Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,304
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inta Somaliland dimuqraadiyadu ka jirtay waxa halhays noqday: Cidday Gabiley u codayso ayaa guulaysata. Waxaan muran ka taagnayn inay Kursiga dalka u sarreeya ay reer Gabiley saareen madaxwayne Siilaanyo 2010 iyo Madaxwayne Biixi 2017. Xisbiyadoo dhanna qireen in Gabiley guusha lagu kala helo. Waxa khamiistii dhowayd lagu dhawaaqay natiijada imtixaanka ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare ee Somaliland. Xafiiska imtixaanaadku wuxuu soo saaray tirada guud ee ardayda u fadhiisatay labadaa imtixaan ee aan kor ku xusay. Isla markaa wuxuu xafiisku u kala dhigay tirada ardayda Gobol – Gobol. Waxa dadka Somaliland aad dhegahooga u soo jiitay tiro badnida ardayda ka soo baxday Gobolka Gabiley. Tiro ahaan waxay galeen ardayda gobolku kaalinta afraad. Waxa ka arday batay kaliya saddex gobol: Kaalinta 1aad: Gobolka Maroode-Jeex (gobolkan oo gobolada dalka oo dhan oo la isku daro ka tiro badan). Kaalinta 2aad: Gobolka Togdheer. Kaalinta 3aad: Gobolka Awdal. Kaalinta 4aad: Gobolka Gabiley ( oo ka tiro batay gobolada Sanaag, Sool iyo Saaxil). Arrintani waxay markhaati 2aad u tahay tiro badnida dadwaynaha deggen gobolka Gabiley. Waxa la yaab leh gobolka tiro ahaan dalka muhiimaddaa u leh (Kama hadlaayo imika xagga wax-soo-saarka beeraha iyo cashuuraha oo gobolka Gabiley kaalinta 1aad ku jiro) in uuna ilaa imika helin gobolnimo rasmiya. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay 7 gobol oo Madaxwayne Riyaale magacaabay laakiin ilaa maantadan aan joogno aan la sharciyayn. Inkastoo gobolka Awdal wareegto wasiirkii arrimaha Gudaha ee Faqashtii Gen. Dafle ku magacaabay (dabcan isagoo oggolaansho ka haysta soddogii Gacan-ku-dhiigle Siyaad Barre) oo aan ilaa iyo imika aan gole Baarlaman oo dastuuri ihi uuna ansixin. Gobolka Saaxilna uu madaxwayne Cigaal magacaabay hase yeeshee aan laftiisa la ansixinin, haddana waxa labadan gobol loola dhaqmaa maanta sidii ay yihiin gobollo rasmiya. Inkastoo xuduudaha gobolka Awdal muran badan ka taagan yahay. Siyaasiinta Somaliland ma doonayaan inay ka hadlaan arrinta xuduudada gobolada Somaliland. Siyaasi walba waxa ku oodan haddii aad Ka hadasho xuduudada gobolada siiba kuwa Awdal inay luminayaan codka reer Borama. Laakiin gobolada uu magacaabay madaxwayne Riyaale sidii gobolo rasmiya Xukuumaddu ulama dhaqanto. Malaha waxa ugu wacan tirada badan ee gobol uu madaxwayne Riyaale hal mar magacaabay. Goboladaa oo qaarkood tuulooyin yar yar yihiin oon runtii aan u qalmin in gobol lagu magacaabo. 6da gobol ee Gabiley mar lala magacaabay marka tirada dadkooda la isku daro waxa ka tiro badan gobolka gabiley kelidii!! Xataa gobolka Sanaag oo dhul ahaan dalka u wayn ayuu gobolka Gabiley ka dad badan yahay (eeg tirada ardayda iyo codbixiyaasha doorashooyinka). Haddaba gobolka qiimahaa leh wuxuu gobol rasmiya u noqon waayay sababahan hoos ku qoran: Siyaasiintiisa gobolka oo qaybsan, badankooduna ay yihiin dad reer ahaan uun lagu doortay oon aqoon, garaad oo wax qadiyada gobolka dhaafsaday jago iyo dan gaar ahaaneed.. Bulshada gobolka oon ahayn bulsho isku duuban, aan la hayn hoggaan dhaqan iyo siyaasadeed oo midaysan. Guud ahaan dadka gobolka Gabiley oo qaddiyadda Somaliland aad iyo aad ugu wayn tahay, dantooda goboleedna ka hormariya qaddiyadda Somaliland iyo isku duubnida dadka Somaliland. Arki maysid odayada Gabiley oo sida reer Awdal, reer Sanaag ama gobollo kale qaylinaya; qaddiyadda ama ammaanka Somaliland ku hanjabaya haddaan dantooda reer ahaaneed loo fulin. Qodobkan 3aad ammaan bay ku mudan yihiin reer Gabiley laakiin iyagoo dalka ilaalinaya waa inay dantooda goboleedna ka shaqeeyaan. Horta, Somaliland ma 5, 6 ama 13 gobol ayey Ka kooban tahay?Jawaabta su’aashaa waxay ku xidhan tahay hadba cida ay maamulka Somaliland uu la hadlayo. Somaliland marka ay la xidhiidhayso United Nations, gobolada waa shan, oo Saaxil waa qayb Ka mid ah Waqooyi galbeed—Unta waxay ula Somaliland gobol ka mid ah Somalia.Markay noqoto doorashooyinka, goboladu waa lix gobol. Marka ay doonayso in la madadaaleeyo dadka reer Gabiley/Guban, si codkooda loo helo goboladu waa 13 gobol.. Reer Gabiley/Guban waa inay ogaadaan in dawlad dhexe oo Somaliland ah oo gobol siinaysa ma jirto. Hadaba maxaa la gudboon dadweynaha reer Gabiley/Guban ? Waa in reer Gabiley/Guban ay u dagaalamaan inay xaqiijiyaan himiladooda ay gobol ku rabaan. Marka hore, waa in la abaabulo olole siyaasadeed oo hogaan leh kana shaqeeya in Gabiley/Guban gobol noqdo. Ololahaas waa inay Ka bilaabmaan deegaanada Gabiley/Guban oo idil, dhallinyaradana iyo qurbo- joogtada waa inay hormood ka noqdaan. Waa in codkooda siyaasadeed ee awoodda badan kula gorgortamaan xisbiyada qaranka. Waa inay madaxwayne Biixi u caddeeyaan inaan mar labaad la dooranayn hadduuna gobolnimada Gabiley dhaqaajin. Waa in siyaasiinta gobolka Gabiley, odayada iyo aqoon yahankuba u hawl galaan iskana kaashadaan sidii arrintani u meel mari lahayd. Wakhtigii doorashooyinka madaxtninamda 2017, Odayaasha reer Gabiley/Guban ayaa ku yidhi Biixi, haddi aan ku taageerno Muusow, Gobolka Gabiley ma ka ansixinaysaa baarlamaanka Somaliland.Muusana waxa uu ku jawaabay, “Ma waxaad doonaysaan in reer Dalal gobol siiyo.” isagoo ka dhigayey in gobolka Gabiley/Gabiley ay wataan reer ama gobolku inuu yahay oo keliya magaalada Gabiley! Dadweynaha reer Gabiley/Guban dooni maayaan wax la siiyo, sida beelaha qaarkood. Gabiley/Guban waa gobol dad, dhul iyo dhaqaale ay ku noqdaan Gobol leh, xuduudna kala leh xaga waqooyiga Gacanka Cadmeed. Gobolkaas waxa ku nool in ka badan afar beelod. Laakiinse, waxa ka hortaagan oo keliye inay noqoto gobol madaxbanaan waa siyaasiin fashilmay, ee uu Muuse Biixi ka mid yahay. Beenta laga wado Borama iyo Hargeisa socon mayso. Siyaasiin badan oo reer Hargeysa ayaa weli u haysta Gabiley, Wajaale, Alleybadey, Arabsiyo, tuulooyin yar yar oo Hargeisa ka tirsan. Siyaasiintaas weli waxa ku qalifan in wadanku uu 1960 uu ku jiro. 1960, magaalada ugu dad badnayd Somaliland waxay ahayd Berbera.Laakiin, maanta lagu ma jiro 1960. Gobolka Gabiley/Guban noqon maayo gobol dadkiisa iyo dhulkiisa abatarsiimo lagu sheegto, laguna helo codad lagu gaaro xafiis sare. Gabogabo:Reer Gabiley/Guban waa inay hurdada ka kacaan; danahoodana waxa walba ka hormariyaan. Haddii dawlada dhexe ee isku buuqsan ay dhagaha ka furato rabitaanka reer Gabiley/Gabiley, waxay u badnaan doontaa inay gobolkooda gacantooda ku xaqiijiyaan. Guul baan u rajeynayaa reer Gabiley/Guban , iyo gobolka Gabiley/Gabiley, xadna la leh Gacanka Cadmeed, degmada Lug-Yaha ay ka mid tahay. Wa Billahi tawfiiq A.Amir Bidde Hargeisa, Somaliland Posted by Ali-Guban Mohamed Qaran News
  2. Jubbaland regional parliament will take over the responsibility of managing the upcoming elections in the state ahead of the presidential elections. A statement from the state assembly on Monday confirmed the role following a meeting between the new speaker, his two deputies, and officials from the independent electoral body. The sides agreed that soon to be appointed regional assembly committee to take the leading role in the implementation of the election which is slated on 22nd August. “Regional assembly leadership and the independent electoral body have agreed to transfer the responsibility of managing the election process to the parliament with the poll agency helping in the technical capacity.” The letter sent to the newsroom said. It further stated the move was meant to address the request by the international community delegation earlier to the regional leadership to allow the parliament to manage the democratic process. “The regional parliament and the independent electoral body reached the decision to accommodate the recommendations of the international community,” the statement noted. Meanwhile, Jubbaland Presidential candidates including the incumbent, Ahmed Mohamed Islam have appeared before the new assembly to address their manifesto on Tuesday. Most of the contenders pledged to improve relations with the federal government, improve the local economy and embark on an offensive against armed group al-Shabbab to liberate areas still under their control in the state. View the full article
  3. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku dagaalamay degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag waxaana Puntland ay soo bandhigtay gaadiid uu kujiro gaari nooca dagaalka ah iyo [...] Source
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubbaland, gaar ahaan garabka la magac baxay bad-baadada Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland. Sidoo kale baarlamaanka maanta magacaabay guddiga doorashada, ayaa waxay soo saareen habraaca doorashada madaxweynaha Jubbaland, oo ay sheegeen in la qabanayo 22-ka bishan. Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 13 qof, dhaamaantoodna waa xildhibaanada garabka ay ku dhawaaqeen musharaxiin is-baheysatay oo kasoo hor jeeda, hanaanka loo wado doorashada maamulkaas.
  5. Guddoomiyaha Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay dawladda FS ku bixinayso mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo ahmiyad weyn u leh dadka ku dhaqan gobolada dhexe. Guddoomiyaha ayaa dhismaha dekedda Hobyo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka,wuxuuna bogaadin iyo ammaan gaar ah u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dalka Qadar. Suldaan C/naasir Jaamac Seed iyo Nabadoon Firdhiye oo ku hadlayay afka Waxgaradka gobolada dhexe ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in mashruucan uu rajo weyn ku abuurayo bulshada umadda ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay ka mid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana shalay mar kale lagu dhawaaqay in mashruuca dhismaha dekadda la bilaabi doono dhowaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Warar dheeraad ah oo hadda soo baxay aya xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay Somaliland ka qabsadeen gaari nooca Teknikada ah oo la socday wefdiga guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar. Wefdiga Somaliland oo ku socday dhinaca magaalada Badhan ayaa waxa weeraray ciidamo ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) halkaasi oo dagaal culus ku ku dhexmaray labada dhinac. Wefdiga waxaa lagu weeraray nawaaxiga degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan waxaana sida la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay laba askari oo dhinacyadii dagaallamay ah halka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale. Bulshada ku dhaqan Hadaaftimo ayaa sheegay in wefdiga Somaliland ay dib u laabteen islamarkaana ay Puntland ka qabsatay gaari Land Cruiser oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Badhan Maxamuud Xaamud. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ayaa hadda xaqiijiyay in ay wefdiga Somaliland ka qabsadeen gaari kale oo nooca Teknikada ah kaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida sheegeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo gaari Teknika ka qabsatay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  7. MOGADISHU (HOL)- AMISOM force commander Lt. Gen. TigabuYilmaWondimhunegn is today heading to Kismayu barely 24 hours after an Ethiopian military copter was blocked from landing in the southern city by a combined force of Kenyan and Jubbaland forces. Source: Hiiraan Online
  8. Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wefdi ka socday Somaliland ku soo jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kuwaasi oo marayey nawaaxiga degmada Hadaaftimo sida ay sheegeen dadka degaanka. Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa qabsaday gaari Land Cruiser ah oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaban gobol ay u bixisay Badhan oo loola jeedo degmada Badhan iyo degaannada hoos yimaada sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wefdiga Somaliland oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Badhan oo lagu magacaabo Maxamuud Xaamud ayaa dib uga laabtay degmada Hadaaftimo kadib dagaal saacado halkaasi ka socday. Sawirka hoose waa gaariga Puntland qabsatay PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Hadaaftimo appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaray gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goordhoweyd degmada Hadaaftinimo oo ka tirsan gobolkaasi uu dagaal culus ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland. Dagaalkan ayaa la sheegaya in uu weli socdo, isla markaana ay labada dhinac isku adeegsanayan noocyada kala duwan ee hubka. Waxa kale oo lagu soo waramayaa in dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee labada dhinac kaga waxyeeloowday dagaalkan oo weli socda. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in labada dhinac ay hub iyo gaadiid kala qabsadeen, isla markaana ay weli ku dhex dagaalamayan degmada Hadaaftinimo. Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco oo ishana ku hay Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee AMISOM Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Tigabu Yilma ayaa marka uu tegay Kismaayo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaaladaasi. Ujeedka socdaalka taliyaha ayaa la xariira, sidii uu xalin lahaa xiisad u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka taagan halkaasi. Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay shalay ka biyo diideen in Kismaayo ay ka degto diyaarad ciidamo ka soo qaaday dalka Itoobiya. Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa saacadaha soo socda kulamo gaar gaar ah la qaadan doono saraakiisha labada dhinac iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland. Dhaq dhaqaaqyadani ayaa ku soo aadaya, iyadoo 22-bishan doorashada Jubbaland ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  11. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland. Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn. Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne ku xigeenka PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala geli doonin Xuduudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa maanta bilowday qorshe ay ku dayactirayso qaybo kamid ah buundada weyn ee magaalada Garoowe, oo ahmiyad gaar ah u leh isu socodka gaadiidka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Qorshahaan dayactirka ah oo qayb ka ah dedaalo dib loogu dhisayo meelaha burburay ee buundada ayaa waxaa lagu xirayaa afarta geesood ee buundada si aysan biyaha roobku u goyn. Duqa degamda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay inay socoto qiimayn lagu samaynayo buundada dayactirkeeda guud haseyeeshee ay doonayaan in waxyeelada laga dhawro qaybaha bed qaba ee buundada. Dhowaan ayey ahayd markii duqa degmada Garoowe iyo Engineerada shirkadda TTN Turki ay booqdeen buundada si ay u qiimeeyaan baaxadda waxyeelada ay qabto iyo qiimaha ku bixi kara. PUNTLANDPOST The post Dayactir lagu bilaabay qaybo kamid ah buundada weyn ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  13. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha hadda talada haya ee Jubbaland oo maanta khudbad u jeedinayey golaha wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, hadii mar saddexaad loo doorto hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu xooga saari doono dagaalka adag ee lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay heysato ciidan ku filan, islamarkaana uu Al-Shabaab deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan caasimada Bu’aale uga saarayo 18 bil gudahood. ”Jubbaland waxaa ay leedahay Ciidamo cudu leh oo dagaalama,waxaana idiin sheegayaa in mudo 18 Bilood gudahood ah aan Al-Shabaab uga saari doono deegaannada Jubbaland oo ay ka mid tahay Caasimadda Jubbaland ee Buu’aale ayuu yiri Axmed Madoobe.” Khamiista soo socota ayey dhici doontaa doorashada madaxweynaha Jubbaland, waxaana sanadkan loolan adag la kulmaya madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article
  14. Afgooye (SMN) – War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in saaka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dueynta aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyobarow oo ka tirsan gobolkaasi, sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa. AFRICOM ay sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubin sare ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wax khasaare nafeed ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo khasaaro geysta ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. Kismaayo (SMN) – Waxaa maanta tartanka doorashada Jubbaland iska casilay labo musharrax oo ka mid ahaa xubnaha sanadkan isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulkaasi. Labada musharrax ayaa kala ah Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo labaduba ka mid ahaa musharraxiinta garabka taageersan Axmed Madoobe . Musharraxiintan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay sababaha ay uga tanaasuleen doorashada. Ug horreyn musharrax Cabdi Xiis ayaa sababtaku uu ku tanaasulay ku sheegay inuu xeeriyey xaaladaha ka jira Jubbaland iyo dalab uga yimid beeshiisa. Sidoo kale musharrax Axmed Cabdi ayaa isna shaaciyey inuu isku casilay sababo isaga u gaar ah iyo danta shacabka kudhaqan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale waxaa maanta hoolka doorashada ka bilowday hadal jeedinta musharraxiinta loolamaya doorashada Jubbaland. Illaa afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Madoobe ayaa khudbahooda ku horjeediyey xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Inta badan musharraxiinta ayaa soo bandhigay waxqabadkooda ku aadan, haddii loo doorto xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Doorashada ayaa dhaci doonto Khamiista soo socota, balse waxaa weli jira is qab qabsi u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-20082019.mp3 View the full article
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa aad uga hor-timid warqaddii kasoo baxday wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee loo diray guddiga doorashada Jubaland, taasi oo lagu sheegay in haddii guddiga uusan sameyn is-beddelada hanaanka doorasho ee ay dalbatay beesha caalamka, aysan taageeri doonin natiijada doorashada. Waraasadda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay, in inkasta oo guddiga doorashada Jubaland uu is-beddelo dhowr ah ku sameeyey hanaanka doorashada, uu haddana James Swan la yimid dalabyo cusub, islamarkaana uu shuruudo kusoo rogay qabsoomidda doorashada. Kenya ayaa sheegtay inaysan jirin doorasho 100% dhameystiran, xitaa dalalka horumaray ee caalamka, islamarkaana aan la filan karin in doorashada Jubaland ay sidaas noqoto. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu xaqiijiyey in doorashada ay noqoto mid dhex-dhexaad ah, la isku haleyn karo, oo cad, inkasta oo ay jirto inuu wajahayey caqabado xooggan. “Hanaan doorasho oo muddo soo socday hadda waa gebo gebo, wuxuuna marayaa marxald xasaasi ah, isku day kasta oo lagu arbushayo ama dib loogu dhigayo saacaddii ugu dambeysay, waxa uu fowdo iyo xasilooni darro u horseedi doonaa Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya. Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay, sida James Swan uu u xushay cidda uu kala tashanayo arrimahan. “Waxaa xusid mudan in dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa ciidamada ku tabaruca Amisom, uu wakiilka QM ka doortay kaliya Itoobiya inuu arrintan ku war-geliyo” ayey tiri Kenya. “Maadaama Kenya ay qeyb ka tahay beesha caalamka, muhiimna u tahay xasiloonida Soomaalida, islamarkaana deris la tahay Jubaland, islamarkaana aan lagala tashan mowqifka James Swan, Kenya ma aqbali karto in James Swan uu go’aan ku gaaro magaca beesha caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka aqriso qoraalka
  18. The U.S. military says it has conducted an airstrike targeting an al-Shabaab militant in the vicinity of Qunyo Barrow, Somalia, killing a militant. In a statement, U.S. Africa Command says the airstrike was carried out Tuesday in coordination with the Federal Government of Somalia. The command says it appears that no civilians were wounded or killed in the strike. The director of operations for U.S. Africa Command, Army Maj. Gen. William Gayler, says the strike is an example of the pressure U.S. Africa Command places on terrorist networks, including the al-Qaida aligned al-Shabaab.” Gayler says persistent pressure limits militants’ freedom of movement, creates confusion within the network and supports Somali partners “as they continue to take the fight to al-Shabaab.” View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal ay baahisay kooxda la magac baxday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay inay qorsheyneyso in ay u wareegato dhinaca dalka Itoobiya. Muuqaalkan oo socday muddo saddex daqiiqo ah, islamarkaana ay baahisay kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ku baxayey afka Amxaariga. Daacish ayaa dooneyso in ay ka faa’iideysato deganaansho la’aanta ka dhalatay qowmiyadaha is diiddan ee dalkaasi, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Geeska Africa. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dhulka Buuraleyda ee Puntland ayaa horay u soo bandhigtay dagaalyahanno Itoobiyaan ahaa oo ku dhintay dagaallada ay ka wado gudaha Soomaaliya. Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabduqaadir Cali Muumin, waxaana ka barbar dagaalama dagaalyahanno badan isugu jira Soomaali iyo Ajaaaniib intaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo sanadkan ka qeybgashay ciyaaraha Caf Confedration ayaa 30 sano ka dib kulankii ugu horeeyay barbaro la gashay kooxda reer Zanzibar ee Malindi Sports Club,iyadoo taageerayaasha iyo maamulka kooxdan ay soo dhaweeyeen talabadan horomarka u ah. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in sanadkan madaxda xariirka ay ka shaqeeyeen in mudo dheer ka dib naadiyada kubbadda cagta ay ka qeyb qaataan ciyaaraha kala gedisan ee qaarada Afrika,tani ay kor u qaadayso horomarka isboortiga Soomaaliya. Xidigaha Muqdisho City Club oo kulankii ugu horeeyay ku dheelay magaca caasimada tartamada dibada tan iyo markii ay la wareegeen maamulka Gobolka Banaadir 25-November 2018 ayaa barbaro 0-0 la galay kooxda Malindi Sports Club ee ka dhisan dalka Zanzibar guddoomiyaha naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa bogaadin iyo dhiirigelin u diray maamulka iyo xirfadlaayasha naadiga dowladda hoose. Maamulka Muqdisho City Club ayaa horaanta bisha August 2019 is badal ku sameeyay hogaaminta dhinaca macallinka,iyagoo jagada tababarnimo ee kooxda u magacaabay Maxamed Mestiri Lamjed oo u dhashay wadan Tunuusiya wuxuuna booskan ka badalay Xuseen Mblangu Xasan oo shantii lasoo dhaafay mamaulay M.C.C. Guddoomiye xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa Goobjoog u sheegay in ay tahay wax wanaagsan barabarah ay sameeyay ciyaarayahada iyo macallimiinta naadiga dowladda hoose tani ay kor u qaadayso waaya aragnimadooda ka qeybgalka ciyaaraha kala duwan ee qaarada Afrika. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Baraha Ay Gashay Naadiga Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Markii ugu horaysay taariikhda Puntland ayaa la dareemay khilaaf aan qarsi lahayn oo u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa iyagoo aan dhamaysan sanadkii ugu horreeyey ee muddo xileedkooda. Sida muuqata khilaafkan ayaa qarxay markii la magacaabay gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay inaan wax talo ah laga siin xubinihii ay ahayd in madaxtooyadda laga soo magacaabo hase ahaate dadka reer Puntland ee rog-roga siyaasada ayaa aaminsan in khilaafkani muddo huursanaa tan iyo bilowgii xukuumadda cusub uuna ka gun weyn yahay gudiga la magacaabay. Magacaabista gudiga Doorashadda yaa xaq u leh? Gudiga doorashadu waa mid Dastuuri ah waxaana si joogta ah usoo magacaabaayey sadexdii Madaxweyne ee kala danbeeyey Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiwali Gaas iyo hada oo uu soo magacaabay Saciid Deni, mana jiro mid kamida oo weli gaaray hadafkii loo magacaabay, inkastoo gudigan cusub uu maalmo un jiro. Dastuurka Puntland wax kasta oo magacaabis ah wuxuu awood u siinayaa madaxweynaha isagoo la tashanaya madaxweyne ku-xigeenka, inkastoo gudiga ku-meel gaarka ah doorashada uu dastuurku farayo inay si wadajira usoo magacaabaan gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynuhu. Saciid gar leh oo dastuurkaa u ogolaaday inuu gudiga magacaabo!! Dastuurka Puntland ayaa si buuxda ugu ogolaanaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu magacaabo xubnaha uu xaqa u leeyahay ee gudiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka waxaase la faray inuu la tashado ku-xigeenkiisa. Sidaas ayuuna Madaxweyne Deni isugu arkaa inuu gutay waajib dastuuri ah oo kamida awoodihiisa. Axmedna gar leh oo dastuurka ayaa faraya in lagala tashado magacaabis kasta!! Dastuurka Punland wuxuu si muuqata u farayaa madaxweynaha inuu la tashado madaxweyne ku-xigeenka marka uu magacaabis ama xil ka qaadis samaynayo kuwaas oo ay kamid tahay gudiga hada khilaafka dhaliyey, kumase cada dastuurka wax ka dhalanaaya hadii uu madaxweynuhu ka boodo taladda madaxweyne ku-xigeenka in magacaabistaasi burayso iyo inay sideedii ahaanayso. Madaxweyne ku-xigeen Karaash ayaa aaminsan in dastuurku siinayo in lagala tashado magacaabis walba oo la samaynayo, lagana booday qodob dastuuri ah oo awoodihiisa kamida. Yaa kala saaraya marka uu yimaado khilaaf dastuuri ah? Dad badan ayaa qaba inay madaxda Puntland kuwa hada talada haya iyo kuwii horeba aysan u bislayn inay Puntland ka gudubto nidaamka qabaliga ah ee wax lagu doorto ayna u gudubto doorasho uu qof weliba codkiisa dhiibto, marka la eego sida ay madaxdu uga war-wareegayaan magacaabista maxkamadda dastuuriga oo uu dastuurku farayo in lasoo magacaabo, balse gudiyadan doorashada ee mar walba la magacaabo yihiin “Qawda maqashii waxna haw qaban“. Marka uu yimaado khilaaf dastuuri ah sida kan hada ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ma jirto maxkamadii u garniqi lahayd, waxayna ku khasbanaan doonaan inay khilaafkooda ku dhamaystaan xeer jajab, ayna arintooda dhex-dhexaadiyaan waxgarad iyo odayaal dhaqameedka Puntland. Dad badan waxay aamisan yihiin inaysan Puntland suuragal ka ahayn doorasho ku timaada nidaamka axsaabta badan iyadoo ay meesha ka maqan tahay maxkamadii dastuuriga ahayd madaama nidaamkaas oo Dalka iyo dadkaba ku cusub la imaan doono khilaaf iyo is-qabqabsi fara badan, ayna noqon doonto in duqaydii geedka hoostiisa xaaladaha ku dhamayn jirtayna laga tago, xal casri ah oo dimuqraadi ahna aan la gaarin. Isku soo wada duubo dadka reer Puntland ayaa ka wel-welsan khilaafkan cusub waxayna qabaan in hawshu noqoto “Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa“, ayna labada oday ee dalka ugu sareeya arimahooda si hoose u dhameeyaan, isla markaana ay afka iyo uurka is waafijiyaan oo ay soo dhisaan maxkamadii kala saari lahayd marka uu khilaaf dastuuri ah yimaado. PUNTLAND POST The post Saciid gar leh, Axmedna gar leh, Waxaase meesha ka maqan Maxkamadii u garniqi lahayd!! appeared first on Puntland Post.