Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,267
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay awaamiir dhanka ammaanka la xiriirta ku duldhigtay shacabka kunool gobolka Mudug gaar ahaan koonfurta Galkacyo. Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku amray dhammaan dadka rayidka ah ee hubka ku dhex haysta koonfurta magaalada Galkacyo inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda amniga ee maamulka Galmudug si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada. PUNTLANDPOST The post Galmudug oo awaamiir ku soo rogtey shacabka kunool Koonfurta Galkacyo. appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Jabuuti ayaa ka biyo diiday in ay Kenya uga tanaasusho xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay, sidda uu ku waramayo wargeyska afka dheer Daily Nation. Dalalkan kawada tirsan Geeska qaaradda Afrika ayaa aad ugu loolamaya jagadaan, oo la filayo in Golaha Guud ee UN-ka uu u coddeeyo bisha June, iyadda oo cod-bixinta ugu dambeysay loo muddeeyay 21 August. Dowladahan ayaa waxay wadaan dedaaladii ugu dambeeyay oo ay ku hananayaan xilkaasi aadka muhiimka u ah, iyaga oo taageero waydiisanaya wadamada ay xulafadda la yihiin ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa. Guuleystaha xilkan ayaa wuxuu u baahan in uu helo codad gaaraya saddex meelmood laba dalool oo ah wadamadda qaybta ah ururka ay ku mideysan yihiin dalalka dunida. Midkood Kenya iyo Jabuuti, dhinacii kusoo baxa xilkan ayaa wuxuu golahaasi xubin ka ahaan doonaa inta u dhaxeysa 2021 illaa iyo sanadka xiga ee 2022. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer. Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan. Faa’iidooyinka dheeraad ah ee ay leedahay kamid noqoshada golahan ayaa waxaa kamid ah jaan-goynta Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka guud ahaan caalamka. Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda. Isha: Garowe Online
  3. Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo. AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka. Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug. Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland. Madaxweyne Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii. Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland. Arrimaha Doorashada Jubbaland, kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Jubbaland ee Xilku ka dhamaadey balse dib ugu tartamaya Axmed Madoobe ayaa dhowaan wuxuu bilaabayaa olole xoogan oo ugu ololeynayo in mar kale loo [...] Source
  5. Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Badda ee maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Afartii bishan ayey aheyd markii bartamaha Boosaaso uu ka dhacay qarax noocaan oo kale ah, kaas oo lala eegtay wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax, kaas oo ka badbaaday miino lala eegtay gaarigiisa. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  6. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlayay Shacabka ku nool deegaannadi dhawaan laga qabsaday Al-shabaab ayaa sheegay in maamulku uu deegaannadaas gaarsiin doonno adeegyada bulshada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Aw-dheegle iyo deegaannada ku hareereysan oo Ciidamada Qalabka sida ay Al-shabaab ka saareen ay geyn doonaan Raashinka nuucyadiisa kala duwan, isagoo sheegay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan deegaannadaas. Guddoomiye Najax ayaa xusay in dib ay u furi doonaan Isbitaalka degmada Aw-dheeegle iyo Iskuuladii muhiimka u ahaa horumarinta Waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbali doonin in xabsiyada Puntland lagu hayo dad dhaafay waqtigii sharciga ahaa si ay caddaalad u helaan muwaadiniinta Puntland. “Aadbaad u mahadsan tahay runtii Rummaanka xoog baan saarnay waxaana isku daynay inaan tirakoob rasmi ah ku samayno dadka mudadodii dhaafay dhammaan Puntland oo dhan, waxaana naloo soo gudbiyey xogta dadka xiran ee muddo dhaafka ah” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caddaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax oo arrintaan ka hadlayey. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay inay u yeereen dhammaan hay’adaha ay arrintaani ay qusayso isla markaana guddigii loo xil saaray iyo laamaha ay qusaysaba ay u sheegeen sababta dhabta ah ee ay dadkaasi u xiran yihiin, waxaana uu yiri: “Guddigu waxa ay noo soo gudbiyeen xogta rasmiga ah iyo sababta ay dadkaasi u xiran yihiin sidaasi darteed waxaan ku guda jirnaa sidii qof walba oo mudadiisii dhaafay uu maxkamad u mari lahaa ama loo sii dayn lahaa”. HOOS KA DHEGAYSO PUNTLANDNPOST The post Wasaaradda caddaladda Puntland oo ka digtey in xabsiyada lagu hayo maxbuus waqtigiisii dhaafay. appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhoweyd halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay hotel Boosaaso hortiisa waxaana dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari oo saarnaa gaariga qaraxu gaaray sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Boosaaso. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada askari oo dhaawacmay ay ka tirsanaayeen ciidanka badda Puntland ee PMPF. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamada milatariga ee dowladda Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Howlgalladaan oo intooda badan laga sameeyey deegaanka Shaam oo kuyaal inta u dhexaysa Bariire iyo Awdheegle ayaa saraakiisha ciidamada hogaaminaysa waxa ay ku sheegeen inay kula wareegeen deegaamo horleh. General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada lugta ee Soomaaliya ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgalladaan ay uga golleeyihiin sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaamada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha hoose. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa dhankiisa sheegay in howlgallaadaani ay qayb ka yihiin qorshayaasha maamulka gobolka iyo ciidanka dowladdu ku xoraynayaan gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLANDPOST The post Howlgal deegaamo lagu qabsaday oo ka socda Shabeellaha Hoose. appeared first on Puntland Post.
