Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,283
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulamo xasaasi ah oo saacadihii ugu dambeeyey ay Kismaayo ku lahaayeen saraakiil ka socda dalka Itoobiya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inay is afgaran waa ku soo dhammaadeen. Inkastoo aan warbaahinta loo ogolaan inay goob joog ka noqdaan shirka haddana xog hoose ayaa sheegaysa in diiradda lagu saarayey sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee Jubbaalnd. Saraakiishan oo ka socdey sirdoonka Itoobiya ayaa madaxweynaha Jubbaland iyo wasiiro weheliyey waxa ay hordhigeen in markale dib loo furo waqtiga isdiiwangelinta musharixiinta isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka iyo in la qaado xayiraadii xukuumadda Soomaaliya laga saaray Kismaayo. Maddaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay waftigaan uu la kulmay in arrinta isdiiwaangelinta musharixiintu ay u taal guddiga doorashooyinka haseyeeshee arrinta xayiraaddu ay tahay go’aan xukuumaddiisa lagu celin karo. PUNTLANDPOST The post Kulamo ka socdey magaalada Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhammaaday. appeared first on Puntland Post.
  2. On July 30, 2019, police in the breakaway region of Somaliland arrested four journalists from privately owned Eryal TV, according to statements issued by the press rights group Somaliland Journalists Association (SOLJA) Source: Hiiraan Online
  3. A Missouri man was charged Tuesday with kidnapping the 4-year-old child of a woman who was killed and left in a suitcase on the side of the road in the southwestern part of the state. Source: Hiiraan Online
  4. A plot by white mercenaries to spread HIV through black South Africa via a phony vaccination program: it sounds like the stuff of pulp spy novels, but documentary-maker Mads Brugger is clear that this is one sensational conspiracy that actually happened. Source: Hiiraan Online
  5. The Ethiopian Ministry of Innovation and Technology on Wednesday announced cooperation with Chinese e-commerce giant Alibaba Group on building its digital economy sector. Source: Hiiraan Online
  6. Canada is failing Abdilahi Elmi, a Somali former child-refugee who is facing deportation to Somalia on Wednesday. Elmi’s case, in fact, is one that demonstrates how Black people — especially those without citizenship — continue to be subjected to multiple forms of state neglect. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weydiistay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in uu la qaato kulan ay kaga wada hadlayaan xasaradda siyaasadeed ee ka taagan Hong Kong. Mr Trump ayaa Qoraal uu barta Twitter-ka soo geliyay , waxaa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay madaxweyne Shiinaga marka laga hadlayo xal u helidda qalalaasaha ka aloosan Hong Kong, kaddib markii ay mudaharaadyo waaweyn ay halkaas ka dhigeen shacabka reer Hong Kong ee dimuqraadiyadda u ololeynaya. “Waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump isagoo xusay Mr in Xi Jinping uu yahay hoggaamiye wanaagsan oo ay si weyn dadkiisa u qaddariyaan. Hadalka Madaxweyne Trump ayaa ku soo beegmaya, asbuucyo kaddib markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Hong Kong,kuwaasi oo horseeday in la hakiyo duulimaadyadii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Hong Kong. PUNTLAND POST The post Trump oo weydiistay madaxweynaha Shiinaha in uu kulan la yeesho appeared first on Puntland Post.
  8. An accused pirate who was allegedly part of a Somali crew that kidnapped an American journalist and held him hostage on a hijacked ship while demanding a $20 million bounty was hauled before a federal judge in Brooklyn Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa aad magaalada Muqdisho ugu soo dhoweysay xarunta ay canshuurta uga qaaddo ganacsatada dekedda magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ganacsatadan oo markii horre loogu yeeri jiray lacagtana looga qaadi jiray deegaanka Mubarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa hadda lacagta looga qaadaa deegaanka Ceelsha Biyaha oo aad ugu dhow Muqdisho. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Al-Shabaab u bedeshay xaruntii canshuur qaadista, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay ugu wacan tahay ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Awdheegle, sidaas darteedna ay soo gashay cabsi ah in dowladda kusoo socoto Mubaarak. Tobaneeyo ka mid ah ganacstada dekedda Muqdisho ayaa talaadadii la isugu geeyey quracyo ku yaalla banaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo lacagta looga qaaday, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah gacanstada halkaas tagtay ee lacagta bixiyey, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin. Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqatay inay arrintan ka war-haysay, waxaana dhammaan dadweynaya baabuurta looga dejinayey laguna baarayey Siinka Dheer, ayaga oo la weydiinayey inay wadaan lacag dollar ah iyo in kale iyo inay u socdaan inay canshuur soo bixinayaan iyo in kale. Si kastaba, inta badan dadka ayaa la iska sii daynayey ayada oo ay adkeyd in lagu caddeeyo inay u socdaan canshuur bixin, islamarkaana ganacsatada badankood ay lacagaha ku bixinayeen siyaabo kale, sida taleefon lagu tuuro ama account bank ay toos ugu shubayeen. Qaar ka mid ah ganacstada ayaa sidoo kale halkaas u tagayey kaliya inay soo qaataan go’aanka inta ay la egtahay lacagta laga rabo kadibna dib ka bixinayaan. Ganacstada ayaa waxaa laga qaadayey lacag kala ah 100 iyo 160 dollar halkii konteenar ee dekedda uga soo dega. Konteenarada yaryar ayaa waxaa laga qaadayey 100 dollar midkiiba, halka kuwa waa weyn lagu soo rogay 160 dollar. Ganacstada ayaa sidoo kale lagu qasbay inay bixiyaan dhammana canshuurta konteenaradii usoo degay afartii bil ee lasoo dhaafay oo kasoo billaabata bishii April. Ma cadda sababta, Al-Shabaab u qaadatay go’aanka ah in la bixiyo canshuurta afarta bil. Ganacstada ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u muuqatay inay haysay xogta dhammaan tirada konteenar ee usoo degay, sidaas darteedna ay badankood ka cabsadeen inay been sheegaan. “Mar ayaan isku dayey inaan iraahdo waxaa isoo degay kaliya 4 konteenaro aniga oo is-leh hal meesha ka saar, balse qofkii canshuurta qaadayey ayaa igu yiri, waxaa lagu laabanaa diiwaanka, haddaa been sheegto iska jir” ayuu yiri ganacsade la hadlay Caasimada Online. Ilaa iyo hadda ma cadda sida Shabaab ku hesho alaabta kasoo degto dekedda Muqdisho. Inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in xogta ay bixiyaan shaqaalaha dekedda qaarkood, haddana ganacstada qaar ayaa rumeysan in xogta ay bixiyaan ganacsatada waa weyn ee iska leh ama ay u kireysan yihiin maraakiibta soo qaada konteenarada. Ganacsatada ayaa lasoo siinayey receipt ama warqad caddeyn u ah inay bixiyeen canshuurta. Waxaana kadib loo sheegayey in haddii ay ka baqayaan dowladda warqadda iska tuuraan oo ay ka qortaa kaliya lambarka, si marka la weydiiyo inay lacagta bixiyeen iyo in kale ay caddeyn ugu noqoto. Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dhowaa aad sare ugu qaadday dakhliga kasoo gala magaalada Muqdisho, waxaana adkaan doonta in laga adkaado inta ay sidan lacag ugu soo galeyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay in wadada horumarta madaxtooyada Soomaaliya lagu soo maro aqoonsiyada wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan shaqsiyaadka wata gaadiidka nuucyadiisa kale duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan shaqaalaha dowladda oo wata gaadiidka raaxada ayaa Caasimada Online u sheegay in laga soo billaabo dorraad ilaa maanta la diiday in wadadaasi ay hormaraan gaadiidka shaqaalaha dowladda. Dhammaan wadadan hormarta madaxtooyada Soomaaliya lagama mamnuucin gaadiidka balse waxa kaliya laga diiday in ay ka soo galaan kontaroolka Godka Jilacow lamana oga sababta arintaan keentay. Lama filayo in go’aankaan uu ka soo baxay ciidamada Koofiya Casta ee madaxtooyada balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay amar kale oo ka yimid hey’adaha ammaanka Soomaaliya islamarkaana ay qaadan doonto dhowr maalmood. Warar kale ayaa sheegayaa in ay jirto digniin dhanka ammaanka ah oo ay soo saareen saraakiisha amaanka Soomaaliya, taas oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weerar ku qaadaan xarunta Godka Jilacow ama kontaroolka laga galo Godka Jilacow ee taalada Daljirka Daahsoon. Shaqaalaha wasaaradaha dalka ee gaadiidka wata ayaa maanta iyo shalay ka soo wareeganayay dhanka Ceel-Gaabta waxaana dhacda in waqtiyada qaar halkaasi loo diido. Al-Shabaab ayaa hore weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsaday waxay ugu qaadeen kontaroolka Godka Jilacow iyagoo halkaasi ku dilay dad badan oo shacab ah, waxaana dadkaasi ku jiray Faadumo Cali Raage oo ka tirsaneyd saraakiisha milateriga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Wallow aysan lahayn awood baahsan sidda Al-Shabaab, haddana Daacishta Soomaaliya, waa khatar muuqata oo ka jirta qayb kamid ah Soomaaliya, taasi oo fulisa weeraro wejiyo kala duwan leh. Maleyshiyaadkan oo 2015-kii uu aas-aasay Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ay ku haysato tirro dagaalameyaal ah. Xubnaha ka barbar-dagaalama kooxdan oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa ka kala yimaada gobolada Soomaaliya, iyaga oo xeelado kala duwan lagu geeyo Boosaaso, halkaasoo ay uga sii gudbaan saldhigyadooda. Sanadihii u dambeeyay falaagadan waxay waday dedaalo uu isugu baahinayso goboladda kale ee dalka, balse dhabar-jebin uga timid ciidamada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa dib u riixday isku daygaasi oo gaabis noqday. Laamaha amniga Puntland iyo federaalka ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ku qabqabtay xubno dedaaladaasi waday, halka ay Al-Shabaab dishay dagaalameyaal damac-sanaa in ay baahiyaan ururkooda. Aadan Maxamed Cali, waa mid kamid ah xubnaha qaybta ka ah ISIL-Soomaaliya, kuwaasi soo galay gacanta hay’addaha nabad-gelyadda, isla markaana kasoo howlgalay magaalooyin kala duwan. Aadan oo magaciisa afgarashadda uu yahay Saciid iyo Jaabir horeyna xubin uga ahaa Al-Shabaab ayaa kasoo jeeda HirShabelle, wuxuuna ku dhashay tuuladda Baarey Galbeed, duleedka Beledwayne ee gobolka Hiiraan. Jaabir oo beeraley ahaa kadibna noqday dadka ka shaqeysta iibinta qoryaha dabka lagu shido ayaa AlShabaab kaga biiray halka uu ku dhashay kahor inta aanan loo wareejin degaano kala duwan. Wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha dowladda Soomaaliya ayuu ku sheegay in nin lagu magacaabo Cabdiwali Muuse Barre uu ka dhaadhiciyey in kooxda argagixisadda ah uu kamid noqdo kahor inta aan loo geyn ruux kale, Shiikhey. Isaga iyo tobanaan kale oo dagaalameyaal cusub ah ayaa la geeyay xarun lagu magacaabo Imaamu Shaafici, halkaasi oo tababar ay kusoo qaateen muddo laba bilood ah, sidda ay xusayaan warbixinada dhinaca ammaanka. Shiikhey ayaa kolkii dambe u dhintay dhiig-kar. Halka ruux kale oo lagu magacaabo Muuse Biyow oo isana kamid ahaa isku daba rideyaasha xeradaasi isana lasoo wariyey in uu ku geeriyoodey Guriceel. Kadib markii uu tababarka u soo dhamaadey, waxaa xeradda ugu yimid horjoogyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo kala ah; Fu’aad Shongole iyo Cali Dheere, afhayeenka, kuwaasi oo abaalmarinayo gudoon-siiyey. “Qofkii waxaa la siiyey min 20-dollar,” ayuu Saciid ku yiri wareysiga, isaga oo intaasi raaciyey in isaga uu go’aan saday in uu noqdo guutada wacyi gelinta dadweynaha ee Xisbida kana howlgasha gudaha Beledwayne. Kadib markii uu xarunta gobolka Hiiraan uu muddo ka howlgalayey, waxaa marar kala duwan loo wareejiyay Buula Burdey, Xarar dheere, Buula Fuulay iyo degaano kale, illaa iyo uu go’aan saday in uu isaga baxo kooxdaasi. Sababta bixitaankiisa Dhagar-qabahan ayaa guutada uu ka tirsanaa waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Cabdullaahi Yarre, kaasoo kolkii dambe lagu khaarijiyey duqeyn ka dhacday gobolka Gedo, koonfurta Soomaaliya. “Kadib muddo, waxaan codsaday in la ii gudbiyo codsi guur, waana la ii gudbiyey,” ayuu raaciyey, balse lacagtii uu ku aqal-geli lahaa oo uu musuq-maasuq Cabdullaahi ayaa ku dhalisay in uu qaato go’aanka bixitaanka. Codsiga guurka ayaa waxaa loo gudbiyey shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ugaas, kaasi oo ka sareeyay Cabdullaahi, isla markaana u sheegay Aadan in lacagta uu mar horey u soo diray. “Markan intaasi ogaadey ayaa waxaan qaatay fasax bil ah. Aniga oo ku darsaday 20 maalmood oo kale ayaa waxaan aaday Boosaaso, halkaasi oo aan ka shaqeysanayay kana ahaa fuundi,” ayuu xusay. Qaabka uu Daacish uga mid noqday Ruux kale, Dalmar, oo ay horey isaga tirsanaayeen Al-Shabaab ayay maalin isku arkeen goob uu ka shaqeynayey. Kadib telefoon iska qorasho, waxaa habeenkii soo wacay laba kale oo lagu magacaabo Muuse iyo Dalxa. Dalxa, oo ahaa amiirka, wuxuu u sheegay in ay doonayaan la shaqeyntiisa, isla markaana ay ku bilaabayaan howlo fudud oo ay kamid tahay u soo iibinta khudaarta, maadaama uu ganacsade dhankaasi horey u ahaa. “Nin kale oo reer Puntland ah, oo la yiraahdo Bishaar, ayaa adeega iga qaadi jiray,” ayuu daba dhigay, isaga oo carabka ku adkeynaya. Kadib muddo uu qaybtaasi ka shaqeynayey, waxaa uu helay wicitaan kale, isaga oo loogu yeeray goob uusan magaceeda shaacin, halkaasi oo uu ku qaatay tababar socday muddo laba bilood ah oo ku aadan ganidda bastooladaha. Intii ay tababarka ku jireen marbaa la isku dayey in la khaarijiyo markii uu su’aal ka keenay joogitaankooda goobtaasi, sidda ay aaminsan yihiin laamaha sirdoonka. Markii uu tababarka u soo idlaaday isaga iyo xubno kale oo ay ku jiraa; Cabdimaalik, Gar-wayne, Cismaan iyo Axmed ayaa maalintii qalin-jabinta waxaa u yimid Cabdiqaadir Muumin. “Isaga oo madoobaadey oo rafaadsan wuxuu nagu yiri ‘hala dulqaato rag kale baa hortiina halkaan joogay’ waxaa la socday nin kale oo la yiraahdo Af-yare oo u qaabilsan sameynta qaraxyadda,” ayuu Aadan shaaciyey. Dilalka uu Aadan qayb ka ahaa Kooxaha argagixisadda ayaa ka mideysan in marka daleydooda ay fulinayaan falalka khaarijinta ah in midka dilaaga ah ay wehliyaan rag kale, kuwaasi oo ka difaacaya hadii uu la kulmo iska cabin balaaran. Khaarijintii ugu horeysay ee uu Saciid qayb ka ahaa ayna ka geysteen Boosaaso ayaa waxay ku beegsadeen Axmed Jaamac Barre, laba xidigle ka mid ahaa saraakiisha ciidamadda dowladda Puntland. Falkii labaad waxay ku dileen Ganacsade Cabdiraxmaan Aadan Barre ayaa laga soo wariyey xaafadda Natko gaar ahaan agagaarka huteel lagu magacaabo Naqiil oo ay degaaan dadka ka yimaada Koonfurta. Isaga oo sharaxaya qaabka dagaalameyaasha Daacish ku yimaadan degaanadda Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa wuxuu yiri: “Qof baa damiinaya oo oranaya ‘waa shaqaale aan dalbaday ama Adeer baan u ahay”. Dilalka Muqdisho Boosteejadda Ceelasha Biyaha ee Suuqa Bakaaraha ayuu qayb kaga ahaa dilkii ugu horeeyay ee ay caasimadda Soomaaliya ka fuliyaan shabakadiisa oo ay kamid yihiin; rag lagu magacaabo Ibraahim iyo Axmed. “Waxaan dilnay nin lagu magacaabo Bishaar oo noola sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray. “Kadib markaan howsha fulinay, waxaa noola tuuray hal dollar, gurigeyga ayaan ku aaday”. Dilka labaad oo uu Aadan gacantiisa ku geystay ayaa waxaa isla gudaha Suuqa Bakaaraha uu ku naf-gooyay ruux kale oo la yiraahdo Axmed Shiikhaal, oo ahaa gudoomiye laameed kana ka tirsanaa saldhiga Baar Ubax Isla maalintaasi shabakadiisa waxay isla suuqa Bakaaraha ku dishay Cabdullaahi Dheere, oo isana ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya. Arrimaha naadirka ah Sheekooyinka aadka ugu cusub falalka argagixiso ee Soomaaliya ayna soo kordhisay Daacish ayaa waxaa qayb ka ah in ay muuqaalo ka duubto xubnaha ay dilayso, kadibna ay baahiso, taasi oo argagax abuurtay. “Waxay u adeegsadaan duubista muuqaaladda moobeelada waaweyn ama kaamirooyinka yar-yar, waxaana qaabilsanaa Cismaan,” ayuu daba dhigay. Aadan, oo isaga oo dhaawac ah lagu qabtay fal dil ah oo degmadda Yaqshid ugu geysteen askari, ayaa haatan ah suge dil toogasho, maadaama ay maxkamadda xukunkaasi garka u gelisay. Xigasho: Garowe Online
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ku soo gaba-gaboobey kulanka wadatashiga ka faa’ideystayaasha mashruuca taakulaynta isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), islamarkaana uuna soo xirey Gudoomaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019. Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan: Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  13. Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xiriira amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir. VOA
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiiro ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonatay deegaanada Ceel-Afweyn. Wasiiradan ayaa si wada jira ilaahay uga baryay inuu Naxariistii jano siiyo intii ku dhimatay shaqaaqadaasi, intii dhaawacana uu siiyo caafimaad sariica. Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Ciyaaraha iyo wasiirka golayaasha iyo dastuurka Somaliland, ayaa si wada jira waxay shacabka Ceel-Afweyn ugu baaqeen inay xukuumada ku garab siiyaan sidii xaalada deegaanadaasi loogu soo dabaali lahaa nabad waarta. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Dhacdadii foosha xumayd ee ku soo biiray dhacdooyinkii midba mid ka foosha xumayd ee aad moodayso in hadba ta ugu danbaysaa ay noqonayso tii ugu foosha xumayd ee ka dhacday Ceel-afweyn”. “Umadaas waxa alle iyo waxay ku dhimatay iyo wax lagu dilay midna lama garanaayo, waxa dhintay marka dhaawacyadii dhintay marka lagu daro 4 hablood iyo saddex nin. Qolo qurba joog ah oo dibada joogta inta badan muuqaalada Whatsapp-yada ayaad ka daawataan iyaga oo leh waa la dagaalamayaa waxbaa dhacaaya, mana wada xumo oo inta iimaanka lahayd waa inta dalkooda wax soo galinaysa iyaguna wax qabsanaaya”. “Ninbaan la hadlay oo waxa uu igu yidhi qoladayada Maraykanku kuma jirno dadka meeshaas ka hadlaaya waxaanu nahay shaqaale oo waanu xoogsanaa waxayaga meeshii sax ahaana waanu ku bixinaa waa nimanka caydha qaata ee Yurub u badan, dhalinayrada meelahaas jooga ee maqlaaya iyaga oo leh waxaabanu samaynaynaa waar qaar wax samayn karaba maaha oo iyagii ayaa khaati taagan ee dhibrashankii ayaa la galay waxaabanu dilaynaa, yaanay maskaxda idinka xadin.” Wuxuuna intaas kusii daray “Dawladu waxay soo saartay xukun deg deg ah xukunka deg dega ah intii ka hortagtay ha ogaadaan maanta waxii ay ka hortageen waxa uu ahaa meelintii ay ugu dhawayd ee talaabo la qaadayay ayay ahayd.” Dhinaca kalena, Wasiirka golayaasha iyo arimaha dastuurka Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Dadkii ku geeriyooday ama ku dhaawacmay shilkii dhacay ee ugu danbeeyay ee Ceel-afweyn inta dhimatay in alle u naxariisto inta noolna in alle caafiyo, dhamaanba eheladii iyo shacbiga Somalilandba inuu alle samir iyo iimaan uu ka siiyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Al-Shabaab spokesman Sheikh Ali Mohamud Ragge (Ali Dheere) is reportedly injured in a military operation launched on 11th in the Shaam area of Lower Shabelle region, according to media reports. Source: Hiiraan Online
  16. Amid the blessings of Eid, the emotional behavior of Yemen’s Southern Transitional Council (STC) almost resulted in a tragedy that would have lasted for years to come. The council came close to destroying recent achievements in the country and all but ruined its political project of independence from Sanaa in the future — a goal that cannot be achieved by defiance, fueling enmity and creating chaos. The battle on Eid’s eve erupted following two attacks on Thursday when an Al-Qaeda suicide car bombing on a police station killed 13 people and a Houthi strike using a ballistic missile or drone targeted a training center, killing 32, including the commander of the First Brigade, who is from the south. Aden was filled with funerals and calls for revenge, but the anger was directed at the Saudi-led coalition forces, which have chosen Aden as the provisional capital and the seat of the government. The STC, a political movement that was established during the Cold War and which later collapsed with the fall of the former USSR in 1990 and which hopes to establish an independent state in South Yemen, led the retaliation. South Yemen has the right to seek to establish an independent state, but the STC’s actions reinforce the Houthi coup and Iran’s infiltration, perpetuate the civil war, and threaten to open new war fronts in Yemen with the support of Qatar and Turkey. It is a dangerous development that also threatens the security of the regional countries, primarily Saudi Arabia. Perhaps the STC thought it could take advantage of the Saudi-led coalition’s weakness, embarrass the coalition’s member states, use the anger in Aden following the two horrific attacks as a pretext to seize control, and declare secession and the establishment of the new state, but possibly it failed to take into consideration the more complex and dangerous implications. The dream of secession exists around the world, but is rarely achieved. Close to Yemen and to the west of the Gulf of Aden, Somaliland’s experience offers a lesson for the STC. Somaliland is a province that declared itself an independent republic in 1991 following the collapse of Somalia. It established an integrated political system with a constitution, two Houses of Parliament, a currency, a flag and elections. Until today, Somaliland has remained a stable model “country,” but technically it is not recognized as a legitimate state. There is a fear that without a peaceful transition, political consensus and universal ratification, South Yemen will be divided into smaller states fighting each other. Abdulrahman Al-Rashed The history of Somaliland is similar to South Yemen. The Somaliland region was not part of Somalia at the beginning of the 20th century, and it voluntarily agreed to unity. When civil war erupted, the region separated, but the UN refused to recognize it, and it will have to return to Mogadishu’s rule unless it is legally and consensually separated. This is a living example for Yemeni separatists, and there are many others, most notably the Kurdistan region of Iraq. Kurds are a distinct ethnic group with their own language and, historically, their region was forcibly annexed to Baghdad during British rule. Despite all these considerations and five decades of demanding independence, the international community has thwarted their attempts at self-rule. The independence of Kurdistan requires the approval of Baghdad and the states of the region. In my opinion, South Yemen can achieve independence, but its approach was wrong in language and action. It needs to convince Sanaa after liberation and the return of political life. Without Sanaa’s approval, South Yemen cannot win the approval of the UN or the acceptance of regionally important states. “North” Yemen might accept a political formula suitable for both parties under objective circumstance. I do not wish to anger my brothers, the politicians of South Yemen, but I must remind them that the south has long suffered from conflict between those seeking power. The British had to name 12 sultans and princes to rule the south. And so did the Soviet Union with the support of the EU troika — it named three communists to rule Aden. At the time, President Ali Salem Al-Baid had to go to Sanaa and hand over the keys of his capital, Aden, not because he was in favor of Yemen’s unity, but because he wanted to prevent his rivals from seizing control in South Yemen. That is why, today, we fear that without a peaceful transition, political consensus and universal ratification, South Yemen will be divided into smaller states fighting each other. If this happens, evil states such as Iran will find new territory to infiltrate. In effect, the STC shot itself in the foot and hit its project in the heart, raising suspicions and wounding its regional relationship. No one applauded this move but the Houthis, Iran and Qatar. None of the STC’s excuses justifies the coup, or else it would have accepted the Houthi coup and struck a deal with the rebels and others who are seeking to rule Yemen. Abdulrahman Al-Rashed is a veteran columnist. He is the former general manager of Al Arabiya news channel and former editor-in-chief of Asharq Al-Awsat. Twitter: @aalrashed Qaran News
  17. Shan injineer oo u dhashay Ruushka, oo ka mid ahayd khubarada nukliyeerka oo ku dhintay qarax ka dhashay matoorka madfac wayn ayaa lagu aasay Sarov oo ah magaalo u dhow Moscow. Waa meesha lagu sameyo qeybta sare ee madaafiicda nukliyeerka. Hay’adda qaran ee Ruushka u qaabilsan nukliyeerka, Rosatom, waxay sheegtay in khubarada ay tijaabinayeen matoor laga sameeyay nukliyeer. Balse ma aysan bixin faafaahin dheeraad oo la xiriirta dhanka farsamada. Ruushka wuxuu horey u tijaabiyay gujis ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo loo yaqaano “Burevestnik”. Laakiin saraakiisha Ruushka ma aysan cadeyn hannaanka dhabta ah ee qeybta ka ahaa tijaabadii musiibada isu badashay ee Khamiistii. Qaraxa waxaa ka dhashay shucaac halis ah oo hawada ku jiray muddo 30 daqiiqo ah kaas oo cabsi geliyay magaalada Severodvinsk, oo 40km u jirta heerka tijaabada la sameeyay, waxayna saaran tahay Badda Cad. Seddax injineero kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu daweynayaa cisbitaal, sida ay sheegtay hay’adda Rosatom. Severodvinsk map Khubarada ku sugan Ruushka iyo dalalka Reer Galbeedka waxay sheegayaan in tijaabada ay noqon karto gantaalka M730 Burevestnik, oo ah mid ku duuli kara biyaha badda hoostooda. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa madfacaas kaga hadlay khudbaddiisii Baarlamaanka ee bishii March 2018. NATO waxay siisay magaca ah SSC-X-9 Skyfall. Mark Galeotti, oo ah falanqeeye iyo cilmi baare sare oo ka tirsnan machadka Royal United Services Institute (Rusi), wuxuu sheegay in fidinta nukliyeerka ay keeneyso caqabad weyn oo dhanka farsamada ah. “Waxaa jiro xawaare iyo xajmi is ka soo horjeeda, iyo halista gantaal leh shucaac xawaare sare ku socda oo daalikara meel kaste ee uu gaaro,” ayuu u shegay BBC. “Hannaankan cusub wuxuu asal ahaan ka yimid xilligii midowgii Soviet. Birihii daxaleystay ayaa la soo qaatay dib ayaana loo maalgeliyay.” Mareykanka, kana baxay heshiiskii Nuclear-ka Ruushka oo tijaabiyay gantaal xambaari kara Nuyuukleer Calooshood u shaqeystayaal Ruushka u dhashay miyaa ka howlgala Afrika Sida uu sheegay Putin gantaalka meesha uu gaarayo “ma xadidna”. Balse qaraxa wuxuu noqon karaa hub kale oo awood u leh qaadidda madaxyada nukliyeerka Madfac rido dheer oo maraakiibta lagu rido oo loogu yeero Zircon – Wuxuu siddeed jibbaar xawaarihiisu ka dheereeyaa guuxa, sida militariga Ruushka laga soo xigtay. Diyaarad duuliya la’aan ah oo meeelo fog oo biyaha badda hoostooda ah gaari karta oo lagu magacaabay Poseidon Maxaa laga ogyahay qaraxa? Shanta injineer ee dhimatay waa khubaro “hoggaan ah” iyo “geesiyaal” kuwaas oo ka warhayay halista. Waxay horey u sameeyeen tijaabooyiin “si xad dhaaf halis u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Rosatom oo lagu magacaabo Valentin Kostyukov. Wuxuu madax ka yahay xarunta nukliyeerka ee Sarov – meel sir aheyd xilligii dagaalkii qaboobaa halkaas oo laga maamulayay hubka ka sameysan hydrogen ee Ruushka. Markii hore, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay matoorka madfaca oo dareere ku shaqeeya, tirada dhimashadana waxay ku sheegeen laba qof. Ka dib, Rosatom ayaa sheegtay in tijaabadu ay ahayd “isha ganidda shucaacyo isu dhigma” oo laga fuliyay meel gudaha badda ah. Injineeradu way dhammeeyeen tijaabada, balse si lama filaan ah ayuu dab uga kacay matoorka wuuna qarxay, waxayna ragga ku dheceen badda, sida saraakiisha Rosatom ay sheegeen. Image copyright REUTERS Nyonoksa test site hoarding, Oct 2018 Image caption Tijaabada Nyonoksa waxay soo billaabatay xilligii Soviet-ka Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo la xiriira in markab la geeyay goobta si uu uga hortago shucaac kastoo ka dhasha haraaga, haddii fashil uu dhaco, waxaana hadda muuqato in ay suuragal tahay in howshaas uun uu qabtay. Balse waxaa dhici karta in meesha ay xireen ay ula jeedeen ka hortagga sun kastoo soo baxsata ee biyaha gasha, halkaas oo dadka deegaanka ay ka kalluumeystaan. Gantaallada lagu xoojiyay nukliyeerka ma isbedel cusub baa? Mark Galeotti oo ka tirsan machadka Rusi ayaa yiri: “Waxaa jiro shaki badan oo ah haddii Burevestnik uu mar uun arki doono iftiinka maalinta”. Wuxuu qiray in gantaal kale oo Ruushka muhiim u ah, Bulava, “uu soo maray tijaabo sanado badan ah oo fashilantay”. Madaafiicda Zircon iyo Poseidon waa mashaariic aad u horumarsan. Gantaalka Poseidon ee biyaha hoostooda ku duula waa tusaale weli. Balse Poseidon, si la mid ah Burevestnik, wuxuu u muuqdaa in uu yahay “burburiye wayn”, Mr Galeotti ayaa sidaa sheegay. Waa arrin aan macquul ahayn, wax kastoo yar oo la xiriira dagaalka nukliyeerka. Image copyright AFP Sarov nuclear museum, 1997 archive pic Image caption Madxafka Sarov (Sawirka 1997) Wargeyska dowladda Ruushka Rossiiskaya Gazeta ayaa bishii la soo dhaafay qoray warbixin uu madfaca ugu tilmaamay “hubka aargudashada”. Taasi waa oraahda ay Nazi-ga ugu yeeri jireen hubkii ay UK ku garaaceen Dagaalkii Labaad ee Dunida. Wargeyska waxaa lagu qoray: “Burevestnik wuxuu awoodaa duullimaad dheer, wuxuuna ka baxsan karaa qalabka difaaca hawada. Waxaa lagu garaaci karaa horumar kastoo muhiim ah, ka dib gantaalkii Ruushka ee caagga ahaa ee qaaradaha isaga gudba ee horey u gaaray dhulka cadowga.” Bbcsomali Qaran News
  18. Somali journalists on Wednesday mourned the death of a fellow media practitioner who was killed during a fierce fighting between Somalia National Army (SNA) and al-Shabab militants in the country’s southern region. Source: Hiiraan Online
  19. SOMALILAND IYO WADAMADA MARIN BIYOODKA BADDA CAS OO LA SAADAALINAYO IN AY NOQDAAN MEELAHA IYO SAYLADAHA GANACSI EE UGU MUHIIMSAN ADUUNKA EE LA ISUGU IMANAYO BOQOLAALKA SANO EE SOO SOCDA !!! Waxa aduunka ka dhacda in dhawrkii boqol ee sanoba gobol la isugu tago oo tartanada dhaqaalaha, ganacsiga iyo awoodaha aduunku isugu yimaadaan halkaasi oo ah meel dihin oo ahmiyad u leh dalwalba isla markaana aanu ka qadin joogitaankeeda iyo wax ka qabsashadeeda , haddaba waxa hada la saadaaliyaa oo saan-saanteedii muuqataa in Gobolka Geeska Africa iyo Marin biyoodka bada cas oo waligoodba aduunka laga yaqaanay ahmiyadooda ay noqonayaan halka aduunku u soo guurayo boqolaalka sano ee soo socda. Gobolkan aynu ku noolahay gaar ahaan dhulka Somaliland waxa uu ahaa dhul aad ugu muhiima ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii aduunyada ee hore gaar ayaan Masar , Ethiopia , Geeska Africa , Jaziirada carabta, Bariga dhexe Beershiya iyo Hindiya oo sida buugta taariikhda ee kala duwani ay qoraan midiba magac gaar ah ayuu u yaqaanay dhulkan iyo dadkii ku noolaa waxaana ka mid ahaa magacyadaa sida; Kush , Bunt , Aroma , dhulkii ilaahyada , sidaasi oo kale carabtu waxa ay u taqaanay Barajam , Bar-as-Somal iyo magacyo kale. Magaalooyinka Zeylac , Bulaxaar, BerBera , xiis , Maydh iyo Laasqoray waxa ay ahaayeen magaalooyin ahaa saylado wax lagu kala badasho oo wadamada kale ee aduunyaduna keenaan waxa ay sameeyaan ee dadka Africa u baahnaayeen sida Hu’ga iyo Cunooyinka iyaguna ay geeyaan xoolaha iyo waxii ka soo baxa sida subaga , hargaha , saamaha iwm , waxa kale oo dhulkan hodan ku ahaa xiliyada taariikhaha boqortooyooyinkana muhiim u ahaa fooxa, maydiga, xabagta iyo guud ahaan beeyada , waxa sadexaad oo soo raaci jiray baal goray , fool maroodi , beedka gorayada , harimacad iwm. In uu dhulkani muhiim ahaa waligiiba waxa kuu cadaynaysa 2800 Bc Nebi ciise hortii iyo taariikho ka sii horeeyey ayaa lagu soo bandhigaa buugta taariikhda iyo madxafyada taariikhaha ugu waaweyn ee dalka masar sida luxor , sida uu Alle ha u naxariisto e Cali Jamac Qalinle ku qoray Buugiisa taariikhda umadda soomaaliyeed oo uu ka soo xigtay buug badan oo ay qoreen sahamiyayaal iyo qoraayo aduunyada ee wax ka qoray dhulkan iyo dadkiisa, kuwaasi oo u badnaa Giriig , Ingiriis , iyo Carab . Haddaba marka aad eegto ahmiyada marin biyoodka badda cas aduunka u leeyahay iyo tartanada ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha ( China ) iyo Maraykan ( USA ) iyo waliba tartanada is xulafaysiyada awoodeed ee aad moodo in aduunku soo miisaanmayo oo wadamada bariga aduunku horumar badan sameeyeen oo dhinacwalba ah , marka lagu daro danaynta dhulka Somaliland ee wadamada carbeed ee Saudi Arabia iyo imaaraatka , Turkiga , Russia , maraykan , Masar , Israel, UK iyo Iran . Marka la eego maalgashiga Dekedaha Gobolkan ku yaalla ee lagu tartamayo iyo Free zone ka ama dhulka alaabada la dhigto oo suuq ah laga hirgalinayo Djibouti oo China ka wado iyo Somaliland oo Dp world laga yaabo in ay ka samayso freezone nasiya Dubai oo alaabta la dhigo isla markaana noqda mid alaabta dalka Ethiopia iyo Africa u gudbaysaa ama ay rabaan laga heli karo oo ah suuq dhow oo cidwaliba alaabteeda keensan doonto iyo waliba Deked isku xidha marinka Badda cas marka la eego meesha haboon ee ay ku taallo. Marka lagu daro sida dunidu u danaynayso marinkan ee hadda la leeyahay waxa loo sameeynaya ciidamo la yidhaahdo Badda Cas , iyo tirada saldhigyada ciidamada aduunka ee ku soo badanaya gobolka oo ay dalka Djibouti dhawr saldhig ciidan ku yaalaan , Somaliland na uu ku yaallo saldhiga ciidamada UAE iyo wadamo kale oo badan oo danaynaya in ay saldhigyo iyo ka helaan dekado ay dhistaan oo ay ka mid yihiin , UK , USA , RUSSIA , CHINA , TURKEY , MASAR , IRAN , ETHIOPIA , ISRAEL iyo waliba qaar kale oo badan oo EUROPEAN iyo ASIAN ah , ayaa waxa ay ku siinaysaa ama ku tusaysaa in uu gobolkani yahay halka dunidu u soo guurayso boqolaalka sano ee socda ee ugu muhiimsan aduunka . Waxa haddaba isweydiin leh dadka iyo dawlada Somaliland ma ku baraarugsan yihiin waxa ka socda gobolka ay ku nool yihiin iyo sida dhulkoogu muhiim ugu yahay dalkasta oo aduunka ah , marka lagu daro waliba in ay tahay Somaliland wadamada khayraadkeega oo dhami u yaallo oo aan waxba laga isticmaalin hadii ay shidaal tahay, macdan, khayraadka badda iyo khayraadka barriga, sida xoolaha nool, kalluunka, beeraha, beeyada macdanaha kala duwan , saliidaha kala duwan , dhirta laga sameeyo dawooyinka, dhirta laga sameeyo waxa la isku qurxiyo, xoogaga tamarta ee dhuxul dhagaxda, cadceeda iyo dabaysha , dhirta laga sameeyo cadarada iyo waxyaabaha uduga ah oo dhan , goobaha taariikhaha iyo dalxiiska iwm . Waxa aynu u baahanahay in aynu u diyaar garowno oo gaawaha u culano sidii aynu ugu maali lahayn tartanada kala faaiideysi iyo maalgashi oo gobolka iyo wadamada marin biyoodka badda cas ka socda , waxa aynu u baahanahay in dalkeena oo ah ka ugu muhiimsan waxyaabaha dunidu danaynayso oo dhan in uu gadhwadeen isagu ka noqdo hadii gobolku wax qaybsanayo ama wax samaysanayo ee aanay ina dilaalin ama wakiil inaga noqon dawlado aan ahmiyada Somaliland leedahay iyo mid u dhow toona lahayni . Waxa aynu u baahanahay in aynu sharciyadii aynu aduunka wax kula qaybsan lahayn , kuwii la inagu maalgashan lahaa iyo kuwii aynu dadyowga kale kula macaamili lahayn diyaarsano oo waliba ka fiican kana furfuran oo ka fudud wadamada tartanka inagula jira si dalka Somaliland u noqdo ka ugu wanaagsan ee aduunka oo dhami danaynayo ee la isugu imanayo , Isla markaana noqonaya saylada isku xidhaysa Africa, Jaziirada Carabta , dawladaha bariga ee wax soo saarka warshadaha hada hogaanka u haya sida China, Japan, Hindiya iyo dunida kale ee reer galbeedka ee danaynaysa Suuqa Africa. Mohamed Abdi Jama ( Muhamed Dhimbiil ) hormood@hotmail.com @dhimbiil Image Qaran News
  20. Sawirka Xaramka ee ka hadalka badan keenay Afar ba waxtar weyn ayuu u leeyahay iyo Heykalka Qaynuunka amma Dastuurka oo dhowrsanan heli doonna la siiyo si buuxda. 1) Halka waxa daawadeedii la helay Xisbiga Wadani canbaartii iyo eededii la la dabbo socday. 2) Golaha Wakiilada oo Bu-saaradii abid ugu xumayd ay ku habsatay halka iyagga waxa ugu jirta dheri-weyn hilbo ah. 3) Saleeban Maxamuud Aadan Madaxtinamdii cadhadda badan u qabay iyadda oo soconaysa ayey albabkiisa Golaha isa soo hortaagtay. … Marka Wadani waxa uu leeyahay Ummaday annaga iyo kulmiye kee yaa Soomaliya la showra oo la shaaha Soomaliya ? … Golaha Wakiiladu waxa la gudboon denbi ku oogis Madaxweyne Muuse Bixii iyo inta kala socotay ee sawirka kula jiratay halkaan dacwada budhigeedu waxuu yahay Adhax -jabin Qaranka oo Madaxweynuhu si badheeh ah ugu kacay. Waanna halka quruska qaniiyada iyo cantuugaduba ku jirto ee Golaha. … . Saleeban Maxamuud Aadan isaggan Maanta ayaa Madaxtinimo Madaxweyne you dhow dahay waa inuu is garab taaga Dacwada halkaan Madaxweynaha loo diyaariya siddii Maxkamada loo horgeyn lahaa isaggunna uu noqon laha Madaxweynaha ku meel gaadhka ee ilaa doorashadda Madaxweyne 2022 la gaadhaayo. …. 4) Ka afraad waxa halka heykal iyo karaamo ilaalsan ugu soo hoyeynaysa Qaynuunka amma dastuurka dalka Jamhuuriyada Somaliland waxana mabnuuc noqonaysa in qof si yar oo fudud ugu kaco wax kast heykal iyo jiritaanka qaranka wax u dhimaaya sidda sawiraka Madaxweynuhu sidda aan fejignaanta lahayn ula galay wasiiro- soomaliya ah oo ay Xaramka isku arkeen amma ay ka soo wada qayb galeen qoloba dhinaceed. …. Siddo kale waxyaabo badan oo hore loogu dhiiraday ayaa albaabkoodu soo xidhmaya sidda waxa looga danbeyn doona Dastuurka amma Qaynuunka guud ee dalka iyo sidda u dhidban yahay. kuwo kale oo u baahna ka run-sheegid waxa ay noqonayaan kuwo la dhugto oo la dheysto lana tixgelyo sidda ugu haboon ee ugu hagaagsan sidda qadiyada saamiga iyo kuwa kale fara iyo tirad badan ee ku xeeran oo kow ay ka noqonayso in Jamhuuriyad Somaliland hal-reer oo kali ahi noqdo ka ah jaan-gooyaha siyaasad iyo ka talinteeda oo saxideed iyo wax ka qabashadeed u tahay daawad ugu wanaagsan ee Jamhuuriyad Somaliland ku heli karto xaquuqo aad u tirad iyo tayada badan ee ka maqan gaar ahan xagga aduunka marka laga hadlaayo . … . Marka sidda wax u dhacan sheekooyinkii waxyaabo badan ayaa is bedelaya ,tusaale ahaan Waa inaad la jaan-qaada isla markaan la tallabsataa Jamhuuriyada Somaliland ee qaynuunkeedu yahay lamma taabtaan la tijaabiyey isla markaan u hogaansanata. …. Waxba lagga yaabba in yidadiilo cusub iyo xoog badan yimaado kaas oo kaa imanya Ummada markaan caqabado badan oo Dalka ka jira la helo daawadooda sidda Arimaha Ceel-afweyn iyo kuwa kale mid ka xagga Cadalaad iyo Garsoorka isaggan la sii daayo dhamaanba Dadka cidh xidhan ee lagu xidhay waxa aan aad u sii weyn siddo kale kuwa kale oo farro-badanna dignin iyo cashar lama ilaawan ah inanay ku fududadan qadiyad iyo karaamka Ummad jamhuuriyad Somaliland balse ay ilaaliyan qaderin iyo xumo weyn ay siiyaan waxii maanta ka danbeeya . … . Xagga Caalam iyo Geeska, waxay tusi karta in qadiyad iyo hadafka Jamhuuriyad Somaliland ummadeed yahay mid ah lama taabtaan cid kast hore si wax isu moodsisay ay wax hada ka danbeeya noqdaan kuwo ixtiraam iyo maamus weyn u haya qadiyada iyo Ummad gaar u leh ba . .. Aragtida Muwaadinka. Abokor I Mohamud. Qaran News
  21. At least six Somali government soldiers and a cameraman were killed and 13 others were injured Wednesday when al-Shabab militants attacked a military base near the capital, officials say. Source: Hiiraan Online
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ka koobnaa lix sarkaal ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee maamulka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wafdigan oo horey usoo maray magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Jubaland kala hadlay xiriirka xumaaday ee dowladda iyo doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhaceysa Kismaayo. Sida aan xogta ku helnay, wafdiga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay oo laba qodob oo kala ah: 1 – In mas’uuliyiinta DF oo horey looga mamnuucay Kismaayo loo ogolaado inay yimaadaan, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ku lug yeelato hanaanka doorashada Jubaland. 2 – In dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Jubaland si musharaxiinta mucaaradka ah loo siiyo waqti dheeri ah oo ay isku diiwaan geliyaan, kadib markii uu dhammaaday waqtigii horey loo qabtay, ayaga oo diiday inay is-diiwaan geliyaan. Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland, ayaa Caasimada Online u sheegay in wafdiga Itoobiya loo sheegay in labada qodobba ay yihiin kuwa ka baxsan gacanta madaxweynaha, oo uusan wax ka qaban karin Waxaa lagu war-geliyey in go’aanka ka dhanka ah dowladda lagu qaatay kulankii golaha wasiirada, sidaas darteedna aysan ahayn arrin uu wax ka beddeli karo madaxweynaha, halka go’aanka la xiriira waqtiga doorashada loo sheegay inuu yahay mid u yaalla guddiga doorashada, oo haddii ay doonayaan ay kala hadli karaan. Wafdiga Itoobiya ayaa isla galabtaba isaga tagay Kismaayo, kuna laabtay Addis-Ababa, waxaana la sheegay inay ahaayeen isku daygii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay ku hor-istaagi lahayd doorashada Jubaland, taasi oo hadda u muuqata inaysan shaqeyn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan hay’ado caalami ah oo dalalkooda u qaabilsan inaysan shaqaysan dhalinyarada qaaradda Africa. Arrintaan ayuu u sababeeyey in looga golleeyahay inaysan dhalinyarada Africa isla markaana la siiyo wax uun dhaqaale si badeecada dalalka ay shirkadahaasi ka soo jeedaan loogu suuq geeyo dalalka kuyaal qaaradda Africa. MUUQAAL PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Puntland,”Hay’adaa waxay u dhisan yihiin dhalinyarada Africa inay baabi’iyaan” appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug. Diktreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo loo cuskaday Tala-soojeedinta guddiga sare ee Garsoorka dowladda Puntland ayaa lagu magacaabay mas’uuliyiinta laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa Maxamed Cismaan Aadan u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug halka uu Cabdinaasir Maxamed Cali u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug. Sidoo kale madaxweynaha ayaa magacaabay laba Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Cabdifitaax Maxamed Maxamuud iyo Cabdicasiis Maxamed Faarax. Waxaa kale oo uu magacaabay laba garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Maxamed Maxamuud Jaamac iyo Ciise Cabdi Daahir halka uu Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug u magacaabay Cabdisalaan Muuse Cali. Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Laamaha Garsoorka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  25. Shacabka kunool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen doorashada madaxtinimada Jubbaland iyo arrimaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo. Inta badan shacabkii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan xildhibaanadii ay ku dhawaaqeen guddiga xuduudaha iyo doorasshooyinka Jubbaland ee shalay lagu dhawaaqay. Shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka, siyaasiyiinta iyo madaxda Jubbaland inay ilaashadaan nabadda iyo midnimada isla markaana ay iska ilaaliyaan in laga dhex faa’iidaysto. MAQAL CODADKA PUNTLANDPOST The post Shacabka Garoowe oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland. appeared first on Puntland Post.