Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,304
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta waxaa si rasmi ah Kismaayo uga dhacaya Doorashada Madaxweynaha, Diyaargarow xoogan ayay Jubbaland u gashay in Doorashada aysan shaacin. Wakhtigeeda. Golaha Amaanka ee Qaramada [...] Source
  2. Somaliland agriculture in sector is ranked in importance among the productive sectors after the livestock sector with 20 to 25 % of the population depending directly on the sector for their livelihood. Despite many constraints such as unfavorable climatic conditions, inadequate investment capital, inadequate technical capacity, lack of post-harvest technology, inadequate institutional capacity, inadequate agriculture Research and extension, and poor rural infrastructure, the sector has substantial untapped potential that needs to be harnessed. Somaliland consists of 10 agro-ecological zones of which eight are arid or desert with significant limitation to agricultural production. The total arable land of the country is estimated to be around 350,000 hectares and is concentrated largely on the North-western plateau – Southern Awadal, Gabiley and Maaroodijeex. Crop production in Somaliland is constrained by a multitude of interacting socioeconomic, biophysical, and technical factors, of which water scarcity is the most important biophysical factor. Climate related stresses, particularly amount of rainfall precipitations and distribution impact on crop production and productivity. Figures on food imports suggest that crop production and food aid assistance provided by the international community are not keeping up with the domestic demand for food items. Droughts are the main obstacle for agriculture in Somaliland; however, there are other contributing factors to the poor agricultural performance in the country, such as: I. Lack of enabling environment for Agricultural development II. Lack of research and extension III. Inadequate sustainable water shed management IIII. Decreased productivity and outputs in agriculture sector V. Wide spread pest and diseases in the country VI. Huge post-harvest losses VII. Promote microfinance and microcredit schemes for farmers VIII. Limited formal technical Vocational and Educational training (TVET) and farmer field schools IX. Promote both local and foreign investment interventions on agricultural production X. Lack of knowledge for potential and utilized national arable land XI. Inadequate information collection system XII. Lack of research and extension services XIII. Poor land use techniques leading to degradation of agricultural land; XIIII. Inadequate farm machinery equipment XV. Inadequate support service such input support and credits services; XVI. Inadequate agricultural infrastructure such as irrigation and feeder roads for production. XVII. Lack of leadership for innovation agriculture However, I recommend the following to be adopted by the concerned department to achieve tangible results in the agriculture sector: Gabble the backbone of Somaliland agriculture I. Promotion of increased agricultural production II. Ensuring the country’s food security III. Create conducive environment for agricultural production and provide subsidized farm implements IIII. Promote both local and foreign investment interventions on agricultural production V. Map potential and utilized national arable land VI. Promote microfinance and microcredit schemes for farmers VII. Formulation, implementation and monitoring of agricultural legislations, regulations and policies. VIII. Infrastructure, marketing, trade and investment development. IX. Technical institutional and human resource development. X. Sustainable Watershed Management XI. Manage and control pests and diseases in crops XII. Ensure availability and sustainability management of water for all. XIII. Promote appropriate technologies and practices for minimizing post-harvest losses along the entire commodity value chain XIIII. Supporting agricultural research and promoting technology delivery; XV. Facilitation and representation of agricultural state Cooperatives in the government; XVI. Development, implementation and co-ordination of programmes in the agricultural sector XVII. Regulation and quality control of inputs, produce and products in the agricultural sector; XVIII. Management and control of trans-boundary pests, diseases and invasive species; XIX. Documentation and registration of agricultural land XX. Collection, maintenance and management of information on agriculture sector; and Promotion of sustainable resource management and utilization. Therefore, Somaliland Government should rethink its policy on food security and find ways and means to resolve the issue given the above mentioned. I think part of the solution lies in the leadership qualities, we need to find an expert who has the capacity to address the issues mentioned above. Trading news Qaran News
  3. Prominent economist Abdalla Hamdok has been sworn in as Sudan's new prime minister, leading the country's transitional cabinet months after a mass protest movement forced the military removal of long-time authoritarian President Omar al-Bashir. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (HOL) - Efforts to tame the impact of the ongoing drought in Somalia got a boost this week with the announcement of a £30 million UK aid targeting up to one million people facing starvation in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  5. WASHINGTON (Reuters) - A U.S. military MQ-9 drone was shot down in Yemen’s Dhamar governate, southeast of the Houthi-controlled capital Sanaa, two U.S. officials told Reuters on Wednesday, the second such incident in recent months. Source: Hiiraan Online
  6. UNITED NATIONS, Aug. 21 (Xinhua) -- A Chinese UN envoy on Wednesday said the world should continue to help Somalia strengthen its governance capacity. Source: Hiiraan Online
  7. Maxkamadda sare ee Puntland waxaa saaka dib uga furmi doona dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir kufsi iyo dil loogu geystey magaalada Galkacyo. Wajiga 3aad ee dhegaysiga kiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid aad xasaasi u ah kadib markii maxkamaddu horay u dhegaysatey eedaymaha xukumanayaasha, qareenada u doodaya iyo qiraal mid kamid ah sameeyey. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo. PUNTLANDPOST The post Kiiskii Caasha Ilyaas oo saaka markii 3aad ay dhegaysan doonto maxkadda sare ee Puntland. appeared first on Puntland Post.
  8. Magaala madaxda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta waxaa ka qabsoomi doonta doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka Jubbaland. Doorashadaan oo aad xasaasi u ah ayaa waxaa markale loo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono madaxweynaha xilligaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) maadaama aysan saamayn weyn lahayn xubnaha loolanka kula jira. Marka laga yimaado doorashada ay samayn doonaan xubnaha barlamaanka 2aad ee Jubbaland waxaa iyana dhankooda doorasho samayn doona barlamaankii ay soo xuleen musharixiinta la baxay isbedel doonka, taasi oo ka dhigan inay soo bixi doonaan 2 madaxweyne oo Jubbaland leedahay. Beesha caalamka oo walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka digtey in haba yaraatee wax xasi looni darro ah laga abuuro magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland. DFS oo horay uga soo horjeensatey barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa lafilayaa inay qaadacdo labada doorasho si looga takhaluso soo laabashada Axmed Madoobe, walow ay iyadu dhistay barlamaanka iyo gudiyada ka dhanka ah Axmed Madoobe. Ciidamada AMISOM ayaa gacanta kuhaya ammaanka xarunta doorashada waxaana xiran guud ahaanba isu socodkii iyo cidkasta oo soo geli lahayd magaalada Kismaayo. PUNTLANDPOST The post Kismaayo oo maanta 2 doorasho martigelinaysa & wararkii ugu dambeeyey. appeared first on Puntland Post.
  9. SIDEE AYAY KU TIMID IN URURADA SIYAASADEED EE SOMALILAND TOBANKII SANO HAL MAR LA FURAA ? Somaliland markii ay u guurtay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland afti dadwayne 97% 31 may 2001 , ayaa dalka waxa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed si la isugu habeeyo oo loogu diyaargaroobo doorashooyin dimuqaradi ah oo looga baxo madaxdii lagu soo dooranayey nidaamka shirbeeleedka waxaana la sameeyay Udub , Ucid , Sahan , Birsol , Hormood , Asad , ileys iyo Kulmiye oo ugu dambeeyay . Ururadaasi qaar way isku biir-biireen intii doorashadii dawladaha hoose ee dhacday dabayaaqadii 2002 ka horaysay waxaana doorashadaasi ku tartamay 6 lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Udub , Ucid , Hormood , Sahan , Asad iyo Kulmiye , waxaa soo baxay xisbiyo siyaasadeed loo aqoonsaday sadexdii xisbi ee ugu codka badnaa oo noqday Udub , Kulmiye iyo Ucid ururadii hadhay iyo xildhibaanadoodii deegaanku waxa lagu kala biiray sadexdaa xisbi qaran. Horaantii sanadkii 2003 ayaa loo dareeray doorashadii Madaxweynaha ee ugu horaysay ee dadwaynuhu codkooga cida ay rabaan ku soo saarayeen waxaana ay dhacday April 2003 waxaana ku tartamay sadexda xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid madaxdii u sharaxnayd oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin , Ahmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) iyo Faysal Cali Xuseen ( F.C.Waraabe ) waxaana helay doorashadii xisbigii Udub iyo murashaxiisii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa ku xigeenkiisa mudo xileedkooguna yahay 5 sano , halka ku xigeen Kulmiye uu ugu sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw cali Faarax ( Laba-tole ) ucidna uu ahaa sida aan filayo nin dhintay oo xildhibaan golaha wakiilada ahaa . Sanadku markii uu ahaa 2005 waliba dabayaaqadiisii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada Somaliland si ay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay codkooga ugu soo doortaan wakiilo dadwayne oo gala golaha xeerdejinta Somaliland oo ay iyagu gacantooda ku doorteen mudo xileedkooguna yahay 5 sanadood. Waxa aan dalka ka dhicin oo mudo kordhin lagu sameeyay doorashooyinkii goleyaasha Deegaanka oo ay ahayd in ay dhacaan sanadkii 2007 , sidaasi oo kale waxa aan dalka ka dhicin doorashadii madaxtooyada Somaliland oo mudaysnayd 2008 oo iyadana mudo kordhin lagu sameeyay hal sano ah si ay u dhacdo 2009. Haddaba marka halkaa la Isla marayo ayaa waxaa is abaabulay siyaasiyiin ku qanci waayey sadexda xisbi qaran una arkay in sharcigu ogol yahay in ururo siyaasadeed dalka laga furan karo , iyaga oo ku doodayey in la qanciyo oo lala eego shuruucda dalka, sida Xeer 14 oo intaasi oo meelood ururka/xisbiga qoraya taasina cadayn u tahay in ururo iyo axsaabi tartamayaan iyo waliba sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23aad faqradiisa 3 aad oo si cad u cadaynaysa in muwaadiniintu isku habayn karaan ururo siyaasadeed , waxaanay ku dhawaaqeen urur siyaasadeedkii Qaran. Xukuumadii xiligaa joogtay ee Udub doodna way la furi kari wayday oo sharciga way ku qancin kari wayday wax kale oo ay ku hor istaagi kartana way garan wayday dabadeedna maalin ay dadkii taageersanaa la balameen in ay meel fagaare ah kala hadlaan ayaa la xidhxidhay iyada oo eedo la dhoobdhoobay oo is abaabul iyo wax noocaas ah loo sameeyay laguna xukumay. Khilaaf komishanka doorashooyinka ah iyo in doorashada diwaan galin dadwayne la sameeyo oo lagu galo iyo waliba jiitano iyo iskhilaaf doorasho oo dhawr goor mudadooda la kordhiyey oo dalka khalkhal galiyey ka dib waxa soo dhex gashay beesha caalamka markii ay doorashooyinkii dhici waayeen la iskuna tanaasuli waayey waxaana axsaabta qaranka ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo komishan doorasho oo cusub la dhiso si doorashooyin dalka uga dhacaan. Waxa iyagana la soo daayey siyaasiyiintii urur siyaasadeedka Qaran oo sokeeyahooga ugu dhow uu noqday xisbiga Kulmiye si ay u ridaan xukuumadii Udub oo dalka dhinacwalba la hadhay marka dareenkii iyo qiimeyntii xiligaa taagnayd runta laga sheego , waxaana ay kula heshiiyeen in marka Kulmiye talada dalka qabto waxii gar ah ee sharcigu siiyo loo yeelo oo ururada siyaasada la furo oo ah albaab ay muwaadiniinta raba hogaaminta talada ka soo galaan. Sanadkii 2010 kii bishii June 26 keedii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland laga qabtay doorashadii labaad ee Madaxwayne shacabku gacantiisa ku soo doorto , waxaana ku tartamay sadexdii xisbi ee Udub, Ucid iyo Kulmiye oo ay madaxwayne u ordayeen isla sadexdii murashax ee doorashadii madaxtooyada ee 2003 dii oo kala ahaa Rayaale , Siilaanyo iyo Faysal halka ay ku xigeenadoodu kala ahaayeen Udub Axmed Yuusuf Yaasiin , Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici iyo Ucid oo Alle ha u naxariisto e uu ka sharaxnaa Dr Mohamed Rashiid Sh hassan . Waxaa ku guulaystay xisbigii ugu xooga weynaa mucaaradka oo ahaa Kulmiye waxaana Madaxwayne iyo Ku xigeen noqday Siilaanyo iyo Saylici , waxaa ay kursiga la wareegeen oo la dhaariyey 27 July 2010 , waxaa ay xili yididiilo iyo rajooyin isbadel oo badan ay qabeen dadka reer Somaliland maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee xisbigii mucaaradka ahaa ka guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa intii loo guuray nidaamka dimuqaradiga ah. Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu sameeyay gudi uu u saaray ka soo talo bixinta furista ururada siyaasada oo aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka ee gobol walba talo bixin iyo rabitaanka bulshada soo eegta kuna soo celisa war bixin lagu go’aan qaato , ka aragtidayda ahaan waxa ay iila muuqatay in uu qancinayey xisbigiisa Kulmiye oo intooda badani aanay raali ka aheyn in ururada la furo , laakiin Siilaanyo waxa uu ahaa shaqsi macquul ah oo marwalba jeclaa dimuqaradiyada iyo rabitaanka bulshada. Gudidii markii ay warbixintii soo celisay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo warqad u qoray wax lagaga badalayo xeerkii doorashada oo si cad loogu qeexayo in 10 kii sanoba hal mar la furo ururada siyaasada Somaliland iyaga oo tartan la gali doona sadexda xisbi qaran ee sii jiray , natiijada tartankaa ka soo baxda ayaa sadexda ugu sareeya uun ay noqon doonaan sadexda xisbi qaran oo 10ka sanadood. Dood dheer oo golaha wakiilada Somaliland kaga doodeen xeerka doorashada ee kaabida iyo wax ka badelka lagu sameynayo ayaa waxa loo codeeyay in kaabidaa iyo wax ka badelkaasi sax yihiin oo sidaa lagu ansixiyey Madaxwayne Siilaanyo na saxeexay oo uu xeerkaasi ku dhaqan galay. Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland isku abaabuleen ururo siyaasadeed oo la tartama sadexdii Xisbi qaran ee Udub , Kulmiye iyo Ucid , ururadaasi waxa ka mid ahaa Xaqsoor , Dalsan , Udhis Waddani , Rays , Jamhuuriga , Nuur , umadda , Nasiye , Gurmad NDP , Badbaado , Damal . Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa ay ka qayb galeen ururadii iyaga oo la tartamay axsaabtii hore u jirtay oo uu ka maqan yahay xisbigii Udub oo khilaaf iyo isqabsi soo kala dhex galay hogaankii xisbiga u burburay, sidaasi oo kale dhawr urur ayaa iyaguna aan galin oo ku hadhay qiimayntii; waxaana ay kala ahaayeen Nuur , Jamhuuriga , Udhis , Gurmad , NDP , Badbaado , Damal iyo Nasiye oo isagu tartanka uun ka hadhay waxaana tartamay Kulmiye , Ucid oo axsaabtii ah iyo Xaqsoor, Dalsan, Waddani, Umada , iyo Rays . Waxaana tartankaa sadexdii ugu sareeyay loo aqoonsaday sadexda xisbi qaran ee 10 ka sanadood oo ka bilaabmayey 2012 , sadexda xisbi qarana waxa ay kala yihiin Kulmiye , Waddani iyo Ucid. Haddaba waxa isweydiin leh maadaama oo cimrigii axsaabta uu ka hadhsan yahay laba sano iyo bilo oo loo baahan yahay in ururadii siyaasadeed la furo , doorashada la furayaana ay tahay doorasho gole deegaan oo aanay isku beegmayn mudo xisbiyeedkii sadexda xisbi qaran oo 2022 ga ah , miyaanay haboonayn in doorashada ugu horeysa ee gole deegaan dhacaysa in la furo , hadii ay dhacdo sanadka 2020 amaba 2021 ? Mohamed Abdi Jama hormood@hotmail.com Mob: +252634241005 Facebook: Muhamed Dhimbiil Twitter: @dhimbiil Image Qaran News
  10. Carrie Symonds, the girlfriend of British prime minister Boris Johnson, has been blocked from the U.S. because of a 2018 visit to Somaliland. Source: Hiiraan Online
  11. Hafza Yusuf is a British-Somali textile designer who has started to volunteer her time to give back to her community. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si xoog ah kula wareegay hanti uu leeyahay Marxuum Cabdiitaax Cumar Xalane, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilacda magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Caasimada Online ayaa ogaatay in General Zakiya Xuseen oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ay amartay in la xiro askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane. Hub ka badan 10 qore oo ah nuuca fudud ah, rasaas iyo bastoolado IYO Sidoo kale ugu yaraan 2 gaari oo mid kamid ah uu yahay qooqan ayaa la sheegay in ay la wareegeyn Booliiska Soomaaliya. Waxaa Xabsi ku jira dhalinyaradii hubka heysatay oo diiday in ay wareejiyaan hubkii ay heesteen oo ay sheegeyn in uu yahay hanti ay leeyihiin carruur agoon ah. Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, hantida lagala wareegay ayaa la sheegay in uu si shaqsi ah u lahaa, islamarkaana uusan aheyn hanti dowladeed, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Amarka ay bixisay Zakiya ayaa la sheegay in ay ka dhalatay dood badan, waxaana xiligaas dalka ka maqnaa Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayada oo Zakiya ay aheyd kusime. Waalidka iyo ehelada siyaasiinta ah ee Marxuum Xalane ayaa dalbaday in hubka heshiis ay kula wareegto dowladda, balse waxaa diiday General Zakiya walina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhibaatooyin badan ay soo foodsaartay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan galay imtixaanka Dugsiyada Sare ee Qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa balanta uga baxday Ardayda, waxaana lagu waajib yeelay in ay lacag kale ay siiyaan Dalladaha Waxbarashada oo markii hore ballantu aheyn in Shahaado laga doonto. Dowladda Soomaaliya, Dalladaha Waxbarashada iyo Jaamacadaha dalka ayaa ku heshiiyay ka hor imtixaanka in Ardayda galaan imtixaanka Dowladda shahaadadana ay ka qaataan dowladda oo kaliya. Sidoo kale waxaa heshiiska ku jiray in Jaamacadaha aysan arday ku qaban karin Shahaado aan aheyn midda dowladda balse arimahaas oo dhan ayaa meesha ka baxay. Wasaaradda Waxbarashada ayaa ardayda ku amartay in ay Documents kala yimaadaan Dalladaha ama Shahaado, waxaana intaas lagu bixiyaa $30 halka Shahaadada Dowladdana ay tahay $25 oo ay usii dheertahay Tastiiqin iyo dhalashada iyo sugnaanta. Qofkii sanadkaan ka baxaya Dugsi sare ayaa laga qaadayaa lacag cel celis ahaan dhan $100 oo ay usii dheertahay adeegyada kale ee qoseeya Jaamacadda. Ardayda hadii ay iska daayaan Shahaadada Dowladda, ma awoodaan in ay Jaamacad galaan sababtoo ah waxaa lagu qabanayaa Shahaadada Dowladda oo kaliya. Sidoo kalane la’aanta Dalladaha ma heli karaan Shahaadada Dowladda, waxaana muuqata in ay ku jiraan xero adag oo lacag socoto ah. Waxaa jira culeesyo kale oo ay wajahayaan Ardayda Soomaaliyeed kuwaas oo dhamaantood quseeya qaadashada Shahaadada dowladda, iyadoo markii hore dhib badan ka maray gelista imtixaanka Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Shan bilood ayaa laga joogaa markii ay bishii March wefti ka koobnaa wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab ay socdaal ku yimaadeen Somaliland. Socdaalkaas oo ahaa mid lama filaan ah wuxuu soo jiitay indhaha warbaahinta gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo weftiga soo dhaweyay ayaa wuxuu maalintaas sheegay in weftiga Ereteriya u yimaadeen inay iskaashi la yeeshaan Somaliland, waxaanu yidhi “Weftigu waxa ay u yimaadeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.” Shan bilood ayaa laga joogaa markii ay bishii March wefti ka koobnaa wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab ay socdaal ku yimaadeen Somaliland. Socdaalkaas oo ahaa mid lama filaan ah wuxuu soo jiitay indhaha warbaahinta gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo weftiga soo dhaweyay ayaa wuxuu maalintaas sheegay in weftiga Ereteriya u yimaadeen inay iskaashi la yeeshaan Somaliland, waxaanu yidhi “Weftigu waxa ay u yimaadeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.” Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, wuxuu isagoo dhinac taagan Wasiir Faratoonka Somaliland uu sheegay in socdaalkoodu yahay indha-indhaynta Somaliland, ka dib markii uu Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki soo diray, isagoo yidhi “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.” Weftiga Ereteriya waxa socdaalkooda aad wax uga qoray Warbaahinta gobalka, gaar ahaan warbaahinta dawliga ah ee Ereteriya, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Kenya. Markii weftigu dhawr maalmood Hargeysa joogay, Addis Ababa iyo Asmarana aad looga hadlay socdaalkooda ayaa waxay dad badani qabeen in ugu yaraan uu xidhiidh u bilaabmi doono Hargeysa iyo Asmara, iyagoo maanka ku haya hadalka Wasiirka khaarajiga Somaliland ee ahaa inay inay weftiga Ereteriya u socdaan xoojinta cilaaqaad dhex mara labada dal, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagi doono magaalada Asmara ee Ereteriya. Hase yeeshee, waxa hadal qaadka socdaalka weftigaas Ereteriya iyo xidhiidh u bilaabma Hargeysa iyo Asmara ugu dambaysay markii ay weftigaasi labada xubnood ka koobnaa ka dhoofeen madaarka Hargeysa 20 March. Haddaba, dad badan ayaa aaminsan in socdaalka Weftiga Ereteriya aanay ujeedadiisu ahayn inay xidhiidh iskaashi la bilaabaan Somaliland, balse uu nuxurkiisu sida uu Wasiirka Arrimaha dibadda Ereteriya sheegay ahaa inay soo indho-indheeyaan Somaliland maadaama oo ay Ereteriya 20 sanandood go’doon kaga jirtay dunida. Laakiin ay dawladda Somaliland sida uu wasiirka khaarajiga Mr. Faratoon sheegay u fahantay in Ereteriya doonayso inay iskaashi cusub la bilowdo Somaliland. Diblomaasi aad ula socda siyaasadda gobalka, oo arrintan kala sheekaystay kana gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa aaminsan in Weftiga Ereteriya aanu u socon xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Ereteriya, balse ay u socdeen xog urursi iyo indho-indhayn “Waxa muuqata in Weftiga Ereteriya u socdeen xog urursi, u kuurgalida siyaasadda iyo xaaladda Somaliland ee umay socon dano dhex mara labada dhinac, waxaana dhici kartaba inay farriimo siinayeen Muqdisho.” Diblomaasigani wuxuu intaas ku daray, “Booqashooyinka noocan ah ee mar keliyaata ah ee weliba dhinac keliya ku kooban waxay u badanyihiin kuwo aan qoto dheerayn oo aan daarnayn xidhiidh kobcin, loogana dan leeyahay arrin markaas taagan, waana in aad looga taxadiraa in loo soo wada baxo oo ay calooshaada ka kalluumaystaan.” Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa in sida ay Somaliland qabto uu labada dal u bilaabmo xidhiidh ugub ahi oo ay diblomaasiyadda Ereteriya weli dhexda ku soo jirto iyo in sida ay weftigii Ereteriya sheegeen socdaalkoodu ahaa indho-indhayn iyo xog raadis keliya. Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, wuxuu isagoo dhinac taagan Wasiir Faratoonka Somaliland uu sheegay in socdaalkoodu yahay indha-indhaynta Somaliland, ka dib markii uu Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki soo diray, isagoo yidhi “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.” Weftiga Ereteriya waxa socdaalkooda aad wax uga qoray Warbaahinta gobalka, gaar ahaan warbaahinta dawliga ah ee Ereteriya, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Kenya. Markii weftigu dhawr maalmood Hargeysa joogay, Addis Ababa iyo Asmarana aad looga hadlay socdaalkooda ayaa waxay dad badani qabeen in ugu yaraan uu xidhiidh u bilaabmi doono Hargeysa iyo Asmara, iyagoo maanka ku haya hadalka Wasiirka khaarajiga Somaliland ee ahaa inay inay weftiga Ereteriya u socdaan xoojinta cilaaqaad dhex mara labada dal, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagi doono magaalada Asmara ee Ereteriya. Hase yeeshee, waxa hadal qaadka socdaalka weftigaas Ereteriya iyo xidhiidh u bilaabma Hargeysa iyo Asmara ugu dambaysay markii ay weftigaasi labada xubnood ka koobnaa ka dhoofeen madaarka Hargeysa 20 March. Haddaba, dad badan ayaa aaminsan in socdaalka Weftiga Ereteriya aanay ujeedadiisu ahayn inay xidhiidh iskaashi la bilaabaan Somaliland, balse uu nuxurkiisu sida uu Wasiirka Arrimaha dibadda Ereteriya sheegay ahaa inay soo indho-indheeyaan Somaliland maadaama oo ay Ereteriya 20 sanandood go’doon kaga jirtay dunida. Laakiin ay dawladda Somaliland sida uu wasiirka khaarajiga Mr. Faratoon sheegay u fahantay in Ereteriya doonayso inay iskaashi cusub la bilowdo Somaliland. Diblomaasi aad ula socda siyaasadda gobalka, oo arrintan kala sheekaystay kana gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa aaminsan in Weftiga Ereteriya aanu u socon xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Ereteriya, balse ay u socdeen xog urursi iyo indho-indhayn “Waxa muuqata in Weftiga Ereteriya u socdeen xog urursi, u kuurgalida siyaasadda iyo xaaladda Somaliland ee umay socon dano dhex mara labada dhinac, waxaana dhici kartaba inay farriimo siinayeen Muqdisho.” Diblomaasigani wuxuu intaas ku daray, “Booqashooyinka noocan ah ee mar keliyaata ah ee weliba dhinac keliya ku kooban waxay u badanyihiin kuwo aan qoto dheerayn oo aan daarnayn xidhiidh kobcin, loogana dan leeyahay arrin markaas taagan, waana in aad looga taxadiraa in loo soo wada baxo oo ay calooshaada ka kalluumaystaan.” Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa in sida ay Somaliland qabto uu labada dal u bilaabmo xidhiidh ugub ahi oo ay diblomaasiyadda Ereteriya weli dhexda ku soo jirto iyo in sida ay weftigii Ereteriya sheegeen socdaalkoodu ahaa indho-indhayn iyo xog raadis keliya. Isha: Wargeyska Geeska Afrika Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) yesterday launched a National Workshop on Advancing Gender-Responsive Journalism in Mogadishu in partnership with the International Federation of Journalists (IFJ) and UN Women. Source: Hiiraan Online
  16. Kismaayo-(Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo oo habeenkii labaad uu bandaw ka dhaqan galay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland waxaa caawa la dul dhigay guryo ay magaalada Kismaayo ka daganyihiin qaar ka mid ah musharaxiinta is badadal doonka ah. Ciidamo la sheegay in si toos ah uga amar qaataan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa is weer ka qabtay labo guri oo ay kala daganyihiin musharaxiinta kala ah Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig. Mid ka mid ah labadaas musharax ee guryahooda ay isku gedaameen ciidamadu ayaa waxa uu gurigiisu ku dhex yaalaa hoolka loogu tala galay in bari lagu qabto doorashada garabka is badal doonka oo ay ku mideysanyihiin qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Jubbaland. Qaar ka mid Xildhibanada garab isbadaldoonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadaas musharax guryahooda la dul dhigay xiidamo aad u badan, isla markaana lagu war galiyay inaysan guryahooda kasoo bixi karin. 22-ka bishan oo ku beegan bari oo khamiis ah ayaa labada garab ee ku loolamaysa doorashada Kismaayo, waxa uu sheegay garab walba inuu doorashadiisa qabsa doono. Saacado kooban ayaa ka dhiman waqtigii garab walba uu sheegay inuu qabsanayo doorashadiisa, waxaana la saadaali karin sida uu xaal noqa doono. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-21082019.mp3 View the full article
  18. Jan 4, 2016 asagoo fadhiya shirka madasha ee looga arrinsanayay kala guurka ayuu cod-baahiya qaatay, wuxuuna daqiiqad gudaheeda helay sacab iyo taageero, qaarbaa yiri waa waddani dhab ah. Axmed Madoobe oo ay hor iyo hareera fadhiyaan Shariif Xasan, Cabdiweli Gaas, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku yiri Xasan Sheekh Maxamuud, “Inta aan halkaan fadhino calaladaan horteenna yaalla inta la qaado calanka Soomaaliya ha nagu filnaado”. Sacabka is qabsaday mid la mid ah waxaa meel walba oo uu u duulo laga la hortagi jiray hoggaankii Xisbiga Tayo, RW Farmaajo. Wuxuu sheegay in uu diyaarad gaar ah oo $30,000 diiday, qol $1,500 hotel ah diiday. Wuxuu sheegay in askari asaga ku dayday uu $300,000 si boorso aan la baarin u gudbiyo. Wuxuu sheegay in Itoobiya aysan marnaba ka talinaynin danta Soomaaliya. Sacabkaas wuu sii socday, waxaana la qeybsayay hadba qofka shacabka u sheega wax dareenkooda kiciya. Axmed Madoobe wuxuu dagaal u galay sidii dalka shareeco loogu xukumi lahaa; wuxuu ka dagaalamay imaanshaha ciidamada dalalka deriska ah oo uu Cabdullaahi Yuusuf u ololeynayay. Xilliga uu sacabka waddaniyadda helayay 2016, waa la ogaa taariikhdiisa iyo sida ay isku buriyaan mowqifyadiisa. Wuxuu markaas sammeeyay maamul juujuub ah oo ay Kenya garwadeen ka tahay, wuxuuna galay dagaal. June 2017 asagoo London jooga, Farmaajana ag fadhiyo ayuu jaaliyadda UK u sheegay, “Aniga ka mid ma ahi dadka jecel Federaal, dowlad dhexe oo xoog leh baan rabay”… sacabka ma joogsan. Hadda labadii waddani ee sacabka ka dhergay ayaa laba dal u kala dhuuntay. Siyaasi lagu eedeeyay in mowqifyadiisa ay is buriyaan ayaa ku jawaabay: “Musharixiinta kale ee mowqifyadoodu ay is buriyaan ma ahi, aniga kuwayga is buriya adinka ayaannan u fiirsan mooyee waa kuwa is dhamaystira”. U kala dhuumashada Itoobiya iyo Kenya marka ay bilaabato, mowqifyada is burinaya ee laba siyaasi way is dhamaystiri doonnaan, hadal macaan oo isku dheelli tira haddii ay ku daraanna sacabka halgiisa ayuu ka soconayaa. Waddaniyadda Soomaaliya awalba hees, buraanbur iyo hadal macaan ayay u badan tahay! W/Q: Hassan Adam Hosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Beledweyne-(Caasimada Online)-Dagaal aad u xoogan ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bu’aqaqable oo qiyaastii 18 KM dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka oo dhex maray Al-Shabaab iyo kooxda Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadda gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle. Maxamed Cali Istakiin oo sheegtay inuu yagay hoggaamiya kooxda Macawiisley qeybtooda ka howlgasha gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay iyagu weerareen deegaanka Bu’aqaqable oo ay ka ariminayeen Al-Shabaab halkaasna uu ku dhex maray dagaal xoog leh. Sarkaalka u hadlay Macawiislay ayaa sheegay inay Al-Shabaab dagaalkaas kaga dileen Afar dagaalame kana dhaawaceen tiro intaas ka badan, sidoo kale lix qori ayuu sheegay inay ka furteen kana qabsadeen deegaanka Bu’aqaqable ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay hadda iyagu ku suganyihiin deegaankaas. Dhankooda ayuu sheegay inay kaga geeriyootay dagaalkaas labo dagaalame, isagoo sheegay inaysan jirin wax ka dhaawacmay, Afarta nin ee Al-Shabaab ay ka dileen ayuu sheegay inay maydkooda geynayaan deegaanka Halgan oo ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn gobolka Hiiraan. Al-Shabaab dhankooda kama hadlin dagaalkaas ay Macawiisley guulaha ka sheegatay, waxuuna dagaalkii kan ka horeeyay ee dhex maray Al-Shabaab iyo Macawiisley maalin ka hor ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, waxaana dagaalkaas guulo ka sheegtay Al-Shabaab oo iyagu weerarkaas ku qaaday xarun ay Macawiislay ku leedahay duleedka waqooyi ee Jowhar. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  20. Muqdisho-(Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadalay arimaha dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiir Bayle ayaa mid mid u dul istaagay arimaha kala ah: Deyn cafinta Soomaaliya, soo daabicidda lacagta shilinka Soomaaliga, hantida qaranka ee ka maqan gacanta dowladda, wadamada deynta ugu badan kuleh Soomaaliya iyo qorshaha uga dagsan soo celinta hantida maguurtada ah ee Qaranka. Ugu horeyn Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale ayaa sheegay in arrimaha deyn cafinta dalka ay qaadaneyso Afar sano oo hadda kaddib ah, sidoo kalana ay guusheedu ku xirantahay sida ay dadka Soomaaliyeed iskaga kaashadaan. Soomaaliya ayuu sheegay in muddo ku siman 10 sano aysan caalamka weydiisa karin wax amaah ah ama deyn ah, ilaa ay iska bixiso ama loo cafiyo deymaha lagu leeyahay, dalal daymaha ugu badan ku leh Soomaaliya ayuu sheegay inay kala yihiin Talyaaniga iyo Faransiiska. Sidoo kale Wasiir Bayle mar uu ka hadlayey soo daabacidda shilinka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay, in si loo soo daabaco lagactaas loo baahanyahay in ka badan 42milyan oo lagu kharash gareeyo sidii shilin Soomaali loo soo daabici lahaa, waxa uu sheegay in ka dowladd ahaan ay hadda hayaan kala bar lacagtaas, ayna ku dadaalayaan sidii ay ugu guuleysa lahaayeen soo celinta lacagtii Soomaaliya Dhanka kale Wasiir Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay inay tira koob ku sameeyeen hantidii qaranka ee hadda ka maqan gacanta dowladda, 3494 xarumo dowladeed ah oo ku yaalla guud ahaan gobolada dalka ayuu sheegay inay gacanta ugu jiraan dad gaar ah, xarumahaas ayuu sheegay inay dhawaan shaaci doonaan liiskoodana ay wasaaraddu u gudbinayso guddiga soo celinta hantida qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Guddiga soo celinta dhulka danta guud ee dowladda ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre, waxaana xubnaha guddigaas ka mid ah wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Ugu dambeyntii Wasiir Bayle waxa uu digniin u diray shaqsiyaadka sida gaarka ah u heysta hantida danta guud ee ka wada dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in qaarkood ay ku howlanyihiin sidii ay sharciyo lahaanshiyo been ah ugu sameysa lahaayeen dhul ay dowladdu leedahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa berri oo Khamiis ah waxa ay markii 3aad u fariisan doontaa dhegaysiga kiiskii kufsiga iyo dilka ee Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Wajiga 3aad ee dhegaysiga kiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid aad xasaasi u ah kadib markii maxkamaddu horay u dhegaysatey eedaymaha xukumanayaasha, qareenada u doodaya iyo qiraal mid kamid ah sameeyey. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo. HOOS KA AKHRISO QIRAALKA Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo qirtay inuu wax ka kufsaday Caasha Ilyaas faahfaahiyeyna qaabkii wax u dheceen. PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo markii 3aad dhegaysanaysa kiiskii Caasha Ilyaas. appeared first on Puntland Post.