Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,302
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shir jaraa’id oo maanta Muqdisho si wada jira ugu qabteen wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar Maryam Aweys Jaamac iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti waxay ku shaaciyeen in ay billaamanayso dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug. Wasiirka dekadaha Qatar ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Dowladda Qadar ayaa dekadda Hobyo ku maal-galinaysa lacag dhan 174 milyan oo doollar. Munaasabadii lagu shaacinayay dhismaha dekeda Hobyo, waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada Gole iyo wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Horraantii bishii Decembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo. PUNTLAND POST The post Waa imisa lacagta Qadar ku maal-galinayso dekadda Hobyo? appeared first on Puntland Post.
  2. Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi kuyaal magaalada Hargaysa ku xiray mid kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuskii sanad guurada 21aad ee aasaaskii dowladda Puntland. Alfanaan Cabdirisaaq Ismaaciil Anshax oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa deegaamada Puntland kana qaybgalay xuskii dhismaha Puntland ayaa gaarey magaalada Hargaysa kahor inta aysan xirin ciidamada Somaliland. Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ay saaxiibo dhow yihiin Anshax ayaa xaqiijiyey xarigiisa, isagoona u aaneeyey inay xarigiisa ka dambeeyeen rag reer Somaliland ah ayna fan wadaag yihiin. Magaalada Hargaysa ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuska 1da Agoos oo reer Hargaysa ah haseyeeshee Anshax oo ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya muddana kunoolaa Hargaysa ayaa xabsiga loo taxaabay. The post Ciidanka Somaliland oo Hargaysa ku xiray fanaaniin ka qaybgashay xuska aasaaskii Puntland. appeared first on Puntland Post.
  3. Federation of Somali Journalists FESOJ, in cooperation with the European Mission to Somalia under the project of Our Right to Know organized one-day meeting on Council of Peace in Mogadishu titled “Strengthening security agencies and media relations for the safety of journalists, access of information, freedom of expression and media freedom in Somalia” The objective of the meeting was institute confidence-building mechanisms and professional journalistic processes to facilitate dialogue between the security agencies and media, fostering greater understanding and eliminate distrust and mutual suspicion in order to promote and create an environment conducive to freedom of media and safety of journalists. The meeting attracted 90 participants from security agencies including senior officials from Somalia’s police command, Somalia’s President’s office, Ministry of Information, Culture and Tourism, civil society groups, journalists, lawyers and university students in Somalia. It was a follow up to a similar meeting held last year in 2018 and was also a direct follow-up to the implementation of a priority identified by stakeholders on the safety of journalists so that lines of dialogue can be opened and agreement between media, security agencies as well key state institutions with a common strategy to deal with the safety and security of journalists. During the discussion, participants were taken through thematic topics on how to communicate with the media; operational safety procedures when dealing with the journalists and freedom of expression; and how security forces can ensure that journalists can access the information they need to pass the public. In his opening remarks the Secretary General of Federation of Somali Journalists (FESOJ) Mohamed Ibrahim Moalimuu said it is fundamental human right to ask for, and receive, information held by public organizations and government bodies , it is therefore imperative that the security agencies allow journalists to carry out their work freely by providing information that the public needs to know. Journalists got an opportunity to interact and ask direct questions regarding their safety and security with the police officers and other government officials attended the meeting, particularly on the daily challenges they come across during news gathering in the city or outskirts of Mogadishu. Directors of Goobjoog and Dalsan media groups Hassan Mohamud and Hassan Ali Gesey have both emphasized the concerns of the journalists and underlined that it is quite necessary for the Federal Government of Somalia to provide the media with the necessary information they need before it is too late because if the government does not speak out the right moment there may be other parties providing information to the media which they may later made unhappy with the government. Abdinur Mohamed Ahmed the Communication Director of Somalia President responding question from journalists and civil society groups said “The safety of journalists can be guaranteed when our security agencies and the media understand that their respective roles remain key to the progress of our nation. We will work together to sustain close collaboration between the pen and Police to make covering Somalia a pleasure” “General Abdulahi Hassan Bariise, who has been one of the top police officers working in Mogadishu for the past 15 years blamed and pointed the finger to some young journalists for doing sudden & serious rush to the crime scenes just to cover an incident ,blast or a terror attack and may pose threat themselves because the area isn’t yet secured or there may be unexploded materials at the scene ,moreover he said media disturb forensics investigation methods for explosive devices and site engaged by the security agencies “ The meeting was closed by the President of FESOJ Abdi r Abdulkadir Elmi who thanked the participants for their frank discussion of key issues affecting media freedom and access to information. Sine the relationship between the media and security agencies, including those in the law enforcement and intelligence services, has always been a delicate one in Somalia and often characterized by frequent clashes, arising from a somewhat startling inability of either side to fully appreciate the role of the other in society, in n conclusion it was agreed that such meetings should be continued to lead for real cooperation and both sides should come up and establish a taskforce for further dialogues.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe ay ciidamada Itoobiya doonayeen inay ku degaan garoonka diyaaradha magaalada Kismaayo ayaa maanta fashilmay kadib markii ay is-hortaageen maamulka garoonka, ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Itoobiya ay shalay maamulka garoonka ka codsadeen inay ka mid noqdaan ciidamada deggan garoonka, hase yeeshee waxaa loo sheegay inay warqad ogolaansho kasoo qaataan taliska Amisom ee Soomaaliya. Itoobiyaanka ayaa markii ay sidaas dhacday, ayaa ayaga oo aan dalban wax ogolaansho ah, waxa ay maanta garoonka usoo direen diyaarad sidday qalabkii ay xarumaha uga dhex sameysan lahaayeen garoonka, halka ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay soo safteen banaanka garoonka, ayaga oo kasoo tegay deegaanka Ma Dhamaato oo 5km u jira duleedka Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin. Diyaaraddii Itoobiyaanka ahayd ayaa loo diiday inay kasoo degto garoonka, wayna laabatay. Hase yeeshee mar kale ay soo jiireysay haddana isku dayday inay garoonka kasoo degto, balse mar kale ayaa loo diiday inay soo degto, wayna iska laabatay. Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee iyagana kasoo tegay deegaanka Ma Dhamaato ee duleedka Kismaayo ayaa dib ugu laabtay saldhiggooda, ayada oo is hor-taageen ciidamada Kenyanka iyo kuwa Jubaland ee garoonka maamula. Garoonka ayaa mar maanta ku sigtay isku dhac labada dhinac ah iyo dagaal, hase yeeshee xiisadda ayaa hadda qabowday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshaha Itoobiyaanka ah uu ahaa isku daygii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ah ay ku dooneysay inay ku joojiso doorashada Jubaland, kuna qabsato garoonka, kadib markii ay fashilmeen faro-gelintii beesha caalamka. Loolanka Jubaland ayaa ka sokow dowladda federaalka iyo Jubaland, waxa uu hadda u muuqdaa mid ka dhex oogan Kenya oo taageerysa Axmed Madoobe iyo Itoobiya oo taageereysa dowladda federaalka ah. Inkasta oo ciidamada Itoobiya ay maanta dib u laabteen islamarkaana ku fashilmeen qorshahooda, haddana ma cadda tallaabada xigta ay qaadi doonaan, waxaana Kismaayo ka taagan cabsi xooggan, oo ah in Itoobiyaanka awood adeegsadaan oo ay dagaal soo qaadaan. Doorashada Jubaland ayaa waxa ay dhaceysaa 22-ka bishan, waxaana muuqata in waqtiga kasii dhammaanayo dowladda federaalka ah, islamarkaana ay awoodi weysay inay awood ku muquuniso si la mid ah, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Hoos ka daawo sawirro lag soo qaaday xiisaddii maanta ka dhacday garoonka Kismaayo, iyo ciidamada Kenya iyo Jubaland oo dibedda garoonka taagan, kana hortagay kuwa Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. Some 529 Uganda People’s Defense Forces (UPDF) soldiers attached to United Nations Guard Unit (UNGU) in Somalia returned to the country on Saturday after two years of service. Source: Hiiraan Online
  6. Dadka maxaa ka dhaxeeya ??? (kali kali ilaa koox koox) Dadka bilowgii soow keli-keli duurka uguma ay nooleeyn. Dabeedna, koox-koox, bulsho-bulsho ama beel-beel umay deggin. Bilowgii nolasha cid kaste, iskeed bay ugaadhsi iyo qabaadhsi ugu nooleeyd… Bulshada oo markaste sii kordhaaysay, kheeyraadkuna uu yahay isla kii, dadkii waxa mideeyey dantooda u weeyn oo aheeyd biyo iyo baad. Tirada dadka oo markaste kordhaaysay waxa ay keentay in bulshada kala xigsato biyaha iyo baadka. Si loo kala ceshadana waxa sal (base) noqotay in intii biyo iyo baad ka dhaxeeyaanba is gaashaan-buureeystaan, si ay kheeyraadkooda u dufaacdaan. Kuwii kale ee baahnaana sidoo kale, waxa ay u midoobeen in ay kheeyraadka rabaaniga ah laga ceshan ee ay qeeybtooda dhacsadaan. Markaste oo dadku bato, waxa isna korayey wacdiga, fikirka, garaadka iyo hal-abuurka. Wax kaste oo la soo marayba waxa la gaadhay in ay dadku ka heshiiyaan waxa la wada yeelanayo iyo sida loo wada yeelanayo iyo aminta/xiliga la wadaagayo… Nolasho wax ay socotaba dadku wuxu gaadhay heer iyagoo kala beel iyo deegaan ah in ay is maamulaan, dawladdana sameeystaan. Is riix-riix, is-fahan-waa iyo is-diidooyin kale oo badan, kuwaas oo xididkoodu yahay, kala badsashada xilalka, fursadaha iyo dhaqaalaha, dabeed wuxu xalku noqdey in dawladnimada ahaato mid bulshada ka wada muuqato, si sinaan ahna (Equity) wax loo qeeybsado, fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa siyaasadeedna loo qeeybsado si isku jaan-go’an oo ka turjumaaysa qaabka bulshadaa nolasheedu iyo deegaankeedu yahay iyo waxa markaa lagu heshiiyey ee sharciga iyo xeerarku mus-danbeedka u yihiin. Iyada oo dulqaadka tanaasulku u yihiin biyaha waraabinaya waxa lagu heshiiyey. Hadaba, sida an qabo, middan aan kor ku sheegnay baa ah ama qeeyb weeyn ka qaadatay in aduunku xasilooni iyo nabad ku wada noolaado, soona baxaan bulsho is ogal dhinacna u wada jeedda. Hadii tani ay dhacdeena jiritaanka iyo korniinka dunidu sida hada uu yahay wuu ka duwanaan lahaa. Si kaste oo dadka loo dirqiyo, WAXA KA DHAXEEYANA loo kala badsado, qof kali ah ama koox kali ahi (afka aan ku balaadhshee ama “REER KALIYA”) dawladnimada isa siiyo, awood dhalanteed ahna is bido, dadka kalena la dhagaaysan waayo, la diido in lala fadhiisto, rabitaankoodana la tix-gallin waayo… Hadaba markaa waxa dhalanaya soow maaha cadho, xiqdi, ciil. Waxa kaliya ee ku xigayana soow maaha is abaabul iyo is urursi irbadda turqeeysaa tahay kacdoon bulsho heerka uu doonaba ha ahaadee, taasi oo ay hagaayso rabitaanka dadkii la dhagaaysan waayey. Tusaale waxa inoogu filan Soomaalidii midoowday 1960kii ee kala tagtay 1991, waxa tusaale nool ah gu’gii carbeed oo ay ugu danbeeysay, siina qoyantahay tii Sudan. Waana dariiq xun oo shar-wadaayasha iyo kuwa “qaska” ku naaxaa ay ka faa’ideeysan karaan, oo wax kaste ku burburaan. Tusaale nool, waxa ah Libya iyo Yeman waxa ka socda. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim. Cabdiraxmanmid@gmail.com Qaran News
  7. Somalia’s Jubbaland state polls agency has yielded to international pressure, allowing more room for other candidates to register in an election that was threatening to divide the federal region. Source: Hiiraan Online
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ugaasyadii sida weyn u diidanaa hannaanka doorashada maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland. Ugaaska ayaa sheegay in is-qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya uu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee uu bulshada u hayay, islamarkana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa madaxtinimada Jubbaland. Ugaaska ayaa sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay go’aanka uu qaatay, balse uu sidan u sameynayo maslaxada Jubaland. Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qof kasta oo kusoo baxa doorashooyinka. Hoos ka daawo Ugaaska Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya. View the full article
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa la dardaarmay guddiga doorashooyinka Puntland xilli ku-xigeenkiisu uu qaadacay magacaabista xubnaha guddigaasi oo uu sheegay inaan lagala tashan. [...] Source
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.
  16. Ciyaartooydii xulka iyo kooxaha kala duwan ee dalka ayaa magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay Cali Jilacow Absuge oo bahda ciyaaraha ku dhiiirigelin jiray is dhaxgalka bulshada,isagoo sidoo kale maamul kasoo noqday kooxda Banaadir Sports Club oo iminka loo loo yaqaano Muqdisho City Club. Nuur Amiin oo ka mid ahaa xirfadalayaashii hore ee kooxda Madbacada Qaranka ayaa sheegay in Mr.Cali Jilacow Absuge oo door wanaagsan kasoo qaatay horomarka kubbadda cagta Soomaaliya. Kulan ciyaareed si weyn usoo jiitay dadweynihii kasoo qeybgalay ayay ciyaartooydii hore wada dheelayn,iyagoo kuwada faraxsanaa in ay dalka kusoo dhawayeeyaan halyeey isboorti Cali Absuge,balse Cali Jilacow waxa uu Goobjoog u sheegay in uu u mahadcelinayo qof walbo oo ka qeybqaadatay soo dhaweyntiisa. Jamaal Xaashi Tuure oo ah xoghayaha suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya kana mid ahaa ciyaartooydii wacdaraha soo bandhigay ayaa sheegay in xiiriirka uu hergelindoono in bishiiba hal mar ay wada dheelaan ciyaartooydii cuslaatay,si ay dhiirigelin iyo waayo aragnimo ugu noqoto jiilka soo koraya. Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirsaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa Goobjoog u sheegay Cali Jilacow Absuge oo door wanaagsan kasoo qaatay dhisada naadiyada badan oo caan ka ahaa Muqdisho siweyn loogu yaqeenay is dhaxgalka arimaha bulshada,iminkana uu aad ugu faraxsanahay in uu kusoo laabto Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ciyaared Lagu Soo Dhaweeyay Cali Jilacow Absuge W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo ka mid ah salaadiinnta dhaqanka ee dowlad goboleedka Jubbaland kana mid ahaa shaqsiyaadka kasoo horjeeday habka uu u socdo nimaadka habraaca doorashada Jubbaland ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii uu uga soo horjeeday habraaca doorashooyinka Jubbaland, waxaa uuna yiri” Anniga oo daneynaya danaha bulsha weynta reer Jubbaland, kuwooda qaxootiga ah, masaakiinta ah iyo dayaca ay maanta u yaaliin markaan fiiriyay, waxaan go’aan saday inaan tanasulaad ka sameeyo arrimihii, is qabadkii aniga iyo maamulka dhexdeena yaalay, inaan tanaasulaad ka sameeyo oo umaddaa ayada ah aan u samro, ” sidoo kale Ugaas Maxamuud oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu go’aan saday inuu siyaasadda uusan faraha la galin ee uu ahaado dhaqankii iyo samo ka taliskii markii hore ay reer Jubbaland ay u doorteen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” maadaama aan ahay nin isim ah aanan aheyn nin siyaasi ah inaan dadku aniga i eersan oo Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud ayaa dhibkaas noo lahaa aan ley oran, oo aan dib ugu noqdo dhaqankeygii iyo howsheydii dhaqameed, maslaxana waxaan u arkaa umaddu in ay midowdo oo ay is fahanto” Ugaaska ayaa dhanka kale ka hadlay tartanka siyaasadeed ee madaxtinimada Jubbaland, assaga oo reer Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan qofkii loo doorto maxtinimada, waxaa uuna yiri” In la tarmaa waa muqadas Axmed Madoobe, Seeraar ama Xidig ha soo baxo, taasi waa siyaasad madaxweynaha hadda jira waqtigiisii waa dhamaaday tartan ayuu diyaar u yahay,ninkii ku soo baxo waa lala shaqeynayaa sidaan horay u sheegay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku hadlaya magaca Madaxwaynaha JFS, kan R/Wasaaraha & Xukuumadda, wuxuu ammaan, bogaadin iyo mahad balaaran u jeediyay ciidamada xoogga dalka Guulaha ay ka soo hooyeen hawlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada. Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dalalka qaar ee caalamka uga mahad-celineyso doorkooda ku aadan howlgaladda waddanka ka socda ee lagu xorreynayo degaanadda kale. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee shalay ka furmay Muqdisho. Kulanka maanta waxaa lagu casuumay madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah si looga wadatashado habkii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada. Ka qeyb galeyaasha shirka ayaa wasiirrada ka dhageystay warbixinno ku saabsan wacyigelinta qaranka iyo qorshayaasha dowladda, iyagoo la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ay u soo jeediyeen dowladda gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta heer federaal iyo dowlad-goboleed. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Wafdi ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo. Garoonka diyaaradaha Waxaa ku soo dhaweyeye mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Xubnaha wafdiga ay iskugu jireen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Khayraadkla Biyaha Soomaaliya. Ujeedka safarka wafdigan ay hoggaaminayso wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa ah ka qeybgalka shir ku saabsan arrimaha Tamarta Soomaaliya oo 20 bishan ka furmi doona magaaladaasi Baydhabo,kaasi oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed. Shirkan lagu wado in uu ka furmo baydhabo Ayaa waxaa uu socon doonaa mudo afar Maalin ah oo ku eg 24-kan bishan waxaana Lagu eegi doonaa tayeenta awoodaha tamarta Iyo waxaa u qabsoomay wasaaradaha Tamarta Iyo kheyradka biyaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada Dalka. Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa horey u balanqaaday sidii ay u dardargelin lahayd holwha adeegyada muhiimka ah ee bulshadu uga fadhiyaan wasaaradda Tamarta,waxaana jira mashaariic kaladuwan oo horumarineed oo ay hormuud ka tahay wasaaradda,kuwaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay ka faaideystaan. View the full article
  22. Jabuuti (SMN) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Jabuuti. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal. Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socday dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya. Wafdiga Qatar ayaa waxaa hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana la socday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkaas Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti. Waa wafdigi ugu darajo sarreeyey ee dal Carbeed uu usoo diro Soomaaliya, tan iyo markii dowladda dalka ay burburtay muddo ku dhow 30 sano. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirka gaadiidka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa la kulmay wasiirka dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, waxaana dowladda Qatar ay si rasmi ah ugu dhowaaqday mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com