-
Content Count
209,280 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
MoA Taking Strict Prevention to Control the Spread of Desert Locust REPORTfrom Government of Ethiopia Published on 09 Aug 2019 —View Original Addis Ababa August 9/ 2019 Ministry of Agriculture announced that it is taking urgent prevention and controlling measures on the proliferation of desert locust in Ethiopia. FAO recently alarmed on desert locust outbreak in East African countries and Saudi Arabia induced by heavy rains. The desert locust is the world’s most dangerous migratory pest capable of flying up to 150 km a day with the wind. The latest assessment and monitoring from the ministry indicated that swarm of locust reported in parts of Somali, Afar, Amhara, Tigrai and East Oromia regions as well as Dire Dawa City in Ethiopia. In an exclusive interview with ENA Plant Health Director-General Weldehawariyat Assefa said the ministry is monitoring and conducting periodical assessments to review if there is any risk for the surge of desert locust, causing an outbreak build up all over the country. He tipped that the assessment shows that migratory adult locust population from the Arabian Peninsula has entered to parts of Ethiopia; however, he said it will not pause a serious threat for the harvest season. Though swarms of locust has not yet caused any damage to the crop, it has high possibility of breeding under this harvest season, so strict monitoring and early control is needed to prevent further swarms forming and spread to the rest of the country, the Director-General stressed. “Based on our recent assessment we have confirmed that the swarms didn’t cause any damage on yield crops, because naturally adult locusts cannot cause damages, but it has high probability of breeding and expansion throughout the country as the rain situation in this harvest season could create the best opportunity for it”, Weldehariyat said. He added that the Ministry has been monitoring the situation critically by dispatching a group of experts to the affected areas. Zebdios Selato, who is one of the expertise travelled to the locus affected areas, said “in our field assessment we have found adult locusts which migrated from Yemen”. However, he said, transformation of the locust to the swarming form has already controlled with the concerted efforts of the ministry with farmers and other stakeholders. According to him, Ethiopian experts are aware of the possible risk of desert locust migration from Somaliland. So, the country needs to reinforce vigilance and control measures in order to contain the vicious infestations. “Regarding locust migration from Somaliland we are communicating with Ministry of Foreign Affairs to find out the way to create controlling mechanisms to fight the situation in Somaliland before passing the border of Ethiopia, so, if it is possible we are ready to support Somaliland in the fighting process,” he said. According to the Ministry about 19 million birr has been allocated for the prevention and management of desert locust and other main pests. The Ministry has also reached an agreement with the East African Desert Locust Prevention Organization to conduct aerial pesticides spray over the border lines of Ethiopia and Somaliland, Zebdios pointed out. He stressed that strong communication and integration is required at all levels particularly with The Desert Locust Information Service (DLIS) as the situation needs update information as part of the preventive control strategy. Desert Locusts are short-horned grasshoppers that can form large swarms and cause a serious risk to agricultural production, livelihoods, food security and the environment and economic development. . Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda agagaarka degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey ay ku dileen illaa 16 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalkan ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ka dhacay inta u dhexeysa Bariire iyo Awdheegle, kadibna dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen xubnahaasi. “Waxaan howlgal qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysanay Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana dilnay 16 dagaalame oo Shabaab ah.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa howlgalladaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhowaan la wareegay Awdheele ayaa maaalmihii dambe howlgallo xoogan ka waday nawaaxiga degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Shaqaale Ajaaniib ah oo u dhashay Thailand, islamarkaana in muddo ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay dalkooda. Shaqaalahan oo tiradoodu ay gaareysay illaa 18, islamarkaana ahaa Kalluumeysato ayaa ku sugnaa xeebaha maamulka Puntland. Wargeyska Bangkokpost ayaa qoray in shaqaalahani ay muddo dheer ku xanib naayeen biyaha bari ee Soomaaliya, islamarkaana lagu hayey tacadiyo dhanka shaqada ah. Raggan ayaa xilliga la qabanayey la socday Doon Kalluulmeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani One. Qoysaska raggan Ajaaniibta ah ayaa horay u dalbaday in dib loo soo celiyo wiilashooda, kuwaas oo sheegay in lagu shaqeysto, laguna dhibaateeyo gudaha Soomaaliya. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale gacan weyn ka geysatay dib u celinta Ajaaniibtaasi oo hadda dib ula miidoobay qoysaskoodii. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-gude) oo ahaa guddoomiyaha oday dhaqameedkii dhex dhexaadinayey xukuumadda Somaliland iyo Col Caarre ayaa sheegay in iyaga iyo Caarre ay heshiis gaareen uuna hadda horyaal madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Hoos ka daawo shirka hadalka Suldaanka PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo nabad la qaatay guddigii dhexdhexaadinta isaga iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dagaal siyaasadeed kula jira Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka ayaa Israel ka dalbaday arrin halis ku ah Ilhaan iyo gabadha kale ee Rashida Taib oo ay ku wada jiraan baarlamaanka dalkaasi. Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu in uusan qaabilin Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib oo bishan booqasho ku tegaya dalkiisa. Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Ilhaan iyo Rashida labaduba ay ka mid yihiin cadowga Israel, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey in had iyo jeer ay ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel. Ugu dambeyn Trump ayaa kula taliyey Netanyahu in labadaani xildhibaan laga mamnuuco guud ahaan dhulka Israel. Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo labadan gabdhood oo isku dhinac ah ayaa soo shaac baxay wixii ka dambeeyey doorashadii Mareykanka ee 2016-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Kadib wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Iiraan Hassan Rouhani ayaa waxa ay isku raaceen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo kan diblumaasiyadeed ee labada dhinac xilli Maraykanku sii xoojiyey cunaqabataynaha ka dhanka ah Iiraan. Maamulka Israel iyo xulafada dalalka Khaliijka ee uu hoggaamiyo Maraykanka ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan loogu sii adkayn lahaa cunaqabateynta uu Maraykanku saaray. PUNTLAND POST The post Turkiga oo Iiraan uga hiilliyay Maraykanka iyo xulafadiisa appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia’s export performance which has been declining since 2012, has dropped by $170 million for the fiscal year concluded July 7, 2019 as compared to the previous year. Source: Hiiraan Online
-
Eighteen Thai fishermen rescued from reportedly slave-like conditions on a trawler in Somalia returned to Bangkok on Monday as labour officials considered opening a human trafficking probe. Source: Hiiraan Online
-
The Somalia Education Cluster Operational Framework 2018-2020 is the key guiding document for the Education Cluster work in the upcoming years. It outlines the strategic directions, key approaches and activities and operational modalities in order to achieve the objectives Source: Hiiraan Online
-
In 1991, following a civil war that led to the collapse of the Somali Democratic Republic, the northern part of the country declared itself as the Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
President Donald Trump is taking his battle with progressive congresswomen to a new level, telling advisers he believes Israel should ban two Democrats from entry, Axios and other media report. Source: Hiiraan Online
-
Attack took place on al-Shabaab positions near town of Awdhegle in Lower Shabelle region Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hogaaminaya qorshe xooggan oo dalkiisa uu ku doonayo inuu ku helo xubin ka mid ah 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka QM. Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda. Tusaale, Golaha Ammaanka, ayaa haddii Kenya ay ku dhaadhiciso in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya uu halis ku yahay nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu labada dal ku boorin karaa inay wada-hadlaan, taasi oo ah waxa Kenya ay dooneyso. Si kastaba, dadaalka Kenya ayaa waxaa fashilanaya hal arrin oo ah, waqtiga oo aad ugu gaaban Kenya. Xubinnimada Kenya ayaa waxaa loo codeyn doonaa marka Golaha Ammaanka uu codka qaado bisha June ee sanadda 2020, waxaana haddii Kenya ay ku guuleysato ay kursiga ku fadhin doontaa inta u dhaxeysa January ilaa December 2021. Dhinaca kale, dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa. Sidaas darteed, xitaa haddii Kenya ay hesho xubinnimada Golaha Ammaanka, waxay u badan tahay inay kusoo aado mar go’aanka ICJ la gaaray. Waa suurta-gal in go’aanka ICJ u dhaco ilaa sanadda 2021, balse uma badna sidaas. Waa taas sababta Kenya ay mar isugu dayday in ayada oo soo mareysa Itoobiya ay Soomaaliya ka codsato inaa hal sano la hakiyo kiiska, lana wada-hadlo, taasi oo Soomaaliya ay diiday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Geeridii Duqii magaalada Muqdisho iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisoow kadib, markii laga gudbay tacsidii qarameed waxaa soo baxay murashaxiin fara badan oo xilkan u taagan. Seddax ka mid ah waxay kasoo jeedaan beesha Da’auud oo xilkaasi doonaya in ay hantaan, hase ahaatee mid walba uu dhinac u ordaayo, siyaasiyiin beesha ahna taageerayaan. Warar hoose oo Caasimada Online heshay ayaa xaqiijinaaya in sedax murashax oo ku heyb ah Eng. Yariisoow Allaha u raxmadee balse kala jufo ah inay xilkaasi xusul duub ugu jiraan, kuwaasi oo beesha Daa’uud ee ay ka dhasheen ka dhex abuuray loolan adag iyo in mid walba jufadiisa dhinac u orodo. Seddaxda murashax ee xilkaasi u hanqal taagaya ee kala ah AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo ahaa guddoomiyihii guddigii doorashada baarlamaanka xiligaan haddana ah La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca sharciga isla markaana ah aqoonyahan dhinaca sharciga bartay waaya aragna ah. Cumar C/llaahi Xasan, qurba joog soo noqday Guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilkaasi laga qaaday, iyo Cali Gacal oo Agaasimaha Gaadiidka cirka iyo dhulka. Dhamaantood waxay kasoo wada jeedaan beesha uu ka dhashay Marxuun Yariisoow. Kulamo gaar gaar ah oo lagu mideynayay murashaxiintaasi ayaa guuldareystay kadib markii waxgaradka beesha ay ka dhasheen ay soo jeediyeen in ay haboon tahay in hal murashax lagu midoobo, xooggana la isla saaro si loogu guuleysto murashaxiinta kale ee xilkaan dooneysa in loo magacaabo. Tafaraaruqa iyo midnimo la’aanta in hal murashax ay isku raacaan ayaa noqotay mid niyad jab ku riday waxgaradka beesha, oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa tacsida Eng. Yariisoow ee madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ugu imaanayeen. Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu mideynayo murashaxiintaasi, inkastoo beesha ay dooneyso in xoogga la saaro aqoonyahanka rug caddaaga ah ee Abuukaate Cumar Dhegeey oo ay u arkaan inuu mudan yahay in xilkaasi qabto, halka Cali Gacal loo sheegay inuu xilkiisa agaasinimo dhuuqsado, Cumar C/laahi Xasan isna horay loo soo tijaabiyay oo uusan madaxda dowladda qaarkood taageero ka heysan, sababta xilka guddoomiye degmo looga qaadayna ay meesha ku jirto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa fasaxday ugu yaraan 8 qof oo masuuliyiin ah, kuwaas oo ku eedeesnaa dembiyo isugu jira Dil wadareed iyo Barakicin dadweyne. Dadkaan ayaa dhamaantood ah masuuliyiin Xilal ka haya maamulka Jubbaland saameen siyaasadeed iyo mid amni oo oculus-na ku leh degaanada Maamulkaasi, gaar ahaan Gobalka Gedo. Xubnahaan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland, Taliyaha Ciidamada NISA ee maamulka Jubbaland u qaabilsan Gobalka Gedo, Guddoomiyihii hore ee degmada Beladxaawo, masuul katirsan qaybta amniga ee degmada Doolow iyo dhowr qof oo kale. Liiska dadkaan ayaa waxaa loo gudbiyay hey’adaha u dooda Xuquuqda Bini-aadamka iyo Qaramada Midoobay, sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan hey’ad maxalli ah oo Gobalka ka shaqeysa. Masuuliyiintaan ku eedeysan tacadiyada ka dhacay Gobalka Gedo ayaa dacwad ka dhan ah laga furay magaalada Muqdisho markii uu Madaxweyne dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, balse tan iyo markaas marna ma imaanin maxkamad iyadoo sidoo kale Garsoorka Soomaaliya aysan u yeerin masuuliyiinta la eedeeyay. Sarkaal sare oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kana-tirsan hey’adda Faanoole ee ka shaqeysa Gobalada Jubbooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in Xeer ilaalinta Soomaaliya ay fasaxday dadkaan 8-da qof ah ee ku eedeysan Dil wadareed iyo Barakicinta dad Shacab ah. Dilalka ugu badan ayaa ka dhachay Gobalka Gedo ee Soomaaliya waxaana ugu sii daran degmooyinka Doolow, Beladxaawo, Luuq iyo Baardheere halka qaar kalane ay ka dhaceen Gobalka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cali Maxamed Geeddi oo R/W kasoo noqday dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ayaa si kulul ugu hadlay dhismaha maqaamka Muqdisho iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maalmahaan waday ololaha maqaanka caasimada. Geedi ayaa su’aallo ka keenay sababta madaxweyneyaashii hore u laaleen maqaanka caasimada yeelato iyo su’aal uu is-weydiiyay oo aheyd madaxweyne Farmaajo goorta uu xukunka ka dego miyuu dhihi doonaa maqaamka caasimada hala sameeyo. Cali Geeddi oo xiligaan ah la-taliyaha madaxweynaha ayaa hadalkiisa u muuqday weerar cad oo ku wajahan madaxweyneyaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay inay baabi’iyeen xaquuqdii caasimada iyo maqaankii ay yeelan laheyd. Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii uu R/W ahaa in xukuumaddiisa ay diyaarisay sharciga maqaamka Muqdisho iyo in golle deegaan rasmi ah oo la dhisay ay doorteen guuddomiyaha gobolka iyo duqa Muqdisho, balse sharcigaasi uu baabi’iyay Sh. Sharif, Xasan Sheekhna dib u fiirin, sababta hadda ay u doodayaana ay tahay wax lala yaabo. “Madaxweyne Farmaajo marka uu xukunka ka dego miyuu marka dhihi doonaa maqaamka caasimada Muqdisho hala sameeyo, intuu madaxweynaha yahay ayaa laga rabaa in maqaamkii Muqdisho la helo, in ummadaan madalaad yeelato, in 4-taan milyan ee bulshada xaquuq yeelato oo dad ay la xisaabtanto yeelato ayaa la rabaa” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada mucaaradka inaysan iska hor keenin shacabka iyo dowladdooda. Wuxuu eeda maqaanka Muqdisho oo lasoo dhicin waayay ku eedeeyay xildhibaanada labada qaran oo mas’uuliyadooda uu sheegay inay gabeen, loogana baahnaa inay baarlamaanka mooshin ka geeyaan xaquuqda caasimada, isagoo tilmaamay in aysan jirin xildhibaan maalin ka hadlay iska daayeen aysan xitaa qalbiyadooda kusoo dhicin. “Shalay anoo madaxweyne ah ayaa diidanaa, shalay anoo wasiir ah ayaa diidanaa in xaquuq yeelato caasimada Muqdisho, waxaasi caqli soconaayo ma ahan ee umadda ha isku noqoto, madaxda qaranka ee maanta jirta yeysan noqon kuwaan maanta sheegayo oo kale, ee markeey xilka ka tagaan dhihin hala sameeyo, halagu dhaqaaqo ayaan qabaa” ayuu yiri Cali Geedi, oo hadii ay sameyn weydo DF maqaanka caasimada ay xilkeeda ku weyn do onto. Ugu Danbeyntii mar la weydiiyay Porf. Cali Maxamed Geeddi caasimada Muqdisho in ay dad gaar ah leeyihiin ayuu wuxuu ugu jawaabay. ” Soomaalida seddax waaye, qof deegaankaan asalkiiba loogu yimid oo u dhashay, qof yimid ee xuquuq ku yeeshay, iyo qof ku dhashay oo xuquuq yeeshay, waagii deegaan aheyd dowladnimada intaan la qaadan ayey aheyd markii dowlad la noqday deegaanka dadkii loogu yimid xaquuq gaar ah ayey yeelanayaan, adduunkeeyna ka jirtaa, caasimadaha adduunka dadka ay qabtaan xuquu siyaasadeed oo gaar ah ayaa la siiyaa, xuquuqda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda waa lala wadaagaa, macnaha waxay tahay iyagaa xukumaayo waase lala wadaagaa, lkn meeshaan caasimad waaye, caasimadna waxyna noqotay dad deegaanoo loo yimid iyo dad deegaan oo dhaqaale ku leh oo canshuur laga qaado” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo macho daro ku tilmaamay in la yiraahdo caasimada ku dhashay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey warqad uga timid xubnaha Beesha Caalamka, oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dhacay bishan. Warqadaasi oo uu ku saxiixnaa ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan ayaa lagu muujiyey walaac ay ka qabaan saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka doorashadda Jubbaland. Qoraalka James Swan ayaa qayb kamid ah lagu yiri: “Sidee Guddiga u xaqiijin karaa in dhamaan musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanka?”. Sida ku xusan qoraalka jawaabta ah ee guddiga taasi oo uu GO arkay, waxuu Guddigu sheegay in ay kalsooni weyn ku qabaan in doorashada ay yeelato sifooyinkii looga baahnaa, ee ah inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo. “Geedi u socodka doorashadda waa mid loo wada dhan-yahay,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka guddiga, iyadda oo ay jiraan tabashooyin ka imaanaya musharixiinta. Hadalka guddiga ayaa kusoo beegmayaa xili dowladda federaalka ay shuruud uga dhigtay aqoon-sashada natiijada kasoo baxda doorashada in la maro habraaca ay u dejisay. Habraaca ayaa waxaa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah; In Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka diiwaan-geliso odayaasha soo xulaya Xildhibaanada baarlamaanka cusub. In guddi doorasho la sameeyo kadib doorashadda gudoonka baarlamaanka kaasoo diyaarinaya doorashadda Madaxweynaha cusub, meeshana laga saaro midka haatan shaqeynaya. In doorashadda ay ka dhacdo midkood xarunta Qaramada Midoobay ee magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ama Taliska Booliska xarunta Jubada Hoose. Si kastaba, Jubbaland oo horey u diiday soo jeedinta dowladda Federaalka ayaa ku adkeystay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin karo. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Jubbaland hogaaminaya tan iyo aas-aaska maamulkaasi, 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo doonaya in mar 3aad la caleemo saaro. War-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka oo English ku qoran Xigasho: Garowe Online
-
The African Union Mission in Somalia sends its warmest wishes to the people of Somalia, and to all Muslims around the world, who are celebrating the special day of Eid al-Adha. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors