-
Content Count
209,304 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Carrie Symonds oo ah Raysal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson saaxiibaddii ayaa dalbatay fiisaha Maraykanka si ay halkaasi u tagto maalmaha soo socda iyada oo qayb ka ah koox arrimaha degaanka ka shaqaysa oo fadhigoodu yahay Maraykanka hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa diiday in ay siiso dal ku galka. Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in sababta loogu diiday dal ku galka Maraykanku tahay in ay Somaliland bookhatay sanadkii 2018. Symonds oo la socotay Nimco Cali oo reer Somaliland ah ayaa sanadkii hore timid Somaliland waxaanay la kulantay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyada oo muddo shan cisho ah joogtay. Wargeyska ayaa sheegay in ay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ee cusub Mr Boris Johnson arrintani waji gabax ku noqotay maaddaama lamaanihiisa loo diiday in ay arrimo shaqo u tagto dalka Maraykanka. Miss Symonds ayaa Maraykanka ku lahayd kulamo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadeeda iyada oo qayb ka ah urur ka shaqeeya badqabka badaha waxaanay halkaasi tagaysay ka hor todobaadka dambe inta aanay ra’isal wasaare Boris Johnson ku wehelin socdaalkiisa Faransiiska ee shirka waddamada G7. Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in aanay arrintan si degdeg ah u faro gelin Karin madaxtooyada Ingiriisku maaddaama aanu Mr Johnson si rasmi ah u guursan Miss Symonds oo ay wali ku wada socdaan lamaane saaxiib ah. Madaxtooyada Ingiriiska iyo safaaradda Maraykanka ee London ayaan arrintan ka hadal laakiin, ilo diblamaasiyadeed ayaa wargeyska u sheegay in laga shaqaynayo sidii Symonds u tagi lahayd Maraykanka sida qorshaheedu ahaa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres, ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u gudbiyey War-bixin dheer oo uu kaga hadlayo Xaaladda Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Mr. Guterres ayaa War-bixinta uu u gudbiyey Golaha Amaanka kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya Xaaladda Soomaaliya, khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ee la xidhiidha muranka Xuduudda. Xogyaha guud wuxuu si gaar ah War-bixintiisa ugaga hadlay Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Xaaladda Deg-degga ah kaga qaaday Degmooyinka Galbeedka Gobolka Sanaag, Xaaladdaa deg-degga ah oo Madaxweynuhu ku soo rogay ka dib markii ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beello halkaa wada dega, Dagaallaas oo ay ku dhinteen Dad gaadhaya 18 Qof. Guterres wuxuu War-bixintiisa ku xusay in Madaxweynaha Somaliland uu 25 June qaaday Xaaladdii Deg-degga ahayd ee Degmooyinka Gobolka Sanaag, balse Shaqaaqadii Beelaha u dhaxaysay soo laba kaclaysay 7 illaa 8-dii July, 2019. Dhanka kale, War-bixinta wuxuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in inyar oo Horumar ah laga sameeyay in loo soo nooleeyo Wada-hadalladii hakaday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii Xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ay qabatay kulan la doonayey in isugu keeno Labada dhinac, laakiin 17 July uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay Guddi dhinaciisa u matasha Wada-hadallada, laakiin Guddigaasi ay Somaliland ku gacan-saydhay. Waxa kale oo War-bixintan lagu xusay Maxaabiis dhan 17 oo Somaliland iyo Puntland ku kala qabsadeen Dagaalkii Tuke-raq oo ay la kala wareegeen 17-kii July, 2019. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mustafe Maxamuud Cali ayaa go’aamo iyo amaro ka soo saaray shaqo joojin ay sameeyeen Wakiilada Maraakiibta shixnada keena dekeda Magaalada Berbera. Agaasimuhu waxa uu sheegay in guddi Madaxweyne Muuse Biixi uu u saaray inay soo baadhaan sababta keentay in dekeda Berberi ay uga qaalisanaato dekedaha jaarka ah ay markii Warbixintaasi ay soo dhamaysteen ee ay ku ogaadeen in Wakiilada Maraakiibta ee (liners-ku) ay sabab u yihiin ay ku dhaqaaqeen inay shaqo joojin sameeyaan Wakiiladaasi. Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali, waxa uu sidaasi ku sheegay Shir-Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo faahfaahin ka bixiyey Go’aamo iyo Amaro ay xukuumadu ka soo saartay Wakiiladaasi Xafiisyadii ay ummadda ugu shaqaynayeen xidhay oo uu ku tilmaamay talaabo dambi qaran ah, sida uu hadalka u dhigay. Mustafe Maxamuud Cali, Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera, waxay hore u sameeyeen cilmi baadhis ku saabsan maxay dekeda Berberi uga qaalisan tahay dekedaha jaarka ah, waxa noo soo baxday oo warbixintaa ka soo baxdxay in qaaligaasi uu ka imanayo wakiilada maraakiibta ama Liners-ka, iyadoo markii research-kaasi dhamaaday uu madaxweynaha qaranku uu u xilsaaray guddi arintaasi, guddidaasi oo ka koobnayd Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera. Markii baadhistaasi ay soo dhamaysteen guntii iyo gabagabadii waxa usoo baxday habka wakiilada Liners-kak ahi ay ula macaamilaan ganacsatada ama lacagta ay ka qaadaan inay ka qaalisan tahay lacagta dekedaha deriska ah laga qaado, tusaale ahaan halka dekeda Jabuuti lagaa qaadayo marka aad sidato alaabtaada oo laguu xisaabinayo by ownership, hadaad laba container sidatid iyo hadaad saddex container sidatid, hal delivery order ayaa laguu jarayaa intaas ayaad lacagteeda bixinaysaa ama toban sido ama shan iyo toban container sido, halka Wakiilada dekeda Berberi ay ka qaadaan calaa container qofkii uga qaadaan 155 dollar. Guddidaa madaxweynuhu u xilsaaray ee heerka qaran ah ee Wasiirada ahi waxa ay soo saareen go’aan, go’aankaasi oo dhaqangalkiisu uu ahaa maanta, ujeedadiisuna ay ahayd sida looga macaamilo dekedaha jaarka ah ee tartanka kula jira dekeda Berbera siday u dhaqmaan inay u dhaqanto dekeda Berberina ama wakiilada joogaana ay ummadda ula dhaqmaan. Go’aankaa la soo saaray maanta oo bishu tahay 21-ka 8/2019-ka ayuu dhaqangal ahaa, nasiibdaro wakiiladii maraakiibtu may dhaqan galin, waxay ku kaceen shaqo joojin, waxay xidheen dhamaan xafiisyadii iyo shaqadii ay shacabka ugu adeegayeen, taas oo ah dambi qaran, maantana ay xaqiiq tahay oo la soo xaqiijiyey inay xafiisyadoodii xidheen halkii laga rabay inay hirgaliyaan amarkii Madaxweynaha iyo guddidii Madaxweynuhu u xilsaaray iyo arintaa qodobadii laga soo saaray si toos ah ayay u diideen, xafiisyadoodii ayay wada xidheen, arintaasina arin yar maaha dambi qaran weeyi, dawladduna insha allaahu talaabada ku haboon ayay ka soo saari doontaa mudo 24 saacadood gudahooda hadii aanay ku furin oo shaqadii ay shacabka u hayeen aanay qaban nimanka wakiilada maraakiibta ah.” Ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Mustafe Maxamuud Cali. Source
-
(SLT-Pakistan)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira. Pakistan ayaa salaasadii sheegtay inay muranka ay la leedahay Hindiya ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan. Islamabad waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankaas, waxay goysay ganacsiga iyo iskuxidhkii gaadiidkii waxayna caydhisay safiirka Hindiya. Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa u sheegay telefishanka ARY News TV inuu go’aansaday inaan kiiska Kashmir la geeyo maxkamadda cadaaladda. “Go’aanka waxaa la qaatay kadib markii la tixgaliyay dhammaan dhinacyada sharciga,” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadda Pakistan. Afayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Hindiya kama aanay jawaabin hadalkan kasoo yeedhay pakistaan. Hindiya ayaa beenisay in ay ku kacday xadgudubyo xaga Xuquuqul Insaanka ah oo ka dhacay Kashmir. Hindiya iyo Pakistan labaduba waxa ay xukumaan qaybo ka mid ah Kashmir ilaa xornimada 1947 Khilaafka ka taagan gobolka muslimiinta ku badan yihiin wuxuu ahaa goob inta badan ay ay ku dagaalamayaan labadaa dal iyadoo labadii dagaal ee dhax maray labadaa wadan ay dhaceen sannadihii sagaashamaadkii. Source
-
Hargeysa (SMN) – Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland ku dhex maray deegaanka Hadaaftinimo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye ayaa ku eedeeyey Puntland in ay weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday mas’uul ka tirsan Somaliland. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii weerar lagu soo qaado Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xubnaha ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iska soo dhiiba isla markaasina aan marin sharciga saxda ah ee ay ugu talo-gashay maxkamadda. Guddomiyaha Maxamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay jiraan dad ka qayb qaata qarinta xubnahaasi oo is kugu jira shaqsiyaad ka tirsan masuuliyiinta Dawladda iyo qaar kale oo ehelladooda ah. Guddoomiyuha ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in ay guryaha ku haystaan dad aan diiwan gashanayn, islamarkaasina aan marin sharcigii loogu talo galay inay maraan Guddoomiyaha ayaa intaasi u daray in dadkaasi oo qaab qabaa’il guryahay ugu haysta oo saraakiil iyo xildhibaanno is kugu jira ay la mid yihiin Shabaabka Hadalkan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kusoo beegmaya xili Shabaabkii ugu badnaa ay muddooyinkii dambe isku soo dhiibayeen dawladda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso Liibaan Cali Yarow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Liibaan-Cali-Yaroow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkaan Jaraa’id uu Muqdisho ugu qabtay warbaahinta Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan. “July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”. Wasiir Beyle shirkiisa jaraad kaga dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay. Wasiirka ayaa ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda. “Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”. Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood. Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la soo dhoobay waddooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa gaadiidka isaga kala gooshayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa garoonka diyaaradaha iyo dekedda weyn ee magaaladaasi. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu arkayaa halkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in arrintan laga gol leeyahay xaqiijinta amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa beri oo Khamiis ah ka dhaceyso gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi. View the full article
-
Kenya has won the second round of voting at the African Union, effectively getting the UN Security Council endorsement. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markale ka hadashay dagaal shalay degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamadeeda iyo kuwa maamulka Puntland. Wasiirka Cadaalada Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay khasaare ba’an gaadhsiiyen ciidamada Puntland oo uu sheegay inay dagaal ku soo qaadeen gudoomiyaha gobolka Badhan, Badhan Maxamuud Xaamud Cumar. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada Somaliland ay dileen Taliyihii watay ciidanka Puntland ee jid-gooyada iyo weerarka ku soo qaaday Gudoomiyaha Badhan. Wasiirka Cadaalada Somaliland oo dagaalkaasi ka warbixinayay, ayaa wuxuu xusay in madaxweyne Deni uu shirqool u maleegayo madaxda Somaliland, isla markaana uu dabin ahaa wada-hadalkii uu ku baaqay, wuxuuna yiri “Qolo qowlaysata oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si dhuumasho ah waxay usoo dhaafeen ciidamada qaranka Somaliland ee jooga gobolka Badhan iyo hareeraheeda, iyagoona ka soo dusay meel dhulak buuraleyda markii ay ka war heleen in gudoomiyihii si fiican loo soo dhaweeyay”. “Waxayna gudoomiyaha u galeen meel la yiraahdo Karin-duushay oo hadaaftimo iyo badhan u dhaxeysa, kadib markuu ka tagay magaalada, waxbana kamay faa’iidin khasaare weyn ayaa ka soo gaaray, jab baa kasoo gaadhay oo dhibaato weyn bay kala kulmeen, waxaana halkaa ku dhintay Taliyihii ciidankaa watay ee Puntland waxana ku dhaawacmay ku-xigeenkiisi waxayna qaateen dhaawac badan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Deni wuxuu lahaa wada-hadal ban la fureyna Somaliland, taasina waxay aheyd dhagar qarsoon oo uu ku gabanayey kuna gadayey madaxda Somaliland iyo gudoomiyaha Badhan, dhagartiina wey muuqatay wax la aamini karona heshiiska uu sheegayo maaha”. “Wax aan ka heshiin oo naga dhaxeeya majiro, muxuu nagula heshiinaya maba jiraan wax uu nagula heshiiye, mise dalkeenu nagula heshiinaya markaa wax aanu kala heshiino ma jirto oo dalna nalama wadaago, calankii Somaliland wuxuu ka taaganyahay magaalooyinka xuduuda ku teedsan, Badhanina waa badhtamaha”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Shirkaan Jaraa’id uu Muqdisho ugu qabtay warbaahinta Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan. “July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”. Wasiir Beyle shirkiisa jaraad kaga dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay. Wasiirka ayaa ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda. “Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”. Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood. Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho. View the full article
-
Somali forces backed by a local militia group known as Ma'awisley killed 11 al-Shabab extremists and injured 15 others in Jowhar town in Somalia's southern region of Middle Shabelle on Tuesday, military official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
A small region in Somalia is at the centre of a growing power struggle in East Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-21082019.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa taageeray musharaxnimada Kenya ee ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM, kadib codeyn maanta uu qaaday ururuka oo ka dhacday xaruntiisa magaalada Addis-Ababa. Kenya ayaa waxa ay ka adkaatay Jabuuti oo ay kursigan ku loolameen, ayada oo heshay 37 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 13. Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Kursiga ay Kenya dooneyso inay ku fariisato oo ah mid ka mid ah 10-ka dal ee aan xubnaha joogtada ka ahayn Golaha Ammaanka, ayaa billaabanaya bisha Janaayo ee 2021, wuxuuna ku egyahay December 2021, muddo hal sano ah. Kenya ayaa hadda u baahan inay ku guuleysato saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah QM, marka codeynta ay dhacdo bisha June ee 2020. Si kastaba ha ahaatee, taageerada Midowga Afrika ee ah in Kenya noqoto dalka u sharaxan qaaradda Afrika ayaa xaqiijinaya in Kenya kurisgan hesho. Dalalka Midowga afrika oo gaaraya 54 dal, ayaa waxay yihiin 28% dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Guusha Kenya ayaa dhabarjab weyn ku ah Soomaaliya, ayada oo Kenya ay kursigan uga faa’iideysan karto inay abaabusho olole ka dhan ah Soomaaliya, si kiiska maxkamadda ee badda looga laabto, ayada oo taageero ka heleysa dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka. Kenya ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay golaha mariso qaraarka 1267 oo ujeedkiisu ugu weyn yahay in lagu beegsado hantida, dhaqaalaha iyo ganacsatada Soomaaliya, ayada oo lasoo marayo cunaqabteynta Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Wasiirka maaliyadda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay arrimaha deyn Cafinta Soomaaliya, waxyaabaha hortaagan daabacaadda lacagaha cusub ee shilling Soomaaliga iyo hantida qaranka ee ku maqan gacmaha shacabka. Mudane Beyle ayaa sheegay in arrimaha deyn cafinta dalka ay qaadaneyso kashaqaynteeda muddo afar sano ah,sidoo kalena mudo toban sano ah aysan Soomaaliya soo qaadan karin wax amaah ah ilaa ay iska bixiso misa loo cafiyo deymaha lagu leeyahay. Dhanka kalena, wasiirk ayaa sheegay in daabicista lacahagaha Shillin Soomaaliga ah ay u baahan tahay in loo helo lacagtii lagu daabici lahaa taas oo kabadan walow uu sheegay inay lacagtaasi bar kamid ah gacanta kuhayaan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Wasiir Beyle oo ka hadlay sababaha ay lacagta cusub ee Shilling Soomaaliga u daabici waayeen & deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe. Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada loo igmaday ee shacabka Puntland ay ka sugayaan, waxaa uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inuu waxkasta ka hormariyo waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah ee uu u dhaartay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland Maxamed Rooble Cabdi inuu u fududeeyo shaqadiisa, kuna asturo xilkaas loo idmaday DAAWO PUNTLANDPOST The post Wasiiru dowladda wasaaradda caddaladda Puntland oo xilka loo dhaariyey. appeared first on Puntland Post.
-
Background The Background of the article, will give you narrative understanding of Jubbaland from 2013 Up 20 August 2019. Southern Port city Kismayo of Somalia, the transitional seat of the current jubbaland administration crowned second term to hold credible free and fair elections as the state faces and parliamentary and Presidential elections on August 22nd 2019. The president of jubbaland Proposed “Boundaries and Elections Commission in consultations with relevant stakeholders” of which later approved unanimously by the Jubbaland assembly. The elections team comprised 7 members selected in consultation with grassroots communities and traditional elders led by competent leader Mr. Hamza Abdi Aar, who was advisor MoCA at Federal Government of Somalia who contributed 10 out of 15 chapters of the current Provisional constitution. The rich Trade, Commerce, Agriculture and marine resource Kismayo has great potential to Somali and the region at large. Since the fall of the central government in 1991 Kismayo being administered by various groups; include Warlords Islamists groups, Transitional Federal Government Since 2013, jubbaland people established their own administration cemented by their needs. President Ahmed M Islam has been re- elected after a land slide victory of the first round in presidential elections held in Kismayo 2015 August. President Ahmed M Islam who have been leading jubbaland for the past two and half years set to remain more for years term in office starting from 15th August 2015 up to 15th August 2019. The Judge has sworn President Ahmed M Islam holly Quran in the office at the presence of international dignitaries and regional observers include IGAD envoy Mohammed Abdi Affey. President Ahmed and Vice President Fartaag were elected respectively in May 2013at Old Kismayo University Campus over delegates representing Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo. August first constituent assembly adopted a new draft constitution with 300 delegates. President Ahmed M Islam – Profile SH Ahmed M Islam, Somali Muslim Sunni, Born “Jilib” June 1st 1963. A father of 12 Children Ahmed was elected in May 2013 following a month long convention In Kismayo. Sworn in office second Term 15 August 2015 SH Ahmed M Islam wins a record on absolute Majority on both Occasions. Business man and exporter of marine resource. He specifically traded Fish and Lobster for over 15 years prior. SH Ahmed M Islam Previously served as commander in-Chief The RaskamBoni Brigade. Operated in islands under Kiyamboni Area. Which later transformed forces liberated mainly South Central districts ranging from Kismayo up Bandiiradley a small location fall under the administration of Galkacyo District include the Capital City of the country Mogadishu. SH Ahmed M Islam is and was a moderate religious scholar, who breaches the Islamic religion and encourages people to learn their faith. Before entering into to politics he was campaigner of Peace, Stability, Reconciliation and unity across all Somali Region. His father was a wealth and well known scholar of Islamic Religion as well, His father, vertically and horizontally moves in and around From Qorahey District up South Central Region of Somalia Adado, Horizontally To Afmadow and Kismayo in search of posture as they herd animals mainly camel. The mission of herding animals was coupled by spreading Islamic Religion his father Mohammed Islam established A Majlis Call “ Xer” attended over 300 followers for Islamic Studies The attendee’s who were students of the Sheikh receives their graduation in a period of 7 Years. After 7 Years of continued studying, the attendee’s were promoted at the grade of “AW”. The professional graduate of Islamic Scholar receives a permission creating his own entity by promoting learning of Islamic Studies. Alshabaab Liberation and State building. Alshabaab Al Qaeda Affaliated Group suffered series attacks repeatedly by RaskKiyamboni forces since they withdrew Kismayo, Notably, Alshabaab lost major stronghold economic source in the middle of September 2012. Alshabaab Suffered major setbacks while Jubbaland establishment initiative gained a momentum, where jubbaland liberation forces lost both human capital and military equipment. Similarly Kenyan Defense forces liberated Kismayo Through offshore. American Counter terrorism strategy in Somalia relies having a partner in Somalia. US government heavily invested in training and equipment to Somalia military forces working closely with the federal government after their recognition in 2012. The jubbaland initiative was launched, aimed to establish Jubbaland administration namely; Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo in-lined with Provisional constitution approved 2012. Notably it’s important to highlight the FGS under the Hassan Sheikh administration and the 9th Parliament of the country where juncture to development and stability in Jubbaland. The 9th Parliament of the country announced to take “No confident vote”. The otherside of the story HE: President Hassan Sheikh Government and HE: Sa’id Shirdoon was president and Prime Minister respectively. They invested heavily and mobilized gatekeepers include Former Warlord Barre Hiiraale and Some resident communities to declare their victory of election on presidential runoff in 2013 with no even One Vote of legitimate Parliament member. The false declaration victory was intended to violate the hard earned stability initiative of the state formation The Federal government in one side and Interim Jubbaland Administration reached “Addis Abba Agreement” which is binding currently for inclusive politics and Power settlement. Fifteen 15 out of 12 are free from oppression and violation of Al Qaeda Affiliated groups. Three (3) districts remain in the hands Al Shabaab and other associated groups. These Milestone Security and Stability achievement come under the administration of Ahmed M Islam in collaboration with AMISOM Forces. Micro Economic Projection increased, labor market forces accelerated, Kismayo Port Operations doubled, Youth trained with Marketable Skills. The intelligence Department of the State capacity improved. The peace stability and security improvements increased gradually under administration of President Ahmed M Islam. Conflicts over Kismayo The debate who controls Jubbaland and in particular Kismayo went bellowing over a years, the city of Kismayo is one of the most arguably debated constituents in terms of revenue and national resource sharing. Alshabab oppression in 2006 to 2013 left the district to ban the lucrative charcoal trade following February 2012 UN ban on charcoal trade as means counter to their major funding source. Besides Kismayo has communal diversity with multi- lingual population has increased recurrent conflicts. Jubbaland Convention The Jubbaland convention was initially brought representatives from various residents of Jubbaland. The fact finding mission comprised following clans ( Harti, Marehan, Ogaden, Bajuni Galje’El and Awrmale) revealed the possibility to establish a local administration after their careful analysis and in-depth understanding and length talks. That initiative succeeded and established IJA what later transformed Federal Member state the current Jubbaland administration. Prime minister Shirdoon went to Kismaayo to meet Interim Jubba Administration leader Ahmed Madoobe, talks collapsed after a four days of series discussions, the government’s position were firm and even denied talks to continue for further discussions. Later traditional leaders of jubbaland accused Prime Minister shirdoon lack of flexibility and sole decision maker. Prime ministers travel ended up divided communities and power angry associates who are strong ties with Federal government facilitated support both financial and military equipment. In May 2019 Presidents IfTar gathering aimed to listen the Out-going MP’s Baalley Who secured his post once more. The deputy Speaker of the Jubbaland Parliament Stated “Corrupted politicians can’t mobilize us negative actions in ill – fated clan lineages. Principles of State Building and Social Cohesion Jubbaland government has employed in its establishment the theory of “Three Building Blocks “by ensuring various groups undertaken their responsibility to be part of the state formation, below we will discuss academically how jubbaland administration succeeded the formation of the state from the scratch. Social covenants between groups, 2) deliberately inclusive policies across diverse areas and 3) institution capable of holding elites accountable contributes to the formation and maintenance of inclusive social contracts in fragile state in transition period. As noted above Interim Jubba Administration IJA has paid efforts in 2013-14 to reduce conflict and fragility tends to focus excessively on re-crafting the vertical social contract and emphasizes the informal and horizontal drivers of fragility. This article deeply explains how IJA administration has done their best by transforming from chaos and lawlessness to post conflict situation linking their past to present by using special coping mechanism translating the challenges faced in to opportunity getting together people’s will by forming and establishing a federal members states whose branches intersects ensuring the checks and balances as required by the measurement of equity and equality. Particularly, IJA administration underpins more systematic policy that can reduce the underlying fault lines of clan dynamics; hence Kismayo active conflicts started resources include rich agricultural and port revenue management. By appointing port management committee and the appointment of Kismayo district commissioner, President Ahmed Mohammed Islam Gained a momentum to establish administration for the remaining districts. Presidents Ahmed and his advisory team understood making society more cohesive policy more inclusive, institutions more equitable across groups, traditional and hybrid modalities of the state establishment will be more legitimate, new forms of communication are more likely to bridge than exacerbate differences and influential social movements drawn to cooperate. The below Diagram will show you, how president Ahmed Mohammed Islam and his competent team employed The Theory of “ Three Building Blocks” The case study give important and distinctive answers to the three main sub-questions posed above. The results are interesting in isolation of greater interests the combination and interaction of the three main mechanisms (Social Covenants, Deliberately Inclusive Policies and Institutions to hold elites accountable). The formation of inclusive Social contract in fragile states in a transition doesn’t arise through. This article focuses attention on how Movements of each three area’s re- enforces or weakens movement in the other Two and how interaction influences the social contract formation process. Also considered is wether positive movements in atleast two area’s might be sufficient, for a time, atleast partially advance formation of an inclusive Social Contract, even if positive movement in all three might ultimately be necessary for a stable, inclusive Social Contract. The figure above illustrates the Process, showing how the Three Building Blocks are critical to the construction of Social Contract. Each Building Block is represented as a gear to illustrate, that if one doesn’t function well, it can significantly slow the others and have deleterious effect on formation of robust social contracts. Within each building block there are ideal end goal (outlined above) the societies should strive for, so as to ensure that each “Gear” Within the social contract machine works well. Major Achievements President Ahmed M Islam Government – Term in Office 2013-2019 # Indicator One Activity Baseline 0/100 Achievement in % Remarks Political and Governance Democratic Institution BuildPower Sharing Political Settlements ReachedDevolution of political authorityInstitutional Capacity Building for GovernanceJudicial and Legal ReformsLaw Enforcement agencies CapacitatedHuman Rights Observance 70 % Indicator Two Military SNA 43rd Sector Professionalization of the militaryDemobilizationReinsertion and reintegration of demobilized Ex combatants 73 % Indicator Three Social Rehabilitation Repatriation and resettlement of refugees and internally displaced personsExpansion of literacy and education Equitable access to health servicesPromotion of civil society 87 % Indicator Four Economic Growth Rebuilding war-shattered economyEmployment and income generationIncreased economic integration of excluded ethnic, social, or political groups in the economyLand CommissionEconomic decentralizationInter communal trade 45 % Removing Naval ships from Kismayo Port – sink in 1991 A survey conducted during 2017/18 indicated the milestone achievements. The source collected from the information was government Ministries and agencies. The Data Collection Team was SRDI Team include; Lead Researcher and Executive Director. Social Reconciliation Program # Indicator One Activity Baseline 0/100 Achievement in % Remarks Un- Covering The Past Truth commissions Indigenous mechanisms of acknowledging the past 73 % Indicator Two Promoting Dialogue Problem-solving workshops High-profile conferencesConflict management trainingSustained dialog 55 % Indicator Three Developing grass-roots structures for peace Peace committees and commissions Peace research and training organizationsCollaborative activities Scientific and technical collaborationCollaborative development interventions Collaboration in sports, music, and arts 89 % Indicator Four Promoting understanding Through Media Documentaries and films promoting mutual understandingPeace radio and televisionProfessionalization of media, both print and electronicInstitutional infrastructure for independent media 67 % Re- election Bid of President Ahmed M Islam. 2019 to 2023 The electoral and boundaries commission set the final date on 22nd August 2019 Jubbaland Presidential election. As we mentioned earlier Jubbaland will continue un-hindered on the path of development to realize, it’s true destiny with renewed efforts. Although the re- election bid you will get glimpse of the past history of the region as lesson to be learnt for the past. There are Seven (7) commitments that I and my Team are extremely passionate about (A). Security improvement – liberation of area’s under Alshabab and other affiliated extremist groups (B). Education and Health For All. (C). Good Governance (D).Tackling Corruption (E). Inclusive politics include marginalized groups Youth and Women will engage the future of the country as they are force of development. (F) Job Creation (G). Incentivized Private Sector. (H).Environmental Protection (I). Agriculture and Farmers Welfare (J). Counter Piracy Terrorism Strategy (K). Infrastructure Development Include; Road Connectivity From Kismayo To Lamu Kenya, Rehabilitation of Old Port Kismayo and Establishment of new Sea Ports, energy efficiency (L). Industrialization of MEGA Projects include; Mugaanbow Project, Fanooole Project Hide and Skin Factory We thank the People of Jubbaland and their represented Parliamentarians for their keen support, who have enriched contribution with very valuable inputs. The Jubbaland government that I led for the past 7 years was the voice of the people and worked for the people’s will and aspirations President Ahmed Stated in occasion of Eid Ul Ad-Haa Muslim Festival. In addition, Families and Friends, this election is not merely to elect government, it’s an election to ensure jubbaland security, it’s the election That Somalia and in special consideration Jubbaland will depart from poverty to joining East African Economic Power House, it’s an election Federal Government of Somalia and Federal Member States include Jubbaland to take country forward and turn back in international stages on decision making. Come, let us strengthen the people’s will and work together SH Ahmed M Islam to retain his position once again in a land slide victory of Jubbaland Presidential election to be held in 22nd August 2019. Can be reached: Faisal Mataan is Humanitarian Development Advisor and Political Commentator. Founder Sanguni Research and Development Institute (SRDI) based in Kismayo. Studied BA Economics and Political Science Osmania University Hyd India.MBA Elective Human Resource and Marketing Punjab Technical University India Jalandhar. Pursuing M A International Relation and Diplomacy. Currently Advisor Ministry of Planning and International Cooperation Puntland. The post President Ahmed M Islam Re- election Bid Would Foster Regional Development appeared first on Puntland Post.
-
Codeyn goordhow dhacday, dalka Kenya ayaa ku soo baxay kursiga golaha ammaanka, waxaa ay ka adkaatay dalka Djibouti. Codeyn ka dhacday Addis Ababa, Ethiopia, Kenya waxaa ay heshay codad gaaraya 37 halka Djibouti ay heshay 13 cod, waxaana si buuxda ay Kenya qaaradda Afrika ugu matali-doontaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Wararkan, Kala Soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Axmed Madoobe ku weeraray go’aankii uu ku xiray xuduudaha Kismaayo. Maamulka Jubaland ayaa xalay ku dhowaaqay in la xiray xuduudaha magaalada Kismaayo ee dhulka, cirka iyo badda, laga billaabo xalay 6-da maqribnimo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland. Cabdishakuur Cali Mire oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa sheegay inay la yaab tahay “in guddoomiye gobol uu xiro xuduudaha qeyb ka mid ah dalka” Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku yiri “Wax inta badan aan ka dhicin dalalka xorta ah ee gobonimada la aqonsan yahay leh, baa dalkena ka dhaca. Gudomiye gobol baa ku dhawaaqaya in hawada qeyb ka mid ah dalka iyo xududihisa bada iyo dhulku xiran yihiin. Waa miraha ka dhashay qaranjabka iyo si xun u adeegsiga federaalka.” Loolanka Jubaland ayaa la rumeysan in ka sokow federaalka iyo Axmed Madoobe uu sidoo kale u dhaxeeyo beesha Cabdishakuur iyo kasoo jeedo iyo midda Axmed Madoobe, oo sanado badan isku hayey gacan ku haynta Kismaayo. Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa waxa ay dhaceysa 22-ka bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com