Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,328
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee uu ku dhaliilay Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu ugu baaqay inuu ka fiirsado hadalka uu ku hadlaayo. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wasiirka Warfaafinta deg deg ayaa ku jira, ee inuu ka firsado wuxuu ku hadlaayo ayaa u wanaagsan, eeddaha uu u soo jeedinayo Xisbiyada mucaaradkuna waa waxba kama jiraan, Xisbiyada mucaaradkuna doorasho ay diidan yihiin ma jirto, heshiis ay jabiyeen oo ay ka baxeen oo uu ogaana ma jirto”. Mar uu ka hadlaayey dagaalka shalay dhex maray Somaliland iyo Puntland wuxuu yidhi “Maamul Goboleedka Puntland wuxuu dhaqan iyo caado ka dhigteen inay kolba xadkayga iyo dhulkayga ku soo xad gudbaan, waxaana leeyahay Maamulka Puntland xad gudubka joojiya, oo dhulkiina iyo xadkiina ku eekada, haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay Ciidan Qaran oo cadawga iyo cid kasta oo gardaro wada oo ciideena ku soo xad gudba jabinaya, markaas Maamulka Puntland waxaa u roon inay xad gudubka joojiyaan, haddii kale khasaare mooye faa’iido nagalama kulmayaan” Source
  2. Wax yar sug Viedo-ga Live-ka ah wuu soo degayaaye Wax yar sug Viedo-ga Live-ka ah wuu soo degayaaye Source
  3. (SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa kamid ahayd wadamadii islaamka ee saxiixay qoraal lagu difaacayey dowlada China oo loo gudbiyey Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Qatar iyo 37 wadan oo kale oo u badan Muslimiin ayna ku jirto Soomaaliya ayaa difaacayey dowlada China inay tahay mid tixgelisa muslimiinta, wuxuuna qoraalkaasi la saxiixay bishii Luulyo uu jawaab u ahaa Warqad ay Qoreen dalal u badan EU-da oo cambaareeyey gabood-falada China ku heyso Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang ee dalka Shiinaha. China ayaa difaac ka dhiganeysay qoraalkaasi taageerada ah oo ay ka heshay dalalka Islaamka oo ay xiriirka wanaagsan leeyihiin si ay isaga difaacdo cambaareynta uga imaaneysay dalalka reer Galbeedka. In ka badan 1.5 milyan oo muslimiinta ku nool gobalkaasi Xinjiang ayaa hada ku xiran xeryo ay u sameysay xukuumada China oo sheegtay inay dadkaasi yihiin xagjir ay dhaqan celin u sameynayso, balse hay’ada xaquuqul insaanka ayaa sheegay in dadkaasi muslimiinta ah kaliya loo xiray diintooda. Arrintan ayaa keentay in dalalka Reer Galbeedka ay cambaareeyaan falalkan ay dowlada Shiinaha ku heyso muslimiinta, horaantii bishii Luulayo ayey dalal u badan kuwa EU-da qoraal ay u gudbiyeen Golaha Qaradamada Midoobay xaquuqul Insaanka u qaabilsan ku cambaareeyeen ololaha Dowlada China ay ku cadaadineyso muslimiinta Xinjiang. Waxaana kamid ahaa dalalkaasi u dooday xaquuqda Muslimiinta Shiinaha: Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK Waxaa xusid mudan in wadamadan u dooday Xaquuqda Muslimiinta China uusan ku jirin hal dal oo Muslim ah. Balse waxaa la yaab noqotay maalmo kadib inay iyaguna waraaq kale ka dabo qoreen dalal gaaraya 37 oo u badan Afrikaan iyo Muslimiin ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, dalalkaasi oo difaacaya dowlada China oo ay la leeyihiin xiriir ganacsi iyagoo difaacay gabood-falada China ku heyso muslimiinta ku nool dalkeeda. Dalalka difaacay siyaasada Dowlada China ee ku aadan Muslimiinta Xinjiang waxay kala yihiin: Algeria, Angola, Bahrain, Belarus, Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cameroon, Comoros, Congo, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Egypt, Eritrea, Gabon, Kuwait, Laos, Myanmar, Nigeria, North Korea, Oman, Pakistan, Philippines, Qatar, Russia, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Togo, Turkmenistan, United Arab Emirates, Venezuela, iyo Zimbabwe. Go’aanka Qatar dib uga noqotay difaacida dowlada China ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey hay’adaha u dooda Xaquuqul Insaanka ee dadaalka ugu jira in caalamka uu ka hadlo tacadiyada loo geysanayo Muslimiinta ku nool China. Source
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay doorashada madaxweynaha Jubbaland, taas oo ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Goobta ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale. Musharrax Maxamed Cumar Geedi ayaa goor dhow tanaasulay, waxaana haatan doorashada ku loolami doono kaliya illaa saddex musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda tallada haya, kuwaas oo kala ah: 1: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Canab Maxamed Daahir Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, iyadoona ay sugayaan ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Wixii soo kordha kala soco caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. (SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in uu hayo cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka danbeyso weerar ka dhan ah dagaal yahano madani ah oo taageera dowlada Ciraaq. Mudanahaan ayaa sheegay in maamulka Tel Aviv uu isku dayayo in uu wiiqo awooda ciidan ee dalka Ciraaq. Kariim Al-Calaawi oo ka tirsan xildhibaanada ciraaq ayaa tilmaamay in Israel ay ka danbeyso duqeymo diyaaradeed oo lagu qaaday saldhig ay leedahay kooxda Xashaad Al-Shahaabi. Dhanka kale wuxuu ka digay qorshayaal weerar oo ay damacsan tahay dowlada Isreal. Mr Kariim Al-Calaawi ayaa dhanka kale qeexay in weeraradaan ay wax ka og yihiin taliska Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Source
  6. (SLT-Moscow)-Wadamada Ruushka iyo China ayaa codsaday kulan deg deg ah ee Golaha Amaanka maanta oo Khamiis ah iyagoo ka cadheysan tijaabadii Maraykanka sameeyey ee Gantaal cusub oo ay sheegeen inuu halis ku yahay xasiloonida iyo degenaanshaha caalamka. Militariga Maraykanka ayaa Isniintii shaaciyey inay tijaabiyeen Gantaalkan oo ah nooca loo yaqaan (cruise missile), waan tijaabadii ugu horeysay ee uu Maraykanka sameeyo kadib markii uu dalkaasi sanadkan isaga baxay heshiiskii [Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty (INF)] ee la saxiixay xiligii Dagaalkii – Qaboobaa, heshiiskaasi oo xakameenayey in Maraykanka iyo Ruushka ay sameeyaan gantaalada noocaan ah. Maraykanka ayaa la rumeysan yahay in tijaabadan uu uga dan lahaa inuu fariin ugu diro dowlada China oo ay xiligan kula jiraan loolan dhanka ganacsiga ah, waxaana arrintaasi xaqiijiyey Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper oo wareysi siiyey telefishinka Fox ee wadanka Maraykana. Source
  7. Jabuuti (Caasimada Online) – Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in aysan weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya. Safiirka ayaa sheegay in aysan is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi. ‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yiri Daa’uud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’ Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  8. Shalay waxay Gudiga Doorashadu ay laamaha Amaanka ka codsadeen in Bandow lagusoo rogo Kismaayo ilaa Doorashadu ka dhamaanayso, Bandowgaasoo ay Reer Kismaayo ku waa bariisteen [...] Source
  9. (SLT-Kismayo)-Beesha caalamka oo ka kooban wadamada Canada, Ethiopia, EU, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AU Xafiiskooda Soomaaliya, AMISOM, IGAD iyo UN-ka ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland. Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay wada hadallo la sameeyeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Jubbaland, isla markaana ay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha hannaan loo wada dhan yahay heshiisna lagu wada yahay oo ku saabsan doorashada Jubbaland. Waxay beesha caalamku ugu baaqday dhinacyada inay ka fogaadaan wax kasta oo qalalaase keeni kara. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in nabadgelyada Jubaland aysan muhiim u ahayn oo keliya Jubbaland,hayeeshee ay muhiim u tahay horumar laga sameeyo xasilloonida siyaaso, amni, dhaqaale iyo horumar ee Soomaaliya. Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta Berri ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland. Source
  10. Waxaa goordhow magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulkaasi 4-ta sano ee soo socota. Doorashada waxaa goobjoog ka aha xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee JFS, waxaa ammaanka sugaya ciidamada AMISOM iyo Jubbaland. Xubnaha tartami doona ayaa kala ah: 1: Axmed Maxamed Islaam 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Doorashada Kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Washington)-Sharci cusub oo ay soo saartay xukuumadda Washington ayaa sheegaya in dadka qaxootiga ah oo ay ku jiraan Caruurta aan qaan gaadhin in xeryaha xabsiga ah lagu heyn doono illaa intii la doono. Sharcigii hore ee dalkaasi ka jiray ayaa qeexayey in Caruurta aan qaan gaadhin lagu heyn karin xeryaha in ka badan 20 maalmood inta ay sugayaan dhageysiga dacwadooda ay ku codsanayaan magangelyada. Xukuumada Trump ayaa ku dooday in sharuucdii hore ee la xadhiidhay dadka qaxootiga ah iyo kuwa soogalootiga ay ahaayeen kuwo dhiirigelinayey in dadkaasi ay yimaadaan Maraykanka, wuxuuna ololahan qeyb ka yahay cadaadiska uu maamulka Donald Trump saarayo dadka magangelyo doonka ah. Source
  12. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa hoos u dhigay hanjabaada Mareykanka ee ka dhanka ah ganacsiga shidaalka ay Iiraan dibada u Dhoofiso. Mr Ruuxaani ayaa tilmaamay haddii dalkiisa laga carqaladeeyo ganacsiga dibadda ayna amni ku mari doonin maraakiibta ganacsi xeebaha Caalamka. Waddamada quwadaha leh waa inay ogaadaan haddii Iiraan ay awoodi weydo ganacsiga dibada ayna nabadgali doonin maraakiibta kale ee Ganacsiga. Mr Ruuxaani ayaa hadalkiisa ku soo koobay in cadaadiska ganacsi ee ka dhanka ah Iiraan ay dhalin doonto amni darro soo wajahda maraakiibta ganacsi ee mareysa marin biyeedyada Dunida. Hoggaamiya Iiraan ayaa dhanka kale u riyaaqay ciidanka difaaca ee Dalkiisa. Source
  13. Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaark ah ee Jubbaland waxaa ka socota doorashada madaxweynaha oo ay ku loola mayaan madaxweynaha xilligaan waqtigiisu dhammaaday iyo ilaa 4 musharax oo kale. TOOS PUNTLANDPOST The post TOOS-Doorashada madaxweynaha Jubbaland ee Kismaayo ka socota. appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa markale war xasaasi ah ka soo saaray doorashada madaxtinimada Jubbaland ee la filayo in maanta ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. War saxaafadeedka ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM, IGAD iyo Qaramada Midoobay. Beesha caalamka ayaa ku dhiirogelisay dhinacyada isku haya Jubbaland in ay xal ka gaaraan doorashada maamulkaasi. Halkan Hoose ka Aqriso qoraalka ka soo baxay beesha caalamka: Iyada oo loo danaynayo kobcinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya (Canada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-goboleedka IGAD [UN] iyo Qaramada Midoobay] ayaa ku hawlgeliyey dhammaan daneeyayaasha Jubbooyinka inay ku dhiirrigeliyaan inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad iyo nabad ah. Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso. Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo. Joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland ayaa muhiim u ah oo keliya dadka dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin sidoo kale waa in la suuro galiyaa horumar dheeraad ah oo ahmiyadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.
  15. Baydhabo (PP) ─ Dowaldda Britain ayaa saldhig ciidamada DF lagu tababaro ka furtay magaalada Baydhab ee gobolka Bay, iyadoo lagu sheegay tallaabada inay tahay mid lagu xoojinayo dhismaha cidamada xoogga dalka Soomaaliya. Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xarigga ka jaray saldhiggan, waxaana la shegay in ciidamada lagu tababaryao saldhiggan ay yihiin kuwa qaybta 60-aad ee XDS, wuxuuna ka kooban yahay saldhiggan xafiisyo iyo goobo lagu barto liishaanka. Sidoo kale, C/casiis Lafta-gareen ayaa gudaha xarunta kusoo dhaweeyey wasiir-u-dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Dowlada Britain u qaabilsan arrimaha Afrika, safiirka Britain ee Somalia iyo sarakiil kale. Intaas kaddib, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu ku bogaadiyay sarkaakiisha ka socota UK sida ay mar waliba u garab-taagan yiihin Dowlada Smalia, ayna uga taageerayaan helid a ciidamo tayeysan oo la wareega amniga guud maamulka Koonfur-galbeed. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa madaxda kala hadlay sidii kaalintooda ku aaddan xoreynta gobollada Koonfur-galbeed u qaadan lahayeen, wuxuuna madaxda kala hadlay inay kaalintooda ka qaataan xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira Koonfur-galbeed Somalia. Ugu dambeyn, Mas’uuiyiintii ka socday Britain ayaa dhankooda sheegay inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macallimiin Soomaali ah oo tababbara ciidanka, iyagoo carrabka ku adkeeyen in Britain ay kaalin weyn ka geysan doonto xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Britian oo Saldhig Ciidamada lagu Tababbarayo ka hir-gelisay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-Qarshe] oo shalay booqday difaacyada ciidanka dowladda ee Bariire gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dalacsiiyay sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii lagula wareegay deegaankaas. Jen. Indha-Qarshe ayaa u kuur-galay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre, isagoo ku amaanay hawl-gallada ay ciidamada uga saarayaan deegaanka Ururka Al-shabaab. Sidoo kale, Taliyaha CXD ayaa goobta ku dalaacsiiyay sarkaalkii horkacayay hawl-galkii lagula wareegay deegaankaas oo lagu magacaabo – Cabdi Cali Raage, iyadoo loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle, isagoo kasoo kicitimay darajada dhamme ama saddex xiddigle. Col. Raage ayaa la guuddoonsiiyay shahaado uu ku muteystay kartidii iyo wax-qabadkii uu muujiyay, waxaana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay inuu sii wado dadaalkiisa ku aaddan hawl-galallda ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose. Al-shabaab ayaa dhawr jeer laga saaray deegaanno Gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan, inkastoo ay dib ugu soo laabteen, waxaana tallaabadaan lagu dallacsiiyay sarkaalkan ciidan ay noqonaysaa middii ugu horreysay nooceeda. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa weli qaybo ka mid ah gacanta ku haysa Al-shabaab, inkastoo ciidamada DF ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga saari lahaayeen, waxaase meesha ka maqan kaalintii ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa ku goodinaysa inay dib ula wareegayso gabi ahaan deegaannadii ay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen xilliyadii lasoo dhaafay, waxaase taas diiday ciidamada DF oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ka dhanka ah kooxda. PUNTLAND POST The post Taliyihii hoggaaminayay Dagaalkii ay DF kula wareegeen Bariirre oo la Dallacsiiyay appeared first on Puntland Post.
  17. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa maanta lagu wadaa in lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Waxaa xilkan ku tartami doona Afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha xil hayntiisa dhammaatay ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Xubnaha tartami doona ayaa kala ah: 1: Axmed Maxamed Islaam 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana guud ahaan magaalada lagu soo daadiyey ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya. Gaadiidka dadweynaha ayaa hakad ku jira, waxaana yar dhaq-dhaqaaqa ka jira magaalada Kismaayo, waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo booqasho ku tegay Bariire ayaa dalacsiiyey Cabdi Cali Raage oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey dagaalkii dhowaan Xooggaga Al-Shabaab looga saaray gudaha deegaankaasi. Taliye Indha-Qarshe ayaa Gaashaanle u dalacsiiyey sarkaalkan oo horay u ahaa Dhamme. Sidoo kale Cabdi Cali Raage ayaa la guddoonsiiyey bilad sharaf uu ku muteystay howlgalkii lagula wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa boggaadiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi, isagoo ku dhiirogeliyey ciidamada dowladda inay sii dardar geliyaan howlgalladooda iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday. Tallaabada lagu dalacsiiyey sarkaalkan ayaa sare u sii qaadeysa niyada ciidamada, waxaana ay suura gelin kartaa in laga guuleysto Al-Shabaab. Ciidamada ayaa muddooyinkii la soo dhaafay degmooyin iyo deegaano muhiim ah ka saaray kooxdaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  19. Garowe (SMN) – Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas Aadan. Gal-dacwadeedkan oo dil toogasho loogu xukumay saddex ruux kuwaasoo midkood uu qirtay dambiga ayaa maraya heer gaba gabo ah. Shaqsiyaadkan oo racfaan ka qaatay xukunadaasi ayaa laga soo xiray Gaalkacyo, halkaasi oo falka uu ka dhacay bishii Febraayo ee sanadkan. Marxuumadda oo ahayd 12-jir ayaa waxaa la sheegay in loo geystay kufsi wadareed kahor inta aanan la dhaafin nolosha. Xeer-beegtada dowlad goboleedkaasi oo heerar kala duwan marsiisay kiiskan ayaa haatan u muuqda mid xukunka kama dambeys ah ku ridi doona. View the full article
  20. Awdheegle (SMN) – Ciidamadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay hoobiyeyaal isku dhaaf-sadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadkan ayaa ka dambeeyay markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic kusoo tuureen saldhiga xoogaga difaaca Qaranka. Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dhacdadan, wallow la sheegayo in uu jiro waxyeelo soo kala gaarey labada dhinac. Ma jirto wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo guutadda halkaasi ku sugan. Awdheegle ayaa kamid ah degaanaddii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda dib loogu soo celiyay howlgalada ka socda gobolada dalka. View the full article
  21. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa daahfurey Xarun loogu talagalay Tababarka ciidanka xooga dalka oo ay maalgalinteeda ka qeybqaateeb dowladda dalka Ingiriiska Kulankii daahfurka xaruntaasi waxaa siddoo kale ka qeybqalay xubno ka socday dowlad goboleedka K/Galbeed, saraakiil,Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada dowlada Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika, Safiirka Dowlada Ingriiska u fadhiya Somaliya iyo Sarakiil Kala Duwan. Madaxweynaha K/Galbeed iyo madaxdii kale ee ka socotay dalka Ingiriiska,waxa ay Soo Dhoweyn ka dib kormeeren qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan sida xafiisyada.qolalka jiifka iyo goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka mahad-celiyay sida sarakiisha dowlada UK ay Mar waliba u garab tagan yiihin dhismaha ciidan Tayeysan oo la wareega amniga guud deegaanadda Koonfur Galbeed,wuxuuna ka dalbaday in ay ka qeybqaataan xoreynta deegaanada maamulkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha Bini- aadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Somaliya. Madaxda ka socotay Dowlada Ingiriiska ayaa dhankooda waxa ay sheegen inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macalimiin Somali ah oo tababarta ciidanka waxaana ay carabka ku adkeeyen in UK ahaan ay kaalin weyn ka geysan doonan xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona xusay in mar waliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada. View the full article
  22. Kismaayo (SMN) – Caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacaan doorashooyin iska soo horjeeda. Doorashooyinkaasi ayaa waxaa kala qabanaya maamulka Axmed Madoobe iyo murashaxiin kasoo horjeeda qaabka ay u socdaan. Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsan AMISOM. Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maanta ay kasoo wada baxaan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada uu ugu cad-cad yahay Axmed Madoobe. View the full article
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa saaka ka socota Kismaayo, taas oo lagu wado in maanta lagu qabto magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqa baabuurta ayaa la xadiiday, waxaana ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey xaafadaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaan ay hakad galiyeen dhaq dhaqaaqa, iyadoona gudaha magaalada kaliya lagu arkayo gaadiidka ciidamada. Illaa iyo afar musharrax oo ay ku jirto Haweeney ayaa ku loolami doono doorashadan oo weli lagu muransan yahay. Dhanka kale musharraxiinta isbedal doonka Jubbaland ay iyana qorsheynaya inay qabsadaan doorasho kale, taas oo haddii dhacdo Kismaayo maanta lagu dooran doono labo madaxweyne. Beesha caalamka ayaa horay walaac uga muujisay doorashadan, iyada oo ka digtay in ay ka dhashaan rabshado iyo xiisado hor leh. Axmed Madoobe oo doonaya in dib loo doorto ayaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashadan, maadaama saaxibadiisii hore ay ku guuleysteen guddoonka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bbc-Subax-22082019.mp3 View the full article
  25. Maanta waxaa si rasmi ah Kismaayo uga dhacaya Doorashada Madaxweynaha, Diyaargarow xoogan ayay Jubbaland u gashay in Doorashada aysan shaacin. Wakhtigeeda. Golaha Amaanka ee Qaramada [...] Source