Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,328
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-22082019.mp3 View the full article
  2. Fahad Yasin will now be the substantive head of the intelligence agency NISA following a major shakeup in the security sector Thursday that saw army chief Dahir Adan Elmi relieved of his duties a year into the job. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) - Former MP Omar Mohamud Mohamed Filish has been appointed as the new mayor of Mogadishu and Banaadir Regional Governor to replace immediate former office holder Abdirahman Omar Osman Yarisow who died early this month following a terror attack in his office. Source: Hiiraan Online
  4. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waafaqday xukunkii maxkamaddaha derejada 1aad iyo rafcaanka ee gobolka Nugaal ay ku rideen saddex eedaysane oo loo haystey kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Kiiskaan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa ugu dambayn maxkamadda sare ee Puntland shaacisay inay waafaqday go’aamada maxkamadihii ka horeeyey ayna xukun dil ah ku riddey saddexda nin ee kala ahaa. 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame Haddaba qaab noocee ah ayey u dhacday dooddii ugu dambaysay ee dhex martay qareenada u doodaya raggaan iyo xeer ilaalinta Puntland, go’aamadii ka soo baxay maxkamadda iyo codsiyadii ay gudbisteen ragga la xukumay. DAAWO Kiiskaan oo horay loogu soo qabtay 10 eedaysane ayaa waxaa horay looga sii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah oo la xiriira kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas. PUNTLANDPOST The post Qaab noocee ah ayuu u dhacay xukunkii Caasha Ilyaas iyo codsiyadii xukumanayaasha. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa fahamsaneen sababta xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uga qayb galeen doorashada garab kamid ah xoogaga isku haaya hogaanka maamulka Jubaland ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Xildhibaanada doorashada ka qaybgalay marka 1-aad waa mucaarad xasanaad leh oo faa’idooyin badan u arka cid kasta oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyagoo ka eegaya danaha gaarka ah ee xisbiyada markii la gaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/21-ka. Marka 2-aadna waxay wakiilo ka yihiin laba xisbi siyaasadeed oo hami wayn ka qaba in ay wacdaro ka dhigaan Soomaaliya waqtiga kala-guurka ah maadaama Jubaland ay kamid tahay maamulada saameynta culus ku leh doorashada Soomaaliya sanadka 2020/21. Waxay ka kala socdaan xisbiyada ay kala hogaamiyaan madaxweynayaasha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana xildhibaanada gaaray Kismaayo ee 2-da gole ay xaqiijisay Caasimada Online in ay ka tirsan 2-daas xisbi siyaasadeed halka qaar kalane ay yihiin xildhibaano degaanka laga soo doortay oo doonaya in ay kursigooda ku soo laabtaan doorashada soo socoto ee Soomaaliya. Tusaale xildhibaan Axmed Macalim Fiqi, waa xoghayaha xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid uu yahay xubnaha ugu sarreeya xisbiga Himilo Qaran iyo aas-aasayaasha xisbigaasi. Waxay 2-da xisbi heestaan balanqaadyo ah in ay taageero wayn ka heli doonaan Jubaland markii lagaaro doorashada Soomaaliya halka xildhibaanada kale ay doonayaan in ay difaacdaan kursigooda waqtiga kala-guurka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  6. Wasaarada Arimaha Gudaha oo ah tan Puntland ugu muhiimsan, dhawaana lagu soo daray Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta way socon weyday, welina la isma weydiin sababaha ay [...] Source
  7. Shabakada Somali Elections aya soo saartay doorasho nooca online ka taasoo lagu aruurinayo aragtida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 ama horraanta sanadka 2021. Shabakada Somali Elections aya loo soo sameeyay xog uruurin si loo ogaado musharaxa ugu shaqsiyadda badan oo ay rabaan in shacabka in uu noqdo hoggaanka doorashada soo socota. Usbuucii hore ayaa shabakada waxa ay cod online ah u qaaday shacabka Jubbaland waxaana ku guuleystay 63% codadka ay qaaday Somali Elections Musharax Axmed Madoobe oo helay 63%. Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo aya xildhibaanada Jubbaland aya waxa musharax Axmed Madoobe uu helay 73% codadka doorashada xubnaha baarlabaanka Jubbaland. Haddaba shabakada Somali Elections ayaa usbuucan waxa ay cod u qaadeysaa afar ka mid ah musharaxiinta lagu wado in ay u tartamaan kursiga Madaxweynaha doorashada soo socoto. Haddaba codkaada halkan ka dhiibo (Riix oo Codee)
  8. Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada doorashooyinka ka dhacay Kismaayo. Hadda, Halkan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War kasoo saartay Kismaayo ayaa cadeysay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka. Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax kama jiraan kasoo qaaday doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee labada madaxweyne lagu kala doortay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn dhammaan natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay. Wasaaradda ayaa labada madaxweyne ee maanta lagu doortay Kismaayo, oo ka ah Axmed Madoobe iyo Cabsirashiid Xidig, waxay ayada oo aan magacaabin, doorashadooda ugu yeertay “is-caleemo saar.” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda
  11. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has appointed Omar Mohamud Mohamed alias Filish as the new mayor of Mogadishu as well as the governor of Banadir region on Thursday. President Farmajo called upon the new mayor to embark on the completion of pending projects initiated by the late mayor, Abdirahman Omar Osman who was killed in an al-Shabaab attack in his office. ”Considering the need for a new mayor for the city and governor of Banadir region, I have appointed Omar Mohamud Mohamed (Filish) for the position.” the letter from the presidential office said. View the full article
  12. Muqdisho-(Caasimada Online)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markii Seddaxaad loo doortay inuu Jubbaland hoggaamiyo Afarta sano ee soo socota. Xisbiga ayaa bogaadiyey shacabka iyo madaxda Jubbaland oo uu sheegay inay si nabad galiyo ah ugu soo dhamaatay doorashadii xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee maanta dhacday, waxuuna sheegay Xisbiga Wadajir inuu u rajeynayo guul iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed Madaxweynaha cusub iyo golayaashiisa. Xisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa ku dhaliilay dowladda federaalka oo uu sheegay inay ku howlantahay bur-burinta nidaamka federaalka, waxuuna sheegay inay dooneyso nidaam xarun dhexe ka talis ah. Sidoo kale waxuu sheegay Xisbigu inay lama huraan tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah, si ay iskaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale, dhinacyada diyaarinta doorashada 2020/21, dhismaha ciidan qaran oo AMISOM kala wareega amaanka dalka, deyn cafinta iyo qabyo tirka Dastuurka dalka. Ugu dambayntii Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambays ah ka qaadatay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan, waxaana ay ayiddey go’aamadii maxkamaddaha derejada 1aad iyo rafcaanka [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-22082019.mp3 View the full article
  15. Somaliland: President Muse Bihi And Delegation Return From SaudiArabia The Somaliland delegation led by President Muse Bihi Abdi have returned home after completing this years’ Hajj pilgrimage. The delegation was met at the airport by the Somaliland Vice-President, Abdirahman Abdillahi Ismail, “Saylici”, senior government officials, members of both chambers of parliament, the commanding officers of the various branches of the Somaliland Defence Forces and other dignitaries. Speaking to the media, the Somaliland Home minister, Mohamed Kahin Ahmed, who was part of the delegation, outlined their visit to Saudi Arabia, and their meetings with both senior Saudi officials and the Somaliland community in the kingdom. The President returns home to engaged with several pressing issues, including the ongoing stalemate pertaining to parliamentary and local elections, the El-Afweine situation, the Caare insurgency talks and the recent blatant aggression by the Puntland militia. Qarannews.com Qaran News
  16. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow). “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxeexa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019. Source
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow). “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019. View the full article
  18. Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isbedel ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada dalka, waxaana xilalka laga qaaday dhawr taliye, halka kuwo kalena loo adkeeyay boosaskooda. Fahad Yaasiin Xaaji Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya, halkaasoo uu muddo hal sano ah ku xigeen ka ahaa, iyadoo aanay jirin taliye loo magacaabay muddadaas. Sidoo kale, Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska, waxaana xilkan laga qaaday Jen, Ameerika, iyadoo la sheegay in tani ay qayb ka tahay is-beddelka amni ee dalka. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa loo magacabay, Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo horay u ahaa ku xigeenka ciidamada xoogga dalka, iyadoo xilkan laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-Qarshe]. Waxaa sidoo kale xilka taliyaha ciidamada Asluubta loo magacaabay, Mahad C/raxmaan Aadan, iyadoo xilka laga qaaday Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaan [Jen. Bashiir Goobbe] oo sannad ka badan xilkan hayay. Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta ayaa waxaa horay uu u ahaa taliyaha ciidamada booliiiska maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo magacaabiddiisa la sheegay inay ku timid saami-qaybsi dhanka taliska ciidamada ah. Ugu dambeyn, Taliyeyaashan la magacaabay ayaa waxaa soo jeediyay in loo magacaabo xilalkan, wasaaradaha; Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Caaaladda, waaxana taliyaha ciidamada XDS uu noqonayaa midkii shanaad oo loo magacaabo xilkan tan iyo markii uu Farmaajo noqday madaxweynaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Fahad iyo Odawaa oo la dalacsiiyey iyo Indha-qarshe, Ameerika iyo Goobe oo xilalkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Cumar Finish Qoraal ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019. Cumar Finish ayaa bedelaya Allaha u naxariistee Eng. Yariisow oo lagu dilay qarax bishii la soo dhaafay ee July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Mudane Cumar Finish ayaa ahaan jiray hoggaamiye kooxeed caan ka ah Muqdisho, markii horena ka fallaagoobay Muuse Suudi Yalaxow. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo loo magacaabay hogaamiye kooxeed hore appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuuv magacaabey Gudoomiyaha/Duwa Magaalada Muqdisho. Madaxweynu wuxuu Cumar Maxamuud Maxamed u magacaabey inuu buuxiyo Booskii Marxuum Yariisow. Gudoomiyaha Gobolka [...] Source
  21. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Guddoomiye Filish ayuu Madaxweynuhu faray inuu dhammeystiro qorsheyaashii iyo dadaalladii uu soo bilaabay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow). Cumar Flish waxaa uu horay u ahaa hogaamiye kooxeed,wasiir iyo xildhibaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow). “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna. Ugu dambeyn, Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiye cusub u Magcaabay Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  23. Dadweynaha Deegaanka Diinqal Oo Ka Cabanaya Cilad Ku Timi Ceelkii Ay Ka Cabi Jireen Iyo Xukuumada Oo Hoos U Eegi Weyday. Dadweynaha ku nool deegaanka Diinqaal ee Degmada Sabowanaag oo qiyaastii 30Km Bari kaga beegan magaalada Hargeysa ayaa ka cabanaya cilada soo food saartay ceelkii ay ka cabi jireen biyaha. Sida ay noo xaqiijiyey dadka ku nool deegaanka diinqal waxay sheegeen in ceelkii biyaha ay dadweynuhu ka cabi jireen uu mudo Sanad Iyo Lix Bilood ciladi ky timi,waxaana la sheegay in cilada uu ceelkaasi u fadhiyaa uu yahay pumkii biyaha soo tuuray oo xumaanay, balse wasaarada biyaha Somaliland ay tahli kari weyday in ay wax ka qabto Dhanka kale dadweynaha ku nool tuulada Diinqal ee hootimaad degmad sabowanaag waxa ay si weyn uga cabanayaan baahiyaha asaasiga ah sida Caafimaadka iyo waxbarasahda. Dhinaca kale dadweynahu waxa ay dhaliilo u soo jeediyeen masuuliyiinta degmada Sabowanaag iyaga xukuumada dhexe ugu baaqay in si deg deg ah wax looga qabto cabashadooda iyo maamulka fadhiidka ah ee degmada gacanta ku haya. Waxaan la sheegayaa in masuuliyiinta ugu saraysay degmada Sabowanaag ay tamashleen ku joogaan caasimada Somaliland hargeysa, dadkii deegaankuna ay cabasho balaadhani ka soo yeedhayso. Qaran News
  24. Doorashadii Madaxweynanimada ee Maanta ka dhacday Jubbaland waxay noqotay mid Haweenka Soomaaliyeed taariikh u sameysa, Waxayna saamaxday in Haweenku ku dhiirdaan inay u tartamaan Jagooyinka [...] Source