-
Content Count
209,270 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafgareen) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley wafdigii oo uu hogaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Federaalka oo Maanta Baydhabo gaaray. Soo dhaweyn akdib kulan gaar ah oo ay wada qaateen ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka Wasaaradda Boostada isgaarsinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdi Canbshuur Xasan ayaa sheegay in ay ka ga go’an inay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeyneed la yeeshaan dowlad goboleedyada dalka oo dhan si loo helo qorshe loo wada dhanyahay. Wasiir Cabdi Canshuur ayaa la filayaa in Maalinta Berrito ah uu Magalada Baydhabo ka furo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Feer Federaal & Heer Dowlad-goboleed. Source: goobjoog.com
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa shaaca ka qaaday inay qasab tahay inuu dhaqan galo go’aanka ay ka gaarto kiiska badda Soomaaliya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo horyaalla maxkamadda. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Kenya ay ku gacan seerto go’aanka maxkamadda, haddii uu noqdo mid aan dhankeeda u janjeeirn. Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa mar kale ay maxkamadda ICJ dhageysan doontaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 13-ka September ee 2019, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqyo sanadka 2020 dhexdiisa. Madaxweynaha xeer-beegtadda caalamiga ah ICJ, Cabdiqawi Axmed Yuusuf, ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Universal, waxa uu ku sheegay inaysan dhici doonin in la iska tuuro go’aanka maxkamadda, marka ay shaaca ka qaaddo. “Annaga go’aanayadda, qasab waaye in la hirgeliyo, maxaa yeelay Maxkamadii Cadaaladda Aduunyadda ayaanu nahay,” ayuu yiri. Cabdiqawi oo Soomaali ah ayaa sheegay in marka horeba, marka ay dowldaha hor-imanayaan maxkamadda, oo ay doonayaan inay kiisaskooda dhageysato, ay taas macnaheedu tahay inay aqbali doonaan go’aan kasta oo ay maxkamadda gaarto, taasi oo ah waxa Kenya ay horey u sameysay. Hoos ka daawo Cabdiqawi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kumanaan xujay Soomaaliyeed ah ayaa sanadkaan gudanaya waajibaadka Xajka waxaana xusid mudan in wax ka bedel badan oo Xajka lagu sameeyey ay Soomaalidu sanadkaan heleen xujay ka badan intii hore. Axmed Cabdi Samatar oo kamid ah madaxda shirkadaha in ka badan 400 oo xujayda ah ka qaaday deegaamada Puntland ayaa xaqiijiyey in 3 xujayda Soomaaliyeed kamid ah geeriyoodeen inta aysan bilaabin gudashada Acmaasha Xajka. CODKA HOOS KA DHEGAYSO Xukuumadda Puntland iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u dhaliilay gudiyadii DFS u magacawday arrimaha Xajka iyagoona caddeeyey in la musuq maasuqay qaybsiga tirada Xujayda. PUNTLANDPOST The post Tirada dhimashada Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkaan 2019. appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya deegaanada Ceel-Afweyn ayaa sheegay in uu maanta uu markale dagaal ka qarxay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag. Dagaalkan ayaa waxa uu dib uga dhex qarxay labo beelood oo mudooyinkii u dambeeyay isku dagaalsanaa deegaanada degmada Ceel-Afweyn, kuwaasi oo colaadooda mudooyinkii u dambeeyay soo cusboonatay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ilaa hadda ay ku geeriyooden labo qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo si dhaba loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo hadda lagu soo waramayo inoo socdo. Ciidamada Booliska Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale waxa lagu soo waramayaa inay ku howl-yahiin sidii loo damin lahaa xiisadan dagaal ee dib uga dhex qaraxday labada beel ee wada dagan degmada Ceel-Afweyn. Wixii ka soo kordha dagaalkan kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa amar la dul-dhigay dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga. Amarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo,waxaana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug. Sidoo kale waxaa la sheegay in cid alaala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan Maalmihii lasoo dhaafay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa socdaal ku joogay Gobolka mudug kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadanayay Maamulka Gobolka kan Degmada iyo Saraakiisha Booliiska si loo xoojiyo Amaanka iyo Xasiloonisa guud ee Gobolka mudug. Halkaan Akhriso wareegtada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Click here Qaran News
-
Makka (Caasimada Online) – Boqolaal Xujey Soomaali ah ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan. Xujeydan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka. Tirada Soomaalida aan xajin ayaa lagu sheegay 400 oo qof, kuwaas oo sheegay in xitaa aysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan. Dadka aan xajka gudan ayaa cabasho ka muujiyey ilaa afar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee sanadkan xajka usoo qaaday Soomaalida, oo ka baxay ballantii ay dadkan kasoo qaadeen. Waxay sheegeen in markii hore ay shirkadahan si wanaagsan u wadeen howsha oo ay dejiyeen hoteello, balse markii Xajka uu soo dhowaaday ay meel cidlo ah uga tageen. Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka, kaasi oo sheegay inuusan ka war-hayn dad aan xajin. Cusmaan ayaa sheegay inay jiri karaan qaladaad dhacay oo xagga acmaasha cajka ah, balse uusan rumeysneyn inay jiraan dad aan gebi ahaanba xajka gudan. Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka. Codadka xujeyda cabaneysa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xujey-cabaneysa.mp3Jawaabta wasiir ku-xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Jawaabta-wasiirka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Camel milk looks set to be the latest foodie trend. Already a traditional staple in North African diets, camel milk boasts double the amount of iron and vitamin C as traditional cows’ milk, and has become known for its numerous health benefits. Little wonder then that it’s slowly gaining in popularity across the world with the market expected to grow by nearly 10%. Keen to try? We reveal seven reasons why you should give it a go… 1. It Has Numerous Health Benefits “Camel milk is traditionally considered to have medicinal characteristics with potential health benefits,” explains Berta Corbera, Probio7 Nutritionist. “It’s actually the closest to human breast milk and has incredibly high levels of nutrients and bioactive components. The milk itself contains both low amounts of cholesterol and of lactose – the milk sugar – along with a superior healthy fat content.” Nutrient-wise, you can expect high levels of potassium, magnesium, copper, sodium, zinc and B vitamins, plus a protein content far greater than other sources on the market. If all that wasn’t enough, it’s also reported to improve specific friendly gut bacteria, which makes it an ideal option for those with digestive issues. 2. Research Shows It Positively Impacts Those With Autism This is one that still needs more research, but certain medical research has suggested that camel milk has created a positive impact on children with autism to help them improve behavioural techniques including eye contact, communication, emotional expression and self-organisation. It sounds like quite a stretch, but it’s worth trying if reports are to be believed. 3. Lactose Intolerance Sufferers Can Drink It “Everyone can have camel milk – even newborns,” says Berta. “It’s been shown to be suitable for lactose intolerant people, too. The main reason it’s a better choice for them is because it doesn’t contain beta-lactoglobin, which is the protein found in cow’s milk that causes allergic reactions. In fact, a recent report showed that for individuals allergic to cow’s milk, the least allergenic alternatives in descending order are human, camel, sheep and goats’ milk.” 4. You Can Find It In A Range Of Products, Not Just Milk Diversifying the range and flavours, you’ll find that camel milk is in fresh milk, flavoured milk, certain cheeses, ice-cream, yoghurt and milk powder, so the options are abundant. “If you’re unsure, take camel milk with your porridge, coffee, or in your cereal. And if you have fussy kids, try adding some chocolate or strawberry syrup, sprinkle it with all-natural stevia, or make a smoothie with your favourite fruit,” recommends Berta. 5. It’s More Sustainable Than Other Milk Options As well as being more nutrient-dense than other options on the market, camel milk is also said to be more sustainable. “Both plant-based and dairy milk industries have a major environmental impact around the world. Some of the disadvantages of taking these milks are potential plant genetic modifications, poor land use, vast water consumption and even a devasting impact on the Amazon rainforest,” says Berta. “Camel milk seems a better option because camels are not true ruminant animals like cows, so they produce significantly less methane compared to ruminant livestock.” 6. The Taste Is No Different & Far From Bitter Most testers say it tastes exactly like milk, just a little more distinct. Expect it to be slightly salty, but also smooth, refreshing and fulfilling – never sour or bitter. 7. Camel’s Milk Has Anti-Viral Properties In addition to its many health benefits, the components of camel milk are believed by many researchers to have anti-bacterial properties. “Some scientists believe that camel milk acts as an anti-inflammatory, calming inflammation caused by immune system dysfunction,” confirms Berta. Sheerluxe Qaran News
-
Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu u geystay Nin u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay Magalada boosaaso. Warkaan kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan. Dhinaca kale taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland. Dhowrkii bilood ee u dambeysay ayaa waxaa xumaday amniga Magalada Boosaaso, iyada oo tora ka dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen sidoo kalena lagu dilay Madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda DP World. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa maanta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab. Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan. Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland. Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo. Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado. PUNTLAND POST The post Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa dibudhac kuyimid shaacinta magacyada xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo balantu ahayd in lagu dhawaaqo maanta oo Isniin ah 12/08/2019. Shaacinta barlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa dib loogu dhigay maalinimada berri ah kadib markii khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xiegenka gudiga doorashada ee Jubbaland. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inuusan waafaqsanayn kana soo horjeedo warqaddii uu beesha caalamka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland, taasi oo sababtay in lagu heshiin waayo xubnaha barlamaanka. Ilo xogagaal ah ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey in ciidamo katirsan kuwa Jubbaland ay tageen guriga guddoomiye ku-xigeenka doorashada Jubbaland si loola socdo xaalkiisa haseyeeshee uusan ku sugnayn xilligaasi. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa horay uga soo horjeestey qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada Jubbaland waxaase xusid mudan inay socdaan dedaalo labada guddoomiye loogu kala dab qaadayo. PUNTLANDPOST.COM The post Guddoonka gudiga doorashada Jubbaland oo isku khilaafay xubnaha barlamaanka cusub. appeared first on Puntland Post.
-
African stars joined Muslims all over the world in celebrating Eid-al-Adha by sharing their best wishes and prayers on social media. Players including Liverpool’s Mohamed Salah, Ajax’s Hakim Ziyech, Napoli’s Kalidou Koulibaly, Aston Villa’s Mahmoud Trezeguet, Bursaspor’s Shehu Abdullahi joined in. On Sunday, the players took time off their football duties to be with their families. Goal Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa, Stuart Brown ayaa markii u horeysay ka hadlay mooshin dhowaan loo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland. Danjire Stuart Brown ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo mooshinkaasi, kaasi oo uu ku tilmaamay mid cadeyn u ah sida ay xisbiyada Somaliland uga go’antahay in la fuliyo heshiiskii qabsoomida doorashooyinka. Mr. Brown ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Waan soo dhowaynayaa mooshinkii xisbiyadu u dhamaayeen ee ku saabsanaa xubinimada gudida doorashooyinka”. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa cadayn muhiim ah oo muujinaysa inay xisbiyada oo dhan ka go’an tahay inay fuliyaan heshiiskii 27-July ee laga gaadhay qabashada doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanad”. 15-xildhibaan oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshinkaasi u gudbiyey golaha, kaasi oo la filayo in Ciida dabadeed ay xildhibaanadu dood ka yeeshan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askari saaka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay. Asakariga ayaa sida la sheegayo wuxuu ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari. Qoraalka Booliiska ayaa dhanka kale looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay gaari ay wateen askar ka tirsan ciidamada dowladda Puntland. “Sidoo kale Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda”. ayaa la sii raaciyay qoraalka Booliiska. PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay askari nin ajnabiya ku dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wafdigaan Maanta gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS Eng, Cabdi Canshuur Xasan. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada KGS oo uu ugu horeeyo Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde iyo xubno kale. U jeedka wafdiga ay Maanta u tageen Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berito ah uu Magalada Baydhabo Wasiirka Boostada * Isgaarisinta Soomaaliya uu ka furi doono shir looga hadlayo arrimaha isgaarsiinta. Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in ay Baydhabo kusoo dhaweynayaan wafdiga,isla markaana shirkaasi ay burrito ka qeyb geli doonaan. Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in shirka Maalinta burrito ah uu ka furi doono Magalada Baydhabo,isla markaana ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka socda dowlad Goboleedyada. Shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada Baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay ka qeyb galeen dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee dowlad gobaleedjka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay Nin u dhashay dalka Kenya. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka Shaqeynayay shirkad Kaluumeysi,isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo xoogaa khilaaf uu soo kala dhexgalay. Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Ninka u dhashay dalka Kenya , isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta toogasho lagu dilay, gudaha magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka shaqeynayay shirkad kaluumeysi oo lagu magacaabo Ocean, islamarkaana dilkiisa uu gaystay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo khilaaf uu soo kala dhexgalay. Dilka ayaa ka dhacay xeebta magaalada Boosaaso. Duqa magaalada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka ninka u dhashay dalka Kenya, isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday. Si kastaba, howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ayaa lagu soo qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga, sida uu sheegay taliyaha booliska qeybat gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa magacaabay guddi u xilsaaran Baarista Dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacday Baydhabo,taasoo ahayd dad halkaasi lagu dilay. Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,laamaha ammaanka,maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo,waxaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhowr qof oo siyaabo kala duwan dilal loogu geystay magaalada Baydhabo. Madaxweyne Laftagareen ayaa dhawaan hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto,taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka,si looga guuleysto cadowga Alshabaab. Dadkii dhawaan la dilay waxaa kamid ahaa Siyaasi hore ahaana ganacsade caan ahaa Marxuum Cali Aadan(Marguus),taasi oo ay ka nexeen bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Ugu dambeyntii xubnaha Guddiga ayaa markii ay soo gebagebeeyan baaristooda waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan si loo wajoho ka hortaga dhibaato kale iyo waxyaabihii sababay intuba. Hadaba halkan hoose ka akhriso xubnaha guddigan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo. Waxaa muuqata in weli uusan shaqaaneyn dadaalka ay DF Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagtao in doorashada dhacdo. AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka. Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug. Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland. Madaxweyne Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii. Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Sanaag) Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Beeled Ka Qarxay Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag. Wararka Naga Soo Gaadhaya Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobalka Sanaag Ayaa Sheegaya In Ugu yaraan Laba qof ay ku dhinteen laba kalena Ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo beeleed hubaysani rasaas ku fureen dad ku sugnaa Kaalin Shidaal Oo Ku Taal Degmada Ceel Afweyn. Ciidamada Nabad Ilaalinta Ujooga Ceel Afweyn Ayaa Lagu Soo Waramay Inay Markiiba Ay Goobta Yimaaden Islamarkaasi Uu Iska Horimaad Dhexmaray Ciidan Beeledkii Hubaysaa Ee Dilay Labada Qof. Source
-
Popular Contributors