Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,280
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir. Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha. Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, la diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019. Guddoomiye Baadiyow ayaa Sheekh Shaakir iyo dhammaan reer Dhuusamareeb uga mahad celiyay sida ballaaran ee ay isaga xil saareen qorshaha diyaar garowga shirka, waxa uuna reer Galmudug guud ahaan ugu hambalyeeyay heerka wanaagsan ee lasoo gaarsiiyay dadaallada loogu jiro dib-u-heshiisiinta bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland, waxaana ay kala yihiin. In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland. U kuurgalidda habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh. In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubaland In la ilaaliyo. Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii hore,waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu markaan dareemayaa loolan adag wallow wax walba isbeddeli karaan.
  3. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa waxay maanta soo gasten Kismaayo si ay uga qayb Galaan goobjoognimada Doorashada Jubbaland. Axmed Calin Fiji ayaa wuxuu sheegay [...] Source
  4. MOGADISHU (Reuters) - Militant Islamist group al Shabaab struck a Somali government military base on Wednesday with car bombs and gunfire in a battle that both sides said caused multiple deaths to the other. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU (Reuters) – Militant Islamist group al Shabaab struck a Somali government military base on Wednesday with car bombs and gunfire in a battle that both sides said caused multiple deaths to the other. Witnesses said some local residents were also killed by stray crossfire during the mid-morning attack on the base in Awdheegle, 70 km (43 miles) southwest of the capital Mogadishu. Al Shabaab is fighting the weak, U.N.-backed Somali government and its international allies in a quest to impose its strict interpretation of Islamic law. The Horn of Africa nation has been riven by civil war since 1992, when clan-based warlords overthrew a dictator, then turned on each other. General Yusuf Rage Odowa, commander of operations in Somalia’s army, said troops had repelled the jihadists in Awdheegle. “The forces knew the cunning of the militants and so they foiled the attack,” he said, adding that various of the attackers’ corpses lay at the scene while others were captured. Captain Hussein Ali, a military officer from a nearby town, said soldiers behind sandbags had successfully stopped the car bombs from reaching the base, in an agricultural district along the Shabelle River, by firing to detonate them. “There are casualties from al Shabaab and government forces, but we have no exact figure,” he said. JOURNALIST KILLED The al Qaeda-linked group said it had killed 50 soldiers and only suffered two losses of militants who drove the car bombs. Army vehicles were burned, it also said. Al Shabaab and government officials routinely give different versions and casualty figures for attacks. Among those killed was a journalist working with the army’s radio station, the Federation of Somali Journalists said. The attack came after Somali government forces had last week captured most parts of Awdheegle district. “We heard two huge blasts and gunfire from the direction of the Somali military base. I saw several soldiers running away from the base to escape but we cannot know how many were killed,” elder Aden Abdullahi told Reuters from the scene. Shopkeeper and mother-of-four Halima Farah told Reuters that government troops were in control of the town after the attack. “We have now come out of the houses,” Farah said by phone. “We believe both the militants and government suffered great losses of lives today but we cannot see their casualties. Stray bullets killed people in their houses,” she added, saying a relative of hers died after being hit in the head. Al Shabaab was forced out of Mogadishu in 2011 and has since lost most of its other strongholds. But its fighters frequently carry out attacks in Somalia and neighboring Kenya, whose troops form part of an African peacekeeping force. Reporting by Abdi Sheikh and Feisal Omar; Writing by George Obulutsa; Editing by Andrew Cawthorne REUTERS
  6. Katibo Abdikadir Sheik Ali runs a thriving business transporting mangoes, pawpaw, and watermelons from southern Somalia’s Lower Shabelle region to sell in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dammaanad qaaday in aan la joojin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda Hoose, si loogu daryeelo agoontii ay ka tageen. Sii-hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeen maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo kulankaan garab istaagga ah u sameeyey agoontii ay ka tageen dadkii ku shahiiday Qaraxii argagixiso ee 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, ujeedada kulanka ayaa aheyd in lagu muujiyo sida maamulka Gobolka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo dareelka agoontaas. Sii hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xog wareysi uu ugu kuurgalayey xaaladda agoonta mid mid ula yeeshay carruurta kulanka loo sameeyey, mudane Ibraahim Dheere ayaa mar kale uga tacsiyaddeeyey agoonta in waalidiintooda ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya ummaddooda, taasna ay sharaf iyo cisi u tahay iyaga iyo caa’illadooduba. Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa sheegay in inta uu joogo xafiiska uu dadaal xooggan ku bixin doona joogteynta daryeelka Agoonta, isla markaana ay si wadi doonaan bixinta mushaaraadkii ay qadan jireen waalidiinta Agoontan. Tallaabadan ayaa ah mid ugub ah, tan oo masuuliyad gaar ah saareysa dhammaan masuuliyiin kala duwan ee dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir. Agoonta kulanka ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhoweeyey tallaabadan kuna tilmaamay mid muujineysa beni’aadannimo danqasho, loona baahan yahay in cid walba oo masuul ah ay sidaas oo kale u qaaddo tallaabooyin lagu daryeelayo ubadkii ay ka tageen dadkii mudada dheer u adeegayey shacabka caasimadda.
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay saddex agaasime-waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Beexaani Axmed Barre ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada (IDP’s& Refugee) ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Sidoo kale, Hodan Siciid Xassan ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee wasaaradda, halka uu Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud u magacaabay agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo Dib u-heshiisiinta wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasime-waaxeedyo cusub appeared first on Puntland Post.
  9. Alla naxariistii Jano haka waraabiyee waxaa maanta Magaalada Aarhus Dalka Denmark ku geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Sheikhdoon Guuleed Cade (Cabdullaahi Gaalkacyo).Waxaa Ehelka lagu wargalinayaa Geerida Marxuumka. [...] Source
  10. Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa barqadii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Owdhiigle ee gobalka Shabeelllaha Hoose. Weerarka oo ku bilaawday Qarax gaari oo ay fuliyeen naftood hurayaal ayaa waxaa xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobta iyo qolyihii weerarka soo qaad. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhaawac iyo dhimasho, in kastoo aan la helin tirade saxda ah ee wax ku noqotay Qaraxa iyo weerarka maanta ka dhacay degmada Owdheegle. Sidoo kale taliyaha ciidanka luqta general Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay. Dhaka kale Alshabaab ayaa sheegtay weererka ka dhacay Owdheegle, war qoraal ah ay ku soo dhigeen barahooda ayeey ku sheegay in laba Qarax ay ku weerareen goobta khasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu weerarku ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Awdheegle (Caasimada Online) – Mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay galaan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Awdheegle gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in uu khaasaare badan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa muddo isku abaabulayay baadiyaha degaanka Xawaadley ee gobalka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in shalay iyo ilaa xalay ay halkaasi isku abaabuleen islamarkaana ay xoolo ku qasheen. Dagaalamayaasha Shabaab ayaa dhowr geel ah loogu qalay Xawaadley islamarkaana ay halkaasi ugu khudbeeyeen hogaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay guddoomiyaha Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kabo-Ku-Tukade, sida ay noo sheegeyn xubno katirsan wasaaradda difaaca soomaaliya. Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugan Awdheegle ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dileen in k abadan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah islamarkaana ay nolasha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame. Ciidamada milateriga Soomaaliya oo ka war-hayay dagaalkaan iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuusan jiran khasaare wayn oo soo gaaray marka laga reebo dhimashada tiro ka yar 5 qof iyo dhaawaca gaaraya in ka badan 10 askari. Ilo wareedyo ka madax banaan dhinacyada dagaalamaya ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare xoog leh kadib markii ay u diyaar-garoobeen milateriga Soomaaliya oo kasii war-helay inay dagaal soo yihiin. Dhinaca kale taliyaha, ciidanka lugta ee xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in meydadka raggii weerarka soo qaaday oo aan xisaab laheyn ay daadsan yihiin degmada Awdheegle, sida uu hadalka u dhigay. Odawaa ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan degna, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa magacaabay afar (4) xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga doorashooyinka, kuwaas oo kala ah. 1. Guuleed Saalax Barre 2. Jaamac Xirsi Faarax 3. Xasfo Salaad Maxamed. 4. Cabdirisaaq Axmed Siciid. Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal (9) xubnood, shan (5) waxaa magacaaba madaxweynaha, halka afarta (4)kalana uu magacaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhamaantoodna waxaa ansixiya Baarlamaanka. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Barlamaanka Puntland oo magacaabay 4 kamid ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. appeared first on Puntland Post.
  13. Waxaa maanta gaaray xarunta dowlad goboleedka Jubbaland xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. A government military base in the Lower Shabelle region of Somalia was struck by car bombs and gunfire on Wednesday, residents and a military officer said, and the al Qaeda-linked al Shabaab group claimed responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo doorashada Jubbaland ayaa sheegaya in isbedal lagu soo sameeyey jadwadlka doorashada madaxweynaha iyo mida guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in doorashada guddoonka baarlamaanka la qabanayo 17-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 14-ka August ay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharraxiinta, kadibna doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Doorashadan ayaa ballantu aheyd in la qabto 24-ka bishan, balse waxaa haatan laga soo hormariyey waqtigaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli is qab qabsi uu ka jiro doorashada Jubbaland, taas oo keentay in musharraxiinta mucaaradka ah ay sameystaan guddi gaar ah iyo xildhibaano ka soo horjeeda kuwa Madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar qarax ku billowday oo ay ku qaadday ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda ku sheegay in khasaara lixaad leh ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen weerarka. War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay, laguna dilay dhowr askari. Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro ay ku sheegtay tobonaan askari oo ah askar iyo saraakiil ay ku dileen weerarka. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda weli wax war ah kama soo saarin weerarka iyo dagaalkii xigay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  17. War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey hab sami u socodka doorashooyinka Jubbaland iyadoona maalinimada Khamiista ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta. Gudiga ayaa sheegay in maalinimada Jumcada ah ay dhici doonto doorashada guddoonka barlamaanka ee Jubbaland, halka maalinimada Sabtida ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 18 Agoos ay barlamaanka cusub ee Jubbaland dhegaysan doonaan khudbadaha musharixiinta. Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 19-ka bisha Agoos iyadoona horay qorshuhu u ahaa in doorashada madaxtinimadu ay dhacdo 24-ka bishaan. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka & madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey. appeared first on Puntland Post.
  18. Qoraal kasoo baxay Guddiga madax bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubnaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka. Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana jimcaha oo ku beegan 16-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland. Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18 Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana Axada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-tii Bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan,hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay Halkaan ka eeg Goobjoog News Source: goobjoog.com