-
Content Count
209,267 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab. “Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dhamaan caalamka islaamka ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa ee sanadka 1440, ayadoo dunida laga dareemayo farxadda ku aadan maalmahaan qiimaha ugu fadhiyo dhamaan umadda Muslimka ah. sidoo waxaa dhamaan maanta si is ku mid looga ciidayaa dhaamaan gobalada iyo deegaanada kala duwan ay dagaan dadka Soomaaliyee, ayadoo shacabka loo diyaariyay goobo ay ku gutaan Salaada ciidaha. Dhanka kale madaxugu sareyso dalka ayaa la filayaa in shacabka ay kula tukadaan Masjika Isbaheysiga Islaamka ayagoo haldli doona shacabka. Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog Media Group waxaa shabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeynayaan munaasabadda Ciidul Adxa ayaga oo leh Ciida Ciid Mubaarak. Goobjoo News Source: goobjoog.com
-
Canada's government is facing increasing pressure to announce the outcome of its review of a lucrative weapons contract with Saudi Arabia, more than nine months after first announcing the inquiry in the wake of journalist Jamal Khashoggi's killing and the ongoing war in Yemen. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab. “Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.
-
Two more al-Shabab fighters surrendered to Somalia regional government forces on Saturday in southern region in the latest wave of defections that have hit the al-Qaida allied terror group, military officials said. Source: Hiiraan Online
-
Name Change: From Somaliland Republic to Awdal Republic The international community often confuses Somaliland with Puntland and Jubbaland. Puntland and Jubbaland are two provinces of Somalia while Somaliland is an independent country. To clear that confusion, Somaliland people need to adopt the name of their republic from their ancient name, which is famous both in Islamic history as well as in world history. This name is Awdal, the ancient name of the Islamic kingdom or Islamic Sultanate at Zeila (1415-1577). Most countries derive their names from their ancient names or places. So, Somaliland Republic would be Awdal Republic while Awdal Region can still retain its regional name or even choose another name. Islam was introduced to the Horn region early on from the Arabian peninsula, shortly after the hijra. Zeila’s two-mihrab Masjid al-Qiblatayn dates to about the 7th century, and is the oldest mosque in Africa. In the late 9th century, Al-Yaqubi wrote that Muslims were living along the northern Somali Coast (Red Sea Coast). The polity (system of government) was governed by local Somali dynasties established by the Adelites (people of Awdal Kingdom). The history of Adal (also Awdal, Adl, or Adel) from this founding period forth would be characterized by a succession of battles with neighbouring Abyssinia. The Kingdom of Adal (also Awdal, Adl, or Adel) was centered around Zeila, its capital. It was the first Somali Muslim Sultanate or Kingdom at Zeila. It was established by the local Somali tribes in the early 9th century. Zeila attracted merchants from around the world, contributing to the wealth of the city. Zeila is an ancient city and it was one of the earliest cities in the world to embrace Islam. The Adal Sultanate, or Kingdom of Adal (also known Awdal, Adl, or Adel) was a Muslim Somali kingdom and sultanate located in the Horn of Africa. It was founded by Sabr ad-Din II after the fall of the Sultanate of Ifat. The kingdom flourished from around 1415 to 1577. The sultanate and state were established by the local inhabitants of Zeila. At its height, the polity controlled most of the territory in the Horn region immediately east of the Ethiopian Empire (Abyssinia). The Adal Empire maintained a robust commercial and political relationship with the Ottoman Empire. This history indicates that Somaliland was one of the earliest places, if not the first, where Islam was