Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,280
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Dadkii Shalay Lagu Dilay Deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Tehran)-Waaxda dekadaha Iiraan ayaa sheegtay in dowlada Ingiriisku ay sii deyn doonto markab shidaal oo ay hore u qabsatay, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen macluumaad la xidhiidha sii deynta Markabkaan. Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku waajahnaa wadanka Suuriya. Guddoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo salaasa ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 ayna rajo ka Qabaan. Mr Jalaal ayaa intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin. Dowlada UK ayaa sheegtay iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday millatariga Suuriya. Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in ayna sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan. Source
  3. Baydhabo (PP) ─ Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka. Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah. Sidoo kale, Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Somalia, C/laahi Bile Nuur ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya. Madaxweyanaha Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka. Ugu dambeyn, Shirkan oo seddex casho ah ka socon doona Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galaya ka faa’iideystayaasha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shir looga tashanayo Isgaarsiinta Somalia oo Maanta ka Furmay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xalay lagu dhowaaqay islamarkaana maanta lagu dhaariyey Kismaayo. Madaxweynahu wuxuu xubnahan cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajeeyey in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan. Dhamaan shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Axmed Madoobe waxa uu intaas ku daray in amaanka iyo midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Fannaanka Caanka Ah Ee Cawaale Aadan Qado-sharaf Loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Washington)-Waxa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xidhiidha in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi. Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious ) ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola. Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo reer Koongo ah, halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi, waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ka dib markii la ogaaday inay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 . Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola, isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi. Source
  7. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweynahu wuxuu xubnahan Cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan. Dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah Hay’adahooda Dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in amaanka iyo Midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland. Goobjoog Neews Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay leeg tahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019. Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda hore ugu jiray. Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilican yahay, sida in loo hanjabo carruurtiisa ama qof uu jecel yahay, halkan hoos ka DAAWO barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf Source
  9. Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka. Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya. Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay ma skaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka. Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay kulan magaalada Makka ee dalka Sucudiga ku dhex-maray wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasirro ka tirsan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa qoraal u baahiyay ku yidhi “Galad Eebe weeye dhawaaqa wasiir Byle iyo dhulkii barakaysnaa ka soo yeedhay. midnimo, gobanimo iyo horumar weeye geedigu. Rayn-raynta iyo farxada ka muuqata odayaasha ayaa tilmaan ka bixinaysa saadasha wacan eey soomaali filayso. Waxa kale oo iyana sawirkan ka maqan kumaananka kun ee soomaaliyeed ee ka kala yimi waqooyi iyo koonfurba, ee isku weheshanayey, intii ay gudanayeen acmaashooda, isku basaboor ahaa , isku af ahaa isna garab sanayey.” Source
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan. Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah, ayada oo shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland
  12. Madax-dhaqameedka beelaha West Burco Clan Madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu nabad ku soo afjaro arrinta kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Dawlada Somaliyeed ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweysay uguna hambalyeysay xubnaha cusub ee Barlamaanka 2aad ee Maamul Goboleedka Sonmaliyeed ee Jubbaland,kuwaas [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dhacdadii Shalay Ee Ceelafweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Orodyahanka caalamiga ah ee Maxamed Faarax oo u dhashay Somaliland, ayaa shacabka Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin munaasibada ciidal Adxaha awgeed. Orod yahankanka caalamiga ah ee oo la hadlayay warbaahinta ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibada ciida Adxada, waxaanu Alle uga baryey inay ku noolaadaan nabad iyo horumar. Orod yahankan Maxamed Faarax oo u orda dalka Ingiriiska haystana bilado kala duwan, oo u ka soo hooyey tartan dhanka orodka ah oo caalmiya, waxaanu dhigay rikoodho badan oo ay ka mid yihiin 5000km iyo 10.000km. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay kulan ay Magaalada Barakaysan ee MAKKA ee dalka Sucuudiga ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya. Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Sawirkaa ay Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ka soo wada muuqdeen oo hadal-hayn badan ka dhex abuuray Bulshada ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafaddu Su’aal ka waydiisay siduu u arko arrintaasi. Guddoomiye Cirro oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Soomaaliya ayaa yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’.’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland, Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay..” Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qabsoomida doorashooyin iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Riyadh)-Jabhadda ay IRAN taageerto ee Xuutiyiinta ayaa Weerarray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Magaalada Apha ee boqortooyada Sucuudiga. Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta ayaa waxay Xuutiyiintu u adeegsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Telefiishanka Xuutiyiinta ee Al-masirah Tv. Ilaa hadda Warbaahinta Sucuudigu ma sheegin War la xidhiidha Weerarka xuutiyiintu sheegeen inay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Abha, mana jiro Masuul Sucuudiyiin ah oo ka hadlay. Xuutiyiinta oo Maamula Sanca iyo Dhul badan oo Yemen ah ayaa Weerarrada ay la beegsadaan Garoommada diyaaradaha ee Sucuudiga iyo meelaha kale ee Dalkaasi, waxay jawaab uga dhigayaan Duqaymaha Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku hayaan Fadhiisimadooda Gudaha Yemen. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weerarrada noocan ahi sii murginaya Wada-xaajooyada Qaramada Midoobay Gadh-wadeenka ka tahay ee la doonayo in lagu wada hadashiiyo Xuutiyiinta iyo Dawladda uu Sucuudiga iyo Xulafadiisu taageeraan ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdurabbi Haddi. Weerarrada dhanka Cirka ee Xulafada reer Galbeedku taageero ee Sunniyiinta uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa Yemen ka bilaabmay sannadkii 2015-kii, illaa xilligaana waxay isku dayayaan inay awoodda Yemen dib gacanta ugu soo geliyaan Dawladda cusub ee Cabdurabbi Haddi, ka dib markii awoodda dalkaasi gacanta u gashay Xuutiyiinta oo taageerada ka hela IRAN. Ugu dambayn, Weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka Abha oo ku yaalla Koonfurta galbeed ee Sucuudiga, ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, inkasta oo ay weli xilli hore tahay. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019. Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray. Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay. Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda. Xubin horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Al-Shabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Galka-Baarista.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Xukuumadda Puntland ayaa hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland waxaana ay Puntland raja wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan. Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah waxaana ay shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Jubaland appeared first on Puntland Post.
  20. (SLTBurco)Afayeenka Dhaqanka Beelaha Biciida Oo Sikulul Uga Hadlay Dadkii Lagu Laayey Ceel-Afweyn Fariina Udiray Madaxweyne Biixi. Source
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa mar kale ka hadlay doodda Kenya ay muranka ku gelineyso biyaha Soomaaliya. Adam Barre Ducaale oo dhowaan baarlamanka Kenya horgeeyey qaraar ciidamo lagu geynayo dhuul-badeedkaas, ayaa sheegay in marnaba uusan oggolaaneyn in taako ka mid ah biyaha ama dhulka Kenya ay qaadato dowlad deris la ah Kenya, sida Soomaaliya, Itoobiya ama Koofurta Suudaan. Adam Barre ayaa sheegay in uu isagu yahay qofka saddexaad ee ugu sarreeya dalka Kenya dadka Soomaalida ah faa’iidada ay ku qabaan Kenyan aysan ku qabin dalalka deriska ah. Waxaa uu sheegay in madaxda Soomaalida ah ay inta badan degganyihiin Nairobi, xaasaskooda iyo Ganacsigoodana ku yaallo Kenya. Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa yiri “aniga maalinkii waxaan ahay Kenyan habeenkiina waxaan ahay Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale habeenkii waa is wacnaa, waa wada shaahi karnaa”. Waxaa uu raali gelin ka bixiyay hadalkii uu todobaadkii hore sheegay oo uu xusay in dad badan ay si kale u fasireen, isaga oo sheegay in arrintan la xallin doono. Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaatay madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ama madaxwenaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay in maalintii u dhasheen dalalkooda habeenkiina Soomaali yihiin. Caasimada Onlinbe Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Ocean stars under-15 football team have left the country on Tuesday for Eritrean capital, Asmara. Source: Hiiraan Online
  23. Some Muslim pilgrims who were to travel to Hajj in Saudi Arabia have lost over Sh12 million ($120,000) to a Nairobi-based agent. Source: Hiiraan Online
  24. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo guddiga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa munaasabad Soo dhaweyn ah u sameyay 57 arday oo ka mid ah ardaydii u fadhiisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2017/2018 oo deeq waxbarasho ka helay dalka Masar. Munaasabada ayaa waxa joob joog ka ahaa Aagaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan masuuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar gudiga ardayda Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casumay . Agaasimaha tacliita sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda Soomaaliyeed u rajeyay guul iyo in ay ka soo dhalaalan waxbarashadooda ah. Dalka Masar ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dhanka waxbarashada ka taageera Soomaaliya,waxaana jira arday badan oo Soomaaliyeed,kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax uga barta dalkaasi Masar,waxaana soo wehliya wadamada Suudaan iyo Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay korortay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerar ay shalay malayshiya-beeleed hubaysan ku qaadday gudaha degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo si wadajir ah shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay ayaa sidoo kale sheegay in dad loo soo qabtay weerarkaasi. Waxa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen meelaha laga abaabulo dhibaatada ka taagan Ceel Afweyn iyo cidda ay ku tuhmayaan in ay ka dambayso hurinta colaadda ka aloosan halkaasi ee u dhexaysa labada beelood. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee labada wasiir oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Somaliland oo shaacisay koror ku yimid dadkii ku dhintay weerarkii Ceel Afweyn iyo cidda loo soo qabtay appeared first on Puntland Post.