-
Content Count
209,328 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay si rasmi ah u furay daahfurka xafiis cusub oo dadka ajaabibka ahi ay u fududeyn doona adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan. Xafiiskani wuxuu bixin doonaa adeegyo markii hore ay bixin jireen xafiisyo badan oo ka tirsan Wasaaradaha iyo laamaha dawladda, balse imika wixii ka dambeeya lagu mideeyey hal xafiis. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu adeegan cusub kaga dhawaaqay kulan maanta lagu qabtay xarunta laanta socdaalka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku weheliyeen Taliyaha guud ee ciidanka laanta socdaalka Sareeye Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), agaasimaha Guud ee Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasime ku-xigeenka waaxda Cashuuraha berriga Khadar Maxamed Maxumed iyo agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdilaahi Axmed Raabi. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inay maanta fureen xafiiskan oo iska kaashanayaan wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo laanta Socdaalka Somaliland. Waxaanu tilmaamay in adeegaasi uu dadka ajaanibka ah ee Somaliland martida u ahi sida macalimiinta iyo dhakhaatiirta u fududeyn doono adeegga ay u baahan yihiin ay goob kaliya ka wada heli doonaan, halkii ay markii hore xafiisyo kala duwan ka tagi jireen, waxaanu xusay inay ka raysan doonaan xafiisyadii faraha badnaa ee ay hawlahooda la tagi jireen. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in adeegan oo noociisu ku cusub yahay Somaliland ay rajaynayaan inuu wax badan ka beddeli doonto habka loogu adeego dadka ajaanibka ah ee dalka yimaada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa hanbalyeysay dawladda Kenya oo ku guulaysatay taageerada midowga Afrika oo ah in Kenya xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada midoobay. Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa yidhi. “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council”. Kenya ayaa ka guulaysatay waddanka Jabuuti oo ay la tartamaysay. Dawladda ayaa Jabuuti ayaa iyada sheegtay in aanay wali ka rajo dhigin inay ku guulaysto kursigaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, isla markaana ah xildhibaan mucaarid ah ayaa ka hadlay doorashadii goor-dhoweyd oo maanta ah ka dhacday magaalada Kismaayo. Doorashadan goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka taqaana baarlamaanka Jubbalanad hogaamiyaha ku haboon, hogaaminta maamulka Jubbaland, isagoona fariin bogaadin ah u direy Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi: “Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas. Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland. Waa mas’uuliyad adag oo waqti adag loo igmaday madaxweynaha cusub ee Jubaland, hawlo badan oo hortabin leh ay horyaalaan sida midnimada dadka reer Jubaland, iyo tan Soomaaliyeed, nabadgalyada iyo adeegyada bulshada”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The head of the UN Mission in Somalia (UNSOM), James Swan has told the UN Security Council that Somalia has made the great process in improving the economy despite the security challenges. Mr. Swan said that the Government has made “great strides” towards improving the country’s fiscal performance and strengthening governance, putting Somalia on the path towards economic recovery. “This progress is set against a backdrop of an ongoing humanitarian crisis that remains “one of the most protracted in the world”, with 2.2 million Somalis facing acute food insecurity, and 2.6 million internally displaced, fleeing conflict and drought,” Swan told the UN Security Council. The UN envoy urged member states to urgently resource a Drought Impact Response Plan issued by the UN and Somali Government, which calls for funding of $686 million saying half of that sum has been secured. In his first briefing to the world body since taking office, Swan told the council that despite encouraging developments, insecurity remained a serious concern in the country. On the war against terror, Mr. Swan noted the effectiveness of the collaboration between the UN and international partners, and the Somali Security Forces working with the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which has seen areas near the capital Mogadishu taken back from terror group al-Shabab in recent months However, Mr. Swan noted that terrorism remains a threat to progress, citing the deadly al-Shabab attack on the offices of the mayor of Mogadishu in July, which killed and injured several Government officials. A more immediate concern for Mr. Swan was a regional election in Jubaland province slated on 22nd August where a contested outcome could see an increased level of insecurity, which would not only put progress made in Jubaland in jeopardy but also potentially undermine national priorities, including preparations for the 2020 elections View the full article
-
One million Somalis will receive lifesaving food and clean water to help reduce food scarcity and malnutrition, the UK government announced on Wednesday. This new £30 million package of UK aid builds on the £38 million in humanitarian and resilience support which the UK is already providing in the country. During a visit to the country this week, Minister for Africa Andrew Stephenson announced that as well as providing food and water, UK aid will also help build longer-term resilience to climate change and drought. “Somalia is being crippled by drought and millions of people are in desperate need of life-saving food, clean water, and treatment for malnutrition.” Stephenson said, adding “The UK has been at the forefront of the humanitarian response, but more needs to be done. Britain, alongside the international community, is committed to providing immediate assistance and building Somalia’s ability to manage the crisis.” An extra £30 million of UK aid support will also provide vaccines for livestock which Somali farmers rely on for their livelihoods. Minister Stephenson led a roundtable with humanitarian partners during his visit, where he discussed how the UK and international community can support Somalia to build their resilience to climate change and end their reliance on emergency aid. He met Somalia’s Prime Minister Hassan Ali Khayre and reiterated the UK’s commitment to supporting Somalia reform on security, politics and developing Somalia’s economy. The minister also traveled to Baidoa in Southwest State where he saw first-hand how the British Military is supporting the training of the Somali National Army at a CSSF-funded training facility. While there, he met Southwest State leader Abdiasiis Laftagareen and discussed the UK’s support for stability and security in the area. View the full article
-
Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa aqlabiyad ku guuleystay Axmed Madoobe, isaga oo madaxweyne sii ahaan-doona ilaa 2023-ka. Waxaa Ku Tartamay: 1: Axmed Maxamed Islaam. 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Axmed Madoobe oo guuleystay sida aan sheegnay waxaa uu codadka xildhibaannada ka helay 56, halka Canab Maxamed Daahir oo ku xigtay ay heshay 17 cod, murashaxa kale ee Maxamuud Muxumed Cumar ayaa isna helay hal cod. Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland guud ahaan waa 73. Mudane Axmed Madoobe waxaa uu Jubbaland hogaaminayey tan iyo 2013-kii, waa markii 2-aad ee ka noqdo madaxweynaha dowlad goboleedkan. Doorashada Madoobe ayaa dhacday xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo xukuumadda federaalka ah, taasi oo keentay inuu xirto hawada, dhulka iyo badda Kismaayo, kana mamnuuco madaxda dowladda iney tagaan magaalada. Xukuumadda federaalka ah, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay marar badan ku celisay in aaney aqoonsan-doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland. Beesha caalamka oo xalay qoraal soo saartay waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in doorashada Kismaayo laga fogaado qalalaaso. Dhinaca kale, guri ku yaalo Kismaayo ayey xildhibaannada koox la magacbaxday isbadal-doonka ku doorteen Cabdirashid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, arrintaas oo dad badan u fasireen qalalaaso siyaasadeed iyo fowdo lagu furayo maamulka cusub ee Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay Ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Kismaayo)-Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo gebogabeeyay Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu doorashadaa ku guulaystay isla-markaana Madaxweynaha Afarta sannadood ee soo socda Hoggaaminaya Jubbaland loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe). Doorashada oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ahaa Axmed Maxamed Islaam oo ahaa Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Maxamuud, ayaa waxa ku guulaystay Axmed-madoobe. Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa helay 56 Cod, Canab ayaa iyaduna heshay 17 Cod, halka Musharraxa Saddexaadna helay 1 Cod. Madaxweynaha la doortay ayaa waxa markiiba xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland. Source
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa ayidey xukunkii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay ku rideen saddex nin oo loo haystey dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan. Kadib markii muddo saddex jeer ah la horkeenay maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaan ku xukuntay dil toogasho ah. Magacyada 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame DAAWO XUKUNKA PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo ayidey xukumadii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Diyaarad Drone ah oo Millateriga Maraykanku leeyahay ayaa lagu soo riday Dalka Yemen. Diyaaradda ayaa lagu soo riday Koonfurta-bari ee Magaalada Sanca oo ay Maamulaan Kooxda Xuutiyiintu, sida ay laba Masuul oo Maraykan ahi u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters. Afhayeen u hadlay Ciidammada Xuutiyiintuna wuxuu sheegay in Ciidammadoodu ay Arbacadii dhulka sii dhigeen Diyaarad Drone ah oo Maraykanku leeyahay, laakiin Masuuliyiinta Maraykanka ah ee Reuters la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday Xilli dambe oo Salaasadii ah. Tani maaha Diyaaraddii ugu horraysay ee Maraykanka lagaga soo rido Yemen, balse Bishii June ayaa sidan oo kale diyaarad Drone ah oo Hawl-gal ka wadday Yemen la soo riday. Ciidammada Maraykanka ayaa hore Yemen uga bilaabay Duqaymo ay ku beegsanayaan Al-qaacidada Yemen. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in ayna weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya. Safiirka ayaa sheegay in ayna is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi. ‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yidhi Daa’uud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’ Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya. Source
-
The lawmakers of Somalia’s southern Jubaland State have on Thursday re-elected Ahmed Madobe as president, allowing him to lead the regional administration for the next 4 years. The election was held in Kismayo on Thursday with 74 MPs cast their votes among 4 candidates who expressed their interest to run for the state’s top seat. Somali Federal Government has previously announced it will not recognize the result if the process is not fully compatible with procedures set up for the Jubaland election. View the full article
-
Waxaa soo dhammaatay doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa doorashadan ka qeybgalay Saddex musharrax, iyadoo xildhibaannada Jubbaland ee codeynaya tiradoodu ahayd 73 mudane. Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku guuleystay doorashadan oo ku dhammaatay wareegeedii Koowaad, waxayna natiijada tahay sidan: 1- Axmed Maxamed Islaam wuxuu helay 56 cod 2- Canab Maxamed Daahir waxay heshay 17 cod 3: Maxamuud Muxumed Cumar wuxuu helay 1 cod. Doorashadan ayaa ku dhacday si nabad ah, iyadoo ammaanka uu ahaa mid aad loo adkeeyay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Jubbaland ayaa waxaa maanta ka dhacay laba doorasho oo iska soo horjeeda. Coddeynta koowaad ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe, oo markii saddexaad soo laabtay. Dhinaca kale, doorasho kale oo ay qabsadeen murashaxiinta mucaaradka ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Cabdirashiid Xidig. View the full article
-
Waxaa goordhow Magalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku tartamayeen Afarax Musharax oo uu ku jiray Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam. Musharixinta ayaa waxaa u codeynayay 74 Mudane oo ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland,waxaana wareega koowaad ee Codadkii la dhiibtay Saddex meelood laba meel kusoo baxay in uu markale Madaxweynaha Jubbaland noqdo Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) Hoos Ka Akhriso Codadka ay kala heleen Musharixiintii ku tartantay doorashada Jubbaland. 1: Axmed Maxamed Islaam 56 Cod 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1 3: Maxamed Cumar Geedi 0 4: Canab Maxamed Daahir 17 mana jirin cod halaabay PUNTLANDPOST The post Axmed Madoobe oo markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaanka maamulkaasi, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ku soo baxay wareega koowaad ee doorashada, isagoona helay 56 cod Sidoo kale musharraxa labaad oo aheyd Canab Maxamed Daahir ayaa heshay 17 Cod Musharraxa saddexaad oo isna ahaa Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) ayaa isna helay 1 cod, sida uu shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed. Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa inuu ku soo baxayo Axmed Madoobe. Dhinaca kale doorasho ay qabsadeen musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa ku soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isna loo doortay madaxweynaha cusub ee Jubbaland. Doorashadan oo saacad ku soo gabagabowday ayaa ka dhigeysa in haatan Jubbaland ay leedahay labo madaxweyne. Beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digay in ay xiisado hor leh ka dhashaan doorashooyinka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Xilku ka dhaamdey ee Mar kale u tartamaya Doorashada Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cod tirinta hogaaminaya. Waxayna u muuqataa inuu Axmed Madoobe uu Cod [...] Source
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta soo gaba gabaysay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku howlanayd. Saddexda xukumane oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu soo xukumeen ayaa maxkamadda sare ku raacday go’aankoodii iyadoona ku xukuntay dil toogasho ah. PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay eedaysanayaashii kiiskii Caasha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Akhri Gabay Cajiib Ah “Habar Waalan Baan Xalay Arkoo Joogta Heegada’e, Hadalkay Itidhi Baan Rabaa Inaan Habeeyaaye”. Abwaan Cali Duul Duul. Waxay tiidhi hiyiga laantu waay kala horay saaye Habar yoonis waxay doonaysaa hilib ay quutaane Hanaan koodu kama sii fogeyn halabsi goodiiye Kursi inay helaan waa waxaan lagu hawoonayne Ciida galena waa wadaa hawiyo hoohi galabeed eh Hadal iyo waxaan faan ahayn uma hiloo baane Hareeraha dun buluq bay intaa huuh ka shubayaane Hee iyo yaa baa uu mudan waana la hubaaye Waxay habar jeclana raadisaa been hadoodilane Hindisaha qariban waa waxay han uu lahaayeene Heemaalka guudbaa dadkuba halis uu haystaane Haan weeye madhan, gudahaa iyo hoos u dhaadhacaye Halyeeyeey is moodan hadana malaha heemaale Hartiguna cidlaay hoganayaan, halow aabareede Heehaabka waxaa lagu meslaa dooni haydarane Heeggaa ugo’ayoo haday bado ku heer meene Hareerahiyo labadooda dhinac laga hormaysiiye Hadba waxay uyaacan xagaan laga hibaynayne Habarti Awalo waxay noqdeen hadimo xoogeede Hogaankiyo wixii loo igmaday haatan laga waaye Hanfi iyo kulayl bay gasheen hadhac yadeeniiye . Hoosiiski lagu faani jirey hooskii waa holac eh Handaraabkii bay nagu xidheen gurigaa hooskiiye Imikaan hore iyo gadaal looga hiranayne Hanjebadyo culus bay wadaan haybta Samaroone Hafto baada bay naga rabaan amase hayn weyn eh Hanti fooq layaabaan arkaa heelka boorama’ e Hadii aan la siin iga walay kaba hab saamayne Hubku waaw u diyaar iyo waxay soo hul binayaane Hurin ciise waa maqan yahiin waana la hubaaye Halka ay jiraan lama gartiyo habay uu jeedaane Haadiyo sidii haad ka adag haatufkiyo taarka, hanqadhoodi baa baxaysa iyo hiriirig toodiiye Yaa haya, waxaan doonayaa hiray degaayaane Heemaal Ayuub iyo Toljecel malaha haaneede Hor weeynkoodii iyo baa la dhacay Hara wadoodiye Hadowbay ku qaateen hadh galay heelka reer sacade Haysashada malaha way liqeen goor habeen dumaye Halkee laga dayaa baadi doon haayiraan ahaye Abwaan Cali Duul Duul Source