-
Content Count
209,333 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Labadulle oo qiyaastii 25-KM koonfur bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed. Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana ka dhashay dhaawacyo intaas ka badan oo aan ilaa hadda la ogaan tiradooda rasmiga ah inta ay dhanyihiin. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana xalay deegaankaas ka jirta xiisad colaadeed. Xiriir aan la sameynay dad ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay iyo deegaano hoos taga ayaa noo sheegay inay ka cabsi qabaan dagaal kale oo halkaasi ka qarxa, maadaama ay wali is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay. Dadkii uu khasaaruhu kasoo gaaray dagaalkaas u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed, ayaa sida aan xogta ku heleyno waxaa la kala gaarsiiyay si gargaar caafimaad loogu raadiyo magaalooyin Ceel-Garas iyo Dhuusamareeb oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay sheegaan heerka ay ku kalsoon yihiin waxqabadka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo, Ra’isul Wasaarahiisa Xasan Cali Kheyre iyo Dhammaan xildhibaanada labada gole ee baarlamanka Xog uruurintan oo u dhaceysa qaabka Online ka ah, ayaa waxaa lagu ogaanaya marka ay dhammaato heerka ay gaarsiisan tahay kalsoonida shacabka iyo laamaha dowladda sida Madaxweynaha, golaha fulinta iyo golaha sharci dejinta. Ma jirto meel laga heli karo dareenka shacabka marka ay timaado kalsoonida ay ku qabaan hoggaanka dalka, balse shabakada casriga ah ee Somali Elections aya siineysa shacabka in ay soo bandhigaan fekerkooda siyaasadeed iyo qaabka ay ula dhacsan yihiin hoggaanka dalka. Haddaba halka hoose ka dhiibo codkaada sida aad u aragto hoggaanka dalka Maku qanacsan tahay shaqada Madaxweyne Maxamed Farmaajo (Riix oo Codee) Maku qanacsan tahay shaqada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre (Riix oo Codee) Maku Qanacsan tahay shaqada Xildhibaanada Baarlabaanka JFS (Riix oo Codee) Maku qanacsan tahay shaqada Senatarada JFS (Riix oo Codee)
-
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu mar kale Wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire u xilsaaray inuu ku sime ahaan masuul uga sii noqdo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamig ah, ka dib markii uu wasiirkii arrimaha dibadda Mr. Yaasiin Xaaji Faratoon uu muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah ugu maqnaa dalka dibadiisa. Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Wasiir Sacad Cali Shire uu wasaarada khaarajiga u sii ahaan doono ku sime, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Wasiirkiisa Dr. Sacad u asteeyay inuu dusha ka sii wado hawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, lamana oga inuu maalmaha qaar wasaaradda fadhiisan doono iyo in kale. Laakiin 28 Julay ayaa la arkay Wasiir Sacad Cali Shire oo madaxweyne Biixi kala qayb galay kulan uu la yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire James Swan oo socdaal ku yimid Hargeysa, waxaanay kulankaas ka dib Wasiir Sacad iyo ergayga Qaramada Midoobay ay wada jir shirjaraa’id ugu qabteen xarunta madaxtooyada, waxaana maalintaas soo baxay su’aalo la iska weydiiyay doorka Wasiir Sacad ee arrimaha dibadda. Wasaaradan khaarajiga ayaa waxay leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime guud, waxaana xusid mudan in Wasiir-xigeenku uu danjire James Swan maalintaas soo dhaweeyay, kana qayb galay kulanka madaxtooyada, balse aanu haddana la qaban kulankii saxaafadda loogu tallo galay. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bishii June waxa la ogaaday in Madaxweyne Biixi uu ku sime ahaan ugu asteeyay wasaaradda qorshaynta oo uu wasiirkeedii Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, iyadoo ay wasaarada qorshayntu leedahay wasiir-xigeen iyo agaasime guud. Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu la xidhiidhay Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, oo uu weydiiyay jiritaanka warkan, waxaanu si kooban u yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran, markaas haddii uu Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo wax dhiba oo ku jirtaa ma jirto, wax walbana wax lagama dayo, waxna lagama soo saaro”. Hase yeeshee Wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire oo uu Geeska Afrika isna isku dayay inuu wax ka weydiiyo warkan ayaanay noo suurtogelin. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa muddo sannado ah wuxuu wasiir ka soo noqday labadan wasaaradood ee qorshaynta iyo arrimaha dibadda oo uu u leeyahay khibrad iyo aqoonba. Source Geeska Africa Qaran News
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo was elected in 2017 to accelerate the building and strengthening of “a federal, sovereign, and democratic republic founded on inclusive representation of the people, a multiparty system, and social justice,” which holds a periodic democratic elections for popular legitimacy and trust. The foundational principles of the Republic were outlined in the bill of rights of the provisional constitution. The overarching red-line for the elected president was and is to steer away from the political, security and economic models, practices, and notorious monopolies of the toppled military regime. But, President Farmajo defied the rule of law vision enshrined in the provisional constitution and adopted the Rule of Man to join the club of “elected despots” who like to exercise dictatorial power while claiming false popular legitimacy and democratic credentials. That kind of elected despot shouldn’t flourish again in Somalia. Today, the Somali elite bear the responsibility of defending the constitutional democratic system of governance founded on the principles of freedom and the rule of law and of acting on the wisdom of Thomas Jefferson who said the following more than 230 years ago: “An elective despotism was not the government we fought for; but one which should not only be founded on free principles, but in which the powers of government should be so divided and balanced among several bodies of magistracy, as that no one could transcend their legal limits, without being effectually checked and restrained by the others…..The time to guard against corruption and tyranny, is before they shall have gotten hold on us. It is better to keep the wolf out of the fold, than to trust to drawing his teeth and talons after he shall have entered.” Former President of Italy, Sandro Pertini said, “I corrotti e i disonesti sono indegni di appartenere al popolo italiano, e devono essere colpiti senza alcuna considerazione.”[1] Indeed, Somali Leaders who defy the rule of law, ignore the will of the people, avail or tolerate corruption and dishonesty should feel public protest, anger, and revolt. The 2016/17 elections were marred by lack of legal framework, outright fraud, corruption, vote-buying, lack of transparency and accountability, and foreign money and manipulations. The mismanagement of the electoral process deepened public distrust in democratic government and international partners’ stands on democracy. SAFERWORLD in cooperation with Puntland Non State Actors Association (PUNSAA) and Somalia South Central Non State Actors Association (SOSCENSA), EU Election Mission Experts, Professor Brendon J Canon, and Victor Marsai conducted 2016/2-017 post electoral analysis and published their findings and recommendations. Despite introductory sugarcoating claims of progress because of limited incidences of political violence and the defeat of incumbent president, the 2016/2017 elections were well below tolerable basic democratic standards. In 2016, the Somali political stakeholders agreed that “under no circumstance shall the 4.5 clan based power sharing arrangement be used beyond 2016 elections.” Alternatively, they agreed that the 2020/2021 election will be free, fair, and credible one person one vote democratic election. Unfortunately, that decision remained ignored. A briefing put out by the Office of the UN Secretary General on August 1, noted, “The AU-UN review said that elections in Somalia are a key indicator of progress on the country’s path towards becoming a fully functioning federal state. However, there has been little movement on the necessary preparations.” Rather, the federal government has been focused on undoing the democratization process. The general consensus is that there will not be any legitimate competitive free and fair one person one vote election in Somalia in 2020/2021. To the contrary, the 2020/2021 election will be the worst undemocratic political election in the Somali history. The corrupt lessons learnt in the past elections are perfecting new fraudulent tactics and measures to be implemented before election date. In parallel, the international influence is growing beyond control. President Farmajo gave high priority to capture the state power by placing the federal parliament and the federal member states (FMS) under his control so that the federal parliament and presidents of the FMS rubber stamp his blatant undemocratic political agenda and abolish oversight and accountability responsibilities. The executive branch’s usurpation of the federal parliament’s responsibilities and broad-day rigging of the southwest state 2018 presidential election marked the end of confidence in the federal government to adhere to the rule of law. The