-
Content Count
209,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Safiirka Soomaaliya u magacawday India oo gaartay New Delhi
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Safiirka cusub ee dowladda soomaaliya u magacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya, ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay Qaar ka mid ah madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi. Ambassador Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya u magacawday India oo gaartay New Delhi appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho ay ku dileen afar ruux oo ay sheegeen in ay tooga rabeen agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda xukumadda faderaalka Soomaaliya. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneral Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan afar ruux oo midkood dumar aheyd oo doonayay in ay toogtaan agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi Gare. “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cbdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Zakiya. Boolisku ma sheegin haddii khasaare kale oo ciidamada gaaray ay ka dhalatay is-rasaasaynta dhexmartay ciidankooda iyo dablayda dilka ka fuli rabtay maagaaladda Muqdisho oo ciidanku toogteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliye xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Gen. Sakiya ayaa sheegtay in sidoo kale ciidanku ka hor tageen isku day dil oo xubnaha la toogtay ku doonayeen in ay dilaan mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdi Gare. Balse waxay tilmaantay in ciidanku ay ka hortageen falkaasi oo ay ku lug lahaayeen 4 qof oo mid ay haweeney ahayd islamarkaana dhammaantood Booliisku ay goobta ku toogteen. PUNTLAND POST The post Booliiska Muqdisho oo toogasho ku dilay xubno la sheegay in ay isku dayayeen in ay dilaan mas’uul dowladeed appeared first on Puntland Post.
-
The President And His Delegation Were PR Naive The photograph taken during the Hajj pilgrimage in which President Muse Bihi Abdi of Somaliland was depicted with some cronies from the weak FGS entity was to say the least, unfortunate. I would not go as far as to call our President “naive”, but, the optics and public relations side was unwise? The folks in Mogadishu have nothing left but images and public relation scams. And as we have seen, they are making hay with this photo and running around like kids with a new toy. We need serious professionals in public relations with the President on his travels, not a soldier like Mohamed Kahin. I am sure the President was being sincere (although, he is not smiling in the photo) in his effort to great fellow Muslims and Somalis during the Hajj, but, anyone who knows Mogadishu and it’s politicians understands their modus operandi. I cannot understand why, when there are so many media savvy Somalilanders around, not a single one accompanied the President on his visit. Photos like these are gold dust to the decrepit and corrupted rogues in Mogadishu, we should never give them a photo opportunity like that again. Our main fault as Somalilanders is that we try to see the good in everyone, there is nothing good about Mogadishu and it’s politicians. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo halkaasi ka dhacay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-shahabaab sidoo kalena lagu laayay malayshiyaad badan. Hawlgalka qorshaysan ayaa waxa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda waxaana uu daba socday howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad badan oo Al-shabaab looga laayay Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay degmada Howl-Wadaag ku toogteen saddex Rag ah iyo Haweeney hubka u siday, kadib is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada,kuwaas doonayay inay dilaan Agaasimaha “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday ayay tiri Taliye Zakiya.” Taliye kuxigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin falkaan,hayeeshee ay sheegtay inay Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shalay Wafdigii uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, james swan waxaa ,arkii ay tageen Magalada Kismaayo ay la kulmeen Madaxda Maamulka Jubbaland iyo iyo musharixiinta aan is diiwaangelin, iyaga oo Madaxda Jubbaland ka dalbaday in waqti kordhin lagu sameeyo xilliga doorashada,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ee aan is diiwaangelin. Hayeeshee dalabkaas ayaa waxaa Maanta ka horymid kana soo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee horay isku diiwaan geliyay, iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada jubbaland. Qoraal kasoo baxay musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin Guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland,isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay sigaar ah u wataan. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kazoo baxay musharixiinta Madaxweynaha Jubaland ee Is diiwaangeliyay. Goobgoog News Source: goobjoog.com
-
Qudus (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, u ogolaatay inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ee Falastiin. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay inuusan ogolaan doonin in Rashida iyo Ilhaan Cumar oo iyana ka tirasan Aqalka Wakiilada ay halkaas ku tagaan booqasho ay qorsheeyeen. Hase yeeshee waxa uu sheegay in haddii Tlaib ay soo dirsato codsi ay ku booqaneyso qoyskeeda sababo bani’aadanimmo dartood, ay Israel ka fakari doono, haddii ay ballanqaado inaysan dhiiri-gelin in la qaadaco Israel. Tlaib ayaa khamiistii warqad u dirtay wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayadoo tiri “waxaan codsanayaa fasax aan ku booqdo ehelkeyga, gaar ahaan ayeydey oo 90 jir ah.” Waxa ay intaas ku dartay in tani ay noqon karto fursaddii ugu dambeysay ee ay ku aragto ayeydeed. “Waxaan xushmeyn doonaa shuruudaha booqashada, mana dhiiri-gelin doono qaadacaad ka dhan ah Israel, inta aan ku guda jiro booqashadeyda” ayey Tlaib ku tiri warqadda oo ay baahiyeen warbaahinta Israel. Wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay “inay go’aansatay in la ogolaado booqashada Tlaib ee ayeydeed oo 90 jir ah, sababo bani’aadannimo dartood.” Go’aanka ka dhan ah Ilhaan ee loogu diiday booqashada ayaa weli sidiisa u taagan VOA
-
Danjiraha cusub ee soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn diiran. Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi. Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa la soo deristay cabsi ku aadan in Wabiga Shabelle ku fataho xaafado ka tirsan magaalada, kaddib markii uu Wabigu aad u biyo keenay. Wabiga Shabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u soo buux dhaafiyay, waxaana dadka deegaanka ay muujinayeen walaac ku aadan in wabiga sameeyo fatahaad. Xaafadaha laga cabsi qabo inuu wabiga ku fataho ayaa waxaa ka mid ah kuwo ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana odayaasha iyo waxgaradka ay soo saareen baaq ku aadan in maamulka, ganacstada iyo shacabka gacan ka geystaan si loogu hortago fatahaada. Xilli kasta oo uu Wabiga biyo keeno ayaa waxaa ka dhasha daadad iyo fatahaad, waxaana sabab u ah in aan wabiga marka uu guro la sameyn in carada gudaha ka jirto laga saaro, si loo ballaariyo iyo in aanay biyo xireeno looga gaashaanto mar walba oo uu biyo keeno wabiga. Sanadihii u dambeeyay ayaa fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle waxaa uu saameeyay boqolaal kun oo qoys oo ka qaxay tuulooyin iyo deegaano ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo magaalada ay noqotay mid go’doon ah oo biyo ay gooyeen waddooyinka looga galayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale ee guddigga ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirkaasi. Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar u yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xiran shirka, isla narkaana dhinacya shirka ka qeyb geli lahaa ay liiska ergada u soo direen guddigga. Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimman yihiin oo kaliya in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bishaan uu u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharixiinta madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hor-yimid dalabkii wakiilka QM ee Soomaaliya ee ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta oo waqtigeedu dhacay. Musharaxiintan, oo la baxay Kutlada Musharaxiinta Madaxweynaha Jublanad, islamarkaana horay isku diiwaan geliyay, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada Jubaland. Qoraal kasoo baxay ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata, sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland, isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay si gaar ah u wataan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda xilligaan soo wajeheen caqabado caalami ah oo kaga imaanaya dalka dibaddiisa waxaana ay codsatay in shacabku gacan siiyaan. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in sahcabka iyo madaxda qaar aysan ogsoonayn in dowladda federalka ah ay haystaan caqabado dibadda kaga imaanaya haseyeeshee ay ku masshquulsan tahay waxtarka dadkeeda. “Waxaad moodaa Shacabka Soomaaliyeed & madaxda dalka hoggaankooda inaysan ku baraarusaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso,balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta ay dowladda culeyska ku badinayaan si ay dowladda u jabto dadaalada ay wado ay ku fashilanto” ayuu yiri wasiir Maareey. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay haystaan caqabado dalka dibaddiisa kaga imaanaya. appeared first on Puntland Post.
-
Click here Qaran News
-
Guddiga dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo gaareen liiska ergooyinka shirka dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. DAAWO PUNTLANDPOST The post Liiska ergooyinkii shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo la soo gudbiyey. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Duqeymaha ayaa waxaa Mareykanka gacan ka siiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah duqeynta koowaad ayaa ka dhacday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xooga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 21 sarkaal oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kana tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiishan ayaa tilmaamay in duqeynta 2-aad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee isla gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Weeraradan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ay saaka ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay howlgallo xoogan ka wadaan deegaamo katirsan gobolkaasi. Ciidamadaan oo ka shiraacday degmada Awdheegle ayaa shacabka kunool Tooratooraw waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxda Alshabaab oo talis weyn kuleh deegaankaasi. Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax), guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan. Dhanka kalena, ciidamada DANAB ayaa weli baaritaano waxa ay ka wadaan degmada Awdheegle kadib weerar khasaare xoogan dhaliyey oo Alshabaab ay ku soo qaaday taliska ciidamada ee deegaankaasi. PUNTLANDPOST The post Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Awdheegle iyo duleedka Tooratoorow. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa awaamiir culus duldhigay saraakiisha ciidamada iyo golihiisa xukuumadda xilli uu shir guddoominayey shirkii todobaad laha ahaa ee golaha xukuumadda. Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ku amray golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada, maamulada gobolada iyo degmooyinka inay ahmiyaddooda 1aad siiyaan sugidda ammaanka dadka iyo dhulka Puntland. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni oo awaamiir duldhigay golihiisa wasiirada & taliyayaasha ciidamada. appeared first on Puntland Post.
-
JERUSALEM (AP) — With a push from President Donald Trump, Israel on Thursday barred two Muslim-American congresswomen from entering the country for a visit, an extraordinary step bringing the longtime U.S. ally into Trump’s domestic fight against political rivals at home. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa la qaatay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka kulan ku saabsan dardar gelinta Shaqooyinka dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka. Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Xasan Abshirow ayaa uga warbixiyey Agaasimaha Madaxtooyada caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo iyo kaalinta muhiimka ah ay ka qaadanayaan Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fuursade ayaa tilmaamay muhiimadda qorsheyaasha dib u habeynta shaqaalaha rayidka iyo sida ay aasaaska ugu tahay dib u hawlgelinta dhammaan Hay’adaha Dowladda. Fuursade ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adayga iyo kartida ay ku samata bixiyeen dalka wakhtiyadii adkaa ee ay ku shaqeynayeen duruufo ka adag kuwa maanta jira. Agaasinka Madaxtooyada iyo Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay joogteynta xaqsiinta shaqaalaha dowladda iyo kobcinta xirafaddooda shaqo. PUNTLAND POST The post Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Guddigga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
China and Russia Building Out Network to Bypass U.S. Dollar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Chris’ note: Stocks got crushed today. The Dow plunged 800 points. That’s its biggest loss in over a decade. Source: Hiiraan Online -
Analysts warn that tension could rise as a U.N. hearing nears on a Kenyan-Somali territorial argument. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors