-
Content Count
209,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ganacsade AUN Dirir Cabdi Gufure Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye, ayaa xalay saqdii dhexe dekedda magaalada Boosaaso ka soo dejiyay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi oo ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure oo 20-July-2019 lagu dilay magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar. Qoyska dhalay eedaysanaha oo kaashanayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Yemen, ayaa ku guulaystay in ay ninkaasi ka soo qabtaan gudaha dalka Yemen kadib mudda bil ah oo la raadinayey, waxaana ay xalay ku soo wareejiyeen dowladda Puntland. Safiirka iyo odoyaasha waxaa eedaysanaha kala wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale. Sidoo kale, safiirka ayaa waday in ka badan 30 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo laabtay dalka Yemen. Qaxootigan oo ku dhibaataysnaa gudaha waddanka Yemen, ayaa safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Yemen, waxay u fududaysay in ay dib ugu soo noqdan dalka kadib mudda ay halkaasi ku xayirnaayeen. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa safiirka uga mahadceliyay, sida uu gacanta uga gaystay soo qabashada ninka ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure iyo sidoo kale caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabtay dalkaasi Yemen. Hoos ka daawo sida loo soo bandhigay eedaysanaha PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo Puntland ku soo wareejiyay nin ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Gufure appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay dil xalay ka dhacay Xaafadda Qoob-dameeraad ee magaalada Hargeysa iyo nin loo soo qabtay dilkaasi. Booliiska ayaa sheegay in ay soo qabteen nin lagu magacaabo Mustafe Sheikh Maxamed Faarax (Khaarajiye) oo da’diisa ay ku sheegeen 50 sano jir kaasi oo fiidnimadii xalay magaalada Hargeysa ku dilay nin kale oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Weyd (Caddaani) isna da’diisu ahayd 50 sano jir. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Booliiska PUNTLAND POST The post Booliiska Somaliland oo qabtay nin 50-sano jir ah oo 50-sano jir kale xalay ku dilay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa xalay Puntland ku wareejiyey nin ku eedeysan dilka marxuum Dirir Cabdi Gufuri oo ahaa ganasade ku noolaa magaalada Qardho ee maamulkaasi. Shuuriye ayaa xalay saqdii dhexe garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ka soo dajiyey eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi, kadib markii uu guuleystay inuu ka soo qabto, isagoo baxsad ah gudaha dalka Yemen. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa eedeysanaha kala wareegay safiirka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale. Dilka ganacsadahaasi ayaa dhacay 20-tankii bishii July ee sanadkan, iyadoo tan iyo markaasi la baadi goobayey eedeysanaha. Puntland ayaa ugu dambeyn uga mahadcelisay tallaabada uu qaaday Danjiraha Soomaaliya ee Yemen Mudane Cabdullaahi Xaashi Shuuriye. Dhanka kale safiirka ayaa waday in ka badan 30 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo laabtay dalka Yemen. Qaxootigan oo ku dhibaateysnaa gudaha Yemen ayaa safaaradda Soomaaliya waxay u fududeysay in ay dib ugu soo noqdaan dalka kadib muddo ay halkaasi ku xayirnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo saaka aroortii hore weerar ku qaaday Deynuunaay ayaa la wareegay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada dowladda ay isaga baxeen guud ahaan saldhiggaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay markale weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaankaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray halkaasi. Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Koonfur Galbeed oo gurmad ah ay gaareen Deynuunaay. Caasimada Online Xafiiska Byadhabo caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaan in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Doorashadan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa ay isugu jirtaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo diyaar garowga doorashadan ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale ammaanka ayaa si xoogan loo adkeeyey, iyadoo xarunta ay ka dhaceyso doorashada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ayaa isku soo sharraxay doorashadan, kuwaas oo horay u jeediyey khudbadaha ay uga hadlayeen wax qabadkooda. Musharrixiinta illaa hadda ay soo bandhigeen guddiga doorashada ayaa waxaa ka mid ah saddexdii guddoomiye ee baarlamaanka koowaad oo uu waqtigiisa dhamaaday. Doorashada madaxweynaha oo markale dib loo dhigay ayaa iyaduna dhici doonto 22-ka bishan, sida uu shaaciyey guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
KHARTOUM, SUDAN - Sudan's Forces of Freedom and Change, the country's main opposition alliance, has nominated economist Mohammed Abdalla Hamdok to serve as prime minister in the country's transitional government Source: Hiiraan Online
-
Ilhan Omar compares Israel to South Africa during apartheid
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Rep. Ilhan Omar compared the Israeli government's banning her from entering the country to South Africa's denying a congressional member entry for being black during the apartheid. Source: Hiiraan Online -
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka dhacay degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo. Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa halkaasi iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan. Wararku waxay sheegayaan in dagaalka halkaasi ka dhacay oo mudda socday ay Al-shabaab kula wareegtay degaanka Daynuunaay balse markii dambe laga saaray inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Degaanka Daynuunaay ee lagu dagaallamay waa degaan muhiim u ah sugidda Amniga magaalada Baydhabo waxaana dhowr jeer oo hore weerarro ka gaystay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ka geystay degaanka Daynuunaay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka. Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi. Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin. Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga. Boqorka sacuudiga oo qaabiley wasiirka Diinta & Awqaafta Somalia Qaran News
-
Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa Saaka oo Sabtiya dhegaysan doonta gar-maqalka saddex xukmane oo ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yarayd ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Saddexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay sheegtay in lagu helay kiiska. Sidoo kale Rafcaan ay u qaateen kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-June ee sannadkan mar kale ku xukuntay dil toogasho ah waxaase ay Rafcaan kale u qaateen Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhegaysan doonta gar-maqalkooda. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ugu sarraysa Puntland oo saaka dhegaysanaysa Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mudda saddex maalmood ah ku kordhiyay wakhtiga is diiwaan gelinta Musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland si ay fursad u siiyaan musharrixiinta aan horay isu diiwaan gelin. Wakhtiga lagu daray is diiwaan-gelinta musharrixiinta ayaa ka bilaabmaya Sabtida maanta ah oo ku beegan 17-Agoosto 2019b waxaana uu ku egyahay maalinta Isniinta ee 19-Agoosto halka doorashada madaxweynaha oo markii hore 19-Agoosto ahayd haatan laga dhigay 22-Agoosto sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James. Dhinaca kale guddiga ayaan waxba ka beddelin shuruudihii ay hore u soo saareen ee lagu xiray musharixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan waddanka joogo iyo in uusan Xaas Ajnabi ah qabin. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Jubaland oo kordhiyay wakhtiga is diiwaan-gelinta musharrixiinta appeared first on Puntland Post.
-
Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubaland ayaa mar kale is-beddel ku sameeyey xilligii la qorsheeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha Jubaland, islamarkaana dib u dhigay illaa saddex cisho. Qoraal kasoo baxay guddiga oo loo diray wakiilka QM ee Soomaaliya, iyo wakiilada IGAD iyo Midowga Afrika ee khamiistii booqday Kismaayo, ayaa lagu sheegay in guddiga aqbaly codsigooda ahaa in dib loo furo is-diiwaan gelinta musharaxiinta islamarkaana doorashada waqtigeeda gadaal loo durjiyo. Qoraalka ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelinta musharaxiinta la furay 17-ka illaa 19-ka August, islamarkaana doorashada madaxweynaha oo la qorsheeyey inay dhacdo 19-ka laga dhigay 22-ka August. Guddiga ayaa sheegay in dastuurka u ogolaanayo inay maamulaan islamarkaana gacanta ku hayaan hanaanka doorashada, ayaga oo gacan ka helaya baarlamanka cusub, oo shaqadiisu tahay inuu guddoomiyo kulanka codeynta, islamarkaana ku dhowaaqo natiijada. Si kastaba, guddiga wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in cid kasta oo daneyneysa sida beesha caalamka, iyo labada aqalk ee baarlamanka Soomaaliya ay goobjoog ka noqon karaan codeynta, islamarkaana loo diri doono casuumad. Inkastoo Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta Mucaaradka, hadana Shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan Hoos ka aqriso warqadda guddiga
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka bilaabatay codeynta doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen. Ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa sugaya ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland. Doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulkaasi ayaa waxaa ku loolamaya illaa shan musharrax oo dhowaan is diiwaangeliyey. Sidoo kale hoolka doorashada ka dhaceyo waxaa ku sugan, xildhibaanada cusub ee Jubbaland, odayaasha dhaqanka, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale. 22-ka bishan ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada madaxweynaha maamulkaasi, taas oo markale dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay afar qof ,oo mid kamid ah ay aheyd haweeney, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Al-Shabaab. Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubnaha Shabaabka ah ee la toogtay, sida ay ku waramayaan hey’adaha amaanka iyo ganacsatada Bakaaraha, oo la hadlay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan qofka dumarka ah ee ku jirta dadka maanta la toogtay, taas oo shegaysa in ay aheyd sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Dhowr qof oo ka mid ah ganacsatada suuqa Baakaraha ayaa noo sheegay in qofka dumarka ah ee la toogtay ay caan ka aheyd gudaha suuqa. Haweeneydaan ayaa wareejin jirtay dharka, boorsooyinka la gashado mobile-ka iyo airphone-ka mobile-ka lagu dhageesto. Sidoo kale waxay wareejin jirtay boorsooyinka la gashado kaararka aqoonsiga (ID CARDS), iyo tusbaxa electronic-ga ah ee farta la gashado iyo agabyo kale. Magac sax ah oo lagu yaqaano malahan, balse waxay dadka qaar ugu yeeri jirayn Faadumo Deeqo, halka qaar kale ay magaceeda ugu sheegtay Deeqa. Sidoo kale, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qofka dumarka ah ay aheyd taliyihii hogaaminayay 3-da wiil ee la dilay, ayna ku amartay in ay dagalaamaan oo aysan is-dhiibin. Waxay booliisku sheegeyn in ay u qaybisay laba bastoolad oo bakaarof iyo mid biljim ah, waxayna isku dayeen in ay is-difaacaan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab u qaabilsan fulinta dilalka qorsheysan ee suuqa Bakaaraha iyadoo madax u aheyd koox arimahaas qaabilsan. Xaqiiqda ah inay iska dhigi jirtay qof ganacsada, ayaa muujineysa in ganacsigeedu ahaa been, balse ay ku gaban jirtay si ay howlaheeda kale u fuliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors