Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,287
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Subway employee in Rochester waved a knife at a Muslim woman who wanted to order sandwiches for her children and told her to “go wash your dirty Muslim hands” and “go back to your country,” according to the woman and a police report obtained by Sahan Journal. Source: Hiiraan Online
  2. She moved to the UK without her parents when she was just nine years old Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda dederaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada, daryeelka bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyada Turkiga. Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Jumhuuriyada Turkiga iyo dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta. Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska. Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyrre. Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya waxaana warbixino laga dhageestay xubno katirsan Golaha wasiirada Soomaaliya. Golaha Wasiirada ayaa arrinta ugu weyn oo ay ka hadleen waxa ay tahay qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee horyaalla golaha ammaanka QM, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Kenya. Sharcigaan ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay looga codsanayaa in liiska Argigixisada lagu daro Al-Shabaab balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa arintaas walaac ka muujiyay. Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Sharcigaan uu halis ku noqonayo dhaqaalaha iyo ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu saameyn doono malaayiin Soonaali ah, waxayna ugu baaqayn golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inaysan ansixin. Al-Shabaab ayaga ayaa dhowrsano ka hor fagaare ka sheegay in ay ku biireen urur waynaha Al-qaacidda oo ku jira liiska Qaramada Midoobay ee argigixisada inkastoo UN-ka aysan wali liiskan ku darin Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shaaciyey in ay si aad ah u diyaar garoobeen, islamarkaana uu si rasmi ah beri shirka uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Baadiyow ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay inuu ka dhaco shirka iyo goobaha loo diyaariyey inay degaan ergada. Waxa kale oo uu tilmaamay in la soo gabagebeeyay diyaar garowga shirka, ayna diyaar u yihiin waxyaabaha aasa asiga ah ee shirka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan liiska ergada ka qeyb galeysa shirweynahaasi, ayna rajeynayaan inay soo soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb. Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo waxgaradka iyo odaaysha ka qeyb galaya shir beelaha Habargidir uga socda gudaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ay ku baaqeen in dib loo dhigo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa ka hadlay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya. Ramaax ayaa ugu horeyntii si adag u cambaareeyay kulankaasi oo ku sheegay in uusan u qalmin meeqaamka Somaliland, isla markaana gaf ku ahaa bulshada reer Somaliland. Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kulankaasi uu la yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada Farmaajo. Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Berbera, ayaa waxa uu yiri “Waxan cambaareynaynaa sawirka ay idinla galeen wafdigii madaxda jamhuuriyada Somaliland ee aad soo dhigeysan baraha bulshada”. “Ninka leh Kenya u digaya ee Wasiirka arrimaha dibeda sheeganaya waa xaaran in uu Madaxweynahayagu isla soo sawiro, waxaana leeyahay madaxweyne waa qalad aad gashay kana raali-geli umadda reer Somaliland iyo inayna dib u dhicin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn, umaddani diyaar uma aha in la sawiro oo sawir beena la sawiro uma baahna, waxayna diyaar ugu aheyn nimanka halka aynu ognahay aan kala taaganahay in maanta ay idhaahdaan midnima loo oomanyahay oo waaka Madaxweynihii”. “Ma khiyaamay nagu wadeen Sacuudi carabiya markay xajka kugu marti-qaadayen ma inad isa-salaaMtan ayey kugu wadeen. Nimankaa waxanu kala taaganahay labada Suudan ciidan baa la dhex dhigi jirey iyaga kala ilaaliya, halka aynu ku aragno dagaal baa noo dhexeeya, mid siyaasiya noo dhexeeya mid xabadeed baa noo dhexeysa, mid islaamnimo ayaa meesha oolin, sidaas daraadeed darbiga jabisay madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haysta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay 5 bil kadib xayiraadda ka qaaday shacabkii ka barakacay degaanka Bariire ee gobalka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa dadka dagan degaanka 5 bil ka hor markii ay qabsadeen ciidamada dowladda ku amray in ay