-
Content Count
209,270 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (PP) ─ Iyadoo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ay xalay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada cusub ee golaha baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73-xubnood, ayaa waxaa xubnaha lagu dhawaaqay ka hor-yimid qaar ka mid ah musharraxiinta hoggaanka Jubbaland u tartamaya. Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad, isla markaana aysan aqoonsaneyn shaqo kasta oo ay qabtaan guddiga madaxa-bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Sidoo kale, Musharraxa oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubbaland ay shaqadooda ahayd odayaasha dhaqanka beelaha, balse qaabka hadda loosoo xulay uu yahay mid sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka Jubbaland. Musharraxa ayaa intaas ku daray in qaar badan oo ka mid ah odayaasha la yiqiinnay ee Jubbaland laga saaray liiska odayaasha loogu talo-galay inay soo xulaan xildhibaannada, isagoo dhaliil u jeediyay guddiga doorashooyinka Jubbaland. Dhanka kale, musharixiinta la magic-baxay isbeddel-doonka Jubbaland ayaa horay waxay u shaaciyeen inaysan aqoonsan doonin xildhibaannada cuusb ee loosoo xulayo Jubbaland, waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixiso DF. Ugu dambeyn, Xildhibaannada cusub ee magacyadooda lagu dhawaaqay ayaa la sheegay inay intooda badan yihiin dhallinyaro, waxaana ku jira sagaal haween ah oo ay ku jiro gabar yar oo suxufiyad ahayd, laakiinse u xuub-siibatay hadda siyaasiyad. PUNTLAND POST The post Musharraxiinta Jubbaland oo ku dhawaaqay inaysan aqoonsanayn xildhibaannada cusub appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbaland ee sanadkan ayaa ka hor yimid liiska xildhibaanada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulkaasi. Inta badan musharraxiinta ayaa si cad u diiday xildhibaanada la shaaciyey, iyaga oo uu tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn, sida lagu soo xulay. Musharrax Maxamed Ibraahim Shakuul oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa cod dheer ku sheegay in xildhibaanadan aysan aheyn kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka saxda ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Shakuul ayaa sidoo kale qaabka loo soo xulay xildhibaanadaasi ku tilmaamay mid sharci darro oo aan waafaqsaneyn Dastuurka mamaulkaasi. Sidoo kale wuxuu ku dooday in meesha laga saaray qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee loogu talagalay inay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashooyinka ay ku dhawaaqeen 73 xubnood oo ah liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in la qabto in 24-tanka bishan, iyadoo weli is jii jiid uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guddiga qaban qaabada Shirka Beelaha dega deeganada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca Shirkaasi uu socon doono iyo waxa looga baahan yahay ka qeyb galayaasha shirka. .Xubnaha Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo ay ka kooban tahay Habraaca Shirkaasi loo maraayo, waxaana qodobada ay kala yihiin. Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 . inkastoo ay jiraan beelaha qaar ee shirkaan diidan, haddana lama oga sida uu ku suurageli doono qabsoomida Shirkaan, waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku saabsan diyaargarowga Shirkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusa-mareeeb (PP) ─ Kulan ay magalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug ku yeesheen guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshisiinta Galmudug ayaa waxay soo saareen hab-raac la xiriira qabsoomida shirkaas oo diyaar-garoowgiisu uu socdo. Guddiga ayaa shirkjooda kasoo saaray shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas oo lagu wado in Dhuusa-mareeb uu ka furmo 17 ka Bishan lagu jiro, waxaana go’aannada ay soo saareen ka mid ah; 1. Bilawga soo dhaweynta iyo qaabilaadda ergooyinka ka qayb-galaya shirka 2. Hubinta iyo kormeeridda goobaha shirka iyo deegaanka ergooyinka. 3. Diyaarinta ajandaha iyo agabyada shirka. 4. Wargelinta iyo diyaar-garowga hay’adaha amniga iyo wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka. 5. Xadeynta waqtiga soo gaaridda ergooyinka goobta shirka oo ah: 14-ka illaa 16-ka bishan iyo furitaanka shirka oo ah: 17-ka bishan. Sidoo kale, Dhuusa-mareeb waxaa ka socda diyaar-garoow ku aaddan qabsoomidda shirka dib-u-heshisiinta beelaha Galmudug, iyadoo lagu doonayo shirkan in beeluhu ay isku lab-xaarnaadaan ka hor dhismaha maamulka cushb ee Galmudug. Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa bil iyo bar ku maqnaa deegaannada Galmudug, isagoo diyaarinayay shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Dhuusa-mareeb, isagoo xusay in shirkan uu udub dhexaad u noqon doono Galmudug cusub oo la dhiso. Ugu dambeyn, Furitaanka shirkan dib u heshiisiinta Dhuusa-mareeb ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Hobyo uu ka socdo shir beeleed gaar ah, kaasoo lagu heshiisiinayo beelo ka mid ah kuwa daga Galmudug. PUNTLAND POST The post Xilliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanyo Dhuusamareeb oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garaw xoogan oo ku aadan doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha xilligaan ee Jubbaland oo markale musharax ah iyo qaar kamid ah musharixiinta sida aadka ah uga soo horjeeda ayaa ku wada sugan magaalada inkastoo aad loogu kala fogaadey arrimaha xulista barlamaanka cusub. Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay xubnaha cusub ee barlamaanka Jubbaland, waxaana ka soo horjeestey kooxda la baxday musharixiinta isbedel doonka ah ee Jubbaland oo intooda badan ku sugnaa bilihii ugu dambeeyey Muqdisho iyo Nairobi. Liiska xildhibaannada cusub ee Jubaland oo lagu dhawaaqay Xubnaha beesha caalamka, urur goboleedka IGAD, midowga Africa iyo diblumaasiyiin heer gobol ah ayaa ku mashquulsan sidii labada dhinac laysugu keeni lahaa si ay Jubbaland uga dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin oo xalaal ah. Ra’yi ururin laga sameeyey magaalada Kismaayo ayaa boqolkiiba 98% dadkii shacabka ahaa ee suuqyada su’aalaha lagu waydiiyey waxa ay u codeeyeen madaxweynaha xilligaan Axmed Maxamed Islaam, inkastoo mucaaradaadka ugu badan uu ka soo wajahay gobolka Gedo oo ay saamayn xoogan ku leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxda ugu saraysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay aad isu hayaan Axmed Madoobe ayaa wada qorshayaal ay meesha kaga saarayaan isla markaana ay Jubbaland ku keenayaan shaqsi taageersan DFS, si lamid ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo hadda qudheeda khilaaf ka taagan yahay. Shacabka Jubbaland ayaa aad uga walaacsan in haddii doorashadu ay dhacdo iyadoo aan wax xal ah laga gaarin khilaafka hadda jira uu dagaal ka dhici karo Jubbaland, maadaama musharixiinta qaar ku goodiyeen inaysan aqbali doonin dib u doorashada Axmed Madoobe. PUNTLANDPOST The post Wararkii ugu dambeeyey ee hardanka doorashada Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Madobe gains from rivals’ ‘illegal’ moves in Jubbaland race
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jubbaland President Sheikh Ahmed Islam Madobe may have received a boost in his re-election bid after a statement by the UN cautioned against parallel electoral processes. Source: Hiiraan Online -
Ethiopia and China are set to partner to build a new, 300 million U.S. dollar industrial park in the east African country. Source: Hiiraan Online
-
Russia's revitalised pro-democracy movement is increasingly gaining ground in the Russian capital. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Sucuudiga ayaa maalinimadii Isniinta waxa ay si kumeel gaar ah waxa ay u fasaxday 50 maxaabiis ah si ay uga qayb qaataan qaar kamid ah acmaasha sanad laha ah ee Xajka. Agaasimaha guud ee xabsiyada Sucuudiga ayaa u ogolaaday 50 maxbuus iyo in ka badan 30 kamid ah eheladooda inay ka qayb qaataan qaar kamid ah acmaasha ugu muhiimsan ee sanadkiiba hal mar laga sameeyo magaalada barakaysan ee Makka. Sarkaalkaan ayaa sheegay in sii daynta maxaabiistaani ay qayb ka qaadan doonto dhaqan celinta lagu samaynayo maxaabiista si loo yareeyo khatartooda ayna u dhex galaan bulshada inteeda kale. Mashruucaan oo lagu magacaabo AAMINAAD ayaa waxa uu ka kooban yahay barnaamijyo isugu jira dhaqan celin, madadaalo iyo wacyigelin si maxaabiistu ay bulshada ula jaan qaadaan marka ay si rasmi ah xabsiga uga baxaan PUNTLANDPOST The post Sucuudiga oo 50 maxbuus iyo qoysaskooda u ogolaaday inay Xajjiyaan. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro], ayaa weerar ku qaaday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Qoyskiisa, isla markaana ku eedeyay inay ku takri-falayaan awoodii dowladeed. Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale Muuse Biixi iyo Qoyskiisa ku eedeyay inay wadaan dhul boob iyagoo adeegsanaya awooda xukuumada. Sh. Aadan ayaa wax aan la aqbali karin ku sheegay in awood dowladeed dhul lagu boobo, isagoona ka dhawaajiyey inay arrintaasi tahay dulmi cad oo loo baahanyahay in wax laga qabto. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro] oo arrimahaasi ka hadlayana, wuxuu fariin u direy Madaxweyne Biixi, wuxuuna yiri “Waddanka waxa ka dhacay dhul boob ay Xukuumaddu kow ka tahay, maanta Buurta Kala-jeexan, 3 boqol oo Caa’iladood oo kii ku dhashay 30-jir yahay, 40-jir yahay ayaa loo soo xukumay Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo la leeyahay halla dumiyo, wax la aqbali karayo maaha, war Dulmiga diida Maalinba Qof bay qabsanaysaaye”. “Madaxweynaha waxaanu leenahay in Walaalkaa loo soo xukumo 300-Guri oo dhisan oo Dad ehelkaaga ahi ku nool yihiin, caqli iyo Sharci ahaanba wax la aqbali karayo maaha. Waxaanu leenahay, Madaxweyne haddaanad ka Raalli ahayn jooji”. “Kuwa Maxkamadaha fadhiya waxaanu leenahay Waar Ilaahay ka yaaba oo Dadka u caddaalad fala. Sidaad ogtihiin Ummaddii way soo oodatay, Meheradahii oo dhan baa kacay, Dadkii dhibaato badan oo dhaqaale ayaa haysa, Xukuumadda Talada haysaa waxay keentay in dhaqaalihii xidhmo isla-markaana Dadku ay soo wada ootaan, markaa waxaanu leenahay Waar dhaqaalaha hala furfuro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxaanu leenahay Xukuumaddii kaa horraysey saddex meelood bay dhaqaalaha u qaybin jirtay, laba meelood Ummadda ayay ku soo celin jirtay oo Wareeggeedu wuu badnaa, meelna iyagaa farsamaysan jiray, Waxaana la leeyahay Saddexdiiba Adiga ayay kugu arooreen, wax la aqbali karayo maaha in Dadkuna soo ootaan”. “Miisaaniyaddu sanadkii waa 370 Million, Askarigii 80-Dollar ayuu qaadanayaa, Mashaariic ma hayno, Dadkiina way soo wada ooteen, markaa waxaanu leenahay Waar Xukuumaddu Dhaqaalaha ha furfurto. Madaxweynaha Maanta jooga ee Somaliland waxaanu leenahay waar Talada qaybi, waar wixii tuhun keenaya ka fagoow”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Xukuumada Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caare. Daahir Rayaale ayaa sheegay in xalka lagu dhameyn karo colaadaasi dagaal uu yahay ‘Heshiis’, isla markaana xukuumada Biixi looga baahanyahay inay la heshiiso Jabhada Korneyl Caare. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale ayaa sidoo waxa uu ka hadlay beelaha ku dagaalsan deegaanada Ceel-Afweyn, isagoona si guudna uga hadlay xaalka ay hadda mareyso Somaliland, wuxuuna yiri “Waxaan ku talinayaa halaga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah”. “Dalku waa khayr ee alle haw siyaadiyo wixii khilaaf ah ee aan dadka waxba u tarayna halayska daayo, khilaafka ilaahay ayaa inagala dardaarmay oo umada waxba uma taro, khilaafka halayska daayo oo umadu ha noqoto kuwo iska reeba xumaha iskuna waaniya samaha”. “Waxaan ku talinayaa in Caare iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo arrimaha meeshaas ka taagan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya ee waa in wax kasta maarayn karo oo uu nabada ku soo dabaali karo uu ku soo dabaalo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Mida kale Arintasi waa musiibo umada ku dhacday wax loo baahan yahayna maaha, waxaan umadaas kula talinayaa dad walaalo ah ayaad tihiin oo ma kala guuraysaan aniguna deegaankaas waan aqaanaa” “Mar hadaydaan kala guurayn oo ilaahay iskiin badan inaad iska daysaan dilka iyo dhagarta uu ilaahay mamnuucayiska daysaan oo aad walaalowdaan oo aad isa saamaxdaan weeyaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysalwasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah. Safriika u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go;aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo. ” Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna. Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uyghurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, taasi oo muddooyinkii dambe hakad galisay dagaalkii labada dhinac. Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo kamida Madax-dhaqameedka waan-waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dhex-dhexaadinta ay ka dhex wadeen xukuumada Somaliland iyo Jabhada Korneyl Caare. Suldaanka ayaa sheegay in Jabhada Korneyl Caare ay isku af-garteen in xiisada kala dhaxeysa xukuumada Biixi ay wada-hadal ku dhameeyan, isla markaana ay dhinacooda ka jirin wax caqab ah oo sii hurinaysa xiisadaasi. Suldaan Cade-gude ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xalka kama dambeysta ah ee xiisadaasi uu gacanta ugu jiro Madaxweynaha Somaliland oo hadda dalka Sacuudiga ugu maqan gudashada acmaasha Xaj-ka. Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Markaan arintaas nuxurkeeda soo ururiyo waxba been badan iyo ku tidhi ku teen oo la sheegayaa waxba ma tarayaan balse ujeedadu waxa weeyaan in ninkaas sarkaalka ah iyo jabhadiisaba aanu ku soo dhamaysanay in arintaas si salmi ah oo isfaham iyo miiska wada hadalka lagu dhamaysto”. “Arintaasna waxaan u soo gudbinaynaa oo aanu u soo anba baxnay dhinaca madaxweynaha runtiina intii aanaan hargeysa soo gaadhin caasimada ayuu xajka u baxay, isaga ayaa la sugayaa oo laga war dhawrayaa laakiin xagaas wax ku qaydhin oo xumaan ah haba yaraatee kuma ogin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Arintana xaqiiqatan inay xumaato iyo inay samaato waxay ku xidhan tahay madaxweynaha, wax kasta oo dalka ka jiraana inay waxay ku wanaagsanaanayaan iyo waxa ay ku xumaanayaan waxay ku xidhan tahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan ee dalkan iyo dadkanba dan u ah”. “Shacabka Somaliland waxaan u cadaynayaa in arintaas aanu wanaag kaga keenay xagaas Sanaag, halkana iyada oo aanu wanaagii u gayn doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa, wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax madaxweynaha iyo xukuumadiisu haday wanaag ku dhameeyaana ay wanaag tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa ku dhawaaqay liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xildhibaanada ayaa ka kooban 75 Xildhibaan, balse laba ka mid ah ayaa shaacintooda waxa ay dib ugu dhacday arrimo farsamo sida xubnaha Guddiga ay sheegeen.
-
Akhriso: Liiska Magacyada Xildhibaannada Cusub Ee Jubbaland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashoyinka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay liiska xildhibanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland. Guddiga ayaana soo gudbiyay liiska xildhibaanada cusub oo gaaraya73 mudane, oo dhawaan laga soo kala xulay deegaanada Jubbaland beelaha daga. Xildhibaanada caawa la soo gudbiyay ayaa soo dooran doonaan kuddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa , ayadoo ka dib loo gubi doono doorashada madaxweynaha Jubbaland oo ay u tartamayaan murashaxiin dhowr ah kuwaas oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilkiisa uu dhamaaday ee Axmad Maxaned islaam Madoobe. Halkaan Ka Akhriso magacyada mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Xuduudaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland. Liiska xildhibaannada cusub oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa sida guddigu sheegay muddo 20 cisho ah ay soo xulayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland islamarkaana ugu dambayn u soo gudbiyeen Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland. Hoos ka akhriso liiska oo dhan PUNTLAND POST The post Liiska xildhibaannada cusub ee Jubaland oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee la soo xulay. Guddiga ayaa ayaa soo gudbiyay magacyada xildhibaanada ay soo xuleen odayaal dhaqameedka, kuwaas oo noqonaya xildhibaanada dowlad gobaleedka Jubbaland. Xildhibaanada la soo gudbiyay ayaa la filaaya in dhawaan in ay doortaan guddoomiyaha iyo madaxwerynaha jubbaland hoggaamin doono afarta sano ee soo socoto. wixii ku soo kordha halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors