-
Content Count
209,328 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururada bulshada rayidka ah ee madaxabanaan oo heshiis is-afgarad gaadhay maanta Maanta oo sabti ah, 24 August 2019, is-bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan (ISCO Somaliland) waxay saxeexeen Heshiis Is-afgarad oo noqon doona xeerka maamulaya is-bahaysiga ururada bulshada rayidka ah ee madaxa banaan ee Somaliland. Ururo ka kala socda gobolada dalka oo dhan oo ka shaqeeya arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka shaqeeya xuquuqda beelaha la hayb sooco, dhalinyarada, xuquuqda dumarka, cilmi baadhista, dimoqraadiyadda, xuquuqda caruurta, u doodista xuquuqal insaanka, iyo horumarka. Ujeedada laga leeyahay waa in la abuuro hanaan ay isku kaashaan karaan ururadani si ay uga shaqeeyaan arimaha dimoqraadiyadda. Ururadu waxaay ka shaqayn doonaan hadba sida u danta ah dimoqraadiyadda iyo in bulshadu ka qayb qaadato talada dalka si ku dhisan mabaadida dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Is-bahaysigu wuxuu bartilmaameedsan doonaa ururada deegaanada ka shaqeeya ee bulshada ku dhow, gaar ahaan gobolada caasimadda ka baxsan. Is-bahaysigu waa mid u furan dhamaan ururada madaxa banaan ee ka tirsan bulshada rayidka ah. Shardiga u wayni waa in ururadu ay si buuxda ugu madax-banaanaadaan si loogu ogolaado inay ku soo biiraan is-bahaysigan. Waxa naga go’an in aanu abuuro nidaam raagi kara oo abuura wada shaqayn firfircoon oo u jawaabta shacabka, cidda xisaabisaana tahay shacabka. Waxa waajib ku ah Is-bahaysiga inay siyaasad ahaan noqdaan kuwo ka madax banaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Qaran News
-
Click here to read Qaran News
-
Baardheere (SMN) – Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee Xarunta Yiilay. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran, maadaama ay dadku isticmaalaan lacagta Telephones-ka la isugu diro ee EVC Plus. Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi. Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Gudoomiyihii hore ee AUN Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow ayaa maanta tagay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar waxa ayna booqdeen Xafiiskii uu ku shaqayn jiray Eng Yariisoow. Qoyska Marxuun Yariisoow, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere waxa uuna ugu mahadceliyay Booqashadda ay ugu yimaadeen. ”Waxaan maanta xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyey qoyska Allaha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Waxaan soo kala tusay qaybaha kala duwan ee xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo howlaha socda oo maamulku dar-dar ku wado” ayuu yiri Mahadalle. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere ayaa sheegay in ay u balan qaadeen Elahada Gudoomiyihii hore in ay sii wadi doonaan shaqada ay u hayaan Magaaladda Muqdisho. “Waxaan u ballan qaadnay in aan sii wadi doono dedaalkii, dhabar adaygii, shaqadii geesinimada lahayd iyo wadaninimadii uu ku sifoobey ayana noqon doonto mid mar waliba xusuus ku sii ahaan doonta qalbiyadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa oo Al shabaab sheegatay Masuuliyadiisa kaas oo 24 Juulay ee sanadkaan lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir.
-
Leaders of the International Federation of Journalists (IFJ) met yesterday the President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, at Villa Somalia – Somalia’s governing house. The delegation led by IFJ President Younes Mjahed, included the President of the Federation of African Journalists (FAJ) Sadiq Ibrahim Ahmed, the Vice President of Eastern Africa Journalists Association (EAJA) Stephen Ouma Bwire, the Secretary-General of National Union of Somali Journalists (NUSOJ) Omar Faruk Osman, and IFJ Gender Council Member Mounia Belafia. The discussions centred on press freedom developments in Somalia, in particular on the safety and security of journalists, the professionalisation of journalists’ work and the enforcement of the right to freedom of association. President Farmaajo expressed the total commitment of his government to protect freedom of expression and of association, highlighting that journalists have been free to do their work, even when their reporting at times bordered on incitement and sensationalism. He encouraged the IFJ to help their Somali colleagues enhance their professional ethics in order to ensure responsible journalism. In his response, Mjahed acknowledged recent actions taken by the Federal Government of Somalia in prosecuting soldiers accused of mistreating working journalists and the changes that have been taking place to confront ingrained impunity and create a better environment for journalists to do their work and exercise their right to freedom of association. He, however, pointed out to the horrendous challenges journalists in Somalia and their union, NUSOJ, had to endure for many years and applauded that the federal government had taken steps to draw a line behind the past history marred by recurrent abuses of journalists. He said “the IFJ and its member unions worldwide as well as the global labour movement has supported NUSOJ and its members during the darkest hours where the Somali authorities clamped down free trade unionism, denied journalists of their right to peaceful assembly, and interfered with their union. We welcome the commitment in unequivocal terms by President Farmaajo to turn the page and carry through the State’s obligation of ensuring journalists’ safety.” The IFJ delegation noted that the 5th General Assembly of NUSOJ being held in Mogadishu without being attacked and disbanded by State Security Apparatus was a major sign of change. The previous 4th General Assembly was disbanded in February 2016 by government security agents and had to be moved to Galkayo in the Puntland State of Somalia. The delegation also met in her office the Federal Minister for Women and Human Rights Development, Deqa Yasin Haji Yusuf, to discuss support to women journalists, institutional protection of freedoms of expression and association, and the engagement of the IFJ with Somalia at the UN Human Rights Council where Somalia is currently a member. Minister Deqa Yasin spelt out the federal government’s engagement to uphold the basic human rights of its citizens such as journalists and women. Other meetings involved Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire and Minister of Information Mohamed Abdi Hayir. Mjahed concluded his visit by congratulating his hosts, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), for the success of their general assembly. He said “I am proud to be the first IFJ president to come to Somalia to bring the greetings of unions of journalists worldwide to your fifth general assembly. We have for many years stood with Somali journalists, their union NUSOJ and its leaders despite the attacks and campaign of vilification carried out relentlessly by government agents and their hired hands who put a considerable effort to sow confusion and uncertainty among IFJ affiliates but failed. The IFJ delegation has witnessed a vibrant & representative general assembly that made us proud of the solidarity and resilience of Somali journalists who are in good hands as long as NUSOJ continues to thrive and grow.” View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday casuumaad uga timid ururka Midowga Afrika, kaas ku saabsan kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Martiqaadkaasi oo xukuumadda loo soo gudbiyey balse ay diiday ayaa wuxuu ku saabsanaa ka soo qeyb galka kulan is-xog-wareysi ah oo guddiga ururka soo agaasimay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegtay Midowga Afrika in ay kalsooni ka qabto in Maxkamadda ICJ ay gal-dacwadeedkan ku ridi doono xukun cadaalad ah. ICJ oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague, Netherlands, ayaa dhageysiga kiiskan dib ugu muddeysay 9-ka illaa iyo 13-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.i. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ku taariikheysan 21-ka August 2019 ku sheegtay “in aysan habooneyn” in ay aqbasho casuumaada AU-da maadaama kiiska uu horyaalo xeer-beegtada dunida. Iyadda oo sharaxeysay sababta ay Soomaaliya kiiskan ula aaday Maxkamadda, wasaaradda ayaa xustay in aysan Kenya wax heshiis ah kala gaari karin qaddiyadan. Dowladda federaalka waxay dacwadda xareysay 2014-kii. “Kenya waxay si khaldan ugu turjuntay talaabadaasi mid aanan saaxiibtnimo ahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay mareega GO, xafiis wareedkiisa Muqdisho. Dhinaca kale, qoraalka ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabadda Xildhibaanadda Kenya ku sheegeen in ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay difaacan dhulkooda. Sidda lagu sheegay jadwalka ICJ, Soomaaliya ayaa dooda labaad waxay soo bandhigi doonta Khamiis, 12-ka September, halka Kenya ay jawaabteeda la imaan doonto Jimce, 13-ka September. Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku haya goob badeed lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Naqaska. View the full article
-
Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hassan Ali Khayre, closed the book fair in Mogadishu. He embolden the young writers in Somalia to help change the negative image of the country by showing the side the world doesn’t see, and contribute in building a bright future that attracts the world. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn, Xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa aqriyay xukunka dhallinyaradan oo loo xiray kufsi Guriceel ka dhacey dhowr bilood ko hor, waxaana markaa kadib dadka hortooda la leenay maxaabiista oo ay jeedaleen xubno booliska Ahlu-Sunna. Ahlu-Sunna ayaa saaka dadweynaha magaalada ku wargalisay in ay yimaadaan barxadda magaalada si ay u daawaddaan xukunka lagu ridaayo labadda ruux ee loo heystay kufsi ka dhacay Guriceel. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada
-
Cadaado (SMN) – Guddoomiyaha maamulka Camaara ee gobolka Mudug Yuusuf Salaad Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey Xooggaga in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inay faafiyeen dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in haatan xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka sameeyeen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-faadumo.mp3 View the full article
-
Kismaayo (SMN) – warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo siyaaso kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kadib qoraal ay ku baahisay baraha Internet-ka. Al-Shabaab ayaa shaacisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay deegaanka Buulogaduud, islamarkaana ay la beegsatay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Jubbaland. Sida ay sheegatay Al-Shabaab wax ay qaraxaasi ku dishay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee mamaulaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in qarax kale oo ka dhacay deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi ay ku dishay saddex ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuna dhaawacday mid kale, kuwaas oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaankaasi. Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa goobta ka akhriyey eedeymaha iyo xukunka lagu riday raggaasi. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
The Afghan Taliban and the United States have reached an agreement on a time frame of pullout of foreign forces from Afghanistan, Taliban chief spokesperson Suhail Shaheen said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Waxaa maanta dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay dhowaan Jubbaland bandow dhul,cir iyo badba ku soo rogtay magaaladaasi. Garoonka diyaaradaha, dekedda iyo xarumaha mamulka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay howlahooda shaqo. Sidoo kale waxaa dib loo furay waddooyinka soo gala Kismaayo, kuwwas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayirnaayeen gaadiid fara badan. Xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka dhacay maamulkaasi. Doorashooyinkan ayaa waxaa lagu doortay illaa 3 madaxweyne oo uu mid kasto sheegaynayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Jubbaland. Odayaal iyo waxgarad is abaabulay ayaa haatan wada dadaallo lagu xalinayo xiisadahaasi, si aysan uga dhalan rabshado kale. Tan iyo khamiistii la soo dhaafay xaaladda ayaa aheyd mid iska cakiran, kadib markii la’isku khilaafay doorashada sanadkan ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
GENEVA - The U.N. children's agency reports schools across West and Central Africa are being targeted by insurgent groups. It says attacks and threats of violence have forced more than 9,000 schools across eight countries to close since the end of 2017, robbing nearly 2 million children of an education. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-24082019.mp3 View the full article
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa ay ku dacweysay deeq bixiyeyaasha iyo hey’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyada oo ku eedeysay inuu sameeyey musuq , amni darro iyo inuu abuuray iska hor keenista shacabka iyo madaxda Puntland. Qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda ee Puntland, lana soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay in booqashadii uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku tagay Puntland ay keentay musuq iyo in la baal maray hey’adaha dastuuriga ah ee Puntland isla markaana uu abuuray isku dir shacabka iyo dowladda Puntland. Isla qoraalka waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay sida sharci darada ah ee ra’isul wasaare Kheyre u adeegsanayo hantiada shacabka si uu u abuuro xiisado siyaasadeed iyo amni darro, isaga oo (220,0000) u xawilay NGO ama hey’ado aan dowli aheyn, isaga oo meel uga dhacay dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. Dr, Xasan Sheekh oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in Puntland ay caalamka tuseyso in deeqaha loo isticmaalo arrimo aan habooneen“ Arrintan waxaa ay ka dhiban tahay in dowladda Puntland ay tuseyso caalamka in lacagihii loogu talo galay horumarka in loo isticmaalayo dumin iyo isku dirka Puntland”. Dr. Xasan oos ii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa ay dhaawaceysaa sumcadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waxaa kale oo sii kala fogeyneysaa xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia has rejected the Commission of the African Union invitation to a briefing on the maritime row with Kenya. Instead, it has expressed confidence in the International Court of Justice and its ability to deliver a fair ruling. The ICJ is set to hear the dispute between September 9-13 at the Peace Palace, in The Hague, Netherlands. The ICJ said the first round of hearings will take place on September 9, when Somalia will make its submissions, while Kenya will respond on September 11. In a statement dated August 21, the Somalia ministry of Foreign Affairs said it would be “inappropriate” to accept the invitation while the matter is pending before ICJ. The ministry said it roped in ICJ to determine the dispute because it couldn’t agree with Kenya. It said Kenya “misinterpreted” the move as being unfriendly. Somalia faulted Kenyan MPs for saying Kenya was ready to deploy KDF to protect the territory. Somalia will go first in the second round of oral arguments on Thursday, September 12, while Kenya will give its closing submissions on Friday, September 13. Kenya has been pushing to have the matter solved through political negotiations rather than through the court. Kenya wants the maritime border to run along parallel latitude southeast of Kiunga, while Somalia, on the other hand, is arguing for a diagonal line down the Kenyan Coast. This threatens to make Kenya a landlocked country, and risks losing 42 per cent of its territory. Source: The Star
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu guda jira jawi farxadeed oo aroos ah, islamarkaana Caruuska iyo Caruusadda ay ku sugan yihiin guri ku yaallo Xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, ayaa jawigii arooska wuxuu isku bedelay xaalad murugo ah, kadib markii dhismihii uu soo dumay xalay. Dhismaha guriga dumay, ayaa wuxuu ahaay guri qadiimi ah oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse dad shacab danyar ah ay deegaansadeen. Suus Raagge Cadow oo eedo u ah wiilka arooska ayaa sheegtay iyadoo xaaladda ay tahay jawi farxadeed mar kaliya uu soo dumay guriga, waxaana ay sheegtay sababta guriga uu u soo dumay inay tahay, kadib markii reerka gabadha durbaano ay ku dul ciyaareen dhismaha dabaqa, taasi oo sabab u noqotay inuu soo dumo guriga. “Wiil aan eedo u ahay ayaa gabar gurigaan keensaday, kadib aroos ayaa halkaan loogu dhigay cidda gabadha oo durbaano watay ayaa guriga ku ciyaaraayay, bood boodkii durbaanada ayaa sabab u noqday inuu dumo guriga ana reerkeena wax yar yar ayaa soo gaaray, balse cidda gabadha ayeey u badnaayeen dadka dhaawacyada soo gaareen illaa 22 ruux dad gaaraya oo arooska & aroosadda ay ku jiraan ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.” Ayey tiri Suus Raagge. Dadkii dhaawacyada ay soo gaareen ayaa dhismaha dumay, waxaa looga soo saaray jaraanjaro, kadib markii dadka Xaafadda gurmadkaasi ay sameeyeen. Guryaha qaar ee ku yaallo Muqdisho oo dhismahooda ay qadiimi yihiin, ayaa xilliyada qaar dadka waxa ay kala kulmaan dhibaato adag oo ka soo gaarta, kadib markii ay ku soo dumaan guryaha ay ku nool yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa difaacay go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibay Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo isaga oo dalka dibadiisa ku sugan U Waramayay Wargeyska Geeska ayaa yidhi “Dalka Waan ka maqanahay, dalkuna Madaxweyne Qaran ayuu leeyahay, haddii Uu Madaxweynuhu Wasaaradda arrimaha Dibedda Si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibo Wasiir Sacad Cali Shire Wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto.” Wasiir Faratoon. Wasiir Sacad Cali Shire hore waxa loogu si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay wasaaradda qorshaynta qaranka oo wasiirkeeda ay xaalad caafimaad la soo daristay. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegatay qaraxaasi ayaa baahisay inay ku dishay 3 ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahy mid degan. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ay ka socdeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland in ay ku fashilantay xalinta khilaafaadka ka taagan Goboladda Bariga Soomaaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta kula Hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay ciidamo reer soomaaliland oo ku sugnaa Gobolka Badhan, hasayeeshee shalay u talaabay dhinaca Puntland “Illaalinta Xuduudaha Qaranka Somaliland waxay u baahan tahay Masuul xilkasnimo leh balse uma baahna Masuul u yimi Kursiga Hanti urursi Xoolaha ummada ah,” Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jama Batuun Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leenahay Muusi Biixi wuu tagayaaye yaan la kala tagin, 30 Sanno waa marki kobaad ee Calanka Somalinad dhulka la dhigo, Arinta Sanaag berri waxay daliil u tahay Hoggaamin aan xuduudo qaran sugi karin laakiin xoolo Urursi u timid” Halkan hoose ka DAAWO Source