ka barakacaan magaalada ganacsigana la joojiyo, si loo cuna qabateeyo Ciidamada Dowladda ee magaalada ka qabsaday. Dadkii daganaa ayaa ka dhaga adeegay amarkaas balse Al-Shabaab waxay bilaabeen in ay duqeeyaan xaafado kamid ah magaalada si dadka uga barakacaan, waxaana markaas Bariire ka baxay boqolaal qoys oo halkaas daganaa. Maalmo ka hor ayey Al-Shabaab kulan la qaateen mas’uuliyiinta degaanka waxayna u fasaxeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda islamarkaana ay bilaabaan ganacsigii iyo beerashada beeraha Bariire. Al-Shabaab ayaa odayaasha degaanka u sheegay in ay ka joojinayaan duqeymaha dhankooda ah islamarkaana loo fasaxay in ay guryahooda ku laabtaan muddo 5 bil ah kadib. Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab bilaawgii sanadkaan ka qabsaday degaanka Bariire, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay haawanayay xaafadaha magaalada. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa jaray Buundada Bariire kadib markii ay qarax ku xireen taas oo saameysay isu socodka magaalada oo aad u liidato muddo 5 bil ah. Dadka degaanka ee bilaabay in ay dib u soo laabtaan ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyaan goobaha kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab kadibna ay saameyso dadka degaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Haddii aan ka qiyaas qaadano jawiga siyaasadeed iyo kan amaan ee hadda ka jira Kismayo, iyo sidii wax u dhacayeen dhowrkii bilood oo la soo dhaafay, gaar ahaan tallaaboyinkii amar ku-taaglaynta ahaa ee uu qaaday Axmed Madobe oo uu ku dhisay guddiga doorashooyinka, xulashada oday dhaqameedyada iyo xilidhibaanada ay odayaashashi soo xuleen, ku gacan sayridda talooyinkii Amisom, IGAD, iyo ergayga qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya, talooyinkaas oo ahaa in doorashadada dib loo dhigo si murashixiita oo dhammi ay uga qayb galaan, in doorashadu noqoto mid loo wada siman yahay oo u dhacda hab madaxbanaan oo daah furan, kaas oo amaanka tartamayaasha ay sugayaan ciidamo ka madax banaan fara gelin shiyeeye iyo mid siyaasadeedba, waxa suuragal ah inuu dhaco isku dhac ciidan oo dhiig ku daato isla markaana gaysta khasaare iyo bur-bur hanti dadwayne iyo mid dawladeed labadaba. Ilaa iyo haddana ma muuqato si loo baajin karo isku dhacaas iyo fashilka siyaasadeed oo ka dhalan kara. Maxaa Axmed Madoobe lagu eedaynayaa? Axmed Madoobe waxa lagu eedaynayaa: In isaga keligiis soo xushay oday dhaqamadeeyo aan ahayn kuwii saxda ahaa oo mathalayay beelahooda. Inuu amray oday dhaqameedyada uu isagau soo xushay in mid waliba u keeno 3 qof oo uu mid ka mid ah ka dhigo xildhibaanka beesha. Inuu diiday in doorashadu u dhacdo hab daah furan oo ka madax banaan faragalin, cadaadis, cabburis, hanjabaad, iyo amar-ku-taaglayn. In doorashadu ka dhacdo meel ka madax banaan fara gelinta maamuliisa. Inuu garoonka diyaaradaha Kismayo ka mamnuucay masuuliyiinta xilalka ka haysa ama taabacsan dawladda dhexe isla maasna raba inay ka qayb galaan tartanka. Inuu diiday in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay lug ku yeelato habka iyo hanaank doorashada Jubaland u dhacayso. Inuu garab siyaasadeed iyo gaashaan ciidan ka dhigtay dawlado iyo shakhsiyaad cadow ku ah midnimada, madax banaanida, qaranimada, iyo sugidda xuduudaha Soomaaliya ee sharciga ah. Maxaa ka qaldamay dawladda dhexe? Ka dib markii ay ku guulaysatay saamayntii ay ku yeelatay doorashadii Koofur Galbeed, tii Galmudug-na ay door muuqda ka qaadatay, dawaladda dhexe waxay isa siisay kalsooni ah in tan Jubalandna ay saamayn ku yeelan karto. Laakiin sidii ay qorshaynayeen ama rabeen wax uma dhicin waayo Axmed Madoobe wuxuu garab ciidan, taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helay Kenya oo dawladda Farmaajo cadaadis ku saartay inay ka laabato dhacwadii badda, madaxwaynaha xilligan ee maamulka Puntland, Senator Faroole iyo Senator Cumar Cabdirashid, madaxwanayaashi hore Shiikh Sariif, iyo Xasan Shiikh, iyo dhamaan mucaaradka dawladda Farmaajo iyo Khayre. Waxa is waydiin leh haddii Axmed Madoobe mar kale noqdo madaxwaynaha Jubaland, ma u samayn doonaa wax alla wixii Kenya ay rabto ama ka dalbato maamulkiisa maadaama ay si buuxda oo aan qarsoonayn ay u garab istaagtay inuu ku guulaysto doorashada? Maxay siisan doonaan taageeradooda? Dad badan oo anigu aan ku jiro kuma mucaaradsana Axmed Madoobe wax aan ka ahayn khatarta uu ku yahay midnimada, wadajirka, iyo qaranimada dalka Soomaaliya. Hore wuxuu ugu adeegi jiray taliskii xumaa ee Miles Zenawi iyo maamulkii arxanka darnaa ee Cabdi Ilay, haddana wuxuu u adeegayaa danaha Kenya, Imaaraatka, iwm. Waxa keliya oo isagu rabaana waa kursiga iyo inuu mar kale noqdo madaxwaynaha