-
Content Count
209,328 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-24082019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimaa Online) – War ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ururka uu Jabuuti ka taageerayo ololaha ay ugu jirto kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Ururka OIC ayaa u ballan qaaday dowladda Jabuuti inuu garab istaagi doono dadaalka adag ee ugu jirto kursigaas oo ay kula tartameyso dalka Kenya. Sidoo kale ururka ayaa ka codsaday dhammaan wadamada islaamka in ay taageero buuxda u fidiyaan Jabuuti, si ay ugu guuleysato kursigaasi. Dalalka Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti, maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin. Haddii 57-ka dal ee ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ay garab istaagaan Jabuuti ayaa waxa ay kaga adkaan kartaa loolanka ay kula jirto Kenya. Dhowaan ururka Midowga Afrika ayaa Kenya ugu codeeyay in y kursigaas ku matasho Afrika, balse Jabuuti ayaa ka biyo diiday, waxaana ay sheegtay in ay u tartami doonto. Labada dal ayaa kursigan ku tartami doona bisha September ee soo socota marka uu furmo shirweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug, Ahlusuna Wal-jameeca iyo xubnihii guddiga dibu heshiisiinta Galmudug oo lakala saftay. Khilaafkaan ayaa intiisa badan salka ku haya xubnaha ka qaybgalaya shirka dibu heshiisiinta deegaamada Galmudug oo martigelintiisa loo igmaday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Mid kamid ah labada garab ee khilaafkaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Qorsheynta Galmudug ay taageereen Go’aamada Ahlusunna, maadaama markii hore uu keenay Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud. Guddoomiyaha guddiga dibu heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow iyo xubno katirsan golaha wasiirada Galmudug ayaa ka horyimid hadalkaan waxaana ay sheegeen inuu meel kadhac kuyahay ergooyinka la casuumey, laguna burburinayo shirka dib u heshiisiinta. The post Khilaaf ragaadiyey shirkii dibu heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland ee soo dhammaystay dugsiyada sare si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka. Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland. Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tash ah loo dhisayo. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Xildhibaan sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dagaal kula jiro nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa banaanka keenay xogo ku aadan in dowladda Sucuudigu aqoonsatay baasaboorka maamulka Somaliland iyadoo cadaadis ku saaraysa dalka Qadar. Boqortooyada Sucuudiga oo kaashanaysay Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tallaabadaan qaaday kadib markii dowladda Qadar ay xoojisey maalgashiga ay ka samaynayso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wargeyska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Tallaabadaan oo meel kadhac ku ah jirintaanka Soomaaliya iyo qaranimada Soomaaliya ayaa waxa uu Sucuudigu qaaday kadib markii dowladda Qadar ay maalgashi ku samaysay dekedda Hobyo. PUNTLANDPOST The post Dowladda Sucuudiga oo aqoonsatay baasaboorka Somaliland si ay ugu cadaadiso Qadar. appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa qoray in loolan cusub oo u dhaxeeya Sacuudiga iyo Qatar uu ka billowday Soomaaliya, ayada oo labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin iska soo horjeeda. Wargeyska ayaa qoray in ayada oo Sacuudiga uu u muuqdo mid aqoonsanaya Somaliland, ay Qatar dhinac kale xoojineyso dowladda dhexe ee Muqdisho oo ay xulufo yihiin. Sacuudiga ayaa dhowaan casuumad madaxweyne oo rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qeyb-galay xajkii sanadkan. Hase yeeshee waxaa yaab lahaa baasaboorka uu ku safray, sida wargeysku qoray. Daily Sabah ayaa sheegay in Sacuudiga uu ogolaaday in Muuse Biixi uu adeegsado baasaboorka Somaliland, beddelka baasaboorka Soomaaliga. Tallaabadan, ayaa sii xumeysay xiriirka markii horeba aan cagaha adag ku taagneyn ee dowladda Muqdisho iyo Riyadh. Tallaabada Sacuudiga ayaa dirtay farriin ah in Sacuudiga qorsheynayo inuu Somaliland u aqoonsado dal ahaan. Qatar ayaa iyana qaaday tallaabo ay ku xoojineyso dowladda dhexe ee Soomaaliya, ee loolanka uu kala dhaxeeyo Somaliland, ayada oo shaaca ka qaaday qorshe ay ku dhiseyo dekedda muhiimka ah ee Hobyo. Hobyo ayaa waxay ku taalla goob muhiim ah waxayna u dhowdahay Marinka Bab el-Mandab, oo ah mid ka mid ah baraha la isaga gudbo ee badaha caalamka, taasi oo dekedda Hobyo u fureysa suuqyada caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyadda oo ay soo dhowdahay waqtiga ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka dib u bilaabeyso dhageysiga dacwadda badda, dowladda Kenya ayaa karaar-siisay qorsheyaasheeda ka dhanka ah ICJ. Xukuumadda Nairobi ayaa la sheegay in olalaheeda cusub oo ah mid diblumaasiyadeed uu yahay isku day ay ku rabto in ay ku beejiso in xeer-beegtada UN-ka ay xukun kama dambeys ah ku rido kiiskan aadka u culus. Dowladda Soomaaliya oo dacwadda gudbisay 24-kii August 2014-kii ayaa hoos u dhigtay dalabyo dhowr ah oo ku aadan in ay wada hadalo la gasho qadiyadan, waxayna ku adkeystay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka ICJ. Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ururka Midowga Afrika waxay ku dooday in kiiskan uu yahay “mid si qoto dheer u saameynaya” amniga gobolka, dagaalka Al-Shabaab iyo joogitaanka ciidamadeeda qaybta ka ah howlgalka AMISOM. AMISOM ayaa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika loo daabulay sanadkii 2007-dii, halka ay Kenya dib uga soo biirtay 2011-kii, wallow aysan guulo muuqda kasoo hoyn gulufka looga soo horjeeda xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida. Dhinaca kale, Kenya oo ku hungowday talaabooyin horey oo ay cadaadis ku saareysa xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay “fatwa” ku aadan gal-dacwadeedka badda. Hasa ahaatee, inta illaa iyo haatan la xasuusan yahay marka kaliya ee uu baarlamaanka Soomaaliya soo qaadey dacwada oo ahayd November 2009-kii, waxay mooshin ku buriyeen is-afaradka “dhalanteedka ah”. Iyadda oo cok-saneysa xeerarka AU-da, Kenya ayaa ururkan ka codsatay in uu u kala gar-qaado labada dhinac xili ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay diiday wada xaajood ay ka gasho kiiskan. ICJ oo xukunkeeda uu noqon doono mid ay “qasab tahay” in la fuliyo isla markaana aanan rafcaan laga qaadan karin ayaa dhageysiga galkan dib-u-bilaabeysa bisha September, waxaana kadib ay soo saareysaa go’aanka ugu dambeeya. Isha: Garowe Online
-
Ceel-Waaq (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ee Jubaland Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo la hadlayey dad shalay isugu soo baxay Degmada Ceelwaaq ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Jubbaland, iyo waxa laga yeelayo dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe Col. Cabaas Ibraahim Gureey, oo ay aad isugu dhow yihiin Axmed Madoobe, ayaa shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay in ay taageeraan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khamiistii lagu doortay Doorasho ka dhacay Magaalada Kismaayo. Taliye Cabaas ayaa fagaare ka sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiye waxqabad muuqda u sameeyay dadka Jubbaland, sidaas awgeed uu mudan yahay in la taageero. Dadka kasoo horjeedo Axmed Madoobe waxa uu ku sifeeyay in ay lamid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si Shabaab la mid ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waa waajib in aan taageerno, tan kale waxa aan idiin sheegayaa, Axmed Madoobe ma ahan kuwa Laptop-ka ku hubeysan, ma ahan kuwa Baasaboorka Ajnabiga wata, mana ahan kuwa Qurbo joogta ee waa nin Dalka usoo halgamay, Ninkii maanta aan dooneen waa Al-Shabaab, dagaal ayaa nalaga dhaxeeyo” ayuu Yiri Col. Cabaas Ibraahim Gurey. Isku soo bax ka dhacay Degmada Ceelwaaq oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada waxa uu isku badalay mid rabsho kusoo dhamaaday, kadib markii dadkii ka qaybgalayay qaarkood ay kasoo horjeesteen Axmed Madoobe. Haweeney ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyootay kadib markii rasaas lagu furay dadkaan ka qaybgalay isku soo baxa ka dhacay Ceelwaaq ee foodada isku badalay. Halkaan ka Dhageyso Codka Cabaas Gurey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/korneyl-Cabaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Ceerigaabo)Taliye Gurey inkasta oo aanu waqti dheer is naqaanney, waxan gaar u xasuustaa waa aan guddoomiye u ahaa team komishanka doorashooyinku diinwaangelintii 2008 u direy Bariga Sanaag. Waan gaar u xasuustaa maalintaa isaga oo ciidan awood badan oo Jamhuuriyadda ah salaan ka qaadanaya, annagana noo khudbadaynaya ayuu yidhi “Dalkiinnii baad u shaqayneysaan, shaqo iyo dal barasho ayaa ku jirtaane hawlihiina si kalsooni leh u qabsada – haddii aad cabsootaanna aniga ayaad i ceebayneysaan e ogaada, hareerihiina fiiriya ciidammada qaranka ayaa meel walba jooga e’ werwer la’aada” Iguma ogeyn uu inaan meesha joogo, cabbaar ka dib buu isaga oo khudbaddii wada sheedda iga arkay, markaasuu igula kaftamay “waar dee Cabdirashiidow awoowe dhallinyarada malaa waa wada reer galbeed e adigaa reer Sanaag ah e u sheeg in ay badhtamihii Somaliland joogaan” markaas ayaannh dhammaantayo qosollay Wuxu ahaa, welina yahay nin dalkan iyo shaqada ciidan ee naf-hurka ah ee uu hayey aad u jecel. Maanta waxa helay ee ku kelifey falkan aad baan isu weydiiyeh, waxanse isugu jawaabey ‘Faras nin dabadii ka degey; meel u dhaanta ayuu waayey” Bulshooy, shacab iyo ciidanba, dalkan Muuse Biixi ma leh, in yar buu joogi doona innagaa u hadhayna, yaan habdhaqankiisa hoggaamineed laga ficil qaadan. Madaxweyne Muuse Biixi isagana waxa la gudboon, dalka inta uu maamulayo fogaan-arag iyo odaynimo. Source
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Shir Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb uga socday culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo iskaga kala yimid dhamaan deegaanada Galmudug iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lasoo gabgabeeyay galabta. Shirka oo socday 21-kii ilaa 23-kii bashaan ayaa waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed ka kooban 11 qodob oo lagu cadeeyay mowqifka guud ee Ahlu-Sunna iyo 5 qodob oo baaq ah. Qodobada ay ku cabireen mowqifkooda ayaa waxaa ugu waa weynaa: Inaysan Ahlu-Sunna aqbaleyn in deegaanada Galmudug la keeno dad ay ugu yeereen aas aasayaashii Al-Shabaab, oo ay ka carabaabeen Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Dalladiisa. In guddiga loo xilsaaray qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ay faraha kula jiraan habraac ka baxsan shaqadooda, ayna wadaan iska hor keen bulshada, qoona aysan u laheyn dadka reer Galmudug. In Bushada reer Galmudug loo madax banaaneeyo dhismaha maamulkooda dowladduna ay ka deyso fara galinta ku ekaato doorkeeda kor joogto. Inaysan ogolaa doonin in dowladdu ay Galmudug geyso ciidamo AMISOM ah iyo kuwa ka socda dowladda federaalka. Ciidamada la isku dhafay ee hadda ka howlgala magaalooyin ay ugu horeyso Dhuusamareeb, wixii dhiba oo ka yimaada inay mas’uuliyadooda qaadaneyso dowladda federaalka. In culuma u diinka Ahlu-Sunna ay shir weyne kale iskugu inaanayaan Dhuusamareeb 10-ka bisha October ee sanadkaan. Dhanka kale baaqa ay direen culuma u diinka Ahlu-sunna ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah: In beesha caalamka ay ka fogaato ka qeyb qaadashada wixii deegaanada Galmudug u keeni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. In ummadda Soomaaliyeed ay u noqdaan Allahooda, ilaaliyaan midnimadooda, kana fogaadaan afkaarta ku saleysan gaaleysiinta, meelna uga soo wada jeestaan cadawga baneystay dhiigooda iyo maalkooda. In dowladda federaalka ay dib u eegto ilaalinta taariikhda soo jireenka ah ee diimeed iyo dhaqan ee ummadda Soomaaliyeed, kana fogaato in loo adeegsado burburinta diinta. Waxey dowladda federaalka ugu baaqeen inay isu keenidda ummadda Soomaaliyeed u marto, isqancin iyo is ogol, kana fogaato caburin iyo maquunin. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka Ahli-Sunna:- Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Col Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga waxa uu si kooban kaga hadlay arimaha Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo Kenya. Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inuu in badan ku la taliyay in Kenya ay iska dhiciyaan, isagoo ku eedeynaya inay kasoo horjeedo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Korneyl Barre Hiiraale ayaa yiri, “Dadka iyo dalka Somaaliyeed waxan in badan ku celceliyay in Kenya dalkaan si cad ugu soo duushey, tahayna mid dooneysa inay meesha ka saarto jiritaanka ummada Soomaaliyeed guud ahaan, dhicina meyso taas.” Barre Hiiraale ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay “Madax Banaanida Qaranka Soomaaliyed waa lama taabtaan”. Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa ka mid ah, siyaasiyiinta sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sanadkii 2014-kii ayaa magaalada Kismaayo waxa uu dagaal galaaftay nolosha boqolaal ruux ku dhex maray Korneyl Barre Hiiraale iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana dagaalkaas Kismaayo looga saaray Barre Hiiraale iyo ciidamadiisii. Waakan postiga Barre Hiiraale:- Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho, ayaa dhallinyarada qorayaasha ah ee Soomaaliyeed ku dhiirri geliyay in ay qalinkooda ku bedelaan sawirka qaldan ee dalkeenna horay looga bixiyay, si loo helo sawirka saxda ah ee dalka, loona dhiso mustaqbal ifaya oo dunida soo jiita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay ay muhiim tahay in dhallinyaradu ay afka Soomaaliga wax ku qoraan, maadaama aqriska iyo qoraalku ay horseedaan ilbaxnimo iyo in laga fogaado xasarado iyo colaado, ayaa cadeeyay in sida kaliya ee dhibka looga bixi karo ay tahay in qorayaashu ay si daacadnimo iyo damqasho leh ay dalkooda wax uga qoraan. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ee dalka xilligaan heysata ay tahay bedelaadda fikirka adduunyadu ay dalka Soomaaliya ka qabto, hase yeeshee uu aaminsanyahay in ay muuqato yadadiilo wayn maadaama ay dhallinyaradii ay xoogga saarayaan aqriska iyo qoraalka si ay dunida ugu sheegaan waxa ay tahay Soomaaliya, waxa ay ahaan jirtay iyo waxa ay noqon karto. View the full article
-
Xubno katirsan golaha wasiirada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey taliyayaal ciidan, saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland. Wasiirada ayaa ugu horayn hambalyo iyo soo dhoweyn u diray taliyayaasha iyo ciidamada ku soo biiray Puntland waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay la xuquuq iyo waajibaad noqon doonaan ciidankooda Puntland ee ay ku soo biireen. Shacabka reer Sanaag iyo Haylaan ayey sheegeen inay yihiin reer Puntland aysana aqbali doonin inuu xoog ku haysto maamulka sheegay inuu Soomaaliya ka baxay ee Soomaaliland, iyagoona tilmaamay in tallaabadaan iyo kuwii ka horreeyey ay tusaale cad u yihiin Hargaysa. Wasiiradu waxa ay isku raaceen inuusan jirin reer reer kale xoog ku haysan kara ama sheegan kara dadnimadiisa iyo dhulka Alle ku beeray, Somalilandna looga baahan yahay inay u tashato Waqooyi Galbeed iyo Togdheer oo shacabkoodii hadda baxsad yihiin sida wasiiradu sheegeen. DAAWO Taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan, taliyihii ciidamada badda Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidankoodii ayaa ku biiray Puntland waxaana taliskii ciidanka Somaliland ee duleedka Badhan laga taagey calanka Puntland. PUNTLANDPOST The post Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay ciidamo iyo taliyayaal ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-23082019.mp3 View the full article