Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,283
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kadib kulan ay Maanta Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale iyo Ganacsatada Baladweyne ayaa waxaa la go’aamiyay in ku dhowaad Afar sano kadib gobolka Hiiraan laga isticmaalo lacagta Shilinka Soomaaliga. Ganacsatada iyo Maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku raacay in la socodsiiyo lacagta shilinga soomaaliga taas oo baahi weyn ay u qabaan Shacabka danta yare ee ku nool Magalada Bladweyne. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa kulanka sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya lacagta Cansuurta ah ay ku qaadi doonaan lacagta Shillinka Soomaaliga, isaga oo ka digay in lacagta feelsada ah lagu soo dhex qariyo lacagta caadiga ah. Mid ka mid ah Guddi ka socday Ganacsatada magalada Baladweyne ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo ay qaadan doonaan lacagta Shillinka Soomaaliga,waxaana Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka codsaday in tallaabo laga qaado dadka lacagta feelsada (Been abuurka) soo gelinaya Magalada Baladweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha dowladda degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed cumar iyo madaxa xarunta dhaxe ee X.D.S Maxamed Shaale Isaaq ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii ururka ONLF oo ku beegan 15-Agoosto-1984-tii. Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda degaanka Soomaalida ayaa waxa kale oo kasoo qayb-galay hoggaanka ururka ONLF iyo taageerayaasha ururka ee ku sugan maagaalada Jigjiga. Madaxweynaha DDs Mustafe Muxumed Cumar oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horrayntii u hambalyeeyay hoggaanka sare ee ururka xubnihiisa kala duwan iyo taageerayaasha ururka. Madaxwaynaha dowladda degaanka Soomaalida mudane Cagjar ayaa caddeeyay in xisbiga Dimuqraadiga soomaalidu uu ku halgamayo danta iyo masiirka shacabka soomaalida isagoona adkaynaya midnimada iyo wadajirka umadda degta dowlad degaanka Soomaalida. Dhanka kalana mas’uuliyiinta ururka ONLF oo halkaasi khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in ay maanta munaasabadani ay uga duwan tahay munaasabadihii hore maadama ay si nabadgelyo ah ugu xusayaan gudaha dalkoodii hooyo halgan dheer kadib. Hoggaanka ururka ayaa sidoo kale sheegay in ay muqadas tahay midnimada iyo wadajirka umadd ku nool dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan adkaynta midnimada iyo walaalnimada shacabka. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida oo laga xusay sannad-guurada 35-aad ee aas’aaskii ururka ONLF appeared first on Puntland Post.
  3. Dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu weysnaa Saddex Dhalinyaro Soomaali ah,kuwaas oo la waayey xilli uu boob ka socday Goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen deegaanka Soweto oo ka tirsan Magaalada Johannesberg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Qaar ka mid ah Dhalinyaro kale oo gurmad u sameeyay Soomaalida Ganacsigooda la boobayay ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in la helay, iyaga oo badqaba Saddex Dhalinayarada ah, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay. Maxamed Cumar Talyaani oo ka mid ah Guddiga gurmadka sameeyey ahna Gudoomiyaha Dhallinyarada iskana abaabulay Magaalada Johannesberg ayaa sheegay in dhalinyarada Saddexda ah ay galeen Xaafado u dhow Goobahooda Ganacsi oo ay boob ku hayeen Burcad Koonfur Afrokaan ah sidaasina ay ku badbaadeen. Dhanka kale Xaaladda Deegaanka Soweto ayaa maanta xasiloon in kastoo ay waqti walba wax is bedeli karaan, iyadoo ku dhawaad Toban (10) Dukaan oo ay Ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin cagta lagu mariyey Boobkii dhacay, halka khasaaraha ugu badan uu gaaray Ajaanibta kale sida Ethiopian-ka iyo Bangladesh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Somaliland Xafiiska Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland ayaa Khamiista maanta shaaciyay natiijada imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo ay weheliyaan wasiirka Waxbarashada Somaliland agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland. Halkaan hoose ka daawo natiijada imtixaanka oo faahfaahsan iyo macluumaad kale oo dheeriya PUNTLAND POST The post Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  5. Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xiriira amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir. voa Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay kulan uu Madaxweyne Muuse Biixi dalka Sacuudiga uu kula yeeshay wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada ayaa sheegay in kulankaasi uusan aheyn mid qorsheysnaa, isla markaana ku dhacay si kedis ah. Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale waxa uu kulankaasi ku sifeeyay mid ka dhacay goob cibaado oo aan ku ladhneyn arrimo siyaasadeed. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Arrimaha bulshada oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Meesha Sawirka maanta la wareejinaya uu ka soo baxay waa wadanka Sacuudiga, waa acmaal xajka ah ayaa la iskugu tagay, umaddo badan oo Muslimiina tagay waana meel Muslimiintu ay siman-yihiin oo aan kala laheyn dhinac ay tahayba”. “Dad cibaado u tagay haddii ay isa salaaman ama is bariidiyan anuu wax dhibaato ah uma arko, markaa dadka cibaadada wax ka raadinaya ee siyaasadeynaya uma arko inay wax sax ah tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadii dad meelo kale lagu eedeyn jireyna, Makka ma aheyn cibaadona ma aheyn, laakiin maanta goob cibaado ayey aheyd oo la iskugu tagay, Muslimiin siman baa timid markaa haddii la isa salaamo, madaxweynuhuna sidan ka war hayo dad badan baa salaan ugu tagay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. The Federal Government of Somalia (FGS) and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Wednesday commenced a physical audit of companies and organizations operating within the Aden Abdulle International Airport protected area. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) - Travellers from Mogadishu will still have to contend with another three months of stop-over in Kenya’s north east after aviation authorities in Nairobi extended the direct flights ban to November this year. Source: Hiiraan Online
  9. KISMAYO (HOL) - A team of Ethiopian military and intelligence officials allegedly at the behest of Villa Somalia to negotiate a deal with Jubbaland president Ahmed Madobe over the incoming presidential elections returned from Kismayu disgraced after Madobe reportedly gave them a cold shoulder. Source: Hiiraan Online
  10. Kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan golaha fulinta ayaa Puntland waxa ay hakad gelisey wadashaqaynta xukuumadda Soomaaliya. Iyadoo ay taasi jirto ayaa shacabka Puntland iswaydiinayaan sababta keentay in weli ay wada shaqaynayaan qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo Puntland iyadoona ay hadda masuuliyiin katirsan Puntland shirar uga qaybgelayaan Baydhabo. Wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey), oo shir kaga qaybgalay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya labada dhinac haseyeeshee ay jiraan arrimo ka madax bannaan siyaasadda. “Puntland kuma taalo jasiirad cidlo ah waxay kamid tahay jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, waxyaabo laysku khilaafsan yahay waajiraan sida madaxweeynuhuba caddeeyey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo la hadlay Idaacadda Garoowe. Wasiir Sabarey oo sii wata hadalkiisa ayaa markale yiri,“Arrimaha gudaha, arrimaha dastuurka, qaybsiga khayraadka iyo deeqaha magaca Soomaaliya lagu helo arrimahaasi khilaaf baa ka taagan oo waad ogtihiin arrimaha kale ee aan siyaasadda shaqada ku lahayna waa soconayaan”. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Xagee ku dambeeyey khilaafkii Puntland iyo DFS xilli wasiiro ka socda Puntland ku sugan yihiin Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan. Waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay laba qodob oo beesha caalamka ay dooneyso in la fuliyo kuwaas oo kale. 1 – In fursad iyo waqti dheeri ah la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaan geliyaan ugana qeybgalaan doorashada. 2 – Iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, islamarkaana taas ay tahay shaqada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan kasocday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda. Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo waafaqday in Arrimaha Doorashada looga dambeeyo Guddiga rasmiga ah ee Doorashooyinka Jubaland appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland waxaa gaarey wakiilka xoghayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafti uu hogaaminayo. Waftigaani oo u jeedkiisu yahay xallinta khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta, musharixiinta iyo madaxda xilligaan ee maamulka Jubbaland. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda ka socdakulemo u dhaxeeya qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka Jubbaland Amb. James Swan oo ka wada arrinsanaya doorka dhaqanka ee xallinta khilaafyada taagan. Danjire James Swan waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qudhiisu musharax ah iyo xubnaha kale ee musharixiinta mucaaradka ah. PUNTLANDPOST The post Kulamo ka socda magaalada Kismaayo iyo danjire James Swan oo gaarey. appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ergeyga QM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulkaasi. Intaasi kadib James Swan ayaa guda galay ujeedada socdaalkiisa oo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu haatan garoonka uga socdo isaga iyo odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi. Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa cabashada weli ka taagan doorashada iyo sida loo wajahayo. Qaaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Jubbaland, taas oo la shaaciyey in la qabanayo todobaadka dambe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. After losing 250 goats and 20 camels to the devastating drought in 2017, Abdirahman Mohamed Mohamud did not think he would ever be able to provide again for his family of seven. Source: Hiiraan Online
  17. The Ethiopian Ministry of Innovation and Technology on Wednesday announced cooperation with Chinese e-commerce giant Alibaba Group on building its digital economy sector. Source: Hiiraan Online
  18. Barely a week to Somalia’s Jubbaland state elections, the vote could be headed for uncertainty after a group of rival candidates announced a list of MPs to pick the president. Source: Hiiraan Online
  19. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in qaar kamid ah muwaadiniintii Soomaaliyeed ee loo qaaday Xajku aysan helin fursad ay ku soo xajiyaan kadib markii shirkadihii qaaday ay dayaceen. Haddaba qaar kamid ah maamulayaasha shirkadaha duulimaadyada ee qaaday xujayda Soomaaliyeed ayaa beeniyey in xujayda qaarkooda aysan gudan waajibaadka Xajka waxaana ay sheegeen inuu ahaa sanadkii ugu fiicnaa xujayduna heleen adeegyo dheeraad ah. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Maxaa kajira in qaar kamid ah xujaydii Soomaaliyeed aysan xajka gudan sanadkaan. appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Wajaale)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku gudo jirta hawlo ay ku doonayso inay magaalo ganacsiyeedka Wajaale ay ka hirgeliso goobo muhiim ah oo aan hore uga jiran oo u suurto galinaya sidii dhinaca Somaliland uu ula tartantami lahaa dhinaca kale ee isla Wajaale ee ka tirsan Dalkaasi Itoobiya. Qorshahan Somaliland ayaa ah in Magaalada Wajaale laga hirgeliyo Laan ka mid ah Baanka Dhexe ee Somaliland, taasi oo uu shalay halkaasi uu tegay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baanka dhexe oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Gobolka Gabiley, iyo Degmada Gabiley, iyo Madaxda Magaalada Wajaale. Ugu horreyna, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa ka warramay ujeedada socdaalka iyo waxyaalaha u qorsheysan, waxaanu yidhi, “Waxaanu hore u soo dirnay Guddi farsamo oo daraasad ka soo sameeyey, markii aanu eegnayna waanu ku qanacnay in halkan (Wajaale) laga furo laan baanka dhexe ah”. Guddoomiyaha Baanka Dhexe waxa kale oo uu soo indha indheeyey heerka iyo tirada Baananka ka furan dhinaca kale ee Magaalada Wajaale ee ka tirsan dalkaasi Itoobiya, “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam, markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”. Dhinaca kalena, Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa isna sheegay ahmiyadda Baananku u leeyihiin magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen Gobolkan ee ugu kuurgalayaan xaaladda Baananka iyo Xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay Qaranka u hayaan siday uga socdaan Gobolka Gabiley”. Intaasi kadibna Maayirka Degmada Gabiley ayaa soo bandhigay baahida ay Baananka u qabto Magaalo ganacsiyeedka Wajaale, “Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu Qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”. Ugu dambeyntiina, Maayirka Magaalada Wajaale Xaashi Maxamuud Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Indho-Ballac ayaa iyaguna si weyn ugu mahad naqay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland isla markaana si diiran u soo dhaweeyey in Magaalada Wajaale laga furo Laanta Baanka dhexe ee Somaliland. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Marwo Sucaad Carmiye ayaa naqdisay kulan uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay wasiirro ka tirsan dawladda Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source