gobollada Jubaland. Guul Axmed Madoobe helo maxaa ka dhalan kara? Haddii Axmed Madoobe ku guulaysto doorashada waxa dhici karta in Jubaland ay u qaybsanto sidii Galmudug oo garabyo iska soo horjeeda ay ka kala taliyaan gobollada ay ka kooban tahay, qabaailkuna isku dhacaan. Waqtigan hadda la jooga xataa jubaland gacanta uguma wada jirto Axmed Madoobe oo maamulkiisu wuxu ku kooban yahay Kismayo iyo qaar ka mid ah tuulooyinka xadka Kenya ku yaal. Haddii bur-bur iyo isku dhac imaadana kala tag iyo sii kala fogaansho kii hore ka daran baa imaan kara. Maxay samayn karta dawladda dhexe? Kolley lama filayo in dawladda dhexe ay dagaaal iyo awood ciidan u adeegsato Jubaland. Sida awgeed tallaaboyinka u furan wa kuwo siyaasadeed ama waan-waan iyo wadahadal. Sidaas oo ay tahay, sida dastuuka Soomaaliya uu qabo, wa in wasaaradda arrimaha gudaha ee federalku ay ansixiso doorashada iyo ciddii ku guulaysataba. Sida awgeed, dawladda dhexe waxa u banaan inay diido inay aqoonsato natiijada doorashada iyo habkii doorashada loo qabtay labada. Sodoo kale, waxa dawladda dhexe cadaadis ku saari karta beesha caalamka inaysan aqoonsan natiijada doorashada, xiriirka wada shaqayntana u jaraan maamulkiisa. Waxa kale oo dhici kara in qaar ka mid ah degaanada Jubaland ay ku gacan sayraan natiijada doorashada haddii Axmed Madoobe ku guulaysto, taasina ay keento inay xiriirka u jaraan maamulkiisa oo ay toos ula shaqeeyan dawladda dhexe. Mucaarad xukun doon ah oo u shaqeeya cadowga Burburkii dawaladdii Soomaaliya waxaa loo saaraa xukun jeclaysi iyo keli talis. Haddana wuxuu Axmed Madoobe wado waa xukun jeclaysi iyo keli talisnimo. Wax horumar ah oo uu qabtay Jubaland ma jirto. Inta badan degaanada Jubaland xataa ma tagi karo. Haddii Axmed Madoobe guulaystana khatar wayn baa soo wajahaysa midnimiada, madax banaanida, qaranimiada, wada shaqaynta, iyo amaanka Soomaaliya. Mid isaga dhaama baan Alle waydiisanayna. Mucaaradka Soomaaliduna ma aha kuwo waddaniyiin ah oo u danaynata danta dalka iyo dadka ee waa mid ku dhisan hanti boob, xukun jecayl, iyo qabyaalad. Bal yaa garan kara waxa Cumar Cabdirashid uu raadinayo oo ka maqan rabo, waxa Faroole uu faraha ugala bixi la’ yahay talada Puntland, haddana uu faraha ugula jiro Jubaland. Maxaa ka maqan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, iyo ragga la mid ah. Wixii ay dhici kareen dhace, wixii ay gadan kareena gade. W War iyo dhamaanti waa hubaal in mucaaradka Soomaalida iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadu aysan rabin dawladnimo, kala dambyn, wada shaqayn, midnimo, madax banaani, iyo in sharafii iyo karaamadii Somalia soo laabato. Allow Soomaaliya ka bed-baadi Soomaalida cadowga u ah oo u shaqeeya cadowga Soomaaliya, iyo shisheeyaha cadowga u ahba. W/Q: Axmed Bashir Bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay waxyaabaha qarxa, kadib howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolkaasi. Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland aya warbaahinta u soo bandhigtay Miinooyin ay sheegtay in lagu aasay waddada isku xirta tuulooyinka Bangeeni iyo Koban ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakisha NISa ee maamulkaasi ayaa sheegay in la doonayey in qaraxyadaasi lagu dhibaateeyo shacabka, sida ay hadalka u dhigeen. ‘’Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa, una taagan mar walba ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinooyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta u dhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban, waa aaga degmadda Jammaame ee gobolka Jubbadda Hoose.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska NISA ee Jubbaland. Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa kordhisay howlgallada ay ka wado gobolka Jubbada Hoose, maadaama ay dhowaan doorasho ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. SOMALILANDTA QARSOON !!! ======================= Waa danyar aad ka naxayso hoyga ay ka galaan dhaxanta iyo roobka iyo waliba qoraxda kulul ee dalka, waa qoys ka kooban Shan caruur ah iyo labadoodii waalid waxa ay ku soo koreen nolol maalina la qadeeyo maalinta la waayana aan laba tabin waayo waxa ay la qabsadeen gaajada . Qoyska waxa u shaqeeya oo u kalahda hooyadood, waxa ay suuqa la fadhiisataa galaano laws ah iyo galaano hadhuudh ah , maalmaha qaar waxbaba cidi kama iibsato oo sidii ay ku kalahday ayey ku soo noqotaa , maalinta wax laga iibsadona Kama badna laba galaan ooqiimahoogu aanu ka badnayn 10,000/=. Aabohood oo u shaqeyn jiray qoyskan oo dhismaha marba yoomka uu helo ka gali jirey waxa maalin uu ka soo dhacay guri uu dhisayey , waxaana uu naafo ka noqday qaybo ka mid ah laxaadkii uu ku shaqeysanayey, maalin