-
Content Count
209,302 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
WASHINGTON (AP) — Showing a fresh willingness to play politics along religious lines, President Donald Trump said Tuesday that American Jewish people who vote for Democrats show “either a total lack of knowledge or great disloyalty.” Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ayaa fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay inusuan iman karin magaalada. Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hase yeeshee wuxuu dib u dhacay maanta oo arbaco ah, balse waxaa safarkiisa saameeyey amarkaii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xiray xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Tigabu uu goystay diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo. Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo. Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii. Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay. Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”? Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada. Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish. Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County. Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel? W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qatar plans to build a new seaport at Somalia’s Hobyo, a potentially strategic investment in an area of East Africa fiercely contested by Gulf rivals. Hobyo, in the central region of Mudug, is an important Somali port owing to its proximity to the Bab-el-Mandeb Strait, which is one of the most important sea crossing points in the world, with the potential for access to international markets. Qatar Ports Management Company (Mwani) will enter an investment partnership with Somalia to construct the port, the Ministry of Transportation and Communications said in a statement on Monday without disclosing the value of the deal. Saudi Arabia and the United Arab Emirates, which are locked in a protracted dispute with fellow Gulf Arab state Qatar, have been competing along with Doha’s ally Turkey for a foothold in the Horn of Africa, located on key shipping routes. A Qatari delegation led by Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani visited Somalia on Monday. The Hobyo port will “will contribute to opening new horizons of cooperation between the two countries” and bolster Somalia’s commercial ties to new markets in Africa and further afield, the ministry’s statement said. The small but wealthy Gulf state has looked to strengthen ties with Somalia, donating a fleet of 68 armoured vehicles this year and airlifting Mogadishu’s mayor to Doha for emergency medical treatment last month after an ultimately fatal attack by al-Shabab. Somalia refused to take sides after Saudi Arabia and its allies imposed a political, trade and transport boycott on Qatar in mid-2017 over accusations that it supports armed groups, a charge Doha denies. Qatar has looked to diversify its trade partners and retool its economy since the embargo cut access to neighbours it once relied on heavily. Somalia’s relations with the UAE have frayed over Emirati investments in the breakaway region of Somaliland. It disbanded a UAE programme last year, set up to train some of its troops. SOURCE: REUTERS NEWS AGENCY
-
Source
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo was elected in 2017 to accelerate the building and strengthening of “a federal, sovereign, and democratic republic founded on inclusive representation of the people, a multiparty system, and social justice,” which holds a periodic democratic elections Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-20082019-sax.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xiisadda ka jirta Kismaayo ee ka dhalatay isku dayga ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku degaan Fiqi ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in ciidamada Itoobiya ee doorashada loo Jubaland loo adeegsanayo uu ka dambeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku qeexay qiyaanno qaran. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo. Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay. Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey. Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabshay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan. # Ushuba waa Qalab difaac#
-
Kismaayo (SMN) – Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu hakad geliyay howlihii garoonka diyaaradaha Kismaayo. War qoraal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedkaasi ayaa lagu sheegay in loo hakiyey howlaha garoonka doorashada madaxweynaha. Doorashadda ayaa waxaa loo balansan yahay 22-ka bisha August ee sanadkan 2019-ka, iyadda oo dowladda federaalka ay horey u qaadacday. Qoraalka hoos ka akhriso View the full article
-
Gaalkacyo-(Caasimada Online)- Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta muddo kooban la wareegay gacan ku heynta deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Dad ku sugan deegaanka Camaara ayaa Caasimada Online u sheegay inay Al-Shabaab wateen gadiid dagaal oo aad u xoogan, waxayna Shabaab dadkii ku sugnaa Camaara u sheegeen inay gudbinayaan Odayaal dhaqameed kasoo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Al-Shabaab Odayaasha ay halkaas ka qaadayaa waxay sheegeen inay geynayaan magaalada Xarardheere ee isla gobolka Mudug, waxayna Odayaashaas qeyb ka yihiin kuwii soo xulay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ku dhawaad Seddax saac ay ku sugnaayeen deegaanka Camaara, kaddib markii ay soo gaareen Odayaashii ay sugayeena ay u qaateen dhanka degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay dalka ka maamulaan. Degaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maalin ka hor waxaa tagay ciidamada xooga dalka, gaar ahaan kuwa Danab. Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo maalin galinkeed ku sugnaay deekaankaas waxay ka sameeyeen howlgal guri guri ah, iyagoo ka kaxeystay Seddax Nin oo ay sheegeen inay la shaqeynayeen Al-Shabaab. Camaara malahan wax maamul ah waana deegaan weyn, bulshada deganna waxay dhamaantood kasoo jeedaan beesha degta magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online Odayaasha maanta ay Al-Shabaab ka gudbiyeen Camaara ee ka tagay Gaalkacyo waa qeybtii ugu dambeysay ee ka baxda gobolka Mudug. Odayaashaas ayaa la sheegay inay markii hore ka dhaga adaygeen amarkii Al-Shabaab ee ahaay inay iska soo diiwaan galiyaan deegaanadooda, balse ay hadda ku dhiiradeen inay tagaan deegaanada Al-Shabaab si ay u maraan diiwaankooda, kaddib markii ay arkeen Odayaal u tagay ee kasoo laabtay, sidoo kalana intii ka dhaga adeygtay amarkaas dil loogu hanjabay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Canab Maxamed Daahir oo aheyd mushaxii 1aad ee Madaxtinimada Jubbaland ee hortimaada Baarlaamnka, ayaa ka codsatay in baaralaanka ay ku taageeraan codkooda waxaa ayna ka horjeedisay waxqabadkeeda haddii ay ku guuleysato madatinimada Jubbaland waxaana hadalkeedii ka mid aha” sareynta sharciga oo qof, koox aysan u noqan kuwa ka sareeyo sharciga, ku dhaqanka sharciga u dagsan Jubbaland iyo kan faderaalka dowladdeydu waxaa ay u noqonayaan muhiimad gaar ah, labada hey’adood Garsoor iyo Cadaaladda waxaa ay laf dhabar u yihiin bulshada, sidaas daraadeed waxaan xooga saari doonaa daryeel, waxaan kale oo xooga saarayaa amniga iyo dardar galintii loogu jioray midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan gacanta ku soo celiyo gobollada ka maqan gacanta maamulka,waxaan xooga saarayaa is ku keenida umaad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo waarta, waxaan xooga saarayaa caafimaadka aniga oo ku dadaalaya in hooyada iyo caruurta ay helaan isbitaal u gooni ah, waxaan xoojin doonaa ciyaaraha qeybahooda kala duwan iyo garoomo caalami ah, maalgashiga iyo waxbarashada oo aan gaarsiin doono ilaa heer jaamacadeed oo lacag la’aan ah iyo wanaajinta xiriirka Jubbaland kala dhexeeyo beesha caalamka. Maxamed Cumar Xaaji oo ahaa musharaxii 2-aad ee ka hor hadlay Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbalnad ayaa soo gudbiyay wax qabadkiisa haddii uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee Jubbaland, musharaxa ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo ay muhiimsanaayeen ammaanka arrimaha bulshada cilaaqaadka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo inuu ku dadaalayo 7 sano ka dib sigii uu ku gaari lahaa caasimadda maamulaka ee bu ‘aale. ” haddii aan ku guuleyso, oo aad igu gacan siisaan waxaan la’ imaan doonaa siyaasda mideysa dadka dega Jubbaland aniga waxaan ahay nin aad deegaanka ku dhashay, aadna u kala yaqaana guud ahaantiisa, sidoo kale waxaan awooda saaridoonaa sharciga inuu noqdo mid sareeya oo qof ama koox aysan ula tartamin ku dhaqanka sharciga uu noqdo muhiimada koowaad, dhanka kale waxaan awooda saari doonaa amniga iyo nolosha oo maanta muhiimad gooniya noo leh, sidaad ogtihiin magaaladaan aan joogno ee Kismaayo waxaa ay gacanta dowladda ay ku jirtaa 7-sano, waxaa jira wax yaabo badan oo la qabtay wixii la qabtay ayaan horay u sii wadi doonaa, wixii la gaari waayayna waxaan isku dayeeynaa inaan gaarno oo ay ugu wey tahay caasimaddii Bu’aale”. Axmed Maxamed Islaam, oo ahaa mu sharaxii 3-aad ee ka hor jeediyay khudbaddiisa Baarlamaanka, ayaa ku dheeraaday hadalka waxii la soo qabtay muddadii xilka uu haayay, asaga oo sheegay in waxbadan ay soo qabsoomeen laguna guuleystay wax badan, oo ka mid yihiin dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo in maal galin lagu sameeyo gobalada Jubbland. Axmed madoobe ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay lagu guuleystay waxyaabo badan oo ka mid yihiin in la dhisay ciidamo xoogan, waxbarashadana hor laga sameeyay iyo dhanka caafimaadka, asaga oo ka hadlaayo wixii uu qanban lahaa haddii la doorto mar klae ayuu yiri” Waxaan noogu horeyn doona amniga waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ku xoreyn laheyn goobaha wali gacanta Shabaabka ku jira, waqtigii hore ma aanan helin cid nagala howl gasha in badan waxaad maqasheen aniga oo leh hala xisaabtamo dowladda federaalka hanoqo, AMISOM ama beesha caalamka, oo qola walbaa meel ha lagu ogaado oo aan dhaqaano oo aan raadino sidii loo gaari lahaa deegaanada maqan, taas oo keentay in waqti dheer ay qaadato oo ay jiitanto haddana nagu soo gaarto, waxaan ku fakareynaa is ku tashi aan annagu is ku tashaneyno. Mudane Axmed Madoobe oo sii hadlaya “ Waxaan isku dayi doonaan inaan awooda saarno inaan hormarino arrimaha caafimaadka oo Isbitaalada aan casriyeeyno, daawo la hubiyayna aan keeno iyo dhaqaatiir, aan ugu kaaftoomeyno in qof xanuunsaday dibadda aan cafimaad ahaan ugu qaado, oo dadku ay kaga maarmaan baahida badan ay u qabaan, markaan deegaanada aan xoreyno waxaan u soo jeesan doonaa sidii aan ku hormarin laheyn warshadihii gobalkaan uu lahaa, sida Warshadii Sokorta, middii Kartoonka, middii Bariiska, iyo Mashruucii Faanoole”. Maxamuud Muxumud Cumar oo ahaa musharaxii Afaraad ee ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay muddii jubbaland ay jirtay in la qabtay waxyaabo badan waxna aan wali la gaarin in la qabto asaga oo waxyaabaha uu qaban lahaa in ay ugu horeyso in maamulka is ku xirnaan uu yeesho uuna ku dadaali doono sidii gobalka dadkiisa ay maal gashan lahayeen waxaa uu yiri” waxaan ku dadaali doonaa is ku xirnaan maalka ah iyo maalgashi caalami ah oo waafaqsan shuruucda dalka u dagsan, ayadoo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daah furan, oo laga ansixiyay dhamaan hey’adaha iyo golayaasha dowladda, si furanna loogu soo ban dhigay shacabka, waxaana mudnaan gaar ah siin doonaa ilaalinta midniomada Jubbaland, dad iyo dhulba, iyo xudoodaha, waxaan kale oo aan xooga saari doonaa xaqsiinta ciidan, ayadoo qof kasta oo ciidan ah uu heli doono mushaar joogta ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay awaamiir dhanka amniga magaalada Kismaayo gaar ahaan maalinta doorashada, iyadoo Kismaayo laga xiray hawada, dhulka, badda iyo badda, waxaana heegan la geliyay Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo. Halkaan ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cilmi iyo Neef hawo Ciddi kama dheregtee Koonku (Universe) intuu leeg yahay maxaad ka ogtahay? Qaybtii 2aad Gaalaksigeenu waxa uu ka midyahay koox Gaalaksiyo ah oo laysku yidhaahdo kooxda wada taala ama jiiraanka (local Group), waa in ka badan 50 Gaalaksi waxayna ku yaalaan ama ku fadhiyaan masaafo dhan 10 milyan oo sanad ilays {light years} waxaana ugu wayn M31 ama Andromeda galaxy, waxa ku xiga Gaalaksigeena ka seddexaad ee ugu weyni waa M33 isna, Galaksiga Andromeda waxa uu inoo jiraa 2.5 milyan light years ama laba milyan iyo badh sanad ilays, waa masaafo durugsan oo dheer, haddii ay suuro gal noqoto in xawaaraha ilayska lagu Socon karo waxay qaadan lahayd wakhtiga lagu gaadhi lahaa Gaalaksiga inoogu dhaw ee M31 ama Andromeda laba milyan iyo badh sanadood, hubaal waa masaafo aan laga gayoonahay oo ruuxna u socoto bixi karin. Siddoo kale kooxdeenan jiiraanka ah iyo kooxo kale oo Gaalaksiyo ah oo inaga tiro badan ayaa laysku yidhaahdaa (Cluster), iyana siddoo kale Clusters kale oo is biirsaday oo yaala aan wadaagin wax cifisjiidad ah hase yeeshee dhawaansho iskugu xidhan ay masaafo aan laga geyoon karin hadana u dhaxayso ayaa waxa laysku sii yidhaahdaa Super Cluster, markaa waxaynu ka mid nahay (virgo Super Cluster) virgo super cluster waxa uu ka kooban yahay in ka badan 47,000 Gaalaksi ama Goosan, halkii goosanba waxa uu ka koobanyey boqolaal Bilyan oo xiddigood, waa Xiddigo badan masaafada ay ku fadhido virgo super cluster waa masaafo bilyano light years ah oo aanay suurto gal ahayn in koone ilaa koone loo kala goosho ama loo kala gudbo, Haddaba waxa mucjiso ah virgo super cluster baaxadaa leeg marka loo eego Koonka ama Universe ka inta inoo muuqata oo kaliya virgo super cluster waxuu ka noqonayaan Bar dhibic ah waayo (super cluster) kale oo ka waaweyn keena ayaa jira iyo balaayiin Clusters oo kale, meeraheena Dhulka aynu ku guud noolnahay Koonka inta inoo muuqata waa ka ilma aragtay ama Waxaan muuqan, Bal abuurta Illaahay, Koonka aynu ku dhex noolnahay waa koon aad u weyn se illaahii sameeyey ayaa hubaal ka weyn, Allaahu akbar Mahad oo dhan isagay u sugantahay Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Lab gu’ hortood ayay mareegta theEconomist faafisay in sannadkii 1979-kii uu madaxweynihii Jaynuhu meelmariyay sharci ku xaddidaya in aan tirada ubadka laga badin karin mid qudha si loo xakameeyo korriinka cirka ku ganan ee bulshada Jaynaha. Sharcigaas wuxuu keenay in labadii waalid ee Jaynaha ahi kolka uu ilme u calool-galaba ay soo hubiyaan wiil iyo gabadh wuxuu yahay, haddii ay gabadh noqoto way soo ridi jireen (abortion), haddii se uu wiil noqdo way dayn jireen maadaama oo sida ay rumaysnaayeen uu dhaqaale ahaan u taageeri doono kolka ay gaboobaan. Ugu dambayn waxa si aad ah isu dhintay tirada dheddigga iyada oo gaadhay hoos-u-dhac 60 Milyan ah. Macnuhu waa in 60 Milyan oo rag ah ay noloshooda ku waajibtay inay doobnimo ku idlaystaan mar haddii aanay haysan cid ay guursadaan. Haweenka Jaynuhu waxay si aad ah uga faa’iidaysteen fursaddaas dhifta ah iyaga oo guursaday kaliya ragga lacagta leh, kuwa awoodda badan iyo inta ladan. Badanka waxa doobnimadaasi faralka ah dugsaday ragga dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa ku noolaa meelaha magaalooyinka ka fog ee aan waxna qorin waxna akhriyin, waxaana ay xukuumadda Jaynuhu gaadhay heer ay ka cabsato inuu qalalaase ka dhaco loollanka loogu jiro haweenkaas gabaabsiga ah. Toban gu’ hortood gabadha waxa lagu dooni jiray inta u dhexaysa 2,000 ilaa 3,000 oo lacagta Jaynaha ah, jeerka maanta ah se waxa lagu doonaa inta u dhexaysa 200,000 ilaa 300,000 oo lacagtaas ah. Qiimuhu boqol jeer ayuu kordhay lamana hubo inuu dib u soo noqon doono. Raggii miyiga joogay waxay ku soo qamaameen magaalooyinkii waaweynaa maadaama oo ragga magaaladu ay midhmidhaysteen haweenkoodii, miyigiina ay isugu soo hadheen rag isu baxay. Waxa qudha ee miyiga ku weheliyaa waa habro aanay cidina hunguraynayn. Inkasta oo sharcigaas dhalmada lagu xaddidayo la soo afjaray 2015-kii, haddana cidhibtii ka dhalatay weli waxay gilgilaysaa Jayna oo dhan. Ugu dambayn waxay gaadhay in guud ahaan heerka guurku uu hoos u dhaco iyada oo tobanlihii u dambeeyay guurka Jaynuhu uu gaadhay hoos-u-dhacii ugu darnaa ee abid la arko sida ay mareegta Chinadaily ka soo xigatay hay’adaha dawladda. Kunkii qofba waxa is guursaday wax ka yar siddeed qof. Shangahaay oo ah magaalada ugu weyn ee dalka Jayna, heerka guurku wuxuu ka hooseeyaa in kunkii qofba ay shan qof is guursadaan! Xorriyadda qofka oo koobmaysa, maciishadda heerkeedu sarreeyo, guriyaha qaaliga ah, haweenka oo rumaysan in nafhur ta ninka ka badan looga baahan yahay kolka ay guursadaan, iyo dhibka ama dheefta aan la hubin ee guurka la mataanaysan ayaa ah sababaha kale ee iyaguna doorkooda ka qaatay hoos-u-dhaca guurka ee bulshada Jaynaha. Waxa ugu doorran sababahaas in aragtidii bulshada ee guurka qiimaha sare siin jirtay ay is beddashay ka dibna uu yaraaday cadaadiskii uu bulshada kala kulmi jiray qofka aan guursani, kaasi oo ku dirqiyi jiray inuu qofku guursado xiitaa haddaanu isagu doonayn. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa laga bilaabo caawa xiray Xuduudaha Magaalada Kismaayo laga soo galo Sida garoonka diyaaradaha Dekeda iyo Kantaroolada kala duwan iyadoo Mudada Doorashada Madaxweynaha ay socoto Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Booliska AMISOM Kaliyah ay dhaqdhaqaaq ka samayn Karan gudaha Magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo xirtay dhammaan xuduudaha laga soo galo Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa soo saaray go’aano amni oo lagu soo rogay magaalada Kismaayo laga billaabo caawa iyo illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Jubaland ee 22-ka bishan. Go’aannada ayaa waxaa ugu weyn in lagu dhowaaqay in laga bilaabo 6pm makhribnimo 20/08/2019 ilaa 23/08/2019 la xiray xudduudaha magaaladda Kismaayo ee cir, dhul iyo bad. Shir ay isugu yimaadeen guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu dhowaaqay in heegan la geliyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka kuwooda ka howl gala magaaladda Kismaayo iyo nawaaxigeeda. Guddiga ayaa sidoo kale faray hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekadda Kismaayo iyo baraha kantarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan meel maridda go’aankaan. Hoos ka aqriso go’aanka oo dhameystiran
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen200819.mp3 View the full article
-
Inta Somaliland dimuqraadiyadu ka jirtay waxa halhays noqday: Cidday Gabiley u codayso ayaa guulaysata. Waxaan muran ka taagnayn inay Kursiga dalka u sarreeya ay reer Gabiley saareen madaxwayne Siilaanyo 2010 iyo Madaxwayne Biixi 2017. Xisbiyadoo dhanna qireen in Gabiley guusha lagu kala helo. Waxa khamiistii dhowayd lagu dhawaaqay natiijada imtixaanka ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare ee Somaliland. Xafiiska imtixaanaadku wuxuu soo saaray tirada guud ee ardayda u fadhiisatay labadaa imtixaan ee aan kor ku xusay. Isla markaa wuxuu xafiisku u kala dhigay tirada ardayda Gobol – Gobol. Waxa dadka Somaliland aad dhegahooga u soo jiitay tiro badnida ardayda ka soo baxday Gobolka Gabiley. Tiro ahaan waxay galeen ardayda gobolku kaalinta afraad. Waxa ka arday batay kaliya saddex gobol: Kaalinta 1aad: Gobolka Maroode-Jeex (gobolkan oo gobolada dalka oo dhan oo la isku daro ka tiro badan). Kaalinta 2aad: Gobolka Togdheer. Kaalinta 3aad: Gobolka Awdal. Kaalinta 4aad: Gobolka Gabiley ( oo ka tiro batay gobolada Sanaag, Sool iyo Saaxil). Arrintani waxay markhaati 2aad u tahay tiro badnida dadwaynaha deggen gobolka Gabiley. Waxa la yaab leh gobolka tiro ahaan dalka muhiimaddaa u leh (Kama hadlaayo imika xagga wax-soo-saarka beeraha iyo cashuuraha oo gobolka Gabiley kaalinta 1aad ku jiro) in uuna ilaa imika helin gobolnimo rasmiya. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay 7 gobol oo Madaxwayne Riyaale magacaabay laakiin ilaa maantadan aan joogno aan la sharciyayn. Inkastoo gobolka Awdal wareegto wasiirkii arrimaha Gudaha ee Faqashtii Gen. Dafle ku magacaabay (dabcan isagoo oggolaansho ka haysta soddogii Gacan-ku-dhiigle Siyaad Barre) oo aan ilaa iyo imika aan gole Baarlaman oo dastuuri ihi uuna ansixin. Gobolka Saaxilna uu madaxwayne Cigaal magacaabay hase yeeshee aan laftiisa la ansixinin, haddana waxa labadan gobol loola dhaqmaa maanta sidii ay yihiin gobollo rasmiya. Inkastoo xuduudaha gobolka Awdal muran badan ka taagan yahay. Siyaasiinta Somaliland ma doonayaan inay ka hadlaan arrinta xuduudada gobolada Somaliland. Siyaasi walba waxa ku oodan haddii aad Ka hadasho xuduudada gobolada siiba kuwa Awdal inay luminayaan codka reer Borama. Laakiin gobolada uu magacaabay madaxwayne Riyaale sidii gobolo rasmiya Xukuumaddu ulama dhaqanto. Malaha waxa ugu wacan tirada badan ee gobol uu madaxwayne Riyaale hal mar magacaabay. Goboladaa oo qaarkood tuulooyin yar yar yihiin oon runtii aan u qalmin in gobol lagu magacaabo. 6da gobol ee Gabiley mar lala magacaabay marka tirada dadkooda la isku daro waxa ka tiro badan gobolka gabiley kelidii!! Xataa gobolka Sanaag oo dhul ahaan dalka u wayn ayuu gobolka Gabiley ka dad badan yahay (eeg tirada ardayda iyo codbixiyaasha doorashooyinka). Haddaba gobolka qiimahaa leh wuxuu gobol rasmiya u noqon waayay sababahan hoos ku qoran: Siyaasiintiisa gobolka oo qaybsan, badankooduna ay yihiin dad reer ahaan uun lagu doortay oon aqoon, garaad oo wax qadiyada gobolka dhaafsaday jago iyo dan gaar ahaaneed.. Bulshada gobolka oon ahayn bulsho isku duuban, aan la hayn hoggaan dhaqan iyo siyaasadeed oo midaysan. Guud ahaan dadka gobolka Gabiley oo qaddiyadda Somaliland aad iyo aad ugu wayn tahay, dantooda goboleedna ka hormariya qaddiyadda Somaliland iyo isku duubnida dadka Somaliland. Arki maysid odayada Gabiley oo sida reer Awdal, reer Sanaag ama gobollo kale qaylinaya; qaddiyadda ama ammaanka Somaliland ku hanjabaya haddaan dantooda reer ahaaneed loo fulin. Qodobkan 3aad ammaan bay ku mudan yihiin reer Gabiley laakiin iyagoo dalka ilaalinaya waa inay dantooda goboleedna ka shaqeeyaan. Horta, Somaliland ma 5, 6 ama 13 gobol ayey Ka kooban tahay?Jawaabta su’aashaa waxay ku xidhan tahay hadba cida ay maamulka Somaliland uu la hadlayo. Somaliland marka ay la xidhiidhayso United Nations, gobolada waa shan, oo Saaxil waa qayb Ka mid ah Waqooyi galbeed—Unta waxay ula Somaliland gobol ka mid ah Somalia.Markay noqoto doorashooyinka, goboladu waa lix gobol. Marka ay doonayso in la madadaaleeyo dadka reer Gabiley/Guban, si codkooda loo helo goboladu waa 13 gobol.. Reer Gabiley/Guban waa inay ogaadaan in dawlad dhexe oo Somaliland ah oo gobol siinaysa ma jirto. Hadaba maxaa la gudboon dadweynaha reer Gabiley/Guban ? Waa in reer Gabiley/Guban ay u dagaalamaan inay xaqiijiyaan himiladooda ay gobol ku rabaan. Marka hore, waa in la abaabulo olole siyaasadeed oo hogaan leh kana shaqeeya in Gabiley/Guban gobol noqdo. Ololahaas waa inay Ka bilaabmaan deegaanada Gabiley/Guban oo idil, dhallinyaradana iyo qurbo- joogtada waa inay hormood ka noqdaan. Waa in codkooda siyaasadeed ee awoodda badan kula gorgortamaan xisbiyada qaranka. Waa inay madaxwayne Biixi u caddeeyaan inaan mar labaad la dooranayn hadduuna gobolnimada Gabiley dhaqaajin. Waa in siyaasiinta gobolka Gabiley, odayada iyo aqoon yahankuba u hawl galaan iskana kaashadaan sidii arrintani u meel mari lahayd. Wakhtigii doorashooyinka madaxtninamda 2017, Odayaasha reer Gabiley/Guban ayaa ku yidhi Biixi, haddi aan ku taageerno Muusow, Gobolka Gabiley ma ka ansixinaysaa baarlamaanka Somaliland.Muusana waxa uu ku jawaabay, “Ma waxaad doonaysaan in reer Dalal gobol siiyo.” isagoo ka dhigayey in gobolka Gabiley/Gabiley ay wataan reer ama gobolku inuu yahay oo keliya magaalada Gabiley! Dadweynaha reer Gabiley/Guban dooni maayaan wax la siiyo, sida beelaha qaarkood. Gabiley/Guban waa gobol dad, dhul iyo dhaqaale ay ku noqdaan Gobol leh, xuduudna kala leh xaga waqooyiga Gacanka Cadmeed. Gobolkaas waxa ku nool in ka badan afar beelod. Laakiinse, waxa ka hortaagan oo keliye inay noqoto gobol madaxbanaan waa siyaasiin fashilmay, ee uu Muuse Biixi ka mid yahay. Beenta laga wado Borama iyo Hargeisa socon mayso. Siyaasiin badan oo reer Hargeysa ayaa weli u haysta Gabiley, Wajaale, Alleybadey, Arabsiyo, tuulooyin yar yar oo Hargeisa ka tirsan. Siyaasiintaas weli waxa ku qalifan in wadanku uu 1960 uu ku jiro. 1960, magaalada ugu dad badnayd Somaliland waxay ahayd Berbera.Laakiin, maanta lagu ma jiro 1960. Gobolka Gabiley/Guban noqon maayo gobol dadkiisa iyo dhulkiisa abatarsiimo lagu sheegto, laguna helo codad lagu gaaro xafiis sare. Gabogabo:Reer Gabiley/Guban waa inay hurdada ka kacaan; danahoodana waxa walba ka hormariyaan. Haddii dawlada dhexe ee isku buuqsan ay dhagaha ka furato rabitaanka reer Gabiley/Gabiley, waxay u badnaan doontaa inay gobolkooda gacantooda ku xaqiijiyaan. Guul baan u rajeynayaa reer Gabiley/Guban , iyo gobolka Gabiley/Gabiley, xadna la leh Gacanka Cadmeed, degmada Lug-Yaha ay ka mid tahay. Wa Billahi tawfiiq A.Amir Bidde Hargeisa, Somaliland Posted by Ali-Guban Mohamed Qaran News
-
Jubbaland regional parliament will take over the responsibility of managing the upcoming elections in the state ahead of the presidential elections. A statement from the state assembly on Monday confirmed the role following a meeting between the new speaker, his two deputies, and officials from the independent electoral body. The sides agreed that soon to be appointed regional assembly committee to take the leading role in the implementation of the election which is slated on 22nd August. “Regional assembly leadership and the independent electoral body have agreed to transfer the responsibility of managing the election process to the parliament with the poll agency helping in the technical capacity.” The letter sent to the newsroom said. It further stated the move was meant to address the request by the international community delegation earlier to the regional leadership to allow the parliament to manage the democratic process. “The regional parliament and the independent electoral body reached the decision to accommodate the recommendations of the international community,” the statement noted. Meanwhile, Jubbaland Presidential candidates including the incumbent, Ahmed Mohamed Islam have appeared before the new assembly to address their manifesto on Tuesday. Most of the contenders pledged to improve relations with the federal government, improve the local economy and embark on an offensive against armed group al-Shabbab to liberate areas still under their control in the state. View the full article