-
Content Count
209,326 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta go’aanno cusub kasoo saartay doorashooyinka Jubaland, xilli maanta halkaas lagu doortay guddoon cusub oo baarlaman. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan doorasho kasta oo ka dhacday Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, maadaama ay “baal marsan tahay dastuurka federaalka iyo habraaca wasaaradda arrimaha gudaha.” Wasaaradda ayaa sheegtay in laba sabab ay ku diiday sax ahaanshaha doorashooyinka Jubaland, oo mid ay tahay; habraaca soo xulista liiska odayaasha dhaqanka oo aan waafaqsaneyn diiwaanka wasaaradda, iyo tan labaad oo ah, inaan dariiq sharci ah loo marin soo xulista golaha wakiilada Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqday shir dib-u-heshiisiin dhab , oo ay ka qeyb-galaan dhammaan dhinacyada Jubaland, “si looga fogaado qalalaase iyo xailooni darro ka dhacda deegaanada dowladda goboleedka Jubaland.” Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo gaaraya 2,000 oo askari, oo u dhashay Dalka Uganda, ayaa ka baxay Soomaaliya waxaana ay dib ugu laabteen dalkooda, sida ay shaaciyeen saraakiisha Uganda ee Soomaaliya. Ciidamadan oo ka kala socday qeybta ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay dalkooda kaddib markii ay dhameysteen howlihii ay u joogeen Soomaaliya. Askartan ayaa waxaa ay kala ahayeen 529 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Qaramada Midoobey, iyo 1406 Askari oo ka mid ahaa guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ayaa gaaray dalkooda. Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda David Muhoozioo ciidamadaas la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo nabad noqota ay la mid tahay Afrika oo nabad noqota. Generaal Muhoozi ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay dalalka Afrika,waxa ku dhacayna ay dalkasta oo ka mid ah Afrika ku dhici karaan. “Hadda waxaan tirakoobeynaa guulaha laga gaaray Soomaaliya ee ay horseedka ka yihiin adinka, ciidankii idiinka horreeyay iyo kuwa hadda ku jira” ayuu yiri Generaal Muhoozi. Ciidamada gaaraya 2000 kun ee Askari ayaa la siiyay fasax shan iyo afartan cesho ah oo ay la soo qaadanayaan reerahooda. Dowladda Uganda ayaa dhowr todobaad ka hor ciidankii beddelilahaa Ciidamadaas waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya, qeyb waxaa loo daabulay Gobolka Shabeellaha hoose halka qeybta kalena ay la waregeen xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay waardiye ka yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran. 1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq 2. Sahra Jaamac Saalax 3. Cali Jaamac Faarax 4. Cabdullaahi faarax Mire 5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle 6. Guulleed Saalax Bare 7. Jaamac Xirsi Faarax 8. Xafso Salaad Maxamed 9. Cadirisaaq Axmed Siciid Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa uga digey maamulka Somaliland xad gudubka iyo daandaansiga uu ku samaynayo deegaamada Puntland gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Cayn. Madaxweyne Denni ayaa sheegay in Puntland ay nabad ugu baaqayso cidkasta oo wax kala dhexeeyaan wuxuuna sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayaan in nabad lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee ka dhexeeya. “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweyna Puntland. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni oo Somaliland uga digey ku xad gudubka Puntland nabadna ugu baaqay. appeared first on Puntland Post.
-
Ma ahan inaan ku ammaanayo dowladdii tan ka horreysay ee Xasan Shiikh iyo kuwii horteeda sii ahaa intaba, balse waxaa jira is-badallo muuqda oo Muqdisho ka dhacay, qaarkood waa kuwo qof walba oo Muqdisho joogo arkay, qaarna waa ficillo aan la fileyn oo ka dhacay caasimadda. Dowladihii ka horreeyay midda hadda jirta magaalada Muqdisho wax badan ay ka gaabiyeen ayaa jira, balse su’aasha ayaa ah intii ay uga tageen malaga dhaqaajiyay mise hoos u dhac ayaa ku dhacay?. Isbaddallada aan qormadan uga hadleyno waxaa sabab u ah laba wax middood, midi waa amni xumada, halka tan kalena ay tahay dadaal ka ciidanka qalabka sida ay ugu jireen xaqiijinta amniga oo ay ka dhasheen rejo iyo culeys ay shacabku si isku mid ah u dareemeen Haddaba waa kan 10 shey oo iska baddalay nolosha amni ee Xamar tan iyo February 2017. 1- XIRID IYO DHUFEYS Wadada hormarta madaxtooyada waxaa isticmaali jiray gawaarida BL-ka ee u socdo Xamar Weyne, hadda BL iska daaye xitaa ma maraan gawaarida raaxada haddeysan wadan madax ama shaqaale dowladeed, waxaana lagu soo kordhiyay dhufeysyo ciidan oo jidka dhexdiisa laga sameeyay. 2 – KALA WAREEG Busteejooyin cusub oo ay baabuurta ka rartaan ayaa kusoo biraay kuwii hore kuwaas oo ka dhashay xirnaashiyaha jidadka Muqdisho gaar ahaan jidka dheer ee Maka Al Mukarama, waxaana ugu weyn Busteejada Sepiano. 3 – HAL ALBAAB Jidka dheer ee Maka Al Mukarama ayaa yeeshay hal albaab oo ay kasoo galaan gawaarida raaxada, dhammaan jidadka kale ayaa laga mamnuucay in ay kasoo galaan, albaabkaas ayaana ah kan Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan, walow isaga xitaa mararka qaar loo diido gawaarida raaxada in ay kasoo galaan. 4 – GOOBO DALXIIS Goobaha loo dalxiis tago ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan ku yaallo xeendaabka wadada Maka Al Muakarama illaa xeebta Liido, waxaana inta badan ku kulmo dhallinyarada ka nasta shaqada xilliyada habeenkii. 5 – REJADII CEEL KU DHACDAY Safaaradda Qatar ayaa darbi ka dhex dhistay laamiga ka baxa Km4 ee aada Tarabuunka, kaas oo hore ugu xirnaa Farmaajo ka hor safaaraddii Turkiga oo ka guurtay mesha, waxaana loo sameeyay Ganjeel xirmaayo, kaas oo meesha ka saaray rajadii aheyd in la arko wadadaas oo markale shacabka isticmaalayaan. 6 – XABSI WEYN Xabsi aad u weyn ayaa laga hirgeliyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xarunta Asluubta, waxaana loo dhisay si casri ah, oo la mid ah sida xabsiyada caalamka, kaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen QASRI, waloow dhagax dhiggiisa uu ka horreeyay dowladda hadda jirta. 7 – SHARCIYO CUSUB Sharci cusub ayaa lagu soo kordhiyay baraha koontarool ee laga galo Villa Somalia waxaana ka mid ah in qofkii rabo in uu isticmaalo wadadaas, islamarkaasna heesto aqoonsi in uu gaariga ku damiyo meel cabbaar u jirto jakbooyntiga, soo lugeeyo, aqoonsiga tuso askari kujiro dhufeys, marka laga fiirsho aqoonsiga loo oggolaado in uu laabto, gaarigiisa soo kaxeysto sidaasna jidka ku maro, waxaana laga dhaxlay dhibaatooyin ay ka mid tahay in wasiir hore iyo saraakiil aqoonsigooda inta loosii waday askariga lagu dhuftay qarax halkaasna ku naf waayay. 8 – JILACOOW OO JILBAHA LOO LAABBAY Xabsigii ugu caansanaa caasimadda ee ‘GODKA JILACOOW’, ayaa laga taqalusay, kaas oo loo muujiyay in laga maarmay, waxuuna ahaa xabsi inta badan aad looga baqo magaciisa iyo muuqiisa intaba. 9 – DEGMOOYIN BURBURAY Afar xarun degmo ayaa bur bur kasoo gaaray weerar qarax ahaa oo lala eegtay, waxaana wali dhagax dhig mooyee aan la dhisin saddax ka mid ah xarumahaas, waa Hodan, howlwadaag iyo Warta-Nabadda, halka Wadajir dhismaheedu gabo gabo marayo. 10 – MARKII UGU HORREYSAY Taariikhda markii ugu horreysay ayey marti gelisay Muqdisho in xafiiskiisa inta loogu tago lagu dhex dilo Mayer-keedii, ka dibna ay aasto ayadoon la caddeyn cidda sida saxda ah u sahashay in uu dhaco falkii lagu qaarijiyay. Ma ahan micnaheeda in 10-kaan qodob oo kaliya ay ku koobanyihiin is-badalada Muqdisho ka dhacay, waxaa hubaal ah in ay ka badanyihiin, balse inta idiin muuqata waa inta aan isleeyahay wey ugu waaweynyihiin. W/Q: Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed xareed Faarax ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in ay hay’adaha Amniga Puntland ku amri doonaan in la soo qabto eedaysane kale oo uu galay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo hore saddex nin oo keliya loo xukumay. Xareed oo duhurnimadii maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee Maxkamadda kadib markii ay soo dhammaatay dhegaysiga Gar-maqalka saddexda xukmane ayaa sheegay in sidoo kale la soo qaban doono eedaysane kale oo mid kamid ah ragga xukman uu sheegay in uu kiiska kula jiray. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland waxa uu caddeeyay in markii eedaysanaha la soo qabto laga qaadi doono dheecaanno dabadeedna lala fal-gelin doono dheecaankii marxuumad Caa’isha oo weli la hayo kadibna sidaasi lagu ogaan doon haddii uu Kiiska galay iyo haddii kaleba. Hoos ka daawo hadalka Xeer Ilaaliyah PUNTLAND POST The post Xeer ilaalinta Puntland oo ku dhawaaqday in qof kale loo soo qaban doono Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa su’aalo ka keenay dilka afar qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeney oo ciidamada dowladda ay shalay ka geysteen Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraal uu Yuusuf Garaad soo dhigay facebook. Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan booliisku dhexdiisa baaro oo uu hubiyo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay. Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan? Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo. Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay. Ma aha dhaqan Dowladeed. Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof. Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu. Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka. Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga. Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba. Yuusuf Garaad Cumar
-
Guddiga xaqiiqo raadinta ee loo magacaabay dhacdadii 9-kii bishan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee koonfur galbeed ayaa soo saaray warbixin horudhac ah. Qoraal kooban oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku qornaa in natiijada horudhaca ah ay noqotay: 1. In la soo qabtay askar lagu tuhmayo dilalka dhacay, halka qaar kale lagu raad-joogo. 2. Waxaa lagu baaqay in dilalkaasi ama qofkii dil geysta aan loo saarin karin ama loo nisbeyn karin qabiil. Guddiga xaqiiqo raadinta ayaa sii wado baaritaanka, waxaana lagu wadaa in sidoo kale ay soo saaraan qoraal dhameystiran, oo baaritaanka la xiriira. Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, laamaha ammaanka, maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed Cabdi Casiis Laftagareen ayaa todobaadkii hore hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto, taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa markale dib loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa xilkan kula tartamay musharraxa kale ee Xuseen Shiinow Cali oo uu ugu dambeyn ka guuleystay. Sheekh Cabdi oo hoggaaminayey baarlamaankii koowaad ayaa helay 55 Cod, halka musharrax Shiinow uu helay 18 Cod. Guddoomiyaha la doortay oo ay xulafo dhow yihiin Axmed Madoobe ayaa inta aan la dhaarin ka hor u mahadceliyey xildhibaanadii doortay iyo kuwa aan dooran intaba. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu hela. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM. Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota, Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Waxaa hadda soo gabagabowday doorashada guddoonka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55, halka ninka la tartamay uu helay 18 cod, waa uun guddoomiyihii hore oo soo noqday mar kale. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM. Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin: 1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi, Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim; Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah. Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo. Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka. Source
-
Hargaysa:(SL-T(Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Xarun Ka Samaysanaya Magaalada Hargaysa Ee SomLiland + Waa Maxay Ujeedka Uu Ka Leeyahay. Ganacasde Cabdiraxmaan Boore Uu Dhashay Dalka Jabuuti Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyey Waxa Uu Magaalada Hargaysa Ka Waday Xarun Uu Ku Yeelan Doono Magaalada Hargaysa Ee SomLiland.Ujeedada Ugu Weyn Ee Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Ayaa Ah In Xaruntani Ay Noqoto Meelo Ka Duulo Xiliga Doorshada Dalka Jabuuti Oo Uu Doonayo In Uu Gacan Weyn Ku Yeesho Doorashada Madaxweyne Ee Jabuuti Si Uu Uga Takhaluso Hogaamiyaha Xiligan Ee Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Oo Khilaaf Weyne Ka Dhaxeeyo Ujeedka Labaad Ee Ganacsadahan Ayaa Inuu Khalkhaliyo Dorashadaas.Waxaana Magaalada Hargaysa Ayaamahan Ku Suganaa Oo Soo Gaadhay Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Wakiil Ka Ah Ganacaade Cabdiraxmaan Boore Si Uu Ula Shiro Dad Uu Abaabulo Oo Lagu Khalkhal Galinaayo Qaabka Qabsoomida Doorashada Jabuuti Sidoo Kale Waxa Qorshaha Abaabulka Ku Jira Ni Lagu Magacaabo Xasan Wacays Iyo Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo Ay Xidhiidh Leeyihiin Ganacsade Boore Ganacasade Boore Iyo Xukuumada Jabuuti Ayaa Waxa Ka Dhaxeeya Khilaaf Xoogan Waana Ta Keenaty In Uu Ganacsade Boore Dabino Iyo Abaabul Lagu Khalkhal Galinaayo Doorshada Dalka Jabuuti Uu Bilaabo Islmarkaana Waqtigan Xarun Uu Ka Shidaal Qaato Somaliland Uga Wado. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Waddani Md Cabdiqaadir Jirde ayaa si cadho leh u eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay hor istaagtay mooshin lagu doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood kaas oo goluhu saaka diiday islamarkaana golaha la galiyay fasax dheer. Mudane Jirde oo saxaafadda kula hadlay baarlamaanka ayaa yidhi “Maanta mid baa muuqata aniga oo ka xun hadalkaa in aan idhaahdo waxa muuqata in ay golihii wakiillada xukuumaddu la wareegtay, waanu dareensanayn in ay farriintaasi ku socoto oo guddoomiyaha lagu saarayay culays golaha naga xidh warkaa waanu hayna.” Waxa uu intaasi raaciyay in saxeexii madaxweynuhu ku yaallo heshiiska xukuumaddu ka daba timid “Waanu ogayn in guddoomiyaha golaha wakiillada culays la saarayo oo la leeyahay naga xidh golaha, hadda waxa laga xidhayaana waa wax saddexda xisbi ku soo heshiiyeen oo saxeexii madaxweynuhu ku yaallo ayay haddana madaxweynaha iyo xukuumaddiisii inta ay ka daba yimaaddeen leeyihiin xidh oo arrintaa ha dhigin.” Waxa uu intaasi raaciyay “maanta umadda waxaanu u sheegayna Golihii Wakiilladu ma madax bannaana, shir guddoonkii waa laga maroorsaday xukumaddaana maroorsatay in golaha la xidho iyo in mooshinka la hor istaago xukuumadda ka dambeysa Garyaqaanka iyo guddoomiyaha toona ku eedayn mayno ee waa loo soo yeedhiyay warkana waanu hayna in la lahaa golaha xidh laakiin, waxay dhasho ayaynu leenahay,” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayey baarlamaanka maamulkaasi ku doorteen guddoomiye cusub. Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55. Cabdiraxmaan doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod. Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 2-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland lagu qabtay doorashada guddoonka barlamaanka 2aad ee maamulka Jubabland iyadoona ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 cod ayaa waxa uu ku guulaystay doorashada guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland halka musharixii la loo lamayey ee xildhibaan Xuseen Shiinow Cali uu ka helay 18 cod. The post Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo loo doortay guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha wakiillada Somaliland ayaa laalay heshiiska xisbiyada Somaliland ku gaadheen in guddida doorashooyinka Qaranka laga dhigo 9 xubnood waxaana la filaya in doorashada soo socota lagu galo todobada xubnood ee ay hadda yihiin. Mucaaradka ayaa doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood si ay mucaaradku u helaan min laba xubnood laakiin, golaha ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aamiyayna in baarlamaanka dambe arrintan lala sugo. Golaha ayaa sidaasi ku galay fasax bil iyo badh ah. Warar hoose oo ay helayso Shabakadda Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumaddu ay faro-galin ku samaysay golaha wakiillada si aan loo ansixin arrintaa. Source
-
Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka u fariisatay dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa waqti u qabatay xilliga ay ku dhawaaqayso go’aanka ugu dambeeya ee kiiskaasi. Maxkamadda oo dhegaysato eedayamo, difaaca qareenada iyo khudbadihii eedaysanayaasha horay loo xukumay ayaa waxa ay ugu dambayn sheegtay inay go’aanka kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonto 19-ka bisha 8aad ee sanadkaan oo ku beegan maalinimada Isniinta ah. Saddexdaan nin oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanku ay xukumo toogasho ah ugu soo rideen ayaa howshoodu ka duwaynayd sidii hore kadib markii qaar kamid ah ay qiraal ka sameeyeen maxkamadda horteeda. Cabdifitaax Cabdi Shakuur Warsame ayaa qirtay kiiskaan wuxuuna sheegay inuu kula jirey Cabdishakuur Maxamed Dige oo 45 sano jir ah oo isagu iska fogeeyey kiiskaan. PUNTLANDPOST The post Maxkamdda sare ee Puntland oo shaacisay inay maalinimada Isniinta ah go’aan ka gaarayso kiiskii Caasha Ilyaas appeared first on Puntland Post.