maalin buu baxaa oo uu suuqa u yar dhaadhacaa . Caruurta waxa waxbarasho ku jira sadexda waaweyn oo ah wiil iyo laba gabdhood waxa ay laba ku jiraan dugsiga sare , halka midina dugsiga dhexe sii dhamaynayso, labada yaryari waa ay gaadheen da’ ay wax ku bartaan laakiin waalidkood ma awoodo in uu waxbarasho ka bixiyo , gurigooga waxa ka agdhoow malcaamad quraan iyo madarasad weyn oo caan ah waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo aanay danyartu hawaysan karin. Sadexda caruur ah ee wax u barta maalinba meel buu aabahood lacagta iskuulka uga soo qaadaa hadiiba uu ka soo helo , maalmaha qaar waxa waxbarashadu ku dhaaftaa fasalada dibadooda iyada oo maamulka dugsigu qofkii aan lacagta bixin fasalka ka saaro oo ay ka maqnaadaan ilaa inta loo soo helayo lacagtii dugsiga lagaga bixin lahaa!!! Qoyskani waxa hareerihiisa degan qoysas kale oo danyar ah oo qoyskani u noqonayo reer ladan , waxa ay haystaan ubad yaryar oo aan helin goobo caafimaad hadii ay xanuunsadaan , waxbarasho aan haysan , biyo aan haysan , huga ay xidhan yihiin inta uu hun dhaafay aanu jidhkoogaba qarinayn , waalidiinta dhashay ubadkani waa dad aan aad u waaweynayn laakiin danta iyo duruufuhu ka dhigeen dad gaboobay, oo xataa xoog ay wax ku qabsan karaan aanu ka muuqan. Xaafada ay degan yihiin waa meel magaalada ka durugsan , ma yaqaanaan maamulka magaalada iyo ka qarankaba oo cidi meeshooda uguma tagto , laakiin waxa ay ii sheegeen in maalmihii doorashada xaafadooda ay xisbiyadu iman jireen oo ay balanqaadyo badan u qaadeen marka ay soo baxaan in ay wax u qaban doonaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha laga kabi doono, ayaan daro cidi dib ugumay soo noqon. Cariishyada iyo buulasha ay ku jiraan waa qaar u nugul roobka oo si dhibyar ayuu u qaadayaa, waa qaar aan dhaxan iyo cadceed midna ka celinayn, waa qaar hadii ay gubtaan lagu madhanayo oo aan cidina ogeyn , waxaana ay hurushoobi doonaan dad iyo duunyoba sidiixaafado badan oo danyarta dalka ahi dab ka kacay ugu madheen , Dadkani markoodii hore waxa ay deganaayeen magaalada dhexdeeda, waxaana dayrkiisa ku dhex noolaayeen dhisme dawladeed oo in badan qabyo ahaa oo ay buulal yaryar uga dhisnaayeen , sidii ay halkaasi ugu noolaayeen ayuun baa maalin ciidan iyo cagaf la dulkeenay waxaana la siiyey qadar daqiiqado ay alaabtooda kaga urursadaan buulashii ay deganaayeen , waxaana laga burburiyey hoygii ay daganaayeen oo lagu yidhi ka qaata meesha. Maalmo ayey banaanka u hoydeen oo ay bacad yaal ahaayeen, waayo ma haystaan meel ay degaan, ma haystaan gaadiid ay ku guuraan , waxaana lagu wargaliyey in guriga ay deganaayeen kaamboolkiisa ay dawladu iibisay oo ay ka iibisay mid ka mid ah ganacsatada uguwaaweyn dalka oo uu isaguna dalbaday in dawladu dadka ka rarto si uu dhisto. Waxa ay ahaayeen iyaguba muwaadiniin xaq u leh in ay dawladoodu siiso guryo ay dagaan maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan taageero iyo dhaqaale midna , hase ahaatee may helin oo dawladoodu dadba uma aragto marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo cidlada lagu soo daadiyey, kaaga darane halkaa ay degan yihiin maalinwalba dad baa ugu yimaada oo yidhaahda nooga guura . Waxa jira Somaliland aan aheyn tan magacyada waaweyn leh ee muuqata ee qofka dhinta la yaqaano ee aynu wada tacsiyeyno, ka xanuunsada aynu u wada ducayno, ka la xidho aynu u wada doodno , iyaga hadii maalin ay xataa fursad u helaan in qof warbaahin ahi soobooqdo amaba wax ka duubo, badanka lagama yaaboba in la soo daayo barnaamijkaa laga duubay, amaba sikino kooban uu ka baxo Tvga , hadana codkoogu meelna ma gaadho . Waxa dalka ku nool boqolaalkun oo sabool ah oo noloshaa aan ka soo waramay iyo mid ka sii hoosaysa ku nool oo ah muwaadiniintii dalkan lahaa ee dawladu u dhisnayd ee xaq u lahaa in iyaga mudnaanta la siiyo , maadaama aanay iska bixin karayn waxbarasho, dhakhtar gaar loo leeyahay in ay iska daweeyaan aan awoodin , biyo ay cabaan aan haysan , hoy ay galaan aan haysan ee ay adag tahay sida ay u nool yihiin. Dadkan xataa waxa ka mid ah dadkeenii miyiga deganaa ee ay abaaruhu xoolihii ka madhiyeen oo magaalada soo galay si ay nolol u raadsadaan , waxa ay ahaayeen dad qani ah oo xoolo haysta oo aan cidna u baahneyn laakiin duruufaha ayaa ka dhigay dan yar diifi ka muuqato oo dadku indhaha ka laliyaan , maaha nolol ay doorteen ee wakhtigaa u doorey waxaana ay cashar u tahay iyo imtixaan lagu eegayo dadka inta iyaga dhaanta oo dhan. Nolosha dhabta ah ee dalkeena ka jirtaa waa sadex qaybood inta aan u kuur galay ; 1- qaybi waa taa aan soo sheegay oo waa ta ugu hooseysa ee ugu itaalka daran leh , una baahan gurmad iyo taakuleyn iyo waliba daryeel dawladeed. 2- qaybta labaad waa ta ugu badan dadka oo waa dad xoogsada laakiin waxa ay ku nool yihiin aanu noloshooda wada daboolin , waxaana ay lacagtu kaga baxdaa , kiro guri , Nal , biyo, dhakhtar, waxbarasho iyo wax Yar oo ay afkooga u cunaan , iska daa wax u dhigma e iyaga iyo dayn lagu yeeshaa bilwalba, qaybtani waxa ka mid ah shaqaalaha dawlada, shaqaalaha ganacsiga dhexe iyo hoose, ciidamada iyo sida ay dadku u badan yihiin. 3- qaybta sadexaad oo ah inyar oo u badan ganacsato , iyo siyaasiyiin oo labadooduba xilalka ay haystaan iyo xoolaha ay haystaan ka helay dadka duruufahan aynu ka hadlayno ku nool, waxa soo raaca in kooban hay’adaha caalamiga ah u shaqeysa. Hadii aan duruufaha nololeed ee dadka iyo dalka hoos loo eegin , iyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa dadka noloshu ku sii adkaanayso, waxa iman doonta in dadku hal maalin isa soo taagaan oo dalka lagu kala awood bato oo uu dhaco kacdoon dadweyne ookhatartiisa lehi. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama +252634241005 hormood@hotmail.com Qaran News
  11. Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?. Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cabdilahi Abokor, ayaa sida cadceeda uga dhex-muuqday Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isaggoo La yimmi waxqabad mug iyo miisaan leh muddo laba sanadood gudahood. Wasiir Cabdilahi Abokor waxa uu dib-u-dhis iyo dayactir balaadhaan ku sameeyey Wadooyin tiro badan oo hawlbowlayaal ah, kuwasoo inta badan ah kuwo ugu mashquulsan. Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdilahi Abokor ku guuleystay hirgelinta iyo taabo-gelinta mashruuc aad muhiim u ah, kaasoo ah yagleelka iyo dhismaha Wadada ganacsi ee Berbera Corridor iyo Wajaale. Wadada Corridor oo hadda socota, ayaa ah mid xawaare sare ku socota, isla markaana uu Wasiirka Jidadka iyo gadiidku hadh iyo habeen heegan ugu jiraa sidii ay u dhamaystirmi lahayd. Akhriste hadii aad u safartay ama martay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxa indhahaagu qabanayaan dayactiirka sanaadkii 2018-ka Wasaarada Jidadku samaysay, oo aan isbedelin Iyo sidoo kale, shaqada cusub ee aanay hore Somaliland uga qaban wadaadaas, oo ah balaadhinta lagu samaynaayo ee Mashruuca Berbera Corridor, kaasoo mustaqbalka dhow ka dhiggaaya Wadada isku xidha Wajaale ilaa Berbera mid afar Haad oo waaweyn ah. Waxyaabaha kale, ee Wasiirka Jidadku Md. Cabdilahi Abokor nasiibka u helay waxa ka Kamid ah bilowga dhismaha Wadaad dheer ee isku xidhi doonta Boorama ilaa Jabuuti, oo dhowaan la dhagax-dhigay isla markaana Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku mashquulsan tahay dhismaheeda. Akhristayaal qormo iyo laba toona iyadoo aan lagu soo koobi Karin dedaalka iyo waxqabadka baaxada leh ee Wasiir Cabdilahi Abokor ku hirgeliyey mudo laba sanno waxka dhiman yihiin, waxaynu dib u yara milicsan doona waxqabad korka xaadis ah oo Wasiirku ka hirgeliyey Wadooyinka gobolada bariga. Waxa kaloo, iyaggana dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn maadaama, oo wadadaas dhirtu soo gashay, taasina sababi jirtay shilal, isla markaana gaadiidkii isu qarin jirtay. Waxa kaloo kamid ah Waxqabadka muuqda ee ka hirgalay Wadadooyinka, Biriishka burco oo la ogga burburkii ay gaadhsiyeen Daadad iyo Biyaha Dooxu, Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray ama shaqada lagu wada ee shaqo ka socoto kamid ah biriishyo u dhexeeya Magaalooyinka Burco Iyo Berbera sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa “Irish Biriish” u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jari-jireen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn… La soco qaybaha dambe iyo Wadooyinka Galbeedka iyo bariga Somaliland laba sanno ka yar dayactir balaadhan lagu sameeyey. Qalinkii. Cabdicasiis Bashiir Nuur Email. c.casiis98@hotmail.com Hargeysa/Somaliland. Qaran News
  12. By: Harun Maruf voanews.com The July 24 suicide bombing that killed the mayor of Somalia’s capital was disturbing on multiple levels, security experts say. Abdirahman Omar Osman was slain by one of his own aides, who was female and blind, and who acted in concert with another one of his employees, also female. Besides those unsettling facts, Osman’s death highlighted a cold, hard reality: militant group al-Shabab had again infiltrated an important Somali government entity. The government’s long-running battle to subdue the al-Qaida-linked militants has been hobbled by al-Shabab’s infiltration of government agencies, offices and security teams. In April this year, authorities arrested the commissioner of Mahaas, a town in central Somalia, for facilitating an al-Shabab suicide bombing that killed the commissioner’s deputy. In 2016, a court convicted Abdiweli Mohamed Maow, the head of Mogadishu airport security, for helping to smuggle a laptop computer bomb onto a outbound flight. The bomb exploded 15 minutes after takeoff but miraculously failed to bring down the plane, which safely returned to the Mogadishu airport. In the worst case, a top official in Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdisalam Mohamed Hassan, was found guilty in 2014 of providing photos of agents and other identifying data to al-Shabab. Officials say Hassan collaborated with al-Shabab for economic reasons. “He was promised $30,000 but he received a smaller amount,” one security official tells VOA. “He was getting married and he was spending a lot of money.” Hassan is now serving a life sentence. After the attack on the Mogadishu mayor, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed, better known as Farmajo, ordered the government to come up with a comprehensive plan to root out individuals in government agencies who are “aiding terrorists directly and indirectly.” “It’s unacceptable that there are people aiding terrorists among us,” he said in a statement. “I want the government to come up with a plan to fight against this.” Said Abdulle Dilib is a former al-Shabab operative who defected to the Somali government. He says the militant group works hard to infiltrate the government. “They infiltrate in three ways,” he said. “They infiltrate by sending one of theirs into the government agencies; they also try to recruit someone already working with the government, and they try to secure the services of an agent, someone they can pay in return for assistance.” He said the group has been most successful in buying the services of people working for the government, who tend to get paid on an irregular basis. “They pay them, it’s not a lot of money – two to three hundred dollars,” he said. General Abdirahman Mohamed Turyare is a former director of NISA. He says constant changes in security agency positions have made it hard to counter the al-Shabab moles. He says he opened a file for al-Shabab moles within the government when appointed in late 2014. Turyare served until July 2016. He says the officer who was keeping the file has since been killed. Turyare says he doesn’t know whether he was killed because of the information he had, or for his position within the government security agency. At times, al-Shabab’s infiltration has threatened the Somali president. In August 2014, a court convicted and executed Hassan Muhiyadin, a staffer for a telecommunication company inside the presidential palace, Villa Somalia, of facilitating a July 8 attack by al-Shabab on the palace that killed four people. In late 2015, then-President Hassan Sheikh Mohamud was going to the Mogadishu mayor’s office to attend a function. The presidential palace, Villa Somalia, dispatched an advance security team to the venue. Upon arriving, the team took note of a mysterious man who was actively involved in the preparations. When approached by security officials from the mayor’s office, the man said he was with the presidential palace protocol. But the team from Villa Somalia didn’t recognize him. He was immediately arrested and questioned. General Turyare, who handled the case, said NISA learned that the man was there to facilitate an al-Shabab bomb attack. The concern about al-Shabab infiltrators increased after the death of Mogadishu’s mayor. The blind bomber, who was going by the name Basira Abdi Mohamed, had been the mayor’s special needs coordinator since May 2018. The government says a second female known as “Deggan,” who was also employed with the local government to assist the blind coordinator, played a role in the plot. Investigative Dossier, a program of VOA’s Somali Service, has learned from security sources that both women lied about their identity and background during the employment process with the Mogadishu municipality. Other questions remain how the two managed to enter the building without being checked. Critics say it could not have happened without insider assistance, and they want the government to conduct a public investigation with support from international partners. Somali government officials have turned down repeated requests from VOA to discuss the incident. Former Deputy Intelligence General Abdalla Abdallah Mohamed, says the government needs to make a “political decision” to fight al-Shabab infiltrators. “Top national leaders need to take a decision against the danger they are sitting on before it explodes on them,” he said. “Terrorists are like a bomb that can explode any time. If they can’t take a decision these problems will continue.”
  13. The Post reports, “Caught between the opposing views of President Trump and Democratic leaders, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu reversed himself on Thursday and decided to prohibit Reps. Ilhan Omar (D-Minn.) and Rashida Tlaib (D-Mich.) from visiting Israel during a trip scheduled to start Sunday.” Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa digniin saartay doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhicin doonta Jubaland, taasi oo si aad ah la isugu hayo, kadib wafdi maanta tagay Kismaayo. Qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, iyo wakiilada Midowga Afrika iyo IGAD ee Soomaaliya ay maanta u safreen magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda Jubaland iyo guddiga doorashada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wafdiga beesha caalamka ay la dhaceen sida ay dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrintan uga go’an tahay wada-hadal iyo inay si taxaddar leh u dhageystaan fikradaha kala duwan ee ku aadan doorashada. “Ayada oo la qirayo in doorashadan ay tahay mid si culus la isugu hayo, wafdiga beesha caalamka waxay walaac ka muujiyeen in haddii ana la xalin xaaladdan, ay Jubaland ku yeelan karo saameyn xasilooni darro ah, xilli ay muhiim tahay joogteynta midnimada iyo xasiloonida.” Ayaa lagu yiri qoraalka. “Wakiilada QM, Midowga Afrika iyo IGAD waxay ku celiyeen baahida loo qabo hal hannaan oo doorasho oo waafaqsan dastuurka Jubaland iyo kan qabyada ah ee federaalka Soomaaliya.” Waxay ku baaqeen in horumar lagu sameeyo hanaanka doorashada ee iminka uu horkacayo guddiga doorashada Jubaland, si loo xaqiijiyo in doorashada ay noqoto mid la isku haleyn karo, loo dhan yahay, islamarkaana ay ku heshiin karaan dhammaan dhinacyada Jubaland. Waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan ficil kasta oo rabshad iyo cabsi gelin ah, islamarkaana khilaafyada jira ay ku xaliyaan wada-hadal, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka ee ku wajahan hanaanka doorashada si uu u noqdo mid la aqbali karo, la isku haleyn karo oo dhex-dhexaad ah. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wakiilada QM, Midowga Afrika iyo IGAD ay sii wadi doonaan inay arrimahan kala hadlaan dhinacyada ay quseyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. The July 24 suicide bombing that killed the mayor of Somalia's capital was disturbing on multiple levels, security experts say. Abdirahman Omar Osman was slain by one of his own aides, who was female and blind, and who acted in concert with another one of his employees, also female. Source: Hiiraan Online
  16. Doha: The State of Qatar has strongly condemned the bombing that occurred near a military base in Lower Shabelle region, southern Somalia, killing one person. Source: Hiiraan Online
  17. Senior representatives of the African Union (AU), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the United Nations (UN) travelled to Kismayo today to engage with stakeholders on Jubaland’s ongoing electoral process, which is expected to culminate in the election by the State Assembly of the State President. Source: Hiiraan Online
  18. Former Somali presidents have thrown their weight behind the formal electoral agency in Jubbaland in what could be seen as endorsing the decisions of the incumbent leader Sheikh Ahmed Islam Madobe. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo argagaxisada. Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada. Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
  20. Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa ka mamnuucday Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka booqasho ay qorsheeyeen inay ku tagaan Qudus iyo Daanta Galbeed, waxaa sidaas maanta shaaciyey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Israel, Tzipi Hotovely. “Go’aanka waa la gaaray, go’aanka waa inaan loo ogolaan inay halkan yimaadaan” ayuu Hotovely u sheegay Radio-ga Reshet ee Israel. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, arbacadii, ka hor inta aan maanta lagu dhowaaqin. Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeedda Falastiin ayaa waxaa laga soo doortaa gobolka Michigan, halka Ihaan Cumar oo Soomaaliya kasoo jeedda laga soo doorto Minnesota. Labada xildhibaan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israel. Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa twitter-ka kusoo qoray “Waxay muujin doonta dafiicnimo weyn” haddii Israel ay labadan u ogolaato booqashada. Trump waxa uu intaas ku daray “Waxay neceb yihiin Israel iyo dhammaan dadka Yahuudda ah, mana jirto wax la oran karo ama la sameyn karo si maskaxdooda loo beddelo.” Safiirka Israel ee Mareykanka, Ron Dermer ayaa bishii tagtay sheegay in Rashida iyo Ilhan loo ogolaan doono booqashada, si loo xushmeeyo Congress-ka Mareykanka iyo xiriirka Israel iyo Mareykanka. Taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in is-beddelka ku yimid mowqifka Israel ay ugu wacan tahay damac ku aadan inay Trump la qaataan siyaasaddiisa adag ee ku wajahan labada gabdhood. Safarka Rashida iyo Ilhaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa inay tagaan dhismaha masjidka barakaysa ee Al-Aqsa. VOA
  21. Jaaliyada Somaliland ee Ohio oo u samaysay qado sharafeed Xildhibaan Muse Daud Cilmi Columbus, Ohio—Shalay jaaliyada Somaliland ee Ohio waxay “ Lavash Restaurant” ee ku yaalla magaalada Columbus, Ohio, qado sharafeed ugu sameeyeen xildhibaan Muse Daud Cilmi , oo ka trisan golaha deegaanka e magaalada Berbera.Inkastoo ay ahayd maalin shaqo, haddana, qadada waxa ka soo qayb galay dad fara badan. Xafladan waxa soo agaasimay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Ohio, Yusuf Omar, iyo xidhiidhiyaha jaaliyada, Abdisalam Ali Mohamed, iyo Cabdi Kayd. Sheikh Abdirizak Mataan ayaa ku furay aayadaha quraanka kareemka ah. Ka dibna, dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayaa is baray xildhibaan Muse Daud Cilmi. Xildhibaan Muse Daud Cilmi ayaa jaaliyada uga warramay waxyaabahii u qabsoomay dawlada hoose ee Berbera. Isagoo sheegay labadii sano ee ugu dambeeyey in ay golahu qabteen hawlo fara badan, sida wadooyin cusub oo kor u qaaday bilicda iyo isu socodka magaalada. Waxaa kaloo ka waramay siayaasada guud iyo nadabgelyada wadanka. Muse Daud Cilmi waxa ku baraarujiyey jaaliyada in ay lacagtooda gashadaan wadanka, siiba gobolka Saaxil, oo ay ka jiraan fursado badan oo maalgashi ah.Ama ay ka shaqeeyaan siday u keeni lahaayaan shirkado maalgashada wadanka.Maal gaashidaas oo abuuaraya warshado yar –yar ama meherado shaqooyin u abuura dhallinyarada. Xildhibaanku wuxuu aad ula dhacay midnimada iyo isku dubnaanta ka muuqatay jaaliyada. Wuxxuna xusay in,” Jaaliyada Somaliland ee Ohio ay tahay jaaliyadii ugu fiicnayd ee uu la kulmay, “ intii uu qurbaha ku safrayey. Wuxuuna ku dhiiriyey inay himiladooda ay kor u sii qaadaan, iyo midnimadooda ay sii xoojiyaan. Xaflada markay dhamaatay, jaaliyada waxay sawir wadareed la galeen Xildhibaanka “Restaurant’ka dibadiisa. Xildhibaan Muse Daud Cilmi waxa ka mid yahay xildhibanaadi la soo doortay doorashooyinkii 2012 ee golaha deegaanka. Hal codna looga guuulaystay inuu Mayorka Berbera noqdo.Muse Daud Cilmi waxa uu la dhashay Mayorkii ugu waxqabashada badnaa Berbera, Saciid Daud Cilmi, oo shil baabuur ku geeriyooday 2007. Gubanmedia.com Covering Horn of Africa Region aliadm18@gmail.com Qaran News
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxiinta mucaaradka ee ka soo horjeedo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa weli walaac ka muujinaya doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiintaasi, islamarkaana wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa marka hore dhaliil u jeediyey maamulka Axmed Madoobe. Ciilmooge ayaa sheegay in Jubbaland aysan ku jirin doorasho, islamarkaana maamulka hadda jira uusan yeelin sidii la rabay. ‘’Guud ahaan Jubbaland waxaa la dhihi karaa weli doorasho kuma jirto, doorasho macno leh ma muuqato maamulka sidii la rabay ma yeelin oo waa naga diiday qodobadii iyo shuruudihii uu adduunka aqoonsanaa.’’ ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka Jubbaland iyo sidii loo qaban lahaa doorasho dimoquraadi ah. ‘’Doorashada ciyaarta halaga daayo ee haloo soo noqdo xaqiiqada.’’ ayuu markale yiri Ciilmooge. Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay xalka, isaga oo dalbaday in waqti lagu daro doorashada, si looga wada hadlo caqabadaha jira. ‘’Waxaa xal u ah hala’is hor fariisto waqti halagu daro ee haloo yeero dowladda dhexe, beesha caalamka, IGAD iyo dariska, si ay marqaati uga noqdaan doorashada.’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey musharrax Ciilmooge. 19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la wagu wadaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, sida ay shalay shaaciyeen guddiga doorashooyinka ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Cabdullaahi-Ciilmooge-Xirse-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com