Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,270
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heerkii ugu danbeeyay ee la-tashiyada cidii loo magacaabi lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho la leh waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kale bulshada. Wararka ayaa sheegaya in la filaayo in todobaadkaan dhamaadkiisa lagu dhawaaqo guddoomiyaha cusub oo murashaxiin dhowr ah dadaal ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen. Warar aad loogu kasloon yahay ayaa sheegaya in la filayo in seddax cisho gudahood madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku magacaabo digreeto mas’uulka cusub ee qaban doona xilka gobolka Banaadir. Murashaxiin cusub ayaa kusoo biiray kuwii hore, waxaana murashaxiinta soo muuqday ka mid ah wasiirka ganacsiga iyo warshadahaha Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo saacadihii u danbeeyay la hadal hayay, inkastoo aysan muuqan ilaa hadda olole xooggan dhinaca wasiirka ka socda, hase ahaatee xarunta madaxtooyada aad looga hadal haayo. Waxaa sidoo kale xubno loolanka soo galay isna ka mid ah xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, iyo siyaasiga Cabdi Jiinoow. Shaqsiyaadka horey loolanka ugu jiray ayaa waxaa ka mid ahaa, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo hadda ah La-taliyaha dhinaca dharciga ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, horayna usoo noqday guddoomiyihii guddigii doorashooyinka ee baarlamaanka xiligaan. Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa Axmed Maxamuud Washington oo hadda ah maareeyaha dekadda Muqdisho, isagana rajadiisa in xilkaan loo magacaabo waxaa la leeyahay aad ayey u sareysaa, wuxuuna saaxiib dhow la yahay madaxweyne Farmaajo. Washington wuxuu horay ugu mid ahaa murashaxiintii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka hor intaan loo magacaabin allaha u naxariistee Yariisoow, hase ahaatee markii danbe loo magacaabay maareeyaha dekadda Muqdisho. Waxaa sidoo kale, murashaxiinta ka mid ah agaasimaha Gaadiidka Cali Gacan Gaaboow, Cumar Qaanso, guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilka laga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amray in la sii daayo ilaa shan qof oo ku eedeysan musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ku jiray xabsiga dhexe. Mas’uuliyiinta la sii daayay waxaa ku jira madaxa canshuuraha qaadka ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdi Maalik Yuusuf iyo afar qof oo kale oo la shaqeynayey. Dadkaan ayaa todobaadyo ka hor la xiray kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq xoog leh oo la sheegay in ay ka geesteen canshuurta qaadka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”. Mudadii ay xirnaayeen waxay mar ka soo muuqdeen maxkamadda gobalka Banaadir, laakiin ma jirin xukun maxkamadeed oo ku dhacay waxaana wali socotay dooda eedeymahooda. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dadkaan qaarkood kula kulmay xafiiskiisa isagoo ka dalbaday in ay u hogaasamaan amarada dowladda islamarkaana aysan qalad u arkin mudadii ay xirnaayeen. Caasimada Online ayaa ogaatay in ra’iisul wasaare Kheyre uu ragaan ku qanciyay in aysan dib ugu laabaan xafiisyadii ay markii hore joogeen oo ay ka war sugaan amaro kale oo soo bixi doono. Si gaar ah waxaa la sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan gaar ah la qaatay Cabdi Maalik Yuusuf, waxaana la sheegay in uu ku qanciyay in uusan bilaabin dagaal ka dhan ah xukuumadda maadaama idaacadiisa Shabeelle lagu yaqaano in ay barnaamijyo ka sameyso shaqooyinka dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay kulan ay habeen hore ku yeeshen dalka Sacuudiga Madaxweynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Guddoomiye Ciro ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid soo if-bixinaya waxyaabo uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku dhaleeceyn jirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Ciro ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulankaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn midnimada shacabka Somaliland ee rabitaanka gooni isu-taagooda, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba ka xisbi ahaan aysan ka surobin inay dhahaan qof Somalilander ah waa Soomaali weyn. “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Ciro. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Marka hore UMADAHA ISLAAMKA IYO Shanta Somaliyeedba waxa aan leeyahay CIID WANAAGSAN KU WADA CIIDA CAAFIMAAD SAN. Waxan u baryeyaa bulshada somaliland khayer bash bash iyo barwaaqo ku wada noolaasho CADAALAD IYO SINAAN. nimcada nabada tiirarkeedu waa xaq soor iyo cadaalad lagu dhaqo bulshada walaalo xigto iyo xigaal wada ah ee ku wada dhaqan SOMALILAND taasi oo lagu gaadhi karo GUUL GOBANIMO IYO HORU MAR xadiis baa odhanaya (WAXAAD NAFTAADA LA JECLAATO WALAALKAANA LA JECLAW) waxan qabaa dulum ku jiqsii ka cadgooso cadaawad mooyee caano iyo nabad dhalimayso waxan kula talinayaa inta maanta amaanada SOMALILAND xambaarsan xil culus baa saaran ha dayicin amaanada umada u cadaalad fal if iyo aakhiro waad ku liibaani dalkuna guul iyo barwaaquu ku gaadhi himiladeenuna waxay dhali khaatumo khayer DAL MIDAYSAN DAD MIDAYSAN IYO RAALI ALLAHA WEYEN. WAXAN U RAJAYNAYAA SL NIMCADA NABADA AH EE EEBE INAGU GALADAY IN AYNU XOOJINO OON XAQSOOR KU ILAALINO. GOLAHA GUURTIDA IYO HAWL MAALMEEDKOODA WAA MAXAY. =================================================== waxa ka jira Gola guurti (S.LAND UPPER HOUSE COUNCIL). waxa uu ka koobanyahay 80 xubnood iyo wax ka badan loogu magac daray aqalka sare ee somaliland waa oday dhaqameed lagu aas aasy duqay loogu talo galay xalinta xiisadaha iyo khilaafyada la soo dersa bulsha weyenta somaliland shacab ahaan iyo moronada ka dhasha axsaabta iyo xukuumada dalka. waxay u xaadiraan mishaaro aad u badan oo gaadha kumanaan doolar xubintii keliyaba shaqa maalmeedkoodu waa jiifoo jaq wax hawl qaran oo muuqda ma jiro aan magac u yaal ahayen waxay kayed u ahaayeen maalinta ay taagantahay yaa maalijiray iyo ismari waa in ay koofiyada iyo cumaamda soo xidhaan xeerbeegtinmo xaajada dhabarka u ritaan GEEDKA NABADA la tagaan rogrogaan gurfeeyaan XAAJO AAN LA ROG ROGIN RAGBAAN HELIN xal cadaaledeed ka soo saaraan gartana guul biyo kama dhib ku dhamays tiraan. may dhicin dhangoodii way gabeen gola guurtidu. BAL ILA DHAWR AKHRISTOW. 1.WAXA GOLAHA GUURTIDA LOOGA FADHIYEY IN AY SOO AFJARAAN MORANKII DABA DHEERAADAY EE IS MARIWAAGA AXSAABTA QARANKA KU SUNTANAA KOMISHANKA HALA KAL DIRO IYO MAYA SADEX SANO AYUU IS MARI WAAGAASI TAAGNAA WAA SHAQADII GOLAHA GUURTIDA XALINTA AMUURTAA MAY DHICIN. WAXA SOO AFJARAY NIN IYO NAAG REER ENGRIIS AH WAA NASIIB DARO GUURTIDA DUL HOGANAYSA. 2.DAGAALADA IYO DHIIGBAXA KA QUBANAY SANAAG( CEEL AFWEYEN IYO GAR ADAG) WAA SHAQADII GUURTIDA MAY HOLAN WAA GUULDARO KU SUNTAN GUURTIDA. DHIIGAAS OO WELI QUBANAYA DAREEN GUURTIDA AANU MUUQAN WAA NASIIB DARO. JABHADII WABAR,KHAATOUMO, IYO CAARE HADALKEEDA DAA. SUAASHU WAA WAAR MAXAY MEESHA U FADHIYAAN EE AY KUMANAANKA DOOLAR BISHII KU QAATAAN. ARINKOODU WAA (MEESHA KAMA TAGE WAXNA KAMA TARE). 3.DORASHOOYINKII GOLAYAASHA 13 JIRSADAY HADALKOODABA DAA XAALKOODU WAA SIDAAN RABAY. XAALKOODU WAA (NIN DEMBI UU BADHLEEYAHAY BAL DAWEE LA LEEYAHAY IN LA DAARO MA OGOLA). BULSHO IYO MAAMULBA HOOS HALOO EEGO FAAIIDADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND WAA RAMBAS GROUP. XAQ U DIRIR, MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
  5. BERBERA, SOMALILAND — To depart Mogadishu’s heavily-armed international airport — Somalia’s “green zone” — is an expensive prospect. Decades of lawlessness and instability in Mogadishu make insurance almost impossible. Few foreigners will pass outside the airport’s heavily fortified walls without armored cars and multiple personal security contractors. Most diplomats in Somalia (including America’s and Europe’s) are either sequestered inside the airport or remain in Kenya. But Berbera is a different story. The main port in the northern region of Somaliland is thriving. New hotels are opening. Locals and foreigners intermingle on the beach, and both men and women gather on doorsteps and in tea houses in the evening to watch football, gossip, or shop. In Somaliland’s capital Hargeisa, money changers leave bundles of cash unattended as crime is so low. While al-Shabaab repeatedly strikes deep into Mogadishu and Kismayo, there has not been a terrorist attack in Hargeisa in more than a decade. While President Bihi’s government in Somaliland controls approximately 50,000 square miles of territory, President Farmajo in Mogadishu has secured only around 50,000 square feet, equivalent to the grounds of Villa Somalia, Somalia’s heavily-fortified White House. According to the State Department’s travel warning, there is no difference between the two regions. “Do not travel to Somalia due to crime, terrorism, kidnapping and piracy,” it warns. It declares violent crime pernicious across regions, and continues to warn about piracy, even though Puntland’s pirates have not captured a single ship in more than two years, and Somaliland’s coast guard has never permitted piracy off its 450-mile coast. The hill Qaran News
  6. Said Sheik-Abdi describes himself as “one of the Somali-Americans residing in Minneapolis, Minnesota.” The state has 52,333 people who report Somali ancestry — the largest concentration of Somalis in America — and many live in the Twin Cities. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saacado qaatay oo dorraad ka dhacay degaanka Shaam oo hoos-taga degmada Adheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Dagaalkaan ayaa waxaa u dhaxmaray ciidamada milateriga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar, ururka 66aad hurintiisa 3aad ee qaabilsan sahanka iyo gaaf-wareegga islamarkaana u tababaran sida kumaandooska Soomaaliya. Militariga dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howl-galka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen xubno uu kamid yahay Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo ah af-hayeenka Al-Shabaab. Warka dhaawaca Cali Dheere ayaa waxaa shaaciyey idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA Radio. Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaaca Cali Dheere uu yahay mid culus, islamarkaana lagu hayo degaan hoosyimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada qalabka sida ee dhaawaca Cali Dheere. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan. Sida ay wararku sheegayaa Al-Shabaab ayaa ka war helay dagaal xoog leh oo loo adeegsaday hub culus iyagoo galbaniyay kolonyo gaadiid ah uu la socda af-hayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere waxaana la sheegayaa in aysan Al-Shabaab ciidamada dowladda ku ogeyn degaanka oo loo galay wado ku taala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Somaliland: Parliament Breaks Records For Longest Sitting Without Elections The current Somaliland House of Representatives has surpassed the previously held record by the “Long Parliament” of the 17th century between 1640-1653. That parliament which sat during the English Civil War, held the trail and execution of King Charles I and was forcibly evicted by the soldiers of Oliver Cromwell in 1653. The “Long Parliament” sat for 3,322 days. The current Somaliland House of Representative was elected in 2005 and it’s mandate expired in 2010, but has been sitting on extension after extension for 14 years, that is 5110 days and counting. There is doesn’t seem to be an end in sight. With the announcement by the discredited Somaliland National Elections Commission, (NEC) that the vote scheduled for December 12th, 2019 will not take place, this will most assuredly ensure that the current Somaliland parliament will enter the annals of history as the longest in living memory. This is not something to be proud of, if we are serious about our democratic progress and credentials. We need to hold elections as soon as possible, for the sake of the nation, for the sake of peace, stability and progress. If, Somaliland is unable to live up to it’s well earned reputation as “a small miracle in a region of mayhem”, then the country is in peril. Qarannews.com Qaran News
  9. Xisbiga UPD ayaa ahaa xisbigii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee u hambalyeeya xulista iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka Jubbaland, Xisbiyada UPD waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah iyo hey’adaha amniga iney dhowraan dastuurka, kana digtoonaadaan faragelin toos ah iyo mid dadnan. Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa axsaabtii ka hambalyeysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland ayaa dhankiisa cambaareeyey ficilo ay sheegeen in hoggaanka sare ee DF ku doonayo inuu xasilooni darro ka abuuro Jubbaland. Xisibiga Himilo Qaran ayaa soo dhoweyn kadib waxaa uu ugu baaqey Jubbaland iney ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amniga. Dhinaca kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo dhoweysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland iyada oo ku boorisay xildhibaannada in doorashada guddoonka iyo madaxweynaha u qabtaan si daah furan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa taageeray xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland maanta loo dhaariyey, ayaga oo soo saaray warsaxaaafdeedyo kala duwan. Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, kan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir iyo midka Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayaa dhammaantood taageeray xildhibaanada ay dhaariyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedyada Warsaxaafadeedka xisbiga UPD Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Jubaland ee maantey lagu dhaariyey. magaalada Kismaayo caasimadda ku meelgaarka ah ee DG Jubaland, tallaabadaas oo aheyd mid horey loo qaadey Isla markaana bilow u ah in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Jubaland ay waqtigeedii ku qabsoonto. Waxaa sidoo kale xisbiga UPD uu bogaadinayaa hawsha ballaaran ee illaa iyo hadda ay qabteen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland iyo sida ay uga dhabeeyeen jadwalkii ay horey u degsadeen ee tilmaamayey geedi-socodka doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland. Xisbiga UPD oo cuskanaya qodobka 120-aad ee dastuurka dalka ee qeexaya in dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu ay yihiin awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaaminayo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada, waxaan madaxda dawladda federaalka iyo laamaha amniga uga baaqaynaa in ay dhowraan dastuurka dalka, kana digtoonaadaan faragalin toos ah iyo mid dadban intaba, taasoo horseeda karta xasilooni darro ka dhacda deegaanadaas oo fursad siisa kooxaha argagixisada ah. Warsaxaafadeedka xisbiga Himilo Qaran WARSAXAAFADEED. 13/08/2018 Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee uu ku dhawaaqay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland taariikhdu markay aheyd 12/08/2019. Xisbigu wuxuu bogaadinayaa shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo Xisbigu ku baaqayo in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah. Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo . Dhammaad Warsaxaafadeedka xisbiga Wadajir
  11. Hay’adda Somali relief Network ayaa maalintii 3-aad oo xiriir ah, waxa ay xoolo kamid ah Ulxiyadii ciidda Carrafo ka qaybibaysay, qaar kamid ah kaamamka dadka danyarta iyo barakacayaasha ah ee magaalada Garoowe. Maanta oo ay ahayd maalinti 3-aad ee ciidul-Adxaa, ayaa hay’addu 20 neef oo ari ah iyo 3 neef oo geel ah, waxay gaarsiisay dadka danyarta ah ee kunool kaamka Jillab ee duleedka magaalada Garoowe. Ulxiyadan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya in ka badan 700 oo qoysas danyar ah, sida ay Puntlandpost u sheegeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa hay’adda samafalka ee Somali relief Network. Bulshadi ka faa’iidaysatay qaadashada ulxiyada, ayaa hay’adda uga mahadceliyey taageerada ay marwalba u fidiso dadka danyarta ah, waxaana ay sheegeen inay aad uga farxisay maalmaha ciidda. Hoos ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Hay’adda Relief oo maalintii 3-aad oo xiriir ah Ulxiyadii u qeybisay barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa kulan Duco iyo Dardaaran ah iskugu yimi bulsho weynta Soomaaliyeed ee dalka kenya, Kulankaasi oo loogu duceynayey gudoomiyihii hore gobolka Banadir ahaana Duqo muqdisho Mudane Cabdiraxmaam Cumar Cismaam Eng Yariisow iyo dhammaam masuuliyiintii kale ee kula geeryootay mashqadii gobolka Banadir ka dhacday 24 bish luulyo 2019. Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Xildhibaanada labada aqal, wasiiro ka tiran golaha xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Wasiiro Hore, Xildhibaano Hore, Danjirayaal Hore Iyo Saraakiil Sar sare oo xooga dalka Soomaaliyeed ah. Kulanka intiisa badan waxaa loogu duceeyey marxuumintii ku geeryooday qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir Waxaa kale kulanka inta uu socoday masuulyiinta khudbadaha jeedinayaa ay la dardaarmeen Ducada kadib xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed si arintaa oo kale mar danbe aysan u dhicin isla markaasna jawaab waafi ah loo helo wixii gobolka ka dhacay. Ma aheyn wax la aqbali karo ina gobolka Banadir oo ah xaruunta labaad ee Calanka jamhuuriyada uu suran yahay markii laga soo tago Xaruunta kowaad jamhuuriyada Filla Soomaaliya, in si sahal ah inta loo galo masuulyiin qiimaha ay qaranka ugu fadhiyaan la ogyahay in si fudud loo laayo kadibna afka la qabsado wax la aqbali karo ma ahan. Intaa kadib waxaa ay musliyiinta iyo shacabka soomaaliyeed ee kulan ducada iyo dardaaranka ah iskugu yimi ay iskula dardaarmeen in nabaad iyo midnimada umadda Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Gudoomiyaha Madasha Kulmiye Mudane Cabdullaahi Mahdi ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabka iyo Masuulyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay kulan Ducada iyo Daraaranka ah ee ay Madasha Kulmiye soo qabanqaabisay.
  13. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir iyo Himilo ayaa ka hadlay xildhibaannada la dhaariyay ee Jubbaland, iyagoo xubnaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland u rajeeyay inuu RABBI u fududeeyo hawlaha loo xil-saaray. Axmed Madoobe ayaa xubnahan cusub ee ka mid noqday baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u rajaynayaa inuu ALLE la garab-galo mas’uuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen, taasoo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku fara-adeygid mudan. “Shacabka Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inay garab-istaagaan mid ka mid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taasoo waddada u xaarysa qaybaha ka dhiman oo ay doorashada gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu horreeyaan,“ ayuu yiri Madaxweyne Madoobe. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. in amniga iyo midnimada guud ee Jubbaland la adkeeyo oo shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taasoo raad qurux badan u noqonaysa dowlad-nimada iyo dimuquraadiyadda Jubbaland. Dhanka kale, Xisbiiyada Himilo iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhankooda u rajeeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland inuu ALLE la garab-galo xilka dusha loo saaray, iyagoo xildhiabannada ka dalbaday inay xoojiyaan sidii ay u heli lahayd Jubbaland hoggaan wanaagsan. “Xisbiga Wadajir wuxuu cambaareynayaa ficillada aan wanaagsanan ee ay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka ah uu ku doonayo in Jubbaland ay uga abuuraan xasillooni-darro. Waxaana uga digaynaa inay ka waantoobaan inay carqaladeeyaan doorashada Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan maanta kasoo baxay xisbiga Wadajir. Waxaa kaloo war-saxaafadeed uu arrinta uga hadlay soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, waxayna ugu mahad-celiyeen guddiga doorashada Jubbaland, iyagoo sheegay in dadaalka ay ku bixyeen inay soo xulaan xildhibaanno ay ugu bixiyaan in si hufan loosoo doorto xilka madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Jubbaland. “Doorashada soo socota waxaan ku baaqaynaa inay u dhacdo si hufan oo xalaal ah, waxaana shacabka Jubbaland iyo hoggaankooda ugu baaqaynaa inay adkeeyaan amaanka guud ee Kismaayo iyo deegaannada kale, si ay u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran. Ugu dambeyn, Musharraxiinta u tartamaya doorashada Jubbaland ayaa soo saaray dhankooda liis kale oo ay sheegeen inay yihiin xildhibaanno, inkastoo lagu tilmaamay kuwo aan sharci ahayn, waxaana la sugayaa qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxweynaha Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Madoobe iyo Xisbiyo ka Hadlay Xildhibaannada la Dhaariyay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Dadkii Shalay Lagu Dilay Deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Tehran)-Waaxda dekadaha Iiraan ayaa sheegtay in dowlada Ingiriisku ay sii deyn doonto markab shidaal oo ay hore u qabsatay, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen macluumaad la xidhiidha sii deynta Markabkaan. Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku waajahnaa wadanka Suuriya. Guddoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo salaasa ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 ayna rajo ka Qabaan. Mr Jalaal ayaa intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin. Dowlada UK ayaa sheegtay iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday millatariga Suuriya. Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in ayna sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan. Source
  16. Baydhabo (PP) ─ Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka. Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah. Sidoo kale, Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Somalia, C/laahi Bile Nuur ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya. Madaxweyanaha Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka. Ugu dambeyn, Shirkan oo seddex casho ah ka socon doona Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galaya ka faa’iideystayaasha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shir looga tashanayo Isgaarsiinta Somalia oo Maanta ka Furmay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xalay lagu dhowaaqay islamarkaana maanta lagu dhaariyey Kismaayo. Madaxweynahu wuxuu xubnahan cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajeeyey in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan. Dhamaan shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Axmed Madoobe waxa uu intaas ku daray in amaanka iyo midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Fannaanka Caanka Ah Ee Cawaale Aadan Qado-sharaf Loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Washington)-Waxa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xidhiidha in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi. Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious ) ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola. Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo reer Koongo ah, halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi, waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ka dib markii la ogaaday inay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 . Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola, isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi. Source
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweynahu wuxuu xubnahan Cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan. Dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah Hay’adahooda Dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in amaanka iyo Midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland. Goobjoog Neews Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay leeg tahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya. Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019. Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda hore ugu jiray. Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilican yahay, sida in loo hanjabo carruurtiisa ama qof uu jecel yahay, halkan hoos ka DAAWO barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf Source
  22. Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka. Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya. Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay ma skaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka. Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay kulan magaalada Makka ee dalka Sucudiga ku dhex-maray wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasirro ka tirsan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa qoraal u baahiyay ku yidhi “Galad Eebe weeye dhawaaqa wasiir Byle iyo dhulkii barakaysnaa ka soo yeedhay. midnimo, gobanimo iyo horumar weeye geedigu. Rayn-raynta iyo farxada ka muuqata odayaasha ayaa tilmaan ka bixinaysa saadasha wacan eey soomaali filayso. Waxa kale oo iyana sawirkan ka maqan kumaananka kun ee soomaaliyeed ee ka kala yimi waqooyi iyo koonfurba, ee isku weheshanayey, intii ay gudanayeen acmaashooda, isku basaboor ahaa , isku af ahaa isna garab sanayey.” Source