Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,302
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Nin xalay toorey ku dilay qof shacab ah, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland. Jeneraal Cabdiraxmaan Fooxle, Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen Ninkaasi oo baxsanayey kadib markuu dilka ka geystay gudaha magaalada Hargeysa. Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay siduu dilkaasi u dhacay iyo siday ugu suuro-gashay ciidamada qabashada gacan ku dhiiglahaasi. “Xalay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro”. “Waxaana lagu dilay marxuumka Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay. Ciidanka Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo”. Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu “Waxana lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birta agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan, waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah iyo ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Dowladda federaalka ayaa warqaddeeda ku sheegtay inay natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, halka James Swan uu sheegay in haddii aan la sameyn is-beddelo ay beesha caalamka dalbatay ka hor doorashada, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada. Xamza ayaa warqadda James Swan kaga jawaabay isaga oo sheegay in beesha caalamka aysan faro-gelin karin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo arrimaheeda ayada un xalisan karta. “Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre. Xamza Cabdi ayaa dhinaca kale warqadda kasoo baxday dowladda ku tilmaamay mid ka baxsan awooddeeda, isaga oo sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn arrimaha gudaha maamul goboleedyada, gaar ahaanna Jubaland. “Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha. Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan, waxaana muuqata in dadaallo badan oo dhinacyo kala duwan ah oo ay sameysay dowladda federaalka si ay isku hortaagto ay shaqeyn la’yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Kooxda kaalinta 2-aad sanadkan ka gashay horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 ee Horseed ayaa sanadkan markii ugu horeesay ka qeybgalaysa ciyaaraha Jamaacada carabta oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee dalka Morrocco,xili tartanka loo bixiyay Mohamed VI Champions Cup. Guddoomiyaha Naadiga Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay kusoo laabtaan ciyaarahan,isagoo balanqaaday in xidigaha kooxdiisa ay samaynayaan da’daal dheeri ah,si ay taageerayaashooda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu soo hoyeen guulo waaweyn. Horseed oo ka socota Soomaaliya ayaa la ciyaaraysa naadiga Al-Zawra’a ee ka dhisan wadanka Iraq,iyagoo wada ciyaaraya kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka Mohamed VI Champions Cup 2019 xidigaha kooxda Horseed oo goorsii horeesay la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in ay si wanaagsan u diyaar garoobeen. Macallinka Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa isna sheegay in uu haysto ciyaartooy dhallinyaro ah kuwaas oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara horomarka iyo guulaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed marka loo eego ka qeybgalka tartamada dibadda oo ay mudo dheer ka dib kusoo laabteen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ah madaxa saadka ciidanka xooga ayaa guul u rajeeyay dhallinyarada ku ciyaaraysa magaca ciidanka xoogga Soomaaliya,isagoo sheegay in ay kooxdooda samaysay da’daal wanaagsan tartamada gudaha maadama ay ku dhameestaan kaalamaha hore ee horyaalka Soomaliya 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Ay Qaateen Xidigaha Kooxda Horseed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed, isla markaana si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Axmed Cabdi Kooshin. Qoraalkaan uu soo saaray wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliy ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirku tixgeliyey waajibaadka iyo shaqada agaasimaha guud ee wasaaradda isagoona magacaabay agaasime kumeel gaar ah. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Maxaa sababay in wasiir Islow shaaqada ka joojiyey agaasimihii guud ee wasaaradda amniga. appeared first on Puntland Post.
  5. Waa xaqiiq in xaaladda reer Oslo aysan ahayn sidii ay ahayd 8dii sano ee la soo dhaafay. Horumar muuqda oo la taaban karo baa laga gaaray, haddey noqoto dhanka waxbarashada, siyaasadda, ganacsiga iyo ka dhex muuqashada bulshada. Horumarkaa waxaan aaminsannahay in uu labo jibaarmi karo haddii carqaladaha yar yar ee naga hortaagan horumar kaamil ah wax laga qabto. Sida fahanxumida ka jirta nidaamka dalka oo dhaawac ku noqotay dhawridda xuquuqda muwaaddin iyo sida bulsho ahaan loo kala daadsan yahay. Xallinta labadaa dhib baa ah labo carqalad oo isku xiran, oo wadajirnimo u baahan xallinteeda. Mid haddaad wax ka qabato, kan kale ayey saameyn ku yeelaneysaa. Waxyaalaha sahli kara xallinta dhibkaa waxaa ka mid noqon kara, markii laysla xisaabtamo. Haddii anigoo musharrax ah, isbeddel doon ah aad igu caawiso codkaaga, oo Soomaalinnimo, walaaltinnimo iyo aqoon igu siisid, balse aadan hadhow igula xisaabtamin codkaaga, noo suurta geli meyso in aan ku wada guuleysanno isbeddel doonkii aan ku hammiyeyney. Balse markaad igula xisaabtanto codkaaga wuxuu anna ii noqon hubkeyga, adna wuxuu kuu noqon difaacaaga. Cod raadsade iyo cod bixiye waa labo isbeddel doon oo isu baahan. Aana kala maarmin. Midna xooggii buu ku fadhiyaa. Midna tooshkii buu hayaa. Labadaa awood markey is fahmaan, waa marka keliya ee loo dhawaan karo xallinta dhibka naga hortaagan horumarka aan ka mudan nahay bulshadan na marti gelisey. Isla xisaabtan la`aan horseed xumo ayey leedahay, waana siyaasad qasaartay. Wakhtigu waa in uu noqdaa meel laga xirfad qaato. Xilliga doorashadana waa marka keliya ee tirada iyo tayada ay bulsho leedahay qiimaheed muuqan karto. W/Q: Ubax Cabdullaahi Adam Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa saakay xirtay waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay sheegeyn in aysan mushaar qaadan muddo 9 bilood ah. Qaar ka tirsan ciidamada gadoodka sameeyay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan mushaar qaadan sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaana ay go’aansadeen inay gabi ahaanba xiraan wadada ka baxda dugsiga tababarka General Kaahiye ee gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho. Waddada ay saakay xirteen askar ka tirsan ciidamada Badda ayaa waxaa inta badan mara mas’uuliyiinta dowladda. Ciidamada badda Soomaaliya ayaa tiro ahaan aad u yar, mana la siiyo muhiimad la mid ah ciidamada dhulka, taasi oo sababtay in bilooyin badan ay mushahar la’aan noqdaan ayaga oo aanay cidna ka war-hayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Waxaa muuqato in laamaha dowladda federaalka ah, gaar ahaan fulinta iyo sharci-dejinta ay ku kala qeybsan yihiin doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Tan iyo markii shalay la doortay guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, waxaa isa soo tarayey hambalyo ay dirayaan mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo natiijada diidan. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa noqday mas’uulka ugu sareeya ee dowladda federaalka ah ka tirsan ee bogaadiyey doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Guddoomiye Abshir Axmed ayaa bartiisa Twiterka waxaa uu soo dhigay. Isla Senate-ka waxaa kaloo isna hambalyeey Ilyaas Cali Xasan, isaga oo bartiisa Faceboogga ku soo qoray: Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka mid ahaa dadka fadhiyey hoolka ay ka dhaceysay doorashada baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, isaga oo qoray Isla Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kuwaas oo sheegay iney halkaasi u tageen difaaca sharciyadda federaalka ah. Xalay, wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay habraacyada loo maray xulista Odayaasha dhaqanka iyo soo xulista golaha wakiilada Jubbaland ay yihiin kuwo aan loo marin dariiq sharci ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in doorasho kasta oo ku dhacda oo sifo baalmarsan dastuurka Federaalka ay yihiin Waxba kama jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaqada ka joojiyey agaasimihii guud ee wasaaraddaasi, Yuusuf Cali Maxamed. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Ducaale oo shalay ku taariikheysneyd ayaa waxaa si KMG ah xilkan loogu magacaabay, Axmed Cabdi Kooshin. Sidoo kale warqadan ayaa lagu sheegay in wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada wasaaradda. Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Yuusuf Cali Maxmed ayaa muddo dheer hayey xilkaasi. Inkastoo qoraalka faafintiisa ay soo baxday shalay oo ku beegneyd 17 bisha Agosto, hadana shaqo joojinta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa dhacday 7-dii bishan 10 maalmood ka hor maalinta warqada rasmiga ah ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Halkan hoose ka aqriso
  9. Raysal wasaare Kheyre wuxuu mudo ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb isagoo siyaabo gooni gooni ah uu ula kulmey saamilayda Galmudug. Ka hor imaatinkiisii Dhuusamareeb Galmudug waxay [...] Source
  10. Dad Camaara ku sugan oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay hawlgallo ay saaka fuliyeen ciidamada xoogga dalka, qeybtooda Danab. Dadkan oo codsaday in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in ciidamada ugu yimid Camaara ay goobta ka wateen 3 qof, oo rayid ah, 2 maqaayadley tahay halka midna uu culimo ahaa. “Waxa ay wateen waa 2 nin oo maqaayadley ah iyo nin wadaad ah, waa dad deegaanka ah oo la yaqaan, oo aan Al-shabaab shaqo ku laheyn” mid ka mid ah ayaa sidaasi yiri. “Al-shabaab haddii ay raadsanayaan waa isu muuqdaan, oo in yar ayey u jiraan, mey u tagaan, intii afduuban lahaayeen dad masaakiin ah” ayuu intaasi raaciyey. Dhinaca kale, warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ayaa saaka shaacisay in gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad uu u sheegay in dadkaasi ahaayeen shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa. Goobjoog News, uma suuro-gelin iney hesho Danab si arrintan wax uga weydiiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo. Xukumanahaan oo maxkamadda sare waydiisey haddii uu galay dembiga horay loogu xukumay haddana lagu soo eedeeyey ayaa ku jawaabey,” Yes, si dadban baan u galay waana kuu dhammaystirayaa”. “Eedaymo badan baa aniga la ii soo jeediyey, ma ahan hal eedayn waxa xafiiska xeer ilaalintu ii soo jeediyey. anigu kufsibaan galay, waxaa laygu soo eedeeyey kufsi, dil afduub, iyo khalkhal gelin ammaan laakiin anigu kufsibaan galay mudane guddoomiye” ayuu yiri xukumane Cabdifataax. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay inuu wax ka kufsaday Caaisha Ilyaas Aadan haseyeeshee uusan dil geysan uuna arrintaasi ku dhiiri geliyey Cabdishakuur Maxamed oo falku uu sheegay inuu ka dhacay gurigiisa. “Anigu waxa weeye waxaa iga dhaadhiciyey iguna khasabay inaan galo goob joogna ka ahaado Cabdishakuur Maxamed, kufsigu subax buu dhacay gurigiisuuna ka dhacay, Caaisha isagaa afduubay isagaa gurigiisa geeyey anigana waa uu isoo wacay keliya” ayuu yiri Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame. “Cabdishakuur isagaa isagaa ii yeeray gurigiisaana ugu tegey dabadeed waxaan ugu tegey isagoo qolkiisa irid banaanka ah ku haysta Caasho ayna u xirxiran tahay, dood dheer kadib wuxuu igu qanciyey inay yihiin wax fudud oo dhammaanaya, shaydaan baana ii kasbay anigu kufsi baan sameeyey gurigana waan ka tegey Caaisha oo nool”, ayuu yiri Cabdifataax. Waxa uu sheegay in Cabdishakuur Maxamed uu kadib gabadhii diley si uu u ilaaliyo sharaftiisa maadaama uu yahay nin da’ah oo aan laga filan karin waxyaabaha noocaasi oo kale, isagoona sheegay inuu falka kula jirey Aadan Maxamuud Cabdulle oo aan weli maxkamadaha ka soo muuqan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo qirtay inuu wax ka kufsaday Caasha Ilyaas faahfaahiyeyna qaabkii wax u dheceen. appeared first on Puntland Post.
  12. Waxkasta waa suuree. Noole kasta, gaar ahaan aadamuhu, waxa uu sugaa waa geeri. Xillisan iyo xilli kadeedaba. Waa meerto noloshu. Waxay ka yagleelantahay sanado, bilo, maalmo, saacado ilaa ilbidhiqsiyo. Naftuna waxay geeddigeeda gelaysa ilbidhiqsiga ay leedahay. Hadaba, naftani intaanay ka bixin jidhkan, waxaa jira kediyayaal kadeed geliya nafta iyo jidhka ay gabbaadsanaysaba. Qofku waxa uu u dayacanyahay ilbidhiqsi kasta in uu soo gaadho kadeed nafeed, maal ama mid jidh. Tusaale, bal ka warran adoo ah askari haddii lagu yidhaahdo amminkasta waxa kugu dhici karta xabad ay soo ridayaan cadawgu ee hal ilbidhiqsi ha libiqsane bartaa shiishka ku hay labada saacadood ee soo foolka leh. Askarigaas wuxuu la kulmayaa kadeed, waxa uu naawilayaa in maruun ay dhafaan labadan saacadood si’ uu digtoonida iyo ilaaladan adag u gabaxo. Nefis iyo wakhti waasicana u helo. Waxa uu is-waydiinayaa haddii uu libiqsado in xabbad dhafooorka laga ga dhufanaayo oo naftiisu halaagmayso. Marka uu jaanis helana waxa uu dareemayaa raynrayn iyo naftiisii nabadtahay oo uu xorriyad u haysto in uu noolaado. Taasina suuragal maaha ee waxa mashquuliyey markii hore waa baqashada nafeed ee soo waajahay. Sidaas si’ la mid waxa mar kasta qofka ku soo maqan kadeedka adduunyada oo rasaas kaga daran, dhimasho ama nololina ka danbayso. Waxa dhufays ugu jira kii shaydaan ahaa–oo tin iyo baar adduunyadan ka dhigaaya mid nabdoon oo xasarad ka caaggan, waxa jidhkiisa si’ nabdoon ugu nool xayawaan ili-ma-aragtay ah oo markay jaanis u helaan aakhiro ugu tuuraya, waxa xilli kasta shaqada joojin karta xubin ilaa unug jidhkiisa kamid ah oo noloshiisa kadeed adduunyo ama dhimashaba ku keeni kara. Waxa haleeli karta bilo ka soo burqatay mid xaasida–dadkuna il u yaaqaan oo ka dhexmudhtidhi, cillaankiisana loo maaro waayey. Waxaa ku imaan karta bilo dabiiciya oo sida haamadayga leeftay wuu qurux iyo maal lahaa. Intaas oo dhami waxay si’ aan garasho lahayn ugu soo derrin karan qofka isagoon ka warhayn amminta ay soo waajahayaan. Hasayeeshee, qofku waa mid niyad ahaan, degan, mashquula oo aan si’ taxadir leh ugu warqabanin dhibaatooyinkan soo fool ka leh. Qormadani waxay si’ dhaba kuu xasuusinaysaa xadiiskii rasuulka ee macnihiisu ahaa, Alle ka cabso meelkastood joogto, xumaantaad samaysana wanaag ka daba gee way kaa masaxaysaaye, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan”. Xadiis koobani waxa uu sheegayaa in nafta iyo jidhka aadumuhu markasta aanu ahayn mid nabdoon, balse, nabadgelyadiisu ku xidhantahay saddex shay, Alle ka cabsi, cibaado suubban iyo dadka oo layska dhaafo dhibtooda. Sadam Osman kaabash Hargeisa, Somaliland. Degmada: Maxamed Mooge Qaran News
  13. Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku balansan garoonka Asmara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelaya kulamadoodii 2-aad ee tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 oo sanadkan ku qabsoomaya magaalada Asmara. Xulka 15 Jirada dalkeena ayaa kulankii 1-aad la dheelay dhigooda Kenya waxayna ciyaartaas aheyd furitaanka tartanka xulalka 15-Jirada ee markii ugu horeesay ay qabtaan xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika,balse xidigaha dhallinyarada dalkeena ay guul daro 3-1 kasoo gaartay dhigooda Kenya. Da’yarta 15 Jirada Burundi kulankii 1-aad iyagana waxa ay 2-1 kaga adkaadeen dhiigooda Eretrie oo sanadkan ah martigeliyaasha ciyaaraha da’yarada bariga iyo bartamaha Africa ee (Cecafa Under 15 2019). “Diyaar ayaan u nahay in aan la ciyaarno dhigeena Burundi waxaa qaadanay tababaro kala gedisan,si aan xoogo u saarno in aan kulanka helno natiijo saraysa guul iyo guuldaraba shacabka Soomaaliyeed waxaana ka codsanaynaan in nala taageero” sidaas waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtan xulka da’yarta Soomaaliya. 17-April 2018 Xulalka Soomaliya & Burundi oo magaalada Bujanbuura ee dalka Burundi kuwada dheelay tartanka 17Jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxa ay labada dhinaca ku heshiyeen natiijo barbaro ah. Kulamada Kale Ee Kusoo Wajahan Xulka Somalia vs sudan (Khamiis) -22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) -24-08-2019 Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Burundi Tariikhda-18-08- 2019 Maalinta-Axad Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Satdium Source: goobjoog.com
  14. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo lagu soo qaqabtay dad lala xiriirinayo Alshababa waxa ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Howlgalkaan ay ciidanku ka sameeyeen deegaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xaradheere ayaa waxa uu ahaa mid qorshaysan oo lagu qabtay ilaa 3 nin oo la shaqayn jirey Alshabaab. Sheekh Yuusuf Salaad oo ah guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad xiriir la lahaa Al-Shabaab. Baaritaanadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada xooga Soomaaliya gaar ahaan taliska qaybta 21aad ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan deegaamo katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. The post Ciidanka DANAB oo howlgallo dad lagu qaqabtay kawada gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.
  15. KISMAYO (HOL) - The UN has once again expressed doubts over the credibility of elections in Jubbaland pressing for ‘more improvements’ by the electoral commission as the Federal Government rubbishes the outcome of the parliamentary elections as a nullity. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku gacan seeray baaqii odayaasha dhaqanka dhaqanka beelaha Habargidir ee ku aadanaa in dib loo dhigo shirkaasi. Baadiyow ayaa sheegay in fursad hore ay siiyeen beelaha Habargidir, islamarkaana ay qabsadeen illaa 15-ka bishan, waqtigiina uu dhammaanday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka uu yahay mid ay ka qeyb galayaan ururada bulshada rayidka ah, islamarkaana uusan markale. dib u dhici karin, sida uu hadalka u dhigay. Shirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa waxaa markii ugu dambeysay la filayey inuu furmo Sabtidiid la soo dhaafay, balse ma dhicin. Weli waxaa jira tabasho ka imaaneyso beelah qaar oo ka biyo diidan qabsoomida shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-2-gudiga-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  17. Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ayaa casuumaad u dirtay kuwa dowladaha xubnaha ka ah, ujeedka ayaa lagu sheegay shir wasiirrada warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo xubnaha ka ah ay uga tashan-doonaan arrimaha warfaafinta. Shirkan oo maanta furmaya ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in lagu ansixin doono Istaraatiijiyadda wacyigelinta qaranka oo horay loo qoray, qeybna ka ahaayeen hey’ado badan. Ujenadayaasha kale oo looga hadlayo waxaa ka mid ah: 1. In laga midoobo istaraatiijiyadda guud ee dib u xureynta 2. In dowladda federaalka ah lagala shaqeeyo arrimaha loogu yeero la-dagaalanka argigixisada 3. In siyaasad laga dejiyo copyright 4. Horumarka warbaabhinta qaranka 5. In la sameeyo barnaamijyo mideysan 6. In laga tashto anshaxa saxaafadda Waxaa shirka ka qeyb galaya wasaaradaha warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaa kale oo lagu casuumay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada DF ayaa maanta waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Awdheegle iyo Tooratooroow, kuwaaoo dhawaan ay ciidamadu la wareegeen. Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas, waxaana dad ku sugan deegaanka Tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hawlg-allo ka fulinayaan Tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw si ay ula wareegaan goobahaas oo ay hadda ka taliso Al-shabaab. “Ciidamada Dowladdu waxay wadaan hawlgallo ay ku doonayana inay kula wareegaan deegaanno dhawr ah oo ka tirsan Shabeellada Hoose, waana tallaabo ka dhan ah Al-shabaab oo dhibaatooyin kawada gobolkaan,” ayuu yiri Ibraahim Najax. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia gaar ahaan kuwa DANAB ayaa la sheegay inay isku ballaariyeen dhul baaxad leh, waxaaa hawlgalkan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan ay ciidamadu dagaallo adag kula galeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ugu dmabeyn, Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in badi dadka ku nool degmada Aw-dheegle ay bilaabeen inay halkaas isaga barakacaan, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada DF iyo xoogagga Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Dowladda Somalia oo Hawl-galo ka wada Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka QM ee Somalia, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas. Warqad uu u direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex maalmood dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland. “Warqadeennii 08-da August ee aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Somalia ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , isla markaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkii uu u direy guddoomiyaha doorashada Jubbaland Xamza. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku sheegaey Qoraalkiisa in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland. “Guddiga doorashada haddii uusan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubbaland,” ayuu sii raaciyay James Swan. Ugu dambeyn, Qoraalkan loo direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaan lagu xusin mowqifka ay beesha caalamka ka qabaan doorashooyinkii soo kala horjeeday ee maanta lagu doortay labo guddoomiye baarlamaan oo maamulka Jubbaland ah. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo ka hadlay Doorashada ka socota Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  20. Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegayaa in saaka hawlgal qorshaysan ay ka wadaan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab. Saaka waaberigii ayay deegaankaasi galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab. Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa. Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Mid kamid ah raggii horay loogu xukumay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo la horkeenay maxkamadda sare ee Puntland ayaa si rasmi ah maxkamadda horteeda [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota. Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan. Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in isbaheysiga ay sameysteen dalalkan uu muhiimadiisa koowaad yahay, sidii looga guuleysan lahaa, islamarkaana meesha looga saari lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xafiiska jooga, tan markii la aas aasay maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay in Kenya ay waddo dadaal ay ku dooneyso in markii saddexaad Axmed Madoobe uu ku soo baxo doorashada maamulkaasi, islamarkaana ay xoog badan gelineyso arrintaasi. The Standard oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in dib loo doorto Axmed Madoobe. Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in Axmed Madoobe) uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara dhanka amniga iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isaga bixi doona hardanka loolanka loogu jiro madaxweynaha dalkaasi ee doorashada 2020, sida uu rumaysan yahay sarkaal hore oo katirsanaa aqalka cad. Agaasimihii hore ee xiriirka bulshada iyo warbaahinta aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa waraysi uu siiyey Vanity Fair, ayaa yiri,”Xaqiiqdu waxay tahay Trump ma raadin doono dib u doorasho sababtoo ah cidna markale dooran mayso”. “Wuxuu doonayaa inuu isaga boxo tartanka, maxaa yeelay waa waadax, waxay noqon doontaa March 2020, waxaana la jecel yahay inuu ka boxo doorashada maxaa yeelay waxay u muuqaataa mid aan macquul ahayn inuu ku guulaysto”. ayuu yiri Anthony. Sarkaalkan horay uga tirsanaa aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump ku guulaysiga kursiga gacmihiisa isku dhaafiyey isla markaana qof walba uu rumaysan yahay inuusan wax cod ah ku soo bixi karin. Dhanka kalena, madaxweyne Trump ayaa sheegay in Anthony Scaramucci shaqsi dhowaan shaqada isaga baxay warbaahintuna ku buunbuunisay arrimihiisa falan qaynta haseyeeshee uusan wax xog badan ah ka ahayn shaqsiyada Donald Trump. PUNTLANDPOST The post Donald Trump oo qarka u saaran inuu ka haro doorashada Maraykanka ee 2020. appeared first on Puntland Post.