Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,287
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa markale dib loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa xilkan kula tartamay musharraxa kale ee Xuseen Shiinow Cali oo uu ugu dambeyn ka guuleystay. Sheekh Cabdi oo hoggaaminayey baarlamaankii koowaad ayaa helay 55 Cod, halka musharrax Shiinow uu helay 18 Cod. Guddoomiyaha la doortay oo ay xulafo dhow yihiin Axmed Madoobe ayaa inta aan la dhaarin ka hor u mahadceliyey xildhibaanadii doortay iyo kuwa aan dooran intaba. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu hela. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM. Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota, Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Qaabkii Saaka Golaha Wakiiladu U Laaleen Moshinkii Ku Saabsanaa Heshiiskii Saddeaxda Xisbi Wada Gaadheen Iyo Xildhibaanno Sharci-darro Ku Tilmaamay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Waxaa hadda soo gabagabowday doorashada guddoonka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55, halka ninka la tartamay uu helay 18 cod, waa uun guddoomiyihii hore oo soo noqday mar kale. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa isku soo sharaxay hal qof oo ah Xildhibaan Aadan Khaliif, waxaana loogu codeeyay gacan taag 72 cod ayuu helay. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Baaleey Xuseen wuxuuna helay 73 cod, waa loo tanaasulay, oo cidna lama tartamin. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka socday labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana nabad-gelyada qeyb ka sugayey AMISOM. Doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dhici doontaa khamiista soo socota, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin: 1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi, Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim; Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah. Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo. Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka. Source
  5. Hargaysa:(SL-T(Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Xarun Ka Samaysanaya Magaalada Hargaysa Ee SomLiland + Waa Maxay Ujeedka Uu Ka Leeyahay. Ganacasde Cabdiraxmaan Boore Uu Dhashay Dalka Jabuuti Ayaa Mudooyinkii U Danbeeyey Waxa Uu Magaalada Hargaysa Ka Waday Xarun Uu Ku Yeelan Doono Magaalada Hargaysa Ee SomLiland.Ujeedada Ugu Weyn Ee Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Ayaa Ah In Xaruntani Ay Noqoto Meelo Ka Duulo Xiliga Doorshada Dalka Jabuuti Oo Uu Doonayo In Uu Gacan Weyn Ku Yeesho Doorashada Madaxweyne Ee Jabuuti Si Uu Uga Takhaluso Hogaamiyaha Xiligan Ee Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Oo Khilaaf Weyne Ka Dhaxeeyo Ujeedka Labaad Ee Ganacsadahan Ayaa Inuu Khalkhaliyo Dorashadaas.Waxaana Magaalada Hargaysa Ayaamahan Ku Suganaa Oo Soo Gaadhay Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Wakiil Ka Ah Ganacaade Cabdiraxmaan Boore Si Uu Ula Shiro Dad Uu Abaabulo Oo Lagu Khalkhal Galinaayo Qaabka Qabsoomida Doorashada Jabuuti Sidoo Kale Waxa Qorshaha Abaabulka Ku Jira Ni Lagu Magacaabo Xasan Wacays Iyo Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo Ay Xidhiidh Leeyihiin Ganacsade Boore Ganacasade Boore Iyo Xukuumada Jabuuti Ayaa Waxa Ka Dhaxeeya Khilaaf Xoogan Waana Ta Keenaty In Uu Ganacsade Boore Dabino Iyo Abaabul Lagu Khalkhal Galinaayo Doorshada Dalka Jabuuti Uu Bilaabo Islmarkaana Waqtigan Xarun Uu Ka Shidaal Qaato Somaliland Uga Wado. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Waddani Md Cabdiqaadir Jirde ayaa si cadho leh u eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay hor istaagtay mooshin lagu doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood kaas oo goluhu saaka diiday islamarkaana golaha la galiyay fasax dheer. Mudane Jirde oo saxaafadda kula hadlay baarlamaanka ayaa yidhi “Maanta mid baa muuqata aniga oo ka xun hadalkaa in aan idhaahdo waxa muuqata in ay golihii wakiillada xukuumaddu la wareegtay, waanu dareensanayn in ay farriintaasi ku socoto oo guddoomiyaha lagu saarayay culays golaha naga xidh warkaa waanu hayna.” Waxa uu intaasi raaciyay in saxeexii madaxweynuhu ku yaallo heshiiska xukuumaddu ka daba timid “Waanu ogayn in guddoomiyaha golaha wakiillada culays la saarayo oo la leeyahay naga xidh golaha, hadda waxa laga xidhayaana waa wax saddexda xisbi ku soo heshiiyeen oo saxeexii madaxweynuhu ku yaallo ayay haddana madaxweynaha iyo xukuumaddiisii inta ay ka daba yimaaddeen leeyihiin xidh oo arrintaa ha dhigin.” Waxa uu intaasi raaciyay “maanta umadda waxaanu u sheegayna Golihii Wakiilladu ma madax bannaana, shir guddoonkii waa laga maroorsaday xukumaddaana maroorsatay in golaha la xidho iyo in mooshinka la hor istaago xukuumadda ka dambeysa Garyaqaanka iyo guddoomiyaha toona ku eedayn mayno ee waa loo soo yeedhiyay warkana waanu hayna in la lahaa golaha xidh laakiin, waxay dhasho ayaynu leenahay,” Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayey baarlamaanka maamulkaasi ku doorteen guddoomiye cusub. Guddoomiyaha Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo codadkii la tiriyey helay 55. Cabdiraxmaan doorashada kula tartamay Xuseen shiinow oo isna codadkii la tiriyey ka helay ilaa 18 cod. Waxaa xusind mudan in Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan uu ahaa guddoomiyihii baarlamaankii 2-aad ee Jubbaland, oo mar kale ayuu soo noqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland lagu qabtay doorashada guddoonka barlamaanka 2aad ee maamulka Jubabland iyadoona ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali. Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 cod ayaa waxa uu ku guulaystay doorashada guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland halka musharixii la loo lamayey ee xildhibaan Xuseen Shiinow Cali uu ka helay 18 cod. The post Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo loo doortay guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Hargeysa)-Golaha wakiillada Somaliland ayaa laalay heshiiska xisbiyada Somaliland ku gaadheen in guddida doorashooyinka Qaranka laga dhigo 9 xubnood waxaana la filaya in doorashada soo socota lagu galo todobada xubnood ee ay hadda yihiin. Mucaaradka ayaa doonayay in Komishanka Doorashada laga dhigo 9 xubnood si ay mucaaradku u helaan min laba xubnood laakiin, golaha ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aamiyayna in baarlamaanka dambe arrintan lala sugo. Golaha ayaa sidaasi ku galay fasax bil iyo badh ah. Warar hoose oo ay helayso Shabakadda Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumaddu ay faro-galin ku samaysay golaha wakiillada si aan loo ansixin arrintaa. Source
  10. Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka u fariisatay dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa waqti u qabatay xilliga ay ku dhawaaqayso go’aanka ugu dambeeya ee kiiskaasi. Maxkamadda oo dhegaysato eedayamo, difaaca qareenada iyo khudbadihii eedaysanayaasha horay loo xukumay ayaa waxa ay ugu dambayn sheegtay inay go’aanka kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonto 19-ka bisha 8aad ee sanadkaan oo ku beegan maalinimada Isniinta ah. Saddexdaan nin oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanku ay xukumo toogasho ah ugu soo rideen ayaa howshoodu ka duwaynayd sidii hore kadib markii qaar kamid ah ay qiraal ka sameeyeen maxkamadda horteeda. Cabdifitaax Cabdi Shakuur Warsame ayaa qirtay kiiskaan wuxuuna sheegay inuu kula jirey Cabdishakuur Maxamed Dige oo 45 sano jir ah oo isagu iska fogeeyey kiiskaan. PUNTLANDPOST The post Maxkamdda sare ee Puntland oo shaacisay inay maalinimada Isniinta ah go’aan ka gaarayso kiiskii Caasha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Taliska Booliska Oo Faahfaahiyay Dil Xalay Hargaysa Ka Dhacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Goor dhawayd ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Jugta qaraxyda siweyn looga maqlay Xaafado ka tirsan degmdaas iyo goobo kale. Sidoo kale waxaa lagu warramayaa inuu qaraxyada ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan, waxaana ku dhaawacmay saddex qof, isla markaana waxaa loola cararay mid kamid ah Cisbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho. Qaraxa ugu horreeyay ayaa waxaa uu ku dhacay waddada tagta xarunta Maamulka degmada Deyniile, waxaana halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmadaas oo haatan halkaas ka wada baadhitaano. Source
  13. (SLT-Washington)-Haweenayda ka tirsan Congress-ka Maraykanka ee Rashiida Dulayb, ayaa ku gacan saydhay ogolaansho Israel u siisay in ay ayeydeed ku booqato daanta galbeed ee la haysto. Waxay sheegtay in shuruudaha lagu xidhay socdaalkeedu yihiin kuwo adag oo dullayn ah isla markaana aan sidaa lagu aamusiin karin iyada. Mar sii horraysay ayaa Israel shaacisay in Dulayb loo ogolaaday in ay halkaa u socdaasho ka dib markii ay aqbashay in ay joojiso ololaha ay ugu jirto in dunidu Israel go’doomiso. Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan. Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib ayaa lagu waday toddobadka soo socda inay booqasho ku tegaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus. Labadan gabdhood ee ka wada tirsan aqalka Congareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa’iil balse sharciga Israa’iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa’iil. Madaxweyne Trump ayaa horraan ku baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa’iil isla markaasna ay neceb yihiin Israa’iil iyo dadka Yuhuudda. Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib waxay labaduba ay ka wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin, waxaa ay kasoo horjeedaan Israa’iil balse waxay beeniyeen inay neceb yihiin dadka Yuhuudda. Sharciga Israa’iil waxaa uu dhigaya in dal ku-galka aanan la siin karin qof kasta oo shisheeye ah oo wado olole looga soo horjeedo Israa’iil ha ahaato mid dhaqaale, dhaqan ama waxbarasho. Source
  14. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa saaka waxa ay u fariisatay dhegaysiga kiiska saddex nin oo loo haysto kufsigii iyo dilkii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ee magaalada Galkacyo. Saddexdaan nin oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanku ay xukumo toogasho ah ugu soo rideen ayaa howshoodu ka duwaynayd sidii hore kadib markii qaar kamid ah ay qiraal ka sameeyeen maxkamadda horteeda. Cabdifitaax Cabdi Shakuur Warsame ayaa qirtay kiiskaan wuxuuna sheegay inuu kula jirey Cabdishakuur Maxamed Dige oo 45 sano jir ah oo isagu iska fogeeyey kiiskaan. PUNTLANDPOST The post Mid kamid ah raggii loo haystey kiiskii Caasha Ilyaas oo maxkamadda ka hor qirtay inuu falka ku kacay. appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Boosaaso)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay laga dejiyay Nin laga soo qabtay dalka Yemen ku eedeeysan inuu Magaalada Qardho hore ugu dilay Nin la sheegay inuu Ganacasade ahaa. Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa Ninkaas ka dejiyay Magaalda Boosaso,isagoo u gacan geliyay Madax ka tirsan Maamulka Puntland. Ninka laga soo qabtay dalka Yemen ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullahi, kaasi 20-ka Bishii july ee Sanadkan Qardho ku dilay Allaha u naxariistee Dirir Cabdi Gufuri oo ahaa Ganacsade Caan ah. Madaxda maamulka Puntland ayaa Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye uga mahadceliyay sid gacanta loogu soo dhigay Ninka dilay Dirir Cabdi Gufuri. Sidoo kale Maxamed Cabdullahi ayaa waxaa isla xalay lagu xidhay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada maamulka Puntland eek u yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Source
  16. Waxaa Hoolka ku sugan Dhamaan Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, waxaana goor dhow bilaabanaya Doorashada hogaanka Baarlamaanka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa. Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka, [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashadda hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay falkii shalay lagu toogtay 4 qof oo ay haweeney ku jirtay, kuwaas oo doonayey inay dilaan la-taliye ka tirsan wasaaraddiisa. Ugu horreyn wasiir Goodax Barre Barre ayaa boogaadiyey tallaabada ay qaadeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee fuliyey howlgalkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in mas’uulkan uu ka mid yahay wasaaradda waxbarashada, una qabilsan yahay dhanka la-talinta arrimaha Dhulka. Halkan hoose ka aqriso qoraal kooban oo uu soo dhigay wasiirku bartiisa Facebook-ga: “Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howlwadaag feejignaanta iyo dhiifoonaanta ay dhagar qabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Arrimaha Dhulka iyo Hantida Maguurtada. Waa guul u soo hoyatay dhammaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in aad sii laba jibbaari doontaan badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”. Shalay ayay aheyd markii ciidanka Booliska degmada Howlwadaag ay ka hortageen fal ay doonayeen rag hubeysan inay ku dilaan masuul ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, kadib howlgal oo ka dhacay Isgoyska bakaaraha ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. “What are the Consequences if the people given control our government have no ideas how it works; The fifth Risk by Michael Lewis”. In the trek of civilization, humans settled as nation states of different ethnic assemblages and curved up for themselves a piece of territory called home. Obviously, Somalis, in the permutation of human race transformation into groupings of the same feather, landed on the horn. And, as a consequence, together with their piece of land, in the partition of Africa at the ebb tide of 19th century by colonial western Christians found themselves fighting for independence. On a reverse of fortune, they became an independent country called Somali Democratic Republic in 1960. After two subsequent forms of administration and thirty-one years into independence, they succumbed into internecine civil strife predicated by and large by the totalitarian regime of Siad Barre. The big conundrum that bedeviled international community has been to bring Somali ethnologically clan groups together in order to reconstitute the nation-state. One can vividly recollect the argument of the day in early 1990’s, both in Somalia and aboard alike, that it wouldn’t take more than two to three years to bring the country back to a new administration, as there had been the hypothetical naivety; in this modern days, nations couldn’t sustain themselves without a state that cater for their existence into the community of nations. Consequently, after almost thirty years of effort by international community to first revive Somali nation-state out of the ashes of brutal and multifaceted civil war, and secondly, repatriate hundreds of thousands of refugees languishing in camps of the neighboring Kenya, Djibouti and Ethiopia, has pretty much fallen through. One can imagine that every tools of the trade in hand of historically reconciling the adversarial groupings of a nation was tried and tested, yet it demonstrated almost impossible to come up with an enduring solution that satisfy the opposing factions of the day, as the representation of conflicting clans has been changing like a deck of cards. Sometimes, one wonders if these delegates carry the confidence of their respective fiefdoms. Mind you, in a fairly short space of time, Somalis regrouped themselves according to respective clan-line territory, and this made the third part brokerage precipitously hard to decipher the mystery of Somali’s political machination to reduce them into one territory belong to all Somalis. In short, in order to unlock clan fiefdoms back to one nation-state modality of idyllic yesterday, though miracles can happen overnight, spectacularly failed. Over the years, things took their natural course and, consequently, regional administrations featured in to reinforce the idea of clan fiefdoms. It was Puntland that first became an autonomous self-declared administration. Somaliland proclaimed itself as an independent country that rescinded, as they put it, its sovereignty from the Somali South. Another decade or so, this time round international community tried the idea of clan-based federalism, which is, after four administrations, proved itself as a futile exercise. One must make very clear the federal government as well as the federal states stunningly floundered to behave like any other conventional governmental administration: The executive branch has the power to collect taxes and in return attend the public services. Since there is no effectual legislative branch that holds the executive power of government into account, the plebeians are at the mercy of the respective administration lead by a president. As aforementioned, they, respective governments, collect comparatively huge amount of taxations and receive large sums of donations from the international community to attend social services such as affordable energy (electricity), clean water, adequate healthcare, free basic education, prepare for the society to grow its food by putting in place the expertise as well as the necessary infrastructure and encourage the entrepreneurial acumen of the lower tier of the society to help lift themselves off the poverty line. Since the only seasoned federal state one can gauge on these parameters is Puntland, its evidently clear the energy sector is vertical monopoly, thus the price of electricity is beyond human comprehension; almost one dollar per kilowatt. The healthcare services, the real clinical one, is sought, with the exception of Ophthalmology, outside the state. The natural water not only is expensive, but barckishly undrinkable: an undertaking that could be easily solved with the installation of cheap filtration system. The primary education is precipitously very steep and forced some of the lower tier families not to afford to send some of the household children to school. In every society to produce their food is a priority. In here Agricultural sector is pushed into the fringes of the state’s priority, and almost all food produce is imported. Surely that is not sustainable in the medium term. There is a new administration that is in place for almost eight months and the steps they have taken so far presages a good omen. Things like reshaping the security sector, and financial institutions ought to be, though still early days, commended and welcomed. But then again, there is always that atavistic fear of getting off the rail and follow suit to its predecessors. The mind-boggling thing is that the priority is reversed in a topsy-turvy manner. The above-mentioned matters should’ve pressingly taken the utmost urgency they deserve like any other nation-state in this day and age. The federal government’s endeavor, since its inception in imbeghatti, should have been, in addition to the societal services, mainly putting the foundations of the federalism exertion and finalization of the constitution. After four terms in office nothing moved as far as the above-mentioned dispensations is concerned. Rather, they are in a retrogressive trajectory in which the country plunges back into agnatic strives. The current one’s modus operandi gives the sneaking suspicion of pitting tenderly clannish communities against one another. Instead of consolidating what its predecessor started, the current administration gives the impression of dismantling incipient federal states and rather became a quagmire for them to neglect the two main aforementioned priorities. Galmudug, hirshabelle and Jubbaland are, each of its own different political predicament, in a state of uncertainty and one wonders what the future holds for them respectively. Surely, the international community, who put their weight behind the federal government project and lost live and limps, couldn’t watch the state of affairs as far as the future of this nation-state is concerned. Exhausting every possible trick in the book (cajoling, brinkmanship and outright threat) its obvious that international community came into a cul-de-sac. The question comes into the fray is not only to re-think what else left to experiment on Somali laboratory, but also to look into this unique people and their behavior in so far as the perception of modern nation-state is concerned; it defies the accepted norms. Norms in the sense of reconciling differences of adversarial entities. If one looks at the parallel conflicts of the same attributes, almost all of them are being, in one way or another, resolved. Look at Afghanistan, Liberia and Sierra Leone. They all have either been completely resolved, apart from incidents here and there, or the conflict is being subsided and the process of nation building is in a fairly good course. By the same token, the behavior of Somali individual is intriguing; he gives the impression, with good heart, at that particular juncture of reconciling one another to the mediating bodies, here the international community, but never follows through it. Once they sworn in that they resolved their differences, recite koranic verses, praise one another and session is broken, each group rush to the press quarters only to ascertain the otherwise: that there has never been a consensus and refute outright the reconciliation outcome. That invokes the Hume’s philosophy built around feelings and emotional-states rather than rationality and levelheadedness as reason is the slave of passion. This revolves around “our feelings make human beings just another kind of animal”. This idea of being slave to one’s needs doesn’t bode well with the lower tier (the majority poor) of Somali nation. The poor character sacrifices his or her needs and future of their offspring to that of the rich and powerful simply they happen to be in the same agnate. Anyone tries to attend Somali issues and their everlasting conflict has to deeply look at the nature of Somali individual that defies that of their human peers. Reason comes on later to support the original attitude. In the long run Somalis need an education that addresses their feelings (the basic needs) rather than the reason of sacrificing their basic needs to someone else’s end, simply because that leviathan belongs the same clan or sub-clan. In the meantime, international community, who are the sponsors of the laboratory experiment of Somalia in bringing them into the conventional nation-state, ought to go back to the drawing board and recycle, once again, the existing mainly diaspora extracted political entities of the day. They have proven themselves no different from the faction leaders they replaced. Once more, the George Orwell’s conclusion of central problem – how to prevent power from being abused – remains unsolved after thirty years of testing from one political group to another. What one calls “the existing mainly diaspora extracted political entities” accumulated huge capital by usurping exposed to them money for the sole reason of buying their way in for re-election due to the upsurge of prices of potential parliamentarians. This outlandish vanity pits them with their diaspora colleagues whom has been refused to get their share of the proceeds. Mind you, what one implies about is nothing but taxations and the international community contributions to rebuild the country. In addition, the rich Arab countries, namely Qatar and Saudi Arabia, inject untraceable cash into the scramble. Therefore, International community, particularly United Nations and EU, this time round, after thirty years of effort in fixing this curse-stricken nation-state, must think long and hard and first not to repeat the failed modality of bringing clan-nominated individuals as parliamentarians into Mogadishu, only to trade their votes for the higher bidder. And secondly, take an active role in this repeating cycle and come up with a drastic measure the majority, who are at the receiving end for the failure of the top few, get out of the protracted predicament they have been enduring for too long. Sifting through the public opinion while putting this short essay, one starkingly found that almost everyone engaged in the matter believes that it’s the International community who sets the course of never-ending political stalemate existed in Somalia for so long. And, if the international community, want to fix they could have done long time ago. The plebeians accepted as true that it’s the International Community that could turn the county around in a fairly short space of time if the will is there. One could have a handle on frustrating habit of Somali political entities, but those bank-rolling the issue of Somalia should exercise their strong leverage and set out a different road map, and never get back to the tested and tried fiasco of the past. Finally, Somalia is intrinsically just like Norther Ireland – Catholic and Protestants – only Clan loyalty replaces the religion in here, they never reconcile until and unless the mediator takes the mentor role in here. One could recall how the late Mo Mowlam, Tony Blair and the Taoiseach of Ireland worked flat out in Stormont with little and no sleep for days; it came into fruition. One may well vividly remember how International community, mainly USA and EU, went about the putting a team that could replace the Taliban in Afghanistan. They convened all stakeholders in Germany and hand-picked the best out of the available pool at the time with good intention- it worked. The thesis one forwards is the personality type whom international community engages are worldly and corrupt and that alone makes them weak, as pascal put it, and the very best we may hope for in the circumstance is to face the desperate situation head on and replace the existing mainly diaspora extracted political entities of the federal Government with, this time round, men and women of utmost integrity who puts the country first, and leave legacy for themselves. They are out there, but never has been engaged. Their number is dwindling by the day as they have been faced out systemically since the demise of Somali central authority. Note: the essayist referenced the Somali individual as he not her in the discourse deliberately, as anticipation for a feminine take the role of top leadership is hitherto remote due to religious or other cultural motives. Also, the policy priority of Puntland alluded in here as a model for the Federal states deserves an essay of its own. Synopsis of the essayist Abdiqani Ahmed Farah (Dala’aan) Abdiqani Ahmed Farah (Dala’aan) did his PhD at the University of Glasgow. His work focuses on, inter alia, higher education management-cum-quality assurance, curriculum development, Agricultural and environmental issues. He taught several universities and colleges including Somali National University, Technical University of Kenya, Camden College, East Africa University and Puntland State University. Guest lecturer: University of Helsinki, Michigan State University and Mogadishu University, SIMAD University. Member of African Studies Associations. The post What next in The Reconstituting Endeavor of Somali Nation-states appeared first on Puntland Post.
  19. Ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM unugtooda Booliska ayaa isku gadaamey xarunta ay ka qabsoomayso doorashada guddoonka barlamaanka ee barlamaanka maamulka Jubbaland. Ciidanka AMISOM oo horay loogu wareejiyey doorashada xarumaha doorashooyinka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha xarunta barlamaanka iyo agagaarkeeda si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobta. Waftuud kala duwan iyo xildhibaanada barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa ku sugan goobta ay ka dhacayso doorashada guddoonka barlamaanka maamulka Jubbaland oo muddooyinkaan laga dareemayey xiisad siyaasadeed. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Ciidanka AMISOM oo la wareegey goobta lagu dooranayo guddoonka barlamaanka Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  20. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar subaxnimadii hore ee saaka malayshiyaad katirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Daynuunaan ee gobolka Baay. Rag katirsan Alshabaab ayaa weerar loo adeegsadey hubka culus ku qaaday fariisimada ciidanka inkastoo ay kala kulmeen iska cabin xoogan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaankaasi. Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalku uu weli ka socdo jihooyinka qaar inkastoo aysan xog rasmi ah ka bixinta khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay ilaa hadda. Wararka qaar ayaa sheegaya in Alshabaab ay muddo kooban intii dagaalku socdo la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay walow ugu dambayntii ay kala wareegeen ciidamada dowladdu. PUNTLANDPOST The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka gobolka Baay & gacan ku haynta Daynuunaay. appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya labo qarax oo saaka ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo miino ahaa ayaa waxaa mid ka mid ah lala eegtay xoghayaha maamulka degmada Deyniile Mahad Maxamed Shire. Wararka ayaa sheegaya in xoghayaha uu ka badbaaday qaraxaasi, balse uu burbur xoogan ka soo gaaray gaarigiisa. Sidoo kale qaraxa labaad oo ka dhacay waddada Jayga ee degmadaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Gudiga Doorashada Jubbaland ayaa dib u furay diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland, waxayna maanta bilaabayaan qabashada araajida Musharixiinta. Kulankii Beesha Caalamka iyo Gudiga ayaa Beesha [...] Source
  23. Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sida ku xusan jadwalka doorasho ee guddiga doorashada, waxaa maanta la dooran doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale Labadiisa ku xigeen. Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana doorashadan la filayaa iney goob joog ka ahaadaan xubno ka socda beesha caalamka iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maalmo lagu daray diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha. Waxaana guddiga uu sheegay in doorashada la qaban doono 22-ka bishan oo ku aaddan maalinta khamiista ah ee soo socota. Guddiga ayaa arrintan u sameeyey kadib codsi uga yimid beesha caalamka, taasi oo ah in fursad kale la siiyo musharraxiinta kale ee kursigan u taagan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Qarax Miino ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaarahaan nawaaxiga Haanta dheer ee degmada Dayniile, waxaana la sheegay in khasaare uu jiro. Sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi, Labo qof ayaa dhaawac kasoo gaaray, waxaana ay miinadan ku aasneyd meel waddo ah oo shacabka maraan. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga bixiyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay. Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFS, Al-shabaab ayaa Labo jiho weerar kaga soo qaady saldhig ay ciidankan ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad. Waxaa jira khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkan, balse lama oga inta uu la egyahay. Ciidamo gurmad ah oo gaaray halkaasi ayaa u suurtagashay iney dib u celiyaan Al-shabaab, iyadoo hadda xaaladdu ay deggan tahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com