-
Content Count
209,302 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa la soo deristay cabsi ku aadan in Wabiga Shabelle ku fataho xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii uu Wabigu aad u biyo keenay. Wabiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u soo buux dhaafiyay, waxaana dadka deegaanka ay muujinayeen walaac ku aadan in wabiga sameeyo fatahaad. Xaafadaha laga cabsi qabo inuu wabiga ku fataho ayaa waxaa ka mid ah kuwo ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay soo saareen baaq ku aadan in maamulka, ganacstada iyo shacabka gacan ka geystaan si loogu hortago fatahaada. Xilli kasta oo uu Wabiga biyo keeno ayaa waxaa ka dhasha daadad iyo fatahaad, waxaana sabab u ah in aan wabiga marka uu guro la sameyn in carada gudaha ka jirto laga saaro, si loo ballaariyo iyo in aanay biyo xireeno looga gaashaanto mar walba oo uu biyo keeno wabiga. Sanadihii u dambeeyay ayaa fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle waxaa uu saameeyay boqolaal kun oo qoys oo ka qaxay tuulooyin iyo deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo magaalada ay noqotay mid go’doon ah oo biyo ay gooyeen waddooyinka looga galayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale ee guddigga ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirkaasi. Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar u yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xiran shirka, isla narkaana dhinacya shirka ka qeyb geli lahaa ay liiska ergada u soo direen guddigga. Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimman yihiin oo kaliya in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bishaan uu u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hor-yimid dalabkii wakiilka QM ee Soomaaliya ee ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta oo waqtigeedu dhacay. Musharaxiintan, oo la baxay Kutlada Musharaxiinta Madaxweynaha Jublanad, islamarkaana horay isku diiwaan geliyay, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada Jubaland. Qoraal kasoo baxay ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata, sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay si gaar ah u wataan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda xilligaan soo wajeheen caqabado caalami ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa waxaana ay codsatay in shacabku gacan siiyaan. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in sahcabka iyo madaxda qaar aysan ogsoonayn in dowladda federalka ah ay haystaan caqabado dibadda kaga imaanaya haseyeeshee ay ku masshquulsan tahay waxtarka dadkeeda. “Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto” ayuu yiri wasiir Maareey. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay haystaan caqabado dalka dibaddiisa kaga imaanaya. appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Guddiga dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo gaareen liiska ergooyinka shirka dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. DAAWO PUNTLANDPOST The post Liiska ergooyinkii shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo la soo gudbiyey. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Duqeymaha ayaa waxaa Mareykanka gacan ka siiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah duqeynta koowaad ayaa ka dhacday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xooga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 21 sarkaal oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kana tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiishan ayaa tilmaamay in duqeynta 2-aad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee isla gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Weeraradan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ay saaka ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay howlgallo xoogan ka wadaan deegaamo katirsan gobolkaasi. Ciidamadaan oo ka shiraacday degmada Awdheegle ayaa shacabka kunool Tooratooraw waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxda Alshabaab oo talis weyn kuleh deegaankaasi. Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax), guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan. Dhanka kalena, ciidamada DANAB ayaa weli baaritaano waxa ay ka wadaan degmada Awdheegle kadib weerar khasaare xoogan dhaliyey oo Alshabaab ay ku soo qaaday taliska ciidamada ee deegaankaasi. PUNTLANDPOST The post Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Awdheegle iyo duleedka Tooratoorow. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa awaamiir culus duldhigay saraakiisha ciidamada iyo golihiisa xukuumadda xilli uu shir guddoominayey shirkii todobaad laha ahaa ee golaha xukuumadda. Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ku amray golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada, maamulada gobolada iyo degmooyinka inay ahmiyaddooda 1aad siiyaan sugidda ammaanka dadka iyo dhulka Puntland. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni oo awaamiir duldhigay golihiisa wasiirada & taliyayaasha ciidamada. appeared first on Puntland Post.
-
JERUSALEM (AP) — With a push from President Donald Trump, Israel on Thursday barred two Muslim-American congresswomen from entering the country for a visit, an extraordinary step bringing the longtime U.S. ally into Trump’s domestic fight against political rivals at home. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa la qaatay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka kulan ku saabsan dardar gelinta Shaqooyinka dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka. Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Xasan Abshirow ayaa uga warbixiyey Agaasimaha Madaxtooyada caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo iyo kaalinta muhiimka ah ay ka qaadanayaan Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fuursade ayaa tilmaamay muhiimadda qorsheyaasha dib u habeynta shaqaalaha rayidka iyo sida ay aasaaska ugu tahay dib u hawlgelinta dhammaan Hay’adaha Dowladda. Fuursade ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adayga iyo kartida ay ku samata bixiyeen dalka wakhtiyadii adkaa ee ay ku shaqeynayeen duruufo ka adag kuwa maanta jira. Agaasinka Madaxtooyada iyo Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay joogteynta xaqsiinta shaqaalaha dowladda iyo kobcinta xirafaddooda shaqo. PUNTLAND POST The post Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Guddigga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
China and Russia Building Out Network to Bypass U.S. Dollar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Chris’ note: Stocks got crushed today. The Dow plunged 800 points. That’s its biggest loss in over a decade. Source: Hiiraan Online -
Analysts warn that tension could rise as a U.N. hearing nears on a Kenyan-Somali territorial argument. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda dederaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada, daryeelka bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyada Turkiga. Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Jumhuuriyada Turkiga iyo dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta. Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska. Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyrre. Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya waxaana warbixino laga dhageestay xubno katirsan Golaha wasiirada Soomaaliya. Golaha Wasiirada ayaa arrinta ugu weyn oo ay ka hadleen waxa ay tahay qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee horyaalla golaha ammaanka QM, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Kenya. Sharcigaan ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay looga codsanayaa in liiska Argigixisada lagu daro Al-Shabaab balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa arintaas walaac ka muujiyay. Golaha Wasiirada ayaa sheegay in Sharcigaan uu halis ku noqonayo dhaqaalaha iyo ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu saameyn doono malaayiin Soonaali ah, waxayna ugu baaqayn golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inaysan ansixin. Al-Shabaab ayaga ayaa dhowrsano ka hor fagaare ka sheegay in ay ku biireen urur waynaha Al-qaacidda oo ku jira liiska Qaramada Midoobay ee argigixisada inkastoo UN-ka aysan wali liiskan ku darin Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shaaciyey in ay si aad ah u diyaar garoobeen, islamarkaana uu si rasmi ah beri shirka uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Baadiyow ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay inuu ka dhaco shirka iyo goobaha loo diyaariyey inay degaan ergada. Waxa kale oo uu tilmaamay in la soo gabagebeeyay diyaar garowga shirka, ayna diyaar u yihiin waxyaabaha aasa asiga ah ee shirka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan liiska ergada ka qeyb galeysa shirweynahaasi, ayna rajeynayaan inay soo soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb. Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo waxgaradka iyo odaaysha ka qeyb galaya shir beelaha Habargidir uga socda gudaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ay ku baaqeen in dib loo dhigo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa ka hadlay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya. Ramaax ayaa ugu horeyntii si adag u cambaareeyay kulankaasi oo ku sheegay in uusan u qalmin meeqaamka Somaliland, isla markaana gaf ku ahaa bulshada reer Somaliland. Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi looga baahanyahay in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan kulankaasi uu la yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada Farmaajo. Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Berbera, ayaa waxa uu yiri “Waxan cambaareynaynaa sawirka ay idinla galeen wafdigii madaxda jamhuuriyada Somaliland ee aad soo dhigeysan baraha bulshada”. “Ninka leh Kenya u digaya ee Wasiirka arrimaha dibeda sheeganaya waa xaaran in uu Madaxweynahayagu isla soo sawiro, waxaana leeyahay madaxweyne waa qalad aad gashay kana raali-geli umadda reer Somaliland iyo inayna dib u dhicin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xaram bad sheegaysa ee aakhiro baanu heshiis ku aheyn, umaddani diyaar uma aha in la sawiro oo sawir beena la sawiro uma baahna, waxayna diyaar ugu aheyn nimanka halka aynu ognahay aan kala taaganahay in maanta ay idhaahdaan midnima loo oomanyahay oo waaka Madaxweynihii”. “Ma khiyaamay nagu wadeen Sacuudi carabiya markay xajka kugu marti-qaadayen ma inad isa-salaaMtan ayey kugu wadeen. Nimankaa waxanu kala taaganahay labada Suudan ciidan baa la dhex dhigi jirey iyaga kala ilaaliya, halka aynu ku aragno dagaal baa noo dhexeeya, mid siyaasiya noo dhexeeya mid xabadeed baa noo dhexeysa, mid islaamnimo ayaa meesha oolin, sidaas daraadeed darbiga jabisay madaxweyne dhaawaceedu wuu ku haysta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay 5 bil kadib xayiraadda ka qaaday shacabkii ka barakacay degaanka Bariire ee gobalka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa dadka dagan degaanka 5 bil ka hor markii ay qabsadeen ciidamada dowladda ku amray in ay ka barakacaan magaalada ganacsigana la joojiyo, si loo cuna qabateeyo Ciidamada Dowladda ee magaalada ka qabsaday. Dadkii daganaa ayaa ka dhaga adeegay amarkaas balse Al-Shabaab waxay bilaabeen in ay duqeeyaan xaafado kamid ah magaalada si dadka uga barakacaan, waxaana markaas Bariire ka baxay boqolaal qoys oo halkaas daganaa. Maalmo ka hor ayey Al-Shabaab kulan la qaateen mas’uuliyiinta degaanka waxayna u fasaxeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda islamarkaana ay bilaabaan ganacsigii iyo beerashada beeraha Bariire. Al-Shabaab ayaa odayaasha degaanka u sheegay in ay ka joojinayaan duqeymaha dhankooda ah islamarkaana loo fasaxay in ay guryahooda ku laabtaan muddo 5 bil ah kadib. Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab bilaawgii sanadkaan ka qabsaday degaanka Bariire, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyay haawanayay xaafadaha magaalada. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa jaray Buundada Bariire kadib markii ay qarax ku xireen taas oo saameysay isu socodka magaalada oo aad u liidato muddo 5 bil ah. Dadka degaanka ee bilaabay in ay dib u soo laabtaan ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Soomaaliya ay duqeyn ka fuliyaan goobaha kale oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab kadibna ay saameyso dadka degaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Haddii aan ka qiyaas qaadano jawiga siyaasadeed iyo kan amaan ee hadda ka jira Kismayo, iyo sidii wax u dhacayeen dhowrkii bilood oo la soo dhaafay, gaar ahaan tallaaboyinkii amar ku-taaglaynta ahaa ee uu qaaday Axmed Madobe oo uu ku dhisay guddiga doorashooyinka, xulashada oday dhaqameedyada iyo xilidhibaanada ay odayaashashi soo xuleen, ku gacan sayridda talooyinkii Amisom, IGAD, iyo ergayga qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya, talooyinkaas oo ahaa in doorashadada dib loo dhigo si murashixiita oo dhammi ay uga qayb galaan, in doorashadu noqoto mid loo wada siman yahay oo u dhacda hab madaxbanaan oo daah furan, kaas oo amaanka tartamayaasha ay sugayaan ciidamo ka madax banaan fara gelin shiyeeye iyo mid siyaasadeedba, waxa suuragal ah inuu dhaco isku dhac ciidan oo dhiig ku daato isla markaana gaysta khasaare iyo bur-bur hanti dadwayne iyo mid dawladeed labadaba. Ilaa iyo haddana ma muuqato si loo baajin karo isku dhacaas iyo fashilka siyaasadeed oo ka dhalan kara. Maxaa Axmed Madoobe lagu eedaynayaa? Axmed Madoobe waxa lagu eedaynayaa: In isaga keligiis soo xushay oday dhaqamadeeyo aan ahayn kuwii saxda ahaa oo mathalayay beelahooda. Inuu amray oday dhaqameedyada uu isagau soo xushay in mid waliba u keeno 3 qof oo uu mid ka mid ah ka dhigo xildhibaanka beesha. Inuu diiday in doorashadu u dhacdo hab daah furan oo ka madax banaan faragalin, cadaadis, cabburis, hanjabaad, iyo amar-ku-taaglayn. In doorashadu ka dhacdo meel ka madax banaan fara gelinta maamuliisa. Inuu garoonka diyaaradaha Kismayo ka mamnuucay masuuliyiinta xilalka ka haysa ama taabacsan dawladda dhexe isla maasna raba inay ka qayb galaan tartanka. Inuu diiday in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay lug ku yeelato habka iyo hanaank doorashada Jubaland u dhacayso. Inuu garab siyaasadeed iyo gaashaan ciidan ka dhigtay dawlado iyo shakhsiyaad cadow ku ah midnimada, madax banaanida, qaranimada, iyo sugidda xuduudaha Soomaaliya ee sharciga ah. Maxaa ka qaldamay dawladda dhexe? Ka dib markii ay ku guulaysatay saamayntii ay ku yeelatay doorashadii Koofur Galbeed, tii Galmudug-na ay door muuqda ka qaadatay, dawaladda dhexe waxay isa siisay kalsooni ah in tan Jubalandna ay saamayn ku yeelan karto. Laakiin sidii ay qorshaynayeen ama rabeen wax uma dhicin waayo Axmed Madoobe wuxuu garab ciidan, taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helay Kenya oo dawladda Farmaajo cadaadis ku saartay inay ka laabato dhacwadii badda, madaxwaynaha xilligan ee maamulka Puntland, Senator Faroole iyo Senator Cumar Cabdirashid, madaxwanayaashi hore Shiikh Sariif, iyo Xasan Shiikh, iyo dhamaan mucaaradka dawladda Farmaajo iyo Khayre. Waxa is waydiin leh haddii Axmed Madoobe mar kale noqdo madaxwaynaha Jubaland, ma u samayn doonaa wax alla wixii Kenya ay rabto ama ka dalbato maamulkiisa maadaama ay si buuxda oo aan qarsoonayn ay u garab istaagtay inuu ku guulaysto doorashada? Maxay siisan doonaan taageeradooda? Dad badan oo anigu aan ku jiro kuma mucaaradsana Axmed Madoobe wax aan ka ahayn khatarta uu ku yahay midnimada, wadajirka, iyo qaranimada dalka Soomaaliya. Hore wuxuu ugu adeegi jiray taliskii xumaa ee Miles Zenawi iyo maamulkii arxanka darnaa ee Cabdi Ilay, haddana wuxuu u adeegayaa danaha Kenya, Imaaraatka, iwm. Waxa keliya oo isagu rabaana waa kursiga iyo inuu mar kale noqdo madaxwaynaha gobollada Jubaland. Guul Axmed Madoobe helo maxaa ka dhalan kara? Haddii Axmed Madoobe ku guulaysto doorashada waxa dhici karta in Jubaland ay u qaybsanto sidii Galmudug oo garabyo iska soo horjeeda ay ka kala taliyaan gobollada ay ka kooban tahay, qabaailkuna isku dhacaan. Waqtigan hadda la jooga xataa jubaland gacanta uguma wada jirto Axmed Madoobe oo maamulkiisu wuxu ku kooban yahay Kismayo iyo qaar ka mid ah tuulooyinka xadka Kenya ku yaal. Haddii bur-bur iyo isku dhac imaadana kala tag iyo sii kala fogaansho kii hore ka daran baa imaan kara. Maxay samayn karta dawladda dhexe? Kolley lama filayo in dawladda dhexe ay dagaaal iyo awood ciidan u adeegsato Jubaland. Sida awgeed tallaaboyinka u furan wa kuwo siyaasadeed ama waan-waan iyo wadahadal. Sidaas oo ay tahay, sida dastuuka Soomaaliya uu qabo, wa in wasaaradda arrimaha gudaha ee federalku ay ansixiso doorashada iyo ciddii ku guulaysataba. Sida awgeed, dawladda dhexe waxa u banaan inay diido inay aqoonsato natiijada doorashada iyo habkii doorashada loo qabtay labada. Sodoo kale, waxa dawladda dhexe cadaadis ku saari karta beesha caalamka inaysan aqoonsan natiijada doorashada, xiriirka wada shaqayntana u jaraan maamulkiisa. Waxa kale oo dhici kara in qaar ka mid ah degaanada Jubaland ay ku gacan sayraan natiijada doorashada haddii Axmed Madoobe ku guulaysto, taasina ay keento inay xiriirka u jaraan maamulkiisa oo ay toos ula shaqeeyan dawladda dhexe. Mucaarad xukun doon ah oo u shaqeeya cadowga Burburkii dawaladdii Soomaaliya waxaa loo saaraa xukun jeclaysi iyo keli talis. Haddana wuxuu Axmed Madoobe wado waa xukun jeclaysi iyo keli talisnimo. Wax horumar ah oo uu qabtay Jubaland ma jirto. Inta badan degaanada Jubaland xataa ma tagi karo. Haddii Axmed Madoobe guulaystana khatar wayn baa soo wajahaysa midnimiada, madax banaanida, qaranimiada, wada shaqaynta, iyo amaanka Soomaaliya. Mid isaga dhaama baan Alle waydiisanayna. Mucaaradka Soomaaliduna ma aha kuwo waddaniyiin ah oo u danaynata danta dalka iyo dadka ee waa mid ku dhisan hanti boob, xukun jecayl, iyo qabyaalad. Bal yaa garan kara waxa Cumar Cabdirashid uu raadinayo oo ka maqan rabo, waxa Faroole uu faraha ugala bixi la’ yahay talada Puntland, haddana uu faraha ugula jiro Jubaland. Maxaa ka maqan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, iyo ragga la mid ah. Wixii ay dhici kareen dhace, wixii ay gadan kareena gade. W War iyo dhamaanti waa hubaal in mucaaradka Soomaalida iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadu aysan rabin dawladnimo, kala dambyn, wada shaqayn, midnimo, madax banaani, iyo in sharafii iyo karaamadii Somalia soo laabato. Allow Soomaaliya ka bed-baadi Soomaalida cadowga u ah oo u shaqeeya cadowga Soomaaliya, iyo shisheeyaha cadowga u ahba. W/Q: Axmed Bashir Bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors