mudadii uu noolaa. Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, Jimcadii, waxaa lagu qabtay isu soo bax loogu duceynayey marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, taasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu madaxweynaha ugu sareeyo. Isu soo baxa ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Banaadir kaasi oo haatan loogu magac-daray marxuumka, uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. Marxuumka ayaa dadka looga dhex-yaqiinay naaneysta “Injineer Yariisow”. Dad badan waxaa laga yaabaa in ay is-waydiinayaan ama ay jeclaan lahaayeen in ay ogaadan qaabka ay ugu baxday naaneystaasi. Hodan Cali, agaasimaha Waaxda Arrimaha Bini’aadanimadda ee maamulka gobolka Banaadir oo maqaal ka qortay dhimashada Cabdiraxmaan ayaa soo bandhigtay sheekadda ka dambeysay naaneystaasi. Qormadda oo ciwaan looga dhigay; Waan sii wadaynaa noloshii holaca ee duqa, ayaa waxaa lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Daily Nation kaasoo kasoo baxa Nairobi, magaala madaxda Kenya. Sidda ku xusan faaladda, dulucda naaneystaasi ayaa waxay ahayd in uu ahaa Injineerka ugu da’da yar fasalkii uu dhinayey markii uu ardayga ahaa. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow ayaa waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Banaadir taariikhdu markay ahayd, 16-kii August sanadkii 1965-kii. Waxbarashadiisa dugsi hoose, dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey Jaamacadda Gaheyr, kuliyadda Civil Engineer, sanadkii 1986-kii. Hodan ayaa la sheegay in ay kamid ahayd shaqsiyadii ugu dambeeyay ee la kulmay marxuumka daqiiqado kahor inta uusan dhicin qaraxaasi oo ay dowladdu sheegtay in ay fulisay haweenay araga la’. Qoftaasi dumarka ah oo shaqaalaha xafiiska Yariisow kamid ah isla markaana garab ka heshay ruux kale oo isla dumar ah kuwaasi oo adeegsaday magacyo been ah markii shaqadda loo qorayey. Haweenayda is-qarxisay ayaa sheegatay magaca Basiira Cabdi Maxamed, balse baaritaan kadib waxaa lagu ogaaday in midka saxda ah uu yahay Maryama. Maryama oo indhoole ahayd ayaa kala shaqeyn jirtay Yariisow u gargaarida dadka naafada ah, waxaana ay ka heshay marxuumka soo dhaweyn iyo garab istaagid, waxayse ugu badashay dil. Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo si yaabo kala duwan ug fal-celiyay is-qarxinta haweenayda ayaa waxay ku tilmaameen “naxariis-lay iyo mid abaal-daran”. Sidda uu baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, haweenaydan ayaa maalmihii ugu dambeeyay oo ay kulmaan Yariisow waxa uu siiyey aduun dhan tobban kun oo dollar. Lacagtaasi ayaa loogu gacan-geliyay ka gedaal markii ay sheegatay in ay daaweyn u adeeyso dalka Hindiya. Balse baaritaan la sameeyay waxay muujiyeen in ay ku aadan mid kamid ah degaanada ay Al-Shabaab maamusho. Eng Yariisow oo kasoo muuqday dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayaa soo qabtay xilal ay kamid yihiin; Lataliye sare oo xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo lataliye sare si lamid ah afhayeenka xafiiska madaxweynaha. Xigasho Garowe Online
  3. Burco(SL-T):-Hooyo Muna Oo Umada Islaamka Ka Codsatay In Loosoo Badbaadiyo Inanteedii Oo Uu Magafe Ku Haysto Dalka Liibiya, Fadlan Caawi Source
  4. Odoyaal iyo Culimo udiin maanta shir jaraa,iid ku qabtay GAROWE ayaa faahfaahin ka bixiyay go,aamo kasoo baxay Shir todobaad uga socdey mid ka mid ah beelaha Gobolka Nugaal magaalada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl. Odoyaasha iyo Culimada ayaa sheegay shirkaas inay kasoo saareen go’aamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dhismaha wadada Eyl in looga dambeeyo Dr Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo ay sheegeen inuu kasoo shaqeynayay muddo islamarkaana aysan jirin cid kale oo u dhaxeyn karta dowladda,shirkadda dhisaysa iyo beesha oo uu wakiil uga yahay Aadan Gaadaale. Sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen odoyaasha iyo culimadda la hadlay saxaafadda inay wax ka bedel ku sameeyeen habkii horre ee xeer beegtida beeshu ay ku wajahi jirtay falalka la xidhiidha qisaasta,kufsiga iyo magaha. Waxayna sheegeen ka dib markey dhibaatooyin badan kasoo noqnoqdeen habkii horre in hadda ay uga guureen ku dhaqanka shareecadda Islaamka. Arrintaan waxay sheegeen inay meesha ka saareyso xeerarkii horre ee lagu dhaqmi jirey falalka qisaasta,kufsiga iyo dhaawaca oo iminka ay ku bedesheen inay ku wajahi doonaan xukunka shareecadda islaamka. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran iyo sawirada PUNTLAND POST The post Mid kamid ah beelaha gobolka Nugaal oo go’aanno ka soo saartay shir uga socday degaanka Qarxis appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ee dalkaasi ay gubeen illaa labo gaadiid ah oo lahaayeen dad Soomaaliyeed. Ciidamada ayaa la sheegay in gawaaridaasi oo ahaa kuwa Xamuulka qaada ay dab ku qabad siiyeen agagaarka deegaanka Libooya oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamadu gubeen gaadiidkaasi. Inta badan ciidamad Kenya ayaa dhibaatooyin ka geysta deegaanada dhaca xadka Soomaaliya, marka ay halkaasi ka fulinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay marar badan falal bur burin ah kula dhaqaaqeen xarumo isgaasiineyd oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya. Arrintan ayey dad u badan u arkaan in ay Kenya uga aar gudaneyso weerarada Al-Shabaab la beegsato xarumaha ganacsiga iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. PRESS RELEASE New South Sudan Strategy Maps Way Forward for Communities Returning Home After Displacement The September 2018 signing of the Revitalized Agreement on the Resolution of Conflict in South Sudan has brought increased security and stabilization in more and more of the country JUBA, South Sudan, August 9, 2019/ — The conflict in South Sudan has caused immeasurable suffering. In the past six years, international observers have estimated 400,000 people have died. Today, at least 4.1 million people remain displaced—two million within the country—having fled their homes in search of safety. Now, South Sudan is showing signs of recovery. The September 2018 signing of the Revitalized Agreement on the Resolution of Conflict in South Sudan has brought increased security and stabilization in more and more of the country, providing new opportunities for displaced populations to go home. Over the past 11 months since the agreement, some 530,000 individuals have returned, according to IOM’s latest Displacement Tracking Matrix Mobility Tracking report. Nonetheless, millions of people still have to cope with ongoing food insecurity, conflict and violent crime throughout the country—all drivers of crisis—which now have become barriers to recovery that must be addressed to build resilience, peace and stability. IOM South Sudan recently released a roadmap for supporting conflict-affected communities as they transition from crisis to development, particularly displaced populations preparing to return home. The Return, Recovery and Resilience Strategy is designed to promote sustainable returns and recovery. “By bringing local actors to the forefront of the return and recovery process, we will support them to drive transformative change in an inclusive manner,” said Jean-Philippe Chauzy, IOM South Sudan Chief of Mission. “We’ll engage communities through their capacities rather than their needs, regarding them as active drivers of recovery, as opposed to passive recipients of aid.” IOM has been implementing such recovery and resilience projects in South Sudan since 2011. Given its role as the global migration agency, IOM draws on decades of experience worldwide responding to the challenges in situations where conflict meets forced migration, as well as a long history of adapting its humanitarian response to the needs of affected populations. Moreover, IOM is committed to working with partners to uphold the dignity and well-being of returnees. Improving access and provision of services is vital for communities’ sustainable return. That builds trust across conflict lines and helps returnees resume economic activity and receive protection. “This strategy will act as a blueprint for each target location in South Sudan, especially where we can leverage our current operational presence, existing community and partner relationships and contextual knowledge,” Chauzy added. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay warbixintii natiijada baaritaanka ee ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, isaga oo soo bandhigay sagaal su’aal oo aan weli laga jawaabin. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay facebook. Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah! Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida: 1. Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee sidaas u weyn iyo sida uu ku soo galay goobta shirka? 2. Qofka warbixintu sheegtay inuu is qarxiyay, sidee uga mid noqday madaxda gobolka, muddada uu ka shaqaynayay, habka uu shaqada ku soo galay, cidda shaqaalaysiisay iyo habraaca loo maray shaqaalaysiintiisa? 3. Yaa mas’uul ka ahaa baarista albaabada, maxaa tallaabo ah oo laga qaaday saraakiishii gaboodfalkaas amni sameeyay, immisa qof ayaana loo xiray dhacdadaan naxdinta leh? 4. Maxaa loo damiyay kaamarada ku xirneed hoolka shirarka ee qaraxu ka dhacay kahor intii uusan qaraxu dhicin? 5. Saraakiishii yimid goobta qaraxu ka dhacay maxay ula baxeen xog-kaydiyaalkii Kaamarooyinka ku xirnaa xarunta gobolka (Camera Memory), iyadoo ay joogto hay’adii ku shaqada lahayd ee Dambi Baarista (CID)? 6. Saraakiishii ku fashilmay ilaalinta amniga xarunta gobolka Banaadir sidee loogu aaminay in ay qayb ka noqdaan gudigii baaritaanada sameynayay? 7. Ma dhici kartaa inay jiraan shaqaale ama madax kale oo iyagana ka tirsan argagixisada oo wali ka shaqeeya xarunta gobolka Banaadir diyaarna u ah fulinta falal kuwaan oo kale ah amaba ka sii foolxun? 8. Haddii xaruntii gobolka Banaadir ee amnigeedu aadka u adkaa sidaan loo beegsaday, ma dhici kartaa in xarumaha kale ee dowladda in iyaguna ay dayacan yihiin sida: Madaxtooyada, Golaha Wasiirada, Goleyaasha Barlamaanka iyo Garoonka diyaaradaha? 9. Haddii warbxinta aanay dhammaystirnayn, laba todobaad kadib, goorma ayeey soo dhammaystirmaysaa? Dhiiga Eng. Yariisow iyo saaxiibadiis ammaano ayuu ku yahay qof kasta oo mas’uul dowladeed ah, sidaas daraadeed waa in la sameeyo gudi madaxbanaan oo khibrad iyo aqoon lagu soo xulay, baaritaano tifaftirana soo sameeya, si looga gungaaro xaqiiqada dhabta ah ee masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir. Hon. Mahad Salad
  8. G/sare Xuseen Cali Maxamud Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa ku amray shacabka magaalada Boosaaso in aan wax gaadiid ah la isticmaali karin laga bilaabo caawa 12:00am ilaa 10:00am ee berri oo Axad ah kuna beegan maalinta Ciidda ah. Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen si loo adkeeyo amniga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland maadaama ay dad badani soo baxayaan si ay salaadda Ciidda u ogaan. Sidoo kale maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliiska gobolka ayaa mamnuucay in Lagu tukado Garoonka/Isbartiibada Kubadda cagta Boosaaso Horay Saladaha Ciidda loogu tukan Jiray. Hoos ka daawo go’aannada ka soo baxay Booliiska PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo bandow gaadiid saaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dab xoogan oo qabsaday buuraleey kuyaal duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana dabku uu xilligaan ku sii [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xugeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay qaar ka tirsan Shirkadahii keenay xujeyda in ay si khaldan u maamuleen guryahii Xujeyda ee Mina. Wasiirka oo ka mid ah Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Kormeerida Xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen Dayacaad weyn. Waxaa uu sheegay in dowladda ay tilaabo ka qaadi doonto, islamarkaana si adag loo la xisaabtami doono 4 Shirkadooda oo uu sheegay in ay marsiiyeen hanaan qaldan Xujeyda Soomaaliyeed Qaarkood. Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda qaar u qaadi lahaa Mina aysan helin islamarkaana howshaas ka gaabiyeen Sharikadihii diyaaradaha ee daabulay. Sawirro laga qaaday Xujeyda islamarkaana la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya iyaga oo jiifa dhulka. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan dhowr sharikadood u oggolaatay in ay Xujeyda Soomaalida geeyaan Xajka,waxaana jiray tartan la geliyay in ka badan 80 Sharikadood. Tartanka ayey xukuumaddu sheegtay in ay ku soo baxeen 58 sharikadood kuwaas oo xaq u yeeshay in ay xujeyda daabulaan. Hoos ka dhageyso wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Wasiir-ku-xugeenja-Awqaafta-iyo-Arrimaha-Diinta-ee-Soomaaliya-oo-ku-eedeyay-q.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Ceerigaabo)-Buuralayda Gobolka Sanaag Ee Uu Ku Sugan Yihiin Ciidammada Kornayl Caarre Oo Dab Xooggani Ka Kacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur ayaa sheegay in shir guddida fulinta ee xisbigu yeeshay 08-08-2019 lagu go’aamiyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe waxaanu farriin u diray xubnaha ka qayb galaya shirka. “Shir ka qabsoomay xarunta xisbiga oo guddida fulintu ay isugu yimaaddeen sideedii bishan waxa lagu go’aamiyay in shirkii Golaha Dhexe qabsoomo 28-ka ilaa 29-ka bisha sagaalaad (28-29, September 2019), kana qabsoomo magaalo madaxda Togdheer ee Burco,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu farriin u diray xubnaha Golaha Dhexe oo uu ku boorriyay in ay wakhtiga ilaaliyaan “ Waxa kale oo aan farriin u diraya qof kasta oo Golaha Dhexe ka tirsan waxa loo soo diri doona farreen iyada oo loo tilmaamayo xilliga uu imanayo xarunta iyo xilliga uu qaadanayo kaadhka, marka qof kasta oo farriintaasi soo gaadho waxaanu ku wargelina in uu ilaaliyo wakhtiga uu tilmaamayo qoraalka ku soo gaadha oo qof walba sidooda u fuliyo farriimaha soo gaadha,’ ayuu yidhi Md Cismaan Afgaab. Geesta kale waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii guddida doorashooyinka ee ku aaddana in aanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii loo asteeyay. “Signalka waxaanu dareensan nahay in ay xukuumaddu bixisay sida ay u hadlayaan ay xukuumaddu gudbisay sida ay u hadlayeena ku talo gal ayuu ahaa waxaanay u eeg tahay in ay beesha caalamka ogaysiinayeen reer Somaliland-na niyadda kaga xumaynayeen in aan waddanka wax doorasho ahi ka qabsoomayn “Waa nasiib darro in iyaga oo muran sanad iyo badh soo jiitamayay daraf ka ahaayeen in ay maalintii u dambeysayna laad ku sii dhuftaan wixii la kabkabayay arrintaas nasiib darro ayaan u arkaa,” ayuu yidhi Cismaan Afgaab Source
  13. Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomi doono shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo goobta lagu qaban doono. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani Cismaan Afgaab ayaa shir jaraa’id ka sheegay in shirka la qaban doono 28-29 bisha soo socota ee September laguna qaban doono magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Xisbiga Waddani ee Somaliland oo ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsan doono shirkiisa Golaha dhexe appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa shuruud hor leh ku xidhay fulinta heshiis dhexmara Kornayl Caarre. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ee la kulmay Caarre dhammeeyeen guud ahaan arrimaha marka laga reebo mustaqbalka Caarre. Xoguhu waxay sheegayaan in xukuumaddu dalbatay in Kornayl Caarre ka baxo dalka kadibna dibadda ka soo codsado cafis madaxweyne sidaasna madaxweynuhu ku cafiyi doono laakiin, Kornayl Caarre ayaa arrintaasi ku gacan-saydhay. Madaxda dhaqanka ee hawshan ku jira ayaa badhkood Hargeysa ku soo laabtay halka qayb kale oo Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani hormuud u yahay wali ku sugan tahay gobolka Sanaag waxaana arrinta kala shaqaynaya badhasaabka Sanaag Mr Tiimbarow. Madaxweyne Biixi ayaa loo arka in ay caqabad weyn ku tahay jabhadda fadhiisinka ka dhigatay meel aan ka fogayn Ceerigaabo, islamarkaana marar badan laga taageeray Ceerigaabo iyo Burco, waxaanay dhammaynta arrintaasi ee odayaashu culays ka ridi doonto xukuumadda. Source
  15. (SLT- Kansas)-Shariif Kaariye oo 41 jir ayaa lagu soo oogay inuu door ku lahaa Kharash lagu helay Mashruuc been abuur ahaa. Eedeysanaha oo ahaa Milkiilaha Xarun Daryeel Maalinle (Daycare Center) oo ku taalla magaalada Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi waxaa Xukun ku riday Maxkamad Heer Federal doorkii uu ku lahaa Mashruuc been abuur ah oo Macaashka Federalka looga qaatay in ka badan 556,000 oo Dollar. Shariif Kaariye oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxa uu ahaa Mulkiilaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Xarun Daryeel Maalin lagu asaasay labo ganacsi iyo labo magac oo isku meel ku yaalla. Labada Xarumood ee uu Madaxa fulinta ka ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Karie Day Care Center iyo Tima Child Care Center, sida lagu sheegay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda. Shariif Mukhtaar waxaa bishii Janaayo 11-dii ee sannadkan lagu soo oogay eedeymo ay ka mid ahaayeen Xatooyo Hanti Dowladeed, 15 eedeymo la xiriiirta Xawilaad Lacageed iyo 3 Xatooyo ee Waraaqaha Aqoonsiga, waa sida hadalka loo dhigay. Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Brian C. Wimes oo u xil saarnaa qaadista dacwadaasi waxa uu Shariif Kaariye ku xukumay ilaa 4 sanno iyo 10 bilood oo aan cafis lahayn oouu ku qaadanayo Xabsi Heer Federal. Sidoo kale, Haweeney la eedeysnayd oo lagu magacaabo Sheri Beamon oo 48 jir ayaa waxaa Xukunkeeda lagu dhawaaqi doonaan bishan August 15-da, iyadoo horey u qiratay Dembiyadii lagu soo oogay bishii September 10-da ee sannadkii hore. Haweeneydaasi waxay ku magacownayd Agaasimaha Xarumaha Kaariye ee Daryeelka Maalinlaha iyo Xarunta kale ee Daryeelka Carruurta ee Maalinlaha (Timo Childcare Center). Source
  16. (SLT-Makka)-Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay sannadkan Waajibaadka Xajka gudanayaan Muslimiin gaadhaya 2.5 Milyan. Dadka Xajka gudanaya ee Dacallada Dunida ka kala yimid ayaa Sucuudiga ku gaadhay Gaadiid kala duwan, sida Diyaarado, Maraakiib, Doonyo iyo Gaadiidka Caadiga ah ee dhulka mara. 1.86 Milyan qof oo ka tagay Adduunka intiisa kale, ayaa gaadhay dalkaas, kuwaasi oo 1,730,967 ka mid ahi ka dageen Garoomada diyaaradaha dalkaasi, ka dib markii ay diyaarado ku soo safreen, halka Dadka ka soo Xajay waddamada Jaarka ee dhulka soo maray, ayaa tiradooda lagu sheegay 95,742 qof. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in Dadka ku soo safray Maraakiibta iyo Doonyaha ay tiradoodu dhan tahay 17,252 qof. Waxa Xusid mudan oo Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudigu sheegtay inay sannadkan Xajka ka qayb-qaadanayaan 700,000 oo xujay ah oo ku nool gudaha Dalka Sucuudiga kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanibka deggen dalkaas. Source
  17. (SLT-Addis Ababa)-Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay in uu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Itoobiya in ayna Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda. Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahdigii 4-aad ee Kiiska loo haysto, taasi la dhegeysanayey bishii la soo dhafaay ee July 24-dii. Waxa uu si cad u muujiyey in ayna Qareenadiisa sii wadi Karin Difaaciisa, sababo la xidhiidha Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha oo caqabad ku noqday iyo inuu lumiyey kalsoonidii u uku qabay Maxkamadda. Waxa uu tilmaamay inuu Maxkamaddu u yimaado si uu u dhegeysto Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha, balse aysan jirin wax ay Kulamadda Maxkmaddu ku kala duwan yihiin. Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia waxa uu tilmaamay in warar been ah oo isaga la faafiyey dhaawacday Xorriyadiisa, isla markaana ay Ciiddamo badan isaga ka hayaan ilaalo xooggan. Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ka soo muuqday Maxkamadda iyadoo ay Ciiddamo hubeysan oo ka kala socday Milliteriga Federalka iyo Boliska si xoogan u joogeen gudaha iyo dibedda Dhismaha Maxkamadda. Dhinaca kale, Muddadii ay socotay Dhegeysiga Dacwadaasi waxay Garsoorayaasha u sheegeen Dcawad-oogayaasha inay saxaan dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Eedeysnaha 1-aad iyo Xamzam Xasan oo iyadana ah Eedeysanaha 43-aad ee Dacwadaha loo haysto. Dacwad-oogaayaasha waxay dalbadeen faahfaahin dheeraad ee dacwadaha ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku jirto Isku-day uu ku doonayey inuu meesha ka saaro Amarka Nidaamka Dastuuriga. Kiiska Zamzam Xasan waxay Maxkamaddu u sheegetay Dacwad-oogayaasha inay Jinsigeeda ka soo dhigaan dheddig, halka dacwadda kaga soo qoreen Lab ahaan. Garsoorayaasha waxay ku amreen Dacwad-oogayaasha inay Maxkamadda ku soo wareejiyaan Nuquladda Caddaymaha Labada Eedeysane. Qareenadda difacaaysay waxay Garsoorayaasha u sheegeen inay khatar soo wajahday Cabdi Maxamuud Cumar, kadib, markii uu Wargeyska The Reporter bishan August 7-dii qoray war been abuur oo ku aadanaa inuu Cabdi Maxmuud Cumar doonayey inuu ka baxsado Xabsiga. Maamulayaasha Xabsiyadda wey beeniyeen waxa uu qoray Wargeyskaasi, balse, Madaxda Wargeyska weli Warkaasi kama aysan saarin Barahodoa bulshadda. Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia waxay Kooxda Qareenadda ka codsadeen inay Maxkamadda u soo gudbiyaan qoraalka dacwadooda ka dhanka ah Wargeyska The Reporter. Maxkamaddu waxay sheegtay in bishan Augsut 19-da dib loo dhegeysan doono dacwadda loo haysto Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxmuud Cumar. Si katsaba ha ahaatee, Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo hal sanno ku xiran Xabsiga waxa uu sheegay inuusan isaga naftiisa sii dfaaci doonin iyo inaysan Qareenadiisa sii wadi doono Difaaciisa, wuxuuna sheegay inuu Maxkamadda u imaan doono oo keliya inuu dhegeysto waxa ay Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha sheegaan. Source
  18. (SLT-Paris)-Diblumaasi sare oo ka tirsan dowlada Faransiiska ayaa sheegay in xukuumada Paris ayna wax amar ah uga baahneyn in wadahadal lala galo Iiraan. Arintaan ayaa jawaab kadib qoraal uu barta Twitter-ka ku soo qoray madaxweyne Donald Trump, oo uu ku dhaleeceyay dhiggiisa Faransiiska. Wasiirka arimaha dibada Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta amniga iyo xasiloodida Bariga Dhexe. Mr Le Drian ayaa intaa raaciyay in xukuumada Paris marwaliba diyaar u tahay xalinta xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehran. Trump ayaa dhaleeceyay diblumaasiyiinta Macron u diray dalka Iiraan. Source
  19. (SLT-Dubai)-Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysal wasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah. Safiirka u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo. ”Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna. Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uighurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn. Source
  20. (SLT-Ankara)-10 Bad-maaxayaal u dhashay dalka Turkiga oo la afduubay bishii July ee sannadkan, ayaa la siidaayey. Warbaahinta Dawladda Turkiga ayaa baahisay in 10-ka Bad-maaxe bishii July lagu afduubay Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo oo la socday Markab nooca Koontiinarrada qaada ah oo ku jeeday Dalka Ivory Coast. Bad-maaxayaasha Turkiga u dhashay ayaa lagu Afduubay Xeebta Nigeria, 16-kii July. Budhcad-badeeda Afduubay ayaa Markabka kala degay 10 Bad-maaxe, waxayna halkaa kaga tageen 8 kale, sida Warku sheegay. Telefiishanka Turkiga ee Magaciisa loo soo gaabiyo TRT ayaa sheegay in Bad-maaxayaasha la soo daayey uu Caafimaadkoodu wanaagsan yahay, balse Faahfaahin kale ma bixinin. Ma Cadda Budhcad-badeeda Afduubtay Raggu inay qaateen Madax-furasho iyo in kale, laakiin Numan Paksoy oo ka mid ah Maamulka Shirkadda leh Markabka ay la socdeen ayaa sheegay in 12 Nin oo badhcad-badeed ahi ay weerar culus ku qaadeen Markabka markii ay Afduubayeen Ragga markii dambe ay soo daayeen. Source