-
Content Count
209,270 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaale ajaaniib ah oo siyaabo kala duwan looga dhoofiyey Garoowe iyo Boosaaso. Wasiir Cawaash ayaa ugu horayn beeniyey inay jiraan shaqaale ajaaniib ah oo deegaama xeebeedyada Puntland lagu addoon sado aysanna aqbali doonin in lagu xad gudbo xuquuqda dadka ajaaniibta ah. Xilli uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa waxa uu caddeeyey inay jireen 18 shaqaale Thailand’s ah oo laga dhoofiyey magaalada Boosaaso haseyeeshee ay ahaayeen shaqaale si xorriyad ah ugu shaqaynayey ganacsade Soomaaliyeed ayna dalkooda ku celiyeen kadib markii ay dalbadeen in ay si iskood ah u laabtaan. Dhanka kalena, wasiirka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan 13 shaqaale Kenyan ah oo Garoowe laga dhoofiyey kadib markii ay dalbadeen inay dalkooda ku laabtaan aysanna jirin cid khasabtay ama ku addoon sanaysay Puntland. Ugu dambayn wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay nin ajnabi ah oo lagu diley magaalada Boosaaso iyo duufaano ku dhuftay qaar kamid ah xeebaha Puntland gaar ahaan magaalada Caluula. DAAWO PUNTLANDPOST The post Puntland oo beenisey in ajaaniib lagu addoonsado xeebeheeda. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin. Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga. Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan. Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka warbixiyey shir ay isaga iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka ay la qaateen madaxweynaha maamulka Soomaalilan, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka dhacay boqortooyada Sacuudi Carabiya . Beyle oo ka hadlayey kulankaasi ayaa tilmaamay inuu cadeynayo in aysan jirin xuduud dhex taalla Soomaalida. Sidoo kale wasiirka ayaa shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, si looga gudbo dhibaatooyinka jira. ‘’Gabi ahaanteena waa in aan u guntanaa sidii aan u raadi laheyn dib u heshiisin kama dambeys ah oo macno leh, misana dhab ah.’’ ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Kulanka ay xalay yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee dhexmara labada dhinac, tan iyo markii uu Muuse Biixi Cabdi la wareegay talada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ee la kulmay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in farriinta sawirka ama kulanku xambaarsan yahay tahay midnimo iyo walaalnimo, islamarkaana bulshada Soomaalidu u harraadan tahay nabad waarta iyo dib u heshiisiin rasmi ah. Boggiisa Twitter-ka ayuu ku qoray qoraal u dhigan “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah. Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno. Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqno ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.” Source
-
Nolol caafimaad oo bad-qab leh waxay ka suurta geli kartaa deegaan nadiif ah oo la diyaariyay, taasna waxay ka suurtageli kartaa marka ay bulshadu garowsato nadaafadda deegaanka isla markaana u kacdo in ay ka shaqeyso Xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay waa meelaha ay nadaafaddoodu hooseeyso sidaas darteed waa in ay bulshada iyo maamulada hoggaaminayaba ka shaqeeyaan nadaafadda goobaha ay dadkaasu ku nool yihiin Gool fm waxay qabatay dood ku saabsan sida xeryaha dadka soo barakacay looga dhigo karo goobo nadiif ah oo ku habboon in lagu noolaado waxaa ka qeybgalay Saadaq Maxamed oo ka tirsan dhalinyarada deegaanka iyo Shiikh Xasan Axmed Nuur oo ka mid ah mashaa’ikhda soomaaliyeed. Halkan Ka Dhageysto, Barnaamijka oo Dhameystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/09-08-2019-BAR-GAAR-AH-NADAAFADA-AWEYS-AAR.mp3 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa farriin kooban oo culayskeeda leh hawada u mariyay madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay wasiirro Soomaaliya ah oo ay ku kulmeen Xajka. Dr Cirro oo boggiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka kulanka ayaa ku dul qoray “”Inaad saamo jiidiyo, sanqadh-tirasho kala daa”! NO COMMENT! Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa iyadu muujisay in aanay weftiga Biixi raalli ka ahayn faafinta sawirka waxaanay si cadho leh Soomaaliya ugu eedaysay in ay wax walba siyaasadaynayaan sida Xoolaha, maamulka hawada, arrimaha bani’aadanimo iyo hadda oo ay kulankii siyaasadeeyeen iyada oo ka jawaabaysa hadalka wasiirka maaliyadda Soomaaliya faafiyay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiirradiisa ayaa la kulmay wasiirro ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Mr Cawad iyo wasiirka maaliyadda Mr Bayle. Sawirka ay wada galeen oo si weyn saacadihii u dambeeyay u qabsaday baraha bulshada ayaa u qaadan waa ku noqday bulshada Somaliland maaddaama madaxweyne Biixi lagu yaqaanay weedho qallafsan iyo hadallo adag oo uu ku duro Farmaajo iyo xukuumaddiisa sidoo kalena uu hore Eng Faysal Cali Waraabe si adag ugu dhalliilay tagista shir Soomaaliya ku lahayd Biljamka. Ma cadda in kulankan Sucuudiga ka dhacay ay jirto cid fududaysay laakiin, madaxweyne Biixi iyo wasiir Cawad waxay si adag dhalliilo isugu dhaafsadeen safarkii bishii hore madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini oo mid walba dal kale isaga oo eedda saaraya hadallo culus is waydaarsanayeen. Madaxweyne Biixi ayaa ugu horayn eedayn kula dul kufay Talyaaniga isaga oo ka hadlayay weerar uu sheegay in Soomaaliya ku soo qaadday safarkiisa kaas oo ay ka mid ahayd in Soomaaliya xidhiidhka u jartay Gini waxaanu yidhi “Si wacan buu noo qaabilay (Alpha Conde) dabeedna weerarka Xamar baa yimid culays badan bay meelo badan ka mareen oo Talyaanigu ugu horeeyo. Hormuudka cadaadiska u weyn wadana Talyaaniga ayuu ahaa oo qolada Muqdisho u adeegaya.” Wasiir Cawad oo maalmo kadib waraysi siinayay telefishanka Universal ayaa yidhi ““Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida: UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee ku sugnaa Sucuudiga ayaa kulan la yeeshay wafti wasiirro reer Soomaaliya ah oo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sucuudiga. Wasiirrada uu la kulmay waftiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Wararka ay helayso shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in dawladda Sucuudigu ay isku meel dajisay waftigayad ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo oo ay ku wada jiraan waftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn cadho uga abuuray dadka reer Somaliland ee isticmaala baraha bulshada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag. Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed. Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac. Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn. Wararka ugu dambeeyay ee aanu ka helayno deegaanka Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay waxaana magaalada gacanta ku haya ciidammada kala duwan ee Somaliland. wali si rasmi ah ugama hadal xukuumadda Somaliland xaaladan ka taagan deegaanka Ceel-afweyn. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka Imaaraadka ayaa waxaa uu booqasho ku joogaa dalka Sacuudiga, isaga oo ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Cadan in ay xaalada Dajiyaan. Booqashada Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ee isniinta shalay ayaa imaaneysa iyadoo xoogaga hubeysan ay sheegeen in gabi ahaanba ay kala wareegeen ciidanka dowlada iyo kuwa Imaaraadka magaalada Cadan. Dagaalka ciidanka dowlada caalamka aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdu Rabu Mansuur Haadi oo taageero ka helaya xulufada Sacuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Cadan. Labada dal ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii dagaal xoogan kula jiray xuutiyiinta Yemen oo talada dalkaasi badi la wareegay badhtamihii sanadkii 2014-kii. War saxaafadeed ka soo baxay wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa mas,uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ugu baaqeen labada dhinac ee ku dagaalamaya Yemen in ay wadahadlaan ayna si loo hakiyo colaada iyada oo la eegayo danaha shacabka Yemen. Dhanka kale labada dal oo ku yaal gacanka qaliijka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan awood kasta oo qalqal ku ah amniga iyo xasiloonida Gobolka. Source
-
