-
Content Count
209,304 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay siyaabo kala duwan u fulinayaan go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya, iyadoo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Go’aanka uu wali jahwareerka ka jira islamarkaana ay wasiirada qaar fuliyeen qaarkoodna ay sii dalacsiiyeen ama ay siiyeen awood dheeraad ah ayaa waxa uu yahay baabi’inta xilka xoghayaha joogtada ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online ayaa heshay farqi u dhaxeeya iyo kala qaybsanaan ka jirta wasiirada Kheyre, taas ku kooban go’aan wadareedkii shirka xukuumadda Soomaaliya waxaana ugu dambeeyay wasiirada amniga iyo ganacsiga Soomaaliya Wasiirka wasaaradda aminga xildhibaan Maxamed Abuukar Islaw Ducaale ayaa shalay baabiiyay xoghayaha joogta ee wasaaradda, isagoo sheegay in uu raacayo go’aankii golaha wasiiradda ee lagu baabiiyay xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, halka shalay markii labaad wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan kusime wasiir ka dhigay xoghaye joogto ah oo la baabi’iyay. Arintaan ayaa u muuqata in cadeyn u tahay in aan si is kumid ah loo fulin go’aan ay wadajir u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya waana hadal heynta ugu weyn ee maanta ka taagan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka. Halkaan ka aqriso cadeynta warbixintaan ku saabsan jahwareerka ka jira fulinta go’aanka xukuumadda Kheyre. Warqadda koowaad waa tan wasiir Ducaale, labada warqad ee xigana wasiir Cabdullaahi
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaas oo ka socda gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada milater ee ka dhanka ah Al-Shabaab xoogooda waxa uu ka bilaawday degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose, waxaase jira qaladaad xoog leh oo qatar gelin kara ciidamada qaranka. Khubarada amniga ayaa sheegay in milateriga Soomaaliya ay qabsadeen dhul ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ka tirsan Shabeellada Hoose balse gudahooda ay joogaan Àl-Shabaab. Milateriga waxay hadda joogaan Awdheegle, waxayna ka gudbeen Sabiid iyo caanoole iyo degaanka Bariire, balse duleedka Afgooye waxaa jooga Al-Shabaab waxayna ciidamada ku qasban yihiin in ay diyaarad ku tagaan ugana soo laabtaan. Sidoo kale, degaanada duleedka Muqdisho sida Ceelasha, Arbacow iyo goobo kale waxaa ku xoogan Al-Shabaab oo waliba ku qaada lacago canshuur ah oo Muqdisho laga keeno. Al-Shabaab waxay awoodaan in ay dhabar jebiyaan ciidanka gudahooda la daganyahay, haddii aysan dowladda Soomaaliya si deg deg ah u xalin, ayuu sarkaal hore oo katirsan milateriga Soomaaliya. Inkastoo milateriga Soomaaliya joogaan Awdheegle haddane ma jiro gaari ka bixi kara Muqdisho oo gaari kara Afgooye. Sidoo kale ma jiro gaari toos uga bixi kara Afgooye oo gaari kara Awdheegle, sababtoo ah waxaa dhacda in Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo dagaal toos ah ka fuliyaan. “Ciidan waa kuwa xoreeya hal kiilo mitir kadibna xasilin u sameeya, kuna wareejiya booliis laakiin hadda gudihii waxaa ku jira Al-Shabaab dibadiina ciidanka qaranka waana halis” ayuu yiri sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsanaa milateriga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan. Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si loo xoreeyo deegaannada Galmudug ee Al-Shabaab ay haystaan, loona hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo. Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka ka dhexeysana ay “argagaxisaduna ku abuurtay cabsi iyo welwel joogta ah.” Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada ay weli haystaan Al-Shabaab. Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo. Dagaalka cusub ee dowladda ay kaga dhowaaqday deegaanada Galmudug ayaa imanaya ayadoo weli uu socdo dagaalka gobolka Shabeellaha Hoose looga xoreynayo Al-Shabaab, halkaasi oo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen deegaano dhowr ah.
-
Puntland waxay jirsatey 20 sano, muddada ay jirtey waa wakhti aad u dheer oo wax badan la qabtey wax badana laga gaabiyey, asaaskeedi waxaa muuqatey in awoodda la qaybsadey taas oo loo qaybiyey saddex. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa u horeeyey waxaa soo doortey ergooyin, kadib waxaa bilowdey doorashooyin Baarlamaani ah sanadkii 2005, waxaana lagu doortey qodobo dastuuri ah. Doorashadii ugu horeysey ee baarlamaani ah waxaa lagu doortey Gen. Cadde Muuse Xirsi iyo Xassan Daahir Afqurac labadoodaba rabbi ha u naxariisto, doorashadaas waxay ahayd mid kamid ah kuwii ugu musuqmaasuqa yaraa, ma jirin dhaqaale badan oo doorashada iyo ololaha ku baxay mana jirin codad badan oo la kala iibsado, laakiin waxay ahayd mid taaktiko ku dhisan. La-taliyaasha Cadde Muuse waxay u sheegeen in Xassan Daahir Afqurac oo u tartama Madaxweyne ku-xigeen ay isagana u horseedi karto guusha Madaxweynaha, labadooda waxaa dhex-marey heshiis. Xassan Daahir waxa uu iska casiley xilkii baarlamaanka uu markaas ka hayey ee ahaa ku-xigeenka labaad ee guddoomiyaha, waxaana uu isu sharaxay Madaxweyne ku-xigeen maalmo yar ka hor doorashada, taasna waxay sababtey in Gen. Cadde Muuse taageero ka helo Xildhibaanada gobolka Sool iyada oo Madaxweyne uu kula tartamaayey Maxamed Cabdi Xaashi, waxaa la dhihi karaa Cadde & Xassan laba qof oo is og ayay ahaayeen si wanaagsana waa u wada shaqeeyeen. Wax qarsoon ma ahayn in Cabdiraxmaan Faroole hoos ka watey Gen Cabdisamad Cali Shire, waxaana uu si weyn uga soo horjeedey in Saleebaan Xaglatoosiye noqdo ku-xigeenkiisa, waana ku guuleystey taas oo sababtey in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku yimid si nasiib ah, waxaa la rumeysan yahay in aysan jirin Madaxweyne ku-xigeen ay wax isla ogaayeen, waxaana ay noqotey guushii isaga (Gaas) iyo Cabdixakiin Xaaji Camey, waxaa si weyn loo xusuustaa in Cabdiweli Cali Gaas ahaa oday nabadeed oo khilaafka saaxiibkiis ka imaanayey uu si hoose u xalinaayey. Wax kasta waa is bedeleen Doorashadii 2019 wax kasta waa is bedeleen, waxaa cirka isku shareeray dhaqaalaha doorashada ku baxaayey, waxaana lagu qiyaasaa in 2019 ay gaartey 24 milyan dollar oo doorashada ku baxdey, Musharaxiinta Madaxweynaha waxaa ku adkeyd in ay si muuqata ama qarsoon ula heshiiyaan musharixiinta Madaxweyne ku-xigeen. Qaar kamid ah taageerayaashii la shaqeeyey Madaxweyne Deni waxay xiriir dhaw ay lahaayeen Musharax Cabdi Qawdhan, halka Gen Asad Cismaan ay xiriir dhaw lahaayeen Timacadde, laakiin waxaa dhamaantood ka duwanaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaana uu xiriir dhaw la lahaa musharixiinta badankood, waxa uu isku arkaayey in uu yahay odaygii gobolka Sool iyo Cayn, waxaana nasiibku noqdey in isaga (Karaash) iyo Madaxweyne Deni loo doorto in ay dalka hoggaamiyaan. Dastuurku sida uu qabo waa in la doorto Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, laakiin waxaa nasiib darro ah in labadoodu aysan isku tigidh ahayn ama aan la isla dooran sida caalamka ee midkasta goonidiisa loo doorto, Madaxweyne Deni waxaa lagu doortey Tayo iyo Tiigsi, laakiin Axmed Karaash waxaa lagu doortey Halgan iyo Hoggaan, waxaa la aaminsan yahay in lagu doortey in uu yahay qof wax ka qaban kara xaaladda gobolka Sool iyo dhulka dastuuriga ah ee ka maqan gacanta Puntland. Haddaba labada hoggaamiye waa Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismnaan Karaash waxay ka soo kala jeedaan laba mac-had oo kala fog. Deni waxa uu ahaa Ganacsade kadibna waxa uu noqdey Siyaasi waa nin qunyar socod ah, kuna soo bar-baarey ka shaqeynta arrimaha diinta iyo waxbarashada. Axmed Karaash waxa uu soo shaqeeyey tan iyo Dowladdii hore ee Soomaaliya, waxa uu Puntland wasiir ka soo ahaa tan iyo sanadkii 2009, kadib waxa uu noqdey asaasayaashii Khaatumo, waa nin jamhad ah, ciidamo jamhadeysan ku xiran yihiin hub fara badana gacanta ku haya. Xaqiiqada Khilaafka ee Deni iyo Karaash Guushii doorashada 2019 kadib labada masuul waxa ay ka wada shaqeeyeen soo dhisidda xukuumadda, waxaana jirtey nidaam heshiis la isaga ahaa sida in Madaxweyne ku-xigeenka lagu ixtiraamo wasiirada ka imaanaya Sool, Sanaag iyo Cayn halka Afhayeenka golaha wakiilada lagu ixtiraami jirey Wasiirada gobolka Sanaag. Khudbadii koobneyd ee Madaxweyne Deni ka jeediyey fadhigii Baarlamaanka lagu horgeeyey Xukuumadda waxa ka muuqatey in aanu ku qanacsaneyn xukuumadda uu soo dhisey oo siyaasiyiin majaha qabteen. Fariinta labaad ee soo baxdey ayaa ahayd Madaxweynaha oo safar ku maqan in Wasiirka maaliyadda Xassan Shire isku dayo in uu hor istaago lacago Madaxweyne ku-xigeenku soo qoray, waxa taas raacdey in Axmed Karaash uu buuxiyey booska Agaasime waaxeed uu baneeyey Wasiirka maaliyaddu ee wasaaradda Xanaannada Xoolaha, waxa uu xilka ka qaadey Agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta una magacaabey mid kale. Madaxweyne Deni markii uu dalka ku soonoqdey waxay Karaash ka wada hadleen isbedalada uu sameeyey, laakiin Axmed Karaash waxa uu ku adkeystey in dastuurku awood u siinayo in uu dalka maamulo inta Madaxweynuhu ka maqan yahay oo uu yahay siihayaha Madaxweynaha qabana karo shaqadiisi, arrintan waxay sababtey muran dastuuri ah waxayna ahayd bilowga kala shakinta. Awoodda Madaxweyne-kuxigeenka dastuurku siinayo Marka hore dastuurka Puntland iyo qaab dhismeedka Golaha awoodda fulinta iyo Golaha sharci dejintu waa mid is khilaafsan. Dastuurka Puntland waxa uu ka hadlaa Baarlamaan shacabku soo doortey oo xisbiyo ku dhisan iyo Madaxweyne iyo ku-xigeenkiis Baarlamaan la soo doortey ay doortaan, sidaas darteed waxa lagu shaqeeyaa oo lagu dhisaa haykalka dowladnimo waa lifaaq dasuurka la socda. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaq u lee yahay in Madaxweynuhu kala tashado shaqooyinka waaweyn ee socda sida dhismaaha xukuumadda, dhismaha guddiyada, dhismaha golaha garsoorka iwm. Wadatashiga maahaan mid ah waan kuu sheegay ama i waaqaf ama ha i waafaqin, ee waxa la doonayaa in uu ku dhisan yahay in la isugu yimaado meel dhex-dhexaad ah ama wax la isu oggol yahay (consensus). Haddii kale waxay noqoneysaa in Madaxweyne ku-xigeenku noqdo Sanam ama wax-matare, maxaa loo dooranaayey? maxaa dastuurka loogu daray?, sidoo kale waxaa meesha ka baxay awood qaybsiga la asteeyey 1998, maxay tahay sababta Madaxweyne ku-xigeenku uga imaan waayey gobol kale, sabab ayaa loo dooran waayey Saadiq & Salwe, waxa la doonayaa in Puntland la isku hayo, haddii jiritaan ahaan (physically) la isugu hayn waayey oo awood loo sheegtey dhulkeedi waxaa lagama maarmaan ah in si kale la isugu hayo, haddii dhulkii maqan yahay dadkii ayaa jooga. Khilaafka magacaabista guddiga doorashooyinka Khilaafka u danbeeyey ee dibadda u soo baxay ayaa ahaa kadib markii Madaxweyne Deni dhamaystiray 9 Xubnood ee Guddiga Kumeel-gaarka ah Doorashooyinka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay in aan lagala tashan dhismaha guddigaas, sidoo kale sifo sharci ah aan loo marin ayna baal marsan tahay Lifaaqa dastuurka qodobkiisa 1aad. Haddaba sida aan ogaaney khilaafkan waxa uu salka ku hayaa magacaabista labada xubnood ee ka imaanayey gobolka Sool. Sida horey loo ogaa waxay ahayd arrin ka dhexeysey labada masuul ee dalka u sareeya, in ay kala tuurtaan ama talo wanaagsan la geliyo Madaxweyne ku-xigeenka. Wararku waxay sheegayaan in mid kamid ah xubnaha guddiga doorashada uu keenay Xildhibaan ka soo jeeda degmada Buuhoodle. Waxaa jira muran kale ee aan weli si weyn u soo shaac bixin kaas oo ah mawqifka Madaxweyne Deni ee Somaliland iyo dhulka ay Puntland ka haysato, kalfadhigii Baarlamaanka ee soo xirmey waxaa Xildhibaanadu dalabadeen in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu baarlamaanka hor yimaadaan si wax looga weydiiyo qaddiydda Sool, Sanaag iyo Cayn laakiin waa ka cudurtaartey Madaxweynaha, waxaa jira guux sheegaya in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Madaxweyne Deni waxa uu ku dhawaaqey in uu wada hadal diyaar u yahay uu la galo Somaliland, laakiin Somaliland waxay sheegatey in ay ka wadahadli karaan Puntland colaada Tukaraq oo keliya. Khilaafku waxa uu xumeyn karaa Sumacadda Puntland Puntland waxay dooneysaa in ay ka baxdo nidaamka beelaha ku dhisan waxaana la doonayaa in loo gudbo nidaamka Xisbiyada ku dhisan, haddaba haddii khilaafku ka bilowdey magacaabista guddigii ka shaqeyn laha, waa maxay fariinta ay caalamka iyo cidkasta oo ku taageeri alahayd ay gaarsiineyso waa maxay saameynta ay ku yeelan karto gobolada Puntland, waxa loo baahan yahay waa bisyel siyaasadeed maahan in loo ekaado maamul goboleedyada aan qaan-gaarka ahayn. Gebagebo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan waxaa laga doonayaa in uu isu arko in uu Puntland oo dhan Madaxweyne ku-xigeen u yahay oo aanu markasta u doodin qaddiyad gaar ah, waxaa la gudboon in uu la shaqeeyo Madaxweynaha oo aanu horseed u noqon Puntland oo kala daadata, waa oday Puntland tiir u ah khibrad leh, waxaa habboon in arrimaha caynkan oo kale ah aanu si degdegah banaanka ugu soo saarin. Madaxweyne Deni waxaa laga doonayaa in uu wadatashi la yeehso Madaxweyne ku-xigeenka, waxa lagu xamanayaa in uu samaystey la taliyaal kale, oo uu kaga maarmey kuwii dastuuriga ahaa, Madaxweyne ku-xigeenka waxaa loo doortey si lamid ah Madaxweynaha, waa sii hayaha xilka Madaxweynaha marka u maqan yahay, haddii kala shaki iyo khilaaf shaqadoodu ku dhisan tahay kaas oo bilowdey sanadkii u horeeyey waxay noqoneysaa “Walee reer aan ogahay ma guuraan” W/Q Maxamed Cismaan
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid u magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland. Caydiid ayaa kamid ahaa Saraakiil hore uga soo goosatay Somaliland, kuwasi oo ku biirey maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni. Hoos ka aqriso wareegtada uu Madaxweyne Deni ku magacaabay Sarkaalkan: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo Wuxuu Xeeriyey: 1 – Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay eedihii uu dhawaan u jeediyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi [Sheekh Aadan Siiro]. Sheekh Aadan Siiro ayaa hore xukuumada Madaxweyne Biixi iyo qoyskiisa ku eedeyay inay ku takri-falaan awoodii dowlada, isla markaanay ay sifo qaldan u adeegsadaan dhaqaalaha iyo awooda xukuumada. Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland ayaa xukuumada uu ka tirsan yahay ka difaacay eedahaasi, isagoona sheegay in Madaxweynuhu marnaba uu ku takri-fali karin dhaqaalaha xukuumada, wuxuuna yiri “Sheekhu siduu sheegay maaha ee way ka duwantahay, sideedaba dawladu waxay ku shaqaysaa waa miisaaniyad miisaaniyadaasina waxay leedahay ilo ay ka soo baxdo, waxaanay leedahay madaxyo ay ka baxdo, wasaarada marka la qorshaynaayo wasaarad iyo hay’ado walba oo dawladeed qayb ayaa la siiyaa”. “Qaybtaas la siiyo laftigeeda hoos ayaa loogu sii daadagaa oo shay waliba waxa uu leeyahay qoondayn, markaas miisaaniyadeedna 47% waa mushahar anigu mushahar ma haysan karo madaxweynuuna ma haysan karo mushaharka waa in la siiyo cidii lahayd sida bajadka ku cad, hay’ad walba intii u qorshaysnayd ayaa la siiyaa sida ku cad miisaniyada”. Wuxuuna intaas kusii daray “Miisaniyada 28% waa hawl socodsiin shidaal, dayactir iyo safar kaasina sidiisa ayuu u baxaa anigu ma hayn karo ileen hadii kale hawshu ma soconaysee waxa soo hadhay 20% kuwaasina waa mashaariicda oo mashaariicdii ka soo wareegtay 2018-kii waanu sii wada daynay”. “Mashaariicdii 2019-ka waxii aan baabuur ahayn waanu sii wada daynay waxa lacag ah oo nagu baaqday oo aanu meel dhiganay ma jiraan, wixii noo soo xarooday ee cashuurta ahaana shilin waliba waxa uu maray halkii loogu talogalay sida ay miisaaniyadu odhanayso fikir khalad ah ayaa laga haystaa wasaarada maaliyada dad badan waxay u haystaan meel sanduuq weyn leh oo lacagtu ku soo xarooto dabadeedna qofka mas’uulka ka ah wasaarada maaliyada madaxweynuhuna sida uu doono inuu ugu tagrifali karo maaha sidaas”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Haweeneey u dhalatay dalka Kenya oo ku takhasustay cunto karinta ayaa taarikh dhigtay kaddib markii ay cunto karisay 75 saacadood oo xiriir ah. Maliha Maxamed ayaa waxay tartanka cuntada karinta bilaawday Khamiistii saacaddu marka ay aheyd 10:00 subaxnimo xilligga magaalada Mombasa , waxaa ay soo afjartay Axaddii saacaddu marka ay aheyd 13:03 duhurnimo. Waa haddii lagu xuso diiwaanka adduunka ee dadka taarikhda cusub sameeyay, waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay oo cunta kariso saacado intaas la eg. Maliha waxay karisay ilaa 400 oo cuntooyin ah oo kala duwan, waxay qaar kamid ah ugu deeqday xarumaha agoontada lagu xaannaaneeyo. Waxaa horey diiwaanka adduunka ee cunto karinta u galay, nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo, Rickey Lumpkin kaaso uu cunto kariyay muddo 68 saacadood, 30 daqiiqo iyo 1 ilbiriqsi oo xiriir ah. Markii la shaaciyay waxay wariyeyaasha u sheegtay in dhibaato badan ay usoo martay guushan ay maanta gaartay isla markaasna ay si weyn ugu faraxsan tahay. “Lugaha ayaa i xannuunaya, hurddo la’aan ayaa iku dhacday” ayay tiri Maliha. Barasaabka Gobolka Mombasa, Xasan Cali Joho ayaa u mahadceliyay haweeneyda 36 jirka ah oo noqotay qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo guushan gaaray. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar-___-Qumanha-19082019.mp3 View the full article
-
Qaran News
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulan kula qaatay Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowladda Bakistaan u jooga Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl. Kulan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaasha Ciidamada Baddaiyo Cirka,waxaana ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaral Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Gacan ka geysaneyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarada iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta guddoonka iyo guddiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Harggeysa ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay urur ka shaqeeya arrimaha haweenka Soomaaliyeed ayaa Waxaa ka hadlay qaar ka mid ah haweenka xildhibaanada ah ee Kulanka ka qeyb galay,waxaana ay xubnahaasi bogaadiyeen dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ka qeybgalka siyaasadda iyo horumarinta hananka dowladanimo. Haweenka Soomaaliyeed ayaa hada leh qoondo la’eg 30% inkastoo haweenka Soomaaliyeed arintaas cabasho ay ka muujiyeen oo ay ku doodayaan In tirada ay rabeen aysan weli helin. Haweenku waxaa ay dowr ku leeyihiin dhamaan hay’adaha kaladuwan ee dalka,sida Baarlamanaka,Xukuumadda iyo meelo kale oo muhiim ah,waxaana aan la dafiri karin kaalinta ay ku leeyihiin horumarka bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay maanta isugu yimaadeen guddoonka cusub ee baarlamanka labaad ee Jubaland iyo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubaland, ayaa laga soo saaray go’aan ku saabsan cidda hoggaamineysa doorashada madaxweynaha. Labada dhinac ayaa waxey isku waafaqeen in baarlamanka lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada madaxweynaha, iyadoo guddiga madaxa banaan ee xaduudaha iyo doorashooyinkuna kala shaqeeyaan dhinaca farsamada iyo hawlaha kale ee looga maarmi waayo. Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay beesha caalamku codsatey in doorashada madaxweynaha Jubbaland uu baarlamaanku kaalin muuqda ku yeesho. Dhinaca kale, baarlamanka iyo guddiga ayaa sheegay inaan waxbo laga badaleynin habraacyadi iyo jadwalka doorashada, oo la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan August. Haddaba hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday baarlamanka
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Mudane Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay. Wafdiga sare ee ka socda Dowladda Qadar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka Mashruuca Dekedda Hobyo. “Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-190819.mp3 View the full article
-
Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland ayaa maanta waxaa lagu dhaarirayay Madaxtooyada magaalada Garowe, waxaana goobjoog ahaa madaxweynaha Siciid Cabdillaahi Deni. Dhaarta ka dib Madaxweynaha ayaana bogaadiyay guddiga waxaa uuna kala dardaarmay in shaqadii loo igmaday ay ka soo baxaan si hufnaan ah, lagana sugaayo in sida uu qabo axdi qarameedka Puntland lagu dhisay oo ah in maamulka la gaarsiiyo doorasho hal qof iyo hal cod ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.” Mr. Deni oo sii hadlaya “Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan” Guddigaan uu dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa qaadacay madaxweyne ku-xigeen Cabdi Cismaan Karaash, assaga oo sheegay inuu madaxweynu wax tashiya uusan kala sameynin magacaabista guddiga doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta ku yimid dalka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay. Wafdiga sare ee ka socda Qadar waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyada oo ay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Igaarsiinta iyo Dekadaha ee Dowladda Qadar si wadajir ah ugu dhawaaqeen daahfurka mashruuca dekedda Hobyo. “Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qadar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Click here Qaran News