-
Content Count
209,270 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan. Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah, ayada oo shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland
-
(SLT-Hargeysa)-Orodyahanka caalamiga ah ee Maxamed Faarax oo u dhashay Somaliland, ayaa shacabka Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin munaasibada ciidal Adxaha awgeed. Orod yahankanka caalamiga ah ee oo la hadlayay warbaahinta ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibada ciida Adxada, waxaanu Alle uga baryey inay ku noolaadaan nabad iyo horumar. Orod yahankan Maxamed Faarax oo u orda dalka Ingiriiska haystana bilado kala duwan, oo u ka soo hooyey tartan dhanka orodka ah oo caalmiya, waxaanu dhigay rikoodho badan oo ay ka mid yihiin 5000km iyo 10.000km. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay kulan ay Magaalada Barakaysan ee MAKKA ee dalka Sucuudiga ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya. Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Sawirkaa ay Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ka soo wada muuqdeen oo hadal-hayn badan ka dhex abuuray Bulshada ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafaddu Su’aal ka waydiisay siduu u arko arrintaasi. Guddoomiye Cirro oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Soomaaliya ayaa yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’.’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland, Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay..” Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qabsoomida doorashooyin iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Riyadh)-Jabhadda ay IRAN taageerto ee Xuutiyiinta ayaa Weerarray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Magaalada Apha ee boqortooyada Sucuudiga. Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta ayaa waxay Xuutiyiintu u adeegsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Telefiishanka Xuutiyiinta ee Al-masirah Tv. Ilaa hadda Warbaahinta Sucuudigu ma sheegin War la xidhiidha Weerarka xuutiyiintu sheegeen inay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Abha, mana jiro Masuul Sucuudiyiin ah oo ka hadlay. Xuutiyiinta oo Maamula Sanca iyo Dhul badan oo Yemen ah ayaa Weerarrada ay la beegsadaan Garoommada diyaaradaha ee Sucuudiga iyo meelaha kale ee Dalkaasi, waxay jawaab uga dhigayaan Duqaymaha Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku hayaan Fadhiisimadooda Gudaha Yemen. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weerarrada noocan ahi sii murginaya Wada-xaajooyada Qaramada Midoobay Gadh-wadeenka ka tahay ee la doonayo in lagu wada hadashiiyo Xuutiyiinta iyo Dawladda uu Sucuudiga iyo Xulafadiisu taageeraan ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdurabbi Haddi. Weerarrada dhanka Cirka ee Xulafada reer Galbeedku taageero ee Sunniyiinta uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa Yemen ka bilaabmay sannadkii 2015-kii, illaa xilligaana waxay isku dayayaan inay awoodda Yemen dib gacanta ugu soo geliyaan Dawladda cusub ee Cabdurabbi Haddi, ka dib markii awoodda dalkaasi gacanta u gashay Xuutiyiinta oo taageerada ka hela IRAN. Ugu dambayn, Weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka Abha oo ku yaalla Koonfurta galbeed ee Sucuudiga, ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, inkasta oo ay weli xilli hore tahay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019. Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray. Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay. Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda. Xubin horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Al-Shabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Galka-Baarista.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland waxaana ay Puntland raja wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan. Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah waxaana ay shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa mar kale ka hadlay doodda Kenya ay muranka ku gelineyso biyaha Soomaaliya. Adam Barre Ducaale oo dhowaan baarlamanka Kenya horgeeyey qaraar ciidamo lagu geynayo dhuul-badeedkaas, ayaa sheegay in marnaba uusan oggolaaneyn in taako ka mid ah biyaha ama dhulka Kenya ay qaadato dowlad deris la ah Kenya, sida Soomaaliya, Itoobiya ama Koofurta Suudaan. Adam Barre ayaa sheegay in uu isagu yahay qofka saddexaad ee ugu sarreeya dalka Kenya dadka Soomaalida ah faa’iidada ay ku qabaan Kenyan aysan ku qabin dalalka deriska ah. Waxaa uu sheegay in madaxda Soomaalida ah ay inta badan degganyihiin Nairobi, xaasaskooda iyo Ganacsigoodana ku yaallo Kenya. Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa yiri “aniga maalinkii waxaan ahay Kenyan habeenkiina waxaan ahay Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale habeenkii waa is wacnaa, waa wada shaahi karnaa”. Waxaa uu raali gelin ka bixiyay hadalkii uu todobaadkii hore sheegay oo uu xusay in dad badan ay si kale u fasireen, isaga oo sheegay in arrintan la xallin doono. Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ama madaxwenaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay in maalintii u dhasheen dalalkooda habeenkiina Soomaali yihiin. Caasimada Onlinbe Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Some Muslim pilgrims who were to travel to Hajj in Saudi Arabia have lost over Sh12 million ($120,000) to a Nairobi-based agent. Source: Hiiraan Online
-
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo guddiga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa munaasabad Soo dhaweyn ah u sameyay 57 arday oo ka mid ah ardaydii u fadhiisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2017/2018 oo deeq waxbarasho ka helay dalka Masar. Munaasabada ayaa waxa joob joog ka ahaa Aagaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan masuuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar gudiga ardayda Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casumay . Agaasimaha tacliita sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda Soomaaliyeed u rajeyay guul iyo in ay ka soo dhalaalan waxbarashadooda ah. Dalka Masar ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dhanka waxbarashada ka taageera Soomaaliya,waxaana jira arday badan oo Soomaaliyeed,kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax uga barta dalkaasi Masar,waxaana soo wehliya wadamada Suudaan iyo Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay korortay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerar ay shalay malayshiya-beeleed hubaysan ku qaadday gudaha degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo si wadajir ah shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay ayaa sidoo kale sheegay in dad loo soo qabtay weerarkaasi. Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen meelaha laga abaabulo dhibaatada ka taagan Ceel Afweyn iyo cidda ay ku tuhmayaan in ay ka dambayso hurinta colaadda ka aloosan halkaasi ee u dhexaysa labada beelood. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee labada wasiir oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Somaliland oo shaacisay koror ku yimid dadkii ku dhintay weerarkii Ceel Afweyn iyo cidda loo soo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta shirarka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayey barlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Gudigga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, Xildhibaanada Cusub, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha dhaqanka Iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta barlamaanka cusub. Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’ada weyn ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee uu yeelanayo barlamaanka 2aad ee maamul goboleedka Jubbaland. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Barlamaanka cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta la dhaariyey. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Munaasabad lagu dhaariyey xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubaland, kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Jubaland, ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo. Xafladda dhaarinta baarlamanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal, ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland. Xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay guddoomiyaha maxakamadda sare ee Jubaland, sida uu sheegay xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah golaha shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta. Sheekh Cabd Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada baarlamanka 2-aad ee Jubbaland ayaa noqdey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, ilaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee baarlamaanka. Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada guddoonkooda iyo doorashada madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socota maamuli doona maamulka Jubaland.
-
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Warsaxaafadeed lagu mamnuucayo dadka ku dhex wata deegaanada kala duwan ee Gobolka Mudug. Warkaas ayaa kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Galmudug ayaa lagu sheegay in wax dhaaf siisan Ciidamada Amniga aysan hub ku dhex qaadan karin Gobolka Mudug cidii lagu arkana laga qaadi doono talaabo waafaqsan Sharciga. Arrintan ayaa qeyb weyn ka qaadaneysa sugitaanka Amaanka maadaama xiliya qaar kooxaha nabad diidka ah isku dayaan inay dhibaato geystaan iyaga oo dhuumaaleysanaya. Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gaalkacyo ku sugan Baashi Cali Xaashi ayaa sheegay in laamaha ammaanka Galmudug ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo gud ahaan amaanka deegaanada Galmudug. Amarkan ayaa imaanaya iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho dhawaan ka dhacday Galmudug,taasi oo haatan dadaalkeedi ay wadaan Madaxda Galmudug iyo kuwa Dowladda Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose waxaa Maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland. Waxaa goobjoog ka ah Xafladda dhaarinta Baarlamanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibano ka tirsan Labada Aqal, ee Baarlamanka federalka Soomaaliya ,Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland. Intaasi kadib Xildhibaannada Cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Jubbaland,sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Golaha Shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta. Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sana ee soo socota Maamuli doona Maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Maamulka Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo soo maray deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana u soo gudbayey buuraleyda Galgala. Cabdirisaaq Faarax Warsame, Taliyaha Booliska bariga gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Booliska Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag Al-shabaab kamida ah oo rabay inay galaan Buuraleyda Galgala. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnahaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo tiradoodu dhameyd 5-Nin ay soo dhex mareen magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Somaliland, isla markaana ay ka imaaden magaalada Beledweyne. Taliye C/risaaq ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ciidamada Puntland markii horeba la socdeen dhaq-dhaqaaqa xubnahan ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Siday noo sheegeen Beledweyn ayay ka yimaaddeen, Gobollada dhexena way u dhasheen”. “Waxay ka soo gudbeen Galbeedka, waxay soo mareen Burco, Burco hadday habeenno joogeena, waxay yimaaddeen Ceerigaabo, Ceerigaabana waxay uga soo gudbeen Badhan, Badhana waxay uga sii gudbayeen Buurta Galgala, dabadeedna sidaas ayaanu ula soconay, Ciidammadu isha ayay ku hayeen”. Wuxuuna intaas kusii daray “Meel Barkado ku yaallaan oo Dix-dhaaxood ka shishaysa oo ah halka ay Buurta ka fuulaan oo ay Waddadu isugu timaaddo ayuu Ciidanku u sii galay, halkaas ayaa lagu qabtay 5-qof iyo Gaadhi Land Cruiser ah oo ay wateen, agabkii Ciidammaduna u saaran yahay”. “Waxay isku dayeen inay dagaalamaan oo ay baxsadaan, laakiin Nin baa ka dhintay, Afartii kale iyo gaadhigiiba waalla qabtay. Mana dafirin inay Al-shabaab ka tirsanaayen oo Welina baadhistu wey socotaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Sawirro: Xafladda Dhaarinta Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa hadda si habsami leh magaalada Kismaayo uga socota xafladda dhaarinta baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Munaasabadda waxaa gobjoog ka ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, madaxda Jubbaland, waxaana la filayaa in la dhaariyo ilaa 73 xildhibaan oo xalay lagu dhawaaqay. Ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in xulista baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland ay qeyb ka ahaayeen dhammaan odeyaasha dhaqanka ee Jubbaland. Dhaarinta kadib, waxaa la filayaa in xildhibaannada guda galaan doorashada guddoonka, si kadib loo bilaabo diyaar-garaowga doorashada madaxweynaha Jubbaland. Wararkan, kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Waxaa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ,ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xiriira in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi. Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious )ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola. Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo rer Koongo ah,halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi,waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ,ka dib markii la ogaaday in ay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 . Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola ,isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ØWaxay hada u muuqataa in loolankii Doorashada Jubbaland ee u dhexeeyey Villa Soomaaliya iyo Kismaayo inuu hada dhamaadey. Guud ahaan Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya [...] Source
-
Popular Contributors