Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,287
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa uu dib u dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta ee lagu waday inuu ka furmo Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wararka ay Goobjoog News heleyso waxaa kale oo ay sheegayaan in aan la Shaacin xiili uu qabsoomayo, shirka oo si rasmi ah uu u furmaayo. Wararka oo dhameustiran, la soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Cabdikariim Sheikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda ONLF, hadda ka horna dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Dowladda Itoobiya, ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Qalbi-dhagax ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal dawladda federaalka, Isimada iyo Waxgaradka Jubbaland iyo shacabka ku nool magaalada Kismaayo. Soo dhaweyn kaddib Qalbi-dhagax waxaa loo gudbiyay Guriga martida magaalada Kismaayo, halkaas oo caawa ay kulamo uga socdaan isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Imaatinka Kismaayo ee Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa kusoo aadaya, xilli ay Jubbaland ka jirto cakirnaan siyaasadeed. Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo aad u xoogan waxaana Todobaad gudihiis looga kala dhawaaqay labo Baarlamaan oo kala taabacsan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe oo dhinac ah iyo musharaxiinta kula loolameysa xilka madaxtinimo oo dhinac ah. Haatan waxaa Kismaayo si weyn looga dareemayaa olole ku aadan doorashada Guddoomiye ay yeeshaan Baarlamaanka garabka Axmed Madoobe iyo tan Madaxweynaha maamulkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Maamulka Magaalo madaxda wadanka Ethiopia ee addis ababa ayaa wada qorshe magaaladaasi lagaga qabqabanayo dadka ka dawarsada jidadka caasimadda. Waxa gabogabo ku dhaw hinde sharciyeed la damacsan yahay in lagu xakameeyo qulqulka dadkan ka dawarsada jidadka magaaladda Addis ababa kaas oo la hor geyn doono waaxda sharci dejinta wadankaasi. Xoghayaha Warfaafinta Ee xafiiska Duqa Magaaladda Addis ababa oo lagu magacaabo Feven Teshome, ayaa warbaahinta u xaqiijisay warkaasi. “Waxa aanu qiyaasnay dad gaadhaya 50,000 oo ah kuwa dawarsadaa in ay ku nool yihiiin jidadka magaaladda Addis ababa, Hindise sharciyeedkan aanu diyaarinayna waxa uu xakamayn doonaa dadkaasi, waana dhibaato bulsho isla markaana sawir xun ka bixinaysa bilicda magaaladda Addis ababa” sidaas ayay tidhi Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Dood Adag Oo Ku Saabsan Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho(Caasimada Online) Dib u dhacii labaad ayaa ku yimid shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo lagu waday in Sabtida barito uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Baaqashada shirka ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka ay maanta ka dageen magaalada Dhuusamareeb, halka qaar kale oo ka mid ah Ergada shirkaas ay maalmihii lasoo dhaafay Dhuusamareeb ku gaareen safarro dhulka ah oo ay uga kala yimaadeen deegaanada ay ku matalayaan shirka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka uga yeertay Muqdisho, sidaasna uu galinkii dambe ee maanta Muqdisho kusoo gaaray. Xubnaha guddiga qaban-qaabada shirka wali ma shaacin sababta ka dambeysa baaqashada shirka, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar kamid ah beelaha Galmudug ay kasoo hor jeesteen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb. Sida aan ku helnay Xogta, waxaa gabi ahaanba iska diiday inay tagaan shirka Dhuusamareeb Ergadii ku matali lahayd beelaha dega magaalooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Xeraale iyo Gaalkacyo.
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka. Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi. Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin. Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga. Wariye Xasan Galaydh Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Maamulka Guud Ee Iskuulada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Shaaciyey, Soona Bandhigay 10-Kii Arday Ee Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Dugsiyadaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  9. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  10. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heystaan culeysyo iyo caqabado caalami ah oo ay u baahan tahay in taageero loo muujiyo. Maareeye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaarkood aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay dowladda federaalka la kulmeyso ee caalamiga ah, islamarkaana ay ugu darayaan kuwa gudaha ah. “Waxaad moodaa in shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso, balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta culeyska ayey kusii badinayaan, si ay dowladda u jabot, oo dadaallada ay wado ay ugu fashilanto” ayuu yiri Wasiir Maareey. Wasiirka ma uusan sheegin waxa ay yihiin caqabadaha iyo culeysyada caalamiga ah ee ay wajahayso dowladda. Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta, waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay midoobaan, isla markaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya, si dadka hortaagan dowladnimada Soomaaliya ee uu caalamka ku jiro looga guuleysto. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1Wasiirka-Warfaafinta-Soomaaliya-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Shabakada Somali Elections aya bilowday maanta fursad ay shacabka reer Jubbaland codkooda ku dhiiban karaa qaab online ah, taasoo lagu eegayo kalsoonida shacabka cidda ay rabaan in ay hoggaanka u qabato shanta sano ee soo socota. Codeyntan casriga ah aya noqoneysa mid ku cusub saaxa siyaasadda Soomaaliya, Tan iyo markii ay xornimada qaadateen shacabka Soomaaliyeed ayaanan muddo ka badan 50 sano fursad u helin in ay codkooda dhiibtaan. Afartii doorasho ee ugu danbeysay ee soo marta Soomaaliya aya waxaa hoggaanka dalka waxa lagu dooranayay qaab xulasho ah taasoo caan ku noqotay in Baarlabaanka ay iibsadaan codkooda isla markaana noqotay albaab ay ka soo galaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasoo bixinayay laaluushka lagu kala iibsado codadka xildhibaabanada. Codeyntan oo aan ahayn mid rasmi ah ayaa haddana waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado halka ay jirto kalsoonida shacabka si ay u caddaato musharaxa ku guuleysta hoggaanka dowlad goboleedyada iyo midda Federaalka ah. Halkan ka codee. (RIIX SI AAD U CODEYSO) Fiiro Gaar ah: Fadlan waa muhiim in aad geliso telefon numberkaada si laguugu soo diro lambarka sirta ah ee aad ku codeyneysid
  13. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Aadan Tarabi ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay dayacday abwaannada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib. “Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka. “xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”. “Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tiri Ilhaan. Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Cabdalle oo socdaal shaqo ku tagay degmadda Gar-adag ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen shan dacwadood oo ay ku dhegaysteen magaaladaasi, isla markaana rajaynayaan inay kuwo kalena bilaabaan inta aanay ku noqon magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Siduu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka Somaliland, waxa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag uu sheegay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka tirsan Garsoorka degmadda Gar-adag, hase ahaatee Siyaasadda Guddida Caddaaladdu ay ku wajahan tahay in bulshada loo dhaweeyo Garsoorka, maadaama oo Ceerigaabo iyo Gar-adag isku jiraan 150km. Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag uu bulshada ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ugu baaqay inay joojiyaan colaada oo dib u dhac u keenaysa wadajirkii ummadda isla markaana waxyeelo ku ah qaranimadda Somaliland. Waxaanu waxgaradka deegaanka Ceel-afweyn ku booriyey inay kaalin ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa dirirta iyo shaqaaqooyinka aan loo baahnayn ee ku soo noqnoqday Degmada Ceel-afweyn. Waxaanu tilmaamay in xukuumad, madax-dhaqameed iyo waxgaradba dedaal weyn la geliyey sidii nabad looga dhex aslaaxin lahaa ardaayada walaalaha ee ku dhaqan Ceel Afweyn. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Shawgiisii Xalay Ee Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan xildhibaannada Golaha degaanka ee magaalada Burco ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dib u dhiskii lagu samaynayey Biriijyada magaaladda Burco. Xildhibaanka oo warbaahinta Qaranka Somaliland maanta ugu waramayey magaalada Burco ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyey sida deg dega ah ee ay u sii daysay lacagihii lagu dhisi lahaa Biriijyadaasi magaalada Burco oo roobabkii dhowaan ka da’ay ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen. Xildhibaanka sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo guddida Qandaraasyada Qaranka uga mahadnaqay sida ay u fududeeyeen lacagta ku baxaysa Biriijka Deero Biriij iyo sidoo kalena tartanka ay Guddida Qandaraasyada Qaranku ku shaaciyeen mashruucaasi lagu dhisayo Biriijka Deero Biriij ee magaalada Burco. Sidoo kale Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka qayb qaataan mashaariicda danta guud ee ka dhexeeya bulshada gobolka Togdheer. Source
  18. (SLT-Pakistan)-Millatariga Pakistan ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidankooda iyo shan askari oo ka tirsan millatariga Hindiya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay xadka Kashmiir. Afhayeenka millatariga pakistan Janaraal Asif Ghafoor ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in qabarkaan, waxaana uu sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar ku soo Qaadeen. Mr Asif ayaa dhanka kale tilmaamay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka dhexmaray Millatariga Hindiya iyo Pakistaan. Dhanka kale wasaarada arrimaha dibada Hindiya ayaa beenisay in askari lagaga dilay Dagaalka. Dhanka kale xiisadda ayaa kacsan wali iyadoo xalay la dareemayo heegan sare oo labada dhinac ay ku Jiraan. Source
  19. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Qoyska Marxuum Yariisow oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Maxamed Cumar Yariisow, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool UK. Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan. Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa, isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tikonolojiyada Soomaaliya, Mudane Cabdi Canshuur Xasan ayaa eedeyn culus u jeediyey urrurada bulshada rayidka ah. Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadlaha ah ee Taleefashinka Qaranka ayaa sheegay in bulshada rayidka ah aysan kaalin fiican ka qaadanin ka qeybgalka siyaasadaha isgaarsiinta dalka. Wasiirku wuxuu sheegay ineysan ururadda bulshada rayidka ah wax dan ah ka lahayn ka qeybgalka qorshayaasha wasaaradda ee daryeelka xuquuqda macaamiisha. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada rayidka ah in ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka wasaaradiisa. Waxaa xusid mudan in bulshada rayidka ah ay leedahay xubin ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta qaranka sida uu qabo xeerka isgaarsiinta Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ku cabiro Muqdisho guddoonka caynkee ah ayay u baahan tahay iyo tilmaamaha iyo astaamaha mudan in lagu xusho:- 1 – Waa in uu noqdaa qof aqoon iyo tab u leh dhinaca nabadgelayda, sidoo kalena xog ogaal u ah, xaalka dalka iyo arrimaha bulshada gobolka. 2 – Waa in uu noqdaan mid Dowladda iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir u dhaxeeya asagoo si hufnaan iyo hawlkarnimo leh labada dhanba ula shaqaynaaya balse uusan noqon u adeege ama laga adeegte lagu adeegto. 3 – Waa in uu noqdaa sqod dejin kara ama demin kara xalna u keeni kara dareenka Bulshadda Banaadir ay badankoodu qabaan habdhaqanka dowladda dhexe ee ku aadan Arimaha Maqaamka iyo metelaada gobolka. Taasoo ah in bulshada iyo dadweynaha gobolka banaadir u madax bannaanadaan xulashada iyo doorashada gobolka Banaadir. 4 – Waa in uu noqdaa nin nabaddoona xariir dhaw la leh Bulsadda qeybaheeda kala duwan dhammaantood Muxaafad iyo Mucaarad dhan walba uusan noqon shaqsi dhinac ka raran. Haddaba dowladda dhexe waxaan usoo jeedinayaa in la joogo markii dadweynaha banaadir talada gacantooda lagu celin lahaa, iyadoo afduubka laga jirayo in dadka deegaanku iska soo xulaan guddi kaddibna gudigaasi doortaan gole deegaan, sidaasna golahaa deegaanku ku doortaan guddoomiye aan lagu magacaabin wareegto madaxweyne. Bulshada deegaankana waxaan u sheegayaa inaysan u horran sidii xoolo dar la keenay oo ku qamaamaya biyo ee ay ka fiirsadaan masiirka bulshada ugu tirada badan gobolka ay ku dhaqan yihiin, si loo heli xal looga maarmo qof ku yimid rabitaan qofeed ama aragti kooxeed, una adeega isla kooxdaas uun. Waa iney dadweynuhu bannaanbaxyo nabad ah oo aan dhib lahayn, halkudhigiisuna yahay madax bannaanida talada gobolka ay sameeyaan, kaddibna ay ku muujiyaan dareenkooda. Banaadir uma baahna guddoomiye lagu adeegto ee adeege isu adeege ah W/Q: Cabdullahi Mahdi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. The African Union and UN have called for peaceful and credible elections in Jubaland, southern Somalia, saying the polls slated for Aug. 24 are critical for the country's stability. Source: Hiiraan Online
  23. The Jubaland Council for Change together with the traditional clan leaders had a meeting with Somalia international partners lead by the UNSG Special Representative for Somalia and Head of UNSOM Amb. James Swan. Amb. Swan who officially opened the meeting stated that the International Community’s position in funding ways to comprehensively improve the electoral process of Jubaland to one acceptable to all stakeholders. Source: Hiiraan Online