-
Content Count
209,304 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaciyey in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa howlgala deegaanada maamulkaasi ay yihiin kuwa ugu liita ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Lafta Gareen ayaa guutada 60-aad ee ciidamada dowladda ku eedeeyey in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadani ay ku shaqeeyaan Qabyaalad, islamarkaana ay sii hurinayaan dagaal beeleeyada ka jira maamulkaasi. “Askarta ciidanka qeybta 60-aad iyo saraakiishooda waa ciidanka ugu liito, inuu dad wax taro iska dhaafee dhibaatada ay sameynayaan iyo wax tarkooda 80% dhibaatada ay sameynayaan ayaa badan”ayuu yiri Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xusay in ciidamadaasi ay jidka u taagan yihiin shacabka, islamarkaana ay u geystaan dhibaatooyin kala duwan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen dil dad rayid ahaa oo uu ku jiray marxuum Cali Marguus loogu geystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Danjiraha dalka Suuriya ee Qaramada Midoobey Bashar al-Ja’afari ayaa ugu yeeray dalalka Maraykanka iyo Turkiga inay dalkiisa kala baxaan waxa uu ugu yeeray joogitaanka sharci darrada ah ee Milatariga. Mar uu ka hadlayey kulankii golaha ammaanka ee looga hadlayey ammaanka bariga dhexe iyo caqabadaha nabad gelyada ayuu ugu yeeray Washington iyo Ankara inay tixgeliyaan heshiisyadii qaramada midoobey ee dhigayey inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka madax bannaan. “Maraykanka iyo xuluufadiisa oo ay kamid yihiin ciidamada Suuriya qabsaday ee Turkiga waa in waajib looga dhigaa inay soo afmeeraan joogitaankooda Suuriya, weerarada ay ka fulinayaan, taageerada argagixisada iyo waxyeelaynta dadka shacabka ah”, ayuu yiri Bashar al-Ja’afari. Bashar al-Ja’afari, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey qorshaha uu Turkigu ciidamada ugu soo dirayo gobolka Idlib ee dalka Suuriya si uu taageero u siiyo malayshiyaad ku sugan gobolka. PUNTLANDPOST The post Wakiilka Suuriya ee Qaramada Midoobey,”Maraykanka iyo Turkigu ciidankooda hanagala baxaan”. appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Horseed ee ciidanka xogga dalka ayaa ciyaaraysa kulankii labaad ee tartanka Mohamed VI Champions 2019,iyadoo la balansan kooxda reer Baxreen ee Al-Riffa Sports Club. 18 Bishan ayuu tartanka ka furmay magaalada Casabalnca ee wadanka Morocco,iyadoo ciyaarta furitaanka ay wada dheeleen Horseed oo ka socota Soomaaliya iyo naadiga Al-Zawra’a ee ka dhisan wadanka Ciraaq. Kulankaas qeybta 1-aad naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed ayaa samaysay fursado badan oo goolal waxaana dheesha qeybta kowaad lagu kala maray barbaro goolal la’aan,balse markii leysu soo laabtay ciyaarta waxaa Horseed laga dhaliyay 2-gool oo ay guusha ku qaateen xidigaha kooxda Al-Zawra’a ee dalka Ciraaq. “Horseed Sports Club waxa ay ka mid aheyd kooxaha ugu waaweyn qaarada Afrika 30-sano ka hor,balse iminka waxaan dib ugu soo laabnay kaalimihii nagula yaqiinay wax walbo waa bilaaw waxaan ku da’daalaynaa in diyaar garow wanaagsan u galno sanadaha inagu soo wajahan,si shacabka Soomaaliyeed aan ugu soo hooyo sharaf iyo guulo waaweyn ” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Horseed ee ciidanka xoogga dalka DR.Maxamed Axmed Maxamed. Labada macallin iyo ciyaaryahanada labada dhinac ayaa saxaafada la hadlay,iyagoo ka warbixiyay xaaladaha kooxahooda waxayna sida wadajir u sheegeen in ay diyaar u yihiin ciyaartan xiisaha badan oo ay markii ugu horeesay isku arkayaan tartanka Mohamed VI Champions 2019,inkastoo kooxda Horseed uu kulankan caalamada casaanka kaga maqanyahay Cali Cadde oo ka dheela qeybta daafaca danbe. “Horseed ma qabto wax dhibaato dhamaan ciyaarahanada waa diyaar waxaa koox ahaan naga go’an in aan samayno bandhig sare,inkastoo natiijada ay ka imaanayso xaga Alle,balse waxaa diirada saaraynaa in aan badino kulankan” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay layliyaha Kooxda Horseed Cabdi Joon. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Mohamed VI Champions Kooxaha-Horseed VS Al-Riffa Sports Club Tariikhda-21-08-2019 Maalinta-Arbaco Cimiladda 26° / 20° Saacada Kulanka-8:00pm W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Heavily armed militants with Al-Shabaab have launched an overnight attack against Somali military base in Lower Shabelle region, local residents said. Speaking to Radio Shabelle over the phone, Ali Mohamed Aden, the police commander in the town confirmed that at least one civilian was killed and a soldier wounded in the raid. Aden said the government troops killed four Al-Shabab fighters during the gunfight, adding that the attack was repulsed successfully. Qoryoley, which is an agricultural rich district located 120Km southwest of Mogadishu, the Somali capital was recaptured by Somali and AU troops just 5 years ago following offensive. View the full article
-
Baarlamaanka Somalia oo diyaariyey mooshin ka dhan ah Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin culus oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM. Sida ay ogaatay Caasimada Online qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa diyaariyey mooshinkan oo u jeedkiisu yahay, sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka. Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in mooshinkani golaha la horgeeyo, marka uu furmo Kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya. Mudanayaal ka tirsan golaha shacabka ayaa sheeegay in xildhibaanadu ay dhameystireen mooshin ka dhan ah ciidamada Milatariga dowladda Kenya. Mooshinkan ayaa daba socda go’aankii baarlamaanka Kenya ay u gudbiyeen xukuumadda Nairobi oo ahaa in Biyaha ay sheeganeyso la geeyo ciidamo ka difaaca Soomaaliya. Kenya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabo ka dhan ah Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay farogelin ku heysaa arrimaha doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la filayo in beri ay ka dhacdo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa horay u shaaciyey in dowladda Kenya ay taageereyso Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana sidoo kale warqad shalay ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay qoraalkii dhowaan ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
The authorities at Jubbaland regional state of Somalia have announced new security measures to beef up security ahead of the Presidential election. The decision was reached following the meeting of the state assembly security committee. A statement from the Ministry of Interior on Tuesday declared the shutdown of the main airport, the port, and roads entering the southern port city. Movement air, land and sea transport will be restricted from 20th till 23rd in August in and around Kismayo the statement confirmed. The Ministry further said the move is meant to ensure the peaceful polls slated on Thursday 23rd August. Authorities called upon members of the public to cooperate with Jubbaland regional police and AMISOM police unit whose responsible for maintaining law and order during the democratic exercise. Presidential candidates including incumbent Ahmed Mohamed Islam address the new parliament on Tuesday. They promised security, economic development and strong relations with the federal government. Federal government urged the state officials to follow the Ministry of Interior, Federal Affairs and reconciliation guidelines on elections or risk the outcome not recognized. View the full article
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, yesterday expressed thanks to the State of Qatar for its contribution in building his country’s infrastructure, including Hobyo Port project. In a statement issued by the official Somali news agency, the Somali President thanked the government of Qatar for its contribution to building the country’s infrastructure, including Hobyo Port, which is a strategic economic priority for Somalia and for the region as a whole. The President also hailed Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs, H E Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, and his accompanying delegation’s visit to Somalia on Monday, and the announcement of the launch of the Hobyo Port construction project in Galmudug state in the north-central Mudug region of Somalia. The Hobyo Port will be designed and built according to the latest international standards and the highest level in safety and security fields, that will bring many economic benefits for Somalia in terms of investment returns and great business opportunities. The port will enhance the commercial relationship with new markets in Africa and access to international markets, in addition to providing maritime services to wider areas in Somalia. President of the Federal Republic of Somalia called on other friendly countries to help Somalia in the reconstruction and infrastructure to enable the country to achieve self-sufficiency and development in all areas. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ka hadlay arrinta la’isku hayo ee Maqaamka magaalada Muqdisho. Cosobole ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay hortaagan yihiin in Caasimada ay hesho matalaad siyaasadeed. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay dhegaha ka fureystaan arrinta Maqaamka magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shacabka ay isu soo bixi doonaan, shirkoodana ay qabsan doonaan, ayna ku dhawaaqi doonaan wax ay raalli ka yihiin iyo maamul ay soo doortaan oo ay la xisaabtamaan. “Dadka Gobolka Banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda Dhexe ayaga ku haayo, canshuur ku haayo, amni ku haayo, ciidan ku haayo, hadana looma ogolo in duq magaalo iyo Guddoomiye Gobol soo doortaan, inta aan la gaarin maqaam caasimad, caasumadda maxay noqonayee, anaga waxaa rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho Gole deegaan ay dadka soo doortaan, Golahaas deegaankan uu soo doorto ninka ka noqonaya Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble. Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka mid ah xubnaha si aadka ah ugu ololeeyo in Maqaamkeeda ay hesho magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa si rasmi ah magaalada baydhabo uga furmay shirkii looga arinsanayey arrimaha Tamarta iyo korantada dalka,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh. Madaxweynaha DGKS C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen)ayaana shirkaasi si rasmi ah u dahfuray,waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed xubno k atirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay hormuudka ka tahay barnaamijkan ayaa faah faahisay ahmiyada laga leeyahay shirka,iyadoo muujisay sida ay uga go’antahay wasaaradeeda sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga Tamarka iyo Khayraadka Biyaha guud ahaan dalka,taasii oo baahi weyn ay u qabaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirada Tamarata dowlada goboleedyada oo shirkaasi qeyb ka ah ayaa soo dhaweyeey dadaalka logu jiro horumarinta ka faa’ideysiga Khayraadka Tamarta ee dalka,waxaana ay sheegeen in ay rajo ka qabana in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa bogaadiyey shirka iyo wax yaabaha looga hadlayo Madaxweynaha mudane C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen) oo isagu daah furey shirka ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashey inay in looga fadhiyo natiijo wanaagsan oo wax Ku ool u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed. Shirkaan looga hadlayo arrimaha Tamarta iyo koromtada dalka ayaa soo qaban qaabiyey mas’uuliyiinta sare ee wasaarada tamarta iyo qeyraadka biyaha xukuumada soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib dagaal ka dhacay degaanka degaanka Lafey ee ismaamulka Mandera ee dalka Kenya. Iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo dagaalameyaal ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab. Ruuxa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu ahaa macalin dugsi Quraan oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Mas’uuliyiinta oo xaqiijiyey ayaa xusay in askari la la’yahay dhacdadan kadib, isla markaana ay Al-Shabaab burbursay anteenadda shirkad is-gaarsiin. Maamulka maxaliga ah ee tuuladda ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay kala shaqeyso baadigoobka askariga la la’yahay. Dhinaca kale, Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin falkan, oo baqdin ku abuuray dadka degaanka. Tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, Al-Shabaab oo gudaha dalkaasi guuto ka sameysatay ayaa weeraro ay ku naf-waayeen boqolaal shacab u badan ku dishay. View the full article
-
SINGAPORE (Reuters) - Brent crude oil futures rose above $60 a barrel for the first time in over a week on Wednesday after a data report showed a larger-than-expected drop in U.S. crude inventories, but ongoing worries about a possible global recession capped gains. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland ku dhex maray degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag. Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Puntland oo wata ciidamo uu weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka ay Somaliland u bixiysay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii uu weerar kaga yimaado dhanka Puntland. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dagaalkan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland, islamarkaana guddoomiyaha la weeraray uu ku laaban doono xafiiskiisa. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaal gelinkii dambe ee shalay degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland oo gelbinayey saraakiil katirsan maamulkaasi. Wasiirka warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ciidanka Puntland oo wata 6 gawaarida dagaalka ah ay weerareen guddoomiyaha Badhan ugu magacaaban iyo ciidankii uu watey. Maxamed Muuse Diiriye, oo farriin u diray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa sheegay inay nabad doonayaan haseyeeshee aysan aqbali doonin in Puntland ka arrimiso gobolka Sanaag. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Somaliland oo ka hadashay khasaaraha ka soo gaarey dagaalkii Hadaaftimo farriina u dirtay Puntland. appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in dagalakaasi ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladana uu Hal askari ka dhaawacmay. Ururka Al-shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah laga hayn, iyadoo saakayna xaaladdu tahay mid deggan,walow ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan ciidanka dowladda. Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan ciidanka xoogga dalka, xilli ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa laga dareemayaa magaaloooyinka Dhuusmareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan Galmudug. Shalay ayey aheyd markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaabanayo gudaha maamulkaasi. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi. Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/qor.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guud aahanba waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa wadanka Denmark Mette Frederiksen. Baaqashada kulankaan xasaasiga ahaa ayaa la xiriirta in madaxweynaha Maraykanku uu diidan yahay inuusan ka hadlin iibsiga dhulka loo yaqaan Greenland oo siweyn shirkaan saamayn ugu yeelan lahaa. Donald Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu yiri; “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa”. Axaddii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in dalka Denmark uu leeyahay jasiiradda Greenland isla markaana dalkiisa iyo Denmark ay yihiin laba wadan oo xiriir wanaagsani ka dhexeeyo. PUNTLANDPOST The post Kulan dhexmari lahaa Trump iyo dhiggiisa Denmark oo u baaqday muranka jasiiradda Greenland. appeared first on Puntland Post.
-
Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaa iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo laga soo galo degmadaasi. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi. Cali Waal ayaa sheegay in dagaalkan uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sidoo kalen uu uga dhaawacmay hal askari. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in dhanka Al-Shabaab dagaalkaasi ay kaga dileen illaaa far ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-Cabdiqani.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa. Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland. Qaban qaabadii ugu dambeysan ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureystay baaq ay u soo jeedisay beesha Caalamka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-21082019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay. Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah. Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo. Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay inay taageerayso xubno ka tirsan musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, inkastoo DF ay sheegtay inaysan wax fara-gelin ah ku hayn doorashada Jubbaland. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli Madaxweyaha maamulkaas uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan soohdimaha Kismaayo laga soo galo, si aan loo carqaladeyn doorashada. PUNTLAND POST The post Kulan xalay dhex-maray Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada lasoo doortay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Farmaajo & KHeyre, Nidaamka Federal-ka codka dad-weynaha waa ku aamini waayeen marka waa inay xoog ku dumiyaan! Maamul goboleedka Soomaaliyeed [...] Source