introduced to Africa. It was Zeila, the capital of Awdal Kingdom or Sultanate. Somaliland people should be proud of the fact that their country was the first place that embraced Islam in Africa and then spread it to the continent of Africa. So, there is no better name than Awdal Republic to name Somaliland. The people of Awdal Republic are Awdelites (Jamhuuriyadda Awdal ama dalka Awdal, Reer Awdal). Ibrahim Hassan Gagale August 10, 2019 Sent from my iPad Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab. “Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Halkaan ka daawo hambalyada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddigii doorashooyinka Jubbaland ee ay ku dhawaaqeen musharaxiintii kasoo horjeystay guddiga doorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa soo saaray nadaamka ay doonayaan inay u dhacdo doorashada maamulka Jubbaland. Guddigaan oo ah kii labaad ee loo xilsaaro ka shaqeynta habka ay u dhaceyso doorashada Jubbaland, si wada jirana ay ugu dhawaaqeen inta badan musharaxiinta u taagan hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland, ayaa maanta soo saaray hanaanka loo marayo doorashada maamulka. Afhayeen u hadlayey guddigaas ayaa sheegay inay doonayo in loo wada sinaado ka qeyb qaadashada doorashada si loo dhowro kal soonida dad weynaha. Iyadoo la ticgalinayo duruufaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Jubbaland ayuu sheegay guddiga cusub inaysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici Karin deegaanada maamulka jubbaland. Guddiga ayaa sheegay in doorashada dhici doonta ay gar wadeen ka noqonayaan Odayaasha dhaqanka, iydoo loo madax banaynayo inay soo xushaan xildhibaanka ay u arkaan inuu ku matali karo Baarlamaanka cusub ee laga soo dooranayo deegaanada maamulka Jubbaland. Halkaan ka Dhageyso Afhayeenka u hadlay Guddiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/10000000_665303543984115_5860938171990147072_n-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Inkasta oo baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ansixiyay September 7, 2018 in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State” halkii ay ka aheyd dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya hadana dastuurka Itoobiya ee federaalka ah waxaa ku qoran magac ka duwan ‘Midkii ahaa DDSI ama xataa midka cusub ee Somali Regional State”. Sida ku qoran dastuurka federaalka ah ee Itoobiya, qodobkiisa 47-aad, dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay federaalka ah Itoobiya waxaa ku jira “State of Somalia”, hade ma aha “State of Somali” ama “Somali Regional State”, arrintan oo aan lagu baraarugsaneyn waxaa ay meel ka dhac ku tahay qarannimada Soomaaliya. Sida aan ognahay Soomaaliya waxaa dal xor ah, Google ama meel walbo oo qoraal la dhigo dalkeenna ayaa looga yaqaan “State of Somalia” halka dadkaasi Itoobiya deggan ay yihiin dad Soomaali ah, marka in si ula kac ah uga dhigaan Soomaaliya waxaa ay ku tusineysaa damaca Itoobiya. Dastuurkan uu ku qoran yahay “State of Somalia”, waxaa la ansixiyey 1995-tii kolkaas oo Soomaaliya aaney ka jirin dowlad, qowmiyadaha Itoobiya dego wey ka mid tahay Somali, laakin waxaa la fahmi la’yahay sababta ay u adeegsadeen eragyga “Somalia” oo ah dal dhan oo caalamka laga aqoonsan yahay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho waxaa ay sheegeen in si shakhsiyaad ah ay marar badan kala hadleen Adsis Ababa in dastuurka Itoobiya wax laga badalo, gaar ahaan eragyga “Somalia”, arrintaas oo aan dheg jalaq loo siin. Dowladda federaalka ah Soomaaliya weli arrinkan si rasmi ah ugalama hadlin Itoobiya, mana muujin caro, taasi oo dib u dhigi karta in wax laga badalo qodobka 47-aad ee dastuurka oo Itoobiya ee dhigaya in “State of Somalia” ay qeyb ka tahay dalkeeda. Damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa uu jiraa in ka badan 500 oo sano, laakin waxaa muuqa iney qaab dastuuri ah u soo siqeyso. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow maanta oo ah maalin Khamiis ah-Waa xiliga aan qormadan qalinka u qaataye-Tadaariikhduna ku beegan tahay 8-da Agoosto 2019-ka (08/08/2019), ayaan qaatay dhalashada dalkan Mareeykanka, oo aan sugayey mudo 5-sano kudhow, waloow sharciyan sida saxda aheyd, inaan 3-Sano ku qaato, balse waqtiga u kordhay cillado iyo daahin dhankooda ah awgeed, balse nasiibwanaag! Odeygii Donald Trump ahaa, ee cadeeystey cunsurinimada (a racist), soogalooti naceybka (xenophobic), iyo waliba Islaam naceybka (Islamaphobic), indhihiisoo shanta ah ayaan qaatay. Waa madaxweynaha waalid iyo caruurtoodii dhibaato kawada qaxaya, wadamada laatiinkana u badan, xoog inta uga fara-maroojiyey, kadib kuwada guray xeryo-Xooleedyo (Animal cages), illaa heer qaar ka mid ah xildhibaanada Mareeykanka, sida: Rep. Alexandria Ocasio-Cortez, iyo Sen.Bernie Sanders ku tilmaameen xeryahaa: “Concentration Camps”, waa xeryihii Hitler Yahuuda ku xasuusi jiray’e,: -Allow heey dilin, anigoon ka codeyn- Waana sababta aan uga dhigey, tillaabadeeydii ugu horeeysey maanta, inaan buuxiyo gudbiyana warqadaha codeynta. Trump wuxuu tarxiilay, ama dalkan Mareeykanka si qasab ah uga saaray (forceful deportation) dad aad u badanoo aan wax sharciyo ah laheyn, ama lahaa Kaarka Cagaaran (The Green card), balse dambiyo yaryar, ama kuwo waaweynba galay, kuwaasoo uu ku qaaday weeraro guryaha, maxkamadaha, isbitaallada, goobaha shaqo, kuwa waxbarasho, iyo meel kastoo suurtagal ahba lagala baxayey. Waa sababta keentay in dad badanoo gaaray xilligii sharci qaadashada, balse aan hore u dalban, walwal badan ugalayoo, degdeg uwada dalbadeen dhalashada. Waatan keentay, in dadka dhalashada Mareeykanka loo dhaarinayo aad ubataan. Tusaale ahaan, waloow xafladuhu xiliyo kala duwan, iyo goobo kala duwanoo guud ahaan Mareeykanka ah, kawada dhacayaan, hadana dufcadii aan maanta wada qaadannay dhalashada, waxeey ahaayeen tiro ahaa, kun iyo labo qofood (1002 individuals), kanasoo kala jeeday 85-Dal (85 countries). Dhalasho qaadashadeeydiise waxeey igagasoo beegantay, aanba ku hadal qabsadee, iyadoo madaxweynaha qaranka mudane Maxamed C/llahai Maxamed (Farmaajo) iska celiyey dhalashadiisii Mareeykanka, maalmo uun ka hor, taariikhduna ku beegneyd 1-dii Agoosto 2019-ka (08/01/2019), waloow mudane Farmaajo mudo dheer soo heeystay dhalashada Mareeykanka, kusoo ilmo korsaday, kunasoo mooday in ku filan. Naftu meeley gaareeysaba Allaa oge, xoogaa hadaan sii heystoon meelaha isaga maro, illeen waxaan ahay ruux dalkiisii ka burburayoo, soo kabashadiisa intuu qaadandoono, Allaah oo kaliya ogyahay’e, markaa kabacdina iska celiyo lacalla, hade waa lacalla, hadaan madaxweyne noqdo, malaha dhibba kuma jiro. Qofkasta aduunkan ma jirto, meel uu ka jecel yahay dalkiisii hooyee, uu ku dhashay, kunasoo barbaaray, xaqiiqduna waxeey tahay, in dalkaada hooyo nabad yahay, oo aad nabad ugu noolaan karto, adigoo ku qanacsan joogidiisa, iyo in aadan meelba uga bixin, markaad doontana baasaboorkiisa aduunka meel kasta ku mari karto, waa wax aad u qiimo badan, balse marka xaalka dalkaada hooyo, iyo baasaboorkaadaba intaa ka duwan yahay, waxeey xaaladaa ku badeeysaa ciil iyo caloolyoow badan. Waa waxa dhalinyaradeena badaha ugu hoobanayaan, sikastoo kuwii ka horeeyey badda ugu dhamaadaana, kuwa ku xiga kama hakanayaan halaagaa, illaa xaaladaha dalkeena ka jira, wax iska badalaan. Nuxnuxda jirta darteed aan kudaree, dalka Qurbe-Joog, iyo Qaran-Joogba wuu uwada baahan yahay, wuuna inaga badan yahay, waa hadii si cadaalad ah, loo wada tixgaliyo’e, iyadoon mid gaar ah, mudnaan gaar ah lasiineyn. Sideedaba qofka marka uu dalkiisa dibada uga maqan yahay, ama dal shisheeye ku noolyahay, waa Qurbe-Joog, balse sida Soomaalida utaqaano, waloow eeysan cadaalad aheyn, qofka aan baasaboor ajnabi laheyn, gaar ahaa kuwa reer galbeedka, Qurbe-Joog looma yaqaan, xitaa haduu wato mid Keenyaati, Itoobiyaan, ama Jabuutiyan ah, sidaa daraadeed, maanta ka hor Qurbe-Joog si rasmi ah uma aheyn, sida boqolaalka