Taliska iyo saraakiisha ciidamada Ahlusuna iyo Galmudug ee ku biiray taliska 21aad ayaa kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab. Taliyaha ciidanka 21aad ee xooga dalka Soomaaliyeed Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi (Qooje)ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihiin inay fuliyaan howlgallo ay Alshabaab kaga xoraynayaan deegaamada Galmudug. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Taliska ciidanka 21aad oo dagaal ka dhan ah Alshabaab kaga dhawaaqay Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap. Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha ciidamada badda kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019. Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa hore xeebaha Soomaaliya uga joogay maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida. PUNTLAND POST The post Dowladda Koonfurta Kuuriya oo ciidamo dheeriya u soo diraysa Xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Diinta islaamku ahmiyad aad u wayn ayey siisay nolosha qofka muslimka ah, waxayna shareecada islaamku waajibisay in la ilaaliyo, la dhawro, amnigeedana la sugo nafta iyo nolosha ruuxa muslimka ah, iyadoo Ilaahay (SWT) uu xaaraan ka dhigay in sifo aan sharci ahayn loo gooyo nafta muslimka. Sida ku cad aayaadka qur’aanka kariimka ah, dilka badheedhka ah ama si ula-kac ah loogu khaarajiyo qof muslim ah oo Ilaahay iyo Nebi Muxamed (SCW) rumaysan waxa uu ka mid yahay dunuubta waaweyn ee lagu mutaysto cadhada iyo cadaabta Alle. Aayadda 93-aad ee Suuradda al-nisaa, waxa uu Ilaahay (SWT) ku caddeeyey afar ciqaabood oo wehel u noqonaya cidda si badheedh ah u disha qof muslim ah, afartaas ciqaabood oo kala ah; Naarta jahanama oo uu ku dhex waarayo Cadhada Ilaahay oo dushiisa ahaata Nacdasha Alle oo ku dhacda Iyo Ilaahay oo u ballanqaaday inuu marsiiyo cadaab weyn Haddaba, qofka si badheedh ah u dila naf muslim ah waxa uu si cad ugu xad-gudbay saddex xuquuqooq oo aan loo bannayn inuu ku xad-gudbo, waxayna saddexdaas xuquuqood kala yihiin; Xaqa Ilaahay leeyahay ee ah inuu Alle waxna dilo, waxna nooleeyo. Xaqa qofka uu dilay lahaa Iyo xaqa ay leeyihiin qoyska iyo ehelka qofka la dilay Waxa dambi weyn ah in qof muslim ah uu soo qaato qori ama hub kale, kadibna uu si badheedh ah ugu laayo dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay weliba arrintaasi waqtigan aad ugu badan tahay dunida islaamka, gaar ahaan dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna tusaale innoogu filan falalka foosha xun ee ka socda degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, halkaas maanta (Isniin, 12 Augost 2019) lagu dilay shan qof oo isugu jira laba nin iyo saddex dumar ah, waana dil badheedh ah oo si ula-kac ah loogu gaystay dad muslimiin ah oo aannu Alle bannayn dilkooda. Sida ku cad shareecada islaamka, qofka muslimka ah ee si badheedh ah u gaysta dil, waxa ku waajib ah inuu faraha ka qaado dambiyada waaweyn ee uu ku dhex jiro, kadibna uu Ilaahay (SWT) uga tawbad keeno, si uu Alle uga dhaafo xaqiisa uu ku xad-gudbay, isla markaana uu isku dhiibo qoyska ama ehelka cidda uu dilka u gaystay, kuwaasoo iyaguna xaq u leh inay codsadaan in loo qisaaso, xukun dil ahna loogu fuliyo ama inay mag-dhaw ka qaataan ama inay dar Ilaahay u cafiyaan. Waxa kaloo dambiilayaal ah cidkasta oo gacan ka gaysata, haddii ay tahay taageero dhaqaale iyo mid hadal ama af ah, una fududaysa wax kasta oo sahlaya in qofku uu dil badheedh ah gaysto, waana arrin lagala xisaabtayo if iyo aakhiraba, waxaanna habboon in laga waantoobo dilalka sida badheedhka ah looga fulinayo dalka Somaliland ee lagu qudh-goynayo qof muslim ah, Ilaahay-na ha laga cabsado, dunuubta dhacaysana ha looga tawbad keeno. Waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu innaga qabto dadka fidmo-abuurka ah ee daadinaya dhiigga dadkeena, waxaanna Dowladda iyo madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waajib ku ah, xilna ka saaran yahay inay wax ka qabtaan fool-xumooyinka ka socda degaanka Ceel-afweyn, iyadoo lala imanayo ficil iyo qawl lagu suulinayo ceebta taala Ceel-afweyn. Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland Source
-
(SLT-Garoowe)-Ciidammada Booliska ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahano ka mid ah Kooxda Al-shabaab oo doonayey inay galaan Buuralayda Galgala oo fadhiisin kooxdaasi. Taliyaha Booliska Bariga Gobolka Sanaag ee Puntland, Cabdirisaaq Faarax Warsame ayaa sheegay in Ragga Al-shabaab ka mid ah oo ka yimid Beledweyne isla-markaana soo maray dhanka Somaliland, gaar Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ay qabteen ka hor intii aanay gelin Buuralayda Galgala. “Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen..” ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Puntland ee bariga Sanaag “Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen.” Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5 Qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay.” ayuu yidhi, waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay.” Taliyaha oo la waydiiyey waxay ku xaqiijiyeen inay Raggani Al-shabaab ka mid yihiin, ayaa ku jawaabay “Ma dafirin..” ayuu yidhi, isagoo intaa si raaciyey in weliba baadhis lagu wado isla-markaana u sheegeen Ciddii soo Ambo-bixisay iyo dadka u joogay Gobollada ay soo mareen. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa soo saaray habraaca shiweynaha la filayo in 17-ka bishan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Xubnaha guddiga oo shir ku yeeshay magaaladaasi ayaa soo bandhigay illaa shan qodob oo uu ku qabsoomi karo shirkaasi. Qodobada ay soo saareen xunaha guddiga ayaa kala ah: Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka. Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan. Shirkan ayaa muhiim u ah Galmudug oo dhowaan galeyso doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka ayaana haatan si weyn looga dareemayaa deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Xulbada (Fenugreek) dawo ka qaalisan 1000,000 $ oo aanad aqoon. Qalinkii Cabdi Caawiye Xulbadu waa geed gaab midabkiisu yahay Cagaar qafiifa oo bixiya ubax yar oo cad. Dhererka geedka xulbadu wuxuu gaadhaa 2 ilaa 3 feet. Midhaha xulbadu waa midho aad u qadhaadh dhadhan ahaan. Macdanaha ay qaniga ku tahay xulbadu waxaa ka mida iron iyo magnesium. Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa faa’iidooyin badan oo ay xulbadu leedahay Iyo cuduro badan oo ay dawo ka tahay. 1. Calool Istaaga. Xulbadu waxyaabaha ay aad ugu fiicantahay ilbidhiqsiyo gudahoodna ay daweyso waxaa ka mid ah oo ugu horeeya calool istaaga. 2. (Cabuuqa)Infections Xulbadu waxa ay jidhka ka saartaa dhamaan infectionka haba ahaado mid jidhku sameeyey ama qaliin uu keenay IWM 3. Wadnaha Dhamaan xanuunada wadnaha ku dhaca waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay Xulbadu tahay shayga keliya ee wadnaha iyo shaqadiisa sidii caadiga ahayd ku soo celisa kana saarta wixii khalkhal ah ee ku dhaca. 4. Gaasteri ama calool ololka joogtada ah. Xulbadu waxa ku jirta maado qadhaadh badan oo aan jidhka u ogolaan inay dacari samaysanto, sidaa darteed gaasterigu waa dacar samaysantay oo ururtay marka uu qofku cabbo oo isticmaalo xulbada waxay jidhka ka saartaa dhamaan wixii dacar iyo gaasa sida ay isku raaceen khubarada caafimaadku. 5. Xiiqda. Xanuunka xiiqdu waa xanuun ku dhaca neefmareenka dhuunta iyo sambabada waxaana keena samboorka oo aan hore loo daweyn. Xulbada waxa ku jirta maado dhareer badan oo qofka kasoo goysa laabtiisa balqankii ama xabkii fadhiyey waana sababta ay dawada ugu tahay Xiiqda. 6. Fiitamiino badan. Xulbada waxa ku jira fiitamiino iyo macdano badan oo ay ka mid yihiin magnesium 34 mg, zinc 30 mg, and vitaminB6 10 mg waxaana ay jidhka ka caawiyaan adkeynta difaaca iyo dayactirka nabarada sida dhiig joojinta. 7. Kelyaha Xulbadu waxa ay 80% ka fiicantahay kiniinada warshaduhu sameeyaan dinaca kelyaha. Khubarada caafimaadku waxay isku raaceen in xulbadu xataa ay soo saarto oo ay misho dhagacaanta kelyaha kusamaysma. 8. Roomatiisan lafaha Waxa ay xulbadu la dagaalantaa cudurka romatiisanaka waayo waxay leedahay dhareer badan oo xubnaha jidhka ka caawiya inay si fiican isku dhaafdhaafaan oo aanay is xoqin. 9. Dhinaca Galmada Waxay kor u qaadaa rabitaanka jinsiga kale. Waxa ay raajisaa biyaha raga xiliga galmada. 10. Miisaanka 90% dadka badankoodu waxa jecelyihiin inay inay miisaanka iska yareeyaan ama ay is dhuubaan 10% waxa ay jecelyihiin inay waxaan haddaba xulbadu waxay ka mid tahay waxyaabaha miisaanka kordhiya waa hadii aad in badan isticmaasho sida laba waqti maalintii ama maalin kasta hal mar si joogto ah. Ogow haddii aad caadi u isticmaasho wax miisaana ku fuulimaayaan. 11. Caanaha Hooyada Sida daraasad dheer lagu ogaaday xulbadu kow ayey ka tahay waxyaabaha caanaha hooyada aad u kordhiya. Hooyo isticmaal xulbada si uu ilmahaagu u hello caano badan iyo difaac adag oo uu cudurada iskaga difaaco. La soco qabaha dambe…… Qalinkii Cabdi Cawiye Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
-
(SLT-Washington)-Sii-hayaha xoghayaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa difaacay howlgallo lagu soo qabtay boqlaal qof oo ka mid ah dadka sida sharci-darrada ah ku joogay Maraykanka. Howlgalkan ayaa lala beegsaday qaar ka mid ah warshadaha cuntada farsameeya ee gobolka Mississippi. Laakiin ku simaha xafiiska amniga qaranka Kevin McAleenan ayaa qirtay in wakhtiga lagu soo beegay hawlgalkan uu ahaa mid khaldan. Howlgalka ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii nin hubaysan uu magaalada El Paso ee gobolka Texsas uu toogasho ku dilay 22 qof oo u badan dadka ka soo jeeda Laatiin Ameerika. McAleenan ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 680 qof,kuwaasi oo 200 oo ka mid ah ay hore u galeen fal dambiyeed iyada oo dib loogu celin doono dalalka ay ka soo jeedaan. Dadkan ayaa u badan dadka ka soo jeeda Laatiin Ameerika ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada oo ay dhowaan magacaabeen Musharraxiinta ka soo horjeeda madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Musharraxiintan is bedal doonka ah oo ka horyimid liis uu xalay shaaciyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray liis kale oo xildhibaano ah. Liiskan ayaa gaaraya illaa 75 mudane, halka midka lagu dhawaaqay xalay uu ahaa 73 xubnood. Sidoo kale liiska ayaa waxaa ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan xildhibaanada cusub. Arrintan ayaa sii hurineysa khilaafka ka jira doorashada la filayo in bishan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse sanadkan ayaa waxaa jahwareer xoogan uu ka jiraa doorashada Jubbaland. Halkan hoose ka Aqriso:
-
Ethiopian Muslims mark Eid al-Adha in religious fervor Great number of Muslims in capital Addis Ababa flock to mosques to perform Eid prayer Ethiopian Muslims mark Eid al-Adha in religious fervor Muslims gather to perform the Eid Al-Adha prayer at Addis Ababa Stadium in Ethiopia on August 11, 2019. Muslims worldwide celebrate Eid Al-Adha, to commemorate the holy Prophet Ibrahim’s (Prophet Abraham) readiness to sacrifice his son as a sign of his obedience to God, during which they sacrifice permissible animals, generally goats, sheep, and cows. Eid-al Adha is the one of two most important holidays in the Islamic calendar, with prayers and the ritual sacrifice of animals. ( Minasse Wondimu Hailu – Anadolu Agency ) ADDIS ABABA, Ethiopia Muslims in Ethiopia has been celebrating the first day of the Eid al-Adha, a four-day religious holiday, on Sunday. In the capital Addis Ababa, hundreds of thousands of Muslims turned out for the Eid prayer in and around the city’s old stadium which is located in the capital downtown. Ethiopia hosts the second largest Muslim population in Sub-Saharan Africa with Muslims accounting for 34% of the over 100 million population of the country. Sheikh Sultan Aman Ebba, head of the Addis Ababa Islamic Affairs Supreme Council, said on the occasion that compassion and charity were the values that Muslims uphold at all times. He said Muslims celebrate Eid al-Adha by praying for unity of Ethiopia — a country that has been reeling under ethnic tensions. Eid al-Adha is an Islamic holiday during which animals are generally sacrificed, the meat from which is distributed to the poor. Ethiopian Muslims have recently welcomed a new Majlis (Supreme Council) that enjoys the support of all after decades of sectarian divisions and a political interference before Abiy Ahmed taking the office of the prime minister, who spearheaded the latest successful efforts at unifying the Muslim community. Meanwhile, the Turkiye Diyanet Foundation slaughtered thousands of sheep and goats for the needy in several towns of eastern Ethiopia. Diyanet officials have been touring the towns in the region since Friday where the foundation provides meat in support of the poor. An episode in the early history of Islam says the first followers of Prophet Mohammed fled persecution at the hands of the ruling Qurayish of Mecca and found safe haven in Ethiopia, where they had been told to go by the prophet. The tombs of the first followers of the Prophet Mohammed are found at Ethiopia’s ancient Al Nejashi mosque in the northern Tigray region — a historical monument that has been renovated by the Turkish Coordination and Cooperation Agency. AA Qaran News
-
Soomaaliland ayaa is ka fogeysay eedeen ay u soo jeedisay dowladda seychelles oo la xiriirtay maxaabiis burcad badeed aha oo dhawaan ay sii deysay Soomaaliland. Xildhibaan Axmed maxmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiilada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliland aysan wax dacawad ah ka gudbin karin Seychelles isaga oo xusay in Seychelles Soomaliland ayasan aqoonsaneen balse looga baahan yahay dacawadaasi in ay ka gudbiyaan Soomaaliya oo uu sheegay in Seychelles ay u aqoonsan tahay in soomaliya ay ka tirsan yihiin, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Namaba ictiraafsanee maxaan UN is la gaarnaa hana ictiraafeen waxna noogama xirna noomana ictiraafsana dowlad ahaan, Soomaaliya ay ictiraafsan yihiin ayaga UN ha uga ashtakoodaan,annagu waxaan sii deynay inamo yar yar oo Soomaaliya oo muslim ah mustaqbalkoodan uu ku baaba,ayay meesha, waliba Soomaaliland ma aheyn ee xagaa Koonfur ayeey ahaayeen” Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in Soomaaliland ay qabatay awalkii hopre ay maxaabiista, ayna jirin cid u dhiibtay waxaa uuna carabka ku adkeeyay in ay qabteen xili ay maraayeen xeeba Soomaaliland, waa sida uu yiri” annaga ayaa qabanay xili ay maraayeen xeebaheena, waxna kuma darsadaan inamadaa yar yar oo mustaqbalka leh annaguna waan u naxnay waana fasaxnay, ayagu wax ay ka naxaayaan majiraan, nimanku waa niman Soomaaliyeed oo jaar nahay waan ka naxeynaa waxaan uga baqeynaana ma jirto dacwadaas” Dhanka kale xildhibaan Nacnac ayaa tilmaamay in ay tahay wax qalad ah in dowladda seychelles ay dacwad ku soo oogto ayadoo aan u ictiraafsaneyn Soomaaliland in ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale waxaana uu yiri” mabana ictiraafsana waxaa ay noo aqoonsan yihiin inaan nahay qeyb ka mid ah Soomaaliya marka waxaan leenahay annagu manihine waxaan nahay dowlad Qaran leh oo Calan leh oo lacag leh” Hadalka xildhibaanka ayaa waxaa uu imaanayaa aydoo dhawaan Soomaliland ay xabsiga ka sii deysay maxaabiis ku eedeysnaa burcad badeednino, oo laga soo wareejiyay sychelles si ay inta xabsigooda uga dhiman ay ugu qaataan Soomaaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali graduates are proud, inquisitive and, in many cases, innovative. They are certainly ambitious and should be confident about their future in a country blessed with so much natural resources and potential. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo wasiirkiisa Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sawir ka soo wada-muuqday iyagoo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sacuudiga Carabiya oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka. Wasiirada ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay la kulmeen Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud. Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud oo kulankaasi kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaaa sheegay inay sharaf u ahayd in ay la qaxweeyaaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. “Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri Xaamud. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku kulmay dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Biixi ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka wasiirada ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ay is arkeen ay kala yihiin wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud. Mas’uuliyiintan oo Sacuudiga uu jooga gudasha waajibaadka Xajka ayaa waxa ay isla soo qaadeen xiriirka iyo walaaltinimada labada dhinac. Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay muhiimada Kulankaasi. Xaamud ayaa sheegay inay sharaf u aheyd inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. “Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo. Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan.”ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe xurguf siyaasadeed ay u dhexeysay Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors