Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,302
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay taliye ku-xigeenka 2aad ee ciidanka booliska. appeared first on Puntland Post.
  2. Shalay oo ahayd Axad 18 Ogoosto 2019 wuxuu Madaxweyne Xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu shaaciyey inuu kasoo hor jeedo Gudiga Doorashooyinka ee [...] Source
  3. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal. Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi. Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya,waxaana gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo la Magac baxay Hiil Walaal,isla markaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti. appeared first on Puntland Post.
  4. Bariire (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dowladda federaalka iyo Al-Shabaab ayaa labaduba guulo ka sheegtay dagaalka. Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay. Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen weerarka Shabaabka, islamarkaana markii ay soo qaadeen ay ku halaagsameen. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo aad u hubeysan ay dhowr jiho ka weerareen laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda federaalka. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in intii uu dagaalku socday ay maleeshiyada Al-Shabaab la wareegeen dhowr difaac oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka ee deegaanka Bariire. Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab, waxaanay dhowaan qabsadeen dhowr deegaan oo muhiim ah oo ay ku jirto degmada Awdheegle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Madaxweynihii kacdoonka xilka looga tuuray ee dalka Suudaan Cumar Xasan Albasshiir oo muddo 30 sano ah soo xukumayey dalkaasi ayaa maanta ka soo muuqday maxkamad kutaal magaalada Khartuum. Cumar Xasan Albashiir oo 75 sano jir ah isla markaana xukunka dalkaasi laga tuuray 11-kii April ee sanadkaan ayaa lagu soo eedeeyey qodobo u badnaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa. Maxkamadda ayaa waxaa la soo gaarsiiyey warqad katimid dacwad oogayaasha dalkaasi oo Albashiir ku soo eedeeyey “ku tumasho xuquuqda aadanaha ah, haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.” PUNTLANDPOST The post Cumar Xasan Albashiir oo Maxkamad Ka Soo Muuqday. appeared first on Puntland Post.
  6. Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa qoraal ka soo saaray sida xornimada leh ay u dhacday doorashada ay goobjooga ka ahaayeen ee guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Xildhibaannada ayaa intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tumaneyso sharciyada dalka, waxaa kale oo ay ka hadleen in dowladaha dariska aan laga ogolaan doonin faragelinta arrimaha dalka. Xildhibaanadaan labada Aqal ee BF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay muhiim tahay in cid waliba ay ixtiraamto dastuurka dalka u yaala. Halkaan ka Akhriso, War Saxaafadeedka: Source: goobjoog.com
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray arrimaha doorashooyinka maamulka Jubbaland. Ugu horreyn xildhibaanadan ayaa ku eedeeyey xukuumadda Soomaaliya in ay iska indha tireyso dastuurka, islamarkaana ay faragelin ku heyso arrimaha doorashooyinka maamulkaasi. War saxaafadeedkan oo loo diray madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay waajib tahay in cid kasta ay ixtiraamto dastuurka u yaalla dalka. Sidoo kale xildhibaanada ayaa dhaliilay dadaalada beesha caalamka, waxaana ay ku eedeeyeen in hal dhinac oo kaliya ay culeyska saarayaan. Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in dalalka deriska ah ay sidoo kale faragelin ku hayaan doorashada Jubbaland, taas oo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-61, Ogoosto 19, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo Wuxuu Xeeriyey: Waxaa G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid loo dalacsiiyey derajada S/Guuto. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dallacsiiyay sarkaal ka tirsan Booliska appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii. Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay Goobjoog News u sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay. Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”? Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada. Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish. Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County. Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel? W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya oo warbixin ka qoray doorashada Jubbaland ayaa sheegay in muwaadiniin Kenyaan ah ay u tartamayaan hoggaanka maamulkaasi. Wargeyska ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ay heystaan dhalashada Kenya, islamarkaana ay doonayaan in ay hoggaamiye ka noqdaan maamulkaasi. The Star ayaa shaaciyey magacyada musharraxiintaasi, kuwaas oo kala ah: Maxamed Shakuul, Maxamed Marsheeye iyo Cabdi Raage. Kenya ayaa horay u shaacisay in musharraxeeda koowaad uu yahay Axmed Madoobe, islamarkaana ay ku garabsiineyso doorashada Jubbaland. Dowlado badan ayaa isku haya doorashada dhowaan ka dhaceysa Kismaayo, waxaana ka mid ah Itoobiya, Qatar iyo Kenya. Khamiista soo socota ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada Jubbaland, iyadoona uu weli jiro is jiid jiid u dhexeeya musharrxiinta mucaaradka iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  11. Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in markale ay dib u dhigtay xukunka ragga loo haysto in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aaden oo ahayd gabar yar oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Maxkamadda ayaa maanta mar kale dhegaysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaana Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay qaarkoodna qirtay iyo Xeer Ilaalinta dowladda Puntland. Ugu dambayntii waxay maxkamaddu saaka shaacisay in ay mar kale 22-ka bishan dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto. PUNTLAND POST The post Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay gaaray Dhuusamareeb ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Ducaale ayaa marka hore warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada, kuwaas oo uga warbixiyey howlaha nabad galyada iyo howlgallo ay ka sameyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu baaritaano ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ay ku soo qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Xooggaga Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan raggaasi ay ku jiraan gacanta hay’adaha amniga, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano. Dhanka kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada ammmanka howlaha amni xaqiijinta ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug. Ugu dambeyn wxuu kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga degmada Dhuusamareeb, maadaama uu dhowaan ka dhacayo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  13. Two sub-clans from the Degodia community residing in Mandera North Sub-County clashed on Saturday evening over a chief’s position which is yet to be filled. Source: Hiiraan Online
  14. Some of the foreign shop owners who were raided in the Joburg CBD for selling suspected counterfeit goods a fortnight ago are being accused of exploitation by their employees, who say they pay low wages while expecting them to work long hours. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay xalay ciidamada Somaliland ugu geysteen qof rayid ahaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Faarax (Soomadow), kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Ciidamada ayaa la sheegay in xilliga ay dilka geysanayeen ay wadeen howlgal ay ku uruurinayeen hubka sharci darrada ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay u dileen ninkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka ciidamadu ay ka dalbadeen in uu istaago xilliga uu howlgalku socday, balse uu cararay sidaasina lagu toogtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Somaliland oo ku aadan dilkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isalwasaraaha cusub ee dowladda Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu xubin ka yahay Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Sanad ka hor uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Ninkan dhaqaaleyahanka ah waxaa u xushay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha dalka Suudaan Dalladda mucaaridka ah ee Suudaan oo bilihii la soo dhaafay wadahadalka kula jiray Golaha Milatariga ee dalka Maamulaya. Ra’isalwasaaraha cusub, qofka calaameysan.Guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa la magacaabay sanad ka hor Bishii August 2018,waxaana ay ka koobanyihiin Ajaanib iyo Soomaaliya. Cabdalla Xamduuk, la fadhiya Guddiga dhaqaalaha Qaranka Somaliya.Magacyada Guddiga dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliya ee Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ayaa waxaa ay kala yihiin. Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah. Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday. Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya. Xuseen M. Saciid: Waa dhaqaaleyahan, 30 sano khibrad ah ayuu heystaa, waxaa uu tababar iyo latalin siiyey dalal badan sida Kenya, Lebnon, Zimbabwe iyo Somalia, waxaa uu la shaqeeyey Bangiga adduunka, IMF, USAID, ADB iyo UNDP, waxaa uu noqday wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya. Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale. Kuwa Caalamka Ka Socda: Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyodalkiisa Sudan ee uu hadda Ra’isalwasaaraha ka noqday. Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg. Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya. Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC. Xigasho: Mustaqbal Radio. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus. Waxaa la maqlayey rasaas xooggan oo ay Labada dhinac is weydaarsanayeen, taasi oo baqdin gelisay dadka shacabka ah. Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidamada lugta ee xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka hortageen weerarka ay Al-shabaab damacsanaayeen, islamarkaana khasaare xooggan kusoo gaarsiiyeen. Taliyaha ayaa sheegay in halkaasi ay Al-shabaab uga dileen 20, dhaawacna badanna ay la baxsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo, hase ahaatee waxay maalmahan kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan xarumada ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Cali Jaamac Maxamed, oo ah siyaasi, madaxna ka ah “Somali American leadership council”, oo ku nool gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan siiyey Goobjoog News, isaga oo uga waramay xaaladda Jubbaland. Mr. Cali Maxamed waxaa uu sheegay in magaalada Kismaayo ay wax wanagsan ka socdaan, ayna muhiim tahay in dowladda ay gacan ka geysato, isaga oo bogaadiyay guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland, oo uu tilmaamay in ay qabteen shaqo aad u wanaagsan oo mudan in la taageero, waxaa uuna yiri “Waxaa la dhisay guddigii xuduudaha iyo doorashooyinka, waxaa ayna qabteen shaqo aad iyo aad u wanaagsan oo muhiim ah oo ay soo gaarsiiyeen bilow ilaa dhammaad ilaa maalinba tilaabo sax ah oo ku haboon waqtigeeda ay qaadayeen, oo sharcigii iyo nidaamkii ay dagsadeen waafaqsan”. Sidoo kale guddoomiyaha Somali American leadership council ayaa aad u bogaadiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada Jubbaland, waxaa sidoo kale uu hambalyo uu diray guddoomiyaha baarlamanka ee la doortay isaga oo xusay inuu wax badan soo qabtay oo lagu xasuusto, waxaa uuna yiri” waxaana rabaa inaan sidoo kale aan bogaadiyo Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland, ee soo xulay xildhibaannada oo muddadii ay ku jiraan howlaha oo ay la kulmeen caqabada, iyaga oo uga soo gudbay midnimadooda, wadajikoda, walaaltinimadooda, iyo rabitaanka shacabkooda, oo ayaguna shaqadii loogu tala galay soo qabtay oo soo xulay xildhibaanadii, waxaana hanbalyo u dirayaa guddoomiyaha cusub ee la doortay ee baarlamaanka 2-aad ee Sheekh Cabdi oo ahaa goddoomiyihii baarlamaanka 1aad shaqa fiicanna soo qabtay muddadii uu xafiiska joogay ”. Dhanka kale siyaasiga Cali jaamac Maxamuud, ayaa dardaaran u diray baarlamaanka cusub ee la doortay ee Jubbaland, isaga oo kula dardaarmay in ay doortaan qofkii Jubbaland ka saari lahaa xaaladda ay ku sugan tahay una saari lahaa xasilooni iyo baraare waara, waxaa uuna yiri” Maanta taladu gacantooda ayeey ku jirtaa, masiirkii Jubbaland iyaga ayaa laga rabaa in maanta ay doortaan qofkii ka gudbin lahaa waqtigaan adag ee hadda jira una gudbin lahaa wixii loo doortay, madaxweynaha hadda jira oo kaanbeenkana ku jira wax badan ayuu ka soo qabtay Jubbaland”. Ugu dambeyn waxaa ugu baaqay dowladda federaalka, si loo ilaaliyo midnimada umadda iyo kalsoonidooda in dowladdu ay dhowrto dastuurka federaalka iyo midka dowlad gobaleedyada waxaana uu yiri “ Dowladda dhexe iyada ayaa looga baahan yahay in ay ilaaliso dastuurka u degsan dalka iyo midka dowlad gobaleedyada u yaala si loo helo xasilooni siyaasadeed, wada shaqeyn is aaminaad iyo in meel looga soo wada jeesto umaddaan Soomaaliyeed ee burburka iyo dhibaatadu daashatay”. Haddaba, Halkan Hoose Ka Dhageyso, Wareysiga Cali jaamac Maxamed, oo ah siyaasi madax ka ah “Somali American leadership council https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/08/GUDOOMIYAHA-URURKA-SIYAASIGA-SOMAALI-AMARICA-Cali-Jaamac-Maxamed-.mp3 Source: goobjoog.com
  19. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga soo horjeestay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Saciid C/laahi Dani. Karaasha ayaa sheegat in madaxweynaha aanu wax la tashi ah kala sameyn magacaabista guddigan, ayna tahay go’aan uu kaligiis gaaray. Wuxuu tilmaamay maadaama dastuurka uu dhigayo in madaxweynaha uu kala tashado ku xigeenkiisa magacaabista guddiga in aanay waxbo ka jirin xubnihii la magacaabay, isaguna aanu waxbo kala socon. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guleid Khalif, an expert of Jubaland politics wants the Kenyan government to ask the candidates to pull out. Source: Hiiraan Online
  21. The African Union Mission in Somalia, Amisom, has underscored its intent to withdraw from the country by 2021, after launching the Elections Awareness Campaign, meant to keep the public updated with the preparations. Source: Hiiraan Online
  22. Jubbaland electoral body JIBEC has lashed out at the UN for what it termed as misrepresentation of the current electoral process noting it will now go ahead having met all the requirements and addressed concerns raised by the international community. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya, ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaallada Muqdosho kaas oo looga hadlay iskaashiga labada heer eewasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta. Shirka, waxaa ka qeyb galaya wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Cali Xasan Axmed,Warfaafinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug MudaneMaxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiinka socota Dowladda Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen. Wasiirraada iyo Agasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ahdiiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka,iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo. Waxyaabaha shirkan lagu lafoguray, waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta laxiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurkaiyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. DAR ES SALAAM, Aug 18 (Reuters) - The U.S.-China trade war and uncertainty over Brexit pose risks to Africa’s economic prospects that are “increasing by the day,” the head of the African Development Bank (AfDB) told Reuters. Source: Hiiraan Online