qaxootiga ah, ee ku nool xerada qaxooti, ee aduunka ugu weyn ee Dhadhaab, aan loogu aqoon saneyn Qurbe-Joog, waloow dal shisheeye ku nool yihiin, nasiibdarro! Waliba mudo aad u dheer. Waxaase Allaah mahadiis ah , in ummadeenu garatay, in dastuurka lagu daro, in dhalasho kale qofka Soomaaliga ahi qaadankaro, isagoo tiisii Soomaaliyana heeysanaya, sida wadamo badanoo caalamka ahiba sameeyeen, maadaama markii dalka inaga wada burburay, ummadeenu ku qasbanaatay, ineey u kala qaxaan dunida dacalladeena, waa intii duruufuhu u saamaxeene, ama sidaa iyagu go’aansadaye. Waloow aanan waligeey tahriibin/qardajeexin, xero qaxootina galin, oo aan fiisooyin iyo garoomadoodoon ka soo wada dagay, kusoo wada galay dalalkii aan kusoo noolaa, sida: dalka Pakistan, kaasoo aan kusoo dhameeystey waxbarashada heerarka kala duwane Jaamacadeed, iyo dalka Malaysia, oo aan mudo sanado ah bare/macallin Jaamacadeed, iyo maamule kulliyadeed ka ahaa, iyo midkan Mareeykanka, ee aan hada ku noolahayba, hadana waxaan xasuustaa xiliyo anigoo baaris-cilmiyeed (research paper) aan qorayoon shir-aqooneed caalami ah (International academic conference), oo dal kale ka dhacaya u diray, kadibna la aqbalay baaris-cilmiyeedkeeygii, iyadoo waliba ladamaanad qaadayo tikidhadeeyda sii socod, iyo soo soocodba, hoteelkeeyga, raashinkeeyga, iyo waliba gaari-raaceeyga intaba, inta aan shirkaa caalamiga ah joogo, balse ugu dambeyn fiiso (visa) la ii weeynayo, maadaama dalkeeygoo burbursan darteed, aan baasaboorkeeyga fiiso la iisaari karin. Inkastoo aqoonyahannadii aan saaxiibada aheyn, dhibkaana inawada heeystey ku xalliyeen, ineey wada qaateen baasabooro Kiinyaan ah, mid Itoobiyaan ah, ama mid Jabuutiyaan, waana sida ganacsatadeenuba sameeyso’e. Waloow hada Mareeykan kan aduunka heystaahi, baasaboorkiisa dhibkaa iga xalinayo, hadana lacalla hadaan madaxweyne noqdo, waan iska celin donaa, sida madaxweyne Farmaajaba yeelay, illeen uma baahnaan doone’e. Hadii dalkeeyga hooyo nabad iinoqdana, kabasii fiican. Allaah aktiisana wax ku adag ma aha. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr. Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Xanuunka badnaa ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa isa soo tarayay dedaalo lagu adkeynayo ammaanka Xarumaha Dowladda iyo Guud ahaan Xafiisayda kale ee Ciidamada iyo Goobaha Ganacsiga. Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba (Naafada ah), ayaa waligood aad looga qiimeeyaa Soomaaliya waana faraya Qur’aanka Allah iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya balse wixii ka dambeeyay Qaraxii Xarunta Gobalka Banaadir waxaa muuqata in ay wajahayaan Xaalado adag. Xafiisyada Dowladda iyo dhamaan Xafiisyada kale ee Ciidamada iyo hey’adaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa bilaabay in dadka Naafada ah ku daraan shacabka sida gaarka ah la isaga ilaaliyo oo aysan markii hore ku jirin. In il gaar ah lagu eego dadka Naafada ah waxaa sabab u ah Al-Shabaab oo soo xiraya dhamaan albaabada Naxariista maadaama ay qof dumar oo aragga Naafo ah ay ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa kadibna ay ku laayeen masuuliyiin badan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow ka sheegay in Al-Shabaab ay soo xireen albaabada naxariista islamarkaana ay u baahanyihiin in la iska ilaaliyo. Allah ha naxariistee, Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa u dhintay weerar ay fulisay Gabar Naafo ah oo uu shaqaalaysiiyay, siiyay fasax markii ay codsatay iyo Lacag dhan 10 kun oo doolar. Wararka qaarna waxay sheegayaan in uu fasaxay in aan la baarin kadib markii ay dhibaato badan ka martay qalabka Baarista. Al-Shabaab, malahan naxariis diin iyo dadnima midna waxaase haboon in aysan umadda Soomaaliyeed faqooqin islamarkaana la badalin hab-dhaqankii wanaagsanaa ee oo ay Soomaalida ku dhax-lahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Munaasabadaan oo lagu daahfurayay iskuulkii Dugsigii sare ee magaalada Xudur,waxa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool,iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS,Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr,ardadii hore ee Dugsiga Xudur oo u diyaarsan in dugsi sare ay ku biiraan waaladiinta ardada iyo Marti sharaf kale. Dig u furista iskuulkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii Wasaaradda Maaliyada ee XFS ay muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameysay dhismo cusubna ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee Xudur. Ugu horey waxa munaasabada daahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo guddoomiyaha waxabarashada degmada Xuddur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) waxayna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay bulshadana waxay ugu baaqeen in ay ka faa’ideystaan. Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi. Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool Cabdulqaadir Nuur Cadow ayaa u madahceliyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi Sare dib u shaqeeyo,wuxuuna shahaado sharaf guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tol). Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tol iyo ex-Wasiir Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa bahda waxbarashada iyo bulshada ku bogaadiyay in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska iskuulkaasi Sare ee Xududr. Dhismaha dugsi sare waa dhismo aad u balaaran qeyb ka mid ah waxa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama degmada Xuddur oo xaruun u ah gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Over two million Muslims have begun the hajj, but for the third year very few pilgrims from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. Tags: Qatar, hajj, Saudi Arabia. Over two million Muslims have begun the hajj, but for the third year very few pilgrims from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. More than two million Muslims have begun the annual hajj, but for the third year in a row very few people from neighbouring Qatar will perform the religious rite because of Saudi-led blockade. This year’s pilgrimage is taking place under the backdrop of the continued embargo of Doha by the Saudi-led bloc, which also includes the United Arab Emirates, Egyptian and Bahrain. The bloc launched the blockade in June 2017, which included restrictions on Qataris travelling to the kingdom. It claims Doha supports extremists and is cosying up to Iran, Riyadh’s regional rival. Doha strongly denies all charges. The past two pilgrimages have only seen a handful of Qataris attend because of the travel restrictions and obstacles imposed on them by the Saudi government. Saudi hajj official Hassan Qadi has said this year is no different. “Very few Qataris have come to Mecca for the pilgrimage,” Qadi acknowledged, despite claims from Riyadh that the embargo would not affect the hajj. Qatar has urged Saudi Arabia to remove the restrictions so Qatari religious tour operators can make the necessary arrangements for pilgrims. Saudi Arabia in turn has accused Qatar of “politicising the hajj and creating obstacles for Qatari pilgrims”. Some 12,000 Qataris performed hajj in September 2016 just months before the start of the blockade. A few dozen Qatari pilgrims have travelled independently to Saudi Arabia the past two years, when the Saudis briefly opened the only border post between the two countries for pilgrims. The hajj is one of the pillars of Islam and required by every Muslim at least once in their lifetime, if they are healthy enough to do so and have the means. Alarbiya Qaran News
-
MOGADISHU (ARAB24) - Prices of livestock in Somalia have increased significantly over the past few days as Eid al-Adha approaches, a number of citizens believe that traders are responsible for increasing prices to compensate for the trade recession they suffered before Eid,.... Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors