-
Content Count
209,302 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahhanno ka tirsanaa kuwooda ay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan dilkaasi. Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Three herders were killed while grazing their animals in Ethiopia and camels stolen on Thursday according to Banisa Sub-County Deputy County Commissioner Noah Tanui. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta gobalka Banaadir ee booliiska Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa habeen hore xiray 4 taliye oo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo ciidankii la shaqeynayay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Taliyaasha la xiray ayaa madax ka ahaa 4 kontarool oo ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana ka tirsan aagga lama soo dhaafaanka ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la xiray ciidankii halkaasi kula sugnaa. Taliyaasha la xiray waxay kala joogeen isgoysyada Sanca, Jardiinka, KPP, iyo kontarool kale oo katirsan degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana loo heestaa gaadiid ay soo daayeen, kuwaas oo ay lahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya qaarkoodna ay soo damiinteen. Waxaa jira amar ah in aan lasoo dayn karin wax gaadiid ah, ciddii doonta ha wadatee, si loo xaqiijiyo amniga iyo inaan la ogolaan in xubno la tuhunsan yahay ay kusoo moodaan magacyada dad ka shaqeeya dowladda, taasi oo taliyayaasha la xiray ay fulin waayeen. Askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya islamarkaana ku jira dadka la soo xiray oo la geeyay xarunta qaybta ee gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “aniga iyo talayageyga waan xiranay waxaana noola heestaa, 7 gaari oo aroos waday islamarkaana uu wakiishay guddoomiyaha degmada Shibis, waxaana ka qornay ID CARDS, magacyada darAwalada, iyo taargada gaariga laakiin Saadaq John waa naga diiday sidaas waana nala xiray” ayuu yiri askariga aan la hadalnay. Inkastoo ay magaalada Muqdisho wajaheyso go’doon iyo caburin tii ugu adkeyd ayaa hadane dad badan waxay aaminsan yihiin in magaalada ka soo haagaageyso xaaladeeda amni dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Waxaa yaraaday dilalkii magaalada iyo qaraxyadii weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A waiter in Paris has been shot dead by a customer who was reportedly angry because his sandwich wasn't prepared quickly enough. Source: Hiiraan Online
-
At least two government forces were killed and two more injured when al-Shabaab militants attacked a military base in southwest Somalia on Saturday, officials said. Source: Hiiraan Online
-
The Kenya U15 national team will take on Somalia in the opening match of the CECAFA U15 Championships on Friday at 2pm (EAT) in Eritrea. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shalay u fariisatay dhageysiga kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu “u galmooday”. Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maxkamadda lala geeyay. Maxamed Xareed, oo ah xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan. “Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. Horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed. Eedeysanaha saddexaad oo isna maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isha. Kiiska isugu jira falka Kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Alle ha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah. Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku howlaneyd sidii ay magaalada Wajaale oo ah marin ganacsiyeed muhiima uga hir-gelin laheyd goobo waaweyn oo ay kula loolameyso dhanka kale ee Wajaalada Itoobiya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Maayirka degmada Gabiley oo shalay kormeer ku tagey magaalo Ganacsiyeedka weyn ee Wajaale, ayaa shaaciyey inay magaaladaasi ka hir-gelinayaan Baan iyo xarumo kale oo muhiima, isla markaana ay kula tartamayan daanta kale ee isla Wajaale ee tirsan dowladda Itoobiya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo ugu horeyntii la hadley warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland-na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam”. “Markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi, Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”. Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Maayirka degmada Gabiley oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen gobolkan ee ugu kuur-galayaan xaaladda Baananka iyo xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay qaranka u hayaan siday uga socdaan gobolka Gabiley”. “Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”. Somaliland ayaa u muuqata in talaabadan ay rabto inay kula loolanto magaalo ganacsiyeedka weyn ee Wajaale dowladda Itoobiya oo iyadu dhankeeda kale ay ka muuqdan kobac iyo horumar dhaqaale oo sareeya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye) oo ka mid ah Haweenka Aqoonyahanka reer Somaliland ayaa ka hadashay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya. Sucaad Carmiye ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu masiirkii Somaliland madaxa ku sito isla markaana aysan habooneyn in uu la kulmo oo sawir la galo xubno ka tirsan dowlada federaalka. Sucaad ayaa sidoo kale ka dhawaajisey in dowlada Soomaaliya ay kala dhaxeyso dagaalo dhowr ah oo dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha ah, taasi oo ay ku macneysay inay xaarantimeynayso in la isla sawiro. Sucaad Carmiye oo warbaahinta kula hadleysay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kulankaasi ku tilmaamtay mid uu Madaxweynuhu la yeeshay ragg Somaliland albaabadii caalamka ka soo xirayey, waxayna tiri “Madaxdu way kala duwantahay qiyam kala duwan bayna leeyihiin, madaxwaynuhuna masiirkii Somaliland buu madaxa ku sidaa, meeshuu istaagaba waa sawirkii Somaliland markaa anigu ma hubo sawiradani inay sax yihiin laakiin dad badani waxay leeyihiin may ahayn maqaamkiisii”. “Dadkaana dagaal baaba inaga dhaxeeya sidaad ogtihiin, dagaalkaasi oo ah mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, sidaa daraadeed waxay ahayd inaan sawirkaasi lagelin”. Waxayna intaasi kusii dartay “Khaasatana ragga sawirka lala galay waa ragii albaab-walba in laga soo xidho Somaliland doonayay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Baardheere (Caasimada Online) – Milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa la sheegay in ay xireen taliyihii ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee degmada Baardheere kadib markii lagu eedeeyay in uu sii daayay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere ayaa Caasimada Online u sheegay in milateriga Soomaaliya ay ka caroodeen in la sii daayay 4 nin oo Al-Shabaab ah, oo ay milateriga soo qabteen kuwaas oo kadib ku wareejiyay taliska NISA ee degmadaasi. Milateriga ayaa ragaan qabtay kadib markii uu isu soo dhiibay mid kamid ah oo la sheegay in loo soo diray in uu dil ka geesto magaalada kadibna ay ku raadiyeen saddexda kale waxaana la sheegay in laba kamid ah ragaasi la sii daayay kadib dhowr bil oo ay xirnaayeen. Taliyaha NISA ee Baardheere ayaa la sheegay in 2 kamid ah raga uu amray in la sii daayo halka labada kalane ay ku jiraan gacanta dowladda, waxayna arintaasi ay sababtay in milateriga Soomaaliya ee ku sugan Baardheere oo leh awood ciidan ay xiraan taliyaha oo fududeynta arintaasi ku eedeysan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sarkaal la xiray ay qaraabo noqdeen labada Shabaabka ah ee la sii daayay inkastoo aysan cadeyn u heynin Caasimada Online. Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee degmadaasi ayaa noo sheegay in warkaan uu jiro balse aysan ka hadleynin ilaa amar dambe. Ujeedada taliyaha NISA ee Baardheere loogu wareejiyay Shabaab ayaa aheyd in uu magaalada Muqdisho geeyo ragga Shabaabka ah balse ma dhicin. Milateriga ayaa la wareegay labada kale ee hadda ku jira gacanta ciidamada amniga ee degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Galmudug waa degaanka ama bulshada kaliya ee aan heysan dowlad gobaleed dhisan oo u adeegta degaanka iyo dadka daga muddo ku dhow 3 bi,l walina ma muuqato rajo wayn oo lagu dhisi karo maamul loo dhan yahay. Axmed Ducaalle Geelle “Xaaf” ayaa afartii bishii hore oo laga joogo ku dhawaad 50 maalin, u wakiishay howlaha Galmudug wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kadib markii uu la heshiiyay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dagaalsanaayeen 2-dii sano ee la soo dhaafay. Galmudug hadda malahan madaxweyne, siihaye madaxweyne, xukuumad iyo baarlamaan shaqeeya, waxaana shaqada Galmudug sii wada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo go’aano ka gaarta arimaha masiriga ah ee degaanka, balse waxaa si iskood ah u shaqeeya xubno dhanka Ahlu-Sunna ka soo galay galmudug oo ugu horreeyo sheekh shaakir. Dowladda Soomaaliya wali kuma guuleysan in ay dhisto Galmudug loo dhanyahay, waxaana sii adkaanaya xaaladda Galmudug, iyadoo ay muuqato in markale uu baaqan karo shirkii dib uheshiisiinta beelaha galmudug ee lagu balansanaa 17-ka bishaan oo maanta ku beegan. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa wali ku guuleysan in ay heshiis dhab ah oo lagu kalsoonyahay la gasho Ahlu-Sunna waxaana muuqata in ay doon ka sii dhacayaan waxyaabihii lagu heshiiyay. Dad badan ayaa hadda ogaaday in Xaaf uu haayay culees badan oo aysan dareensaneen dadka soomaaliyeed, xataa dowladda soomaaliya kuma aysan baraarugsaneen dhibaatada uu ka hortaagan yahay madaxweyne Xaaf. Inkastoo uu ahaa siyaasi mayal adag oo hadal kulul hadana waxaa loo arkaa in uu ahaa qofka kaliya ee isku heyn kara Galmudug markii loo eego xaaladda la joogo. Hadda maxay Galmudug ka faa’iday ceyrintii Xaaf? Waxay ka faa’iday maamul la’aan, dib u dhac, khilaaf aan dhamaanin iyo dowladda iyo aduunyada kale oo ku wareersan sida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed. Xaaf-na ka tagitaanka Galmudug waxa uu ka faa’iday nasiino iyo buuq la’aan iyadoo magaalada Muqdisho lagu arkayo isagoo ka soo raynaya sidii uu ahaa ee daalka iyo rafaadkii badnaa. W/Q: Maxamed Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
“Ha targaafo sida toojo geel, tuurin baw qorane.” C. J. Haabiil. Waxba yaan lagu daalin Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee dantooda ka horaysiiyay danta qaranka ee ilaaway milgahii iyo sharaftii shacabka gobta ah ee codkooda ay ku fadhiyaan mudo 15 sano ah oo laba jeer ka badan mudadii sharciga loo doortay. Qaranku inuu iyaga u dabranaado ayay ka doorbideen dantii guud, waxa la yidhi Sacadbka Maxaa Habeenkii Loo Tumaa Hadaan Xeeladi Ku Jirin. Maalinta doorasho lasoo hadal qaado maxaa arinta Saami qaybsiga looga sanqadhiyaa hadaan xeeladi jirin. Waa xoogsato shuraako ku ah inay qaranka xagal daaciyaan oonay dalka Doorasho ka dhicin. Heshiiska Xisbyadu wuxuu ahaa badbaado qaran oo lagu soo afjaray murankii Xisbiyada ee xaga komishanka si doorasho dalka uga dhacdo, balse xildhibaanadii Golaha Wakiiladu sidii cadaadada u ahayd buuq iyo qaylo ayay kaga falceliyeen markii Mooshinkii soo gaadhay waxaanay gabi ahaanba ka dareereen fadhigii. Golaha wakiilada xaalkoodu waxa uu noqday “Waraaboow Adhi Maad Raaci”, oo waxba ma dhaafayaan xataa xeerkii Nabadgalyada Ceelafweyn ayay ka horyimaadeen markii ay dantooda ka arki waayeen. Tan maanta ay ku sheegeen in Heshiiskii 3da xisbi jabay oonu waafaqsaayn Xeer hoosaadka golaha waxay la mid tahay nabadgalyadii Sanaag ee yidhaahdeen maxaa naloo dhiibayaa? Kaliya waxay ka shaqeeyaan fursad kasta oo suurta galinaysa inay kuraasta sii fadhiyaan. Haatan maxaa dan u ah Qaranka Somaliland? Danta qaranku waa doorasho…! In Komishanka sidaa loo daayo iyo in 2 lagu daro macno wayn samayn mayso ee waxa muhiima in laga wada shaqeeyo sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, Komishankii cusubaa la dadajiyo magacaabistooda oo diiwaagalintii la bilaabo oo doorashada hareeraha laga joogo si qaranka looga badbaadiyo hororka iyo halaqa ku hareeraysan. Ma jiro Gobol qudha oo raba inuu sii fadhiyo xidlhibaankii ay doorteen 15 sano ka hor inuu sii joogo kursiga waayo diba uguma noqonin deegaankii laga soo doortay, baahidoodana maalin ka hadal kolkaa sii joogistoodu cidna dan uma ah kuraastiina waxay ka dhigteen property ama hanti ay leeyahiin oo hadii lasoo hadal qaado way dagaalamayaan. Doorashadan bidhaanteedu inoo muuqataa way ka duwan tahay doorashooyinkii hore waayo niman kuraasta ku daxalaystay ayaa lagaga fujinayaa. Golaha Wakiilada oo labadalo oo gole cusub yimaado ayay ku jirtaa badbaabada umadu. Saami cadaalada in wax lagu qabysado oo gobol walba kuraasta uu xaqa u leeyahay uu helo waa waxaynu rabno, Balse wadadii lagu gaadhi lahaa ma tahay sii fadhiga kuraasta wax ka badan 15 sano? Danta Somaliland kuma jirto dooda saami qaybsiga oo rag dan lihi awrkooda ku kacsanayaan. #Fuuloow Guuli Kuu Dhowaa……! Wabilahi Tawfiiq Maxamed Aadan Dube (Gacayte) Gacayte09@hotmail.com Hargeysa/ Somaliland Qaran News
-
By: Abukar Arman New dangerous dynamics are emerging at the Horn of Africa. Political tension emanating from maritime territory that Somalia and Kenya, both claim it as part of their legitimate border is getting more volatile. As the International Court of Justice gets ready to hold public hearings on “Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya)” September 9-13, Kenya continues to intensify its efforts to lobby the U.N, and key allies to help add al-Shabab to UNSC Resolution 1267. If you are wondering what does al-Shabab have to do with this matter, you apparently are not part of the Kenyan political pundits, law-makers, and credulous Somalis who have been cheerleading for this unjustifiable initiative. It Is What It Is Let us imagine that it is late September, the time when leaders representing 195 member states would be attending the 74th UN General Assembly. Let us imagine during one of the debate sessions, this multiple choice question was raised: What is al-Shabab? A law-abiding neighborhood watch group A self-less patriots fighting for self-determination A ruthless terrorist group How many do you think will stutter with the answer, or not know that al-Shabab is a terrorist organization? By all legal and moral standards, al-Shabab is a terrorist organization. If al-Shabab was not already considered a terrorist organization by the UN, why would the Security Council mandate AMISOM to fight them along the Somali National Army and periodically capture territories from them? So, since al-Shabab is already considered a terrorist organization, why spend such energy and political capital on redundancy? Or rather bluntly: who is Kenya’s real target? Widening The Net While fingers were frantically pointing at o all directions as to who was behind the Kismayo terrorist attack that killed 26 people including a beloved Somali-Canadian journalist, HodanNalayeh, Kenya’s top diplomat—Monica Juma—went on politicking on twitter. Before offering any condolences, she wrote: “This attack is another reminder to the international community of the imperative to list the al-Shabaab, like all other terrorist groups, under the UNSC resolution 1267.” On the surface this may seem ordinary attempt to tighten the screws on al-Shabab, but it is far from that. Said resolution, also known as the ISIS/al-Qaida resolution, mandates the harshest international sanctions on assets freeze and travel ban measures on individuals, entities and groups who are suspected of being remotely associated with those terrorist groups. And that blanket condemnation increases the chance of innocents in the periphery getting caught in the net or communities suffering as a result. Though this could get some Kenya Defense Force officials who operate an illicit business with al-Shabab that the Kenyatta government has been turning a blind eye in serious trouble, Kenya is eager to advance the initiative in order to use it as an insurance against any unfavorable decision from ICJ. If Kenya’s endeavor succeeds, it will give Kenya the freehand to pressure and coerce top politicians and influential business leaders who have various investments and retain residential statuses in Kenya to assist her in achieving its objective of annexing the maritime territory- blocks that it already marketed for oil exploration. It is also an insurance policy against some of her Somali allies such as Ahmed Islam (Madobe)—president of Jubbaland federal state—who is currently much closer to Kenya than to the Federal Government of Somalia. Kenya is not oblivious to the fluidity of clan politics and the unpredictability of how Madobe, with his shady past, may act once it becomes clear to him that he was exploited as the game-changing pawn. Feeling The Weight A few months back as Kenya’s hostile diplomacy grew more aggressive, Somalia’s diplomacy grew more diffident and passive. As Kenya suspended diplomatic ties with Somalia, invited a delegation from Somaliland, humiliated Somali Ministers by denying them to transit through Kenya, FGS opted to respond passively. This was consistent with FGS’ ill-advised decision to turn a blind eye to Kenya’s unilateral decision to build a border wall that would divide Somali families, undermine businesses, and deprive them essential services such as health care, and allow Kenya to establish new facts of the ground that will in due course make a case for annexation of territories that belong to Somalia. Lately, Kenya has been under intense U.S. diplomatic pressure to drop its bid and not make the Horn of Africa more volatile than it already is. This pressure is likely to increase now that 16 senior national security and humanitarian officials have written an open letter urging the U.S. to stop Kenya from creating a grave humanitarian disaster as the resolution at hand does not allow any type of exemption for humanitarian delivery. Against that backdrop, Kenya resorted to strengthen its Plan B- legislative support to annex the maritime territory by any means necessary. In attempt to lend Kenyatta’s government the legislative support to declare war against Somalia should ICJ rules its favor, the Kenya National Assembly, led by Hon. Aden Duale, is set to pass a perfectly tailored bill that makes the disputed maritime territory as part and parcel of Kenya’s territorial integrity. The impetus motion cites Article 241 (3) of the country’s constitution that the Kenya Defense Forces are responsible for protecting Kenya’s ‘territorial integrity’. “Unless the People of Kenya resolve by way of referendum to alter the territory of Kenya,” said Duale. Make no mistake, terrorism poses a threat to international peace and security and Kenya did suffer its share of terrorist attacks, therefore it is in our best interest to collectively address that threat. However, that would be extremely difficult now that we know that Kenya’s real objective is not “to annihilate the extremist group (al-Shabab).” Political rhetoric aside, Kenya, like a number of other foreign actors in Somalia, would’ve been eager to invent al-Shabab had it not already existed. To some, al-Shabab as a manageable threat is strategically convenient. After all, it was Kenya’s pretext for 2011 invasion of today’s Jubbaland, also for the 2012 integration of KDF into AMISOM, also for the 2017 unilaterally initiated border-altering wall. Five years after Somalia filed the boundary delimitation dispute with the ICJ and millions of dollars were spent by both sides, no one is sure how the end result might be. The only sure thing is that any attempt to solve this matter militarily will only make the current crisis a catastrophe. If Kenya decides to go with the military option as some intellectuals have openly been advocating, it is likely to prove both positive and negative: Positive as it is likely to unite the now divided Somalis to rally against a single common threat. Negative as it would ignite domestic disharmony and, in due course, make Nairobi the epicenter of terrorism and compel foreign investors such as China flee with their fat wallets.
-
The Recent Al-Shabab Resurgence: Policy Options for Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The idea of writing a comprehensive briefing policy paper on the state of security of Somalia arose from a one-to-one interview I had with two Al-Shabaab defectors, who were in the leadership circle of Al-Shabaab insurgent organization during Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa qoraal jawaab ah u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre taasi oo la xiriirtay go’aankii guddiga uu shakay ku dhowaaqay ay dib ugu fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha, islamarkaana saddex maalmood ay dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. Tallaabada guddiga ayaa jawaab u ahayd codsi ka yimid beesha caalamka, hase yeeshee wakiilka QM ayaa sheegay inuusan ku qancin tallaabooyinkaas. James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland. “Warqaddeeni 8-da August, ee aan kuu soo diray aniga oo wakil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” Ayuu yiri Swan. Wakiilka QM ayaa sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland. “Haddii aan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland. Waa muhiim in hanaanka doorashadu noqdo mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi horseedi kara horumar laga sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha” ayuu yiri. Swan ayaa ugu baaqay Xamza inuu sameeyo is-beddelo dheeri ah ka hor inta aysan dhicin doorashada, “si waafaqsan waxyaabihii aan ka wada-hadalnay, iyo kuwii aan warqadda kugu soo diray.” Hoos ka aqriso warqadda Swan
-
By Mohammed Yusuf voanews.com Analysts warn that tension could rise as a U.N. hearing nears on a Kenyan-Somali territorial argument. Kenya’s parliament recently called on President Uhuru Kenyatta to send troops to the Indian Ocean to protect the country’s territory from what it calls Somalia’s aggression. “In the event that diplomacy is going to fail and any other process fails, then our constitution permits the use of Kenya defense forces to protect our boundary, and the authority to use Kenya defense forces is vested in the parliament,” said lawmaker John Mbadi. “The president can declare war or use our forces to protect our boundary, but the deployment of those troops must be sanctioned by the parliament. We told the president … that parliament would support any means to protect our territory.” Court of Justice hearing The threat by Kenya comes less than a month before the U.N.’s International Court of Justice holds a hearing on the dispute. Somali lawmaker Mohamed Omar Talha told VOA that his country would counter Kenya by sending troops of its own to the 100,000-square-kilometer (38,600-square-mile) area. “If they send their troops to Somalia, we, the parliament of Somalia, will also bring a motion that will counter such a threat and give permission to our soldiers to defend our people and territory,” Talhar said. The neighbors’ maritime dispute began in 2014 when Somalia filed a complaint against Kenya in the International Court of Justice saying it had exhausted all other avenues of finding a resolution. Kenya wants negotiations with Somalia, while Somalia insists the court process must stop before negotiations take place. Security expert Mwachofi Singo said a conflict between the countries would benefit the al-Shabab terrorist group. ‘Fan the fires’ “Catastrophic. Nobody wants to worsen an already bad situation, because the security situation in the Horn [of Africa] is already not good,” Singo said. “You have al-Shabab roaming around everywhere. Kenya is part of the AMISOM [African Union Mission in Somalia] force that is fighting al-Shabab inside Somalia. Now, if you open another front … this can only fan the fires. I think al-Shabab will celebrate, because chaos thrives in chaos.” Mumo Nzau, who teaches diplomacy and international studies at the University of Nairobi, said the military threats were political statements. “Those are kind of political statements by politicians, and they are normal,” Nzau said. “But that cannot be the official position of the country. It’s just positions that politicians take once in a while, but … there are no troops at the disputed area for any reason. This is a matter that the United Nations Security Council and the African Union are observing very closely, and they are working very closely with the two countries.” The hearing on the Indian Ocean dispute will begin Sept. 9 at International Court of Justice headquarters in The Hague.
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa caawa ka taagan xaalad dagaal, kaddib markii dagaal muddo socday uu ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda Galmudug. Ciidamada ayaa dagaal xoog leh waxa uu ku dhex maray gudaha xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Shiirkole, waxayna isku heystaan cidda sugeysa ammaanka goobta lagu qabanayo shirka. Ciidamada caawa dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminaya Taliyaha Booliska ka howlgala Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheikh Yuusuf, kaas oo ay walaalo yihiin Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheikh Yuusuf iyo Nin lagu magacaabo Cabdi Dheere oo Taliye u ah ciidanka Nabad Sugidda ee dhawaan ay dowladdu gaysay Dhuusamareeb si ay ula wareegaan amniga magaalada. Caasimada Online ayaa ogaatay in xarunta lagu dagaalay oo lagu magacaabo Shiirkole oo aad ugu dhaw Madaxtooyada uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Shaakir ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Nabad Sugidd ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku wareejiyay inay sugaan ammaanka xarunta lagu qabanayo shirka, kuwaas oo kolkii hore uu fadhigoodu ahaay magaalada Cadaado. Ciidamada Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, waxayna wali dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan dhismaha loo diyaariyay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamadii dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan, haatana ay socoto waan waan lagu kala qaadayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(ERGO) – Qureisha Abdi Ali, a mother of seven, is relieved to be living in her own house in the southern Somali town of Baidoa at last, after facing the trauma of being evicted three times in the last three years. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in dagaal uu caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay dhismaha Shiirkole, oo ah halka loo diyaariyey inuu ka dhaco shirka dibs u heshiisiinta Galmudug. Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo boolis ah ay weerar ku qaadeen ciidamada nabad-sugidda ee ilaalada ka ah hoolka Shiirkolo ee shirka uu ka dhacayo. Dad xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo boolis ah oo ka carooday in shaqadoodii laga hor istaago Haween shaqooyin hoose ka qaban jiray xarunta ay weerarka qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka. Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo xubno dowladda ah oo ay wehliyaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa iney durba ku bexeen dirirta, kuwaasoo isku dayaya sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada gacan ka hadalka isku rogtay markii danbe. Maanta oo la fillaayay in shirweynaha dib u heshiisiinta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com