Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,328
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladdan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqotay dowlad aaney fadhin siyaasadeeda amniga, waxaa ay badashay tiradii ugu badneyd ee taliyeyaal ah, NISA iyo Asluubta oo mid 4 jeer ah iyo inta kale oo min 5 jeer ah, waana dowladda ugu badan tan iyo burburkii kadib. Dowladda madaxweyne Farmaajo 2-badii sano iyo barkii ay joogtay waxaa mareysaa taliyihii 4-aad ee Sirdoonka ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xuseen Cusmaan Xuseen) iyo Fahad YaasiinDaahir, waxaa jooga taliyihii 5-aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo General Odowaa Raage, waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 5-aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Gen. Cabdi Xasan halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 4-aad. Ciidamo taliskooda dhowrkii bilba mar la badalayo sidee ku noqon karaan kuwoo tayo leh? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow). “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta. Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan View the full article
  4. The UN secretary-general’s special representative for Somalia, James Swan, has praised the reconciliation efforts in the Galmudug regional state, describing it as a positive step forward. James Swan called the members of the Galmudug administration and the Federal Government of Somalia to reach a genuine agreement that could end all the problems of the Galmudug administration. Swan also noted that the UN was supporting the conduct of fair elections in the Galmudug constituencies once the Galmudug reconciliation conference ends. “We are closely observing the elections of the Federal Member States and delighted with the progress in Galmudug as we also encourage the federal government and the reconciliation commission for their tireless efforts, ”said James Swan. View the full article
  5. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta. Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dowladda Puntland ayaa u hambalyeysay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. xulka 15 Jirada dalkeena Soomaaliya ayaa guul muhiim ka gaaray dhigiisa Sudan kulan ciyaaareed ka tirsanaa tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee sanadkan ka dhacaya magaalada Asmara . Qeybta kowaad xulkeena ayaa helay labo gool waxaana u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir iyo Cabdullahi Cumar,iyagoo soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan si weyn usoo jiidatay taageerayaasha. markii leysku soo laabtay wax iskama badalin natiijada kulanka,iyadoo waqtigii looga talagalay ciyaarta ay kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha 15 Jirada qaranka Soomaaliya. “Allah ayaa mahad iska leh oo guushan inoo sahlay waxaan u mahad celinaynaa xidigaheen uu sameeyay tariikhdan,aan ku raaxaysano waqtigeen iyo guushan quruxda badan” ayuu Goobjoog Sports uga waramay tababare ku xigeenka xulka da’yarta 15 Jiarda Cabdiraxmaan Axmed Taree. Si kastaba xulkeena waxaa u haray hal kulan is araga heerka Groupyada waxayna Sabtida soo aadan la balansanyihiin martigeliyaasha tartanka ee Eritrea. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Halkan hoose ka Daawo Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu magacaabay taliyayaal cusub oo qaban doona hoggaanka talisyada ciidamada dalka. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii-hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka. Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko. Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah. Shirka golaha wasiirada ayaa weli socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland. Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay boggaadinayaan sida hufnaanta leh ee guddiga doorashada Jubaland uu u agaasimay doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Kismaayo. UPD ayaa ugu baaqay shacabka Jubaland inay ilaashaan nabaddooda islamarkaana ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo midnimada Jubaland. Xisbiga UPD ayaan soo hadal qaadin xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo isna ay xildhibaannada is-beddel doonka ah u doorteen madaxweynaha Jubaland.
  11. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa taageertay doorashadii madaxtinimada ee iyo madaxweynaha dib loogu doortay markale mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaana ay dowladdu sheegtay inay ahayd doorasho xor ah ayna la shaqayn doonto dowladda cusub. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Dowladda Puntland oo soo dhoweysey doorashadii Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  12. Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan gaari ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gaariga oo ku sii jeeday tuulada Xabaal Daacuun oo waaqooyi kaga beegan degmadaasi ayaa la sheegay in kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen, kadibna ay dhac iyo jirdil u geysteen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi. Sidoo kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo ka mid ah rakaabkii la socday baaburka la rasaaseeyey. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-soofeysane.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle . Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshado Shalay Ka Dhacay Magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland sheegay in rugsada ay kala noqonayaan shirkadda aan maalinta sabtida ah furin xafiiskeeda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiilka madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Barre oo lagu magacaabay Xasan Maxamed Siyaad Barre. Xasan Maxamed Siyaad oo sidoo kale loo yaqaan Xasan Rubeeti ayaa mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman. Waxa uu goordhow ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Garowe (SMN) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay dadka Soomaaliyeed. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-22082019.mp3 View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in aanay Dawladdu ogolayn inay qabsoonto doorashada Golaha Wakiilladu. Xildhibaan Nac-nac waxa kale oo uu sheegay in marka si kale loo eeganaya aanay Xildhibaanno ahaan ogolaanayn in la galo doorashada iyadoo ay cabanayaan beelaha Darafyada iyo kuwa la hayb-sooco isla-markaana aan diwaangelin la samaynin. Nac-nac oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Beri doorashada la qabto waanu ogollahay, laakiin waa in sharci lagu qabtaa, Dadka Darafyada iyo kuwa laga tiro badan yahay way cabanayaan, markaa waa in saami-qaybsigii la sameeyaa, waa in tiro-koob la sameeyaa, laakiin aynu iska yaacno uun ma yeelayno oo waa khalad.” Xildhibaanku wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay xildhibaanno ka dareeray Fadhi lagaga doodi lahaa in Komiishanka lagu kordhiyo laba Xubnood “Maalintii dhawayd ee la yidhi Komiishanka laba ha lagu daro, waanu yeellay in laba xubnood lagu daro, haddana xagga dambe ayaa la nagaga yimid oo waxa la yidhi diida, ka baxaa la yidhi oo wayba naga baxeen, markaa Dawladda ayaan doorashada ogolayn.” ayuu yidhi. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Dablay hubaysan ayaa laba haween Oromo ah ku dilay deegaanka Halleeya ee duleedka Hargeysa sidoo kalena ku dhaawacay laba nin oo isla Qoomiyada Oromada ah. Oromadan oo ahaa tahriibayaal gaadhi saaran ayay dablaydu rasaas ku fureen. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay soo qabteen dadka ku eedaysan in ay dilkaasi gaysteen Boolisku waxa ay sheegeen in raggaasi ay khamri cabsanaayeen marka ay falkaasi samaynayeen. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Bilaabay Qaybinta Kaadhadhka Golaha Dhexe ee Xisbigaas, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. The arts scene is booming in the self-declared republic of Somaliland but, as the BBC's Mary Harper writes, the people who are pushing the cultural boundaries have come up against some opposition. Source: Hiiraan Online