Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,280
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taasi oo u dhaxeysa beello walaalo ah oo wada deggan degmada Ceel-afweyn. C/risaaq Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in xiisadda ka taagan degmadaasi ay ka dhalatay dad shacab ah oo lagu dilay halkaas. Wuxuu sheegay in xilli walbo la filan karo dagaallo ka dhaca degmadaasi, maadaama la arkayo maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil oo hub uruursi wada. Marar badan, Ceel-afweyn waxaa ku dagaallamay maleeshiyo beeledyo, iyadoo shacab aan waxbo galabsanna lagu dilay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/cabdireisaaq-oo-kamida-dadka-degmada-ceel-afweyn.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ilaa shalay gelinkii dambe ku sii qulqulaya ergooyinka ka qaybgeli doona shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan guud ahaan maamulka Galmudug. Ergooyinka kala duwan ee ka qayb geli doona shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey xubnaha gudiga qaban qaabada shirkaasi oo dhowaan furmi doona. Waxgaradka iyo isimada dhaqanka Guri-ceel iyo Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka dalbadeen dhaqanka iyo waxgaradka degmooyinka kale ee Galmudug inay ka soo qayb galaan shirka gogoshiisu taal Dhuusamareeb. Waxaa siweyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb oo uu 17 bishaan ka furmi doono shirka dibu heshiisiinta ee beelaha degan maamulka Galmudug xilli ay weli beelaha qaar diidan yihiin ka qaybgalkiisa. PUNTLANDPOST The post Ergooyinka ka qaybgelaya shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo Dhuusamareeb ku qulqulaya. appeared first on Puntland Post.
  3. DOHA, Qatar — After months of negotiations between the United States and the Taliban, both sides have signaled that they are nearing an initial peace deal for Afghanistan Source: Hiiraan Online
  4. Jyske Bank will effectively pay borrowers 0.5% a year to take out a loan Source: Hiiraan Online
  5. AMPANG: Three years ago, Muhammad Ali Buwe fled the terror of war and death in Somalia, arriving on the shores of Malaysia in the hope of building a new life here. Source: Hiiraan Online
  6. Top cabinet ministers of Somalia including the Foreign Affairs and Finance Ministers met and took a photo with a Somaliland delegation Source: Hiiraan Online
  7. The mother of a 12-year-old girl who drowned has claimed institutional racism within the police means the family may never know how she died. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan wali shaqa bilaabin guddigii badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka, kuwaas oo ka koobnaa 11 xubnood oo 8 kamid ah ay yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Guddigaan oo 10-kii bishii January markii lagu dhawaaqay laga dalbaday in ay si deg deg ah tiro koob ugu sameeyaan hantida qaranka ee maqana iyo dadka ay gacanta ugu jirto, islamarkaana lagu wareejiyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa ilaa hadda shaqa bilaabin waxaana la sheegay in lagu amray in ay joojiyaan arrimihii loo diray. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta saee ee Soomaaliya xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana sidoo kale katirsan wasiirada maaliyadda, howlaha guud, dekadaha, amniga, arimaha gudaha, shaqada & shaqaalaha, kaluumeysiga iyo guddoomiyihii ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Caasimada Online ayaa ogaatay in guddigaan markii horaba loo magacaabay in ay dagaal toos ah la galaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo sidoo kale ah ganacsato maalqabeeenna ah kuwaas oo ku kacsanaa xukuumadda Kheyre. Xildhibaanadaan dartood loo magacaabay guddigaan ayaa ku ganacsada dhul iyo guryo ka mid ah hantida maguurtada ah ee qaranka waxaana la sheegay in markii dambe ay heshiis la galeen xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Kheyrre. Waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in xildhibaanada ay joojiyaan mucaaradnimada xukuumadda, abaabulka iyo kicinta xildhibaanada iyo mooshinada xukuumadda ka dhanka ah iyo dhamaan wax kasta oo ka hor imaan kara danaha xukuumadda oo ay ku jirto ka imaanshiyaha sharciyada iyo xeerarka xukuumadda wadato. Haddii ay intaas fuliyaan ayaa dhankooda loo balan qaaday in laga joojinayo beegsiga dhulka ay dagan yihiin iyo guryaha danta guud, iyo sidoo kale curyaaminta ganacsigooda iyadoo labada dhinac heshiiyadii ay galeen ay si rasmi ah u dhaqan galeen sida ay ogaatay Caasiamda Online. Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah guddigaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in heshiisyadaan lagu kala saxiixday madaxtooyada Soomaaliya islmarkaana ay soo kar kariyeen ka hor inta aysan la fariisan wakiilo ka socday xafiiska Kheyre iyo kan madaxweynaha. Waxaa muuqata in aysan dhinacyada ku heshiinin danta guud balse ay ku heshiiyeen dano u gaar ah taas oo dhabar jab ku ah rajada dowladnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heerkii ugu danbeeyay ee la-tashiyada cidii loo magacaabi lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho la leh waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kale bulshada. Wararka ayaa sheegaya in la filaayo in todobaadkaan dhamaadkiisa lagu dhawaaqo guddoomiyaha cusub oo murashaxiin dhowr ah dadaal ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen. Warar aad loogu kasloon yahay ayaa sheegaya in la filayo in seddax cisho gudahood madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku magacaabo digreeto mas’uulka cusub ee qaban doona xilka gobolka Banaadir. Murashaxiin cusub ayaa kusoo biiray kuwii hore, waxaana murashaxiinta soo muuqday ka mid ah wasiirka ganacsiga iyo warshadahaha Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo saacadihii u danbeeyay la hadal hayay, inkastoo aysan muuqan ilaa hadda olole xooggan dhinaca wasiirka ka socda, hase ahaatee xarunta madaxtooyada aad looga hadal haayo. Waxaa sidoo kale xubno loolanka soo galay isna ka mid ah xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, iyo siyaasiga Cabdi Jiinoow. Shaqsiyaadka horey loolanka ugu jiray ayaa waxaa ka mid ahaa, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo hadda ah La-taliyaha dhinaca dharciga ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, horayna usoo noqday guddoomiyihii guddigii doorashooyinka ee baarlamaanka xiligaan. Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa Axmed Maxamuud Washington oo hadda ah maareeyaha dekadda Muqdisho, isagana rajadiisa in xilkaan loo magacaabo waxaa la leeyahay aad ayey u sareysaa, wuxuuna saaxiib dhow la yahay madaxweyne Farmaajo. Washington wuxuu horay ugu mid ahaa murashaxiintii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka hor intaan loo magacaabin allaha u naxariistee Yariisoow, hase ahaatee markii danbe loo magacaabay maareeyaha dekadda Muqdisho. Waxaa sidoo kale, murashaxiinta ka mid ah agaasimaha Gaadiidka Cali Gacan Gaaboow, Cumar Qaanso, guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilka laga qaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amray in la sii daayo ilaa shan qof oo ku eedeysan musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ku jiray xabsiga dhexe. Mas’uuliyiinta la sii daayay waxaa ku jira madaxa canshuuraha qaadka ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdi Maalik Yuusuf iyo afar qof oo kale oo la shaqeynayey. Dadkaan ayaa todobaadyo ka hor la xiray kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq xoog leh oo la sheegay in ay ka geesteen canshuurta qaadka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”. Mudadii ay xirnaayeen waxay mar ka soo muuqdeen maxkamadda gobalka Banaadir, laakiin ma jirin xukun maxkamadeed oo ku dhacay waxaana wali socotay dooda eedeymahooda. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dadkaan qaarkood kula kulmay xafiiskiisa isagoo ka dalbaday in ay u hogaasamaan amarada dowladda islamarkaana aysan qalad u arkin mudadii ay xirnaayeen. Caasimada Online ayaa ogaatay in ra’iisul wasaare Kheyre uu ragaan ku qanciyay in aysan dib ugu laabaan xafiisyadii ay markii hore joogeen oo ay ka war sugaan amaro kale oo soo bixi doono. Si gaar ah waxaa la sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan gaar ah la qaatay Cabdi Maalik Yuusuf, waxaana la sheegay in uu ku qanciyay in uusan bilaabin dagaal ka dhan ah xukuumadda maadaama idaacadiisa Shabeelle lagu yaqaano in ay barnaamijyo ka sameyso shaqooyinka dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay kulan ay habeen hore ku yeeshen dalka Sacuudiga Madaxweynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Guddoomiye Ciro ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid soo if-bixinaya waxyaabo uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku dhaleeceyn jirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Ciro ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulankaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn midnimada shacabka Somaliland ee rabitaanka gooni isu-taagooda, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba ka xisbi ahaan aysan ka surobin inay dhahaan qof Somalilander ah waa Soomaali weyn. “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Ciro. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Marka hore UMADAHA ISLAAMKA IYO Shanta Somaliyeedba waxa aan leeyahay CIID WANAAGSAN KU WADA CIIDA CAAFIMAAD SAN. Waxan u baryeyaa bulshada somaliland khayer bash bash iyo barwaaqo ku wada noolaasho CADAALAD IYO SINAAN. nimcada nabada tiirarkeedu waa xaq soor iyo cadaalad lagu dhaqo bulshada walaalo xigto iyo xigaal wada ah ee ku wada dhaqan SOMALILAND taasi oo lagu gaadhi karo GUUL GOBANIMO IYO HORU MAR xadiis baa odhanaya (WAXAAD NAFTAADA LA JECLAATO WALAALKAANA LA JECLAW) waxan qabaa dulum ku jiqsii ka cadgooso cadaawad mooyee caano iyo nabad dhalimayso waxan kula talinayaa inta maanta amaanada SOMALILAND xambaarsan xil culus baa saaran ha dayicin amaanada umada u cadaalad fal if iyo aakhiro waad ku liibaani dalkuna guul iyo barwaaquu ku gaadhi himiladeenuna waxay dhali khaatumo khayer DAL MIDAYSAN DAD MIDAYSAN IYO RAALI ALLAHA WEYEN. WAXAN U RAJAYNAYAA SL NIMCADA NABADA AH EE EEBE INAGU GALADAY IN AYNU XOOJINO OON XAQSOOR KU ILAALINO. GOLAHA GUURTIDA IYO HAWL MAALMEEDKOODA WAA MAXAY. =================================================== waxa ka jira Gola guurti (S.LAND UPPER HOUSE COUNCIL). waxa uu ka koobanyahay 80 xubnood iyo wax ka badan loogu magac daray aqalka sare ee somaliland waa oday dhaqameed lagu aas aasy duqay loogu talo galay xalinta xiisadaha iyo khilaafyada la soo dersa bulsha weyenta somaliland shacab ahaan iyo moronada ka dhasha axsaabta iyo xukuumada dalka. waxay u xaadiraan mishaaro aad u badan oo gaadha kumanaan doolar xubintii keliyaba shaqa maalmeedkoodu waa jiifoo jaq wax hawl qaran oo muuqda ma jiro aan magac u yaal ahayen waxay kayed u ahaayeen maalinta ay taagantahay yaa maalijiray iyo ismari waa in ay koofiyada iyo cumaamda soo xidhaan xeerbeegtinmo xaajada dhabarka u ritaan GEEDKA NABADA la tagaan rogrogaan gurfeeyaan XAAJO AAN LA ROG ROGIN RAGBAAN HELIN xal cadaaledeed ka soo saaraan gartana guul biyo kama dhib ku dhamays tiraan. may dhicin dhangoodii way gabeen gola guurtidu. BAL ILA DHAWR AKHRISTOW. 1.WAXA GOLAHA GUURTIDA LOOGA FADHIYEY IN AY SOO AFJARAAN MORANKII DABA DHEERAADAY EE IS MARIWAAGA AXSAABTA QARANKA KU SUNTANAA KOMISHANKA HALA KAL DIRO IYO MAYA SADEX SANO AYUU IS MARI WAAGAASI TAAGNAA WAA SHAQADII GOLAHA GUURTIDA XALINTA AMUURTAA MAY DHICIN. WAXA SOO AFJARAY NIN IYO NAAG REER ENGRIIS AH WAA NASIIB DARO GUURTIDA DUL HOGANAYSA. 2.DAGAALADA IYO DHIIGBAXA KA QUBANAY SANAAG( CEEL AFWEYEN IYO GAR ADAG) WAA SHAQADII GUURTIDA MAY HOLAN WAA GUULDARO KU SUNTAN GUURTIDA. DHIIGAAS OO WELI QUBANAYA DAREEN GUURTIDA AANU MUUQAN WAA NASIIB DARO. JABHADII WABAR,KHAATOUMO, IYO CAARE HADALKEEDA DAA. SUAASHU WAA WAAR MAXAY MEESHA U FADHIYAAN EE AY KUMANAANKA DOOLAR BISHII KU QAATAAN. ARINKOODU WAA (MEESHA KAMA TAGE WAXNA KAMA TARE). 3.DORASHOOYINKII GOLAYAASHA 13 JIRSADAY HADALKOODABA DAA XAALKOODU WAA SIDAAN RABAY. XAALKOODU WAA (NIN DEMBI UU BADHLEEYAHAY BAL DAWEE LA LEEYAHAY IN LA DAARO MA OGOLA). BULSHO IYO MAAMULBA HOOS HALOO EEGO FAAIIDADA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND WAA RAMBAS GROUP. XAQ U DIRIR, MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
  13. BERBERA, SOMALILAND — To depart Mogadishu’s heavily-armed international airport — Somalia’s “green zone” — is an expensive prospect. Decades of lawlessness and instability in Mogadishu make insurance almost impossible. Few foreigners will pass outside the airport’s heavily fortified walls without armored cars and multiple personal security contractors. Most diplomats in Somalia (including America’s and Europe’s) are either sequestered inside the airport or remain in Kenya. But Berbera is a different story. The main port in the northern region of Somaliland is thriving. New hotels are opening. Locals and foreigners intermingle on the beach, and both men and women gather on doorsteps and in tea houses in the evening to watch football, gossip, or shop. In Somaliland’s capital Hargeisa, money changers leave bundles of cash unattended as crime is so low. While al-Shabaab repeatedly strikes deep into Mogadishu and Kismayo, there has not been a terrorist attack in Hargeisa in more than a decade. While President Bihi’s government in Somaliland controls approximately 50,000 square miles of territory, President Farmajo in Mogadishu has secured only around 50,000 square feet, equivalent to the grounds of Villa Somalia, Somalia’s heavily-fortified White House. According to the State Department’s travel warning, there is no difference between the two regions. “Do not travel to Somalia due to crime, terrorism, kidnapping and piracy,” it warns. It declares violent crime pernicious across regions, and continues to warn about piracy, even though Puntland’s pirates have not captured a single ship in more than two years, and Somaliland’s coast guard has never permitted piracy off its 450-mile coast. The hill Qaran News
  14. Said Sheik-Abdi describes himself as “one of the Somali-Americans residing in Minneapolis, Minnesota.” The state has 52,333 people who report Somali ancestry — the largest concentration of Somalis in America — and many live in the Twin Cities. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saacado qaatay oo dorraad ka dhacay degaanka Shaam oo hoos-taga degmada Adheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Dagaalkaan ayaa waxaa u dhaxmaray ciidamada milateriga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar, ururka 66aad hurintiisa 3aad ee qaabilsan sahanka iyo gaaf-wareegga islamarkaana u tababaran sida kumaandooska Soomaaliya. Militariga dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howl-galka, islamarkaana ay ku dhaawacmeen xubno uu kamid yahay Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo ah af-hayeenka Al-Shabaab. Warka dhaawaca Cali Dheere ayaa waxaa shaaciyey idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee SNA Radio. Idaacadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaaca Cali Dheere uu yahay mid culus, islamarkaana lagu hayo degaan hoosyimaado Degmada Kuntuwaareey Ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada qalabka sida ee dhaawaca Cali Dheere. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan. Sida ay wararku sheegayaa Al-Shabaab ayaa ka war helay dagaal xoog leh oo loo adeegsaday hub culus iyagoo galbaniyay kolonyo gaadiid ah uu la socda af-hayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere waxaana la sheegayaa in aysan Al-Shabaab ciidamada dowladda ku ogeyn degaanka oo loo galay wado ku taala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Somaliland: Parliament Breaks Records For Longest Sitting Without Elections The current Somaliland House of Representatives has surpassed the previously held record by the “Long Parliament” of the 17th century between 1640-1653. That parliament which sat during the English Civil War, held the trail and execution of King Charles I and was forcibly evicted by the soldiers of Oliver Cromwell in 1653. The “Long Parliament” sat for 3,322 days. The current Somaliland House of Representative was elected in 2005 and it’s mandate expired in 2010, but has been sitting on extension after extension for 14 years, that is 5110 days and counting. There is doesn’t seem to be an end in sight. With the announcement by the discredited Somaliland National Elections Commission, (NEC) that the vote scheduled for December 12th, 2019 will not take place, this will most assuredly ensure that the current Somaliland parliament will enter the annals of history as the longest in living memory. This is not something to be proud of, if we are serious about our democratic progress and credentials. We need to hold elections as soon as possible, for the sake of the nation, for the sake of peace, stability and progress. If, Somaliland is unable to live up to it’s well earned reputation as “a small miracle in a region of mayhem”, then the country is in peril. Qarannews.com Qaran News
  17. Xisbiga UPD ayaa ahaa xisbigii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee u hambalyeeya xulista iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka Jubbaland, Xisbiyada UPD waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah iyo hey’adaha amniga iney dhowraan dastuurka, kana digtoonaadaan faragelin toos ah iyo mid dadnan. Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa axsaabtii ka hambalyeysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland ayaa dhankiisa cambaareeyey ficilo ay sheegeen in hoggaanka sare ee DF ku doonayo inuu xasilooni darro ka abuuro Jubbaland. Xisibiga Himilo Qaran ayaa soo dhoweyn kadib waxaa uu ugu baaqey Jubbaland iney ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amniga. Dhinaca kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo dhoweysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland iyada oo ku boorisay xildhibaannada in doorashada guddoonka iyo madaxweynaha u qabtaan si daah furan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa taageeray xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland maanta loo dhaariyey, ayaga oo soo saaray warsaxaaafdeedyo kala duwan. Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, kan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir iyo midka Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayaa dhammaantood taageeray xildhibaanada ay dhaariyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedyada Warsaxaafadeedka xisbiga UPD Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Jubaland ee maantey lagu dhaariyey. magaalada Kismaayo caasimadda ku meelgaarka ah ee DG Jubaland, tallaabadaas oo aheyd mid horey loo qaadey Isla markaana bilow u ah in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Jubaland ay waqtigeedii ku qabsoonto. Waxaa sidoo kale xisbiga UPD uu bogaadinayaa hawsha ballaaran ee illaa iyo hadda ay qabteen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland iyo sida ay uga dhabeeyeen jadwalkii ay horey u degsadeen ee tilmaamayey geedi-socodka doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland. Xisbiga UPD oo cuskanaya qodobka 120-aad ee dastuurka dalka ee qeexaya in dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu ay yihiin awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaaminayo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada, waxaan madaxda dawladda federaalka iyo laamaha amniga uga baaqaynaa in ay dhowraan dastuurka dalka, kana digtoonaadaan faragalin toos ah iyo mid dadban intaba, taasoo horseeda karta xasilooni darro ka dhacda deegaanadaas oo fursad siisa kooxaha argagixisada ah. Warsaxaafadeedka xisbiga Himilo Qaran WARSAXAAFADEED. 13/08/2018 Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee uu ku dhawaaqay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland taariikhdu markay aheyd 12/08/2019. Xisbigu wuxuu bogaadinayaa shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo Xisbigu ku baaqayo in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah. Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo . Dhammaad Warsaxaafadeedka xisbiga Wadajir
  19. Hay’adda Somali relief Network ayaa maalintii 3-aad oo xiriir ah, waxa ay xoolo kamid ah Ulxiyadii ciidda Carrafo ka qaybibaysay, qaar kamid ah kaamamka dadka danyarta iyo barakacayaasha ah ee magaalada Garoowe. Maanta oo ay ahayd maalinti 3-aad ee ciidul-Adxaa, ayaa hay’addu 20 neef oo ari ah iyo 3 neef oo geel ah, waxay gaarsiisay dadka danyarta ah ee kunool kaamka Jillab ee duleedka magaalada Garoowe. Ulxiyadan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya in ka badan 700 oo qoysas danyar ah, sida ay Puntlandpost u sheegeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa hay’adda samafalka ee Somali relief Network. Bulshadi ka faa’iidaysatay qaadashada ulxiyada, ayaa hay’adda uga mahadceliyey taageerada ay marwalba u fidiso dadka danyarta ah, waxaana ay sheegeen inay aad uga farxisay maalmaha ciidda. Hoos ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Hay’adda Relief oo maalintii 3-aad oo xiriir ah Ulxiyadii u qeybisay barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa kulan Duco iyo Dardaaran ah iskugu yimi bulsho weynta Soomaaliyeed ee dalka kenya, Kulankaasi oo loogu duceynayey gudoomiyihii hore gobolka Banadir ahaana Duqo muqdisho Mudane Cabdiraxmaam Cumar Cismaam Eng Yariisow iyo dhammaam masuuliyiintii kale ee kula geeryootay mashqadii gobolka Banadir ka dhacday 24 bish luulyo 2019. Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Xildhibaanada labada aqal, wasiiro ka tiran golaha xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Wasiiro Hore, Xildhibaano Hore, Danjirayaal Hore Iyo Saraakiil Sar sare oo xooga dalka Soomaaliyeed ah. Kulanka intiisa badan waxaa loogu duceeyey marxuumintii ku geeryooday qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir Waxaa kale kulanka inta uu socoday masuulyiinta khudbadaha jeedinayaa ay la dardaarmeen Ducada kadib xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed si arintaa oo kale mar danbe aysan u dhicin isla markaasna jawaab waafi ah loo helo wixii gobolka ka dhacay. Ma aheyn wax la aqbali karo ina gobolka Banadir oo ah xaruunta labaad ee Calanka jamhuuriyada uu suran yahay markii laga soo tago Xaruunta kowaad jamhuuriyada Filla Soomaaliya, in si sahal ah inta loo galo masuulyiin qiimaha ay qaranka ugu fadhiyaan la ogyahay in si fudud loo laayo kadibna afka la qabsado wax la aqbali karo ma ahan. Intaa kadib waxaa ay musliyiinta iyo shacabka soomaaliyeed ee kulan ducada iyo dardaaranka ah iskugu yimi ay iskula dardaarmeen in nabaad iyo midnimada umadda Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Gudoomiyaha Madasha Kulmiye Mudane Cabdullaahi Mahdi ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabka iyo Masuulyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay kulan Ducada iyo Daraaranka ah ee ay Madasha Kulmiye soo qabanqaabisay.
  21. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir iyo Himilo ayaa ka hadlay xildhibaannada la dhaariyay ee Jubbaland, iyagoo xubnaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland u rajeeyay inuu RABBI u fududeeyo hawlaha loo xil-saaray. Axmed Madoobe ayaa xubnahan cusub ee ka mid noqday baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u rajaynayaa inuu ALLE la garab-galo mas’uuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen, taasoo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku fara-adeygid mudan. “Shacabka Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inay garab-istaagaan mid ka mid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taasoo waddada u xaarysa qaybaha ka dhiman oo ay doorashada gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu horreeyaan,“ ayuu yiri Madaxweyne Madoobe. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. in amniga iyo midnimada guud ee Jubbaland la adkeeyo oo shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taasoo raad qurux badan u noqonaysa dowlad-nimada iyo dimuquraadiyadda Jubbaland. Dhanka kale, Xisbiiyada Himilo iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhankooda u rajeeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland inuu ALLE la garab-galo xilka dusha loo saaray, iyagoo xildhiabannada ka dalbaday inay xoojiyaan sidii ay u heli lahayd Jubbaland hoggaan wanaagsan. “Xisbiga Wadajir wuxuu cambaareynayaa ficillada aan wanaagsanan ee ay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka ah uu ku doonayo in Jubbaland ay uga abuuraan xasillooni-darro. Waxaana uga digaynaa inay ka waantoobaan inay carqaladeeyaan doorashada Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan maanta kasoo baxay xisbiga Wadajir. Waxaa kaloo war-saxaafadeed uu arrinta uga hadlay soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, waxayna ugu mahad-celiyeen guddiga doorashada Jubbaland, iyagoo sheegay in dadaalka ay ku bixyeen inay soo xulaan xildhibaanno ay ugu bixiyaan in si hufan loosoo doorto xilka madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Jubbaland. “Doorashada soo socota waxaan ku baaqaynaa inay u dhacdo si hufan oo xalaal ah, waxaana shacabka Jubbaland iyo hoggaankooda ugu baaqaynaa inay adkeeyaan amaanka guud ee Kismaayo iyo deegaannada kale, si ay u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran. Ugu dambeyn, Musharraxiinta u tartamaya doorashada Jubbaland ayaa soo saaray dhankooda liis kale oo ay sheegeen inay yihiin xildhibaanno, inkastoo lagu tilmaamay kuwo aan sharci ahayn, waxaana la sugayaa qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxweynaha Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Madoobe iyo Xisbiyo ka Hadlay Xildhibaannada la Dhaariyay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.