  10. Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in saaka halkaasi ay dad ku laayeen dableey hubaysan oo ka tirsan mid kamid ah beelo hore ugu dagaallamay degaanka. Dableeyda ayaa sida la sheegayo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob kaalin shidaal ah oo ku taalla degmada Ceel Afweyn waxaana rasaasta ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dadkii joogay kaalinta Shidaalka. Inta la xaqiijiyay hal ruux oo kamid ahaa dadka kaalinta Shidaalka ku sugnaa ayaa ku dhintay rasaasta ay dableyda hubaysan rideen waxaana ku dhaawacmay laba qof oo la joogay ruuxa dhintay. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online ) – Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-Gude) oo ah guddoomiyaha guddiga dhex dhexaadinayo Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Siciid Cawil Jaamac (Col. Caare) iyo maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyey meesha ay marayaan wada-hadallada u socda labada dhinac. Suldaan Cadda-Gude ayaa sheegay in dadaallada ay wadaan ay ka gaareen guulo ku aadan in la soo afjaro dagaalka ka dhexeeya. Sidoo kale Suldaan ayaa carabbka ku dhuftay in Col. Caare uu aqbalay heshiiska, islamarkaana ay sugayaan kaliya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo haataan dalka boqortooyada Sucuudiga sanadkan ugu maqan gudashada Acmaasha Xajka . Ugu dambeyn Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-Gude) ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan gobolka Sool, si ay dadka deegaanku u helaan nabad waarta. Col. Caare oo horay uga tirsanaa saraakiisha ciidamada Somaliland, balse ka goostay maamulkaasi, ayaa ku dhawaqaay jabhad la magac baxday Dulmi Diid, taas oo marar badan weeraro ku qaaday ciidamada maamulkaasi ee ku sugan gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  12. MoA Taking Strict Prevention to Control the Spread of Desert Locust REPORTfrom Government of Ethiopia Published on 09 Aug 2019 —View Original Addis Ababa August 9/ 2019 Ministry of Agriculture announced that it is taking urgent prevention and controlling measures on the proliferation of desert locust in Ethiopia. FAO recently alarmed on desert locust outbreak in East African countries and Saudi Arabia induced by heavy rains. The desert locust is the world’s most dangerous migratory pest capable of flying up to 150 km a day with the wind. The latest assessment and monitoring from the ministry indicated that swarm of locust reported in parts of Somali, Afar, Amhara, Tigrai and East Oromia regions as well as Dire Dawa City in Ethiopia. In an exclusive interview with ENA Plant Health Director-General Weldehawariyat Assefa said the ministry is monitoring and conducting periodical assessments to review if there is any risk for the surge of desert locust, causing an outbreak build up all over the country. He tipped that the assessment shows that migratory adult locust population from the Arabian Peninsula has entered to parts of Ethiopia; however, he said it will not pause a serious threat for the harvest season. Though swarms of locust has not yet caused any damage to the crop, it has high possibility of breeding under this harvest season, so strict monitoring and early control is needed to prevent further swarms forming and spread to the rest of the country, the Director-General stressed. “Based on our recent assessment we have confirmed that the swarms didn’t cause any damage on yield crops, because naturally adult locusts cannot cause damages, but it has high probability of breeding and expansion throughout the country as the rain situation in this harvest season could create the best opportunity for it”, Weldehariyat said. He added that the Ministry has been monitoring the situation critically by dispatching a group of experts to the affected areas. Zebdios Selato, who is one of the expertise travelled to the locus affected areas, said “in our field assessment we have found adult locusts which migrated from Yemen”. However, he said, transformation of the locust to the swarming form has already controlled with the concerted efforts of the ministry with farmers and other stakeholders. According to him, Ethiopian experts are aware of the possible risk of desert locust migration from Somaliland. So, the country needs to reinforce vigilance and control measures in order to contain the vicious infestations. “Regarding locust migration from Somaliland we are communicating with Ministry of Foreign Affairs to find out the way to create controlling mechanisms to fight the situation in Somaliland before passing the border of Ethiopia, so, if it is possible we are ready to support Somaliland in the fighting process,” he said. According to the Ministry about 19 million birr has been allocated for the prevention and management of desert locust and other main pests. The Ministry has also reached an agreement with the East African Desert Locust Prevention Organization to conduct aerial pesticides spray over the border lines of Ethiopia and Somaliland, Zebdios pointed out. He stressed that strong communication and integration is required at all levels particularly with The Desert Locust Information Service (DLIS) as the situation needs update information as part of the preventive control strategy. Desert Locusts are short-horned grasshoppers that can form large swarms and cause a serious risk to agricultural production, livelihoods, food security and the environment and economic development. . Qaran News
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda agagaarka degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey ay ku dileen illaa 16 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sarkaalkan ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu ka dhacay inta u dhexeysa Bariire iyo Awdheegle, kadibna dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen xubnahaasi. “Waxaan howlgal qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysanay Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana dilnay 16 dagaalame oo Shabaab ah.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee hoggaamineysa howlgalladaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhowaan la wareegay Awdheele ayaa maaalmihii dambe howlgallo xoogan ka waday nawaaxiga degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  14. Garowe (Caasimada Online) – Shaqaale Ajaaniib ah oo u dhashay Thailand, islamarkaana in muddo ah lagu heystay gudaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay dalkooda. Shaqaalahan oo tiradoodu ay gaareysay illaa 18, islamarkaana ahaa Kalluumeysato ayaa ku sugnaa xeebaha maamulka Puntland. Wargeyska Bangkokpost ayaa qoray in shaqaalahani ay muddo dheer ku xanib naayeen biyaha bari ee Soomaaliya, islamarkaana lagu hayey tacadiyo dhanka shaqada ah. Raggan ayaa xilliga la qabanayey la socday Doon Kalluulmeysi oo magaceeda lagu sheegay Wadani One. Qoysaska raggan Ajaaniibta ah ayaa horay u dalbaday in dib loo soo celiyo wiilashooda, kuwaas oo sheegay in lagu shaqeysto, laguna dhibaateeyo gudaha Soomaaliya. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale gacan weyn ka geysatay dib u celinta Ajaaniibtaasi oo hadda dib ula miidoobay qoysaskoodii. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  15. Suldaan Axmed Cismaan (Cadda-gude) oo ahaa guddoomiyaha oday dhaqameedkii dhex dhexaadinayey xukuumadda Somaliland iyo Col Caarre ayaa sheegay in iyaga iyo Caarre ay heshiis gaareen uuna hadda horyaal madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Hoos ka daawo shirka hadalka Suldaanka PUNTLAND POST The post Col. Caarre oo nabad la qaatay guddigii dhexdhexaadinta isaga iyo Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dagaal siyaasadeed kula jira Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka ayaa Israel ka dalbaday arrin halis ku ah Ilhaan iyo gabadha kale ee Rashida Taib oo ay ku wada jiraan baarlamaanka dalkaasi. Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu in uusan qaabilin Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib oo bishan booqasho ku tegaya dalkiisa. Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Ilhaan iyo Rashida labaduba ay ka mid yihiin cadowga Israel, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey in had iyo jeer ay ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel. Ugu dambeyn Trump ayaa kula taliyey Netanyahu in labadaani xildhibaan laga mamnuuco guud ahaan dhulka Israel. Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo labadan gabdhood oo isku dhinac ah ayaa soo shaac baxay wixii ka dambeeyey doorashadii Mareykanka ee 2016-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Kadib wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Iiraan Hassan Rouhani ayaa waxa ay isku raaceen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo kan diblumaasiyadeed ee labada dhinac xilli Maraykanku sii xoojiyey cunaqabataynaha ka dhanka ah Iiraan. Maamulka Israel iyo xulafada dalalka Khaliijka ee uu hoggaamiyo Maraykanka ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan loogu sii adkayn lahaa cunaqabateynta uu Maraykanku saaray. PUNTLAND POST The post Turkiga oo Iiraan uga hiilliyay Maraykanka iyo xulafadiisa appeared first on Puntland Post.
  18. Ethiopia’s export performance which has been declining since 2012, has dropped by $170 million for the fiscal year concluded July 7, 2019 as compared to the previous year. Source: Hiiraan Online
  19. KISMAYO (HOL) - The electoral body mandated to oversee the upcoming elections in Jubbaland has refuted claims the exercise slated for later this month lacks transparency and fairness noting it had done its best to deliver a credible poll. Source: Hiiraan Online
  20. Eighteen Thai fishermen rescued from reportedly slave-like conditions on a trawler in Somalia returned to Bangkok on Monday as labour officials considered opening a human trafficking probe. Source: Hiiraan Online
  21. The Somalia Education Cluster Operational Framework 2018-2020 is the key guiding document for the Education Cluster work in the upcoming years. It outlines the strategic directions, key approaches and activities and operational modalities in order to achieve the objectives Source: Hiiraan Online
  22. In 1991, following a civil war that led to the collapse of the Somali Democratic Republic, the northern part of the country declared itself as the Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online