stalled political negotiations between the Federal Government and federal member states since 2018 has resulted major political issues pending. The continuing backlog of political issues has created perilous conditions for national disintegration and civil strife. After 2 years of deliberate neglect, on May 2, 2019, the Council of Ministers of the federal government of Somalia approved draft electoral and political party laws supposed to regulate democratic elections in Somalia. Both laws were prepared undemocratically and so they defy political, legal, and intellectual rationale and assumptions. They fail to adhere to the letter and spirit of the provisional constitution, to the principles of federalism, legitimacy, and accountability and public political participation and they threaten the shared aspirations of the Somali people for harmony and solidarity. The laws need extensive legal editing as some words used are ambiguous and subject to different interpretations or for verbosity. Non-state stakeholders like civil society and opposition groups didn’t participate in the preparation of the draft laws. The website of the National Independence Electoral Commission (NIEC), the sole institution constitutionally established for the administration of elections, lists the laws and regulations necessary before holding free and fair one person one vote election in 2020. The prime law mentioned is the completion of the provisional constitution that should settle definitively many questions about political representation of the people and choice of the electoral system and political party system; the citizenship question; the population census; the criteria for the determination of the constituencies and their borders; and the respective roles of the federal and state institutions, including the judicial system, in the federal and state elections. That prime law and many other laws have not been prepared let alone approved. Laws will require regulations and time for civic education. Article 11 (3) of the electoral law revived the contradictions between articles 89 (1, 3) and IIIG (2) (a) of provisional constitution concerning on the election of the president. Since the federal parliament elects the president, the NIEC has no role to play in the affairs of the federal parliament. The proposed electoral law mandates voter registration of voters who are citizens of 18 years and older of the federal republic of Somalia. Each voter will receive voting cards. Voter registration supposes the existence of civic registration that establishes citizen’s information – date of birth and death, status of marriage, and etc. The proposed electoral system is the proportional representation of closed list. In October 2014, the United Nations Fund for Population Activities (UNFPA) released population estimation survey of pre-war 18 regions of Somalia which estimated the total number of the Somali population about 12.3 million individuals, divided into 4 categories: urban (42.3%), rural (22.8%), nomadic (25.9 %), and internally displaced people (9%). The survey was a stepping stone for national census as prerequisite for “equality of the vote.” All political parties are required to present the list of their candidates by respecting “the balance” in the Somali society. The word “balance” probably stands for “clan balance.” In addition, the political parties are required to respect 30% women’s quota and the representation of the disable people and minority communities. The law allows the NIEC to change the registration system if deems necessary. It is not specifying the state and federal courts that have jurisdiction over the electoral disputes and complaints against NIEC decisions and electoral results. NIEC has the exclusive power to determine the number of constituencies and number of polling stations. It’s also given the power to declare the election date which implies that it has the prerogative for postponing election date without restrictions. The final results of the elections should be approved and declared by the constitutional court which is not formed for political reasons. Article 12 (2) of the proposed electoral law stipulates that the election will take place where it is possible which means that many groups will certainly be excluded from casting their votes in the election and the results will be skewed. Furthermore, article 12 (3) states that the seats of the Upper House will be distributed and elected according to article 72 of the provisional constitution which changes the 2016 agreed formula. Many communities are unhappy about the current political representation of 4.5 clan formula for different reasons, including the principle of “equality of the vote.” In divided societies, skewed results for exclusions, marginalization, and manipulations are immediate source for conflict and violence. The impracticability and flaws of the chosen electoral system have been discussed in a recently published report of the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), titled, “Somalia: In Search of a Workable 2020 Electoral Model.” The report has illustrated the flaws of the Proportional Representation models unveiled in Baidoa (Baidoa Proposal) and Kismaio (Kismaio Proposal) and put forward an alternative Electoral Model called “The Modified Enhanced Legitimacy Proposal (MELP),” responding to the current Somali political situation. Proposed electoral Models fall far short of meeting satisfactorily with most of the 7 standards set in the report. The political party law is poorly written. The premature registration of political parties is public misdirection and waste of time and resources. There are many issues that have priority over the registration of political parties. Article 4 (C) of the political party law decertifies all registered political parties. While the federal republic of Somalia is torn apart, the political party law requires that political parties must have representation at least in 12 of the 18 regions. The preparation for the transition to universal suffrage based on political parties has lost momentum and any attempt to create mishmash process that incorporate 4.5 clan formula and political party system will more likely increase election fraud, political disillusionment and disenfranchisement. None of the prerequisites for legitimate and credible universal elections– such as finalization of the constitutional review, national unity, peace and security, functional institutions, particularly independent judiciary and electoral bodies, electoral legal framework – had been adequately addressed and signed off. In addition, the unresolved political and legal status of Somaliland and Benadir region is threatening the stability and integrity of the South-Central Somali political system. It’s my humble suggestion that the second best electoral option for 2020/2021 election will continue to be the democratization of the 4.5 clan based power sharing formula by developing special verifiable guidelines for within clan elections. International community should not encourage false election process subverting democracy further in 2020. Another fake election will propel Somalia into long term state failure, expansion of terrorism, endemic corruption, piracy, and exodus of refugees. By: Dr. Mohamud M Uluso mohamuduluso@gmail.com [1] Translation, “The corrupt and the dishonest are unworthy of belonging to the Italian people, and must be struck without any consideration.” Disclaimer: The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Caasimada Online’s editorial stance.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/BAr___Qubanaha-24082019.mp3 View the full article
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad, oo maanta dib ugu soo laabtay Garowe ayaa ka hadlay shir uu Nairobi kula soo qaatay deeq bixiyayaasha caalamka iyo qaar kamida safaaradaha reer Yurub. Puntland iyo Beesha Caalamka oo shir ku yeeshay Nairobi Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in kulamadaas looga hadlay sidii Puntland looga caawim ahaa hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyeynta, iyo sidii Puntland uga qabsoomi lahayd doorashooyinka hal qof iyo hal cod. “Sidaad la socotaan mudo Asbuuc ah waxaan ku maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo aan shaqooyin kale duwan u tagay, mudadii aan halkaa joogay wax weyn ayaa noo-suurta galay, waxaana ugu muhiimsanaa in aan shirar caalami kusoo galo, oo looga hadleyey Barnaamijka Dimuqraadiyeynta ama doorashooyinka Puntland, iyo dowlad wanaaga oo aan arrimahaas kusoo wada hadalnay beesha caalamka, shirarkii ugu muhiimsanaa oo soo qabsoomay waxaa kamida shirkii Agoosto 21dii ka dhacay safaarada Switzerland, ee Dalka Kenya, shirkaas oo noo abaabushay safaarada Switzerland, ayna isugu yimaadeen deeq bixiyayaal, iyo safaarado kamid ah daneeyayaasha Soomaaliya sida EU delegation, UK, Norway, Sweden, Switzerland, Nairn Denmark, SSF iyo UN. Ayuu yiri Wasiir Dhabancad. Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in shirarkaas uu ka qeyb galay lagu soo hadal qaaday sidii la’isu waafajin lahaa doorashooyinka qaranka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaleedyada. “Hanaanka doorashooyinka qaran iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS, sidii la’isu waafajin lahaa ayaa laga wada hadlay iyo sidii Soomaaliya uga dhici lahayd doorashooyinka qof iyo cod, waaba hadiii doorashadaas ay-ba kasoo dhowdahay dowlada faderaalka, ee ku saleesan hal cod iyo hal cod, taasoo hada ififa-faalaheeda muuqan, hadeysan muuqan sidii looga fakari lahaa waddadii kale ee Soomaaliya, doorashadeeda ku dhici lahayd maadaama ay qar soo-saaran tahay udiyaar garow-geedii arrimahaas waxay kamid ahaayeen arrimihii laga wada hallay”. Ayuu yiri Wasiir Dhabancad. Puntland ayaa todobaadkii tegay magacowday Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay sidii la’isu waafajin lahaa doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhex jira guddiga qaban qaabada shir dib u heshiisiinta Galmudug. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa u kala qeybsamay lix iyo lix, waxeyna hadda Dhuusamareeb ka kala daganyihiin labo xarumood. Sidoo kale waxaa maanta soo baxay war sheegaya in xubnaha guddiga garabka raacsan guddoomiyaha guddigaas Baadiyow, kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb inay guddiga uga saareen xoghayaha guddiga Cabdikaafi Maxamed Maxamuud. Cabdikaafi ayaa ah wasiirka qorsheynta Galmudug, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, iyadoo loo magacaabay xoghayaha guddigaas. Mar uu warbaahinta lahadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayuu sheegay inaysan jirin cid ka saari karta guddiga, isagoo daaha ka qaaday khilaafka ka dhex jira guddiga dib u heshiisiinta Galmudug. Waxa uu sheegay in arinta ugu weyn ee khilaafka ka dhex dhalisay xubnaha guddiga ay tahay, kala aragti duwanaasho ku saabsan inta maalin ee uu soconayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyo in shirkaas lagu casuumo beesha ku shirsan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Xubnaha guddiga ee loo xilsaaray qaban qaabada shirka ayuu sheegay inay iyagu u baahanyihiin dib u heshiisiin, isla markaana aysanba badan kood khibrad u laheyn howshii loo igmaday. Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka iyo xubno kale ayuu shegay inay Dhuusamareeb ka wadaan arimo ku saabsan afkaaro diimeed iyo siyaasado guracan, oo aan sal ku laheyn howshooda dib u heshiineed. Shirka dib u heshiisiinta Galmuug ayaa waxaa uu markii labaad dib uga dhacay waqti loo asteeyay inuu ku furmo, waxaana ilaa hadda la shaacin waqtiga uu furmayo, iyadoo inta badan Ergadii ka qeyb galaysay ay gaareen magaalada Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha shirkaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in halka uu kafurmi la’ayahay shirka Dhuusamareeb ay tahay khilaaf ka dhex jira dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna oo xubnihii guddigaas oo la kala saftay. Xoghayaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud iyo 5 xobnood oo kale ayaa la saftay garabka Ahlu-Sunna, oo DF ku eedeysay inay uga baxday heshiisyadii ay la gashay. Sidoo kale guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow iyo 5 xobnood oo kale ayaa iyaguna ku garab noqday DF, waxeyna si cad uga hor yimaadeen rabitaanka Ahlu-Sunna, iyagoo dajiyay qorshe ah in shirka Dhuusamareeb lagu soo gaba gabeeyo 5 maalmood gudahood, ayna daah furaan culumo uu hoggaminayo Sheikh Bashiir Axmed Salaad. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka. Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka. Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka. Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka. Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland, ee soo dhammaystay dugsiyada sare, si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka. Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland, isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland, si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhugay. Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tashi ah loo dhisayo. Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World Oo Faa’iido Badan Heshay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dib u celiyay hanti isugu jirtay hub iyo gaadiid oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ahaa agaasimihii Guud ee Nadaafadda Gobalka Banaadir. Sidoo kale Taliska Booliiska ayaa tababar u furay askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane, kuwaas oo hadda ku jira Dugsiga Tababarka Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye, sida ay ogaatay Caasimada Online. Qaar kamid ah ehelada Marxuum Xalane ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo soo celiyay hubkii iyo gaadiidkii islamarkaana ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in laga iibin doono Carruurta agoonta ah hubkaas maadaama uusan waxba u tareyn islamarkaana aysan habooneen in Sharci darro ah magaalada lagu sii heesto. Hadda waxaa gacanta ku haya hubkii Marxuum Xalane dhalinyaro katirsan Milateriga Soomaaliya oo qaarkood ay Saraakiil yihiin kuwaas oo la sheegey in ay walaalo yihiin Cabdifitaax Cumar Xalane. Arintaan ayaa timid kadib markii maalmo ka hor ay Caasimada Online baahisay in Dowladda Soomaaliya ay qaadatay hub uu ka dhintay Marxuuma Xalane oo ku dhintay gacanta Al-Shabaab. Xog: DF oo la wareegtay hanti ay leeyihiin agoonta Cabdifitaax Cumar Xalane Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Tehran)-Dalka Iran ayaa ganay gantaal cusub oo ay tijaabinayaan, sida uu sheegay Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran oo ay soo xigatay Wakaalada wararka ee dalkaasi ee Tasnim. “Dalkeenu badanaa waa meel soo bandhigta tijaabada hanaan kala duwan oo difaaca ah iyo hanaanka istaraatajiyada, mana joojinayo talaabooyinka lagu kobcinayo awooda dalka,” sidaasi waxa yidhi Major General Hossein Salami, waxaanu intaasi ku daray “ Maalintii shalay waxay ahayd maalin guul u leh qaranka,” ayuu yidhi Generalku isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya tijaabada gantaalkaasi. Maalintii khamiistii ayay ahayd markii Iran ay soo bandhigtay Gantaal ay ku qeexday inuu yahay nooca ridada dheer oo lagu sameeyey ama lagu dhisay gudaha dalka, kaas oo ah gantaal loogu talo galay hanaanka difaaca ee dalka. Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ka baxay heshiis caalamiya oo Iran lagula galay Barnaamijkeeda Hubka Nuclear-ka inay hakiso taa badalkeedana cunaqabataynta laga qaado dalka Iran. Waxaanay mudadii u dambaysay labada dal ee Iran iyo Maraykanku ay isdhaafsanayeen hanjabaado tiro badan, waxaanay caalada labada dal ay cirka isku shareertay markii Iran ay soo riday diyaarad drone ah oo nooca wax basaasta ah oo lala beegsaday hantaal bishii June. Source
-
Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka. Kulanka uu guddiga la yeeshay ururada siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga KMG ah ee Diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa waxyaabaha ay ka qabaan ururada siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka. Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay ururada siyaasadda ee ka jira dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha shacabka. Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka. Ugu dambeyntii guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka uga wada hadlayaan. PUNTLAND POST The post Guddiga diyaarinaay Sharciga doorashooyinka iyo ururada siyaasadda oo kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-24082019.mp3 View the full article
-
Xulalka 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo ka tirsana tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa ku qaatay garoonka Asmara ee caasimada wadan Eritrea. .Labada xul ayaa qeybta kowaad soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo aysan iska dhalin wax gool waxaana kulanka kasoo qeybgalay taageerayaal aad u badnaa. Markii leysku soo laabtay dheesha qeybta labaad labad dhinac ayaa iska dhaliyay min gool,iyadoo ciyaarta waqtigii looga talagalay ay kusoo idlaatay barbaro 1-1 oo ay ku heshiiyeen Soomaaliy iyo Eritrea. “Waxaan soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,balse nasiibka ayaa noqday in aan ku dhamaysano barbar 1-1 waxaan ku faraxsanahay bandhiga aan soo bandhigay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Maxamed Aadan oo ka tirsan xulka Qaranka 15 Jirada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) oo 17-kii Bishan dadweyne Soomaaliyeed kula hadlayay dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay doodda Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka dambeeya qaraarka 1267. Qaraarkan oo Kenya ay dooneyso in lagu daro Al-Shabaab ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya, oo rumeysan in laga leeyahay ujeeddo aan Shabaab ahayn. Danjiraha ayaa is-weydiiyay sababta ciidanka Kenya ay u daawanayaan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo ee ay Al-Shabaab ay lacagta uga badan kasoo gasho, haddiiba ay doonayaan oo ay daacad ka tahay in la cunaqabateeyo Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heyso sawirro caddeynaya dhuxul laga dhoofinayo koofurta Soomaaliya, ciidanka Kenyana korjoogaan oo ay daawanayaan, islamarkaana ay Al-Shbaaab dhaqaale ka helayaan. Danjiraha ayaa sheegay doodda Kenya aysan ahayn Al-Shabaab balse ay tahay in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah haddii Al-Shabaab lagu daro qaraarka 1267, ay qatar ku tahay dadka ku nool degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab oo aan gargaar la gaarsiin doonin haseyeeshee hadda la gaarsiiyo. Waxa uu sheegay in taas ay la qabaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah oo warqad ay kaga soo horjeedaan qaraarkan u diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Ka sokow arrimaha gargaarka, qaraarkan ayaa Kenya ay uga faa’iideysan kartaa inay ku beegsato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, kulana wareegto, iyo xawaaladaha oo aan awoodi doonin inay lacag gaarsiiyaan shacabka ku nool goobaha ay haystaan Shabaab. Inkasta oo qaraarkan u muuqda mid Shabaab ka dhan ah, haddana xaqiiqda ayaa ah inuusan shaqo ku lahayn Shabaab, balse uu yahay mid lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana caddeynta ugu weyn ay tahay sababta Kenya ay ololahan hadda u billowday, ayada oo markii ugu horreysay uu golaha ammaanka ansixiyey 15-kii October 1999-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad aqoonyahan ah oo caan ka ah dunida ayaa jawaabo ka bixiyay maqaal lagu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Mail oo uu ku sheegay in Somaliland tahay dal dagaal ragaadiyay. Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dawladda Maraykanku ay dal-ku-galkeeda u diiday gabadh ay isku lammaanyihiin Raysalwasaaraha Ingiriiska oo kal hore socdaal ku timid Somaliland lana kulantay Madaxweyne Biixi. Sababata dal-ku-galka loogu diiday ayuu wargeysku ku sheegay booqashada ay ku timid Somaliland. Hase yeeshee shakhsiyaad caan ka ah dalka Ingiriiska iyo dalalka reer Yurub iyo weliba Maraykanka oo la ixtiraamo ayaa cambaareeyay go’aanka Maraykanku dal-ku-galka ugu diiday gabadhaas iyagoo sidoo kale wargeyska ku cambaareeyay kelmada uu Somaliland u adeegsaday ee ah dal uu dagaal ragaadiyay, markii uu ka hadlaayay booqashada ay gabadhaasi ku timid Somaliland. Stephen Doughty MP Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, socdaalana ku yimid Somaliland ayaa bartiisa twitterka wuxuu ku qoray “Donald Trump si wayn ayuu ugu khaldan yahay siyaasadan, balse sidoo kale Daily Mail sida ay hadalka u dhigtay waa si qaloocan oo aan sax ahayn. Somaliland maaha dal dagaal ragaadiyay. Waxaan ku tegay sanadkii hore halkaas [Somaliland] safar guul ah aniga oo la socda xildhibaan Liz McInnes iyo xildhibaan Matthew Offord. Waa meel horumar leh oo dadka soo dhowaysa.” Michael Walls Mr. Michael Walls oo ahaa madaxii horkacayay goob-joogayaashii doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland, aqoon badana u leh Somaliland ayaa isagoo xoojinaya qoraalka xildhibaan Stephen, wuxuu isna twitterka ku qoray oo uu yidhi “Si buuxda ayaan kuugu raacsanahay; Somaliland waa ka dheer tahay dal dagaal ragaadiyay. Tani waa tusaale kale oo muujinaya sida qaar ka mid ah siyaasadaha caalamiga ah iyo suxufiyiintu ay u abuurayaan natiijooyin khaldan iyaga oo si joogto ah uga been sheegaya xaqiiqda. Booqo Somaliland si aad adigu indhahaaga ugu soo aragto.” James Carver James Carver oo ah siyaasi caan ka ah Ingiriiska, horena uga tirsanaa Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa wuxuu isaguna bartiisa twitterka ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu rajaynayo in maqaalka uu wargeysku qoray uu Somaliland faa’iido u leeyahay kana caawin doono aqoonsi raadiska, isagoo xusay inuu Somaliland socdaal ku yimid 5 jeer, waxaanu isweydiiyay inuu baajiyo socdaal u qorshaysan inuu Maraykanka ku tago, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynayaa in arinkani uu ku soo jeediyo indhaha dedaalka socda ee xaqa ah ee loogu jiro sidii ay Somaliland dib ugu heli lahayd aqoonsi caalami ah. Dalkan quruxda badan ee nabadda ah waxaan booqday shan jeer. Malaha waa inaan baajiyaa qorshahaygii ahaa inaan safar ku tago Maraykanka.” Michael Rubin Michael Rubin oo isna ah khabiir Maraykan ah ayaa qoray qormo uu kaga hadlay sababta uu Maraykanka uu haweenaydaas ugu diiday dal-ku-galka ee ah inay booqatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay nacasnimo cadaan ah, “In lagaga horjoogsado lammaanaha Boris Johson Maraykanka waxay booqatay Somaliland waa nacasnimo cadaan ah.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa Maalmihii u dambeeyay soo baxayey Warar sheegaya in Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay Idaacad ku rakibeen Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada London. Idaacaddan oo Wararka sheegayaa soo badanayeen ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu waydiiyeen waxay Xukuumad ahaan kala socdaan, waxaanu Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayaa uu sheegay in aanay maqal wax Idaacad ah oo Maamulka Puntland keenay bariga Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey waxa ka jira in Puntland keentay Idaacad Bariga Gobolka sanaag ayaa yidhi “Idaacaddaas maanaan maqal, haddii la idinku yidhina waynu dooni, welise annagu ma hayno..” Source